Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Saraakiisha Ammaanka oo ka hadlay Xanibaada saaran waddooyinka Muqdisho

$
0
0

Xilli Maalmihii dambe ay sii kordhayeen Xanibaada saaran Waddooyinka Magaalada Muqdisho gaar ahaan waddooyinka ugu Muhimsan Magaalada sida wadada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 ayaa maanta Saraakiisha Hauy’adaha Ammaanka dowladda waxa ay faah faahin ka bixiyeen arrintaasi , iyagoo tilmaamay in ay Magaalada Muqdisho ka wadaan Howlgal lagu xaqiijinayo Ammaanka.
Gaashaanle Bashiir C/qaasim Taliyaha Ururka Koowaad ee Guutada Birmadka Booliska  [ Gaafmeer ] oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay waajib ka saarantahay sugida Amniga iyaguna taa oo kaliya ay ku howlanyihiin.
Gaashaanle Bashiir ayaa waxa uu intaa kudaray in Ciidamada Birmadka ay yihiin kuwa si gaar ah u taba baran ee ka hortaga qataraha iyo awooda ay Xamili waayaan Saldhigyada Booliska.
Taliyaha ayaa Sidoo kale xusay in sababta looga xiray Gaadiidka dadweynaha wadada isku xirta Isgoyska KM4 iyo Garoonka diyaaradaha ay tahay culees ka yimid dhankooda oo ku aadan in ay Mashquul ka dhigaan Afaafka hore ee wadada Air-portka isagoo intaa raaciyay in ay si wanaagsan ula dhaqmaan Bulshada xilliga ku guda jiraan Baaritaanka.
Dhanka kale Gaashaanle Axmed Cabdi Cali ( Axmed Dheere ) Madaxa Howlgalka guutada birmadka Booliska oo isna la hadlay Warfidiyeenada ayaa sheegay in ay yihiin Boolis dhawaan tababar loogu soo gaba gabeeyay Dugsiga Tababarka Jeneraal Kaahiye, islamarkaana ay wadi doonaan Howlgallada ay ku sugayaan Ammaanka Magaalada Muqdisho, ayna u taagnaan doonaan dib u soo celinta Xasiloonida Gobolka.


Renewed infighting between Alshabab fighters in lower Shabelle region

$
0
0

Residents of Gobaanle town in the lower Shabelle region confirm that there have been renewed clashes between Alshabab fightersin the region.
It is reported that fighters loyal to Sheikh Abu Mukhtar Abuu Zubeyr clashed with fighters loyal to Sheikh Mukhtar Abu Mansur.
The clashes started on Friday midday and after a fierce fighting, fighters loyal to Abu Mansur took control of the town forcing Abu Mukhtar’s men to flee to El Adde town.
News sources add that the defeated lot are planning to retaliate and are regrouping to retake Gobaanle from Abu Mansur’s men.
A Gobaanle resident told Shabelle radio in Mogadishu that residents fled the small town to neighboring areas.
“Residents have fled to the jungle without water and food” said the resident who requested his name to be withheld for security reasons.
This is not the first time Shabab fighters clash in the lower Shabelle region as they clashed previously in Barawe town.
 

Agaasimihii Hore ee Nabad Sugida Qaranka oo beeniyay eedeymo ay Qaramada Midoobay u jeedisay

