Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Muqayiliinta Muqdisho oo maanta ay la soo deristay qaad la’aan

0
0

Muqayiliiinta Muqdisho ayaa waxaa maanta la soo dersay qaad la’aan kadib markii  diyaaradihii qaadka geyn jirtay Muqdisho ay ka degi waayeen garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay diyaarad ku gubatay saakay.
Goobaha Qaadka lagu iibiyo ee magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo haawanaya, meelaha qaar ayaa lagu arkayaa Qaadkii shalay ku baaray ama ku haray ganacsatada kaasoo qiimo aad u badan lagu iibinayo.
Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya C/shakuur Cali Mire ayaa sheegay in hal maalin la hakiyay howlihii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, sababo ku aadan bur burkii diyaaradii saaka, taas ayaana saabtay in. qaad aan maanta la geynin Muqdisho.
Garoonka ayaa waxaa ku xayiran dhowr diyaarad oo ay ka mid tahay diyaarada Turkish Airlines oo saakay aroor hore soo caga dhigatay, ka hor inta aanay garoonka Muqdisho diyaarada Itoobiya laga lahaa ku bur burin.
Qaadka Muqdisho la keeno ayaa loo gudbiyaa Gobolada Shabeelooyinka, hase ahaatee magaalada Baydhabo, Kismaayo, Beledweyn iyo deegaanada kale ee dalka ay diyaarado Qaadka sida ay ka soo degaan.


OGEYSIIS BBC MOBILE

0
0

Dalka Maraykanka, lambarradii mobile-ka ee aad ka dhageysan jirtey BBC-da oo wax laga bedeley

Bariga Magaalaadda Minneapolis, ee dalka Maraykanka iyo Ciiddul Fitirika sanadka 2013 (Hijra 1434)

0
0

Bariga Magaaladda Minneapolis oo ah xaafadaha ay Jaaliyadda Soomaaliyeed si aadka ugu muuqdaan, welina ay soo degayaan, ayaa waxaa Cidul Fidriga sanadka 2013ka ka soo qayb galay dad aad badan. Dadka halkaa isugu yimid oo u badnaa qoysaska Soomaaliyeed oo aad arkayso: Aabayaal iyo Hooyooyin iyo caruurtoodi oo wadajir u ciidaaya. Salaada Cidul Fidriga ee saaka halkaa dhacaday oo soo abaabulay Masjidka wayn ee la yiraahdo Daarul Al-Qalam oo ku yaal Bariga Magaalada Minneapolis, ee dalka Maraykjanka oo ah masjika kali ah ee ay Jaaliyadda Soomaalida ay gadatay, isla markaana ay maamusho Soomaalida degan xaafadaan. Imaamada Masjida Darul Al-Qalam, Culimada iyo macalimiinta dugsiga masjidka oo ay taagaaro buuxda ka haysta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee bariga Minneapolis ayey si nadhaam leh halkaa uga abaabulay salaadi Cidul Fidriga.
Dadka oo isu hambalyeeynayey ayaa dhamaystay qudbadii salaada iyada oo xagaayo yar meesha ka socotay. Imaamka ayaa, sida cadaada u ahaan jirtay, qudbadiisii ku soo daray arimaha khuseeya qoysaska Soomaaliyeed sid:  waxayaabaha  keena in qoysku uu burburo. Sidoo kale, Imaamka waxaa uu halkaa ku soo qaaday cawaaqibka burburka qoysaska Soomaaliyeed in ay tahay: dhib soo gaarta caruurta iyo dhalinta. Runtii ahaantii arimaha loo aasaasay Masjidkaan  oo ah badbaadinta qoysaska, caruurta iyo dhalinta, ayaa markasta Imaamada Masaajidka aad u xasuusiyaan  Jaaliyadda in burbur qoyska ay tahay mid waxyeelo u wayn u keeni karto guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed, gaar ahaana caruurta iyo dhalinta.
Intkasta oo ay jiraan meelo badan oo Jaaliyadda Soomaalida ku kulmaan maalintaan oo kale, se waxa uu Masjidka Daarul Al-Qalam iyo imaamadiisa uga duwan yahay masaajidada culayska oo saaraan arimha soo socda:
·         Waa xarun dugsi caruurta Soomaaliyeed lagu baro qiraa’ada Qur’aanka.
·         Waa xarun ay caruurta Soomaaliyeed lagu baro asluupta iyo dhaqanka Islaamiga ahWaa masjid looga hadlo wanaaga iyo wada dhaqanka Soomaaliyeed, kaas oo uga diga Jaaliyadda Soomaaliyeed, tafaraaruqa, qabiilaysiga, isla markaa u cadeeya Jaaliyadda in arimahaas iyo Islaamka aysan meel wada galin.
·         Waa xarun xasuusiya dadwaynaha Soomaaliyeed in ay diinteena macaan ee Islaamka, dhaqan iyo afkeena hooyo uu yahay waxa mideeya.
·         Waa xarun looga hadlo waxyaabaha khuseeya caruurta, dhalinta, haweenka iyo raga Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo aysan dhaqankooda iyo diintooda macaan uga tegin
Arimaha kor ku xusan waa arimahaas ay nasiib u yeesheen dadka degan Bariga Magaalada Minneapolis, ee dalka Maraykanka, una suurto gelisay in la helo Soomaali isku duunban. Sidoo kale, dhamaan jaaliyadaha Soomaaliyeed eeku sugan: Africa, Australia, Asia iyo Europe waa mid ay uga dayan karaan Jaaliayadda Bariga Minneapolis, ee dalka Maraykanka: ha ahaato dhinaca isku duubnaanta, wadashaqaynta, badbaadinta caruurta iyo qoysaska Soomaaliyeed.
1.
Fiiro gaara ah: Daawo sawirada. adinka oo ka raali ah cilada xaga farsamada kaamirada lagu qaaday oo ku stamptay sawirada: 01/01/2007 – idinkoo ka raali ah ayaan arintaan waxay ixasuusisay cilad xaga farsamo kaamiro kale oo igu dhacday sanadkii 08/08/1980 – oo maalin maalmaha wax ka qori doono mustaqbalka – InshaaALLAH .

