Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dhaqdhaqaaq iyo diyaargaroow ka socda madaxtooyada Soomaaliya iyo madaxweynaha oo saacadaha soo socda ku dhawaaqaya Ra'iisal wasaare

$
0
0

Madaxtooyada Qaranka Soomaaliya ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq iyo diyaargaroow ku aadan sida la soo sheegayo xaflad uu Madaxweynuhu ku caleema-saarayo qofka qabanaya jagada Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya.

Warar aad ugu dhow xafiiska Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegaya in shaqsiyaad u xusul duubaya in xilkaas loo magacaabo ay haatan xuuraansanayaan xilkaas qofka uu madaxweynuhu u magacaabayo inkastoo saadaal aan laga bixin karin shaqsigaas Madaxweynaha iyo la-taliyayaashiisa oo afka warbaahinta ka qabsaday darteed.

War jiraaba cakaaruu iman, fagaaraha ayaana madal ah ee ha moogaan wararkeena dambe si aad u noqoto qofka ugu horeeyay ee maqla magaca ra'iisal wasaaraha laga naawilayo Madaxweynaha afkiisa.

halgankanet@gmail.com


Khilaafka u dhexeeya Mas'uuliyiinta Alshabaab oo kismaayo gaaray iyo Shiikh Xasan Yacquub oo ciidankiisa kala baxay magaalada

$
0
0

Magaalada Kismaayo, xarunta maamulka Jubbada Hoose ayaa waxaa laga soo sheegayo khilaaf qarka u saaran kala tag oo u dhexeeya Mas'uuliyiinta gobolkaas ee Alshabaab.

Shiikh Xasan Yacquub oo Alshabaab u qaabilsan magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa in uu halkaas isaga baxay isagoo horkacaya ciidamo isaga ka amarqaata oo ay heyb wadaagaan.

Shiikh Yacquub ayeey bixitaankiisa dadka deegaanku ku sifeeyay mid ka dhashay muran mudooyinkan  dambe u dhexeeyay maamulka Alshabaab ee Jubbada Hoose , khilaafkan oo gadaal uga daaban baa la leeyahay kan u dhexeeya Abuu Mansuur iyo Axmed Godane.

Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa qarsoomi la' oo banaanka u soo baxay khilaafka deegaanka, dhaqaalaha iyo mabda'a salka ku haya ee u dhexeeya mas'uuliyiinta Alshabaab waxayna saadaalinayaa dadka u dhuun daloola Alshabaab siyaasadooda in la gaaray xiligii kala taga Ururkan.

halgankanet@gmail.com

Cabdinuur Darmaan "Ciidammada AMISOM, waxay doonayaan in ay ka geystaan Soomaaliya kuwa la mid ah dhibaatooyinkii ay ka geysteen dalka Congo, halkaasoo ay ku kufsadeen haween badan, hanti badanna ay ku dhaceen,"

$
0
0

Cabdinuur Darmaan oo sheegta in uu yahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan dalka Switzerland xog-wareysi siiyay idaacada Muqdisho ka hawlgasha ee Radio Shabelle.

Darmaan wuxuu ugu horeyntii sheegay in uu ashtako ka gudbiyay ciidamada AMISOM ée sheegta in ay Soomaaliya nabad ilaalin u joogaan waxaana hadaladiisi ka mid ahaa mar uu ka hadlayay dacwadaas halka uu u gudbiyay; "Waxaan dacwad ku saabsan dhibaatada ay ciidammada AMISOM ku hayaan dadka Soomaaliyeed u gudbiyay beesha caalamka,"

Mr. Darmaan oo dadka Soomaaliyeed iyo dunida kaleba dib u xusuusinayay hagardaamooyinkii loo geystay Reer Kongo ayaa sheegay in caruur ka badan 26000 oo cunug kufsi looga dhalay gabdho u dhashay Kongo sidaas oo kalena ay hadda Soomaalida lala damacsan yahay waa siduu hadalka u dhigaye. "Haddii dagaalku uusan ku qasbi laheyn AMISOM inay ku jiraan xeryahooda, waxaa imaan lahayd inay kufsadaan gabadhaha Somaaliyeed, hantida dalkana ay dhacaan,"  Ayuu Darmaan hadalkiisi sii raacsaday.

Ciidamada AMISOM ayaa ah kuwa Muqdisho kaga sugan baro cayiman waxaana inta badan weeraro ku qaada xoogag dowladda ay madaxdeeda ilaaliyaan ka soo horjeeda, weeraradaas jawaabta ay ka bixiyaan Amisomna waxay shacabka Soomaaliyeed ka dhaxlaan, dhimasho, dhaawac, qax iyo burbur hantiyeed oo aan la soo koobi karin.

halgankanet@gmail.com

WARBIXIN: Muxuu salka ku hayaa khilaafka madaxda ururka Alshabaab? Yaase ka dambeeya?

$
0
0

Masuuliyiin sare oo ka tirsan ururka Alshabaab ayaa xalay gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay iyadoo warar kala duwan ey ka soo baxayaan safarkooda.

Wafdigan oo sida la sheegay uu hoggaaminayo Sh. Xuseen Fidow, u qeybsanaha Alshabaab ee arimaha Gudaha ayaa la sheegayaa iney isku dayayaan iney xasilyaan muranka ka dhex taagan madaxda sare ee ururka Alshabaab kaas sida la sheegay ka dhashay arimo dhowr ah oo soo jiitamayey in muddo ah.