$
0
0

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Axmed Macallin Fiqi ayaa beeniyay warbixin ay soo saartay Kooxda la socodka Xayiraadaha Saaran Soomaaliya iyo Eretria oo isaga lagu eedeeyay in uu gacansaar dhow la leeyahay Ururka Al Shabaab.
“ Majirto wax xiriir ah oo naga dhexeyn karo Ururka Al Shabaab anigoo ah Masuul soo Noqday Agaasimaha Hay’adda Nabada Sugida Qaranka Soomaaliyeed” sidaasi waxaa yiri Mr Fiqi.
Mr Fiqi ayaa sheegay in intii uu xilka hayay ay dalka soo booqdeen Madaxda Caalamka qaarkood kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ban Ki Mon , Ra’isal Wasaaraha dalka Turkiga iyo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle isagoo sheegay in Ammaanka Masuuliyiintaasi ay iyaga gacanta ku hayeen , dad xiriir la leh Al Shabaabna aaneey ka bad baadeen Masuuliyiintaasi.
Dhinaca kale Axmed Macallin Fiqi ayaa ka hadlay eedeyn kale oo ku jirtay warbixinta oo ku aadan Hub Madaxtooyada laga soo qaaday oo laga iibiyay Al Shabaab kaas oo lala xiriiriyay Nabad Sugida ayaa Mr fiqi waxa uu carabka ku adkeeyay inaanu wax lug ah ku laheyn hub yaalla Madaxtooyada.
Ugu dambeyntii ayaa Mr fiq waxa uu ugu baaqay Hey’adda La socodka Xayiraadaha Saaran Soomaaliya iyo Eretria in ay ka daba gal ku sameyso halka ay warbixinadaasi been abuurka ah ka soo xigatay
dhanka kale Warsaxaafadeed uu soo Saaray Agaasimihii Hore ee Nabad Sugida Qaranka ayaa u qoraa sida tan. 
Shir Saxaafadeedkaan wuxuu la xiriiraa eedeymo aan xaqiiqooyin la taaban karo ku qotomin oo ku xusan warbixintii u danbeysey ee kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan dabagalka Cunaqabateynta Soomaaliya iyo Etitrea, taasoo meel ka dhac ku aheyd shakhsiyadeyda, kana hor imaaneysey waxqabadkii iyo halgankii dheeraa ee aan u galey dagaalkii ka dhanka ahaa kooxaha argagixisada ah iyo wakiiladooda Soomaaliya ee Al-Shabaab.
Waxaa la yaab iyo kadis igu noqotey in warbixintaas lagu xusey, “in Agaasimahii hore ee Nabadsugidda Qaranka Mr. Fiqi uu xiriir dhow la leeyahey kooxda Alshabaab”, ayagoon wax caddeyn ah oo eedeyntaas la xiriirta aan soo bandhigin. Eedda noocaan ah waa mid ay qayaxan tahey in aysan sal iyo raad toona laheyn, waana mid liddi ku ah halgankeygii la dirirka kooxaha  argagixisada, isla markaana looga dan leeyahey in lagu dhaawaco sumcadda aan bulshada ku dhex leeyahey…
Kooxda warbixintaan soo saartey haddii ay rabaan warbixinteyda iyo wax aniga igu saabsan waxey weydiin kareen bulshada Soomaaliyeed ee wanaagga jecel, Madaxdii aan soo wada shaqeyney, ama anigaba, laakin waxaa muuqata in ay wararka ka qaateen dad aan raalli ka aheyn wixii wanaagsanaa ee aan bulshada u heyney ama kuwo colaad shakhsiya qabey, tanina waxey dhaawac u geysaneysaa kalsoonida lagu qabi karo warbixinada kooxdani soo saarto.
Mudadii aan Hey’adda Nabadsugidda madaxda u ahaa, waxey aheyd mudada ugu badan oo ay dalka soo booqanayeen madax kala duwan oo caalamka ka socotey oo ay ka mid ahaayeen RW-Turkiga, Madaxweynaha Jabuuti iyo Xoghayaha Guud ee qaramada midoobey, iyo madax kale oo badan, kuwaasoo aan amnigooda mas’uul ka aheyn, waxaa qabsoomey isla mudadaas hawlihii dalka looga saarayey ku meelgaarnimada oo si nabadgalyo ku dhacey oo aan amnigooda qeyb libaax leh ka qaadaney, waxaa la xasuustaa sida aan kooxda argagixisada Shabaab uga gacan sareyney oo dhamaan falalkoodii ay doonayeen in ay ku qalqal galiyaan nabadda iyo xasiloonida aan fashiliney.. waxey tiro 5 gaareysa isku dayeen in ay shirqool dil ii dhigaan taasoo ilaahey iga badbaadiyey… ayadoo waxaasoo dhami ay jiraan lana wada ogyahey,  in maanta warkaas uu ka soo yeero kooxda UN Monitoring Group waa ayaan darro, warbixintaasina waxey garab siineysaa kooxaha argagixisada mar haddii qofkii la dagaalamey lagu eedeyey inuu xiriir dhow a leeyahey.
Ashabaab iyo kooxaha Argigixisada Soomaaliya waxaan u leeyahey aqoon dheer, ee lama lihi xiriir dhow, tanoo laga yaabo in dadka qaar ay isaga qaldantey..
Alshabaab iyo Agaasimihii hore Mr. Fiqi ma jirto meel ay iska soo gali karaan abid, waxaa ka dhexeeya dagaal iyo cadaawad dadka Soomaaliyeed ay marqaati ka yihiin, cidda warkaas laga soo wariyeyna waa cadow aan rabin inuu dalkaan dego, mana ku habooneyn UN Monitoring Group in ay warkaas beenta ah ay soo qaataan ama warbixintooda ku soo daraan.
Hadaba waxaan ku soo gaba-gabeynaa war saxaafadeedkeygaan in warkaasi yahey mid wax kama jiraan ah, aan heysan wax xujjo iyo caddeyn ah, isla markaana waxaan ugu baaqayaa kooxdaas in ay eedeymahaas meesha ka saaraan.
Wabillaahi Tawfiiq.
Eng. Axmed M. Fiqi
Agaasimihii Hore ee Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka
Muqdisho,  01 August 2013

