Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maraykanka iyo Sweden oo Heshiis ku Gaaray Wadaaga Kaydka Faraha

0
0

Stockholm (Idhanka) Dowlada Maraykanka iyo Dowlada Sweden ayaa heshiis ku gaaray in ay isdhaafsadaan macluumaadka ku jira keydka faraha ee labada wadan. Heshiiskaan ayaa Maraykanka xoriyad u siinaya in ay akhristaan keydka faraha Sweden iyagoo sheegay in qaasatan loo isticmaali doono baaritaanka waxa ay ugu yeeraan argagixisada.
Sidoo kale Booliska Sweden iyo dhowr haayadood oo kale ayaa [...]


Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul-Takwiir-1-13*)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah

QM oo markii ugu horeereysay ka hadashay arimaha Xasan Dahir Aweys.

0
0

Sida lagu qoray wargeyska The African Report oo kamid ah wargesyada kasoo baxa bariga Africa oo soo xiganaya wakiilka xoghayaha guud QM ee arimaha Somalia ugu qaabilsan Nikolas Key oo sheegay in ay jiraan in awoodi xarakada Al-shabab ay hoos u dhacday marka loo eego sanadi tagay waxana arimahasi oo dhan uu ku amaanay dadaalada ay bixinayaan QM Midowga afrika iyo Ciidamada Somalia kuwasi uu shegay in ay jareen astaamaha dhaqaale ay Shabab ku dagalami jireen.
Mr key ayaa shegay in isa soo dhibitaankii Sheq Xasan Dahir Aweys ay tusaale u tahay in ay hoos u dhacday awoodi Al-shabab iyo sidoo kale in ay jirto qilaafad dhex dooda ah.
Waxa uu yiri”mid kamid ah hogaamiyaashodi ugu sareyay ayaa isa soo dhibayay ma jiri doonto wax dhaq dhaqaq kale waxana arimahasi oo dhan ay astaan u tahay xarakada Al-shabab kala qeybsanantooda iyo sida ay awoodi hoos ay ugu dhacday”.
Waxa uu warkiisa uu cinwaan uga dhigay cadaadiska sii socda,balse key waxa uu shegay in kastoo ay jirto sidasi hadana weeraradii ugu danbeyay ay Shabab ay ka geesten Muqdisho caasimada Somalia ay muujinayso weli in ay jirto dhaq dhaqaqyada ay sameenayan.
buraannews.com-Muqdisho

Dowlada Norway oo beenisay eedeyntii kaga timid koxda dabagalka QM.

0
0

Dowlada wadanka Norway ayaa waxa ay cabasho u gudbisay golaha amanka QM kaasi oo ay uga warbixinayso eeden kaga timid koxda la socodka arimaha xayiradaha saran Somalia iyo Eretria kaasi oo ku aadan in shirkado qodo shidaalka oo ka diwan gashan wadanka Norway ay shidaal ka qodonayan Somalia iyago wata maslaxad ganacsiyaded,waxana dowlada Norway ay sheegtay in hadalkasi uu yahay mid qaldan oo aan aasaas laheyn.
Warqad uu uqoray sii haya hoowsha safiirka Norway QM u fadhiya Knut Langeland ayaa shegay in dowladiisa ay diidan tahay eedeynta losojeedinayo.
Waxa sheegay inaysan aqbali karin eedemaha noocasi oo kala ah waxana uu shaca ka qaaday in dowladis aay diyaar u tahay sidi ay u tageri laheyd dowlada Somalia.
Masuulkasi ayaa shegay in dowladiisa aysan maslaxad gaar ah aysan ka wadan shidaal ka qodista wadanka Somalia.
Koxda la socodka QM ee xayiradaha Somalia iyo Eretria aya ku eedeysay shirkado gaar ah oo shidaal ka qodoya wadanka Somalia kwuasi oo ogolashiyo ka haysta mamul goboleedyada ka jira Somalia.