Waddada Isku Xidha Jigjiga Iyo Herer Oo Noqotay Tii Ugu Shilka Badnay Iyo 48 Qof Oo Muddo Laba Bilood Gudohood Ah Shilal Gaadhi Ugu Dhintay.

0
0

 
Wadda isku xidha Magaalooyinka Herer iyo Jigjiga, ayaa noqotay Waddadii ugu shilka Badnayd muddooyinka dambe, ka dib markii ay ku bateen Bateen Basaska yarar ee Rakaabka qaado oo si xawli ah isaga daba baxa wadadaasi, kuwaas oo keenay iay shilaal badani ka dhashaan, waxaana muddo laba bilood gudohood ah ka dhashay illaa sadex shil oo ka ugu yar ay ku dhinteen 7qof, guud ahaana dhan 48 qof.
Waddadan oo ah mid hawl bawle u ah isku socodka Kililka shanaad ee IDalkaasi,toobiya iyo Killilada kale ee dalkaasi, ayaa waxa qabad ku noqtay shilalka is daba jooga ah ee ka dhalanaya Basaska yar ayr ee isaga kala goosha Magaalooyinka Jigjiga, Herer, Diridhaba iyo Illaa Addis-ababa, waxana inta badan Basaskaasi iska leh oo wata rag isku jira Cabashi iyo Oromo, kuwaas oo waddaasi u socda si xawli ah, iyada oo ay Wadadaasi tahay mid Goolado badan leh oo isku soo noq noqota oo  u sahlan isku dhaca baabuurta haddii aanay qunyar soconin.
Dhinaca kale Maamulka Dawlad deegaanka Somalida ee Itoobiya ayaa la sheegay inay hore u jooiyeen inay baabuurtaasi yar yare e basaska ahi socdaan wixii shanta galab nimo ka dambeeya, taas oo ay keentay, ka dib markii ay shilalku habeenkii bateen, sabaabo dhinaca Darwallada basaskaasi ah oo la sheegay inay Daroogo isticmaalaan.
Madaxa xafiiska Gaadiidka  ee Dawlad deekaanka Somalida Itoobiya  Mudane C/Laahi Yuusuf ayaa warbaahinta u sheegay inay joojiyeen isku socodka basaskaasi guud ahaanba,  sababta loo xannibay basaskan yaryarka ayuu sheegay inay tahay  kor u kaca  alaabaha koontarabaanka (bilaa canshuurta sharci darrada ah) ee basaskani qaadaan, balse ay  taas ku lamaantahay shilalkaasi batay oo la doonayo in la xakameeyo, waxaana go’aankaasi soo saaray sida ay baahiyeen warbaahinta Deegaanadaasi ka faalooda Madaxweynaha Ismaamulka Cabdi Maxamuud Cumar.

