Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Tartan Ciyaareed Ay ka qeyb galayaan Lix Degmo Oo Ka Furmaya Gar-adag

0
0

 
 
 
artan Kubadda cagta ah oo loogu tallo galay is dhex galka iyo kor u qaadista ciyaaraha ayaa 13-ka Bishan ka furmaya degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag, kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan lix degmo oo ka kala tirsan goboladda Sanaag, Saraar iyo Sool.
 
Tartankan oo ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Maamulka degmadda Gar-adag iyo Ururka dhalinyaradda ee degmadaasi, sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha degmadda Gar-adag ee gobolka Sanaag Mr. Faarax Aadan Ciise oo u waramayay shabakadda Somaliland.Org.
 
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay  in Tartankan ay ka qeyb geliyaan  degmooyinka Gar-adag, Ceerigaabo, Caynabo, Xudun, Oog iyo Ceel afweyn.
Faarax Aadan Ciise waxa uu sheegay  in lixda kooxood ee metalaya lixdaas degmo loo kala qeybin doono sadex qeybood, waxaanu xusay in tartan ciyaareedkani uu socon doono muddo todobaad ku siman.
 
Guddoomiyaha degmadda Gar-adag Faarax Aadan Ciise waxa uu sheegay in ay wasaaradda ciyaaruhuna ka saacidi doonto tartankan dhinaca inkaaniyaadka sida agabka ciyaaraha, kubaddaha iyo garsooreyaasha dhex-dhexaadinayaba.
“Waxaanu tartankan uga  dan leenahay in kor loo qaado is dhex-galka  dhalinyaradda degmooyinka Barri iyo kor u qaadista heerka ciyaaraha ee gobolada barri,”ayuu yidhi Faarax Aadan Ciise, waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo tartankani qeyb ka ah qorshe guud oo aanu doonayno in dhalinyaradda lagaga wacyigeliyo tahriibka iyo balwadaha kala duwan-ba.”
 
HARGEYSA SOMALILAND


Oprah Winfrey oo ka Mid ah Haweenka ugu Taajirsan Aduunka Uguna Magac Dheer Ayaa Magaalada Zurich ee Dalka Switzerland Kala Kulantay Cunsuriyad la Xidhiidha Midabkeeda Madow oo Lala Xidhiidhinayo Inay Tahay Qof Faqri ah Halkan Kadaawo Sawiro+Video

0
0

Warbixin (Idhanka) Oprah Winfrey oo ka mid ah haweenka ugu taajirsan aduunka uguna magac dheer ayaa magaalada Zurich ee dalka Switzerland kala kulantay cunsuriyad la xidhiidha midabkeeda Madow oo lala xidhiidhinayo inay tahay qof faqri ah.
 
 
 
 
 
Oprah Winfrey oo dalkaas u tagtay inay kaga qayb gasho xaflada arooska haweenayda heesaaga caanka ah ee Tina Turner ayaa [...]

Xasan Ciise oo ka hadlay cidii soo jeedisay inay golaha wada tashiga ku dhawaaqaan.

0
0

 
 
