Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Saraakiil Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ka tirsan oo tagay Beydhabo

$
0
0

Beydhabo-(Sh.M.Network)-Afhayeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida C/llaahi Max’ed Muuse Keyse oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Safar ay isaga iyo Xubno ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Qalabka sida ay ku tageen Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, isagoo sheegay in U jeedada Magaaladaasi ay u gaareen in ay tahay si ay Kormeer ugu sameeyaan Ciidamada halkaasi ku sugan.
Keyse ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in Labo Cisho ay sii joogi doonaan Magaalada Beydhabo si ay u soo dhameystaan Howlaha ay halkaasi ay u tageen , waxaana carabka uu ku dhuftay in illaa 30 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowladda iyo kooxo kale in ay dacwadooda u fariisan doonaan Maanta kuwaasi oo sida uu sheegay ku eedeysan falal Ammaanka liddi ku ah.
Afhayeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku adkeeyay in la soo kala cadeyn doono kiisaska ay galeen iyo xukunnadooda.
Booqashada Saraakiishaan ay ku tageen Magaalada Beydhabo ayaa ku soo beegmeysa xilli dhawaan Magaaladaasi ay isaga bexeen Ciidamadii Ethiopia ee ku sugnaa halkaasi.


Qaraxyo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Qaraxyadani oo ahaa Miinada Dhulka lagu aaso ayaa waxaa lala bartilmaamsaday Ciidamo fadhiya afaafka hore ee Isbitaalka Digfeer oo muddooyinkii dambe ay howlo dayactir ah ka socdeen.
Illaa labo Qarax ayaa la xaqiijiyay in lagu Weeraray Isbitaalaka Degfeer kuwaasi oo la sheegay  in ay ahaayeen kuwa is xig xigay lamana oga Qasaaraha ka dhashay Qaraxyadaasi inta ay la egtahay.
Goobta ayaa waxaa soo gaaray Qaraxyada kadib Ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka  Soomaaliya kuwaasi oo Howlo Baritaanna ah ka bilaabay meesha ay Qaraxyadu ka dhaceen.
Dhanka kale qarax Miino oo aad u Xoogan ayaa Xalay waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Fariisin ku leh Nawaaxiga Biya dageenka ee dagmada Heliwaa kaasoo isna illaa iyo iminka aan la shaacin qasaaraha ka dhashay.
Sikastaba ha ahaatee Muddooyinkii ugu Dambeeyay ayaa gudaha Magaalada muqdisho waxaa ku soo badanayay Weerarada iyo Dilaalka qorsheysan ee lala bartilmaameysanayo Raga ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waaana mid muujineysa sida uu Faraha ugi sii baxayo guud ahaan Ammaanka Muqdisho.

Guddiga Amniga Baarlamaanka oo ka warbixiyay kulan ay ku yeesheen Muqdisho

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow Gudoomiye ku xigeynka Gudiga Ammniga iyo Arrimaha Gudaha ee Barlamaanka Soomaaliya oo lahadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu Faah faahin ka bixiyay kulan Gudigaasi ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Daahir Amiin Jeesow ayaa waxa uu sheegay in kulanka ay yeesheen Gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ay uga wada hadlayeen sidii ay ku socodsiin lahaayeen islamarkaana ay u meel marin lahaayeen Labo Hindiso Sharciyeed oo uu sheegay in ay ka mid yihiin Shaqada u taala Gudigaasi sida uu tilmaamay.
Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha  oo hadal kiisa wata ayaa waxa uu sidoo kale uu tilmaamay in kulankooda ay ku falaan qeeyeen Qaabka Nabadgalyada Magaalda Muqdisho oo Cabashooyin badan ay ugu yimaadeen Bulshada sida uu Xusay Xildhibaanka .
Gudiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ayaa waxaa haatan horyala labo hindisa Sharciyeed kuwaasi oo ay Doonayaan in ay ka shaqeeyaan kadibna ay horgeeyaan Mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya si ay u meel mariyaan.

Dowladda Kenya oo 100 sano jirsatay

$
0
0

Maxaa ka fulay waxyaabihii ay dowladdu ballan qaadday ilaa iyo haatan?

