Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Go’aanka Golaha Wasiirada DFS ee ku aadan dhererka xadka badda Soomaaliya:-Warsaxaafadeed.

$
0
0

Shir Maanta Golaha Wasiirada ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayey ka soo saareen Go’aan ku saabsan Arrimaha Badda Soomaaliya.
Qodabada  ka soo baxay Kulanka Golaha Xukuumadda ayaa u qorraa sidatan.
Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay ayid-san-tahay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliyeed uu gaaray August 1, 2009, ayna xildhibaanadu ku diideen is-fahmakii doodda looga furayey xadaynta biyaha badda Soomaaliyeed. Is afgaradkaas oo dhacay April 7, 2009 ayana magaalada Nairobi Kenya ku saxiiiseen Wasiirkii Xiriirka Caalamiga ee DFKMG iyo Wasiirka Arrimaha Didabadda ee Kenya. Is afgaradkan ayuu baarlamaanka Soomaaliya ku sifeeyay waxba kama jiraan (Null & Void).
Sida ku cad qoraalkii ka soo baxay Qaramada Midoobay March 12, 2010 ee ay ku cadeeyeen in Is-fahamka (MOU) dhex maray DFKMG iyo Kenya uu yahay mid aan la cuskan karin ka dib markii Baarlamaanka Federaalka ku meelgaarka uu diideen is-afgaradkaas, sidaas daraadeedna waa in loo tixgeliyo mid aan lagu hawl geli karin ama la cuskan karin.
Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda “territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran.
Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay cadeyneysaa inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u qeexida iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.
Dhanka kale dawladda Soomaaliya waxay cadeyneysaa inay ka go’antahay xoojinta cilaaqaadka iyo iskaashiga labada dal ee soo jireenka ahaa. Waxayna dawladdu soo dhawaynayaa wadashaqeynta labda dawladdood ee la xiriira dhanka dib-u dajinta qaxootiga Soomaaliyeed iyo xoojinta amaanka xuduudaha labada dal wadaagaan.
DHAMAAD


Somalia: Xuduudaha Baddeenu Gorgortan Ma leh

$
0
0

Dawladda Soomaaliya ee federaalka ah, ayaa sheegtay inaysan ka galaynin wada hadal cusub badda Soomaaliya gaar ahaan dib-u-qeexidda iyo xadeynta xeebta Soomaaliya.

UK replaces its Ambassador to Somalia

$
0
0

06/06/2013 Mr Neil Wigan has been appointed Her Majesty’s non-resident Ambassador to Somalia.
He will succeed Mr Matt Baugh, who will be transferring to another Diplomatic Service appointment. Mr Wigan will take up his appointment during June 2013.
Mr Wigan joined the FCO in 2000 and has worked on several countries afflicted by conflict, most recently as Her Majesty’s Ambassador to the Democratic Republic of Congo for the last three years.
On his appointment as Her Majesty’s Ambassador to Somalia, Mr Wigan has said:
I am delighted and proud to be appointed at this critical moment in Somalia’s history. Somalia has made great political and security progress in recent years, with Al Shabab driven from many major cities, and with a new and legitimate government having taken office.
The UK has played a major role in supporting this progress, demonstrated by the 2013 Somalia Conference in London, chaired jointly by Prime Minister David Cameron and President Hassan Sheikh Mohamud. Many challenges remain, and I look forward to working on them. I also look forward to working in the new British Embassy in Mogadishu, re-opened in April 2013 after being closed for 22 years.
 

Golaha Wasiirada oo ka dooday qaabkii dowaladu wada shaqayn ula yeelan lahayd xafiiska cusub ee UNSOM.(sawiro)