Xasan Ciise, waxa uu tilmaamay in Ururkoodii Xaqsoor uu ahaa mid si weyn looga soo dhaweeyey dalka gudihiisa iyo dibediisa, waxaanu yidhi  “Horta Ururka Xaqsoor wuxuu u samaysmay markiisa horeba  inuu Waddankan wax ka dhigo oo uu wanaag soo kordhiyo, talo iyo tusaale u noqdo shacabka Somaliland, wax badan ayey Xaqsoor  ku guulaysatay wax badana way ku soo kordhisay siyaasada Geeska Afrika oo barnaamijkii uu soo bandhigay Ururka Xaqsoor waxa laga soo taageerayey gobolada dalka, mandaqada Geeska Afrika iyo Waddamada debadaba, waxaanay ahayd talaabo lagu hananayo midnimada dadka reer Somaliland iyo Geeska Afrikaba.”
Guddoomiyaha Ururkii Xaqsoor mar uu ka hadlayey  wada hadaladii u socday Xukuumadda iyo Xaqsoor, waxaanu yidhi  “Dhinaca wada hadalada haddii aan ka hadlo way bilaabmeen heerna way soo gaadheen, heerkaasina waxa uu noqday mid ay wax badani ka dhiman yihiin oo wax badani u  hadhsan yihiin, heerkii hore markii uu dhamaadayna waanigii labada bayaan soo saaray oo Xaqsoor ahaan aanu kaga hadlayno aragtidayada, waxaanu ku sheegnay in albaabka Xaqsoor u furan yahay wada hadalkaas iyo cid kasta oo wada hadal danaynaysa sida xisbiyada qaranka iyo cid kasta oo talo haysa, Annaga oo diyaar u ah inaanu danta umada cid kasta kala xaajoono iyada oo aanu albaabkayagu cidna ka xidhnayn, wada hadaladu wali qabyo ayey yihiin anagu dhinacayaga waxanu diyaar u nahay in wax dadka ku aamini karaan oo ay ku diirsadaan ka soo baxo.”
Xasan Ciise Jaamac, waxa uu sheegay in aanay jirin cid sheegan karta Gole distooriga, marka laga reebo sadexda Gole qaran ee dalku leeyahay, waxaanu yidhi  “Horta  kalmada Gole  waxa weeyaan mid afsoomaali ah oo aan cidina ku dhaganayn markii eraygaasi soo baxayna mid distoori ah muu ahayn, mana aha mid loo isticmaalayo si distoori ah cidina ma sheegan karto gole dastuuri ah oo aan ahayn golayaasha qaranka, cida sheegataana waa mid xumaan u badheedhay, ama cid aan garashadeeda lahayn, odayaashan golaha lagu tilmaamayna mar kaliya may sheegan gole dastuuri ah, kalmadana  afsoomaali ahaan  ayey u isticmaalayeen, shaqada  uu distoorku cid cayiman siiyey cid isku xilsaartay may ahayn ama la tartamaysa ama doonaysa inay distoorka buriso, waxay  ahaayeen koox reer Somaliland ah oo dadka iyo dalkaba wanaag la jecel oo la yaqaano oo taariikh leh, dadkuna ka war hayaan, aanay ku jirin cid looga baqo Somaliland, waana dad aanay cidna uga lexejeclo badnayn midnimada iyo wada jirka umada Somaliland, waxay ahaayeen  niman hore isku arki jiray imikana isku tagay si ay talo ugu biiriyaan qolada talada Waddanka haysa, maaha urur siyaasiya oo samaysmay, maaha xisbi cusub oo samaysmay, waa kulan aan distoor ahayn oo caadi ah kaas oo la mid ah kulamada maalin kasta ka dhaca gobolada Somaliland ee talada laysku wardaarsanayo, inay cidina ka sasto may ahayn inay cidina sharaysato may ahayn, waxay ahayd cidii caafimaad qabta ee wadanka wanaag la rabtaa inay soo dhawayso, nasiib daro sidaa lagama helin meelaha qaarkood oo xajiimayn iyo canbaarayn aan meesha qaban ayaa soo galay.”
Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlay Maskaxdii ka dambaysay aasaaska Golaha la baxay wada tashiga iyo toosinta Qaranka, waxa uu yidhi “Arrinta Golaha waxa soo jeediyey Faysal Cali Waraabe, Annaga oo Xaqsoor ahina waanu ku taageernay inta aanu ka tashanay, waxa weeyaan taladu waxay ahayd in talo qaran layskugu yimaado oo wanaaga Waddanka laga hadlo, waxa jooga oo kulamada golaha ka qayb gala niman kulmiye ah oo qaarkood warbaahinta ka hadlayeen, waxa kale oo ka qayb galay Niman UCID ah iyo niman Waddani Ah oo madaxda sare ah, Xaqsoorna niman dhawra ayaa ka qayb gala,waana arin aanu hore u taageernay  iyada oo wakhtigii doorashooyinka laga soo gudbay ee arimihii doorashooyinka ee foosha xumaa lagaga tashanayey.”
Guddoomiyaha Ururkii Xaqsoor Xasan Ciise oo ka hadlay isu soo dhaweyn Salaadiin isxilqaantay  ka dhex waday Xukuumadda iyo Golaha Wada tashiga waxa uu yidhi  “Salaadiintu way saxsanaayeen markii ay arkeen dhinaca xukuumada qaar badan oo ka mid ah inay ka diideen arintii golaha, inay soo dhex galaan oo arinta ay gacanta ku dhigaan  si aanu Waddanka khal khal uga dhicin oo wanaag ka taliyaan waanan ku hanbalyeynayaa , arintan danbe ee mad madaw soo galayna wax weyn maah ee waa wax yar oo la dhameeyey sida aan ka war hayo oo sidii salaadiintii ay madaxweynaha u shaaciyeen markii ay madaxweynaha arkeen  ee ay yidhaahdeen waxaanu soo aragnay niman gole lagu tilmaamay balse wax xumaana aan wadan, markaa taas ayeynu ku soconaynaa.”
Xasan Ciise  waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo  darajooyinka lagu  taxay ciidamada Somaliland, isaga oo tilmaamay in darajooyinka lagala raagay ciidamada.
 

