Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xukuuumada Madaxweyne Siilaanyo Oo Go’aan u Diyaarisay Golaha Cusub Ee Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ee dhawaan Hargeysa Lagaga Dhawaaqay iyo Golaha Ismagacaabay oo Fasiraadii Magaca Golaha ku Maqan

0
0

Hargeysa (Idhanka) fadhigii golaha Wasiirrada Somaliland ay yeesheen Maanta oo uu guddoominaayey Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamuud Siilaanyo, ayaa lagaga dooday Gole siyaasadeed oo Arbacadii toddobaadkii hore lagaga dhawaaqay magaalada Hargaysa, kaasoo ay ku bahoobeen Siyaasiyiin miisaan ku leh Jamhuuriyadda Somaliland.
Afhayeenka Madaxtooyadda oo Warbaahinta la hadlay ayaa tafaasiil ka bixiyey waxyaabihii lagu soo hadal qaaday [...]


(*(*Dacwa_Ilallaah*)*) Li Sheekh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah

Magaalo Maraykan ah oo ceyrtowday

0
0

Magaalada Detroit ee dalka Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay ceyrtowday kaddib markii lagu yeeshay 18 bilyan oo doolar.

Amm. Islaamka: Waayaha Soonka ee Nin Soomaali ah

0
0

Cabdinuur Faarax Maxamuud oo ku nool magaalada Fransisco ee dalka Brazil waa Soomaaliga kaliya ee magaaladaas ku nool, waxana uu ka hadlayaa waayihiisa bisha Ramadan.

Dhibaatada ay la kulmaan dadka Itoobiyaanka ee tahriibka

0
0

Siddeetan kun oo itoobiyaan ah ayaa sanad kastaa isku daya inay u tahriibaan Sucuudi Carabiya si ay noolol wanaagsan u helaan, balse waxay la kulmaan jirdil iyo kufsi.

Wafdi ka socda Dowlada Somalia oo Booqanaya Sudan.

0
0

Wafdi ka socda dawlada Somaliya ayaa kusugan magaalada Khartuum ee dalka Sudan ayaa waxay kula kulmeen halkaasi qaar kamid ah hogaanka Safaarada Somaliyeed ay ku leeyihiin dalka Sudanta Wuqooyi.
 
Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arrimaha Dibadda Dr: Maxamed Nuur Gacal oo hogaaminayey Wafdigaan ayaa waxa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha magaalada Khartuun.
 
Waxa ku wehliya socdaalka Wasiir Gacal xubno katirsan Wasaarada Adeega Bulshada Xukuumada Somaliya iyagoo soo kormeeri doona meelaha ay wax ku bartaan Ardayda Somaliyeed ee Khartuum deggan.
 
Waxa la sheegay in isbuuc ay kusugnaan doonaan wafdigaan dalka Sudan iyagoona kulamo la qaadan doona mas’uuliyiin katirsan dawlada Sudan ee Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir uu hogaamiyo.
 
Buraannews.com-Muqdisho

Qof isku dal daley xabsi ku yaala Magaalada Haygeysa

0
0

Maxbuus ku jiray Xabsiga Mandheera ayaa ku dhex geeriyooday xabsigaasi kadib markii uu xabsiga gudihiisa isku del-dalaY   ilaa hadana lama garanayo sababta kaliftay.arinkaas.

Dhacdadan ayaa sababtay in Taliyihi Xabsiga Mandheera shaqada laga eryo, isla markaana waxa Xabsiga loo magacaabay Taliye cusub oo laga soo bedelay Xabsiga Berbera.

Xukuumadda Somaliland dhacdadan wax war ah kamay soo saarin, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloolay ayaa somalilandnew u xaqiijiyay in Marxuumkaasi Xabsiga Isku dhex del-dalay.

Marxuumka ayaa la sheegay in Maxkamadda Gobolka Saaxil Xukun dhawr sano ah ku riday, taasoo la sheegay in ay u cuskatay Eheladiisa oo ku soo Eedaysay in uu doonayo in uu dilo nin kale oo ay isku hayb yihiin, balse wakhtigaasi wax fal ah oo uu geystay may jirin.