Dad la gudoon siiyay agabka ciidul fidriga

$
0
0

Iyadoo ay maalmo qura inaga xigto Maalinta Ciidul fidriga ayaa hadan waxaa jira Caruur fara badan oo aan Awoodin in ay farxada la qeybsadan Caruurta kale ee Asaagooda ah.
Hadaba iyadoo ay sidaasi jirto ayaa maanta ku dhowaad 100 Qoys oo ah Caruur Agoon ah waxaa la siyey dhar ay ku ciidan isla markan ay farxadda kula qeybsadaan caruurta Asaagooda ah.
dadkasi ayaa waxa ay si aad ah u soo dhaweyeen deqdasi maanta ay heleen.
Buraannews.com-Muqdisho

Howlgallo lagu xaqiijinaayo amaanka oo maanta laga sameeyay G-hiraan

$
0
0

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Maamulka Gobalka Hiiraan aya maanta waxaa uu sheegey in ay wadaan baaritaano ay ku baacsanyaan Dadki ka danbeyey dilkii Afhayenka Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan.
Gudoomiye ku xigeenka ayaa waxaa uu intaasi ku daray in haatan ay gacaanta ku hayaan dad uu sheegey in ay uga shakiyeen in gudaha Magaaladda ay ka wadeen falal amni daro ah isla markaan ay baarayaan.
dhanka kale Gudoomiye ku xigenka ayaa waxaa uu eedeyn u soo jeediyey Masuuliyiinta Dowladda ee ka soo jeeda Gobalka Hiiran isagoona sheegey in ay gabeen howshoodi.

Buraannews.com-Muqdisho

Taliska Ciidanka Buliiska Soomaaliyeed oo soo bandhigay Dad iyo Hub la soo qabtay

$
0
0

Taliyaha Ciidanka Buliiska Soomaliyeed Jeneraal Cabdi Xakiin Daahir Saciid ( Saacid ) oo Maanta Shir Jara’id Warbaahinta ugu qabtay Xarunta Kumaando Buliisiya ee Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay Ammaanka Magaalada Muqdisho.
Jeneraal Saacid ayaa tilmaamay in dad gaaraya kudhawaad 10 Ruux oo Warbaahinta Talisku u soo bandhigay ay ka tirsanyihiin Ururka Al Shabaab, iyadoo sidoo kale Warbaahinta loo soo bandhigay hub iyo walxaha qarxa oo Taliyuhu uu sheegay in dadkaasi lagu soo qabtay.
Dadkaan la soo bandhigay ayaa waxaa ka mid ahaa Labo Haweeney ah oo la sheegay in Buliiska ay ku soo qabteen Howl gallo Ciidanka Buliiska Soomaaliyeed ay ka sameeyeen Xaafadaha Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Sidoo kale Taliyaha ayaa Tilmaamay in Ciidanka Buliiska Soomaaliya Howl gallo Joogta ah oo lagu xaqiijinayo Ammaanka ay ka wadaan inta badan Xaafadaha Magaalada Muqdisho, isagoo dhinaca kale Taliyaha xusay in Ammaanka Magaalada Muqdisho uu aad u wanaagsan yahay islamarkaana wada shaqeyn Joogta ah ay ka dhexeyso Ciidamada Buliiska iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Maalmihii dambe Ciidanka Buliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay Howl gallo Joogta ah ay ka sameynayeen Degmooyinka kala duwan Ee Gobolka Banaadir kuwaasi oo lagu soo qabtay dad farabadan oo Talisku Buliisku uu ku eedeeyay In falal ka dhan ah Ammaanka  ay ka geysanayeen Magaalada Muqdisho

Shirguddoonka Golaha Guurtida Oo Faro-geliyey Ergaddii Waan Waan Ka Dhex Waday Xukuumadda iyo Golaha Wada-tashiga, Iyo Shacbiga Oo Isha Ku Haya Is Bedellada Iman Kara

$
0
0

Hargaysa (Idhanka)-Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland, gaar ahaan Guddoomiyaha Golahaas Md Saleebaan Maxamuud Aadan (Saleebaan Nuur), ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey guntiga dhiisha iskaga dhigay sidii uu u kala tuuri lahaa hawshii ay isku Xil qaameen Salaadiintii isku soo dhawaynaysay Xukuumadda Iyo Golaha wada-tashiga iyo toosinta qaranka, taasoo is afgarad laga gaadhay todobaadkii hore.
Saleebaan Maxamuud [...]

