Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Magacyada iyo da’da Maxaabiis Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan xabsi ku yaala Mauritius

$
0
0

Hay’ad Xuquuqda Aadanaha qaabbilsan ayaa sheegtay in loo diiday in ay booqato 12 Soomaali ah oo ku xidhan Mauritius, dadkaas oo la eedeeyay, balse aan weli dembi lagu helin magacyadooda  iyo Da’dooda waxa ay kala yihiin sidatan:
Abdeoulkader Mohamed Ali 22-sano jir, Said Mohamed Hassan, 23-sano jira, Ahmed Mohamed Ismael, 27-sano jir, Shafi Mohamed Osman 22-sano jir, Hassan Salad Omar 25-sano jir, Said Omar Farah 22-sano jir, Mohamed Abdiahi Ahmed 45-sano jir, Ali Hassan Mohamed 21-sano jir, Abdi Mohamed Kidiye 37-sano jir, Abdi Ahmed Yussuf 20-sano jir, Abdillahi Mohamed Ahmed 24-sano jir, Mahad Mohamed Ibrahim 21-sano jir
Jasiiradan ayaa waxay ka mid tahay wadamada ay Midowga yurub heshiisyada kula galeen in lagu maxkamadeeyo kooxaha Burcad badeedda Soomaalida marka gacanta lagu soo dhigo, waxaana sidoo kale xabsiyada caalamka ku dhibaateysan dad Soomaali ah, kuwaas oo marar badan dalbaday in gacan laga siiyo dhibaatada xabsiyada ku heysata.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar


Jose Mourinho Oo Si Aan Looga Baran Amaan Kala Duldhacay Tababare Arsene Wenger.

$
0
0

Jose Mourinho ayaa ku adkeysanaya inuu isbedelay, inuu noqday qof degan oo haatan wax lala meel dhigi karo, waxaana uu iska ilaaway xafiiltankii uu hore u abuuray markiisii ugu horeysay ee uu Chelsea macalin ka ahaa.
Waxa uu dhawaan amaan kala duldhacay tababare Arsene Wenger oo uu mar ugu yeeray inuu yahay nin daaqadaha dadka ka fiiriya isagoo u la jeeday inuu ku dhadhabay Chelsea, waqtigaasoo labada nin ay xurguf u dhaxeysay islamarkaana ay hadalo kulul hawada isku marinayeen.
Laakiin sida laga dareemi karo hadalka Mourinho xafiiltankii hore meesha waa ka baxay, waxaana bedelay is ixtiraam iyo wanaag.
“Waa nin aad iyo aad u fiican” ayuu yiri Mourinho oo ka hadlayay Wenger.
“Markii aan ka tagay England, waxaan ku kulanay, UEFA, koobkii Euro, koobkii Adduunka. Waan isla casheynay. Marka aadan hal horyaal macalin kawada aheyn oo aadan iska horimaaneynin, waa ay sahlan tahay in si fiican la isku barto.
“Jawi wanaagsan ayay aheyd, waana ku riyaaqay inaan kala hadlo arimo kubada cagta ah. Waa shaqsi dhaqan weyn leh, aad u furfuran. In badan ayaan ixtiraam u hayaa, mar walbana waan tusi doonaa ixtiraamkeyga.”
 
Buraannews.com-Muqdisho

Pep Guardiola Oo Aan Walwal Ka Qabin Guuldaradii Supercup Ka Soo Gaartay Bayern Munich.

$
0
0

Pep Guardiola ayaa doortay inuusan muhiimad weyn ka soo qaadin guuldaradii 4-2 ee ka soo gaartay Borussia Dortmund koobka DFL Supercup xalayto.
Kooxda martida loo ahaa ee Dortmund ayaa hawada ka qabsatay Bayern Munich kuwaasoo si awood ah ku qaaday koobka bilowga u ah xilli ciyaareedka cusub.

Si kastaba, Guardiola ayaa sheegay inaysan jirin sabab loo walwalo, isagoo sheegay inuu balanqaad ka arkay kooxdiisa inkastoo qaladaad ay sameeyeen daafaca Daniel Van Buyten iyo goolhaye Tom Starke.
“Waa ay badiyeen. Halkaan uma joogo inaan dhiraandhiriyo kooxdii si fiican u ciyaartay. Waan ku faraxsanahay qaab ciyaareedkeena, si wacan ayaan u ciyaarnay” ayuu 42 jirkaan u sheegay suxufiyiinta ka dib ciyaarta.