Buraannews.com-Muqdisho

Madaxweynaha Somalia oo si kulul uga hadlay arimaha amaanka Magaalada Muqdisho

0
0

Madaxweynaha Federaalka Somalia Xasan Shiq Maxamuud oo Hotel Jasiira uuna ku qaabilay odayaashii soo xulay xildhibanada Barlamanka Somalia aya waxa uu u shegay in si wada jir ah looga shaqeeyo amaanka wadanka Somalia.
Waxa uu madaxweynaha uu shegay in inta ay dowladiisa ay jirto ay wax badan ka qabteen amaanka magaalada Muqdisho.
Warka madaxweynaha waxa uu imaanaya waqti ay shacabka Muqdisho ay ka deyrinayaan amaanka magaalada

Buraannews.com-Muqdisho

Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*Suuratul-Baqarah-197-202*) Li Sh Xasan Ibraahim Ciise Xafidahullaah

Lixdan ku dhimatay shil Tareen Spain

0
0

Ugu yaraan 60 ruux ayaa ku dhimatay shil tareen oo dhacay woqooyi galbeed ee dalka Spain.

Ikhwaanka Masar: Hadalka Al-Sisi Anaguu nagu Socdaa

0
0

Ururka Ikhwaanul muslimiinka Masar ayaa sheegay in khudbad uu jeediyey Wasiirka Gaashaandhigga Masar uu keeni karo dagaal sokeeya, kaas oo ahaa in isaga loo wakiisho ka hortagga rabshadaha.


Golaha amaanka QM oo canbaareyay hubka kusoo qul qulaya Somalia.

0
0

Golaha amaanka QM ayaa arbacadii soo saaray qaraar lagu canbaareynayo hubka ku soo qul qulaya wadanka Somalia taasi oo ay sheegen in ay meel ka dhac ay ku tahay xayiradi hubka e sarneey dowlada Somalia iyo Eretria.
Qaraarka ayaa waxa uu xusayaa oo si wada jir ah ay ugu codeeyen 15-ka xubnood ee golaha amaanka in inta laga gaarayo bisha march sanada 2014-ka aysan Somalia laga qadin xayiradi hubka sido kalana awood aysan u lahayn in shixnado hub ama kuwo milateri in ay soo iibsato,arimahasi oo dhan ayaa golaha waxa uu shegay in ay ku imaan karto in la horu mariyo awooda ciidamada amanka Somalia iyop balaarinta amaanka wadanka oo ay shacabka somaia si weyn ugu naalodan.
golaha waxa uu shegay in hubkasi kaliya in ay u madax banan yihiin ciidamada QM midowga afrika iyo taba barayasha ka socda Midowga Yurub ee ciidamada Somalia taba baraya.

Buraannews.com-Muqdisho

Barlamaanka Somalia oo faafihin ka bixiyay suaalaha la weydiinayo wasiirka arimaha gudaha Somalia.

0
0

Barlamanka Somalia ayaa waxa ay u yeeren wasiirka arimaha gudaha xukuumada Somalia Cabdi Karin Guleed kasi oo hortagi doona 28-ka bishan uu hortago barlamanka Somalia.
Qaar kamid ah xildhibaanada barlamanka Somalia aya shegay in suaalaha la weydiin doono ay ka mid noqon doonan weeraradii kadhacay maxkamadaha iyo UNDP-da.
Maalinta axada ayaa lagu wadaa wasiirka inuu hortago barlamanka Somalia.
Arimahani oo dhan ayaa waxa ay yihiin kuwo salka ku haya amni darida magalada Muqdisho ka jirta.

Buraannews.com-Muqdisho

Xildhibaanada barlamaaanka Somalia oo lagu eedeyay in ay wax ka hurinayaan dagaalka shabeelaha hoose.

0
0

Ugaasyo kasoo jeeda gobolka shabelaha hoose ayaa sheegay in dagal beeled yada ka jira gobolkasi ay wax ka hurinayaan qaar kamid ah xildhibanada halkasi kasoo jeeda.
Maal mihi ugu danbeyay ayaa waxa jiray dagaalo aanoyin qabil ah oo gobolkasi ka dhacayay.
Mamulka gobolka ilaa iyo hada kuma bixin balse ugaasyadasi waxa ay warbaahinta u sheegen in ay jiraan qaar kamid ah xildhibaanada barlamanka inay faraha ku la jiraan arimahasi.