Madaxweynaha Somalia oo Xalay Kula Kulmay Magaalada Kampala Dhiggiisa Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni

$
0
0

Kampala (Idhaka) Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa xalay kulan dheer la qaatay dhiiggiisa dalka Uganda, Yoweri Museveni, iyadoo kulankan oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Uganda ay kaga hadleen arrimo badan.
Madaxweynaha Soomaaliya waxaa kulanka ku wehliyay ra’iisul wasaare Ku-xigeenka ahna, wasiiradda arrimaha dibadda, Soomaaliya Fowzia Yusuf Xaaji Aadan, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax C/qaadir, dajiraha Somalia ee [...]


Tarsan oo ka digay in Madaxda dowladda lo adeegsado xoolo sumeysan

$
0
0

Kadib Munaasabad uu soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada Cabdi Casiis islamarkaana lagu daah furayay Kawaan la qalo Xoolaha oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirka kheyraadka dalka , Maamulka Gobolka Banaadir , qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Gobolka Banaadir iyo Bulshada ku nool Degmada Cabdi Casiis ayaa waxaa halkaasi ugu horeyn  qudbad  ka jeediyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan.
Guddoomiye Tarsan ayaa ku booriyay Dadka ku Nool Magaalada Muqdisho in ay ka qeyb qaataan ilaalinta Nadaafadda Kawaanka , isagoona ka digay in Madaxda dowladda  loo adeegsado Xoolo sumeysan oo aan baaritaan Soo marin Caafimaadkooda isagoo ku baaqay in la sameeyo dhaqaatiir ka war heysa Caafimaadka Xoolaha ay dadka cunayaan.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan ayaa ah Masuulkii ugu horeeyay eek a hadla arrintaan ku aadan in Madaxda dowladda lagu sumeeyo Xoolo aan la hubin Caafimaadkooda

Ha’ayadda DBG oo dayactir ku sameysay Iskuulo Waxbarasho

$
0
0

Hay’adani Daryeel Bulsho Guud ( DBG ) oo ku can baxday bixinta Deeqaha , Raashinka iyo Waxbarashada iyo weliba taakuleynta dadka Tabaaleysan ayaa Maanta waxa ay ku wareejisay Waaxda Waxbarashada iyo Guddiga Waalidiinta dhowr School oo ay ku sameysay Dayactir islamarkaana qaarkood ay qalabeysay.
Agaasimaha Hay’adda DBG Cumar Colaad Axmed oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in illaa Seddex Schooladii hore ee dowladda ah oo qaarkood Magaca laga bedelay in ay Hay’adda DBG ay ku sameysay Dayactir Wanaagsan, kuwaasoo kala ah 12ka October oo xilligii burburka loo bixiyay Ummul Quraa, Sheekh Madar iyo Al Xarameyn iyadoo ay Xusid Mudantahay in Labo Jeer ay dib u habeyn ku sameeyeen Dugsiga 12 ka October.
C/raxmaan Xaashi Warsame oo u hadlay Guddiga Waalidiinta kaas oo ka kooban dugsiyada ay Hay’adda DBG Dayactrika ku sameysay ayaa waxa uu kaga Mahad Celiyay sida ay isugu xil qaantay dib u soo Nooleynta Tacliinta, isagoo Xusay in Hay’addaasi qabatay wax la taaban karo oo Muhim ah islamarkaana uu soo dhaweynayo.
Cabdi Xuseen Axmed oo isna u hadlay Waaxda Waxbarashada ee Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada ayaa tilmaamay in uu aad ugu Faraxsanyahay Howsha wacan ay qabatay Hay’adda DBG , isagoo ku booriyay in ay sii laban laabto dadaalkeed.
Hay’adda DBG ayaa aalaaba ku howlan Wax u qabashada iyo u gargaarida hadba Bulshada qeybteeda tabaaleysan inta ay la egtahay.

