Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Iska hor’imaad ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo

$
0
0

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay ku warramayaan in Iska hor’imaad Khasaaro geystay fiidnimadii xalay Kismaayo Duleedkeeda uu ku dhexmaray Ciidanka Kenya iyo Kooxo Hubeysan oo la sheegay in ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Howl galka AMISOM ay ku leeyihiin Duleedka Magaaladaasi Kismaayo.
Goob Joogayaasha ayaa sheegay in dhanka xigta Air-portka Magaalada Kismaayo xalay laga Maqlay Rasaas xoogan oo ahayd mid ay isweedaarsanayeen Kooxo hubeysan iyo Ciidanka Kenya ee la soo weeraray.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Kenya ee ku aadan iska hor’imaadkaasi Khasaaraha sababay ee xalay ka dhacay Duleedka Magaalada kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Sikastaba iska Hor’imaadka kadib ayaa waxaa duqeymo xoogan ay ciidamada Kenya ku garaaceen deegaanada ku xeeran halka iska hor’imaadku ka dhacay, welina ma jirto faah faahin rasmi ah oo laga hayo  khasaaraha iska hor’imaadka iyo duqeymaha ka dambeeyay ay geesteen.


Somalia and Somaliland to cooperate in security matters for the first time

$
0
0

(Sh.M.Network)- Somaliland’s trade and investment minister who led the Somaliland delegation in Turkey that held talks with Somalia’s delegation said that his administration will start cooperating and share intelligence with the federal government.
“In Istanbul, we agreed to cooperate with each other on security matters” said Mohamed Abdullahi Omar, Somaliland’s trade and investment minister
The minister added that Somaliland will start sharing intelligence with the federal government to upgrade security in the region.
Somali and Somaliland held talks in Istanbul Turkey last month.

Gobolada Puntland oo si kooban looga xusay 1da Agoos.

$
0
0


Maanta oo bisha Agoosta ay tahay 01, waxay ku beegan sannadii guuradii
15-aad ee ka soo wareegatay dhalashadii maamulka Puntland ee sannaddii
1998-dii, taasoo ah maalin si weyn looga qaddariyo deegaannada
Puntland.
Sannadkasta maalinta 01-da Agoosta gobollada iyo degmooyinka Puntland
waxaa laga samayn jiray maamuus ballaaran oo lagu weynaynayo maalinka
la unkay Puntland, hase ahaa sannadkaan looma xusin sidii horay loogu
yaqaanay.
Magaalada Garoowe oo ahayd meesha dabaaldegga ugu ballaarani ka dhici
jiray ayaa maanta laga maamuusin maalinta kowda Agoosta, hase ahaatee
caawa ayaa la filayaa aqalka madaxtooyada Puntland in lagu qabto
xaflad ay ka qaybgalaan madaxda sarsare ee dawladda Puntland, taasoo
looga xog-warrami doono arrimo badan oo taariikh iyo xaaladaha kala
duwan ee Puntland la xiriira.
Sidoo kale magaalooyinka Galkacyo, Qardho iyo meelo kala oo horay si
weyn looga xusi jiray maalinta kow\wda Agoosta ayaan maanta isku soo
baxyo iyo xaflado kale toona aysan ka dhicin, inkastoo ay jiraan
qoontooyin talagal oo suuragal ka dhigi kara xaflado kookooban oo
illaa caawa dhaca.
Marka la eego dhinaca magaalada Bossaso maanta waxaa laguu qabtay
xaflado kooban oo ka dhacay xarumaha dawladaha hoose, taasoo ay ka
qaybgaleen xubno katirsan golaha wasiirrada, maamul heer gobol iyo mid
degmo iyo qaybo kala oo ka mid ah bulshada.
 Buraannews,com- Garowe.