Buraannews.com-Muqdisho

Jonny Evans: Kaliya Labo Xiddig Oo Man Utd Ah Ayaa Hubay Booskooda Kooxda Midkoodna Rooney Ma Ahan.

0
0

Daafaca Manchester United Jonny Evans ayaa shaaca ka qaaday in waqtigiisii uu ka soo hoos ciyaaray Sir Alex Ferguson inay jireen kaliya labo ciyaaryahan oo booskooda hubsiino uu u ahaa.
Robin van Persie ayaa ka mid ah ayuu yiri Evans. Wayne Rooney ma uusan aheyn.
Iyadoo mustaqbalka Rooney uu noqday mid aan la hubin islamarkaana lagu kala aragti duwan yahay sida loola dhaqmay, ayaa hadalada Evans waxa ay yihiin kuwa xiiso u sii yeelaya arintaan.
Isagoo ka hadlayay socdaalka ay Man United ku jirto iyo dadaalka uu isaga shaqsi ahaan ugu jiro inuu boos joogta ah ka helo United, Evans ayaa dib u gocday in Fergie uusan marnaba rabi jriin in ciyaaryahan uu dareemo inuu xaq u leeyahay inuu ciyaaro ama inay qasab tahay inuu line-upka ku jiro had iyo jeer.
Waxaana sharcigaas ka baxsanaa kaliya RVP iyo Cristiano Ronaldo oo uu Evans sheegay in booskooda uu ahaa mid hubaal ah.

Buraannews.com-Muqdisho

Real Madrid Oo Taako Ku Qabatay Lyon Ciyaar Saaxiibtinimo Oo Ka Dhacday France.

0
0

Real Madrid ayaa labo gool dhaliyay 12kii daqiiqo ee ciyaarta ugu danbeysay taasoo u sahashay inay barbaro 2-2 ah ku qabtaan kooxda Olympique Lyonnais ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Stade de Gerland.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa u muuqday in guuldaradii ugu horeysay ay soo gaareyso isagoo labo kulan kaliya hogaanka u haya Los Blancos ka dib markii Lyon ay hogaanka ku qabatay gool qurux badan uu dhaliyay Clement Grenier.
Waxaana u sii labeeyay Lisandro taasoo ka dhigtay in kooxda martida loo ahaa ay la wareegto hogaanka ciyaart.
Si kastaba Alvaro Morata ayaa gool rigoore uu dhaliyay ciyaarta ku soo celisay Madrid, ka hor inta uusan Casemiro shabaqa ku hubsan goolka barbaraha oo uu dhaliyay ciyaarta oo lix daqiiqo ay ka harsan tahay.

Buraannews.com-Muqdisho

Napoli Oo Xaqiijisay In Gonzalo Higuain Iyo Pepe Reina Ay Kooxda U Mareen Tijaabada Caafimaadka.

0
0

Gonzalo Higuain iyo Pepe Reina ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka ee Napoli sida uu xaqiijiyay madaxweynaha kooxda Aurelio De Laurentiis.
Waxa uu warkaan kaga dhawaaqay caawa bogiisa Twitter, taasoo ka dhigeysa in saxiixa uu inta badan soo dhamaaday. Weeraryahan Higuain ayaa Real Madrid uga soo tagaya heshiis 37 milyan euro ah, halka goolhaye Reina uu isna heshiis amaah hal sanno uga soo tagayo Liverpool.
“Higuain iyo Reina ayaa ku baasay tijaabada caafimaadka, waxaana ay kooxda inteeda kale ku biiri doonaan dhawaan” ayuu yiri De Laurentiis.
“Habeenka isniinta waxaan ku sameyn doonaa dabaaldeg weyn garoonka San Paolo. Waxaad baran doontaa ciyaartoyda cuusb iyo wax ka badan.
“Waxaan ogaan doontaa maaliyadaha cusub, waxaad dhageysan doontaa astaanta cusub ee Napoli. Kulanka Napoli-Galatasaray waxa uu noqon doonaa habeen weyn oo taariikhdeena ku negaan doonta.