Muranka u dhexeeya madaxda Alshabaab oo in muddo ah soo jiitamayey tan markii la dilay hoggaamiyahoodii hore Ceyrow ayaa salka ku hayey cidda hoggaanka u qabaneysa ururka iyadoo Sh. Axmad Godane si aan la isku waafaqsaneyn loogu dhiibay hoggaanka ururka.

Muranka ayaa sii hoggeystay kadib markii guddi Alshabaabku u xilsaaray iney la xaajoodaan ururka Xisbul Islaam oo uu madax u ahaa Sh. Abu Mansuur la galeen heshiis lagu mideeynayey labada Ururk isla markaasna uu ku gacan seyray Sh. Axamd Godane heshiiskii ey soo qaadeen kaas oo dhigayey in dowlad Islaami ah oo ey ku mideysan yihiin labada urur la dhiso iyadoo ey balan qaaday dowlada Eriteriya iney aqoonsan doonto dowladooda.

Warar hoose oo dhinaca Alshabaabka laga helay ayaa sheegaya in Sh. Xassan Daahir Aways si gooni ah ula hadlay Abu-Mansuur isagoo ka dhaaciyey inuu ka noqon doono dowlada Islaamiga ah oo ey dhisi doonaan guddoomiyaha golaha fulinta oo u dhiganta R/Wasaare isla markaana uu ururka Xisbul islaam isaga dooran doono.

Sh. Abu Mansuur ayaa isagu awood xoog leh ku leh ururka Alshabaab isagoo u qaabilsan dhinaca difaaca iyo tababarka ciidamada iyadoo ciidamada urukuna boqolkiiba todobaatan (70%)yihiin kuwo ka soo jeeda beesha uu ka dhashay ee digiil iyo mirifle.

Ciidamada Farabadan oo Rooboow taabacsan oo ey badankoodu yihiin Raxan weyn ayaa jooga gobolada dalka oo dhan laga soo bilaabo Xarardheere illaa iyo Kismaayo iyagoo ah laf dhabarka ururka hadii ey ka baxaana la hubo in ururku cudud ahaan burburayo.

Qaar ka tirsan madaxda ururka Alshabaab ayaa eedeynta dusha uga tuuraya Sh. Xassan Daahir Aways isagoo sida ey sheegayaa kala jebiyey ururka Alshabaab si uu u soo celiyo awoodii ururka Xisbul Islaam oo ey ururka Alshabaab xoog ugala wareegeen meelo badan oo ka tirsan gobolada ey haatan ka taliyaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Sh. Xassan Daaahir kula taliyey Abu Mansuur iney aan dagaal toos ah lala gelin dowlada iyo ciidamada AMISOM balse loola dagaalo si ku dhufo oo ka dhaqaaq ah taas oo uu garwaaqsaday Abu- Mansuur balse laga dhaadhicin waayey Godane iyo Fu'aaad Shangolle ayagoo ku adkeystay in dagaalka fool ka foolka ah la sii wado.

Dhanka kale, dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in haddii ururka Alshabaab magaciisa la baabiyo isla markaasna ey la midoobaan kan xisbul islaam uusan noqon doonin sidii hore isagoo sii kala jebi doona mar kale.

Si kastaba ha ahaatee ururka Alshabaab ayaa qarka u saaran inuu burburo iyadoo haddii xattaa khilaafkooda la xaliyo uusan ururka ahaan doonin sidii markii hore.

Sagaal lagu xiray Booramo

$
0
0

Xabsiga Magaalada Boorama waxaa ku xiran dhawrkii maalmood ee ugu danbeeyay sagaal dhallinyaro ah oo uu ku jiro Guddoomiyihii garabka dhallinyarada Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB ee gobolka awdal Cabdillaahi Bade iyo Ku xigeenkiisii Muumin Xasan Sheekh Muumin.
Taliyaha qaybta Boliiska ee gobolkaasi Maxamed Cabdi oo BBC-du la xidhiidhay maanta ayaa sheegay in dhallinyaraadsi loo haysto wax uu ugu yeeray khalkhalgelinta nabadgelyada.
Taliyuhu muu bixin wax faah-faahin dheeraad ah.

Guddoomiyaha waaxda siyaasadda ee Xisbiga UDUB cumar Jaamac Faarax ayaa war uu soo saaray ku cambaareeyay xariga dhallinyaradaasi , kuna tilmaamay mid sharci darro oo aan loo soo marin wadadii xaqa ahayd.
Xisbiga UDUB waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in sagaalkaasi dhallinyarada ah deg deg loo soo daayo.

AU: waxaan gacanta ku haynaa 40 boqolkiiba Muqdisho

$
0
0

Midowga Afrika ayaa sheegay in ciidamadooda nabad ilaalinta inay hadda gacanta ku hayaan in ka badan afartan boqolkiiba Muqdisho.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Wafula Wamunyinyi ayaa BBCda u
sheegay, in ciidamada Afrikaanka ay u guureen meelo cusub maalmahan
danbe. Wuxuu sheegay inay ka go'doomiyeen Islaamiyiinta meeshii ugu
muhiimsaneed ee ay fadhiyeen suuqa Bakaaraha.

Kala qaybsanaan ayaa lagu soo waramayaa inay soo kala dhex gashay Al-Shabaab.

In kastoo Al- Shabaab ay kala qaybsan tahay, dad
goob joogayaal ah ayaa sheegaya in ciidamada Midowga Afrika dhulka ay
gacanta ku hayaan inuu ka yar yahay afartan boqolkiiba.

 

Golaha Wasiirrada Ethiopia iyo somalida oo dhex muuqata

$
0
0

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, ee dhowaan dib loogu soo doortay xilka, ayaa soo magacaabay golihiisa wasiirada cusub.