Wicitaanka: Dr. Maxamed X. Ciise (Liibaan)

$
0
0

Barnaamijka Wicitaanka ee toddobaadkan waxa marti ku ah Dr. Maxamed X. Ciise (Liibaan) oo ah madaxa Xafiiska Iskaashiga Caalamiga ah ee Jaamacadda Muqdisho

Somaliland: Is-maandhaaf ka jira Gole Dhawaan la Sameeyey

$
0
0

Guddi salaadiin ah oo dhexdhexaadin ka dhex waday Xukuumadda Somaliland iyo Gole-Siyaasadeed oo cusub oo dhawaan Hargeisa lagaga dhawaaqay ayaa sheegay in dhexdhexaadintii ay burburtay

Marwada Labaad ee Somaliland Ayaa Deeq Lacag ay ku Ciidaan iyo Raashin Isugu Jirta u Qaybisay Caruur Magaalada Borama

$
0
0

Marwada Labaad ee Somaliland Ayaa Deeq Lacag ay ku Ciidaan iyo Raashin Isugu Jira u Qaybisay Caruur Magaalada Borama halkan kadaawo

Idhanka.com

Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta Kenya oo Taageeray Go’aankii ay Dawladda Britain ku Mamnuucday Qaadka loo Dhoofiyo Dalkooda

$
0
0

Nairobi (Idhanka) Qaar kamid ah hogaamiyayaasha muslimiinta dalka Kenya ayaa si cad u taageeray tallaabadii ay dawlada Britain ku mamnuucday qaadka oo lagu tilmaamay in amniga Britain uu wax u dhimayo.
Wasiiradda arrimaha gudaha ee dalkaasi Britain Tharesa May oo go’aankaasi qaadatay ayaa la filayaa inuu dhaqangalo marka la horgeeyo aqalka baarlamaanka ee dalka Britain.
Inkastoo dawlada [...]

Dhacdo Iyo Cibro – Bilal waa sayidkayagii” Qaybtii Iaad Iyo Labaad” By Sheikh Said Ali Ahmed


Madaxweynaha Somalia oo la kulmay madaxda Kenya,Ethiopia iyo masuuliiyin kale(SAWIRO)

$
0
0

Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta,Ra’iisalwasaaraha dalka Itoobiya iyo Madaxweyneyaal kale.
Waxa uu kala hadlay madaxweyne Xasan Madaxdii uu la kulmay sida loo xoojin karo xiriirka udhaxeeya Dawlada Somaliya iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay .

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Buraannews.com-Muqdisho
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Qaraxyada Muqdisho & Awoodda Ka-hortagga

$
0
0

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca amniga ee gobolka Banaadir,Maxamed Warsame Joodax ayaa sheegay in qaraxyadii dhacay aanay tusaynin awoodda Al-shabaab ee ay ka tahay is-muujin

Siyaasi caan ah oo goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho

$
0
0

War goor dhow naso gaaray ayaa sheegaya in siyaasiga lagu magacabay  Cusmaan Xassan Cali (cusmaan Caato) oo kamid ahaa xildhibaanadii barlamaanka Somalia.
Inaa lilaah waa inaa ilaahi rajicunn marxuumka ayaa kub geeriyoday guri uu ka daganaa magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Buraannews.com-Muqdisho

Cismaan Caato ayaa geeriyooday

$
0
0

Magaalada Muqdisho waxaa goor dhaw ku geeriyooday Xildhibaan Cismaan Xasan Cali Caato oo ka mid ahaa mudanayaasha baarlaaanka Soomaaliya. Cismaan Caato waxa uu ka mid ahaan jiray hoggaamiyayaashii dagaalka Muqdisho.

CISMAAN CAATO OO GALABTA KU GEERIYOODAY MUQDISHO

$
0
0

allaha u naxariistee waxaa galabta gurigiisa ku geeriyooday siyaasiga Cusmaan Xasan Cali Caato sida ay shabelle u xaqiijiyeen ehelada Marxuumka waxatna sheegeen in xalay uu xanuun yar qabtay ilaa Maantana uu yara xanuunsanaa hasa yeeshee uu galabta u geeriyooday xanuunkaasi.
Maydka Cismaan Caato aya la sheegay in berri la aasi doono inksatoo aan la sheegin halka lagu aasayo
Cismaan Xasan Cali Caato ayaa noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta ee Xukuumadii Cali Geedi hasa yeeshee iska casilay xilkaasi intaa kadibna ahaa Xildhibaan ka tirsanaa Dawladii KMG ahayd inkstoo iminka aanu ka mid ahayn Dawladda oo uu ka haray Hawlaha Siyaasada
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live