A famous traditional elder murdered in Beledweyne town

$
0
0

Hiran administration has started hunting down gunmen who murdered the spokesman of traditional elders in the region.
Mr. Hussein Elmi Ibrahim was shot several times by unknown men last night and died on the spot.
The vice chairman of Hiran regional security talking to Shabelle radio station shortly after the incident said that the administration was performing the investigations and will bring the culprits to face justice
It was yesterday when the Hiran administration released the identity of the man behind the killing of a court official in Beledweyne earlier this month in a different incident

Sawirro: Isbitaalka guud ee Garowe oo dhaqaale loo aruurinayo

$
0
0

Magaalada Garowe ayaa maanta lagu qabtay kulan dhaqaale loogu aruurinayay isbitaalka guud ee Garowe.
Waxaa kulankaan soo qaban qaabiyay guddi ku magacaaban guddiga dhaqaale u aruurinta  dhismo loogu talo galay inay ku umulaan haweenka uurka oo laga hirgalinayo isbitaalka Garowe.
Guddiga howshaan qaabilsan ayaa isugu jira Cula’awdiin.waxgarad. iyo mamaulka isbitaalka Garowe .Waxaana saaka ay yeesheen kulankoodii ugu horeeyay ee ay saxaafada u qabteen.
Hay’adda UNFPA ayaa bixinaysa inta ugu badan qarashku ku baxaya dhismahaan cusub ee haweenka loogu talo galay. Hase ahaatee 30 kun oo dollarka maraykanka ayaa guddigu sheegay in lagu qoray bulshada qeybaheeda kala duean  si ay kaalintooda uga qaataan.
Xubnaha guddigaan ku jira waxaa kamid ah agaasimaha guud ee isbitaalka Garowe Dr Maxamed Jaamac Xirsi , Gudoomiyaha jaamacadda Bariga faraceeda Garowe Sheikh Maxamed Xaaji Yuusuf,  Sheikh Jaamac Cali Liibaan oo culumada Garowe kamid ah  iyo Nabadoon Siciid Xaaji Cabdille.
Agaasimaha guud ee isbitaalka Garowe Dr, Maxamed Jamac Xirsi ayaa sheegay baahida ka dambeysa dhismahaan inay tahay la’aanta meelo munaasib ah oo haweenka ku dhallaan.
Goobta hadda ay ku dhallaan haweenka uurka leh ayuu agaasimuhu sheegay inay tahay meel aad u yar oo aanan lahayn adeegyo badan oo laga maarmaan u ah daryeelka hooyada dhalaysa.
Culuma’awdiinkii iyo waxgaradkii kulankaan ka hadlay ayaa ku booriyay bulsahda inay ka qeybqaataan dhaqaale aruurinta dhismahaan si loo badbaadiyo hooyooyinka dhibanayaasha ah.
Waxaa halkaasi lagusoo bandhigay warqado ay ku qornaayeen accoonada laga sameeyay Dahabshiil ,Amal iyo shirkada isgaarsiinta Golis kuwaas oo lagu shubi karo qarashka looga qeyb qaadanayo.
DahabshiilAccoun: D0003003.
Amal bank Accoun: 55186-01.
Sahal Accoun: 426516.

Buraannews.com- Garowe.

Farole: our relationship with the central Somali government is on the verge of collapsing

$
0
0

The president of Somalia’s Puntland state,Abdirahman Sheiklh Mohamed Farole has accused former president of the region general Adde Muse for igniting clashes in Puntland.
Mr. Farole also said that the relationship between Punt land and the central government is not in a good shape.
He said this while Punt land administration was celebrating 15 years anniversary since it was formed.
Mr. Farole accused the federal government for tampering with the constitution.
“Our relationship with the central government is on the verge of collapsing” said Farole.
Puntland has for several times accused the central government for tampering with the constitution and the central government dismissed search claims before.

Dowladaha Ciidamada ka joogaan Soomaliya Oo ku kulmaya dalka Uganda.