Golaha Wasiirrada Ethiopia

Ra'iisul wasaaraha Ethiopia,
Meles Zenawi, ee dhowaan dib loogu soo doortay xilka, ayaa soo
magacaabay golihiisa wasiirada cusub.

Waxaa ku jira laba wasiir oo ka soo jeeda gobolka Soomaalida ee Ethiopia.

Gobolada dalka Ethiopia dhamaan ayay ka soo jeedaana golaha wasiirada cusub ee Ethiopia waxaana ay kala yihiin:

  1. Wasiirka arrimaha dibedda, ahna Raiisul
    Wasaare ku xigeen: Haila Mariam Desalgen, Waxa uu ka soo jeedaa
    koonfurta Ethiopia. Dowladda ayuu u soo shaqeeyay, waxa uu macalin
    iyo madaxba ka soo noqday jaamacadda sanado badan, Waxa uu ka soo
    shaqeeyay gobolka koonfurta Ethiopia, isagoo ka ahaa ku xigeenka
    madaxa maamulka. Ilaa 1998 waxa uu la taliye u ahaa Raiisul
    Wasaaraha. 2000 kadib waxa uu xubin baarlamaanka, waxa uu
    guddoomiyaa xisbiga Southern Ethiopian democratic party, waana
    guddoomiye ku xigeenka EPRDF.
  2. Wasiirka Difaaca: Sirag Fegas, waxa uu
    ka soo jeedaa Selete. Waxa uu ka soo shaqeeyay dowladda isagoo soo
    qabtay xilal madax laamo kala duwan, ilaa 1998 waxa uu dowladda
    federalka ka ahaa wasiir, ilaa 2001 waxa uu ahaa wasiirka difaaca.
    Waa xubin ka tirsan baarlamaanka, waxaana uu xubin ka yahay EPRDF.
  3. Wasiirka Arrimaha Federaalka, Dr.
    Shiferaw Teklemariam, Waxa uu ka soo jeedaa Hadia , ilaa 1998 waxa
    uu ahaa ku xigeenka wasiirka caafimaadka, 2001 waxa uu noqday
    wasiir dowladda federalka, hadda waxa uu u shaqeynayay dowladda
    koonfurta Ethiopia, waana xubin ka tirsan EPRDF.
  4. Wasiirka cadaaladda, Berhani Hailu waxa
    uu ka soo jeedaa gobolka Amxaarada, waxa uu door kala duwan ka soo
    cayaaray gobolka Amhara, waxa uu masuul ka ahaa caafimaadka, waxa
    uu sidoo kale soo noqday madaxa radio iyo telefishinka, . 1998 waxa
    uu noqday wasiirka wasaaradda warfaafinta. Waxa uu xubin ka yahay
    Xisbiga Amhara iyo EPRDF.
  5. Wasiirka adeegga madaniga ah, Junedin
    Sado, waa Oromo, waxa uu soo noqday madaxweyne , 1998 waxa uu ahaa
    wasiirka gaadiidka iyo isgaarsiinta. Ilaa sanadkii 2001 waxa uu
    ahaa wasiirka sayniska iyo tiknoolajiyadda. Waxa uu xubin ka yahay
    Oromo iyo EPRDF.
  6. Wasiirka Maaliyadda, Sufyan Ahmed: waxa
    uu ka soo jeedaa gobolka Oromo, waxa uu ka soo shaqeeyay dowladda,
    waxa uu macalin ka ahaa jaamacadda Addis Ababa sanado badan, Waxa
    uu soo noqxday wasiirka maaliyadda kadibna wasiirka qorsheynta,
    waxa sidoo kale uu madax ka noqday laamo kala duwan, Waxa uu xubin
    ka yahay Xisbiga Oromo Democratic Party iyo EPRDF.
  7. Wasiirka beeraha, Trefera Derbew: waxa uu
    ka yimid gobolka Amxaarada, waxa uu ka soo shaqeeyay wasaarado kala
    duwan,, waxa sidoo kale uu ka soo shaqeeyay gobolka Amhara, oo uu
    ka noqday madaxa qeybta beeraha, 1998 waxa uu noqday madaxa beeraha
    iyo horumatinra ee Zone-ka Amharada.
  8. Wasiirka Warshadaha, Mekonen
    Manyazewal: waxa uu ka soo jeedaa gobolka Amxaarada, ilaa 1983
    waxa uu dhaqaale yahan uga soo shaqeeyay laamo kala duwan, 1984,
    waxa uu ahaa ku xigeenka wasiirka maaliyadda, dhaqaalaha, iyo
    horumarinta, waxa uu ka soo shaqeeyay horumarinta iyo qorsheynta
    iyo maalgelinta, waa xubin ka tirsan EPRDF.
  9. Wasiirka Ganacsiga, Abd-al-Rahman Shaykh
    Muhammed: waa Soomaali, waxa uu ka soo shaqeeyay gobolka Soomaalida,
    oo uu madax u ahaa guddiga shaqaalaha dowladda, waxa uu taageeray
    hawlo kala duwan oo dhinaca waxbarashada ah, waxa uu madax ka soo
    noqday gargaarka, waxa uu markii ugu danbeysay ahaa sarkaal
    waxbarshada gobolka Soomaalida, waxa uu xubin ka yahay xisbiga
    Somali democratic Party.
  10. Wasiirka Sayniska iyo Tiknoolajiyada:
    Desie Dalkie, waxa uu ka soo jeedaa Sidma. Waxa uu ka soo shaqeeyay
    laamo kala duwan oo dowladda. Waxa uu ka soo shaqeeyay gobolka
    Koonfurta Ethiopia, oo uu ka soo noqday madaxa laamaha waxbarashada
    iyo horumarinta.. Waa xubin xisbiga southern Ethiopian people iyo
    EPRDF. Sidoo kale waa xubin ka tirsan baarlamaanka.
  11. Wasiirka gaadiidka, Dirib Kuma, waa
    Oromo. Waxa uu aks oo shaqeeyay gobolka Oromo oo xilal kala duwan
    uu ka soo qabtay. 1998 waxa uu soo noqday sarkaal dhinaca beeraha
    iyo horumarinta . 2002 waxa uu noqday wasiirka isgaarsiinta iyo
    gaadiidka.
  12. Wasiirka Warfaafinta iyo
    tiknoolajiyadda: Debretsion Gebremiskael, waa Tigray. Waxa uu u
    soo dagaallamay TPLF. Waxa uu soo noqday madax iyo wasiir gobolka
    Tigray. Waxa uu ahaa agaasimaha warfaafinta, isgaarsiinta iyo hey’adda
    horumarinta. Waa xubin ka tirsan EPRDF.
  13. Wasiirka Dhismaha iyo horumarinta
    magaalooyinka: Ato Mekuria Haile waxa uu ka soo jeedaa gobolka
    Gurage. Waxa uu u soo shaqeeyay dowladda deegaanka, laamaha
    ganacsiga, warshadaha iyo horumarinta magaalada. 2001 waxa uu
    noqday madaxa dowladda hoose ee Addis Ababa.
  14. Wasiirka Biyaha iyo Tamarta, Alemayehu Tegenu, waa Oromo.
  15. Wasiirka Kaawooyinka: Senkenesh Ejigu, waxa ay ka timid gobolka Oromo.
  16. Minister of Education, his excellency Ato Demeku Mekonnen from Amhara zone.
  17. Wasiirka Waxbarashada, Demeke Mekonen , waxa ay ka soo jeedaa Tigray zone.
  18. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha
    Bulshada, Abdulfatah Abdulahi Hasan, waa Soomaali. Waxa uu Agaasime
    ka ahaa machadka maamulka. Wuxuu sidoo kale madax ka soo noqday
    qeybta waxbarashada. Hadda waxa uu ahaa sarkaalka horumarinta. Waxa
    uu guddoomiye ka ahaa SHDP.
  19. Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska, Ato Amin Abdulkader, Waxa uu ka yimid gobolka Afar.
  20. Wasiirka Haweenka, Carruurta iyo Arrimaha Dhallinyarada, Zenawbu Tadese, waxa ay ka soo jeedaa Amhara zone.