$
0
0

Muqdisho, Jun, 06, 2013…Gollaha Wasiiradda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), waxaana shirka looga hadlay qaabkii loola shaqayn lahaa UNSOM, Hindiso Sharciyeedyo ay soo gudbiyeen Wasaaradaha Ganacsiga iyo Khayraadka Dalka.
Shirkaan oo socday saacado badan ayaa markii uu soo idlaaday waxaa saxaafada la hadlay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdullaahi Cilmooge Xirsi.
“Gollaha Wasiiradu waxay ka wada hadleen isbadalka lagu sameeyey xafiiskii siyaasada Qaramada Midoobey u qaabilsanaa Soomaaliya UNPOS oo markii hore shaqadiisu ahayd arrimaha siyaasadda, hada xafiiska cusub ee UNSOM shaqadiisu waxay noqonaysaa dib-u-dhiska dalka, xariirinta gargaarka, iyo isagoo dowladda kala shaqaynaya arrimaha maamul wanaaga, waxaana 24 bishaan dhacaya shir tafaasiil dheeraad ah looga bixinayo wada shaqaynta dhex maraysa dowladda Soomaaliya iyo xafiiska cusub ee UNSOM” ayuu yiri Wasiirku.
Sidoo kale golaha Wasiiradda ayaa ka dooday hindise sharciyeed ay Wasaaradda Ganacsiga soo gudbisay kaas oo ka hadlaya qaabka loo wajahayo maalgashiga hadii uu noqon lahaa midka ay samaynayaan ganacsatada shisheeyaha ah iyo ganacsatada Soomaaliyeed, taas oo saamayn weyn ku yeelanaysaa kor u qaadida dhaqaalaha dalka, kuna dhiiri galinaysa maalgashiyaasha shisheeya inay dalka yimaadaan mar hadii uu jiro sharci lagu dhaqayo, waxaana uu goluhu si buuxda isugu raacay hindise sharciyeedkaas, iyadoona dhawaan loo gudbin doono gollaha Baarlamaanka.
Ugu danbayntii Gollaha ayaa ansixiyey hindise sharciyeed ay soo gudbisay Wasaaradda Khayraadka Dalka kaas oo ah sharci lagu dhaqayo kaluumaysiga dalka. Waxaa sidoo kale golluhu iftiimiyey soo celintii maamulka hawada Soomaaliya inay ahayd arin horumar u ah dhamaan shacabka Soomaaliyeed, dhaqaalaha ka soo baxa hawada Soomaaliyana loo qaybin doono si siman dhamaan goboladda Dalka.

Buraannews.com- Muqdisho
Reporter 1
Somjornalist@gmail.com
 
 

Britain oo Danjire Cusub u Magacaawday Somalia

$
0
0

Mr Neil Wigan ayay dawladda Britain u magacawday inuu noqdo Danjiraha cusub ee Soomaaliya wakiilka uga noqon doona, balse waxa uu fadhigiisu noqon doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Laba Wiil oo Walaalo ah oo lagu Dilay K/Afrika

$
0
0

Warar ka imaanaya dalka Koofur Africa ayaa sheegaya in laba dhalinyaro ah oo Soomaali ah oo ilma adeer ah xalay lagu dilay gobolka Limpopo ee dalka Koofur Afrika. Dhinaca kalena dad Soomaali ah ayaa banaanbax ka dhigay dibadda baarlamaanka dalkaas.

Askeri ka warramaya dagaalkii Mau-Mau

$
0
0

Kacdoonkii xornimodoonka qowmiyadda Mau-Mau kala hortagtay ciidankii boqortooyada Ingiriiska ee xukumayay dalka Kenya 1950-yaddii.

Danjiraha Britain Baugh oo la beddelay

$
0
0

Danjire Matt Baugh oo dowladda Britain wakiil uga ahaa Soomaaliya ayaa haatan jagadaas laga beddelay.


Laba Kooxood oo ku Dagaalamay Kismaayo

$
0
0

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray ciidamo kala taageersan Axmed Madoobe iyo Iftin Xasan Baasto, dagaalka waxaa ku dhintay ilaa 3 qof, xaaladda magaaladuna haatan way kacsan tahay.

