Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Soomaaliya oo dib u heshay xubinimadii heshiiskii Lome, sheegtayna inay…

$
0
0

Dowladda Somaaliya oo 22 sano kadib, dib uga mid noqotay Heshiiska caalamiga ee waddamada Afrika Carribean and Pacific (ACP) iyo Midowga Yurub( EU) loona yaqaan COTONOU AGREEMENT kaas oo horey loogu magacaabi jiray  heshiiskii lome ama LOME Agreement, shirweynihii 38aad ee golaha wasiirada waddamada Africa, Carribean and Pacific iyo Midowga Yurub (EU-ACP) ayaa lagu qabtay 6-7 June 2013, magaalada Brussels ee dalka Belgium, waxaana looga hadlay codsi ay dowladda Federaalka Somaaliya ay hore u gudbisay, oo ahaa in dib loogu ogolaado ka mid noqoshada saxiixayaasha heshiiska Cotonou agreement oo ah heshiis wadajir ah oo u dhaxeeya wadamada saboolka ah ee Afrka- Carribean and Pacific iyo Midowga yurub oo la saxiixay 23 kii June sanadkii 2000.
Haddaba kulankaan oo ay shir gudoominayeen Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Dalka Botuswana Phandu SKELEMANI iyo Wasiirudowlaha Ganacsiga iyo Horumarint Dowladda Irelend  Joe COSTELLO ayaa lagu ansixiyey codsigii dowladda federaalka ah ee somaaliya ay hore u gudbisay. ka mid noqoshada heshiiskaan waxa ay dowladda Somaaliyeed fursad u siineysaa in ay hesho dhaqaalaha loogu talagalay mashaariicda horumarinta ( Development Projects ) oo ka baxsan deeqaha xaaladda biniaadanimo ee la siiyo wadamada soo koraaya.


Qaramada Midoobay oo ka hadashay dagaalada Kismaayo ka dhacaya,s heegtayna inay…

$
0
0

Ergeyga cusub ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa soo jeediyay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka maalintii labaad galay ee ka socda magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, waxaana sheegaynaa in dagaalada ka soo cusboonaaday Kismaayo si degdeg ah loo joojiyo.
Nicholas Kay ayaa u jeediyay dhinacyada dagaalamaya kismaayo in ay si nabad ah khilaafkooda ku dhameeyaan oo ay badbaadiyaan nolosha dadka rayidka ah.wuxuuna mar kale ku celiyay in xafiiskiisa uu dowr weyn ka qaadan doono xal u helidda arrimaha siyaasadda ee maamullada kala duwan ee Soomaaliya.
Ergeyga ayaa ku adkeeyay dowladda Soomaaliya in qabato shirka dib-u-heshiisiinta ee uu qabashadiisa ku taliyay urur goboleedka IGAD.isagoo yiri wuu dhamaaday waqtigii dagaalku, hadana soomaaliya waxay u jeesatay in dalkooda dhistaan, waana waajib in dagaalka la joojiyo si shuruud la’aan ah, waxaana dhinacyada dagaalamay sheegaynaa in dagaalka uu dad badani ku dhimanayo ayuu yiri Necolos Key.
Mr Joe Costello oo shirka ka dib ka hadlay shir jaraaid ayaa waxa uu yiri ” Heshiiska maanta aan halkaan ku gaarnay ee loo ogolaaday Somaaliya ka mid noqoshada heshiiska Cotonou, waxa uu bog cusub u furayaa Dowladda Federaalka ee Somaaliya iyo Midowga Yurub, taasina waxa ay tilmaan cad u tahay in Dowladda Soomaaliyeed ay si buuxda dib ugu soo noqotay kaalintii ay ku laheyd Bulshada caalamka”.
Dhanka dowladda Somaaliya waxaa kulankaas uga qeybgalay Safiirka dowladda Somaaliya u fadhiya wadanka Belgium iyo talyaaniga ahna wakiilka DFS ee midowga yurub Nur Hassan Hussein ( Nur Cadde), waxa uuna halkaas ka yiri erayo mahadnaq iyo soo dhaweyn isugu jira. Ambassador Nur Cadde waxa uu yiri ” Dowladda Somaaliya waa ay soo dhaweyneysaa goáanka taariikhiga ee halkaan lagu gaaray maanta,muddo labaatan sano ka badan ayaan ka maqneyn heshiisyada caalamiga ah , ha yeeshee maanta wixii ka danbeeya dowladda iyo shacabka Somaaliyeed waxa ay heystaa fursad u sahleysa dib u dhiska iyo horumarka wadanka”.
Heshiiskaan iskaashiga EU- ACP ee loo yaqaan Cotonou Agreement, waxaa saxixay in ka badan 79 waddan oo wadamada saboolka ee Afrika, Cerribeanka iyo Pacifigga iyo Midowga Yurb. Wadankii ugu danbeeyey ee ka mid noqda waxa uu ahaa South Africa. Dowladda Somaaliya hore ayey uga mid ahaan jirtay heshiiskaan ka hor 1991 oo loo aqoon jiray waagaas LOME Agreement, ha yeeshee sanadkii 2000 loo beddelay Cotonou Agreemnet.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Sarkaal Sare oo ka tirsan Raaskaambooni oo Goor dhow ku geeriyooday Kismaayo