Falka uu isku del-dalay Marxuumku ayaa loo aanaynayaa in uu la xidhiidho cadho uu ka qaaday Xukumkaasi, balse ilaa hada ma jirto cid cadaynaysaa, maadaama aan wax warbixin ah aanay ka soo saarin Ciidanka Asluubtu.

Dhawaan waxa Saldhiga Gabilay hortiisa isku del-dalay nin ka cabanayay Cadaaladda Daro uu kala kulmay Booliiska iyo Maxkamadda Gobolkaasi, isagoo ka cadhooday Eedaysane nabaro u geystay oo laga sii daayay.

Sidoo kale, Askari ka tirsanaa Bilayska ayaa la sheegay in uu isku toogtay Saldhiga Wajaalew dhawaan, balse dhacdooyinkaasi oo dhan wax faahfaahin ah lagama bixin, inkasta oo Booliisku ay sheegeen labada dhacdo ee Gabilay iyo wajaaleba in ay baadhitaan ku samynayaan.

Xabsiga mandheera ayay maxaabiistu cabashooyin kala duwan ka soo jeediyaan marka ay ka soo baxaan, gaar ahaan qaabka nololeed ee xabsigaasi oo ay ka dayriyeen Caafimaad ahaan iyo Daryeel ahaanba.

Buraannews.com-Muqdisho

Falanqeyn: Sidee Loo Xakameeyaa Musuqmaasuqa

0
0

Wareysi aan la yeelanay Fakhrudin Mustaf Mohamed oo ah sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha iyo dakhliga dalkan Mareykanka, ayuu kaga hadlayaa sida loo xakameyn karo Musuqmaasuqa iyo xatooyada hantida dadweynaha


Dhageyso: wararkii ugu dambeeyay Soomaaliya iyo caalamka.

0
0

Halkaan ka dhageyso wararkii ugu dambeeyay dalka iyo Dibada waxaa aqrinaya Wariyaheenada Puntland C/Weli Maxamed Sheikh
Warkii Fiidnimo 20 Julay s
Buraannews.com- Garowe.

Qarax Ka Dhacay Magaalada Kismayo

0
0

Qarax ayaa lala beegsaday ciidamada Sierra Leone ee Nabad ilaalinta ee ku suggan Magaalada Kismay, Rasaas ay fureen Qaraxa ka dib waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof gabar yarna wey ku dhaawaantay

Somaliland oo qaabishay in ka badan 500 oo Askari oo wata Tiknikadoodii iyo Garaado ka soo goostay Khaatumo

0
0

Weftigii ku sugnaa deegaanada bariga Somaliland, ayaa maanta ku qaabilay Deegaanka Fiqi-fuliye 550 askari oo ka mid ah ciidamadii khaatumo, 13 tikniko ah iyo 8 gaadhii oo waaweyn oo nooca xamuulka qaada h, waxaana halkaasi ku qaabilay oo soo dhowayn aad u ballaadhan ugu sameeyey Xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Somaliland.
Weftiga Somaliland  oo ka kooban wasiirka madaxtooyada, wasiirka warfaafinta, wasiirka biyaha, wasiiru dawlaha nabadaynta gobollada bari, iyo taliyaha guud ee ciidanka qaranka ismaciil maxmed shaqalle,  ayaa ayaa waxa hogaaminaya Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Xubnahan Somaliland kasocday, ayaa si mugleh ugu soo dhoweeyey Tuulada Fiqi-fuliye, wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo, Garaad c/laahi muxumed  guled , oo ay wehelinayeen,  Chief Caaqil Saleban xasan cali, Chief Caaqil  Siciid jamac muxumed, Caaqil c/raxmaan xasan maxmed, Caaqil Xusen axmed.
Tuuladaan ayaa munaasibad ballaadhan looogu qabtay ciidamadan iyo madax dhaqameedkan ka soo goostay khaatumo, waxaana halkaasi gadallo kala duwan ka jeediyey Wasiirka wasaaradda Warfaafinta iyo Garaadka hogaaminayey weftigan, waxaanay sheegeen inay aad ugu farax sanyihiin ciidanka shalay ka soo hor jeeday Somaliland ee hadda ka midka noqday.
HARGEYSA SOMALILND

Salaadiinta iyo Odeyaasha Beesha Konfurta Hargeysa Oo Ka Soo Horjeestay Gole-siyaasadeedka Hargeysa lagaga dahwaaqay

0
0

Qaar ka mid ah Salaadiinta, Cuqaasha,Wax-garadka iyo Odeyaasha Beesha Konfurta Magaalada Hargeysa ayaa ka soo hor jeestay Golaha cusub ee dhawaan lagaga dhawaaqay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxayna sheegeen in Golahaasi yahay Gole sharci daro ah, waxayna kula taliyeen Ragga Golaha ku jira inay ku biiraan Xisbiyada Mucaaradka ah ee dalka ka jira.
 