Haddii aad rabto in aad ogaato waxa ka dhacaya Soomaaliya waqti yar ku qaado TALK SHOP ee magaalada Espoo Finland

$
0
0

Waxaa laga yaabaa in haddii aad maqasho erayadan; "Haddii aad rabto in aad ogaato waxa ka dhacaya Soomaaliya waqti yar ku qaado  TALK SHOP:ka magaalada Espoo, Finland" in aad istiraahdo waa sidee xaalku? Laakiin ha degdegin ee u dhaadhac dhankja hoose iyo dulucda ujeedada.

Jariidad lagu magacaabo Helsingin Sanomat (Helsinki Times) oo sida aad magaca ka arkeysidba ka soo baxda magaalada Helsinki ayaa weriye u shaqeeyaahi wuxuu booqasho shaqo ku tegay xarunta ganacsiga Soomaalida ee TALK SHOP, xaruntaas oo ku taal magaalada Espoo Finland.

Jukka Huusko oo ah suxufiga xaruntan booqday ayaa ugu horeyntii hadalkiisa baaraandeg dheer ka dib hal ku dhig uga dhigay "Haddii aad rabto in aad ogaato waxa ka dhacaya Soomaaliya waqti yar ku qaado  TALK SHOP Espoo Finland".

Suxufigu sababta uu hal-ku-dhigan u doortay iyo sida uu ula ashqaraar iska warqabka Soomaalida ku nool Finland iyo kuwa weli ku nool gudaha dalka Soomaaliya meelaha nabdoon iyo meelaha kale ee dagaalada loogu dawgalayba ayaa waxaa uu sidan u qoray qormadiisi.

"Marwo Soomaaliyeed ayaa isku soo laabtay kadinka yar ee sandaqada telefoonka iyadoo gacanta ku heysata madax telefoon halka docda kalena uu uga dhegan yahay wiil ay dhashay oo ka soo cararay dagaalada ka socda Muqdisho soona gaaray xuduuda Itoobiya iyo Soomaaliya. "Naag dhaliyara ah ayaa sidoo kale saaxibadeed rabta in kala xiriirto Dubai iyo London iyadoo hor fadhisa iskifaalaha xawaashka telefoona gacanta ku heysa".

Cabdullaahi Cabdi Faarax, Sujuud oo madax ka ah xaruntan ganacsi ayaa ka warbixiyay muhiimada ay xaruntni u leedahay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Finland gaar ahaan magaalada Espoo iyo magaalooyinka ku xeeran waxaana hadaladiisi ka mid ahaa; "mar kasta oo ay Soomaaliya ka dhacaan wax weyn meesha waxaa soo buuxinaya macaamiil" "Daqiiqado ayaad halkan uga heli kartaa aqbaarta Soomaaliya" Ayuu Cabdullaahi hadalksiisi sii raaciyay.