$
0
0

Kismaayo-(Sh.M.Network)War Goor dhow na soo gaaray ayaa waxa uu tilmaamaya in Magaalada Kismaayo uu ku geeriyooday Taliyihii Ammaanka ee Raaskaambooni kaasi oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Cawil.
Sida ay ku soo warramayaan dad deegaanka ah Taliye Cawil ayaa ku dhaawacmay dagaalkii shalay ka dhacay Kismaayo iyadoo saaka uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.
Magaalada Kismaayo ayaa weli waxaa ka taagan xiisad xoogan oo u dhexeysa Maleeshiyaad hubeysan oo ku wada sugan Magaaladaasi kuwaasi oo kala sheeganaya Maamulka Gobollada La isku yiraa Jubbooyinka.

Dagaal ka dhacay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

$
0
0

Luuq-(Sh.M.Network)-Wararka ka imaanaya degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa ku soo warramaya in dagaaal qadhaad oo u dhexeeya Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al Shabaab uu ka dhacay duleedka degmadaasi.
Dagaalkaani ayaa waxa uu yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay howl gallo ka billaabeen Tuulooyin Hoostaga degmada Luuq halkaaso oo Weerar ay ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Al Shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhashay Khasaaro isugu Jirta dhimasho iyo dhaawac kuwaasi oo soo kala gaaray Labada dhinac  inkastoo aan la cayimin xaddiga khasaarahaasi
Ma jirto illaa haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay balse wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degmada Luuq ayaa tibaaxaya in deegaanadii lagu dagaalamay ay gacanta ku hayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe: Ma jiri doonto Cid aan ka ahayn Raaskaambooni oo hub ku dhex wadan doonto Kismaayo

$
0
0

Nairobi-(Sh.M.Network)-Sheekh Axmed Max’ed Islaam ( Axmed Madoobe ) Hoggaamiyaha Ururka Raaskambooni oo Shir Jara’id ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya isagoo ka hadlaya Arrimaha Jubbooyinka ayaa sheegay in uu Amar ku bixinayo in Magaalada Gudaheeda aaney jiri doonin cid hub ku dhex wadan karta oo aan ka ahayn Ciidanka Raaskaambooni sida uu hadalka u dhigay.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in hub fud fudud oo u sharciyeysan shirkadaha Ganacsiga oo kaliya loo ogolyahay in ay hub ku dhex haystaan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose isagoo cod dheer ku sheegay sida uu hadalka u dhigay in uu idlaaday waqtigii hub lagu dhex wadan lahaa Gudaha Magaalada Kismaayo.
Hoggaamiyaha Raaskaambooni ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Kismaayo ay ku dileen ku dhawaad 70 Askari oo ka tirsan Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay kadib dagaalkii u dhexeeyay Maleeshiyaadka Raaskaambooni iyo Maleeshiyaad kale oo taabacsan Madaxweynayaasha kale ee is Magacaabay isagoo carabka ku dhuftay in dagaalkaasi ay abaabushay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa wacad ku maray in ay sii wadayaan dagaal uu sheegay in ay ku cirib tirayaan Kooxo uu sheegay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab oo dowladda ay soo hubeysay sida uu hadalka u yiri.