Buraannews.com-Muqdisho

U.S. Department of State condemns the terrorist attack on the Turkish diplomatic residences in Somalia

$
0
0

The United States strongly condemns the terrorist attack on the Turkish diplomatic residences in Mogadishu, Somalia, spokesperson of Department of State Jen Psaki said on Sunday, said in report on official website of Department of State.

USA extend our condolences to the families and loved ones of those who lost their lives, and wish the injured a speedy recovery.

Turkey has played an important role in helping Somalia emerge from two decades of conflict, Psaki said.

USA stand firmly with the people of Somalia, with Turkish ally, and all members of the international community who are working for peace and stability in Somalia, said in report.

Buraannews.com-Muqdisho

Qaramada Midoobay oo si kulul uga hadashay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xarun ay Turkiga ku lahaayeen Muqdisho

$
0
0

Ergeyga Qaramada Midoobey u qabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday xarun ay degenaayeen Shaqaalaha Safaarada Turkiga oo ku yaal degmada Hodan.
War saxaafadeed ka soo baxay Nicholas Kay ayaa lagu sheegay in weerarkan uu ka mid yahay weerarada Argagixiso ee Al-Shabaab ay qaadeysay inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan.
Mr Kay ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay qasaaraha soo gaaray shaqaalaha Turkiga iyo dadkii rayidka, isagoo uga tacsiyadeeyay dowladda Turkiga.
“Waxaan dowladda Turkiga uga tacsiyadeyneynaa weerarkaasi lagu qaaday hoyga ay shaqaalahooda ku sugnaayeen, sidoo kale dadkii noloshooda ku waayay iyo kuwii ku dhaawacmay intaba, Turkiga waxa ay si geesinimo leh uga shaqeynayeen gudaha dalka sanadihii ugu dambeeyay oo ay caawinayeen shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Mr Kay
Nicholas Kay ayaa sheegay in weeraradaas aanay marnaba hakin doonin howlaha Qaramada Midoobey iyo hey’adaha kale ee saaxibka la ah ka wadaan Soomaaliya, ayna sii laba jibaarayaan taageerida dadka Soomaaliyed sidii horumar loo gaarsiin lahaa.
Wakaalada wararka ee Turkiga ee Anadoly ayaa sheegtay in askari Turkish ah uu ku dhintay, iyo dhaawaca shaqaalahooda, iyadoo qaar ka mid ah dhaawacyada Turkiga xalay laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Gudoomiyaha G-shabeelaha hoose oo la eedeyey.

$
0
0

Gudoomiyaha gobolka shabeelaha Hoose Cabdu Qaadir Sidii ayaa lagu eedeyay qarax maalintii shalay lala beegsaday ciidamada Burundi ee qeybta ka ah ciidamada nabad dhaliyaasha ah ee ku sugan Gobolka shabelaha hoose.
Qaraxaas aya la sheegay inuu ka dhashay dhawaca hal askari inkaasto dadka deegaanka ay shegen in qasaaraha intasi uu ka badan yahay
Al-shabab ayaa shegatay masuuliyada weerarkaasi.

Buraannews.com-Muqdisho

Dhageyso: wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalamka.

$
0
0

Warbaahinta Buraannews.com waxay idiinsoo gudbinayaa warar maqal ah oo lagasoo jeedinayo Studiyaha Buraannews.com Gariwe.
Halkaan ka dhageysta wararkii subaxnimo ee Soomaalida iyo caalamka waxaa inoo aqrinaya Wariyeheena C/Weli Maxamed Sheikh.
Qodobada ugu muhiimsan.
Wasaaradda warfaafinta Puntland oo sheegtay inay xeerka Puntland horgeynayso golaha barlamaanka Puntland kadib markii Isfahan laga gaaray xeerkaasi.
Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday in la difaaco shaqaalaha Turkiga ee ku sugan Soomaaliya.
Barlamaanka Soomaaliya oo wasiirka arimaha gudaha wax kaweydiiyay colaada ka jira gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiika arimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo faah faahin ka bixiyay weerar lagu dhaawacay taliyaha gobolka Banaadir.
Xukuumada dowladda federalka Soomaaliya oo  meel mariyay miisaaniyad mushaar korhdin ah oo loo sameynayo ciiidamada amniga .
Maaulka Jubbaland oo soo bandhhigay ciidamo gaar ah oo sugaya amniga magaalada Kismaayo.
Wararka dibada
Wadahalada Falastiniyiinta iyo israail oo dib u bilaabanaya maanta oo isniin ah sida lagu shaaciyay war murtiyeed kasoo baxay wasaaaraha arimaha dibada maraykanka.
Ciidamada dowladda Siiriya ayaa qabsaday xaafada Khalidiaya oo kutaala bartamaha magaalada Homas taas oo kamid ahayd dhowr degmo oo ay gacanta ku hayeen ciidamada mucaaradka.
Warka Buraannews.comad sax
Buraannews.com- Garowe.
 
