Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Casharada Ramadaanka Qaybta 18aad - Sh. Maxamed Cumar Dirir


Casharada Ramadaanka Qaybta 19aad - Sh. Maxamed Cumar Dirir

Dhageyso: Wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka

$
0
0

Halkaan kadhageysta wararkii ugu dambeeyyay Soomaalida iyo caalamka wariyeheena C/Weli Maxamed Sheikh ayaa inoo aqrinaya. 
Qodobada warka  waxaa kamid ah .
Halkaan kadhageysta wararkii ugu dambeeyyay Soomaalida iyo caalamka 
Qodobada warka  waxaa kamid ah .
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Baarlamanka Horgeeysay Heshiiska lagu magacaabo Bahwadaagta Ah Ee Ka Dhexeeya Wadamada Afrika & Kuwa Kale.
Saraakiisha amniga maamulka Jubbland oo sheegay inay gacanta ku dhigeen rag shalay dhac ka geystay magaalada Kismaayo.
Wasaaradda caafimaadka Puntland oo ku dhawaaqday in la qabanayo olole lagaga hortagayo cudurka Dabeysha oo hadda fiditaankiisa kusoo dhawaaday Puntland.
bulshada ku nool ayaa soo dhaweeyay gobolka cusub ee Guardafu oo ay shalay barlamaanka Puntland meel mariyeen.
Maamulka degmada Cabuqwaaq ee gobolka Galgaduud oo sameeyay howgalo  lagu bur buriyo goobo laga cunteeyo xilliga bisha barakaysan ee Ramadaan.
Ku dhawaad 17 kamid ah ciidamada dalka Colombia oo ku dhintay weerar ka dhacay bariga dalkaasi, gaar ahaan meel ku dhow xuduuda Colombia uu la wadaago dalka Venezuela.
Isra’iil oo sheegtay inay dib xoriyadooda u siinayso maxaabiis Falastiini ah.
Warkii Fiiidnimo 21 Julay sx
Buraannews.com- Garowe.
 

Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maal-Gashiga Oo Xilkii Kala Wareegay Agaasimihii Hore

$
0
0

 
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashi Somaliland Bashiir Cabdi Xariir, ayaa shalay si rasmi ah Xilalkii ugu kala wareejiyey Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Gancsiga iyo Maalgashiga Maxamed Sheekh Cumar Xasaniyo Agaasimihii hore ee wasaaraddaasi Saalax Cabdi Cige.
Munaasibad Ballaadhan oo Xil wareejintan loogu qabtay Xarunta Wasaaraddaasi, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Ganacsiga, Agaasimeyaasha Xilalka la kala wareegayey iyo shaqaalaha wasaaraddaasi, waxaana ugu horrayn halkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir waxaanuu yidhi
“Waxaanu Xilkii u kala wareejinay Agaasimihii hore ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Agaasimaha cusub, waxaan leeyahay Agaasihii hore waxaan ILAAHAY uga baryayaa inuu meel khayr leh mariyo ka cusubna uu xilka ugu asturo, waxaan ka rajaynaynaa  Agaasimaha cusub inuu meeshii uu agaasimihii hore soo gaadhsiiyey meel ka saraysa  gaadhsiiyo, waxa dhacay ninka noo ymid waxa la yidhaahdaa  Maxamed Cumar sheikh Xasan  Agaasimahana waxa la yidhaahdaa Maxamed Cumar sheikh xasan, markaa magaca ayaa isku dhacay, markii uu noo yimid ayaanu ku nidhi warqaddaadii magacaabista doono oo sadex cisho ayuu ku maqnaa oo uu kolba lahaa meel ayey igaga maqan tahay, markaas ayaanu ku nidhi waar khayr ayaanu kuu rajaynaynaa”
Agaasimihii hore ee Wasaaraddaasi ee xilka laga qaaday Saalax Cabdi Cige oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa  waxaa uu ku dheeraaday hanaanka shaqo ee wasaaraddaasi, isaga oo Agaasimaha cusub ILAAHAY uga beryey inuu xilkan loo igmaday ku asturo.
Agaasimaha Cusub e Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashi loo soo magacaabay Maxamed Sheekh Cumar Xasan oo ugu dambayn ka hadlay munaasibaddaasi, ayaa waxa uu sheegay inuu shaqada qaranka ka sii qaadi doono halkii uu soo gaadhsiiyey Agaasimihii hore, isaga oo shaqaalaha Wasaaraddaasina ka codsaday inay ula shaqeeyaan sidii ay ula shaqayn jireen agaasime yaashii hore iyo si ka fiican.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Wasiir C/salaan Maxamed Xasan Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Maleegeen Qorshaha Fashilaadda Doorashooyinkii Deegaanka Ee Maamulka Faroole