Madaxweynayaasha Somalia oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka socda Kismaayo

$
0
0

Nairobi, 07 June 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamud ayaa aad iyo aad uga xumaaday dagaallo saakay ka dhacay magaalada Kismaayo, kuna baaqay in si deg deg ah loo joojiyo collaadaha iyo dagaalada Soomaalida dhexdeeda ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu horreyntii yir “ Waxaan tacsi kal iyo lab ah u direyaa intii ku geeriyootay dagaalkii saakay ee Kismaayo, ILLAAH-na uga baryayaa inuu janadii ka waraabiyo, eheledii iyo shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo iimaan ka siiyo. Sidoo kale waxaan EEBBE uga baryayaa in inta dhaawaca ahna uu u fududeeyo dhaawacooda.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa sheegay in waqtigan xasaasiga ah oo Soomaaliya ay ka soo kabaneyno dagaaladii 22ka sano inay nasiib daro tahay in Soomaali dhexdeeda is disho, waxuuna yiri “ Waxaan ku baaqayaa in xasiloonida la wada illaaliyo oo nabadeynta laga wada shaqeeyo. Dagaal shacab baa nooga dhinta oo qiimo iyo qaayo weyn noo wada leh.”
Madaxweynahu waxuu ku baaqay in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay ka fogaadaan wax walba oo keeni kara collaad, dagaal iyo dulqaad la’aan. Madaxweynahu waxuu yiri “Dowladdu waa ay ka go’antahay inay wadahadal, dib-u-heshiisiin iyo si soomaalinimo ah ku wajahdo, kuna dhameeyso dhammaan khilaafka jira si aan u wada gaarno himilada aan wada hiigsaneyno ee ah in Soomaaliya ay cagaheeda isu taagto, lana tartanto caalamka kale.” Ayuu madaxweynahu ku soo gabogabeeyey hadalkiisa.

CLICK

$
0
0

Dhulka qaboobaha ah oo beytariyadu hore ugu dhammaadaan iyo qodobbo kale

Dagaal maanta Kismaayo ka dhacay

$
0
0

Tiro dad ah ayaa ku dhimatay dagaal maanta magaalada Kismaayo gudaheeda ku dhexmaray maleeshooyin iska soo horjeeeda.

TACSI TACSI TACSI TACSI انا لله وانا اليه راجعون

$
0
0

1.       Jawaahir Maxamed Luunge
2.       Dr. C/nuur Xussen Maxamed
3.       Dr. C/casiis Cali Hiirad
4.       C/risaaq Xussen Maxamed
5.       Maxamed Ibrahim Qobey
6.       Ayeeyo Fadumo Jamac Cagey
7.       Xaawo Darmaan Faarax
8.       Eng. C/rashiis Xassan Dhaqane
9.       Ciiro Xassan Cali  
10.   Jabiye Xassan Darmaan
Waxay Tacsi Tiiraanyo leh U dirayaan Qoyski , Eheledi iyo Qaraabadi ay ka geeriyootay  Marxuumad Maryan Mosis Gul Maxamed oo ahayd xaaski Gen. Maxamed  Abshir Muuse  Mataan  oo dhowaan ku geeriyootay Magaalada Miniapolis dalka Maraykanka Inuu  ilaahey Samir iyo iimaan ka siiyo Naxariistiisa  Jano firdowsa ugu bishaareeyo Aamiin .. Aamiin… Aamiin

Abu Khadeejah's Speeches on The Deaths of Lee Rigby & Osama Bin Laden مرجئة العصر

Sh. Said Rageah - Ramadan Questions & Answers


Sheekh Axmed Madoobe oo ka hadlay dagaalkii Kismaayo iyo kulan xasaasi ah uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya

$
0
0

Axmed Maxamed Islaam {Modoobe} oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa kaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku adaan dagaalada ka dhacay magaalada Kismaayo iyo xiriirka maamulka Jubbaland kala dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shirka dhawaan lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho ee ay dowladda Soomaaliya sheegtay in loo qabanayo dadka ku nool gobolada jubbooyinka
Axmed Madoobe ayaa dagaalada ka dhacay Kismaayo waxaa uu ku eedeyay in ay ka dambeeyso dowlada federaalka Soomaaliya, gaar ahaan sida uu hadalka udhigay wasiirka gaashaandhiga Cabdi Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, “Dagaaladii ka dhacay Kismaayo waxaa soo qaaday ciidamo qabiileed ay soo abaabushay dowlada iyo Al Shabaab oo iyana aan tuhmayo in dagalaada ay soo galeen,waxaan jabinay dhamaan kooxahii nala dagaalamayay”ayuu  yiri Axmed Madoobe.
Shiikh Axmed ayaa sheegay in maamulkiisa uu yahay kan xaqqa ah ee ka jira Kismaayo, ayna gacan adag iyo hub ka dhigis ku sameyn doonaan dhamaan madaxweynayaasha kale ee sheegay in loo doortay maamulka Jubooyinka, Axmed Madoobe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegaya inuu tanaasulaad ka sameyn doono sheegashadiisa Madaxweynaha Jubbaland, wuxuuna yiri “Waan taageersanahay dowlada dhexe lakiin waa in ay ogolaato maamulka Jubbaland,waayo dhaqaalo badan ayaa inooga baxay”.
Waxaa uu sidookale sheegay in madaxweyne Xasan shiikh oo ay ku kulmeen Nairobi, ka wada hadleen arrimo badan oo ay ugu horeyso arrinta Jubbaland ayna isku raaceen in khilaafaadka lagu xaliyo shirka lagu wado in uu Muqdisho ka dhaco dhawaan.isagoo xusay sida uu yiri in shirkaasi uusan aheyn mid meesha looga saarayo maamulka jubbaland ee uu isagu madaxda ka yahay balse buu yiri shirkaasi loo wada hadli doono dowladda iyo Maamulkiisa.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Madaxweyne Xasan Sheekh: Dagaalka ka socdo Kismaayo yeysan ka faa’ideysan Al Shabaab ee ha la joojiyo

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu ku Baaqay in la joojiyo Dagaallada ka soo Cusboonaaday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose kuwaasi oo u dhexeeya Madaxweynayaal Sheegtay in ay Madax ka yihiin Gobolada Jubbooyinka.
Madaxweynaha ayaa waxa uu Sheegay in Dagaaladaasi ka socda Kismaayo hadii ay sii socdaan ay Fursad u noqon karto Ururka Al Shabab in Weeraro ay ku Qaadaan Deeganno gacantooda Laga bixiyay sida uu tilmaamay.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxaweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hadalkiisa sii Wata ayaa waxa uu Carabka ku adkeeyay in Shacabka Soomaaliyeed ay ka soo daaleen Dagaal Sokeeye hadana aysan dooneyn in dib ay ugu laabtaan isagoo Dhinaca kale ku baaqay in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka Ururka Al Shabaab iyo Al qaacidada Soomaaliya .
Madaxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay ugu Baqaay in la joojiyo Dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose hasa ahaatee Dhinacyada ku dagaalamaya Magaalaadaasi ayaanan Dheg jalaq usiineen Baaqyada ka soo baxaya Dowladda Soomaaliya iyo Waxgaradka kasoo jeeda Deegaanada Jubbooyinka.

Wasiirka arrimaha dibadda Koonfur Africa:- Soomaalidu waxay gacan naga siiyeen dagaalkii midab kala sooca, waana inaan…

$
0
0

Dowlada dalka Konfur Africa ayaa markii u horeysay si adag uga hadashay dilalka soo noqnoqda ee lagula kaco Soomaalida ku nool alka Koonfur Africa.waxaana arrintaasi ka hadashay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Konfur Africa Maite Nkoana-Mashabane  oo sheegtay inaysan dowladdeedu raalli ka aheyn weeraradaasi sida ay tiri waxayna eedeeyn kulul u jeedisay  falalka wuxushnimada ah ee Soomaalida lagula kaco.
“Waxaanu ereyda ugu adag ku dhaleeceynaynaa dilalka iyo weerarada foosha xun ee lagula kacay ganacsada Soomaalida ah”ayey tiri wasiiradu oo ka hadlaysay, cajalad muuqaal ah laga duubay dad u dhashay koofur afrika oo si fool xun u  dilaya nin Soomaali ah oo meherad ku heystay magaalada Cape Town.kaas oo dhagax nafta looga qaaday
“Konfur Africa waxa ay ka dhexeysaa inta ku wada nool,sidaa awgeed waanu ka xunahay dilalka foosha xun ee soo noqnoqda” ayey tiri Marwo Maite oo intaasi ku dartay “Soomaalidu waxa ay ka mid yihiin dalalkii reer Africa ee gacanta naga siiyay halgankii aanu isga tuurnay heeryadii midab takoorka dalkeena”, hadalkan ka soo yeeray dowladda Konfur Africa ayaa imanaya ka dib kolkii dawlada Soomaaliya ay ka dalbatay in la sugo amaanka Soomaalida dalkaasi ku nool.waxaana wali ka dhacaya meelo ka mid ah dalka k/afrika dhac iyo dilal loo geysanayo dadka soomaalida ah ee ku nool dalkaasi.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Maamulka Somaliland oo xabsiga dhigay mid ka mid ah naadiyaddii ciyaaraha Gobalada maamulkaasi