$
0
0

Lixda doowladood ee ciidamadoodu ka joogaan soomaaliya ayaa waxa ay kulamo deg deg ah ku yeelan doonaan Magaalada Kampla ee Xarunta dalka Uganda.
Madaxweynayaashaan ayaa waxa ay kawada hadli doonaan sidii dar dar loo Gelin lahaa dagaalada Socda ee ka dhanka ah xarakada AL-Shabaab.
Kulankan ayaa waxaa martigalisay dowlada Uganda waxaana shir gudoomin Doona Madaxweynha dalka Uganda Yoweri  Museveni, iyadoona ay qayb ka Noqon doonto waxyaabaha looga hadli doono Dhibatooyinka dowlada Kenya ka gaysatay Gobolka Jubada hoose iyo eedaymaha loo soo jeediayay Ciidamadda Kenya ee ku howlgala Magaca AMISOM.
Masuul kamid ah Masuuliyiinta Wasaaradda Arimaha Dibada ayaa sheegay In uu yahay Kulankaan midkii ugu horeeyay oo Noocaan oo kale ah oo Diirada lagu saarayo Arrimaha Soomaaliya.
James Mugume oo ah Xoghayaha Arimaha Dibada ee dalka Uganda ayaa Waxa uu sheegay in dowladaha ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay Sameeyeen horumar dhinaca Amniga ah, ayna muhiim tahay Wada shaqayn buuxda oo dhex marta Dowladahaasi.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Uganda Oryem-Okello ayaa sheegay in Ciidamada Uganda aysan marnaba Faragelinin Arrimaha Siyaasadeed ee ka dhextaagan  Siyaasiiinta Soomaaliyeed, waayo waxa ay taasi khatar ku Tahay Ciidamadeenna naga jooga Soomaaliya, waxa ayna nagu tahay Magac xumo.
Dalka Soomaaliya ayaa waxaa hada ku sugan Ciidamo farabadan oo ka kala Socda wadamadda Uganda, Burundi, Kenya, Sierra Leone, Djibouti.

Dowlada Eritrea Oo ku dhawaaqday in ay Taageereyso dowladda Soomaaaliya.

$
0
0

Xukuumadda Eretria ayaa sheegtay in ay si buuxda u Taageerayso Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayna qirsantahay Jiritaanka dowlada Somaaliya Ee uu hogaamiyo prof. Xasan Sheekh Maxmuud .
Sida laga soo xigtay Safiirka Xukuumadda Eretria u fadhiya Golaha Ammaanka Ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay tahay dowlad Matasha Shacabka Somaaliyeed ayna Xukuumada Eretria qirsantahy Jiritaanka dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayna tahay dowlad Sharci ah waa sida uu hadalka U dhigay.
Araya Desta, oo ah Safiirka Eretria u fadhiya Golaha Amaanka ayaa sheegay In  Eretria  ay si rasmi ah uga hor cadaysay dhammaan Xubnaha Golaha Ammaanka kulankii ay diirada ku saarayeen Arimaha Soomaaliya iyo Eretria  In dowlada Eretria ay si wayn u Ictiraafsantahay dowlada Soomaaliya ayna Eretria Taageerayso Dadaalada dowlada Soomaaliya ay ugu jirto Nabad iyo Xasilooni ka dhalata dalka Soomaaliya.
Safiirka Eretria u fadhiya Golaha Ammaanka ayaa Carabka ku adkeeyay in Eretria ay si wayn uga soo horjeedo Faragalinta lagu haayo Arrimaha Soomaaliya ee ay wadaan dowladaha dariska la ah Soomaaliya.
Desta, ayaa ugu dambayn ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay Khilaafaadkooda ku dhameystaan Miiska Wadahadalka si loo helo Nabada Iyo Xasilooni ka islaaxda dalka Soomaaliya.


Isku socodkii dad weynha iyo gawaarida ee wada tarbuunka oo hakad la galiyay.

$
0
0

Warar gor dhow aynu ka helnay ila waredyo ayaa shegaya in la xiray wada dheer ee tarbuunka halkasi oo la joojiyay in ay dadka iyo gawaaridaba ay maraan.
Miino ayaa la sheegay in lagu arkay mid kamid ah balayaasha cad ceeda ku shaqeeya oo wadasi ku yaala.
Lama oga cidi halkasi dhigtay laakin waxa ay arintaani imaanaysa iyadoo malinti shalay la qarxiyay balayaal ifiya wadada Maka Al-Mukarama.

Buraannews.com-Muqdisho

Maxkamad Ku Taalo Kenya Oo Xukuntay In Magdhow la siiyo dad Kenya ay u Dhoofisay Soomaaliya