Buraannews.com-Muqdisho

60-qof oo ku geeriyotay shil tareen oo ka dhacay wadanka Spain.

0
0

Afayeen u hadlay gobolka Jalithiya ayaa shegtay maanta oo Khamis ah in ugu yaraan 60-qof ku geriyotay kadib marki tareenkii ay la socdeen uu ka baxay wadada.
Afayenka ayaa sido kale waxa ay shegtay in tiradasi ay tahay mid horu dhac ah balse ay badan karaan.
Waxa ay sidoo kale ay shegtay in 131-qof ay shilkasi ku dhawacmeen.
 
Buraannews.com-Muqdisho


Siyaasiyiin Uu C/Laahi Cirro Ku Jiro Oo Ku Biiray Xisbi Xaakimka Kulmiye.

0
0

 
 
Siyaasiyiin uu ka mid yahay Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ee Xukuumaddii Rayaale  C/laahi Ismaaciil Cali (Ciiro), Wasiirkii Dibujedinta ee Xukuumadaasi Maxamed Yuusuf iyo Hogaankii Urur siyaasadeedkii Hadhay ee Jamhuuriga ayaa si rasmiya ugu biiray xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE
Munaasibad ballaadhan oo lagu soo dhawaynayey xubnahan ka tirsanaa Urur siyaasadeedkii Jamhuuriga oo ay hogaaminaayeen Guddoomiyihii ururkaasi  Cismaan Xasan Mirre ,Cali Maxamed Ibraahim,Maxamed Cabdi Ismaaciil, iyo Xubnahan ka tirsanaa Xisbigii Burburay ee UDUB, ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxaana Munaasibadan ka qayb-galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Gudoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) iyo Maayirada lix Magaalo oo ka mid ah Gobolada Somaliland,qaar ka mid ah taageerayaashii Ururkaasi iyo dadwayne kale oo farabadan.
Guddoomiyihii ururkii hadhay ee  Jamhuuriga Cismaan Xasan Mire  oo Munaasibada midawga ururkiisa iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye ka hadlay,  ayaa waxa uu sheegay in muddo dheer ka dib ay ku faraxsanyihiin in ay ku biiran xisbiga talada ee KULMIYE, waxaanuu sheegay in ay la shaqayndoonan Xisbigan ay hada ku soo biireen,isla markaana uu isagu gaar ahaan hayo talooyin badan oo waxtar wayn u leh dalka, kuwaas oo uu tilmaamay inay  ka mid yihiin hirgalinta Goboladii Cusbaa ee dawladdii hore dalka ku soo biirisay, waxanu soo jeediyay Cismaan Xasan Mire in si deg deg ah loo hirgaliyo meel marinta goboladii Cusbaa ee dalka lagu daray”
Guddoomiyaha Golaha dhexe ee  Xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) oo isna ka hadlay Munaasibada lagu soo dhaweynaayay ururka Jamhuuriga ee ku soo biiray Xisbiga Kulmiye waxa uu yidhi “Waxa aan si wayn u soo dhaweynayna ururkan uu hogaaminaayo Cismaan  Xasan Mire oo ay weyheliyaan gar kale oo aad u culus oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro)waxa aan leeyahay soo dhawaada Xisbiga Kulmiye waa Xisbigiinii oo cid idinka yeelandoonta ma jirto waana la wada leeyahay idinka iyo kuwii idinka soo horeeyayba”
Guddoomiyaha xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE  Muj:Muuse Biixi Cabdi oo isna Xafladda ka hadlayaa si wayn u soo dhaweeyay Masuuliyiinta hogaaminaysay ururkan doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoonay hore ugu hadhay oo uu gaar ahaan Carabka ku dhuftay gudoomiye muuse biixi Cabdilaahi Ciro oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii Xukuumadii hore ee UDUB oo haatan ku soo biiray Xisbiga Kulmiye oo uu sheegay inay guul wayn u tahay umadda reer Somaliland inay dad magaca leh ee Somaliland gacmaha isqabsadaan dhamaantooda si dalka horumarkiisa looga shaqeeyo”
 