$
0
0

 
Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha Somaliland C/salaan Maxamed Xasan ayaa shaaca ka qaaday in waftigii Wasiiradda ahaa ee uu hogaaminayey Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami inay maleegeen fashilaadii ku dhacday doorashadii golayaasha deegaanka ee Maamulka Puntland uu damacsanaa inuu ka qabto  deegaanada ay maamulaan, kaas oo sheegay in Olol baaxad leh oo doorashadaas ka dhan ah oo ay ka sameeyeen bariga Sanaag in Faroole oo qorshaynayey inuu gobolka uu ka soo jeedo ee Nugaal iyo gobolada Badhan, Dhahar iyo Laasqoray oo kaliya inuu doorashada ka qabto ay khasab ku noqotay inuu gabi ahaanba joojiyo maadaama deegaamada kale ee Puntland uu kala kulmay Mucaaridada balaadhan oo ka dhan ah xukuumadiisa. Wasiir ku xigeenka Macdanta C/salaan Maxamed waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay Wargeyska Haatuf ugu waramayey khadka telefoonka isaga oo ku sugan Hargeysa oo ay shalay ku soo guryo noqdeen waftigii Wasiiradda ahaa ee tagay bariga Sanaag, kaas oo sidoo kale isbedelka ku yimid bulshadda deegaanadaas oo uu markii hore saamayn ku  lahaa Maamulka Faroole ku sifeeyey inay quluubtooda soo jiidatey gogashii Nabada ee uu hore Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu ugu fidiyey bulshadda bariga Somaliland. Ugu horaynsa isaga oo Waraysigan kaga hadlay arimo badan ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaamay isaga oo ka hadlaya halkii ay waftigoodii hawsha bariga Sanaag ay u tageen ka bilaabeen, waxaanu yidhi “Sagaalkii bishan ayaanu ka amba-baxnay Magaaladda Hargeysa ee xarunta dalka anaga oo Wafti Wasiiro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Cadami, waxaanu qorshahaygu ahaa oo aanu u soconay gobolka Sanaag gaar ahaan Magaaladda Badhan ee Sanaag bari, ujeedada socdaalkayaguna waxay ahayd inaanu ka hortagno oo aanu horjoogsano isku dayo Maamulka Puntland ku doonayey inay deegaanadda bariga Somaliland ee Sanaag bari ay doorashooyin ka qabtaan, waxaanu Maamulkaasi hungureeyey deegaanadda Badhan, Dhahar iyo Laas-qoray oo ay Sanaaduuq keeneen markaa sida aan sheegay difaaca qadiyadaas ayaanu halkaas u tagnay, waxaananu ka bilawnay Magaalo Madaxda gobolkaas ee Ceerigaabo oo si fiican naloogu soo dhaweeyey, bulshadii, waxgaradkii iyo Maamulkii gobolkaba waanu u sheegnay arinta aanu u socono runtiina taageero wayn ayey noo muujiyeen. Markii aanu halkaas ka ambabaxnay waxaanu tagnay Magaaladda Hadaaftimo oo ah Magaalo wayn oo runtii bulsho badan oo waxgarad ahi ay ku dhaqan tahay, shacbiga deegaankaasina waxaanu uga waramay arimaha jira oo waxaanu u bandhignay inay si cad uga horjeedsadaan isku dayga uu Maamulka Faroole ka wado deegaanadooda, run ahaantii si fiican ayey nooga aqbaleen, isla markaan noo tuseen balantii ay naga qaadeen oo qaydhiin oo cad. Markii aanu halkaas sii dhaafnayna waxaanu tagnay Magaalo Madaxda gobolka Badhan ee Badhan oo ah Magaaladda ugu wayn deegaanadda bariga Sanaag, run ahaantiina halkaas si wayn ayaa naloogu soo dhaweeyey oo waxaanu kala kulanay soo dhawayn ka wayn tii hore, Badhana waxaanu joognay mudo badan oo ilaa shan maalmood ayaanu ku sugnayn, waxaananu bulshadda qaybaheeda kala duwan kala hadalnay qadiyada aanu u socono iyo mihiimadda ay bulshadda deegaanka u leedahay inay difaacdaan jiritaankooda oo ay diidaan isku dayga uu Maamulka Goboleedka Puntland ka wado deegaanadooda”. C/salaan Maxamed Xasan isaga hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Mudadii aanu ku sugnayn deegaanadaas waxaanu abaabul wayn ku samaynay Ciidamadda Qaranka iyo guud ahaan Ciidanka Amniga ee ku sugan Jiidahaas, nasiib wanaag bulshadii iyo dadkii waxgaradka ahaa ee halkaas ku noolaa waxay nala qaateen baaqayagii iyo arimihii aanu  ula tagnay, waxaana halkaas si cad loogu gubay Sanaaduuqdii doorashooyinka ay ugu talo galeen ee ay keeneen deegaamo ka tirsan Somaliland, shirar badan oo aanu wada galnay anaga iyo waxgaradkii deegaanka bariga Sanaag waxay shaaciyeen oo Caalamka u sheegeen in dhulkaasi uu yahay dhul Somaliland ah oo aanay suurta gal ahayn in doorashooyinka Puntland ay ka qabsoomaan. Markaa sidaas ayaanu qorshahaas oo ahaa mid wayn oo runtii Miisaankiisa leh aanu ugu guulaysanay oo aanu ugala soo noqonay guul wax ku ool ah”. Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo biyaha Somaliland C/salaan Maxamed Xasan mar uu ka hadlayey doorrka ay Fashilaadii doorashooyinka deegaanka ee Puntland ay ku lahaayeen Waftigoodii Wasiiradda ahaa ee ku sugnaa deegaanada bariga Sanaag, waxa uu yidhi “Run  ahaantii waxaanu isleenahay culayskii aanu saarnay waftigayagii arinta doorashadda Puntland ee ay damacsanaayeen inay deegaanadaas Somaliland ka tirsan ay kaga hirgaliyaan ayaa sababta ugu wayn lahaa oo soo dadajiyey inay fashilmaan oo uu joojiyo doorashooyinkaasi. Waxaanu Faroole ku hamiyey in gobolada bariga Sanaag iyo gobolka Nugaal ee uu isagu dhalasho ahaan ka soo jeedo ayuu aad ugu tashanayey inay ka qabsoomaan doorashooyinkaasi maadaama gobolada kale ee Puntland ay mucaarid badani kaga kacsan yihiin oo isaga diidan oo aanay u suurta galaynin inay ka qabsoomaan doorashooyinkiisu. Waxaana waftigayagaas noo suurga galay inaanu kala wareegno Rayul-caamkii bulshadda deegaanadda bariga Sanaag oo uu markii hore been ku xod-xodan jiray, waxaanan xasuustaa in markii uu ka warhelay xaaladda bariga Sanaag ka taagan ee uu ogaaday inaanu ku suganahay ayuu quus ka muujiyey oo uu Sanaaduuqdii uu ugu talagay halkaas uu u raray Magaalooyinka kale ee Puntland inay ka qabsoomaan oo uu Sanaaduuqdaas geeyey Gaalkacyo iyo Qardho iyo meelo kale oo uu isku dayey inuu doorasho ka sameeyo, markaas ayaa Sanaaduuqdii uu Qardho ku  sii waday ay dagaal iyo rabshado ka dhasheen oo uu aakhirkiina go’aansaday inuu joojiyo gabi ahaanba doorashooyinkaas”. Mar wax laga waydiiyey Wasiirka sababta wakhtigan soo dadajisay in Sanaaduuqda doorashadda ee Maamulka Puntland halkaas lagu gubo, iyada oo la  ogaa in wakhtiyadii hore uu Maamulka Faroole uu saamayn ku lahaa bulshadda deegaanadda bariga Sanaag, waxa uu yidhi “Xaqiiqadu waxay tahay in bulshadu iyadu ay go’aankaas saxda ah qaadatey oo aanay cidina ku khasbin, waana shacbi og in deegaanka iyo dadkuba uu yahay Somaliland, mida kale waxaan filayaa Siyaasadda furfuran ee xukuumaddan iyo gogashii nabadda ee uu Madaxwayne Siilaanyo hore ugu fidiyey bulshadda deegaanadda bariga Somaliland ayaa soo dadajisay dhacdooyinkan. Sida runta ahna binu-aadamku marka albaabka laga furo ee uu arko in la danaynayo oo arimihiisa mihiimad wayn la siinayo halkii dantiisu ku jirto ayuun buu ku dabafaylayaa, bulshaddaas iyo Faroole labadubana way ogyihiin deegaanada bariga Sanaag iyo shacbigaasiba uu yahay Somaliland oo aan sinaba looga jari Karin”. Ugu danbayn Wasiir ku xigeenka Macdanta iyo biyaha Somaliland mar uu ka hadlayey dareenkiisa ku wajahan Maleeshiyada ka soo goosatey Khaatumo ee isku soo dhiibtey Ciidanka Qaranka Somaliland, waxa uu yidhi “Aad iyo aad ayaan u bogaadinayaa Ciidankaas soo goostey iyo siyaasiyiinta arintaas masuulka ka ah, run ahaantiina waa arin guul wayn u ah Qaranka, dadkanina sida xaqiiqda ah kamay imanayn meel fog oo Kenya iyo Ethiopia kamay imanin oo waa dad reer Somaliland ah oo tabasho ku maqnaa, gogasha nabada ee Madaxwaynaha ee ay aqbaleena waa arin lagu farxo, waxa kale oo aan halkan iyagana bogaadin uga dirayaa Madaxda Qaranka ee halkaas ku soo dhawaysay ee u guuraysay inay tabashadda dadkaas dhagaystaan oo runtii muujinay Bisaylka iyo haykalka dawladnimo”.
 