Degmooyinka Dharkeynleey iyo X/jajab oo xalay isku hardiyay tartan aqooneedka Shabelle

$
0
0

Muqdisho-(Sh.M.Network)-Tartan Aqooneedka Bisha barakeysan ee Ramadaan ee Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay la ciyaaray Kulankii ugu dambeeyay ee is araga Koowaad ee tartanka oo ay wada yeesheen Degmooyinka Dharkenleey iyo X/jajab oo ka wada tirsan Goup D.
Labada Degmo ayaa xalay soo bandhigay Baratan aad u soo wada jiitay dhageystayaasha ku tixan Barnaamijka, iyadoo inta badan ay ka jawaabeen su’aalihii tartanka loo soo diyaariyay.
Sikastaba Degmada Dharkeynleey ayaa la timid illaa iyo 8 dhibcood halka X/jajab ay keensatay 10 dhibcood guushana ay sidaasi ku raacday X/jajab.
Caawa ayaa waxaa billaaban doona Wareega Koowaad is aragiisa Labaad iyadoona kulanka ugu horreeya ay ciyaari doonaan Degmooyinka Shibis iyo Waaberi ee Gobolka Banaadir.

wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo Addis Ababa kula kulmay madaxda Itoobiya

$
0
0

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa booqasho dhowr maalmood qaadaneysa uga bilaabatay shalay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, C/xakiin Fiqi ayaa la kulmay Wasiirka Gaashaandhiga Itoobiya iyo Taliyaha ciidamada, isagoo kala hadlay arrimaha ku saabsan bixitaanka Ciidamada Itoobiya oo lagu wado inay faarujiyaan qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Koofurta.
Warar hoose oo laga helay kulamadaasi  ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay damacsan tahay in si guud ciidamadeeda ugala baxdo Gobolada Bay, Gedo, Galgaduud iyo Hiiraan, halkaasoo kumanaan askari ay kaga sugan yihiin.halka dowladda soomaaliya ay dooneyso in qaar kamid ah ciidamadaitoobiya ay sii joogaan goboladaasi.
C/xakiin Fiqi ayaa sheegay inuu kala hadlay wasiirka gaashaandhiga Itoobiya iyo Taliyaha ciidamada sidii la isaga kaashan lahaa ammaanka iyo xoojinta xiriirka labada dal, isagoo xusay in arrimahaas ay isku afgarteen.inkastoo aan la sheegin inay arrimaha ciidamada isku afgarteen, Mr Fiqi ayaa sidoo kale sheegay inuu la kulmi doono Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Hailemariam oo uu u gudbin doono fariin uu ka sido Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.taas oo aan la ogeyn waxa ay ku saabsan tahay, balse loo maleynayo inay la xiriirto isla arrimaha ciidamada itoobiya ee ka baxaya Soomaaliya.
 
Dhinaca kale xaflad sagootin ah ayaa shalay loogu sameeyay magaalada Baydhabo taliyihii ciidamada Itoobiya eek u suganaa gobolka Bay, waxaana xafladaasi ka qeybgalay ammaanduulaha ciidamada dowladda soomaaliya Gen.C/risaaq Khaliif Cilmi, saraakiisha ciidamada AMISOM, saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Bay iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka bay, waxaana la sheegay in taliyaahaasi la guddoonsiiyey warqad ay dowladda soomaaliya u dirtay taas oo loo maleynayo inay tahay shahaado sharaf.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Dagaal Xalay ka dhacay Awdiinle Gobolka Bay

$
0
0

Beydhabo-(Sh.M.Network)-Wararka ka imaanaya Degmada Awdiinle ee Gobolka Bay ayaa kuwarramaya in Xalay Weerar Al Shabaab ay ku qaadeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya fariisin ay ku lahaayeen Degmada Awdiinle ee Gobolka Bay.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Kooxo hubeysan ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda ay ku lahaayeen Degmadaasi Awdiinle ee Gobolka Bay , waxaana weerarkaasi kadib dhacay dagaal Khasaaro xoogan geystay oo dhimasho iyo dhaawac sababay.
Illaa iyo iminka Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay weerarkaasi , iyadoo dad deegaanka ah ay shabelle  u sheegeen in dagaalka uu socday Muddo saacado ah deedna uu istaagay.
Maaha markii ugu horeysay oo Dagaal Khasaaro geysta uu ka dhaco Degmada Awdiinle ee Gobolka Bay