Shirkan jara’iid oo ay ku qabteen Scandaneefin Hotel ee Magaalada Hargeysa ayaa  ugu horeyn waxa Shirkaas jara’iid ka Boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ah ka tirsan Madax dhaqameedka Beesha Konfurta Hargeysa isla markaana ah Boqorka Beeshaas ayaa Golahan cusub ku tilmaamay sharci daro, waxaanu ku baaqay in Nabad geliyada la ilaaliyo, isaga oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Cid waliba meel ayey sheegata, marka haddii aanu nahay Madax dhaqameedka Beesha degta Bariga iyo Konfurta Hargeysa, isla markaana haddii aanu nahay Beesha ugu Dakhliga iyo Cashuur bixinta badan Hargeysa maadama ay Degmada ay ku yaalana Saylada, Madaarka isla makraana ay Qaadkana soo dajiyaan, tabasho ayaanu qabna, balse haddana raali kama nihin cid Nabadgeliyada dalka wax yeesha, marka Golahan cusub ee dhawaan dalka lagaga dhawaaqay raali kama nihin, waana Sharci daro, Ragga Golahan ku dhawaaqay, waa Rag Somaliland Miisan culus ku leh, oo dalka u soo halgamay, marka waxaan kula talinaya inay wixii ay tabanayaan ay waddo sharciya u soo maraan, oo aanay wax dhib horseedi kara aanay la iman”.
Suldaan Cawil Maxamed Fiiqle, oo isna Shirkaas Jara’iid ka hadlay ayaa sheegay in Golaha cusub ee dalka lagaga dhawaaqay aanu ahayn sharci, isla markaana aanay raali ka ahayn wixii dalka qalqaase gelinaya, waxaanu yidhi “Golahan waxa ku dhawaaqay oo ku jira Rag Misaan iyo Magac ku leh Somaliland, ismana lehi cid uga lexjeclo badan dalka iyo dadka ayaa jira, balse runtii waa dhibaato in Maanta iyaga oo og in dalka ay ka jiraan Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada iyo Golaha Wasiirada, isla markaana dalka ay ka jiraan Saddex Xisbi Qaran inay Gole aan sharci ahayn ku dhawaaqan, taasna raali kama nihin, haddii aanu nahay Madax dhaqamaeedka reer Somaliland, anaga oo ku hadlayana afka shacabka”.
Suldaan Aadan Xasan Cabdilaahi iyo Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude, oo iyana Shirkaas Jara’iid ka hadlay ayaa sheegay in aanay dadka reer Somaliland aanay u bahayn dhibaato, is qabsi iyo dagaal, waxayna sidoo kale sheegeen in Ragga ku dhawaaqay Golaha cusub inay wixii tabanayaan ay soo bandhigaan, Xukuumaddana waxa ay kula taliyeen inay iyana Sharciga iyo Amaanka dalka ilaaliso.
Caaqil Raashid Maxamed Jaambir, Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Askar iyo Caaqil Mustafe Maxamed Cumar oo iyana dhamaantood Shirkaas Jara’iid ka hadlay ayaa Sharci daro ku tilmaamay Golaha cusub ee dhawaan dalka lagaga dhawaaqay, waxayna sheegeen in Golahaasi yahay Xaaran, oo Sharciga iyo Dastuurka Somaliland baal marsanyahay.
HARGEYSA SOMALILAND

Ciidammo ka tirsan Maamulka Khaatumo oo ku biiray Ciidamadda Milatariga Somaliland ee ku sugan Gobolka Sanaag

0
0

Madax dhaqameedka deegaanka fiqi Fuliye oo Sagaashan kiiloomitir dhinaca koonfur u jirta Ceerigaabo, ayaa xukuumadda Somaliland ku soo wareejiyey ciidan hore uga tirsanaa Khaatumo, kuwaas oo si rasmi ah ugu biiray ciidanka Milatariga Somaliland.
Ciidamadan oo la sheegay inay ka koobnaayeen shan boqol oo askari, 13 tikniko ah iyo lix baabuur oo nooca xamuulka ah ayaa ku [...]