HARGEYSA SOMALILAND

“Kooxda La Baxday Golaha Wada Tashiga Ujeedadoodu Waa sidii ay Daaqada ugu Soo Geli lahaayeen Hanashada Xukunka” Safiirka Wareega ee Somalilan Amb. Kaysar Cabdilaahi

$
0
0

“Kooxda La Baxday Golaha Wada Tashiga Ujeedadoodu Waa sidii ay Daaqada ugu Soo Geli lahaayeen Hanashada Xukunka, ka dib Markii ay Albaabka Sharciga ah ka soo gali Kari waayeen ee ay Dadweynuhu   Dooran Waayeen”  Safiirka Wareega ee Somalilan Amb. Kaysar Cabdilaahi
Waxaa Beryahan Danbe Dhegaha dadweynaha ka batay hadal haynta Kooxda iskeed isu magacawday ee la baxay Golaha Wada Tashiga, madashaas oo ay isku soo urursadeen kooxo Siyaasiyiin ah oo badankoodu  Faro Mdhan iska taagay inay dadweynaha reer Somaliland Cod ka helaan ka dib markii ay Doorashooyinkii Dalkeenka ka qabsoomay ay dadweynuhu Codkooda siin waayeen. Waxaa markaas ka soo Oodmay Albaabkii sharciga ahaa ee ay ku hanan karayeen Awoodda iyo Hogaaminta Dalka, sababtoo ah Qofkii la doorto ayaa Umadda Hogaamiya, taasoo ah tau u Xukunka ku yimi  Madaxweyne Amed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Saddex Sanadood ka hor.
Hadaba iyada oo Muwaadin kastaa uu ogsoon yahay in Dalkeenka uu ka jiro Sharci iyo Dastuur si cad u qeexay Nidaamka Siyaasiga ah ee loo Maro Gaadhista Kursiga Madaxweynaha, ayaa Kooxdan imika la baxday Golaha la Tashigu ay si cad u baal marayaan Hanaankeena Dawladnimo, waxa ay siyaasiyiintaasi si indho-la,aan ah ay u maleegayaan dhagaro siyaasadeed oo hantaaqo ku ah Horumarka, Kala Danbaynta iyo Nabadgelyada Qarankeena, taasoo Xukuumada Somaliland ay u Xilsaaran tahay ilaalinteeda.
Waxa ay Siyaasiyiintaasi ku Anadacoonayaan inaanay ahayn Gole Siyaasadeed oo u abaabulan sida Golayaasha Qaranka ee Sharciga ah, waxa kale oo ay ku Af-gobaadsadaan marka ay hadlayaan in  aanay Nabadgelyada Dalka ka soo horjeedin. Marka Xaqiiqda lagu hadlo Siyaasiyiinta Golahaasi ku dhawaaqay waxa ay ku foogan yihiin  dhismaha Gole oo aanu sharciga Dalka ka  jiraa jidayn, waxaanay Gobolada iyo Degmooyinka dalka si qarsoodi ah ugu wadaan diiwaan galinta dad ay majaro habaabinayaan, waxaana ay geed dheer iyo geed gaabanba ay u fuulayaan sidii ay  Dalka uga hirgalin lahaayeen Gole Abaabulan oo Sharci Darro ah, kaasoo aan Dastuurka Dalka Waafaqsanayn, nidaam darro iyo qasna ku abuuri kara Dalkeena.