La-taliyaha Madxwaynaha Ee Gobolada Bariga Mudane Fu’aad Aadam Cade Oo Sheegay In Ay Xukuumaddu Ka Gaabisya Waxqabadkii Laga Sugayey

0
0

Hargeysa-(Idhanka) Siyaasiga Fu’aad Aadan Cade ayaa ka dhawaajiyey in hanankii dawladnimo ee dhanka horumarku ka maqan yahay guud ahaan deegaanada Gobolka Sool.
Fu,aad Aadan Cade oo ah la-taliyaha arrimaha bariga ee madaxweyaha Somaliland ayaa carabka ku adkeeyey in xukumadan iyo tii horeba ay ka gaabiyeen horumarinta Gobolka Sool, waxaanu sheegay in dadka deegaankaas ay aad ugu [...]

Wefti Somaliland ka socda oo loo Diray inay Soo Iibiyaan Qalab Lagu Sameeyo Waddooyinka Oo Gaadhay Dalka Shiinaha

0
0

 
 
Wefti ka kooban Maareeyaha Wakaalladda Waddooyinka Somaliland Prof: Xasan Cali Cismaan  Guddoomiyaha Gudida Qandaraasyada Qaranka Mudane Aadan Cabdillahi Xassan Nugaal iyo Xoghayaha Wasiirka Madaxtooyadda Sharmaarke Axmed Muxumed ayaa soo gaadhay magaalo madaxda Gobolka Guangzhou ee dalka Shiinaha.
Weftigan oo ujeeddada socdaalkooda la xidhiidho sidii ay dalka Shiinaha uga soo iibin lahaayeen qalab lagu dhiso waddooyin casriga ah oo laga sameeyo magaalooyinka Somaliland, ayaa waxa ay Weftigu muddada ay halkaasi ku sugan yihiin waxa ay u kuur geli doonaan sida ay ku heli karaan qalab tayo leh.
Mareeyaha wakaalladda Wadooyinka Somaliland “RDA ”Prof Xassan Cali Cismaan oo arbaahinta la hadlay ayaa sheegay in socdaalkoodu salka ku hayo u kuur-gelidda qiimaynta iibka qalabka waddooyinka lagu dhiso oo ay darsayaan.
Meereeyuhu waxa uu tilmaamay in ay xukuumaddu doonayso inay dalkaasi ka soo iibsato agabka loo adeegsado samaynta waddooyinka, waxaanu xusay in horumarinta jidadku yihiin hal-bowlaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo furaha dhaqaaluhu ku tannaado.
Guddoomiyaha Gudida qandaraasyada qaranka Mr Aadan Cabdilaahi Xasan Nugaal ayaa ku sheegay in socdaalkoodani uu yahay mid ahmiyad weyn u leh dalka, maadaama oo ay qiimaynayaan qalab xukuumadda Somaliland ka soo iibsanayso dalka China si ay waddooyinka u casriyeeyaan. Waxaanu sheegay inay qalabkaasi ku doonayaan qiime macquul ah oo ay awoodda dhaqaale ee dalku gaadhi karto.
Guddoomiyaha Gudida qandaraasyaddu waxa uu intaas ku daray inay hadda qiimayn iyo indho-indhayn ku sameynayaan shirkado kala duwan oo ay ka doonayaan qalabka ay u baahan yihiin.