Soomaali Boob baahsan loogu geystay K.Afrika

$
0
0

Retoria-(Sh.M.Network)-Kooxo Koofur Afrikaan ah ayaa dil iyo dhac waxa ay ugu  geysteen Magaalada Pretoria ee dalka K.Afrika Soomaali halkaasi ku ganacsata.
Inta la xaqiijiyay Burcaddaan Koofur Afrikaan ah ayaa boobay illaa 22 dukaan oo Soomaalidu ay leedahay , boobkaasi oo khasaaro xoogan u geystay Soomaaladii lahayd dukaamadaasi.
Boobka iyo dilalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay Nin Madow ah lagu dilay goob ay ku ganacsadaan Soomaalida xilli uu dhac u geysanayay dukaan Soomaalidu ay leedahay taasoo keentay in dadka Deegaanka ay ku kacaan Soomaalida oo boob iyo bililiqo baahsan ay u geystaan Dukaamada Soomaalida.
Dalka K.Afrika oo ay ku noolyihiin Soomaali aad u badan oo halkaasi u tagay in ay ganacsi ka sameeyaan ayaa waxa ay had iyo goor la kulmaan dhibaatooyin isugu jira dil , boob iyo handadaad Joogta ah.


Waaberi oo Xalay dubatay Dhigeeda Shibis

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)-Tartanka Aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa xalay waxaa si toos ah loo guda galay Wareega Koowaad is aragiisa labaad oo ay daah fureen Degmooyinka Waaberi iyo Shibis ee Gobolka Banaadir.
Tartanka oo aad u xiiso badnaa ayaa labada degmo waxa ay ku soo bandhigeen aqoon aad loola dhaco iyadoona xalay aad uga xiiso badnaa tartanka Habeenadii Hore.
Degmada Waaberi ayaa dhammaan ka Jawaabtay Su’aalihii La weydiiyay , islamarkaana waxa ay ku darsatay qaar ka faa’ideysi ah oo ka mid ah Su’aalihii ka soo baxsaday shibis halka Degmada Shibisna ay wacdaro Xalay Muujisay.
Sikastaba Tartanka ayaa ku soo idlaaday Natiijo ah 16 Dhibcood oo ay la timid Degmada Waaberi halka 10 Buundana ay keensatay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.
Sikastaba Caawa ayaa tartanka waxaa Fooda isku dari doona Degmooyinka Heliwaa iyo X/weyne oo Group ka A kula jira Degmooyinkii xalay tartamay.

Xildhibaan Wasiirka Warfaafinta ku eedeeyay in uu qalab Warbaahineed siiyay Maleeshiyo Ku sugan Kismaayo

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)-Xildhibaan C/qaadir Max’ed Aadan Sandheere oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaaka Soomaaliya  oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku eedeeyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi in Warbaahinta Qaranka uu u gacan geliyay Maleeshiyaadka Raaskaambooni ee uu Hoggaamiyo Axmed Madoobe oo ay isku hayb yihiin Wasiirka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Idaacadaasi haatan laga baahiyo Guubaabo ka dhan ah dowladda Soomaaliya, isagoo ku baaqay in lala Xisaabtamo Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi.
“ Idaacadaas waxaa kaloo ka baxa Heeso iska hor keeni kara Beelaha Walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee degan Magaalada Kismaayo” ayuu yiri Xildhibaan Sandheere.
Sikastaba dhawaan ayey ahayd markii Mid ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyeed uu ku eedeeyay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya in qalab Warbaanhineed uu siiyay Maleeshiyaad ka soo horjeeda dowladda Federaalka Soomaaliya.