 
 
 
 
 
 
HARGEYSA SOMALILAND

Doon Ay Saarnaayeen In Ka Badan 95 Tahriibayaal Soomaali Iyo Somaliland U Badan Oo Laga Samato-bixiyey Doonni Muddo Badweynta Liibya La Sabbaynaysay

0
0

Lambadusa-(Idhanka) Doonni ay saarnaayeen   Tahriibayaal soomaaliyeed oo tiradoodu dhan tahay 95, oo 36-kii saacadood ee u dambeeyey dul-heehaabaysay Badweynta Libiya iyo Dalka Talyaaniga  u dhaxaysa,  ayaa ugu dambayntii lagu guulaystay in la badbaadiyo.
tahrriiibDoontan oo ka shiraacatay Dala Libya  ayaa ay la soo deristay cillad sababtay inay muddo ka badan 36-saacadood biyaha dushooda heehaabto, waxana ugu [...]

MUXAADARO CUSUB AXKAAMTA SOONKA SH BASHIIR SHIIL Allaha ka Raali ahaadee

0
0

Muxaadaradii Jimcaha waakan markale Sh. Bashir oo kahadlaya fadliga ay Ramadaantu leedahay iyo axkaamteeda iyo sida aynu uga warlaana’ay.

Idhanka.com

Golaha Wadda-tashiga Oo Taageeray Hashiiskii Ay Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI Ku Mideeyeen Afkaartoodda Mucaaridnimo

0
0

Hargeysa (Idhanka) Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ayaa soo dhaweeyey heshiiskii iskaashi ee labada xisbi mucaarid ee WADDANI iyo UCID ay wadda-gaadheen.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Golaha la baxay wada tashiga Mujaahid Xasan Guurre Jaamac, waxaanu u dhignaa sidan:-
“Haddii aanu nahey Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Waxaanu si diirana u soo dhaweyneynaa [...]

Kulmiye oo Xukuumadda u soo jeediyey inay ka baxdo wada hadlkii ay Somalia la waday

0
0

 
Masuul ka tirsan Xisbbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa Xukuumadda u soo jeediyey inay ka baxdo Wada hadalladii  ay la waday Somalia, kuwaas oo muddo hadda u socday labada dhinac.
Xasan Maxamed Cali (Xasan Gaafaadhi) oo ka mid ah Golaha dhexe ee Xisbigaasi, isla markaana ahaa Guddoomiyihii Urur=siyaasadeedkii hadhay ee RAYS, ayaa sidaasi ka sheegay hadal uu shalay ka jeediyey munaasibad ay ku midoobayeen Xisbiga Kulmiye, Xubno ka mid ahaa Xisbigii UDUB iyo Urur-siyaasadeedkii hadhay ee Jamhuuriga.
Xasan Gaafaadhi oo ayaa waxa uu yidhi “Waxaan sheegi lahaa in wada-hadaladii Somaliland iyo somaliya aanay sii socon Karin maadama ay jiraan labada dhinac-ba  sharciyo ay rabaan in ay ilaaliyaan”
Gaafaadhi waxa uu intaas raaciyey “Mid walba waxa u banaan in uu hortiisa maro oo, waxa uu ku dhex socdaa waddo xadiid ah oo aanuu dhinac-na uga talaabayn oo madaxda Somaliyana waxa ay dastuurkooda ku qorteen sidii loo soo celin lahaa wixii la odhan jiray somaliwayn,Somaliland waxa horyaala sharcigii ahaa in ay noqoto dal madax banana ee la dhigtay 1992-gii” ayaa yidhi gaafaadhi
 
 HARGEYSA SOMALILAND

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live