 

Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo ansixiyey miisaaniyad gaar ah oo loogu talagalay…

$
0
0

Golaha wasiiradda xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay shalay ku yeesheen Muqdisho ku meel-mariyay miisaaniyad gaar ah oo loogu talogalay mushaaradka ciidamada dowladda Somalia, taas oo ay soo gudbisay wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, kulankan oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray qodobbo ay ka mid ahaayeen dar-dargelinta howlaha maxkamadaha iyo caddaaladda dalka, dhismaha hay’ad qaabilsan qaxootiga iyo barkacayaasha iyo qiimeyn lagu sameyn doono hubka sharci-darrada ah ee ku jira gacanta shacabka.
Afhayeenka xukuumada, Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo warbaahinta la hadlay kulanka kaddib ayaa xusay in kulanka si qoto-dheer looga hadlay xaaladda amniga, isagoo sheegay in golaha wasiirradu ay cambaareyn adag dusha kaga tureen falkii fuleynimo ee shalay lagu weeraray xarun ay deganaayeen shaqaale u dhashay dalka Turkiga; halkaasoo ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.
Sidoo kale, Ridwaan ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay meel-mariyeen dhismaha hay’adda dib-u-dejinta qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka, waxayna goluhu is-tuseen buu yiri muhiimadda ay hay’addan u leedahay qaxootiga iyo barakacayaasha, waxaana la filayaa inay ka qayb-galaan howl-wadeennada hay’addan shirka ka dhacaya magaalada Nairobi ee looga hadli doono qaabka ugu habboon ee dib loogu celin karo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha dalka Kenya ku yaalla.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale, meel mariyay miisaaniyad gaar ah oo uu soo gudbiyay wasiirka wasaaradda maaliyadda, Max’uud Xasan Suleymaan taasoo loogu talo-galay bixinta mushaaraadka ciidamada iyo sugidda amniga dalka, maadaama ay dowladdu billowday bixinta mushaaraadka ciidamada kala duwan ee dowladda; iyadoo adeegsaneysa qasnada dowladda.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar


Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayey in ciidamada dowladda ay…

$
0
0

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay  hortagay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo su’aalo kala duwan laga weydiiyay falalkii ammaan-darro ee ka dhacayay xilliyadii ugu dambeeyay gobolka Shabeellada Hoose, su’aalaha la weydiiyay wasiirka ayaa waxay intooda badan salka ku hayeen dagaallo beeleedyo iyo isku-dhacyo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka dhacayay gobolka Shabeellada Hoose iyo wixii uu ka qabtay isagoo sheegay inay wax badan ka qabteen ayna wadaan qorshe ay ku qabanayaan shir-weyne lagu dhammeynayo khilaafyadii sababay dagaalladaas.
“Wafdi aan hoggaminayo oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano ayaa tagay deegaannadii ay dagaaladu ka dhaceen, waxaana halkaas kula kulannay waxgarad, xabbad-joojin ayayna dowladdu ku baaqday, qorsheenuna waa in la qabto shir-weyne qaran oo lagu dhameynayo colaadahaas” ayuu Guuleed kaga jawaabay su’aad ahayd wixii ay dowladdu ka qabtay dagaaladaas.
Sidoo kale wasiirka waxaa la weydiiyey waxyaabihii sababay colaadihii ku dhexmaray gobolka Shabeellada Hoose ciidamo kawada tirsan dowaldda Soomaaliya isagoo sheegay inay ahaayeen kuwo ka dhashay isbaarooyin la dhigtay inta u dhexeysa degmooyinka kala ah Afgooye iyo Marko, taasoo ay ciidamada qaarkood ka gadoodeen, mar la weydiiyay in ciidamada dowladda oo hab beeleedyo u abaabulan ay ka qaybgaleen dagaallo beeleedyo ka dhacay gobolkaas ayuu gaashaanka ku dhuftay jiritaanka arrintaas, isagoo xusay in ciidamada dowladda aysan ku lug yeelan dagaaladaas, laakiin ay ahaayeen kuwo qaab beeleed u dhacay oo u dhexeeyay dadka deegaanka.
Waxaa kaloo la weydiiyay qorshaha kama dambeysta ah ee dowladdy ay ku doonayso inay uga hortagto sidii aysan dib ugu soo laaban lahayn colaado kale oo gobolkaas ka dhaca, isagoo sheegay inay shir ku qaban doonaan Muqdisho kaasoo looga hadlayo sidii nabad loogu soo dabaali lahaa deegaannadaas, wuxuuna ugu dambeyntii wasiirku uu sheegay in marka lasoo gabagabeeyo dib-u-heshiisiinta gobolka Shabeellada Hoose loo sameyn doono deegaannadaas maamul ay iyagu leeyihiin, kaasoo waafaqsan habka maamul u sameynta dalka ee ay dhawaan ansixiyeen xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Ciidamada maamulka Somaliland oo heegan buuxa la geliyey ka dib markii sheegaysa in…