AMISOM oo Cambaareysay Weerar ka dhacay Magaalada Kismaayo

$
0
0

Muqdisho(Sh.M.Network)-War Qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska taliska Howlgalka Ciidamada AMISOM ayaa lagu Cambaareeyay weerarkii miino ee shalay lagu qaaday Kolanyo ka tirsan ciidmada AMISOM ee ku sugan dhinaca Koofureed ee Magaalada Kismaayo xili ay marayeen inta u dhaxeyso wadada isku xirta Kismaayo Afmadhow .
 “Aad ayaan u Cambaareeneynaa weerarkii fulaynomo ee waxyeelladu ka soo gaartay dad Rayidka ah ee ku nool Magaalada Kismaayo ,weerarkaasina waxba uma dhimaayo  dadaalada aan ku taageereyno Shacabka Soomaaliyeed”Sidaasi waxaa yiri General :Andrew Gutti ah taliska Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.
 Taliska ayaa sidoo kale xusay sheegay in ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ,islamarkaana ay sii xoojin doonaan howlgalada lagu sifeynayo Kooxda Al-shabaab.
 

U.N. Says Corruption Rampant in Somalia

$
0
0

A United Nations report published Wednesday paints a dark picture of rampant corruption within Somalia’s fledgling government, a portrait that could turn off donor countries that bankroll the country’s budget.
The almost one-year-old Somali government still controls only sections of the country around the capital of Mogadishu and the southern border with Kenya. But even this has been seen as tremendous progress in a country that hasn’t had a functioning state in decades.
And Western countries have been quick with funds to back the administration of President Hassan Sheikh Mohamud, elected by parliament in September. Britain, the European Union and the U.S. committed more than $350 million in May to finance the bulk of Somalia’s federal budget this year.
The report by the U.N. Monitoring Group on Somalia and Eritrea is a harsh reminder that the installation of a formal government did little to change a system of patronage and off-the-book deals that has long characterized the country’s economy.
“Despite the change in leadership in Mogadishu, the misappropriation of public resources continues in line with past practices,” the report said.
Somalia’s central bank has essentially become a “slush fund” for patronage networks with 80% of withdrawals made for private purposes rather than running government programs and much of the funds transferred into the bank not traceable at all, the report said.
In one of the largest documented cases, a cashier at the Finance Ministry named Shir Axmed Jumcaale withdrew $20.5 million in his name between 2010 and 2013. He then used those funds to make untracked payments for ministry officials.
Central Bank Governor Abdusalam Omer said in a phone interview that every withdrawal had a name attached to it and that he wasn’t responsible for how those funds were later disbursed.
“What I can tell you 100% is that the money that came to the central bank left it in a legal way. It went to the departments and the agencies that are supposed to get it,” Mr. Omer said.
Meanwhile, plenty of revenue isn’t making it to the central bank at all. Customs and ports fees deposited are much lower than would be expected given the increase in shipping traffic and about 33% of these funds can’t be accounted for, the report said.
It is a situation that could complicate coming requests for more funding from Western donors who are leery of pouring money into a country where there is little hope of finding out where funds end up.
“The various spoilers identified by the Monitoring Group threaten to undermine legitimate authority in the country as well as international assistance efforts,” the report said.
While this year’s budget has already been shored up, the Somali government is expected to be looking for more funding at a conference with the EU in Brussels in September.
The monitoring group recommended that the U.N. Security Council take back under consideration a plan for joint international and Somali oversight of the management of public resources. The report didn’t provide details on how this joint oversight system would operate.
Source: Wall Street Journal

Xisbiyada Qaranka,Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Si wadajir ah U Saxeexay Qoraal

$
0
0

Hargeysa (Idhanka) wasaarada arimaha gudaha,xisbiyada qaranka iyo guddida doorashooyinka qaranka ayaa maanta si wada jira u kala saxeexday heshiis sadex geesood ah oo ku saabsan sidii dalka looga qaban lahaa diwaan gelinta madaniga ah iyo tan codbixiyaasha doorashooyinka.
Kulanka heshiiskan lagu kala saxeexanayey oo ka qabsoomaya xarunta wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa wax goob joog ka ahaa [...]

Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Somaliland Mudane “Duur” Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabay Hadal Warbaahinta lagu Qoray oo ahaa inuu Muqdisho Tagay Maalmahan Sheegayna inuu Meelkale ka Hilaacay

$
0
0

Hargeysa (Idhanka) Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa si cadho leh u deedefeeyey inuu ka degay Magaaladda Muqdisho oo 24-kii saacadood ee ugu danbaysay la isla dhexmarayey inuu dhuumasho ku galay Mogadishu.
Mr Duur waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Caawa Khadka Telefoonka kula xidhiidhay Naasir Aadan Maxamed (Nawaa) oo ka [...]