Taliyihii Sierra Leone ee Somalia ku sugnaa oo la badalay.

$
0
0

Dawlada Sierra Leone  aya badashay taliyihii ciidamada Sierra Leone ee Soomaaliya qeybtana ka ah hawlgalka midawga Africa ee AMISOM General Mamadi Max’ed
 
Sida lagu qoray warbaahinta dalka Sierra Leone General Mamadi Max’ed ayaa looga yeeray caasimada wadankaasi waxaa warka lagu sheegay in laga qaaday xilka talyanimada ciidamada dalkaasi Soomaaliya ka jooga loona magacaabay agaasimaha waaxda qorsheynta iyo howlgalinta ee wasaaradda gaashaandhiga Sierra Leone sida warka lagu yiri.
 
Warbaahinta dawlada ayaa ku waramaysa in Jeneralkaan ujeedka xilka looga qaaday ay tahay in dawladiisu u baahatay.
 
Lama shaacin  sargaalka lagu badalay magaciisa hase ahaatee General Mamadi Max’ed waxaa uu xilka qabtay bishii October ee sanadkii hore.
 
Dalka Sierra Leone  ciidamo qeyb ka ah  howlgalka Midawga Africa ee AMISOM ayaa Soomaaliya ka jooga waxaa badankood ay ku sugan yihiin  magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbadda hoose.
 
Buraannews.com-Muqdisho

Shacab lagu weeraray degaanka Carmo

$
0
0

Wararka naga soo garaya Degaanka Carmo oo ka tirsan Deegaanaada uu Maamulka Puntland uu maamulo ayaa waxaa ay sheegayaan in gari ay saarnaayeen dad shacab ah ay kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan oo la sheegey in ay ka tirsanyihiin Ciidamadda Daraaishta Mamulka Puntland.

Waraku waxaa ay intaasi ku darayaan in qasaaro dhimasho iyo sidoo kale dhawaacba isugu jira ay sababeen werarka ay kooxa hubeysan ku qaaden gasrigaasi shacabka ay sarnayeen ee marayey deegaanka Carmo.

Yusuf Ahmed Ciise waa taliyaha Ciidamadda Puntland ee Deegaanka Carmo ayaa waxa uu sheegey in 3 ruuxna ay dhimatey 7 kalena ay dhaawacmeen oo dhamantoodba ahaa dadkii rakaabka ahaa.

Buraannews.com-Muqdisho

Ciidamo Ethiopian ah oo ku wajahan G-jubada dhexe.

$
0
0

Gudoomiyaha Degmadda Garbahrey ee maamulka Dowladda Soomaaliya iimaan Cadbow Kaarshe ayaa waxaa uu ka warbixiyey xaladaha amni ee Gobalkaasi isagoona sheegey in ciidamadda Ethiopia ee ku sugan Gobalka Gedo ay ku wajahanyihiin dhanka Gobaladda Jubboyinka.

Gudoomiyaha ayaa sheegey in bixitaanka ay ciidamadda ethiopia ka baxayaan aysan dhibaato ku noqoneyn bixitaanka ciidamadda ethiopia ee ku sugan Gobalkaasi isagoona sheegey in markii horeba shabaab ay iyagu ka sareen hadii ay ciidamadda ethiopia ay ka baxaana ay weli jogaan cidamadii shabaab gobalkasi kula dagaalamey sida uu isagu sheegey.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegey in ay iyaga iyo shabab ay weli cadawadii dhex tiiley ay weli dhaxtaal isla markaan waxaaa uu sheegey in ay weli la sii dagaalami doonan ilaa ay inta ka dhiman Gobalka ay la sii Dagaalami doonan.