$
0
0

Wararka ka imaanaya  magalaada hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in  dhamaan ciidamada maamulka Somaliland la galiyey heegan buuxa kadib markii la helay sida ay sheegeen warar sheegaya in weeraro kala duawani ay ku soo maqan yihiin, waxaana si gaar ah heegan gooni sii ah loo galiyey  ciidamo ay ku magacaabeen RRU-da oo ay ku sheegeen kuwo sigaar ah loogu tababaray la dagaalanka waxa ay ugu yeereen Argagixisada.
Heegankan ayaa ka dambeeyey ka dib markii uu sirdoonka Somaliland Helay warar hoose oo sheegaya inay ururka Al-shabaab oo maalmihii u dambeeyey weeraro ka geysanayeye soomaaliya uu haatan ku soo maqan yahay Somaliland, sida warku sheegayo maamulka Somaliland ayaa shalay ciidamo xoogan geeyey Goobaha muhiimka ah ee ay Hay’adaha ajaanibka ahi  degen yihiin iyo waliba Jaamacadda Hargeysa oo iyadu ah goob aad ciriiri u ah, islamarkaana ay ku sugan yihiin arday badan ,sidoo kale waxaa aad loo adkeeyey ammaanka hay,daha maamulka ee magaalada hargeysa iyo deegaano kale oo ka tirsan Somaliland.
Sidoo kale Goobaha isgoysyada ee Suuqa caasimadda Hargeysa, ayaa la dhigay ciidan tiro badan oo baadhitaan ku haya Baabuurta maraysa waddooyinka.iyadoo ciidamadu ay sidoo kale baaritaano ka sameeyeen jaamacadda hargeysa oo ardaydii dhiganeysay dibadda looga soo saaray mid kastana la baaray.
Warar hoose oo kale ayaa sheegaya inay jiraan Baabuur laga iibsaday Goobaha baabuurta lagu kala iibsado ee magaalada hargeysa  oo ciddii iibsatay laga shakiyey oo la daba socdo, illaa iyo haatan ma jirto cid ka tirsan xukuumadda amaba ciidamada amaanka oo ka hadashay shakiga soo galay Magaalada Hargeysa, waxana la arkayaa oo kaliya Hawl-galada ciidan ee socda.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Sarkaal ka tirsanaan jiray Xarakada Al-shabaab oo loo magacaabay taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir

$
0
0

Munaasabad ka dhacday xarunta hay’adda Nabadsugida qaranka ayaa shalay lagu dhameystiray Taliska Nabadsugida Qaranka iyo kan Gobolka Banaadir, iyadoo saddex kuxigeen loo magacaabay Hey’adda Nabadsugida qaranka, munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed iyo Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Qaranka Jen. Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo saraakiil kale.
Intii ay socotay munaasabada ayaa waxaa lagu magacaabay saddex Taliye kuxigeen oo loo kala magacaabay Nabadsugida qaranka kuwaas oo lagu kala magacaabo Col. Cabdalla Maxamed, Col, Maxamed C/llaahi Xaamud iyo C/salaan Yuusuf Guuleed.halka Kaaliyaha Taliyaha Nabadsugida qaranka loo magacaabay Jen. Khaliif Axmed Ereg oo horay u ahaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir loo magacaabay Col. Maxamed Aadan Koofi, oo horay loo hadal hayay in xilkaas loo magacaabayo.
Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo munaasabada ku hadlay ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta la magacaabay inay la yimaadaan howl kar, hufnaan iyo shaqo wanaagsan, iyagoo u adeegaya bulshada Soomaaliyed, taliyaha Nabadsugida qaranka Jen. Bashiir Goobe oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in mas’uuliyiinta la magacaabay looga baahan yahay inay ka soo dhalaalaan howsha culus ee loo xilsaaray, isagoo tibaaxay in mas’uuliyiintan lagu soo xulay khibrad iyo waayo aragnimo.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Ciidamo gaar ah oo loo sameeyay magaalada Kismaayo iyo maamulka Jubbaland oo ka hadlay…