$
0
0

Maxkamad ku taalla Kenya ayaa lacag magdhow ah waxa ay u xukuntay dad loo xiray falal argegixisanimo oo loo musaafuriyay dalka Soomaaliya,waxeeyna Maxkamadu  amartay lacag dhan 460,000 oo doolar.
Maxkamada ayaa lacagtaasi waxa ay u xukuntay  in la siiyo 11 qof oo horey loogu tuhunsanaa in ay ku lug lahaayeen falal argegixisnimo,kuwaasi oo loo Musaafiriyay Soomaaliya.
Dadkani ayaa la sheegay inta ay ku sugnaayeen Soomaaliya iyo Itoobiya in su’aalo la weydiiyay, isla markaana loo geystay xad gudubyo ka dhan ah bini’aadanimada.
Sidoo kale Maxkamadda waxa ay sheegtay  in musaafurinta raggani ay ahayd mid sharci darro ah oo khilaafsan destuurka dalka Kenya,iyadoo tilmaamtay in dadka la Musaafuriyay ay ka soo kala jeedeen wadamada Kenya, Uganda iyo Tanzania.
Dadkaan ayaa  lagu xiray dalka Kenya sanadkii 2007-dii xilligaas oo uu Soomaaliya ka socday dagaalkii u dhexeeyay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga iyo ciidmada Itoobiya oo taageerayay kuwa Dowladdii KMG.
 Ugu dambeytii Qareenka u doodayay dadkan Mbugua Mureithi ayaa Warbaahinta u sheegay in lacagta magdhowga ee loo xukumay ay yartahay marka loo eego dhibka lo geestay ragaasi.

Buubaa: Kismaayo haddii xal loo rabo Ciidamada Kenya ha laga soo saaro

$
0
0

Siyaasiga Ismaaciil Hurra Buubaa oo Wasiirka arrimaha dibadda  ka soo noqday noqday Dowladii KMG  ee uu Hoggaaminayay Allaha U naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa mar uu ka hadlay Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya waxa uu sheegay in dowladda Kenya dano siyaasadeed ay ka leedahay joogitaanka Ciidamadeeda gudaha dalka gaar ahaan Gobollada Jubbooyinka.
Mr Buubaa ayaa tilmaamay in haddii xal loo rabo Kismaayo ay haboontahay in la soo bedelo Ciidamada Kenya oo halkaasi la geeyo Ciidamo kale oo ka tirsan AMISOM oo lagu aamini karo Ammaanka Jubbooyinka , isagoo carabka ku adkeeyay in taasi ay tahay sababta kaliya ee lagu hakin karo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Jubbooyinka islamarkaana ay meesha ka saari karto dhaliilaha soo laalaabtay ee loo jeediyo Ciidamada Kenya.
Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo ayaa lagu eedeeyaa in ay garab siiyaan Mid ka mid ah Maleeshiyaadka isku haya higgaanka Maamul ay yeeshaan dadka dega Gobollada Jubbooyinkan iyadoo hadalka Siyaasiga Ismaaciil Hurra Buubaa uu ku soo aadayo xilli haatan Magaalada Kismaayo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyada Axmed Madoobe oo garab ka helaya Ciidamadada Kenya ee ku sugan halkaasi.

Somalia: Somali Rights Files Complaint against Kenyan Military at The Hague

$
0
0

Somali Rights has filed a complaint letter with the International Criminal Court (ICC) at The Hague requesting it investigate alleged human rights abuses by the Kenyan military in Jubbaland.
Somali Rights, a non-governmental organisation that monitors, documents, and prosecutes issues related to human rights and war crimes, accused Kenyan military leaders, including commander of the armed forces Kenyan President Uhuru Kenyatta, of “war crimes and crimes against humanity including torture, massacre, illegal use of excessive force, rape, destruction of property and displacement of civilians”, the organisation said in a statement Tuesday (July 30th).
Kenyatta already faces charges at the ICC over allegations of human rights abuses after the 2007 Kenyan elections.