Buraannews.com-Muqdisho


Arsenal Iyo Real Madrid Oo Loo Sheegay In Qiimaha Luis Suarez Ugu Ugu Yaraan Noqon Karo £40 Milyan

$
0
0

Liverpool ayaan texgelin doonin dalab kasta oo ka yar 40 milyan ginni oo u yimaada weeraryahanka doonaya inuu baxo Luis Suarez sida ay qortay The Sun.
Kooxaha Real Madrid iyo Arsenal ayaana haatan ku tartamaya saxiixa xiddiga reer Uruguay ee mudadii uu England joogay sameeyay waxyaabo badan oo muran keenay.
Gunners oo laga soo diiday dalab 30 milyan ginni ah, ayaa waxaa la sheegayaa inay la laaban doonto dalab 35 milyan ginni ah.
Laakiin sida ay The Sun sheegeyso jawaab la mid ah tii hore ayaya soo heli doonaan, iyadoo Reds aysan dooneynin inay qiimahaas iyo wax u dhow ay texgelin siiyaan.

Buraannews.com-Muqdisho

Jaalliyadda Soomaaliyeed Ee Birmingham Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyey Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Iyo Wafdigiisa

$
0
0

london-(Sh.M.Network)-Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo wafdi uu hogaaminayo ay socdaal shaqo ku joogeen boqortooyada Ingiriiska ayaa kulan la qaatay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Birmingham oo ah caasimadda Labaad ee Britain.
Xafaladdan soo dhaweynta ah oo ay Jaalliyaddu ugu talagaleen Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo Wafdigiisa ayaa aheyd mid loosoo agaasimay si heer sare ah ayadoo Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Birmingham ay si aad ah ugu faraxsanaayeen la kulanka wafdigan uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya, sidoo kalena kulanka waxaa kasoo qeybgalay dadyow Soomaaliyeed oo iyagu ka kala tagay magaalooyinka ku dhow dhow Birmingham.
Xubno u hadlay Jaalliyadda oo kulanka khudbaddo ka jeediyeen ayaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka uga mahad celiyey kasoo qeybgalka Xafladda waxaana ay dhanka kale xubnahaasi u hadlay Jaalliyadda aad ugu dheeraadeen sida ay u taageersanyihiin hanaanka uu xiligan u shaqeynayo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Birmingham sida ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa waxaana uu dhanka kale Mudane Mahad Cabdalla Cawad Jaalliyadda faah faahin ka siiyey sida ay u socdaan isbedellada Hormarineed ee dalka ka jira iyo guullaha sii kordhaya ee uu gaaray Baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Mudane Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa uu Jaalliyadda ku booriyey iney ka qeybqaataan hormarka Dowladnimo ee Dalkooda ka soconaya isagoo xasuusiyey Jaalliyadda iney waajib tahay in qof kasta oo ka qeybqaato hormarka Dowladnimada.
Habeennimada Jimcaha ee ay sabtida soo galeyso ayaa Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo wafdigiisa waxa ay kulan ballaaran la qaadan doonaan Jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London ee caasimadda dalka Britian.

Wasiirka arimaha gudaha Somalia oo manta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

$
0
0

Wasiirka arimaha gudaha Somalia Cabdi Karim Xuseen Guleed ayaa manta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu kasoo qeyb galay kulankii ka dhacay Istanbuul ee u dhaxeeyay Somalia iyo Somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in kulankasi uu ahaa mid qodoba wanagsan ay ka soo baxeen.
Wasiirka aya shegay in Mo’amar guled oo ah wasiirka arimaha gudaha Turkiga ay kasoo wada hadlen siiwadista iskaashiga labada dal iyo sidoo kale labada wasaradood.
Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Somalia ayaa hogaaminayey wafdigi dowlada Somalia u malaayey wadahadalada Somalia iyo Somaliland.

Buraannews.com-Muqdisho

Cabsi laga qabo dibedbaxyada Masar

$
0
0

Dhinacyada iska soo horjeeda ee Masar ayaa ku baaqay dibedbaxyo, waxaana laga cabsi qabaa in dibedbaxyadu isku beddalaan rabshado.

Qarax goor dhow laga maqlay Muqdisho.