$
0
0

Munaasibad ka dhacday Saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo isla markaasna ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe ayaa lagu soo bandhigay shalay ciidamado gaar ah oo ka shaqeyn doona sida la sheegay amniga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Ciidamadan tababarka loo soo xiray ayaa la gudoonsiiyey astaamo gaar ah oo ay isku aqoonsadaan, waxaana sidoo kale lagu amray in laga bilaabo shalay ay si joogto ah uga howlgalaan magaalada Kismaayo islamarkaana ay ka hortagaan cidii carqalad ku ah ammaanka, goobtii lagu soo bandhigayay ciidamadaasi cusub ayaa waxa goob joog ka ahaa masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka kismaayo, waxaana dhamaan dadkii goobta ka hadlay ay u hambalyeeyeen ciidamadan cusub ee tababarka loo soo xiray, iyagoona kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada islamarkaana ay ilaaliyaan hantida shacabka.
Dadkii goobta ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa Madaxweeyne ku xigeenka maamulka kismaayo Jen C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag waxaana uu sheegay in ciidamadani ay yihiin kuwii ugu horeeyay ee Boolis ah ee ka howlgala Kismaayo, wuxuuna ugu baaqay in ay howshooda uga soo baxaan si daacadnimo ah.
“Waxaa tihiin curadka ciidamada Jubbaland, laga bilaabo hadda adinka ayaa ka masuul ah ammaanka magaalada Kismaayo” ayuu yiri masuulkan oo la dardaarmayay ciidamadii tababarka loo soo xiray, ciidamada shalay tababarka loo soo xiray ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka soconayeen dadaallo la doonayo in lagu xaqiijiyo amniga kadib markii ay dhawaan magaalada ka dhaceen falal lidi ku ah ammaanka.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Cutubyo ka tirsan ciidamada Booliska AMISOM oo laga daad-gureeyay magaalada Muqdisho dibna loogu celiyey dalkooda

$
0
0

Waxaa magaalada Muqdisho laga daad gureeyay cutubyo ka tirsan ciidamada booliska AMISOM oo ka socday dalka Yugandha, kuwaas oo la sheegay in dib loogu celiyey dalkooda ka dib markii lagu sameeyay isbedel dhinaca ciidanka ah sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka booliska AMISOM oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Sida warku sheegayo ciidamadan ka tirsan booliska AMISOM ee dalkooda dib loogu celiyey ayaa waxaa lagu soo bedelay ciidamo kale, waxaana la sheegay in askari kasta oo ka tirsan ciidanka Yugandha ee jooga Soomaaliya uu xaq u leeyahay inuu joogi karo oo keliya 6-bilood illaa sanad, wixii intaasi ka bandanna ciidan kale lagu soo bedelayo.
Ciidamadan cusub ee ka socda booliska Yugandha ayaa si khaas ah gacanu siiya ciidamada booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan magaalada Muqdisho, waxayna sidoo kale ilaalo u qabtaan xarumaha safaaradaha ku yaala Muqdisho iyo waliba hay’adaha gargaarka, waxayna ciidamadan cusub iyo bedelka kuwa kale ay ku soo aadeysaa xilli ay sii kordhayaan weerarada Al-dhabaab ka geysaneyso gudaha Muqdisho.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Maamulka iyo Saraakiisha ciidamada dowladda ee magaalada Marka oo la bedelayo gebi ahaanba ka dib markii…