Al-Shabaab Oo Soo Bandhigtay Muuqaal Dhalinyaro Somali-Amerikan Ah Oo Ka Qayb Galay Dagaalada Somalia, Cudduda Awoodda Ay Ku Leeyihiin Gobollada Dalkaas Iyo Saraakiil Is Muujiyey

0
0

 
 
 
Fu’aad Shongole iyo Saraakiil muddo dhuumaalaysanayey oo banaanka u soo baxay hanjabaad u jeediyey Xukuumadda Muqdisho

Kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Somalia, ayaa soo bandhigay muuqaal ku saabsan dhalinyarada Soomaali Mareykan ah oo ka yimid dalka Mareykanka, kuwaas oo dalka dagaaladu aafeeyeen ee Somalia u yimid in ay ka dhinaca dagaalamaan Al-shabaab.
Kooxda Al-shabaab ayaa barta ay ku leeyihiin Internetka ee lagu magaacaabo Al-Kataa’in, waxa ay ku baahiyeen filim ay ugu magac dareen Waddada Janada oo laga sameeyey Dhalinyaradan Somali-mareykanka ah ee ka dhinaca dagaalamayey oo qaarkood ku nafwaayeen dagaalada Al-shabaab la galeen Dawladda Somalia iyo Ciidamada nabad ilaalinta, isla markaana tiradooda lagu sheegay labaataneeyo, ayaa waxa ay ka warameen qaabka ay mareykanka uga yimaadeen.
Filimkan oo soconayey 20-daqiiqo ayaa waxaa lagu arkayaa dhalinyarada Soomaalida Mareykanka ee Somalia ka dagaalamay oo u muuqda qaar maskaxda laga bedelay oo laga dhaadhiciyey waxyaabo khalad, iyaga oo ku doodaya in ay Somalia u yimaadeen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Jihaad ay sheegeen inuu ka socdo Somalia.
Dhinaca kale, Kooxda Al-shabaab oo muddooyinkii u dambeeyey u muuqday kuwo awoodoodii si weyn loo wiiqay, inkasta oo dagaalo ku-dhufo oo ka dhaqaaq ah ka wadeen Somalia, ayaa shalay Ciidul Fidrigii waxa ay soo bandhigeen Awooddooda Mileteri ee ay weli ku leeyihiin Gobollada Somalia, iyaga oo goobo fagaareyaal ah oo ku yaala Gobolada Hiiraan, Shabeelada dhexe, Bay, Bakool iyo Galgaduud soo dhoobay Ciidamo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana wada gaadiidka Dagaalka.
Dhoolo tuskan ay Kooxda Al-shabaab ay soo bandhigtay shalay, ayaa waxa hormuud u ahaa Saraakiil sarsare oo Kooxdaasi ka tirsan oo Muddooyinkii u dambeeyey aan lagu arag Fagaarayaasha, ka dib markii ay soo shaac baxday in khilaaf ka dhex qarxay Hogaanka Kooxda Al-shabaab.
Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ah Guddoomiyaha Kooxda Al-shabaab ee Gobolka Galguduud   oo shalay goob fagaare ah kala hadlayey taageerayaasha Kooxdaasi ee ku dhaqan Ceelbuur, ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ay kula jiraan Dawladda Somalia.
Sheekh Fu’aad Shongole oo ka mid ah hogaamiyeyaasha Al-shabaab ee Mareykanka ku daray liiska dadka madaxooda la saaray malaayiin doolar ayaa ka soo muuqday fagaaraha Baraawe, halkaasoo dadweynihii salaada ku tukaday uu khudbad u jeediyay.
Fu’aad Shongole ayaa in muddo ah lagu arkin fagaarayaasha, isla markaana la sheegay inuu ka mid yahay ragga ay ismaan dhaafeen Hogaamiyaha Kooxda Al-shabaab, ayaa waxa uu hadal uu ka jeediyey Baraawe ku sheegay in ay sii wadi doonaan dagaalada ay ka wadaan Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Dhoola tuskan iyo is abaabulkan ay kooxda Al-shabaab soo bandhigtay, ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii u dambeeyey maleeshiyaad kooxdan ka tirsan ay qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah ka wadeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
HARGEYSA SOMALILAND

Daawo Sawirrada Xarakada Al-Shabaab Oo Magaalada Baraawe Ku Soo Bandhigtay Arin Dad Badan Fajac Iyo Amakaag Ku Riday Soomaali Badan “Arintani Waxay Cadaynaysaa In Sidii Lamoodayay Ay Xoog Kabadanyihiin” Waxa Yidhi Daawadayaasha

0
0

Baraawe-(Idhanka) Halkaan koose ka daawo Sawirada al-shabaab oo arin layaab leh soo bandhigay , taasi oo dad badan fajac ku abuurtay waa markii ugu horaysay ee arin noocan oo kale laga arko aagaa, waxay arintani cadaynaysaa inay intii lamoodayay kaxoogbadanyihiin.
 