$
0
0

Qarax xoogan  ayaa waxa laga maqlay magaalada Muqdisho,wararka aanu helayno ayaa sheegaya in gaari AMISOM ay leeyihiin la weraray oo qaraxaasi lala bartilmaamaysaday.
Dad gob jogayal ayaa sheegaya in ay maqleen qaraxaasi oo ay ku qiyaasen inuu ka dhacay agaagarka UNDP-da magaalada Muqdisho.
Gawaarida Ambalasta ayaa la maqlay oo kusii cararaya goobta qaraxa uu ka dhacay.
weli ma jiro qasaaro rasmi ah oo soo baxaya laakin tabakaayo halkasi ku taal ayaa lasoo sheegaya inay gubanayso
Buraannews.com-Muqdisho

UNESCO oo ku baaqday in la baaro tacadiyada ka dhanka ah Suxufiyiinta .

$
0
0

Haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan Sayniska waxbarashada iyo Dhaqanka ee marka Magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaanno UNESCO ayaa ku baaqday in Baaritaano dhab ah lagu sameeyo Dilalkii ugu dambeeyay ee lagula Kacay suxufiyiinta,lana horkeeno Cadaalada dambiilayaasha dilaya  Suxufiyiinta.
Waa mid  laga maarmaan ah in ay Suxufiyiinta u gutaan Waajibaadkooda qaran si Nabad galya ah, si Xaqiiqda jirta ugu Tabiyaan Bulshadooda sidaasi waxa yiri Agaasimaha guud ee Haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan Sayniska Dhaqanka iyo Waxbarashada ee  oo Lagu Magacaabo Irina Bokova,
Ms.Bokova ayaa intaasi ku dartay inay si wayn uga Walaacsanyihiin dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay wadamadad Soomaaliya Mexico iyo Ruushka, kuwaasoo loo  gaystay Suxufiyiin Howlahooda shaqo ku guda jiray.
UNESCO, ayaa sidoo kale sheegtay in dhibaatooyinka ka dhanka ah Suxufuyiinta ee la doonayo in lagu aamusiiyo warbaahinta xorta ah kuwaasoo bulshada u tabiya wararka muhiimka ah ay tahay arinaan  loo Dulqaadan karin, loona baahanyahay in wax laga qabto.
Haayada ayaa tusaale u soo qaadaatay dilkii ugu danbeeyay ee loo Gaystay Alle ha u Naxariistee Liibaan Abdullahi Farah oo ka howlgalayay Telifishinka Kalsan,sheegtayna in ay  aad ugu Murugaysan yihiin tacadiyaDA ay la kulmaan Suxufiyiinta Soomaaliyeed Kuwaasoo ka shaqeeya meesha ugu qatarsan Aduunka ee Suxufi uu ka shaqeeyo.
Mr,Bokova ayaa  ku eedaysay  dowlada Fedaraalka Soomaaliya in aysan wax dadaal ah ku bixin sidii loo xakamayn lahaa dilalka Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
UNESCO ayaa ugu  dambayn ka codsatay dhamaan dowladaha Caalamka in ay dabagal dheeraad ah ku sameeyaan Tacadiyada iyo Dilalka loo gaysto Suxufiyiinta Soomaliyeed iyo kuwa kale Ee Caalamka.
Hadalkaan kasoo baxay agaasimaha Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee  (UNESCO)  Irina Bakova ayaa kusoo beegmaya xilli  ay sii kordhayaan dilalka Gardarrada ah ee loo geysanayo Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo uu Ugu dambeeyey dilkii 7dii bishan magaalada Gaalkacyo ay koox Hubaysan ugu geysatay Alla ha u naxariistee Wariye Liibaan C/llaahi Faarax (Qaran) oo ka mid ahaa shaqaalaha Talafashinka Kalsan.