$
0
0

Wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa shalay sheegay in isbedel lagu sameynayo maamulka, saraakiisha ciidamada booliska iyo millateriga degmada Marka, wasiirka oo shalay  ka jawaabayay su’aalo amniga la xiriira oo ay weydiiyeen xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay in booqasho ay wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayey ku tageen gobolka Shabeelaha Hoose ka dib iska horimaadyo ka dhacay ay go’aansadeen in isbeddel lagu sameeyo mas’uuliyiin loo arkay inay qayb ka ahaayeen shaqaaqada.
Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale sheegay inay baarayaan iska hor-imaad dhexmaray ciidamo madani ah oo ka howlgala deegaanka Mareerrey iyo ciidamada millateriga, kaas oo ay ku dhinteen laba ka tirsanaa ciidamada madaniga ah ee deegaanka, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan dalbaday in wasiirka uu hor yimaado, si ay su’aalo uga weydiiyaan dagaal beeleed ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, kaas oo la sheegya inay ku lug-lahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Dowladda Soomaaliya oo garoonka diyaaradaha Muqdisho ka celisay qaxooti Soomaali ah oo laga soo tarxiilay qaar ka mid ah dalalka Yurub

$
0
0

Wararka aynu ka helayno garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya ay dib uga celisay garoonka diyaaradaha Muqidisho dhalinyaro Soomaaliyeed oo ay dowladaha Sweden iyo Holland soo masaafuriyeen, kana soo tarxiileen dalalkooda, kuwaas oo laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee magalaada Muqdisho.
Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya Generaal C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa ka warbixiyey dad Soomaali ah oo laga soo masaafuray wadamada Sweden iyo Holland kuwaas oo laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Muqdisho, balse dib loogu celiyey diyaaraddii keentay ka dib markii loo diiday inay gudaha u soo galaan magaalada Muqdisho.
Generaal Gaafoow ayaa sheegay inay dib ugu celiyeen diyaaraddii keentay taas oo uu ku tilmaamay in si sharci daro ah garoonka ay kaga soo dejiyeen loona baahnaa in dowladda ay la soo xiriiraan lana socodsiiyaan sababata ay u soo masaafurinayaan dadkaasi oo dalalkooda magan galay, wuxuuna sheegay Gaafow in dib u celintan dadka Soomaalida ah looga golleeyahay in lagu muujiyo inay Soomaaliya leedahay xukuumad xaq u leh in lala soo socodsiiyo waxkasta oo la xiriira howlaha dalkeeda ka dhacaya, waxana ay tallaabadani wax ka bedeli doontaa sida uu Gaafow sheegay ku talogaladii hore ee dowladaha reer galbeedka ay dib isaga soo celin jireen iyagoo wax xiriir ah la soo sameyn mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dowladd Soomaaliya ayaa ka jawaabay warbixintii Guddiga Monitoring Group oo ku eedaysay mas’uuliyiinta hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha in musuqmaasuq iyo wax isdaba marin ay ku sameeyeen lacagaha ka soo xarooda  baasaboorka Soomaaliya, taasina uu ku tilmaamay mid waxba kama jiraan, Generaal Gaafoow ayaa waxa uu sheegay in warbixintaasi ay tahay mid been abuur ah oo lagu dhaawacayo qaranimada iyo jiritaanka umnadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in si wanaagasan ay umaamulaan dhaqaalaha ka soo xarooda sameynta baasaboorada dalka, isla markaasna  ay geeyaan lacagahaasi Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar


Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM oo baaritaano xoogan ka wada magaalada Jowhar

$
0
0

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howgalo lagu baarayo degmada Jowhar ka bilaabay shalay subax halkaas, kuwaas oo lagu soo qabqabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Al-shabaab, saraakiisha ciidamada dowladda ee Jowhar ayaa sheegay in baaritannadan ay qayb ka yihiin howgallo lagu xoojinayo ammaanka degmada Jowhar oo ka mid ah degmooyinka ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kaga sugan yihiin gobolka Shabeellada dhexe.
“Baaritaannadu waa kuwo guri-guri ah, waxaana lagu xaqiijinayaa amniga degmada, waxayna ka dambeeyeen kadib markii kulan looga hadlayay amniga uu toddobaadkii hore ka dhacay degmada” ayuu yri sarkaal ka tirsan ciidamada dowaldda oo howgallada hoggaaminayay, xaafadaha degmada Jowhar qaarkood ayaa aad loo baarayaa iyadoo taas lagu macneeyay inay tahay shaki laga qabo inay ku jiraan xubno ka tisran Al-shabaab, waxaana goobjoogayaal ku sugan degmada ay sheegeen inay arkeen dad badan oo la soo qabqabtay.
“Ciidamadu waxay galayeen guryaha degmada, waxaana arkay dhallinyaro lasoo qabqabtay oo gacmaha iyo wajiyada laga xiray, kuwaasoo la sheegay in looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab” ayuu yiri Xuseen Maxamed oo ka mid ah dadka ku nool degmada Jowhar, goobjooguhu wuxuu sheegay in ciidamadu aysan baarayn dad laga shakisan yahay oo keliya, balse ay xitaa baarayaan hubka ay dadweynuhu gacanta ku hayaan, iyadoo lagu soo beegay xilli golaha wasiirada ay sheegeen in hubka laga qaaday shacabka Soomaaliyeed.
Baaritaankan oo noqonaya kii ugu adkaa ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameeyaan degmada Jowhar tan iyo markii Al-shabaab ay kala wareegeen sannadkii hore, ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan uu sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe in ammaan-darada ay sabab u tahay hubka oo ku jira gacanta shacabka.
Dhinaca kale waxaa xalay weeraro bambaano lagu qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin gudaha magaalada Jowhar, waxaana la sheegay in weerarkaasi uu ka dhashay khasaare soo gaaray ciidamadii weerarka lagu qaaday, inkastoo aan la faahfaahin khasaaraha inta uu gaarsiisanyahay.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Dowladda oo miisaaniyad cusub u qoondeysay xaqiijinta amniga, sheegtayna in…