Qaramada Midoobay oo ku eedeaysay dowlada Sooomaliya Musuqmaasuq Baahsan.

$
0
0

New-york-(Sh.M.Network)-Warbixin ay soo saartay Gudiga la socodka Xayiraadaha Saaran Soomaaliya iyo Ereteria oo lagu soo daabacay Wargayska Wall Street Journal oo  astaan looga dhigay Sawir madow ayaa lagu Sheegay in Musuqmaasuq baahsan uu la dagay dowlada fedaraalka  Soomaliya, taasoo keeni karta in wadamada deeq bixiyayaasha Caalamiga ah in ay joojiyaan lacagaha ay ugu deeqaan Soomaliya.
Wadamada reer galbeedka ayaa maal geliyay lacagna ugu deeqay Xukuumada uu maamulo madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud ee ay doorteen Baarlamanka Soomaliya bishii september 2012.
Wadamadda Ingiriiska iyo Midowga yurub iyo dowlada Mareykanka ayaa ugu deeqay dowladda Soomaliya in ka badan $350 million, bishii May si loogu maalgaliyo qorshaha miisaaniyadda  dowlada Soomaliya ee Sanadkaan 2013.
Kooxda Q/M ee la socodka Xayiraadaha Saaran Soomaliya iyo Eretria ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ee Soomaliya aysan waxbo ka badalin wax isdaba marinta iyo musuqmaasuqa baahsan Ee la dagay dhaqaalaha wadanka,  inkastoo isbadal ku yimid Hogaamiyaha dalka.
Deeqaha la siinayo dowlada Soomaliya ee ka imaanaya Bulshada caalamka ayaa ah kuwa isi soo tarayay mudadii aan kasoo gudubnay sida warbixinta lagu sheegay.
Dhawaan ayey ahayd markii la sheegay in lacagaha ku jira Bankiga dhexe ee Soomaliya  80% la sheegay in ay la baxeen Shaqsiyaad gaar ah una isticmaaleen ujeedooyinkooda gaarka ah, taasi badalkeedana aan lagu bixin Mashruucyada dowlada Soomaliya.
lacagaha ugu badan ee Bankiga lagala baxay waxaa lagu bixiyay Magaca Ninka lagu magacaabo  Shire Axmed Jimcaale oo ah Qasnajiga  Wasaarada dhaqaalaha kaasoo lagu sheegay Warbixinta in uu la baxay lacag dhan $20.5 million.
Maamulaha Bankiga dhexe oo lagu magacaabo Abdi salaan Cumar Ayaa sheegay in lacagaha laga bixiyay Bankiga ay ku bexeen qaab sharci ah   uusana Masuul ka ahayn musuqmaasuqa lacagahaasi.
Cabdi Salaan Cumar ayaa intaasi ku daray in lacagaha Bankiga Dhexe ay ku baxeen 100% si sharciga waafaqsan .
Kooxda ayaa ugu dambayn walaac ka muujisay in deeqaha la siiyo dowlada Soomaliya halka ay ku dambayn karaan.
Dowlada Soomaliya ayaa la filayaa in ay deeq fara badan ka raadiso Shirka Caalamiga ah ee Midowga Yurub  kaasoo  lagu qabanayo Bisha September Magaalada Brussels ee Xarunta dalka Bilguimka


Waxyaabaha Soonka Buriya- Baraarujiin Soconaysa 10 Min By Dr C/razaq Takar 14/07/2013

Duur oo ka hadlay warar sheegayey inuu Xamar u shiraaqanayo iyo jawaabta uu ka bixiyey