Waana ta Sababtay in Waxgaradka, Culimada, Aqoonyahanka, Cuqaasha, Salaadiinta iyo dadweynaha reer Somaliland ay si aad ah uga soo horjeesteen golahaasi, una canbaareeyaan si joogto ah, maadama ay reer Somaliland ogsoon yhiin Siyaasiyiintan Miidaamaha ah ee Dalka Qaska Galinaya.Waxa kale oo Dadweynaha reer Somaliland ay aad isu weydiinayaan  Xidhiidhka ka dhaxayn kara Golahooda iyo Golahan kale ee Soomaaliya lagaga dhawaaqay, iyo waxa isku Wakhtiga ku soo beegay, waana mid u baahan in si qoto dheer loo fiirayo in arrinta Siyaasiyiintani ay imika la shir yimaadeen ay tahay Mashruuc kale oo inaga Qarsoon oo meelo kale u Talaalan!
Allah Mahadi ha ka gaadhee DadweynahaRreer Somaliland waa  qaar aragti dheer oo aanay khaldi Karin  Siyaasi kolba shaadh usoo xidhaa, isla markaasna  Dadweynaha reer Somaliland waxa ay Kalsooni Buuxda  ku qabaan Xukuumadooda iyo Madaxweynahooda ay Doorteen oo Horumar dhinac kasta ah gaadhsiiyay Dalkeenka mudadii saddexda sanadood ahayd ee uu dalka Hogaaminayay.
Guntii iyo Gebogebadii Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waa Halyeey ku Caan ah inuu Dhagaysto oo uu la tashado Masuul kasta iyo Muwaadin kasta oo haya Talo iyo Tusaale Waxtar u ah Horumarinta Dalkeena Hooyo, Waxaana uu Madaxweyne Siilaanyo Caan ku yahay La Tashiga Dadkiisa, waana mid uu mar kasta Niyad Wanaagsan ku Qaabili Doono Muwaadin Kasta oo Talo Fiican haya. Hase yeeshee Madaxweynaha iyo Xukuumada uu Hogaamiyo Marnaba kama suurtowdo inay Ogolaadaan Wax Sharci Darro iyo Fawdo ka Abuuri Kara Qarankeena,  Iyada oo Ilaalinta Dastuurka iyo Deganaanshaha Nabadgalada Qaranka iyo Kala Danbaynta Dawladnimo ay tahay mid uu u Xilsaaran yahay oo aanuu cidna uga Habrran doonin.
Waxaan ku Waaninayaa Xubnahaas la Baxay Golaha Wada tashigu inay dib isugu Noqdaan oo ay si qoto dheer u eegaan ficilada ay ku kacayaan dhaawaca ay u geysan karto Qaranimadeena, waxaana la gudboon inay  ku biiraan oo ay feedha ka raacaan Xisbiyada Qaranka ee Sharciga ah ee Dalka ka Jira.
 