 
Idhanka Mogadishu

Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal Oo Kulan Qado Sharaf Ah U Sameeyay Golaha Dhaqanka Gobolada Awda,Salel Iyo Gabiley Is Xog Waraysi Laab Xaadhan Halkan Ka Akhriso

0
0

Boorama-(Idhanka) Wasiirka Wasaarda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay odayaasha dhaqanka ee gobolka Awdal, kulankan oo ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee Wasiir ka soo jeeda Gobolka Awdal uu la yeesho odayaasha dhaqanka
isaga oo kaligii ah ayaa waxa lagaga wada hadlay amuuro dhawr ah oo [...]

Hablaha Muslimiinta ah iyo Jaamacadaha Faransiiska Maxaa Kala Heysta? “Dalka France Ayaa Hore Looga Joojiyay Xidhashada Xijaabka Marka la Joogo Dugsiyada iyo Goobaha Danta Guud ee ay Dowladdu Maamusho” Aqriso Warbixintan

0
0

Paris (Idhanka) Golaha sare ee is-dhex galka oo Dalka France ka dhisan, kaasi oo ah Hey’adda ku shaqada leh hirgalinta Barnaamijyada  Is-dhex galka Ajaanibta Dalkaas ayaa wuxuu sabab u noqday Carada Dad aad u badan, ka gadaal markii uu kor u qaaday Baaqyadiisa ku saabsan joojinta Xijaabka ay Gabdhaha Islaamku ku xirtaan Jaamacadaha Dalkaas.
Dalka France ayaa [...]


Daawo Sawirada Dhalin yaro Maraykanka ah oo Shabaab ka bar bar dagalamay oo Somalia ku geeriyoday

0
0

FBI-da wadanka Maraykanka ayaa xaqijisay in 3-aad qof ay ku geeriyodeen dagaalada Al-shabab ay ka wadaan gudaha wadanka Somalia.
3-daan muwadin ayaa iyaga ah kuwa kasoo jeda wadanka Maraykanka.
Sawirka 1-aad waa Dahir Gure……Sawirka 2-aadna waa Muhammad Al-Amriki….Midka kale ee 3-aad ayaa lagu magacaabaa Mohamud Hassan.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Buraannews.com-Muqdisho
 
 
 
 
 
 
 

Sirta Ku Duuggan Maamul Gobolleedka Puntland Oo Muqdisho Dib U Celiyay Marakab Turkigu Laga Leeyahay Oo Siday Raashin Gargaar Ah Oo Ku Soo Beegnaa Dekadda Bossaaso

0
0

Kampala-(Idhanka)-Maamul goboleedka dalka Soomaaliya ee Puntland ayaa maanta dib ugu celiyay xeebta biyaha dekadda Boosaaso markab laga leeyahay dalka Turkiga oo siday raashin gargaar ah kaas oo dib loogu celiyay  caasimadda dalka Soomaliya ee Muqdisho, sidaana waxa lagu bayaamiyay war-saxaafadeed ay soo saartay xukuumadda Puntland oo lagu sheegay in raashinkaa laga lahaa dano gaar ahaaneed [...]

“Ninka Illaa 1993-Kii Intuu Ciidanka La Bilaabay 250 Kun Ee Shilinka U Badheedhay In Uu Ku Noolado Ee Gambadha Ka Dagaal Galay Iyo Ninka Kursi Ku Qayilayey Ee Maanta Soo Isku Mid Noqon Maayan” Guddida Derajooyinka Ciidamada