$
0
0

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa si cadho leh u deedefeeyey inuu ka degayo Magaaladda Muqdisho 24-ka saacadood ee soo socda, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Magaalada Muqdisho laga dareemayo soo dhaweynta Ex Wasiir Duur. Hadaba si aanu arimahaasi u xaqiijino waxa ka jira ayuu Wargeyska Haatuf xalay Khadka telefoonka kula xidhiidhay Mr Duur oo haatan ku sugan Magaaladda Dubai ee xarunta isu-taga Imaaraadka Carabta, kaas oo xusay inuu arimo u gaar ah oo uu hore u haleeli waayey markii uu Wasiirka Daakhiliga ahaa uu imika soo qabsanayo, kaas oo tilmaamay inuu 22-ka bishan July uu ku soo beegan yahay Caasimadda Dalka ee Hargeysa, waxna aanay ka jirin warka sheegaya inuu Muqdisho tagayo. Sidoo kale ilo wareedo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Somalia ayaa Haatuf u sheegay inay halkaas ka socoto qabanqaabadda soo dhawaynta Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), kuwaas oo intaas ku daray inuu jiro qorshe uu damacsan yahay Madaxwayne Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo hore loola xidhiidhin jiray inay xidhiidh hoose leeyihiin. Xogaha laga helayo Somalia ayaa intaas ku daray in qabanqaabada soo dhawaynta la sheegay inay Muqdisho ka socoto uu gadh-wadeen ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somalia Caydiid Ilko-Xanaf oo ay isku beel yihiin Mr Duur. Ugu horayna isaga oo ka jawaabaya waxa ka jira wararkaas waxa uu Wasiirkii hore ee Daakhiliga Maxamed Nuur Caraale ku bilaabay hadalkiisa “Warkaas waxba kama jiro oo waad arkaysaan inaan kaala hadlayo Imaaraadka oo aan ku suganaya, waxaanan filayaa inay dadka sidaas warbaahinta ku baahinayaa ay iyagu wax is yeeleen oo aanay aniga waxba i yeelaynin” Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) mar aanu wax ka waydiinay cida uu u aanaynayo inay warkan ka baahisay iyo  inay jirto cid uu boro-bogaandadaas u aanaynayo, waxa uu yidhi “Anigu sida aan kuu sheegay Imaaraadka ayaan ku suganahay hawlo ii gaar ah ayaanan u joogaa halkan oo aan qabsanayaa, sababta oo ah marka aad danta guud ka shaqaynayso danta gaarka ah ayaa maqan oo aanad qabsan karaynin, markaas sidaas ayaan halkan u joogaa”. Mr Duur mar uu ka hadlayey dareenkiisa ku wajahan arintani, waxa uu yidhi “Dadkii warkan qoray ee iga baahiyeyna waxaan leeyahay waa Ramadaane Alle ha u danbi dhaafo sababta oo ah waxay iga baahiyeen been aan sal iyo raad toona lahayn, markaa waxaan bulshadda u sheegayaa inaanu warkaas waxba ka jirin oo aan 22-ka bishana hadii Alle yidhaahdo aan dalka ku soo noqonayo oo aan Hargeysa imanayo”.
 
Xigasho Wrgeyska Haatuf
 
Somaliland

Muxaadaro ka Hadlaysa Axkaamta Soonka Bisha Barakaysan ee Ramadaan Sh. Bashir Shiil Alle haka Raali ahaadee

$
0
0

OGAYSIIN: waxan saa’imiinta Alle kacabsiga badan ee ku xidhan shabakadan caalamiga ah ee idhanka.com ugu talo galnay intaa ay bisha barakaysan ee ramadaan socoto inaan halkan idiinku soo gudbino muxaadarooyin ku saabsan axkaamta soonka habeenka jimcuhu soo galayo wiigwalba lasocod wanaagsan. ramadaandu markay dhamaato hadii Alleha awoodalihi ogolaado wiigwalba maalinta jimcahaa sidi caadiga ahayd waxan [...]

Tafsiirka Suurada Al-Baqara Aayadaha 135 ilaa 141 - Sh. Xasan Ibraahim Ciise

Daawo Maamulka Dawlada Hoose Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Dhawaan Bilaabayaan Wado Weyn oo Laami Lagasamayn doono Magaalada Boorama+ Video

$
0
0

Borama (Idhanka) Halkan Ka Daawo Maamulka Dawlada Hoose Oo Boorama Oo Shaaca Ka Qaaday In Ay Dhawaan Bilaabayaan Wadada Isku Xidha Dhigta Iyo Jeelka Wayn Ee Magaalada Boorama.

Idhanka Borama Desk

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live