Suxufiga oo sii qaadaa dhigayay shaqsiyada Cabdullaahi ayaa sheegay in Cabduulaahi xiriir dhinacya badan oo aad u dhow la leeyahay dhinacyada Soomaaliya ha ahaadaano kuwa iska soo horjeeda ama isla soo jeedee, waxaana uu sidoo kale boorka ka jafay hawlaha nabad raadinta ee Ha'adaha Finishku ka wadaan Soomaaliya isagoo qaab fududeyn iyo xiriirn ah kula shaqeeya.

Suxufigu intii uu joogay TALK SHOP wuxuu Sujuud isku dayay in uu toos ula xiriiro madax iyo shacab ku sugan magaalada Muqdisho, xiligaas oo dagaalo qaraari ay ka socdeen gudaha magaalada Muqdisho.

Dadkii kale ee uu Suxufigu kula kulmay TALK SHOP waxaa ka mid ahaa Abdiramaan Ali "Jiimi" oo ka mid ah mudanayaasha dowladda Hoose ee magaalada Espoo maamula wuxuuna Jiimi sheegay in Alshabaab magacaooda marka la soo qaado qeyba badan oo Soomaalida ka tirsan ay baqdini geleyso maadaama ay xukunka dadka ku giijiyaan.

Si kastaba arintu ha ahaatee Soomaalida ku dhaqan dalka Finland waxay qoraalkan maanta ku soo baxay Helsinki Times ku timaameen kii ugu macquulsanaa ee mudooyinkan dambe ay  saxaafada Finnishku ka qorto Soomaalidu ku dhaqan dalkeeda waxaana xusid mudan in saxaafada Finnishku si heyb sooc oo kale u colaadiyaan Soomaalida.

Haddii aad aqriso afka finnishka fadlan guji linkiga hoose.

http://www.hs.fi/ulkomaat/artikkeli/Espoosta+saa+yhteyden+Somalian+taistelujen+keskelle/1135260679493

 

 

 


AMISOM oo guul ku tilmaantay khilaafka soo kala dhexgalay madaxda Alshabaab gaar ahaan Abuu Zubeyr iyo Abu Mansuur

$
0
0

Hogaanka ciidamada AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in ay ka warhayaan islamarkaana ku faraxsan yihiin khilaafka shaqsiyadeed ee soo kala dhexgalay madada Alshabaab.

Afhayeenka AMISOM Bahoku oo warbaahinta la hadlay ayaa guul dowladda Soomaaliya iyo AMISOM u soo hoyatay ku sifeeyay khilaafka bannaaka u so baxay ee u dhexeeya Alshabaabka.

Maalmahan ayaa waxaa aad loo hadal hayay khilaaf faraha ka baxay oo u dhexeeya Abuu Mansuur iyo Abuu Zubeyr, khilaafkaas oo sidoo kale ku sii fiday xubnaha kale ee Alshabaab waxaana shalay Kismaayo ka dhaqaajiyay oo ciidankiisa kala huleelay Shiikh Xasan Yacquub, gudoomiyaha degmada Kismaayo.

halgankanet@gmail.com 

Sh. Xassan Yaqcuub oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo kadib markii uu ka carooday shalay

$
0
0

Sh. Xassan Yaqcuub oo ka tirsan madaxda sare ee maamulka Alshabab ee Kismaayo ayaa dib ugu laabtay magaalada Kismaayo kadib xiriir ey la sameeyeen qaar ka tirsan madaxda
Alshabaa b.

Sheekha ayaa dafiray in uu iskaga tagay magaaladda kismaayo, balse wuxuu qiray inay jiraan khilaafaad xoogan, isagoo intaa ku daray inay iyagu xalin doonaan khilaafaadka xargaha goystay ee u dhaxeeya mujaahidiinta Al Shabaab.

Sheekh Xasan Yacquub oo warbaahinta siiyay wareysi dheer ayaa wuxuu si gaar ah ugu nuux-nuux-saday khilaafaadka culus ee u dhaxeeya hogaanka sare ee Xarakada Al Shabaab, balse wuxuu rajo diiran uu ka muujiyay inay iyagu kala dhex gelli doonaan.
Sidoo kale wixii dhaliilay warbaahinta ka hawl-gasha gudaha dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay baahiyeen warar aan sal iyo raad toona laheyn, wuxuuna ka digay wararka been abuurka ah.

Warar kale ayaa xaqiijinaya in uu Sheekh Yacquub iskaga baxay magaaladda Kismaayo, hase ahaatee laga soo celshay degmada Afmadow, kadib markii ay u caqli celiyeen qaar ka tirsan saraakiisha Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo ka madax banaan khilaafaadka xoogan ee ka dhex aloosan.

Hadalkaan kasoo yeeray Afhayeenka Maamulka Jubbooyinka ahna Madaxa wafaafinta Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa wuxuu kusoo aadaayaa, xilli uu iskaga cararay magaaladda Kismaayo, hase ahaatee uu dib ugu laabtay waan waan kadib.

Xisbul islaam iyo maamulka Puntland oo loogu baaqay in joojiyaan barakicinta barakacayaasha dhibaateysan

$
0
0

Maamulka Puntland iyo ururka Xisbul islaam ayaa loogu baaqay in ay joojiyaan salka-kicinta ay salka-kicinayaan Barakacayaal markoodi horeba aad u dhibaateysnaa.