Weerar Ismiidaamin ah oo qasaaro geystay oo ka dhacay Agagaarka Xarunta UNDP ee Muqdisho [Sawirro]

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Weerar Ismiidaamin ah ayaa Goor dhow waxa uu ka dhacay Agagaarka Xarunta UNDP-da ee Magaalada Muqdisho iyadoo Inta La xaqiijiyay illaa 5 qof ayaa ku dhimatay oo ahaa dad wadadda marayay iyo kuwa Goobo ganacsi ku lahaa Goobta qaraxa uu ka dhacay
Weerarka oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo nuuciisu ahaa Camry sida lagu sheegay  ayaa Kolonyo Gaadiid ah oo ay wateen AMISOM bartamaha u galay islamarkaana is qarxiyay Inkastoo Ciidamada AMISOM ee lala damacsanaa weerarka uusan wax Khasaaro ah ka soo gaarin weerarka hayeeshe waxaa Khasaaro xoogan uu soo gaaray dad shacab ah oo goobta ka ag dhawaa.
Dadkaan qaar ayey Wariyayaasha Shabelle arkeen  Hilbahooda oo Cad cad u daadsan Goobta uu qaraxu ka dhacay iyadoo sidoo kale goobta laga qaaday dad dhaawacyo  kala duwan uu ka soo gaaray Qaraxaasi.
Gaariga Qaraxa geystay ayaan la arkin waxRaadkiisa muujinaya  ama qalfooftiisa kaasi oo gebi ahaan ku dhex milmay Xarumaha ganacsi ee wadada uu qaraxa ka dhacay ku yiillay.
Xaaladda ayaa iminka Degan waxaana Goobta uu qaraxu ka dhacay Soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo wadada xiray waxaana sidoo kale goobta laga qaaday dadkii  dhaawacmay.

 


Hay’adda MSF oo Kenya uga digtay celinta qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkeeda, kana dalbatay…

$
0
0

Hay’ada dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa ugu baaqday dowlada dalkani Kenya in aysan rarin qaxootiga soomaalida ah eek u jira xarooyiinka qaxootiga ee Dadab, MSF ayaa bayaan ay manta soo saartay waxa ay ku sheegtay in ay xili hore tahay in qaxootiga lagu celiyo Soomaaliya.
MSF ayaa bayaankeeda ku nuuxnuuxsatay in xaalada amaanka ee Soomaaliya ay wali tahay mid aan wanaagsanayn, “Elena Vellila,oo ah madaxa MSF ee Kenya ayaa waxa ay sheegtay in adeegyada asaasiga ah ay wali yihiin kuwa aysan qaxootiga ka heli Karin Soomaaliya.
Dowlada Kenya ayaa bilooyiinkii ugu danbeeyay waday qorsha ay ku doonayso in qaxootiga Soomaalida ee ah ku jira xarooyiinka ay dib ugu celiso dalka Somaaliya, xarooyiinka qaxootiga ee Dadab ayaa waxa ku jira qaxooti gaaraya 600,000 oo Soomaali ah kuwaasi oo qaarkooda ay xarooyiinka ku sugnaayeen in ka badan 20 sano.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Dooni xalay ku degtay dekadda Berbera, maamulka Somaliland oo ka hadlay iyo wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay

$
0
0

Dooni yar oo lagu magacaabo Al-baxar oo laga leeyahay dalka Yeman ayaa xalay ku degtay marsadda dekada magaalada Berbera ka dib markii ay biyaha baddu galeen, isla markaasna dalooliyeen, sidaasna waxa shaaca ka qaaday maareeye ku xigeenka dekadda Berbera Cumar Abokor Jaamac oo warbaahinta uga warbixiyey xaaladda doonta.
Maareeye Ku xigeenka dekadda Berbera Cumar Abokor Jaamac oo xalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxa uu tilmaamay in lagu guulaystay hawl-gal ay sameeyeen hawl-wadeenadda dekaddu isla markaana lagu guulaystay in la bad-baadiyo shixnad sigaar ah oo ay doontaasi u qaadaysay dalka Yeman.
“Doontan oo la yiraahdo Al-baxar lagana leeyahay dalka Yeman waxay degtay xalay markii biyo u galay ay dalooliyeen, waxase nasiib wanaag ah inaanu ku guulaysanay hawl-gal ay ka qeyb qaateen shaqaalaha dekadda iyo ciidamadda Ammaanku oo aanu bad-baadinaya hawl-wadeenadii doonta iyo badeecaddii ku rarnaydba oo aanu wax khasaare ahi gaarin,”ayuu yiri Maareeye Ku xigeenku.
Cumar Abokor Jaamac waxa uu ammaanay ciidamaddii iyo shaqaalaha dekadda ee ka qeyb qaatay badbaadintii doontaasi,wuxuuna intaasi ku daray inay u jiideen doontaasi oo baaba’day barxadda la dhigo markaakiibta Iskaraabka ah, shixnadda sigaarka ah ee ay qaadaysay doonidaasi degtay ayaa la sheegay inay lahaayeen Ganacsato reer Somaliland ahi,lama sheegin in badeecaddaasi gadiid kale loo dhoofinayo dalka yeman oo markii hore loo waday iyo in dib loogu celin doono halkii markii hore laga soo qaaday oo ah gudaha maamulka Somaliland
Ma ahan markii ugu horeysay ee doon ama markab taagan dekedda berbara cilad tan oo kale ahi la soo gudboonato,waxaana dhowr jeer ooh ore ka dhacay shilal kala duawan oo si rabaani ah halkaasi uga dhacay, dekadda Berbera ayaa xiligan la soo weriyay inay mashquul tahay oo ay taagan yihiin maraakiib badan oo iskugu jira kuwo sida badeecaddo kala duwan iyo kuwo xoolo nool ka qaadaya marsaddaba.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Madaafiic Xalay lagu garaacay qeybo ka midm ah Muqdisho iyo mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho oo la weeraray