Aadan Xasan Nugaal waxa kale oo uu sheegay inay muddada ay joogaan dalkaasi ay doonayaan inay abuuraan xidhiidho kala duwan oo lala sameeyo sharaa’ig gacan ka geysan kara horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, sida beeraha iyo dhaqaalaha.
Guddoomiyaha Gudida qandaraasyaddu waxa uu intaas raaciyay inay isbarbar-dhig ku samayn doonaan qiimeyaasha shirkaduhu u sheegaan ee la xidhiidha qiimaha qalabka ay u baahan yihiin. Waxaanu sheegay in socdaalo kale ku tagi doonaan waddammo kale.
Weftigan ayaa markii uu ka soo degay madaarka Gobolka Guangzhou lagu soo dhaweeyey si diiran oo meeqaam sare leh, waxaana madaarka ka qaaday Gawaadhida martidda loogu tallo-galay.
Socdaalka Masuuliyiintan ayaa qeyb ka ah himilladda xukuumadda Somaliland ee la xidhiidha in mustaqbalka dhow la casriyeeyo jidadka dalka isla markaana arrintaasi ay u leedahay ahmiyad weyn oo ay culayska saarayaan.
 
 
 
 HARGEYSA SOMALILAND

Xaaladda Ammaanka ee Gobolka Baay

0
0

Kulan looga hadlayey amniga Gobolka Bay ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhaba, waxaana ka soo qayb galay maamulka gobolka iyo odayaasha dhaqanka.

War Saxaafadeed Goordhaw Kasoo Baxay Madaxtooyada Ayaa Lagu Sheegay in Madaxwayne Siilaanyo Xilkii ka Xayuubiyay Gudoomiyihii Hay’adda Qurba-jooga Somaliland

0
0

Hargeysa (Idhanka) Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-1963/082013 uu xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Hore ee Hay’adda Qurba-jooga Somaliland, Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali,
WAXAANU MADAXWEYNUHU YIDHI:-
Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo [...]

Qurbe: Shirkada Daauus oo ay Dadku Saami ku Yeelan Karaan

0
0

Barnaamijka Qurbe waxaad ku maqli doontaan Shirkadda Daauus ee sameysa xafaayadaha caruurta ee Nuune iyo suufka ay haweenku adeegsadaan ee Bilan oo bulshada Soomaaliyeed u soo bandhigaya Qorshe ay dadku saami lacageed ugu yeelan karaan shirkadda.


Madaxweynaha Puntland oo Kahadlay Xidhitaanka Xawaaladaha Somalia Kuna Tilmaamay Mid Lagu Cunno-qabteynayo Soomaalida +Daawo (SAWIRRO)

0
0

Garoowe (Idhanka) — Madaxweynaha Puntland oo ka qaybgalay shir looga hadlayay xawaaladaha iyo sida loola socon lahaa in lacagaha la isugu diro aan loogu adeegsan lahayn falal dambiyeedyo oo maanta lagu qabtay Garoonka ayaa ka digay in la xiro xawaaladaha lacagaha la isugu diro.
C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay in lacagaha la isugu diro xawaaladaha [...]