$
0
0

Normal
0
false
false
false
EN-US
X-NONE
AR-SA

/* Style Definitions */
table.MsoNormalTable
{mso-style-name:”Table Normal”;
mso-tstyle-rowband-size:0;
mso-tstyle-colband-size:0;
mso-style-noshow:yes;
mso-style-priority:99;
mso-style-qformat:yes;
mso-style-parent:”";
mso-padding-alt:0in 5.4pt 0in 5.4pt;
mso-para-margin-top:0in;
mso-para-margin-right:0in;
mso-para-margin-bottom:10.0pt;
mso-para-margin-left:0in;
line-height:115%;
mso-pagination:widow-orphan;
font-size:11.0pt;
font-family:”Calibri”,”sans-serif”;
mso-ascii-font-family:Calibri;
mso-ascii-theme-font:minor-latin;
mso-fareast-font-family:”Times New Roman”;
mso-fareast-theme-font:minor-fareast;
mso-hansi-font-family:Calibri;
mso-hansi-theme-font:minor-latin;}
Xukumadda Soomaliya ayaa dadaal xoogan ku bixineeysa soo celinta nabadgelyada Caasimadaiyo meelaha kale ee ay ka joogto dalka, gaar ahaan kan caasimada, iyadoo shaacisay inay wax ka qabashada arrimaha nabadgelyo darina ugu talogashay miisaaniyad gaara oo ay ansixiyeen golaha Wasiirada, xukumadu waxay sheegtay iney dooneyso in la xoojiyo maxakamadaha qaada dacwadaha la xiriira dambiyada lagu galo falalka amniga la xiriira, taasoo ay sheegtay iney wax badan ka tari karto xasilinta dalka.
Dowladda ayaa u sameysay ciidamo gaar ah oo gaaf wareegaya isgoysyada Magaalada Muqdisho iyagoo sandaqado ka sameystay isgoys walba isla markaana ku jira heegan buuxa,laakiin waxaa wali ka socda meelo badan oo dalka ah oo muqdisho ku jirto qaraxyo iyo dilal qorsheysan kuwaas oo isla shalay ka dhacay muqdisho ,kadib markii qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda soomaaliya ,sidoo kalena labo askari lagu dilay gudaha suuqa bakaaraha
Saacid waxa uu sheegayaa inuu dadaal xoogan ku bixinayo sugista amaanka, taasoo uu sheegay in loo marayo taageeridda laamaha amaanka, iyadoo kor loo qaadayo buu yiri adkeynta xagga ciidamada amaanka, Xukumadda waxaa walaac weeyn ku haya hubka ay mujtamacu sida sharci darada ah u haystaan ee guryahooda u yaala ama meharadahooda.Ka ganacsiga hubkaas ayay sidoo kale sheegay xukumadu iney tahay qeyb si weyn kaalin uga qaadaneeysa qaska ka taagan dalka, gaar ahaan Muqdisho.
Sharci kasoo saarista hubkaas ay dadku kala iibsadaan oo 23-kii sano ee ugu dambeeyay ka jiray dalka ayay xukumada Reeysal-Wasaare Saacid hada ku howlan tahay, waxaana sida uu sheegayo af hayeenka Xukuamda, Ridwaan Xaaji Cabdi-Wali la doonayaa in arrinkaasi lagu sameeynayo daraasad.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar
Dowladda oo miisaaniyad cusub u qoondeysay xaqiijinta amniga, sheegtayna in…