$
0
0

Waxaa xalay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lagu garaacay madaafiic culus, sidoo kalena waxaa la sheegay in weeraro hoobiyaal ah lagu qaaday Isbitaalka Digfeer ee degmada Hodan, iyadoo la sheegay in tiro hoobiyaal ah ay ku dhaceen gudaha iyo hareeraha Isbitaalka oo dhawaan uu booqasho ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya si uu kormeer ugu soo sameeyo howlaha dayactir ee ay dowladda Turkiga halkaasi ka fulisay.
Sida warku sheegayo tiro madaafiic oo loo adeegsaday hoobiyeyaal ah ayaa xalay fiidkii lagu garaacay isbitaalka Digeer ee degmada Hodan, lama sheegin in wax khasaare ah ay geysteen madaafiicdaasi xalay lagu garaacay isbitaalka Digfeer, kaas oo ah isbitaalka geeska Afrika ugu weyn, uguna quruxda badan sida ay dowladda Turkigu sheegtay.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in illaa dhowr madfac ay ku dhaceen derbiga Isbitaalka, inkastoo aan wax khasaare ah geysan, wuxuuna yiri goobjoogaasi mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Waxa soo dhacay waxaan ku qiyaasaynay inuu ahaa hoobiye, derbiga isbitaalka ayuu ku soo dhacay, wax khasaare ahna ma geysan, xittaa leyrarkii isbitaalka si caadi ah ayey u shidnaayeen oo ma aysan demin”.
Si rasmi ah looma oga halka laga soo tuuray madaafiicda hoobiyeyaasha ah ee xalay lagu garaacay Isbitaalka Digfeer, mana aha markii ugu horeysay oo weeraro hoobiyaal ah lagu qaado magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii Al-shabaab laga saaray magaalada Muqdisho iyo gobolada ku dhowdhow, waxaana bil ka hor ay aheyd markii madaafiic lagu garaacay xarunta Madaxtooyada, iyadoo sidoo kale labo habeen ka hor bambooyin lagu weeraray baalayaal ay ku rakiban yihiin nalalka cadcadceeda ku shaqeeya, kuwaas oo 3 ka mid ah dhulka la soo dhigay ka dib markii miinooyin lagu xiray, kuwaas oo bartilmaameed u noqday kooxo aan la garaneyn waxa ay yihiin, mana jirto cid sheegatay baalayaasha cadceeda ku shaqeeya ee weerarka lagu qaaday.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Ururka IFJ Oo Ka Walaacasan Xeerka Saxaafada Soomaaliya ee Dhawaan ay Meelmariyen Golaha Wasiirada Soomaaliya.