Waad mahadsan tihiin
Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
kaysar@europe.com
HARGEYSA SOMALILAND

Wax Ku Darso Machadka Khadiijatu Bintu Khuweyda

“Labadii Nin Ee Ku Xigeenada Ahaa Ee Beelaha Hareeraha Ka Soo Jeeday Ayuunbaa Wax La Siiyey, Laakiin Reerkii Dhibaatadu Ku Dhacday Ee Caruurtooda La Laayey Ilaa Hadda Waxba Looma Qaban” Cabdi Haybe

$
0
0

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Cabdi Haybe Maxamed, ayaa ka hadlay heshiis la sheegay inuu dhex maray Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo Faysal Cali Waraabe, kaas oo ay warbaahinta qaar qoreen inay ku heshiiyeen in uu Xasan Ciise ka mid noqdo Xisbigaasi
Cabdi Haybe oo Xalay Khadka Telefoonka ugu warramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay  shir uu sheegay inay dhowaan beeshiisu qabsan doonto iyo waxyaabaha lagaga hadlayo shirkaasi oo ka dhici doona Gobolka Hawd sida, waxaanuu sidoo kale ka hadlay Cabdi Haybe Masuuliyiinta laga magacaabay Xaqsoor iyo ninka sheegtay inuu la wareegay maamulkii Xaqsoor.
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Caafimaad Somaliland Cabdi Haybe Maxamed oo arrimahaasi ka hadlayo waxa uu yidhi  “Ragga ku jira Golaha Wada tashiga waa rag odayaal ah oo waddanka u soo halgamay, mana haboona in sas laga qaado oo haddi la yidhaahdo gole ayaa la sameeyey, horta Golaha micnihiisu waa maxay ma mid shar wadaa mise waa mid khayr wada, waa in la is way diiyaa horta, markaa nimankaasi ma aha rag looga shakiyi karo inay waddanka wax yeelaan, waayo waa rag la wada garanayo oo muhiim ah, marka la eego dhinaca sharcigana Golahaas Distoorkeeno waxa uu jideeyey Sadex gole qaran, laakiin maxa keenay Golahan, ayaa meesha taalla, waxa keenay shaki laga qabo Dawladdeena iyo qaabka ay wax u maamulayso, iyo shirarkan Somalia lala leeyahay ee aanay waxba ka soo baxayn oo ah inaanay ahayn dadka ka qayb gelayaa inaanay khibrad u lahayn waxyaabihii uu waddanku soo maray iyo waxyaabihii berigii hore la isku raacay dad aan arag ayaa ka qayb gelaya wada hadalka, Golahaasna anigu kuma jiro cuqdadna kama qabo, laakiin ma aha mid uu Distoorku ogol yahay, laakiinb marka kelmadda la midneeyo waxa weeyaan cid kastaa way samaysan kartaa oo dhalinyarada ayaa xataa samaysan kara”
Cabdi Haybe Maxamed  oo aanu wax ka waydiinay ninka sheegtay inuu la wareegay maamulkii Xaqsoor  iyo raga laga magacaabay Ururkaasi waxa uu yidhi “Waxba kama jiraan ninka sheegtay inuu la wareegay maamulkii Xaqsoor oo waxa Guddoomiye u ah Ururkii Xaqsoor Xasan Ciise, arrintaasna waxba kama jiraan, wada hadalkii ay uu Xukuumadda la galayna Xukuumadda ayaa Baabiisay, labada nin ee Wasiirada la siiyeyna midna reerkooda ayaa la siiyey (Wasiirka Dibudejinta) midna Kursi oo nin ka cararay ayaa loo dhiibay (Cali Sandulle), markaa wada hadalkii Dawladda ayaa ka baxday oo lama dhamays tirin wax laga qabtayna ma jiro, laakiin labadii nin ee ku xigeenada ahaa ee Beelaha hareeraha ahaa ayuunbaa wax la siiyey, laakiin reerkii dhibaatadu ku dhacday ee Caruurtooda la laayey ilaa hadda waxba looma qaban”
Cabdi Haybe oo ka jawaabayey Su’aal ahayd  sida uu u arko ka mid ahaanshaha Faysal ee Golaha lagu dhawaaqay waxa uu yidhi “ Faysal Cali Waraabe waa Guddoomiyihii UCID waanuu ahaanayaa Golaha la sheegayaan ma aha Gole diiwaan gashan, dad waddaanka burburinayana uma arko, arrinka la sheegayo ee ah in Faysal iyo Xasan Ciise heshiis wada gaadheenna wax ka jiraa ma jiraan, markaa Bisha Sideedaad 15-keeda ayey Besha Arab u ballan santahay in shirweyne Beesha ah lagu qabto Gobolka Haw doo lagag arrin sanayo wixii dhibaato beesha ku dhacday, waxaana iman doona illaa qorbe joogta Beesha, waxaanay sidoo kale beeshu kaga hadli doontaa Mustaqbalka beesha iyo waxa ay yeeli doonto, qaabka uu dalku u socdana waxaan leeyahay ALLA ha inoo sahlo, Odyaashana yaan la dhibsan ayaan leeyahay wax dhib ah ma wadaane”
                                                                           