Xildhibaan Maxamuud Cabdi Cali, gudoomiyaha gudiga Baarlamaanka ee gargaarka bani'aadminimada oo idaacada Shabelle Radio la hadlay ayaa ku tilmaamay wax laga xumaado barakicinta ay Ciidamada Xisbul islaam ku hayaan shacabka masaakiinta ah ee ku sugnaa Jaamacadda Lafoole.

Gudoomiyuhu wuxuu ugu baaqay madaxda iyo hogaanka Sare ee Xisbiga in ay wax ka qabtaan dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo shacabka dhiban ee dhibka kale loogu sii darayo.

Dhanka kale Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Baarlamaanka ee gargaarka Bani'aadminimada ayaa Puntland ugu baaqay in ay joojiso heybsooca iyo tarxiilka ka dhanka ah dadka ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com

Musharax ka soo jeeda Gedo oo boqolkiiba sagaashan la hubu in madaxweynuhu magacaabi doono iyo musharax madaxweynuhu rabay oo beeshu diiday!!

$
0
0

Madaxweyne Shariif oo la filayey shalay iyo maantaba inuu magacaabo ka hor ambabixiisa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda cusub ayaa taasi dib u dhac ku timid, waxaana lagu wadaa inuu ku dhawaaqo marka uudib dalka ugu soo laabto sida uu noo xaqiiyey Agaasimaha warfaafinta xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Khaliif Xaashi.


Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay qaar ka mid ah siyaasiyiinta dowladda ayaa noo xaqiijiyey in Madaxweyne Shariif uu dib u dhigay magacaabidiisa kaddib markii ay kulan la qaateen waqti yar ka hor xilligii laga filayey ku dhawaaqidda Ra’iisul Wasaaraha xildhibaanno, odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda heybta Siyaasiga cusub ee la hadalhayey inuu ku dhawaaqo kaasoo lagu magacaabo Cabdi Faarax loona yaqaano (Saacid). Beesha Mareexaan oo uu siyaasigaasi ka soo jeedo ayaa inta badan siyaasiyiinta iyo dhaqanka beeshaasi ee muqdisho ku sugan waxay ka soo horjeesteen magacaabidiisa, kuwaasoo si weyn ugu ololeynaya Siyaasiga Cabdiwaaxid Cilmi (Goonjeex), waxayna ku doodayaan ineysan waxba ka garaneyn Siyaasiga lagu magacaabo Saacid, balse ay si aad  ah ula dhacsan yihiin hoggaanka Cabdiwaaxid Goonjeex, sidaa daraaddeed ayay uga digeen Madaxweyne Shariif inuu ku degdego magacaabiddaasi.


Siyaasigan doonaya inuu markii ugu horreyaya ka soo dhexmuuqdo saaxadda siyaasadda Soomaaliya ayaa la sheegay iney gadaal ka riixayaan dowladda Itoobiya iyo siyaasiyiin kale oo Soomaali ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Barlamaanka Sahriif Xasan Sh. Aadan, Wasiirka Amniga Axmed Cabdisalaam iyo Wasiirka Qorsheynta Mustaf Dhuxulow, laakiin lama saadaalin karo waxa ay ku soo kordhin doonto mowqifka madaxweynaha oo isaga qudhiisa doonistiisii hore lagu sheegay inuu ku niyad samaa magacaabidda qof wax badan ku soo dhexjiray siyaasadda dalka isla markaasna dalka ku sugnaa xilliyadan kala guurka oo dhan.


Waxaa jira mushaarraxiin kale oo iyagu u heellanaa qabashada xilkaRa’iisul Wasaarenimada, kuwaasoo  badankooda ka soo jeeda beelaha Daarood, gaar ahaan beesha Majeerteen, baalse  Shariifka ayaa markan u muuqda mid isbeddel sameynaya oo doonaya in markan uu xilka xukuumadda u dhiibo beesha Mareexaan oo noqoneysa markii ugu horreeysay oo ay xil noocaan oo kale ah helaan.

Madaxweynaha dowladda Federalka Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo
wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalasda Sirta ee dalka
Liibiya.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa halkaasi kaga qeyb galaya Shir
madaxeedka dalalka Carabta, waxaana haalkaasi horey u sii joogay wefdi
ka socda dowladda KMG ah oo si hordhac ah u sii joogay magaalada Sirta.

Sh. Abu Mansuur oo salaadii jimcaha kadib dafiray khilaafka ururkiisa ka dhex aloosan iyo kulan la sheegayo inuu la qaatay hoggaamiyaha Xisbul islaam

$
0
0

Ku xigeenka hoggaanka Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ey la socdaan wafdi dhowaan gaaray Baydhabo ayaa maanta salaadii Jimcaha ku dukaday masaajidka Nasru-diin ee magaalada Muqdisho iyadoo loo maleynayo in xal horudhac ah laga gaaray khilaafkii harreeyey ururka Alshabaab.

Madaxda difaaca iyo tababarada ee Alshabaab ayaa been abuur ku sheegay warar beryahan la isla dhexmarayey oo sheegayey in isaga Sh. Zubeyr khilaaf kala dhex galay kaas oo halis geliyey jiritaanka ururka Alshabaab.
.
Abuu Mansuur ayaa si cad wuxuu u sheegay in uusan jirin wax khilaaf ah oo xilligan ka dhex jira Al-Shabaab isagoo sheegay in murtadiintu is khilaafaan iyagu ey ilaahey dartiis u jihaadayaan waa sida uu hadalka u yiriye.