$
0
0

Nairobi-(Sh.M.Network)-Ururka isku taga Warfidiyeenada Caalamka ee IFJ ayaa walaac weyn ka muujiyay Xeerka Saxaafada Soomaaliya ee dhawaan ay meel mariyeen golaha wasiirada dowladda 11 kii bishaan July, kaas oo laga cabsi qabo in uu sababo xuriyad la’aan soo wajahda warbaahinta iyo Warfidiyeenada dalka Soomaaliya sida ay sheegtay hay’adda IFJ.
War qoraal ah oo ay soo saartay Hay’adda IFJ ayaa lagu sheegay in Xeerkan ay ku jiraan ilaa dhowr qodob oo taabanaya madaxbanaanida howlaha shaqo ay hayaan saxafiyiinta Soomaaliyeed,waxaana ka mid ah qodobada sida weyn ugu hor imaanyao Madaxbanaanida Warbaahinta Soomaaliyed.
1- in Warfidiyeenada Soomaaliyeed aan loo ogolaan doonin ay in sidii ay rabaan ay wax u helaan ilaha madaxa banaana ay inta bdan warfidiyeenadu ay soo xigtaan
2-in Wariyaasha  la shaqeeya wakaaladaha wararka calamka ay noqon karaan kuwo loo xadidayo howla hooda Shaqo.
“Waxaan ugu baaqayna Dowladda Soomaaliya in ay dib u eegto xeerkaas oo ay ilaaliso xuriyada saxaafada iyada oo eegaysa xeerarka Madaxbanaanida caalamiga ah iyo kan dalkaba, waayo xeerkani waxa uu meesha ka saaraya xuriyada warfidiyeenada iyo xuquuqda shaqada uu gudanayo saxafigu si uu u soo helo war xaqiiqo ah oo aan lagu hujuumin,” sidaas waxaa yiri Gabriel Baglo oo ah Madaxa IFJ u qabilsan qaarada Afrika
Xeerkan ayaa loo diray golaha Baarlamaanka si ay u soo ansixiyaan, marka ay ansixiyaana waxaa loo gudbinaya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh si uu u saxiixo ,islamarkaana uu u dhaqan galo.
Gabriel Baglo Madaxa Qaarada Afrika u qaabilsan Hay’adda IFJ ayaa Sharcigaan ku tilmaamay in uu yahay mid ka horimaanayo Xriyada Warbaahinta Madaxbanaan ee Soomaaliya,isgoo soo xiganayo Xoghayaha Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Cumar Faaruuq Cismaan ayuu sheegay In Suxufiyiinta Ka shaqeyso Soomaaliya ay isku raaceen sharcigan in uu yahay mid lagu caburinayo warbaahinta Madaxabanaan ee ka shaqeyso gudha Soomaaliya.
Ugu dambeytii IFJ ayaa sheegtay inay si weyn  uga walaacsan tahay hadii sharcigaan la meel mariyo in uu sababi karo Xoriyad la’aan soo food saarta Warbaahinta iyo warfidiyeenada Madaxa banaan ee ka jiro Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta oo lagu eedeeyay in Qalab Warbaahineed uu siiyay Maleeshiyaadka Raaskaambooni

$
0
0

Kismaayo-(Sh.M.Network)-Siyaasiyiin iyo Waxgarad ka soo Jeeda Gobollada Jubbooyinka ayaa ku eedeeyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya in Radio Fm ah uu u gacan geliyay Maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo kaasi oo ay laheyd  Dowladda Soomaaliya.
Nabadoon Xuseen Xasan Naaleeye oo ka mid ah waxgaradka ku sugan Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegay in Idaacaddaasi ay tahay mid laga aflagaadeeyo had iyo Goor dowladda Federaalka Soomaaliya ayna Muujineyso sida Wasiirka Warfaafinta uu ugu gacan galiyay qalabkaasi qaranku leeyahay Maleeshiyo aan taageersaneen dowladda Soomaaliya.
“ Madaxda Qaranka waxaan ka codsanayaa in Tallaabo laga qaado Ciilmooge oo ah Wasiirka Warfaafinta waayo dambi yar ma ah falkaasi uu sameeyay ee Maleeshiyo uu sed bursi ugu sameeyay” ayuu Yiri Nabadoono Naaleeye.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live