HARGEYSA SOMALILAND


Opinion: Is al Shabab dehydrated after Sheikh Aweys? Do we have to believe that Al Shabab is no more besetting the people? What next to Al Shabab, I mean what is the next challenge to the Federal Government of Somalia?

$
0
0

Ink of Abdi Musse

Is al Shabab dehydrated after Sheikh Aweys? Do we have to believe that Al Shabab is no more besetting the people? What next to Al Shabab, I mean what is the next challenge to the Federal Government of Somalia?

Al Shabab used before to speak loudly, to judge ostensibly, to claim all disastrous and wicked actions and to eye the people with their frightful manner, but now after their internal crisis and Sh. Aweys's defection, are they dehydrated, shrinking and disappearing or are they hatching out to a clan system?

This is an open question to everyone who dedicated to follow the developments of Somalia.

To me, as a common person from horn of Africa, it is incontestable that some way or the other Al Shabab is shrinking, fading and disappearing from the possible battle scenes in Somalia.

Let me be either right or not; the capture or surrender of Aweys has no direct affect to al Shabab's expiry date, I mean al Shabab was valid from a specific date to another, but what is the next challenge of the current government? For me it is quite clear that the latest reflections from for example Lower Jubba is the rejuvenation phenomena of the notorious warlords. I am not fit to foretell what is coming to happen in the future but according to the passive policy of the government and the challenge from the clan linked regionalism, we have to keep in mind that excessive optimism is out of the way.

Sheikh Aweys, prominent and spiritual leader is not only the epicenter pillar of Islamic groups in Somalia but he is also from a clan dwelling in Central and South Somalia, a clan who has visible influence to the ongoing governmental system in Somalia. This clan persuaded Sheikh Aweys to surrender to the government for the retaliation of getting some kind of suitable treatment from the governing body of the government (judiciary organ.

The result is that goodwilling people who fished Sheikh Aweys from the sea of alShabab is now disappointed and fed up with the unclear fate of the Sheikh Aweys. Besides that many people are amazing, why Sheikh Aweys is being treated different while his colleagues were welcomed open heartedly. His colleagues like From (Sheikh Shariif) to Sheikh Indha-Cade? Aren't they tarred with the same brush? I guess now why he is different; he did not repent or took back his stance, that is why he is not applicable to the treatment manner that above mentioned masters have enjoyed.

On the other hand, other members of Al Shabab who dreamed or dreaming now to defect from al Shabab are supposedly hesitating to take the same step that Sheikh Aweys took, fearing to face an unsuitable treatment from the government. They do not dare to take that step, Do they?

I am not defending Sheikh Aweys but I always keep in mind the well known saying “with menace to none with mercy for all”.

Finally I dare to say ; Let the government be more hospitable, more merciful, more farsighted and more compromised.

Abdi Musse Mohamud

Freelancer journalist
abdimusem@yahoo.com

Reer Boqorka Britain wiil ayaa u dhashay

$
0
0

Kate Middleton oo ah xaaska Amiir William qofka labaad ee leh dhaxalka Boqortooyada dalkan Britain ayaa wiil ku dhashay isbitaalka St Mary’s ee London. Hadal ka soo baxay qasriga boqortooyada Britain ayaa lagu sheegay.