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan saacado qaatay la yeeshay saraakiisha Milateriga, kalana hadlay Ammaanka (SAWIRRO)

0
0

 
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan muddo saacado ah qaatay la yeeshay saraakiisha ciidamada xoogga dalka, isagoo kala hadlay sidii ammaanka loo xoojin lahaa.
Kulankan oo ka dhacay taliska ciidamada xoogga dalka ee Villa Baydhabo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka, iyadoo madaxweynuhu uu ku wargeliyay inaan [...]

War-saxaafadeed: Guddida Diiwaan Gelinta Somaliland oo Xisbiga UCID ku amray inay tallaabo ka qaadaan Faysal Cali Waraabe.

0
0

Guddida diiwaan gelinta iyo Ansixinta Asxaabta qaranka, ayaa Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID faray in ay talaabo ka qaadaan Guddoomiyaha Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe oo ay sheegeen inuu ku dhex milmay Gole-siyaasadeed Hargeysa lagaga dhawaaqay.
Warsaxaafadeed ay Magaalada Hargeysa ka soo saareen Xubnaha Guddida Diiwaan gelinta, ayaa waxa ay sidoo kale sharci daro ku tilmaameen Gole dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay.
Warsaxaafadeedkan oo ay ku saxeexan yihiin toddobada xubnood ee Guddida diiwaan gelinta, waxa uu u dhignaa sidan:
“Laga soo bilaabo la soo noqoshadii qaranimada Somaliland 1991 kii waxa Somaliland ku gulaysatay inay samaysato dastuur qaran iyo xeerar ka farcama,
Xeerarkaas oo ay ka mid yihiin qayb ku saabsan nidaamka siyaasadeed ee dalku yeelanayo sida ay tilmamayaan Qodobada 9aad , 22aad Iyo 32aad ee Dastuurka Qaranka iyo xeerarka  kafarcamay sida Xeer No 14 iyo Xeer No 20 Xeerarkani waxay dejiyeen habraaca siyasadeed ee qaranku yeelanayo iyo sida looga qayb gelayo hadaba isu tag  kasta ama cid kasta oo isku abaabusha nidaamka khilaafsan habkaa xeerarku dejiyeen waa sharci daro.
Hadaba Guddiga Diiwangelinta Ururada Iyo Ansixinta Axsaabta Qarnku markay markay aragtay Qodobada 9aad 22aad iyo 32aad ee Distoorka Qaran iyo xeerarnka ka farcamay Xeer No 14  iyo Xeer No 20
Waxay Soo Saartay Go’aankan
1)     In golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka ee ay ku dhawaqeen koox siyaasiyeen ahi,  uu yahay sharci daro aan meelna ka waafqasanayn shuruucda dalka J.S.L
Guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka dhex muuqda gole aan sharci ahayn , waxaanu faraynaa xisbiga UCID inay arintaas talaabo ka qaadan Guddidana u soo gudbiyaan jawaabtaas.
Allaa mahad leh
Saxeexa iyo magacyada  Guddida 

  1. Abdi risaq Jamac  Omar : …………………
  2. Aadan Geedi Qayaad : ………………………
  3. Omar  Hassan  Ahmed : ………………………….
  4. Hassan Ahmed Du,Ale: ………………….
  5. Maxamed  Abdi Maalik  :……………………
  6. Ismail Abdilahi Ali  : ……………………………..
  7. Abdale Ibraahim  Mahamed …………………………

 
 
Hargeysa somaliland


Casharada Ramadaanka Qaybta 13aad - Sh. Maxamed Cumar Dirir

Casharada Ramadaanka Qaybta 14aad - Sh. Maxamed Cumar Dirir

Casharada Ramadaanka Qaybta 15aad - Sh. Maxamed Cumar Dirir

Casharada Ramadaanka Qaybta 16aad - Sh. Maxamed Cumar Dirir

Casharada Ramadaanka Qaybta 17aad - Sh. Maxamed Cumar Dirir

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live