Waxaa hadalkan uu kaga dhawaaqay masjidka Nasrudiin ee magaalada Muqdisho ka dib salaadii Jimce ee maanta iyadoo ey halkaasi ku sugnaayeen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Alshabaab iyo Xisbul Islaam.
.
Abuu Mansuur ayaa wuxuu iclaamiyay dagaal cusub oo ka dhan ah dowladda KMG iyo ciidamada shisheeye.

Dhanka kale saraakiil reer Baydhabo ah oo beryahan ka tegay meelo ka tirsan gobolada koonfureed ee dalka ayaa la sheegay in dib ugu noqdeen meelahoodu iyadoo uu ka mid ahaa Sh. Xassan Yacquub oo dib ugu noqday Kismaayo iyo kuwo kale oo B/Weyne dib ugu laabtay sida aan warka ku heleyno.

Lama oga illaa iyo hadda marka laga tago inkiraada Sh. Mansuur  in khilaafkii la dhameeyey iyo in kale walow ey muuqato isbedel ka yimid dhanka Abu -Mansuur.

Wararka kale oo aan la xaqiijin weli ayaa sheegay in Abu Mansuur uu la kulmay hoggaamiyaha Xisbul Islaam Sh. Xassan Daahir Aways oo isaga horey si hoose ey ugu eedeeyeen qaar kamid ah ururka Alshabaab inuu walax ka dhaadhiyey Abu Mansuur taas oo aan dhab ahaan la ogeyn.

Lama oga haddiiba uu dhacay kulankan waxa ey ka wada hadleen labadan masuul iyadoo ey soo shaac bixi doono maalmaha soo socda walow la sheegayo in Godane aqbalay in labada urur la mideeyo.

Maalmihii u dambeeyay ayaa warbaahinta qaar waxaa ay aad u baahinayeen warar muujinaya khilaaf xoogan inuu ka dhex abuurmay hogaanka Al-Shabaab uuna keenay is dhexcaay ciidamada dhexooda ah.

Hasa ahaatee, Abuu Mansuur oo ku dheeraaday arrimahaasi ayaa gaashaanka ku dhuftay isagoo cadeeyay inuusan jirin wax qilaaf ah.

Dowladda Koonfur Afrika oo iska diiday inay Ciidamo u diraan dalka Soomaaliya.

$
0
0

Xoghayaha Gaashaandhiga Dalka Koonfur Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Mpumi Mpofu oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Cape Town ayaa sheegtay dalkiisu inuusan diyaar u ahayn inuu ciidamo  u diro dalka  Soomaaliya.
Dowladda Koonfur Afrika oo horay u sheegtay inay suuragal tahay ciidamo ka socda dalkeeda inay ku biiriso Ciidamada AMISOM ee jooga Muqdisho ayagoo wax ka bedelay go'aankoodii hore.

Waxay sheegtay Xoghayaha inaysan jirin wax fariin ah oo la soo gaarsiiyey wasaarada Gaashaandhiga taas oo looga dalbanayo inay ciidamo u biiriyaan kuwa AMISOM ee ka howlgala meelo kamid ah magaalada Muqdisho ee dalka  Soomaaliyasi.
Dowladda Koonfur Afrika ayaa horay uga sheegay shirkii ka dhacay Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha inay ka fakarayaan ciidamo ay u diraan Soomaaliya iyo inkale.

Alshabaab ; " Wadahadal nabadeed diyaar uma nihin dagaal ayaan diyaar u nahay"

$
0
0

Alshabaab ayaa ku dhawaaqay in aysan wax wadahadal ah la geleyn dowladda uu hogaamiyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Muqtaar Rooboow oo salaadii jimcaha ee shalay ka dib la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in ururkoodu uusan wadahadal noocii uu doonba ha ahaadee la geleyn dowladda Soomaalida ee isagu uu u yaqaan "gaala-raac".

Hadalkan nabad diidka ah ee ka soo yeeray Alshabaab ayaa ka dambeeyay baaq nabadeed oo horay uga soo yeeray dowladda iyo dadka nabadda daneeya.

halgankanet@gmail.com


Dagaal dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaray Waqooyiga Muqdisho iyo shacab ku dhintay

$
0
0

Dagaalo kooban balse xoogan oo saakay dowladda iyo mucaaradkeeda ku dhexmaray deegaano ka tirsan Waqooyig magaalada Muqdisho ayaa inta la hubo waxaa ku geeriyooday Laba Qofood halka sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa dhamaantood shacab ah sida dadka deegaanka laga soo xigtay, waxaana sidoo kale adag in la ogaado waxyeelada soo kala gaartay dhinacyada dagaalku u dhexeeyo.

Dhanka kale qeybo ka mid ah degmada Hodon ayaa waxaa saakay ka dhacay dagaal mudo kooban socday, dagaalkaas oo dowladda iyo dhinacyada ka soo horjeeda u dhexeeyay waloow aan weli wax qasaara ah oo ka dhashay la soo sheegin.

halgankanet@gmail.com

Maxamad Warsame waa muwaadin Soomaaliyeed oo 5 sano ka dib xabsi Mareykanka ku yaal laga sii daay

$
0
0

Maxamad Warsame waa muwaadin Soomaaliyeed balse heysta dhalashada Kanada waxaana shan sano oo Xabsi ah ka dib loo soo celiyay xorriyadiisi.

Muwaadinkan oo ay maxkama Mareykan ahii xukuntay in Xorriyadiisa la siiyo Kanadana loo masaafuriyo ayaa shantaas sano tuhun ugu jiray Xabsi iyadoo ugu dambeyntiina lagu waayay dhammaan wixii dembi ahaa ee lagu soo oogay.