$
0
0

Waxaa shalay xabsiga la dhigay guud ahaan kooxdii ku ciyaaresay magaca gobalka Togdheer ee maamulka Somaliland xilli la isu  diyaarinayey in ay dheesho lugtii labaad ee ciyaaraha gobolada maamulka Somaliland oo hadda Hargeysa ka socda, xariga kooxdaan ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii la ogaaday xurguf kooxda dhexdeeda ka jirtay oo sababtay in la waayo hal tiim oo isku xiran oo u ciyaara gobolka maadaama ay xafad axaafad u kala safteen ,iyadoo xallinta arrintaasi markii dambe ay gaartay wasiirka cayaaraha oo isna xalinwaayey kadib uu goobtaasi ka dhacay dhaxtuur iyo buuq wasiirka khudhiisa lagula kacay  taas oo sababtay in kooxdii ku ciyaaraysay magaca gobolka togdheer xabsiga la dhigo.
Wasaarada Sport-iga Somaliland ayaa waxa ay sheegay in kiiska kooxdaasi ay gacanta ku heyso masuuliyiinta anashaxa u qaabishan wasaarada ayna go’aan ka soosaari doonaan sida laga yeelayo.iyadoo labadii dhibcood ee ciyaartii shalay baaatayna la sii yeey kooxdii ka socotay gobolka sool kadib markii ay garoonka ka soo xaadiriwaayeen kooxdii ay laciyaarayeen ee ka socatay goblka togdheer, waa markii ugu horeysay ee koox dhan oo ciyaar la heyd xabsi lagu guro si kadis ah xilli ay waliba daqiiqado ka dhinaayeen bilabashada ciyaar ay ku balanasanaayeen.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku tilmaamay war ka soo yeeray maamulka Jubbaland

$
0
0

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi ayaa beeniyay warar sheegaya in Kismaayo uu isaga baxay, kadib markii Sarkaal u hadlay Raaskambooni uu sheegay inuu isaga cararay magaalada, Mr. Fiqi oo la hadlay Laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa sheegay inuu ku sugan yahay magaalada, isla markaana uu wato howshiisa.
“Warkaas waa waxba kama jiraan, magaalada ayaa ku suganahay”ayuu yiri Fiqi oo mar la weydiiyay in Taangiyo ay leeyihiin Ciidamada kenya lagu waardiyeynayo, isagoo sheegay in Mandate-kooda yahay, C/xakiin Fiqi ayaa dhinac isaga riixay eedeyn ay u jeediyeen maamulka magaalada Kismaayo oo ah inuu abaabulayo dagaalka, isla markaana warkaas yahay mid ay ku qarinayaan dagaalka ay qaadeen.
“Waa wax aan sal iyo raad laheyn, warkaas waxay ku qarinayaan dagaalka ay qaadeen oo ay ku andacoonayaan, maxaa yeelay dadka dagaalamaya waa kuwo sheeganaya madaxweyne inay yihiin dowladdana ma aqoonsano”ayuu yiri C/xakiin Maxamuud Fiqi, C/naasir Seeraar oo ah Afhayeenka maamulka KMG ee Axmed Madoobe ayaa sheegay in C/xakiin Fiqi uu ka cararay magaalada, isla markaana magaalada ay si buuxda gacanta ugu hayaan.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live