Puntland oo Afka U Digatay Lacag Xukuumada Somaliland Dayacday Halkan Ka Akhri Warbixintaa Iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Duufaanada Siyaasadeed Ku Kacsan Yihiin

0
0

Garowe (Idhanka) Midawga Yurub ayaa Maamulka Puntland ku caawiyay dhaqaale gaadhaya Lix iyo toban Milyan oo Doolar oo wax lagaga qabanayo dhismaha Wadooyinka magaalooyinka maamul Goboleedka Puntland, wadooyinkaas oo dhismayaashooda dhawaan la bilaabayo.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka duufaanada siyaasadeed ku kacsan yihiin ayaa qudbadii Ciidal Fidriga ugu qudbadeeyay shacabkiisa in ay midawga Yurub ka heleen lacag gaadhaysa [...]

Dhacdo Xanuun Badan Oo Ka Dhacday Wadanka Maraykanka Nin Pakistaani Ah Oo Dilay Wiil Yar Oo Ay Dhashay Haweenay Soomaaliyeed oo Ay Saaxiib Ahaayeen Isaga Halkan Kadaawo Video

0
0

Pennsylvania (Idhanka) Dhacdo naxdin iyo argagax leh ayaa waxaa la sheegay inay ka dhacday dalka Mareykanka ka dib markii uu nin Pakistaan ah uu dilay wiil yar oo ay dhashay haweeney Soomaali ah oo uu saaxiib la ahaa oo ayna wada noolaayeen. Ninkaan Pakistaanka ah oo lagu magacabo Ummad Rushdi oo 30 sano jir ah [...]

Xaaladda Caafimaad Ee Gobolka Sanaag Oo Laga Deyrinayo Iyo Xildhaan Ka Tirsan Golaha Deegaanka Gobolkaas Oo Qaylo Dhaan U Soo Dirtay Wasaaradda Caafimaadka

0
0

 
 
Xaaladda Caafimaad ee Gobolka Sanaag, ayaa la soo sheegayaa inay marayso halkii ugu hoosaysay ee ay gaadho abid, ka dib markii sida la sheegay aanay Gobolkaasi gaadhin maamulka Wasaaradda Caafimaadku, gaar ahaan magaalada Ceeri-gaabo ee xarunta gobolkaasi.
Xildhibaan Qamar  Maxamed Taleex oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha deegaanka ee Gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaanka Ceerigaabo ee Xarunta Gobolkaasi, ayaa ka dayrisay  heerka uu hadda marayo xaaladda caafimaad ee Gobolkaasi, iyada oo sheegtay inaan lagu tilmaami kari Cisbitaalka Magaaladaasi meel caafimaad.
Qamar  Maxamed Taleex oo xalay khadka telefoonka ugu warrantay Wargeyska Saxansaxo, iyada oo joogta magaalada Ceerigaabo, ayaa waxa ay baaq qaylo dhaan ah u dirtay Wasaaradda Caafimaadka oo ay sheegtay inay marar badan isku ogaayeen inay gobolka yimaadaan, balse aanay suura gelin, gaar ahaan Wasiir ku Xigeenka Wasaaraddaasi Nimco Xuseen Qawdhan, taas oo ay sheegtay inay ka soo dhex gashay isbedelkii Wasiirada, waxaanay ka codsatay Wasaaradda inay gobolka yimaadaan oo ay arkaan Xaaladda Caafimaad ee uu ku sugan yahay.
Xildhibaan Qamar Maxamed Taleex oo arrimahaasi ka hadlaysa waxa ay tidhi “Cabashooyinka aanu qabno waxa noogu daran waa dhinaca caafimaadka oo waxyaabaha kale waa la sugi karaa, laakiin Caafimaadku ma aha wax la sughi karo, Gobolkuna waa mid meel go’doon ah ku yaalla oo, haddii qof xanuunsado inta la soo sido ayaaba dhib ah, markaa Xagga Caafimaadka ayaa noogu daran oo aad noga liidata, Waxaana dhaliisha leh cidda ka muul ka ah ee Caafimaadka”
Xildhibaanadda oo ka hadlaysay xaaladda cisbitaalka ceerigaabo iyo guud ahaan dhibaatada caafimaad ee gobolkaasi haysata waxa ay tidhi “Cisbitaalkii Ceeri-gaabo laguma tilmaami karo meel caafimaad yaallo oo waxa weeyaan meel liidata, Waxay ahayd in ay Wasiiradu noo yimaadaan oo marar hore Wasiir ku xigeenka waanu wada hadalnay iyo Wasiirkii hore ee la bedelay Xuseen Xoog waxaanu ku ballansanayn inay yimaadaan Ceerigaabo, markaa waa tii uu is bedelku dhacay ee wasiirkii la bedelay, Wasiirkanna wuu cusub yahay oo hadda dhaliili mayno, laakiin waxaanu sheegaynaa inay yimaadaan maamulka Caafimaadku Gobolkan, waxana jiray dhakhaatiir hore loogu soo qoray halkan oo iskaga cararay, laakiin dadkii meesha deganaa way iska joogaan, markaa waxaanu leenahay Wasaaradda Caafimaadka gobolka yimaadda”
HARGEYSA SOMALILAND