Somalia: Regional heads to meet over Amisom troops

$
0
0

The six presidents of countries contributing troops to Somalia under Amisom are gathering in Kampala this weekend for an emergency session to harmonise ongoing offensives against the militant Al-Shabaab group amid reports of operational cracks among the different armies.
The Sunday meeting to be chaired by Uganda’s Yoweri President Museveni, as the convener, comes against a backdrop of Somalia’s new leadership accusing Kenya of meddling in its internal affairs, handpicking local leaders and trying to create an irregular buffer zone in Kismayu, under Kenyan troops.
Uganda, which was the first to deploy soldiers in the then restive Mogadishu in March 2007, has the biggest troop numbers in Somalia. Other countries are Burundi, Kenya, Sierra Leone, Djibouti and Somalia.
Foreign Affairs officials in Kampala confirmed that the first-ever summit of the political chief executives of the contributing countries will be at Imperial Resort Munyonyo, in Kampala.
“We have made significant progress in the security sector, and need an equally supportive progress on the political structure,” Foreign Affairs Permanent Secretary James Mugume said. “What is important is for the countries to harmonize our positions; this is more about cooperation.”
He said the basis of re-organising was to get the “most in terms of operational efficiency from our limited resources”.
Kenya named
Unease and rivalry among foreign actors in Somalia has been manifest for months, according to military sources that preferred anonymity, owing to sensitivity of the subject, and new President Hassan Sheikh Mohamud upped the ante by pointing at Kenya as lately being a spoiler.
In response to a question from the Daily Monitor newspaper last month in Mogadishu, President Mohamud said: “Now the situation in Kismayu is a bit deteriorating; there’s a conflicting outcome of the process; people are going there, nominating their President; as of now, we have three local presidents in Kismayo; it’s unfortunate.”
He said his government had turned to the regional bloc, the Inter-governmental Authority on Government (Igad), to intervene and “we hope things will improve in Kismayu”.
Other reports suggested Somalia had also formally petitioned both the African Union and the UN over the matter.
Kenya government spokesperson Muthui Kariuki did not never replied to our email enquiries sent on Tuesday, even after he promised he would have responded to Mogadishu’ allegations by 10am yesterday.
In last month’s interview, Mr Mohamud said foreign intervention was to help Somalia build a sovereign state and administration.
In Kampala on Tuesday, International Affairs Minister Oryem-Okello said Uganda has never involved itself in local politics in Somalia because doing so could put Ugandan soldiers in harm’s way.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo lagu eedeeyay Cadaalad darro

$
0
0

Abuukaatayaal ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mr Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf in uusan qaadi Karin dacwada Reer Cali Shire iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Abuukaate Cabdi Rashiid oo ka mid ah qareenada Soomaaliyeed oo Maanta la hadlay Warfidiyeenada ayaa waxa uu ku eedeeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf in uusan wax ku garsoorin si cadaalada waafaqsan.
Garyaqaan C/rashiid oo qareenka gacanta kula jira Kiis hanti dhuleed ah islamarkaana uu Wakiil ka yahay qoyska Reer Cali Shire oo lagu heysto hantidaasi ayaa waxa uu tilmaamay in uu ku xad gudbay Xeerka lagu qabanayo Jagada Ama Suuliyadda uu u xil saartay qaranka Soomaaliyeed.
“ Da’diisa waa ay ka sareysaa 65 jir sidaa aawgeeda xeerka ayaanba u ogolaaneynin xilkaan” sidaasi waxaa yiri Abuukaate Cabdi Rashiid.
Dhinaca kale Max’ud Cali Shire oo isagu Wakiil ka ah Qoyska Reer Cali Shire oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu Tilmaamay in dacwadaani ay soo socotay Muddo gaareysa 1-4 sano ayna soo mareen qareeno kala duwan walow qareenadaasi labo ka mid ah ay ku dhinteen qaraxyo ka dhacay Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir.
“ si xaq ah marka loo hadlo innaga ayaa iska leh dhulkaasi hase ahaatee Maxkamadda ay runta ka indha saabaneyso” sidaasi waxaa yiri Max’ud Cali Shire.
Sikastaba Muddooyinkaan dambe ayaa Maxkamadda Sare waxaa ka furnaa dacwada Kiis dhul oo ay isku heystaan Qoyska Reer Cali Shire iyo Dowladda Hoose.