Masjidka Quba Jaaliyada soomaalida Amsterdam

Wiil u Dhashay Boqortooyada Britain

$
0
0

Kate Middletown oo ah xaaska Amiir William ayaa maanta Isbitaalka St Mary's ee Galbeedka London waxay ku dhashay wiil. Wiilkan boqortooyada u dhashay ayaa noqonaya qofka saddexaad ee leh dhaxalka boqortaayada Britain.

Halkan Kadaawo Muuqaalka Boqolaal Ciidamada Khaatumo ahaa oo Kusoo Biiray Somaliland “Maanta iidoor Jananadana Waan Laqaysanaynaa” iyo Kaftankii Xirsi “Anagu Darajada ugu Saraysa een Bixinaa waa Mujaahid Maanta wada Mujaahid ayaa Tidhiin”….

Qaramada Midoobay oo Dalbatay Malaayiin Doollar oo Lagu Caawinayo Dadka ku Dhibaateysan Gudaha Soomaaliya

$
0
0

Mogadishu (Idhanka) — Sarkaal sare oo ka tirsan hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in loo baahan yahay 20-milyna oo doollar oo dheeraad ah si loogu caawiyo dadka Somalia ku dhibaateysan, gaar ahaan caruurta.
Philippe Lazzarin oo gargaarka bani’aadamnimo u qaabilsan UN-ka ayaa ku dhawaaqay in lacagtan wax looga qabanayo nafaqo-darro haysata [...]

Halkan Ka Daawo Mar Kale Oo Ay Maanta Hadleen Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranku oo Xukuumada Axmed Siilaanyo ugu Baaqay in ay Wax ka Qabato Dhaliilaha loo so Jeediyey iyo Magacoodan ay ku Mashquushay ay iska Dayso+Video


Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Oo Maanta Gaadiid Casriya Ku Wareejisay Hogaanka Guud Ee Booliska Somaliland +DAAWO SAWIRRO

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka) Munaasibad Balaadhan oo Maanta ka Dhacday Barxada Hore ee wasaarada arimaha gudaha ayaa waxa ay wasaarada arimaha gudaha Somaliland  ku wareejisay maanta ciidanka Bo0liska ee Magaalada Hargeisa .
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Md. Cali Maxamad Waran Cade oo maanta ku wareejiyey taliyaha ciidamada booliska somaliland labaatan Gaadhi oo dheereeya noocooduna yahay (Police Emergency) ama Booliska Degdeg [...]

Traps Of Shaitan Bro Ahmed Sadiq [Abdullah Espanol Production]

Halkan Ka Daawo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Sheegayna Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranku Yahay Mid Sharciga Baaalmarsan+Video

$
0
0

Berbera (Idhanka) Halkan Ka Daawo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Sheegayna Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranku Yahay Mid Sharciga Baaalmarsan+Video

Idhanka Berbera

Nuxurka Khudbadii Wasiirka Madaxtooyada Ka Jeediyey Xafladii Xadhiga Lagag Jarey Wajigii Kowaad ee Wadada isku Xidha Wajaale iyo Kalabaydh

$
0
0

Wajale (Idhanka) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa jawaab ka bixiyay hadaladii ugu dambeeyay ee ka soo yeedhay Siyaasiyiinta Golaha Wadata Tashiga iyo Toosinta Qaranka
Waxa uu xusay in ay yihiin niman ku fashilmay siyaasadda qaranka, waxaanu xaaraam ku tilmaamay golahooda. 
Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay in dhawaaqyadii ugu dambeeyay ee ka soo [...]

Daawo Sawirrada Dabaaldagyada Ka Socda Magaalada London Ee Dalka Uk Dhalashada Boqortooyada Ingiriiska Oo Wiil U Dhashay oo Dhamaan Warbaahinta Caalamku Hadalhayso

$
0
0

London-(Idhanka) Kate Middleton oo ah xaaska Amiir William oo ah qofka labaad ee leh dhaxalka Boqortooyada dalkan Britain ayaa wiil ku dhashay isbitaalka St Mary’s ee magaaladatan London.
Hadal kooban oo ka soo baxay qasriga boqortooyada Britain ayaa lagu sheegay in wiil uu u dhashay galabta saacaddu markay ahayd 4.24pm. Wararka la xiriira
Hadalka ayaa lagu sheegay [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live