Maxamad Warsame waxaa lagu soo eedeeyay in uu Alqaacida xiriir la lahaa dhaqaalo lacageedna u diri jiray hase ahaatee xukun la'aan xabsi dheer ka dib wuxuu hadda fursad u helay in uu la kulmo ehelkiisa ku sugan Kanada.

Mareykanka oo ku dooda in uu ilaaliyo xorriyada shaqsiga ayaa si joogta ah taas bedelkeeda ugu tunta xorrriyada dadka gaar ahaan dadka Muslimiinta ah oo uu u sameytsya shabad uu ku dhejiyo ka dibna ku ugaarsado.

halgankanet@gmail.com

Madaxda Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo magaalada Sirta uga arinsanaya arimaha Soomaaliya, Darfur iyo Falastiin

$
0
0

Magaalada Sirta ee dalka Liibiya ayaa waxaa maanta ka bilaabanaya shir uu oday ka yahay Mucamar Al-Qadaafi, shirkaas oo ay ka qeybgalayaan madaxda dalalka Afrika iyo kuwa Jaamacadda Cararbta.

Mucamar Al-Qadaafi ayaa saakay arroortii hore u sheegay warbaahinta in Shirka lagu lafa-guri doono xaalada cakiran ee Soomaaliya iyo dhibaatada dul saaran Shacabka Soomaaliyeed mudada dheer.

Madaxweyne Shariif oo shirkan qeybqaadanaya ayaa la filayaa in uu ka hadlo xaalada siyaasadeed iyo mid mujtamaca ee hadda dalka ka jirto iyo weliba horumarka ay dowladiisu ku talaabsatay mudadii ay jirtay.

halgankanet@gmail.com

 

Alshabaab "Waxaan uga digaynaa shacabka ku nool Bay iyo Bakool in ay faafiyaan warar been ah oo sheegaya in Xarrakatul Shabaab uu soo dhexgalay khilaaf, ayna kala tageen,"

$
0
0

Sheekh Mukhtaar Abuu Muslim oo ka mid ah hogaanka sare ee Alshabaabka Bay iyo Bakool ka arimiya ayaa isagoo la hadlaya boqolaal dad ah oo ku sugan Baydhabo wuxuu si caro leh uga hadlay wararka baahay ee ku saabsan is-qabqasiga Alshabaab.

Abuu Muslim oo aad u burursan ayaa hadal hanjabaad lagu xardhay ugu sheegay reer Bay iyo Bakool in ay lafahadooda u turtaan kana aamusaan oo dhega aan wax maqlin ku dhegeystaan wararka ku saabsan khilaafka madaxda Alshabaab ee sida uu isagu qabo aan raad iyo sal toona laheyn.

Shiikh Mukhtaar Abuu Muslim oo aan geed ku soo gamban ayaa erayadan soo socda isticmaalay markii u goodinayay dadka ku dhaqan gobolada Bay iyo Bakool; "Waxaan uga digaynaa shacabka ku nool magaalooyinka waaweyn ee gobollada Bay iyo Bakool in ay faafiyaan wararka beenta ah ee sheegaya in Xarrakatul Shabaab uu soo dhexgalay khilaaf, ayna xubnahoodu kala tageen,"

Ugu dambeyntii Wuxuu wadaadkani qofkii lagu arko iyadoo ka hadleysa Khilaafka Alshabaab ugu hanjabay ciqaab daran oo uu sireystay nooca ay tahay.

Alshabaab ayaa laga soo sheegayay maalmihii la soo dhaafay khilaaf ba'an oo soo kala dhexgalay hogaankooda sare waloow shalay uu Abuu Mansuur khilaafkaas wax kama jiraan cadaw soo dhoodhoobay ku sifeeyay.

halganaknet@gmail.com

Burcad Badeeda oo ku hanjabtay in ay iibinayaan xubnaha jirka badmaaxayaasha ay heystaan haddii..

$
0
0

Arbacadii la soo dhaafay Burcad Badeeda Soomaliyeed ayaa daboolka ka qaaday in haddii aan sida ugu dhaqsaha badan loo siin lacagta madax furashada ah ee ay ka doonayaan Badmaaxayaasha ay  xubnaha jirka Badmaaxayaasha sida Kelyaha, Baarka iyo Indhaha ka saari doonaan dabadeedna iib geyn doonaan.

Warkan ku saabsan xubnaha jirka ee ay Burcad Badeedu ku dhaarteen in ay ka saari doonaan Badmaaxayaasha dabadeedna suuq furan ama xaraasha ah ku iibin doonaan ayaa waxaa laga soo xigtay mid ka mid ah la-heystayaasha oo dhambaal ka soo diray Telefoonka gacanta lagu qaato.

MV Iceberg oo ku mushaaxayay calanka Panama ayaa waxaa saaran 22 Badmaax oo u kala dhashay dalalka Yemen, suudaan, Filibiin, Ghanees iyo weliba Hindi waxayna 29 Maarso ka dib ku jireen gacanta Burcad Badeeda.

Hadalkan ka soo yeeray burcad badeed ayaa ah kii ugu horeeyay ee noocan oo kale waxaana la yaab ah sida la sheegayo ganacsiga cusub ee laga yaabo in uu ka dilaaco Xeebaha Soomaaliya haddii aan xal degdeg ah loo helin mashaakilka guud ee Soomaaliya iyo weliba Burcad Badeeda.

Linkigan hoose waxaad ka arki kartaa barta aan ka soo xiganay warkan.

http://wireupdate.com/wires/10983/somali-pirates-threaten-to-sell-organs-of-hostages-held-since-march/  

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live