Eritrea Pledges Support to Somalia Government

$
0
0

The Government of the State of Eritrea has thrown its full support and recognition towards the unity, sovereignty and territorial integrity of Somalia under the Federal Government of President Hassan Sheikh Mohamud.
According to Eritrean diplomat at the UN, it is now official that Eritrea recognizes the Federal government of Somalia as the legitimate representative of the people of Somalia.
Sources at the UN Security Council suggests that Eritrea has notified Council members about the said ‘recognition‘ in an informal way when it presents its statement during the informal consultation on July 12 with the Security Council Committee concerning Somalia and Eritrea.
In an interview he made today with the Voice of America (VOA), Eritrean envoy to the UN, Ambassador Araya Desta, confirmed that “Eritrea now supports earnestly the efforts of the Government of Somalia in stabilizing the country.”
Somalia has endured more than 20 years of war and lawlessness since the fall of President Mohamed Siad Barre in 1991.
The successive Somali Transitional National Governments (TNG) that are established outside of Somalia have been repeatedly rejected by the Somali people. They all have been characterized by incessant internal conflict, lack of progress on the key transitional tasks and failure to build functioning institutions.
Eritrea does not recognize any of the externally established TNGs because it believes they are illegitimate regimes that have been imposed upon the Somali people against their will.
However, with the election of President Hassan Sheikh Mohamud as the first ever president to be elected on home soil in four decades, a new window of opportunity opened for the revival of the historic Somalia-Eritrea relationship.
Ambassador Desta re-affirms Eritrea’s opposition to all negative interventions in the internal affairs of the country and encourages all Somalis to engage in constructive dialogue and national reconciliation.


Shir arimaha Somalia looga hadlaayo oo ka furmay Uganda.

$
0
0

Maanta oo sabti ah waxa magaalada Kambala ee xarunta wadanka Uganda ka furmay shir heer wasiir arima dibadeed ah oo yeelanayaan dowladaha ay ciidamadu ka joogan gudaha wadankani Somalia waxana uu go gol xaar u yahay kulanka maalinta axada ay yeelan doonan madaxda dowladahasi.
Shirka saakay furmay ayaa waxyaabaha diirada la saarayo waxa kamid ah arimo quseeya Somalia sida amaanka iyo siyaasada gudaha wadanka Somalia.
Raisal wasare ku xigeen ahna wasiirka arimaha dibada xukuumada Somalia Mrs Fosiya Xaji ayaa Somalia u matalaysa kulanka wasiirada arimaha dibada wadamada ay ciidamada nabad dhalinta ah ka jogan gudaha wadankani Somalia.
Xukuumada Somalia ayaa ku eedeysay Kenya in ay ka qeyb qadatay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo iyo sidoo kale in ay taageertay mid kamid ah garabyada isku haya Kismaayo waxana cabasho arimahasi ku aadan ay u gudbisay midowga Afrika.
Kulanka wasiirada arimaha dibada dowladaha ay ciidamada ka jogaan Somalia waxyaabaha kasoo baxa ayaa maalinta barito waxa ka doodi doona madaxda wadamadasi ay ciidamooda ku sugan yihiin Somalia,kulankasi Somalia waxa uga qeyb galaya madaxweynaha jamhuuriyada Somalia Xasan Shiq Maxamuud.
Midowga Afrika waxa kaga sugan gudaha wadankani ciidamo gaaraya 17-kun oo askari oo ka socda wadamada gobolka dhaca,Uganda oo iyada kulankasi ku baaqday ayaa waxa kaga sugan ciidamada uga badan ee howlgalka AMISOM ka qeyb qadanaya.
Hadafka kulanka maalinta barito ayaa waxa uu yahay sidii ay dowladahasi ciidamooda ka joga Somalia uga faaidaysan lahayeen war bixinadii ugu dambeeyay ay ka heelen in ay jiraan qilaafad ka dhex aloosan Al-shabab dhexdooda.

Buraannews.com-Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Oo Maanta Kulan Xaasaasiya La Yeeshay Agaasimeyaasha Guud Ee Wasaaradaha Dalka

$
0
0

Hargaysa (Idhanka) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Dalka.
Kulankan oo ka qabsoomay  Xarunta Hay’adda Shaqaalaha Somaliland ayaa waxa ujeedadiisu uu Wasiirku ku sheegay sidii kor loogu soo qaadi lahaa Wasaaraddaha iyaga miisaaniyadoodu ay hoosayso.
Waxa uu kula dardaarmay guud ahaanba Wasaaradaha dalka in ay xooga saaraan [...]

Qarax lala beegsaday gawaari ay la socdeen AMISOM.

$
0
0

Sida lagu qoray bar taabacsan Al-sshabab, Wararka ka imaanaya deegaanka Bariire ee duleedka degmada Owdheegle ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan lala eegtay gaadiid ay la socdeen ciidanka AMISOM.