0
0

 
Guddidii qiimaynta darajooyinka ciidammadda kala duwan ee Somaliland, ayaa uga digay Cuqaasha iyo Odayaasha Beelaha Somaliland inay soo faro geliyaan Cabashada Askarta la siiyey derajooyinka ee cabanaya, iyaga oo sheegay inay dib u qiimayn doonaan oo ay darsi doonaan wixii cabasho ah ee ka soo baxda darajooyinka ciidamada loo qeybiyay
Guddidan oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ay ku iftiimiyeen in darajooyinka  ciidamada loo raaciyay nidaam iyo qorshe hore loogu dhigay in laga duulo oo habaysan, iyaga oo tilmaamay in cidda cabanaysaa ay tahay oo keliya Ciidanka oo aanay cid kale  ka caban Karin.
Guddoomiyaha Guddida qiimaynta darejooyinka ciidammadda Somaliland Saleeban Cumar (Ku-joog) oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyay sidii lagu aasaasay iyo marxaladihii ay soo martay darajooyinka ciidammada la siiyey todobaadkan, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Halkan waxa ku sugan Guddidii loo magacaabay darajo bixinta oo uu madaxweynaha Somaliland digreyto ku magacaabay bishii Septenber 25-2012, kuwaasi oo ka soo tallo bixinayey soona qiimeeyan habkii darajooyinka ciidamada loo bixin lahaa, runtii hawshaasi darajo bixintu may ahayn mid dhib yar oo si sahal ah looga bixi karo, Runtii halkan aanu ka bilaabnay darajo bixintu waa halkii aanu ka unugnay ee ma ah mid dhamaystiran si hadhoowto halkaasi looga ambaqaado sidaasi ayaa loogu dhiiraday in darajooyinka la bixiyo, khaladku waxa uu yimaada marka wax la qabto, lakiin qof aan waxba qabani maba khaldamo, illahay uunba khaldamin anagu bini’aadam ayaanu nahay, lakiin ma lihin anagu waxayagii waanu sugnay, laakiin waxaanu isleenahay siddii ugu fiicnayd ee cadaaladana waafaqsanayd ee illahayna nagu ogyahay ayaanu ku bixinayn , illahoow eexna hanooga tagin aqoon darana hanagu cadaabin ayaanu taaganahay”
Saleebaan Cumar Ku-joog oo ka hadlayey  haddii ay cabasho ka soo yeedho ciidamada la siiyey waxa uu yidhi “Cabasho way jiraysaa cabashadu ma ah mid dad kale cabanayaan, ku beello cabanayso ma ah, ma ah in siddii u xisaabtano dad aan waxba kala garanayn, cabashada waxa la imanaya ciddii cabanaysay qofkaa cabashada leh ee Cid kale ma laha, sarkaal ayaa cabanaaya Askari ayaa cabanaaya, laakiin mid caaqil ka cabanaya ama mid Odey ka cabanaya ma ah cabashadu, waxaasi waa waxa aanu doonayno in laga gudbo, ninkii isleh waxbaa kaamaqan diyaar ayaa loo yahay, dib ayaa loo qiimaynayaa guddida kale way la eegaysa taliyihii ayaa wixii khaldan, nin walba qof ahaantiisa ayaa loo qancinayaa qofka suuqa ka buuqaya ee dacaayada suuqa dhegeysanayaa isagay jirtaa, horta dadkana waxaanu leenahay qofkii xogogaal ahoow dadka u waran, laakiin kii kalow dadka buuqa ka daa oo dadka tashuush ha gelinin oo dadka buuq ha galinin, Ciidamada galay 1993 ilaa 1994 ilaa imika ku jira weeyi ciidamadu, midda kale dadku ha ogaadeen, haddii mid suuqa ku jiray oo ay yaqaaneen ay arkeen oo aan maanta waxba la siinin, wuxu u heli waayey ciidankana kuma jirin, foomna ama waraaqo muu soo buuxin ninka illaa 1993-kii intuu ciidanka la bilaabay ee 250 kun ee Shilinka Somaliland u badheedhay in uu ku noolado ee illaa maanta u dul qaatay ee illaa maanta joogay ee gambadha ka dagaal galay ee u hawl galay qarankan iyo ninka Kursi ku qayilaya ee maanta soo hambabaray isku mid noqon maayan, runta in laysku sheego aaya fiican, ninka soo hambabaray maanta adeer adigaa soo habsaamay wakhtigaagii, ciidamada cidna looma diidin waa la wada qoranayey nin walba wuu galayey, lakiin ninka dantiisa ka waayey ee is yidhi lacagtaasi kugu filnaan mayso ee meelahasi kale iska war wareeg, dee maanta hasoo hambabarine fursadu way ku seegtay, ciidamada dib u gal hadii aad doonayso ayaanu leenahay”
.”
Ismaaciil Aadan Feel-jeex oo ka mid ah guddidan qiimaynta Deraooyinka Ciidamada oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa sheegay ilaalinta iyo waxyaabaha ka mamnuuca ah Askariga deraada sita, ayaa sheegay inay xaaraan tahay in qofka derajada sita uu Marfushyada fadhiisto oo uu maqaaxiyaha kula qayilo, waxaanuu yidhi “ Lama ogola in qofka deraada sitaa uu maqaaxiyaha la fadhiisto iyo marfushyada sharafteedana ma aha, waayo Askariga derajada sitaa waxa uu sidaa waa calankii iyo astaantii qaranka oo looga baahan yahay inuu sharafteeda ilaaliyo”
Maxamed Cali Ismaaciil oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa sheegay in darajooyinkani aanay ahayn kuwii u dambeeyey ee ay tahay kuwii ugu horeeyay, ciddii dedaal iyo karti la timaadana ay qaadan doonaan darajooyinka ciidanka, waxaanuu sidoo kale ka hadlay ahmiyadda ay Somaliland u leedahay darajadda ciidammadda oo sii xoojinaysa haybadda iyo kala dambeynta ciidammada noocyadooda kala duwan.
Ugu dambaynna waxa ay Guddidu u mahad celiyeen Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo iyagu ku guulaysatay inay toban kun oo askari siiso darajooyinkii ciidammadaee muddada dheer ka maqnaa.
HARGEYSA SOMALILAND