Q/Midoobay oo sheegaty in sargaal ka tirsan Baarlamaanka Kenya uu xiriir la leeyahay uruka Al-shabab

$
0
0

Warbixin ay soo saartay Q/Midoobay ayaa la xiriirisay sargaal ka tirsan aqalka baarlamaanka ee dalkani kenya Xarakada Al Shabab.waxayna sheegtay Qaramada Midoobay inuu sarkaalkaasi xiriir dhow la leeyahay sida ay tiri xarakada Al-shabaab, warbixinta oo ay soo saartay kooxda dabagalka arimaha Soomaaliya iyo eratariya ayaa sheegtay in sargaalkani kamidka ah shaqaalaha baarlamaanka dalka uu taageero Al Shabab ee xiriirka la leh urur waynaha Al-Qaacida sida lagu sheegay warbixinta oo intaasi ku dartay in inkastoo aan la magacaabin sarkaalkaasi in haddana ninkaasi uu gacan ka gaysto qorida dadka jihaad doonka ah.
Warbixinta Qaramada Midoobay oo ku tilmaamtay sargaalkaasi mid ka mid ah shaqaalaha Baarlamaanka Kenya, isla markaasna uu yahay xubin ka mid ah gudiga masaajid ku yaala magaalada Nairobi oo horay loogu eedeeyay in ay maalgaliyaan wax ay warbixintu ugu yeertay argagixisada iyaga oo u sii maraya kooxda AL Hijra .Waxa uu shaqsigani xubin ka yahay sida warbixinta ku xusan gudiga masaajidka Riyadha Mosque ee xaafada Pumwaani ee magaalada Nairobi.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Madaxweynaha Galmudug oo xilkii ka qaaday taliyihii Nabadsugidda

$
0
0

Wareegto shalay Ka Soo Baxday Xafiiska Madaxweynha Dowlada Goboleedka Galmudug Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxa isku shaan dheyn loogu sameyay hogaanka nabad sugid ee maamulkaasi kadib markii xilkii laga qaday hogaankii hore kadib markii lagu eedeyay in uu gudan waayay xilka loo magacaabay, Madaxweynaha ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo amaanka Galmudug Gaar ahaan Dhinac Nabad Sugid  Maadama ay jiraan Falal amaan dari ah waxaana uu sheegay in uu magacaabay Sarakiil nabad sugid ah oo cusub  kuwaasi oo kala ah.
Cabdirasaaq Maxamuud Shekih Yuusuf Oo Loo Magacaabay Taliyaha Nabad Sugid ee Galmudug, halka taliye nabad sugidda gobolka mudug loo magacaabay G/lle Cabdi Maxamed Faarax {Dhafoor} waxaana magacaabista saraakishaani ay timid kadib markii dhawaan xilka laga qaaday taliyihii Nabad Sugida Ee maamulka Galmudug.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Siyaasiyiin ku taliyey in Baarlamaanka Puntland laga saaro Xildhibaanada ka soo jeeda Sool iyo Sanaag

$
0
0

Siyaasi u taagan xilka madaxweynenimo ee maamul-goboleedka Puntland ayaa sheegay in gebi ahaanba baarlamaanka Puntland laga saaro xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag, musharaxa madaxweyne Maxamed Maxamuud Xirsi ayaa sidaa saxaafada u sheegay mar uu ka hadlayay goaan dhawaan ay gaareen baarlamaanka Puntland oo lagu sheegay in xildhibaanada cusub lagu soo dooran doono nidaamka qabiilka.
“Sool iyo Sanaag waa hore ayaa Somaliland lakali noqotay maamulkooda. markaa Sidey ku suura gelee in Xildhibaanno halkasi kasoo jeeda ay baarlamaanka noogu jiraan hadiiba qabiil leysku dooranayo. Waxa ay baarlamanka kasii mid ahaan karaan oo kali ah hadii doorashu ay tahay heer gobal”, ayuu yiri Maxamed Maxamuud Xirsi ayaa soo jeediyay.
Soo jeedintan ayaa Guux siyaasadeed ka dhex abuurtay masraxa siyasadeed ee Puntland oo haatan ku jirta xilli dib isu habeyn ah.ama hadii si kale loo yiraahdo xilli diyaargarow loogu jiro in hoggaamiyaasha  dhaqanku ay soo xulaan xildhibaanada baarlamaanka hadda jira oo waqtigiisu ku egyahay bisha soo socota ee Oktoobar.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live