Laba qarax miino ah ayaa maanta barqadii lala helay gaari dagaal nuuca Taawga loo yaqaan,goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa koowaad uu waxyeello gaarsiiyay gaariga balse qarax kale ayaa daqiiqado kadib dhacay waxaana lala eegtay ciidanka AMISOM xilli ay lugaha ka bedelayeen gaariga waxyeeladu gaartay waxaana la sheegay in gabi ahaanba gaarigu qaraxa 2-aad ku burburay.

Ciidamo udhashay wadanka Uganda ayaa dhimasho iyo dhaawac ku naqday qaraxa dambe ee Bariire ka dhacay,ma ahan markii ugu horreysay ee ciidamadaasi gaadiid looga burburiyo qaraxyo ka dhacay shabeelaha Hoose.

Buraannews.com-Muqdisho

Dagaallo Khasaaro sababay oo u dhexeeya Ciidamo ka wada tirsan Al Shabaab oo ka dhacay Deegaano Hoostaga Gobolka Sh/hoose

$
0
0

Sida dad ku sugan Deegaanka Goobaanle ee Gobolka Sh/hoose ay u xaqiijiyeen Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho waxaa halkaasi dagaal uu ku dhexmaray Ciidamo ka wada tirsan Ururka Al Shabaab.
Ciidamadaani ayaa kala taabacsan Amiirka Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr iyo Sheekh Muhtaar Abuu Mansuur oo ka tirsan hoggaamiyaasha Sar sare ee Ururkaasi.
Dagaalkaan ayaa waxaa la sheegay in Shalay duhurnimadii uu ka bilowday Deegaanka Goobaale halkaasoo ay horay gacanta ugu haayeen Ciidamo taabacsan Amiirka Al Shabaab balse shalay halkaasi laga saaray , waxaana ay qabteen dhinaca deegaanka loo yaqaan Ceelcade inkastoo warar aanu halkaasi ka heleyno ay tilmaamayaan in xittaa deegaankaasi ay sii faarujiyeen islamarkaana Deegaanka Goobaanle ay si buuxda gacanta ugu haayaan Ciidamo taabacsan  Sheekh Abuu Mansuur.
Wararku waxa ay intaasi kudarayaan in xalay dagaal kaloo Rogaal celis ah ay soo qaadeen Ciidamadii Axmed Godane balse eeyan u suura gelin in ay dib u qabsadaan Deegaanka Goobaanle ee laga fara marooqsaday.
Mid ka mid ah dadka Deegaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dadkii shacabka ahaa ay isaga bexeen Deegaanka Goobaanle , islamarkaama ay indhihiisu qabteen dhimashada 5 Ruux oo isugu jira cadaan iyo Soomaali , isagoo carabka ku adkeeyay in uu jiro dhaawac soo gaaray Sarkaal Sare oo ka tirsan Al Shabaab oo Magaciisa uu ku soo koobay Cabdalla kaasi oo uu sheegay in uu yahay Madaxa dacwada ee Ururka Al Shabaab.
“ dadkii Rayidka ahaa ee  degenaa deegaanka waxa ay u carareen Baadiyaha  iyagoo aan heysan biyo iyo Baad” ayuu yiri Goob Joogahani ku sugan Deegaanka Goobaanle ee lagu dagaalamay.
Maaha markii ugu horeysay oo Ciidamo ka wada tirsan Al Shabaab uu dagaal ku dhexmaro qeybo ka mid ah Gobolka Sh/hoose waxaana xusid mudan in dhawaan ay ciidamo kala taabacsan Saraakiisha Sar Sare ee Al Shabaab ay ku dagaalameen Degmada Baraawe ee Sh/hoose.

Faroole: Dowladda Federaalka Soomaaliya nama metesho

$
0
0

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’ud Faroole ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan xilligaan matalin islamarkaana wax wada shaqeyn ah uusan ka dhexeynin.
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’ud Faroole oo khudbad ka jeeninayay Munaasabad lagu Maamuusayay markii la aasaasay Maamulka Puntland ayaa sheegay in Puntland ay kalsoonidii kala laabatay dowladda Federaalka Soomaaliya isagoo u cuskanaya in dowladda Federaalka ay baal martay Xeer hoosaadka dalka iyo qodobadii lagu heshiiyay.
“ Dowladda Soomaaliya waxa ay isku koobtay awoodii dalka sida Safiirada iyo ka qeyb galka shirarka Caalamiga ah” sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.
Sikastaba Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xumaanayay xiriirka ka dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live