FBI confirms IDs of Minneapolis men in Al-Shabaab video

0
0

A video posted Thursday on YouTube purportedly shows three Minneapolis men who were killed after leaving the United States to fight with al-Shabaab in Somalia.
It’s a “propaganda piece” recruitment video prepared by the Islamist militant group linked to al-Qaida, said FBI Special Agent Kyle Loven, chief division counsel in Minneapolis.
Loven said it is the latest of several recruitment videos posted by the Somali terrorist group.
“This most recent one differs because the production value is very high. That’s new,” he said. “Obviously, it’s an attempt to step up recruitment efforts.
“As far as the video itself, I think it’s just an attempt to glorify and make it more appealing to young men.”
Titled “The Path to Paradise:
From the Twin Cities to the Land of Two Migrations,” the nearly 40-minute video describes the travels of Dahir Gure, Muhammad Al-Amriki and Mohamud Hassan to Somalia in 2007 and 2008.
In one segment, Al-Amriki, born Troy Kastigar, likened his experiences to being at an amusement park.
“If you guys only knew how much fun we have over here; this is the real Disneyland,” he said. “You need to come here and join us, and take pleasure in this fun.”
Eventually, he and Hassan are pictured next to each other, shrouded, dead.
The video had been pulled from the video sharing site Thursday, Loven said, but a new version was available Friday morning.
Loven would not confirm the identities of the men featured in the video or whether men with their names had traveled to Somalia.
But, during the trial of former janitor Mohamud Said Omar in 2012, federal prosecutors listed the three as having been killed in Somalia, and government witnesses discussed them, although not in detail.
Other conspirators who turned government witnesses identified Gure and Kastigar as part of the core group of young men who hatched a plan in the fall of 2007 to travel to Somalia to fight invading Ethiopians.
“They basically said they would provide a ticket and I was welcome to join them,” one witness testified at Omar’s trial last year. Omar was convicted of conspiracy and providing aid to terrorists and was sentenced to 20 years in prison.
The men had discussed the scheme while staying at a Minneapolis mosque over the Muslim holy month of Ramadan, and some later testified that they took steps to prevent the mosque’s leadership from learning of their plans.
In fact, members of the group grew angry that one of them had told Hassan and another teen about the plan because both were still in high school. They feared the two were too young and their disappearance would raise too many alarms and expose the plot.
One of the “travelers,” as the FBI dubbed those who went to Somalia, testified at Omar’s trial that one plotter told Hassan and the other teen they’d have to wait: “You guys are too young. You do not know anything about Somalia. You’re too young. You cannot go.”
Hassan traveled to Somalia in August 2008. He was 17 and had a year left at Roosevelt High School.
Gure, who went by the nicknames “Abdiwahab” or “Musab,” was perhaps the first of the “travelers” to go to Somalia, leaving the Twin Cities on Oct. 30, 2007. But after he and a few others left, concerned family members went to the FBI, which launched its investigation, dubbed “Operation Rhino.”
The investigation resulted in charges against 18 men, including Hassan, but not Gure or Kastigar.
Kastigar — whom the other travelers sometimes referred to as “the white guy,” according to testimony at Omar’s trial — was among three people who left for Somalia on Nov. 3, 2008. He flew from Minneapolis to Boston to Amsterdam to Nairobi, Kenya, and then into Somalia.
In the new video, a narrator speaks of the frustration the three men felt living in Minneapolis’ Cedar-Riverside neighborhood, which he calls “Little Mogadishu.” Images of downtown Minneapolis, the Riverside Plaza apartment buildings and the West Bank Grocery stream as he talks.
“And when the siren of jihad that was blaring out from battlefields of Afghanistan, Iraq and Somalia reached their ears, it was simply too melodious to ignore,” he said.
Scenes of U.S. troops detaining people, along with dead children and adults, play as the narrator continues.
“In their crusade against Islam, the disbelievers unleashed their venom across the globe,” he said.
It goes on to detail when each man left the West and made his way to Somali to fight.
Footage shot from inside a car shows parts of Bloomington, including IKEA; a handheld shot later leads viewers through the airport.
The video details circumstances of each man’s death. All died in gun battles, according to the video: Gure in June 2009, Kastigar and Hassan in September 2009.

Buraannews.com-Muqdisho

Safarada shiinaha ee wadanka afganistan oo ka warbixisay muwadinin loga dilay afgaanistan.

0
0

War saxafaded ay soo saartay safarada shiinaha uu ku leeyahay magaalada kabul ee casimada wadanka afgaanistan ayaa lagu sheegay in la helay 3qof oo muwadinin shines ah oo lagu dlay guri ku yaala kaabul.
Warkaasi ayaa lagu cadeeyay in muwadinintasi la dilay Khamisti balse ma cadeyn warka safarada shinaha kasoo baxay in dadka la dilay ay yihiin rag ama haweyn.
Lama oga cida weerarkasi gesatay ila iyo hada.

Buraannews.com-Muqdisho

Guddida Darajo Bixinta Ciidamada Somaliland Oo Sheegay In Wixii Cabasho Ah Ee Ka Soo Baxay Darajadii La Bixiyey Ay Diyaar U Yihiin Siddii Ay U Xalin Lahayeen iyo Waxkabadal iyo Kordhin Aanay Xumuumadu Hadalhaynin +Daawo SAWIRRO

0
0

Hargeysa-(Idhanka) Guddida loo Xilsaaray Darajo Siinta Ciidamada Somaliland ayaa Maanta ka hadlay Habkii ay ku qiimeyeen Ciidamada kala duwan ee Somaliland ee darajada lagu taxay dhawaan, waxa kale oo ay Xuseen in wixii cabasho ah ee ka soo baxa Ciidamada ay Xalindoonan oo ay u diyaar yihiin, balse waxay u digniin u direen  dadka ay [...]

“Xilka La Ii Magacaabay Waa Mid Ka Yimid Dhinaca Beesha Aan Ka Soo Jeedo, Waxaan Ballan Qaadayaa In Aan Afkiina Iyo Madaxwaynaha Isku Dhaweeyo”Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta

0
0

 
Wasiirka Wasaardda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa kulan balaadhan la yeeshay Odayaasha dhaqanka ee Gobolka Awdal, kulankan oo ahaa kii u horeeyay ee noociisa ah ee Wasiir ka soo jeeda Gobolka Awdal uu la yeesho odayaasha dhaqanka, waxaana  lagaga wada hadlay kulankaasi arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga iyo hormarka gobolka Awdal, waxana goob joog ka ahaa kulankaasi Badhasaab ku xigeenka Awdal Cabdi Nuur Sugaal iyo Maayirka Boorama Saleebaan Xasan Xadi.
Maxamed Jaamac Abgaal oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Xilka la ii magacaabay waa mid ka yimid dhinaca beesha aan ka soo jeedo waxaan dareensannahay inaan u taaganahay danahooda, waxan  balan qaadayaa inaan fursad idiin siiyo wax walba oo tabasho ah oo aad barigii hore Saxaafad marin jirteen in laga baxo oo aan afkiina iyo Madaxwaynaha isku dhaweeyo.”
 
HARGEYSA SOMALILAND


Madaxweynaha Somalia oo gudoomiye cusub u magacaabay Galgaduud.

0
0

Xeer Madaxweynaha Lr.93
Magacaabid Guddoomiyaha Gobolka galgaduud
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya
Markuu Arkay: Qodobada 87aad, Xarafka “C” Qodobka 90aad, Xarafka “K” iyo 99aad,
Xarafka “G” Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Markuu Arkay:- Soo jeedinta Wasiirka Arrimaha gudaha & amniga qaranka warqadda Lr.
                             WAG&AQ/XW/00310/13 ee July 13, 2013.
Markuu Ogaaday: In ay dhamaatay mudadii ku-meel gaarka ahayd ee Guddoomiyenimada
Gobolka Galduud uuna Gobalka u baahanyahay Maamul rasmi ah.
Markuu Tixgeliyay:  Inay jirto in baahi loo qabo in la billaabo dhisidda Maamul u sameynta
Gobolada iyo Degmooyinka si looga sii ambaqaado mustaqbalka inay
Dhismaan Dowlad-goboleedyada.
Madaxweynuhu waxa uu soo saaray Xeerkan
Qodobka 1aad
Waxa uu Madaxweynaha jamhuuriyadda Ansixiyay laga bilaao maanta oo ah 27/7/2013 in uuMudane Xuseen Cali Wehliye noqdo Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud
Qodobka 2aad
Wuxuu xeerkan dhaqan gelayaa si deg deg ah maalinta uu madaxweynaha saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmi ah ee Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya
 
Buraannews.com-Muqdisho

Xaaji Cabdi Waraabe oo ka hadlay Bixinta Derajooyin ka Ciidamada iyo Maktamad Hargeysa laga dhisi doono

0
0

 
 
Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland Mudane Xaaji Cabdikariin Xuseen (Xaaji Cabdi Waraabe ) ayaa  soo dhoweeyey bixinta derajooyinka Ciidamada ee dhowaan la bixiyey, waxaanuu ku amaanay xukuumadda Somaliland ee talada haysa kuna guulaysatay bixinta derajooyinkaasi.
Xaaji Cabbi Waraabe oo shalay ka hadlay kulan ay yeesheen Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay  Goob akhris iyo kaydinta Taariikhaaha Somaliland lagu kaydin doono oo ay xukuumadda Somaliland sheegtay inay Magaalada Hargeysa ka hirgelin doonto, taas oo uu sheegay inay noqon doonto meel aad u muhiim ah.
Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtid Somaliland Xaaji Cabdi Waraabe oo ugu horrayn ka hadlaya Bixinta Derajooyinka Ciidamada waxa uu yidhi “Xukuumadda maanta jirtaa waxay bixisay darajooyinkii, markaa maanta dawlad baynu nahay markaa ALAA MAHAD leh”
Xaaji Cabdi Xuseen, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Maktabadda la qorshaynayo in la sameeyo, ayaa waxa uu baaq u diray shacabka reer Somaliland iyo Xukuumadda oo uu ugu baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha goobtaasi, waxaanuu yidhi “Xukumada iyo shacabka nabada jecel ayaa mahada leh, Xukuumadda, ganacsatadda, shacabka rag iyo dumar-ba waxaan ugu baaqayaa in ay gacan ka gaystaan dhisamaha xarunta maktabadda qaranka”
Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Golaha guurtida Xaaji Cabdi waraabe waxa uu intaas raaciyey “Culimadda diintuna waa in ay masaajida ka sheegaan waxtarka iyo baahidda ay bulshada u leedahay xarumaha noocan oo kale ahi. Xarumahani waa qaar lagu dhiiri galinaayo wanaaga laguna yaraynayo xumaanta. ” Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Arrintani waa wax wayn oo inaga maqnaa, waana waslad dahab ah. Waxaan leeyahay ha loo dadaalo.”
 
HARGEYSA SOMALILAND
 

Akhriso Qaar Ka Mid Ah Liiska Saraakiisha La Siiyay Darajooyinka Ciidanka Kala Duwan Ee Somaliland Iyo Cadaaladarada & Musuqa Ka Muuqda Iyo Waliba Beelaha Ay Ka Soo Jeedaan Iyo Kuwa Dulman

0
0

Hargeysa-(Idhanka) Akhriso Liiska Saraakiisha Lasiiyay Darajooyin Ciidanka Kala Duwan ee Somaliland iyo Cadaalad Musuqa Kamuuqda iyo Beelaha ay Kasoo Jeedaan.

Darajooyinka Ciidanka Somaliland ayaa Laqaybiyay Qaybtii ugu Horeeyay ee Soo Baxaday ayaa Notay Wax Lala Yaabo Markii Dhamaan Saraakiisha Ciidanka Beelo Gaara Looxidhay Halka Beelaha Qaaran aanay Gabi ahaanba Ka Dhex Muuqan

Qaybaha Danbe liiska Darajooyinka Lasoco [...]

Daawo Dhoolatus Militari Oo Xarakada Al-Shabaab Maalintii Labaad Ku Soo Bandhigtay Xeeb Ku Taala Magaalada…Oo Dadkii Taageerayaashooda Ahaa Ee Daawanayay U Riyaaqeen

0
0

Baraawe-(Idhanka) Waxaa Shalay Xeebta Magaalada Baraawe ee Gobolka SH/Hoose Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab kusoo bandhigeen Dhoolo tus miltari ay u riyaaqeen Taageerayaasha kooxdaasi oo goob joog ahaa si weyna u daawanayay.
Dhoolo tuskan Shabaab kusoo maalintii labaad bandhigeen Xeebta Baraawe ayaa waxaa daawanayay Boqolaal dadweyne oo u badnaa Taageerayaasha Shabaab iyo sidoo kale saraakiil sar sare oo [...]

Wararkii Ugu Danbeeyay Tahriibayaashi Soomaaliya Oo Meydadkoodu Soo Tufeen Baddaha U Dhaxeeya Libiya Iyo Talyaaniga Halkan Ka Akhriso

0
0

Malta-(Idhanka) Wararka laga helaayo Xeebaha Libya iyo Talyaaniga, ayaa sheegaya in Meydadka lix muhaajiriin ah oo ku dhintay shil doon ayaa laga soo saaray meydkooda xeebaha dhanka koofureed ee dalka Talyaaniga.
Masuuliyiinta oo ku sugan magaalada Dekeda leh ee Catania ayaa sheegay in daraasiin dad muhaajiriin ah laga soo badbaadiyay shilka markab.
Warbaahinta dalka talyaaniga ayaa baahiyay [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live