Gudoomiye Kuxigeenka Sadexaad Ee Xisbiga UCID Oo Soo Dhaweeyey Bixinta Darajooyinka Kaladuwan ee lagu Taxay Ciiddamada Qalabka Sida Kana Biyo Diidey Dayacnaanta Ciidanka Booliska

0
0

Hargeysa (Idhanka) Guddoomiye ku xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Mujaahida Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa markii ugu horaysay soo dhaweeyey Darajooyinka lagu taxay Ciiddammada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo uu sheegay inay tahay talaabo hore loo qaadayoo dhamaystiraysa nidaamka dawladnimo.
Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Guray oo Warbaahinta kula hadlay xafiiska xisbiga [...]

“Talo Gal Ka Yagu Waxa Weeyaan Inaanay Doorashada Madaxweynaha Iyo Baarlamaanku Dib U Dhicin” Af-hayeenka Komishanka

0
0

 
Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi Geelle, ayaa faah faahin ka bixiyey kulan ay maanta  la yeesheen iyaga iyo Sadexda Xisbi Qaran Wefti ka socda Qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka caawiya dhinaca Doorashooyinka.
Maxamed  Axmed Xirsi Geelle oo u warramay Idaacadda BBC-da, ayaa waxa uu sheegay inay kala hadleen Weftigan inay Somaliland ka Caawiyaan sidii loo qaban lahaa Diiwaan gelin labaad oo u gaar ah Cod bixiyaasha, isaga oo sheegay inaan mar kale la isticmaali karin Diiwaan gelintii hore sababo badan awgood.
Af-hayeenka Komishanka Doorashdooyinka Mr Geelle, waxa uu sheegay inay Weftigani ka aqbaleen inay ka caawiyaan laba Diiwaan Delinood oo kala ah diiwaan gelinta dadweynaha iyo ta cod bixiyeyaasha, waxaanuu yidhi
“Talo gal ka yagu waxa weeyaan inaanay Doorashada Madaxweynaha iyo Baarlamaanku dib u dhicin, ILAAHAY waxaanu ka baryeynaa inaanay nagu iman sabab naga xoog wayn oo dib u dhigta Doorashada, runtii wixii khalad hore nooga dhacayna waanu ka faa’iidaysanaynaa  inaanay mar kale dhicin Umaddana waanu kala hadli doonaa”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Masar oo Dantu U Run Sheegtay, Colaadda Biyaha Niil-ka (Nile) iyo Saamaynta Geeska Afrika (Baadhitaan Saxaafadeed) Xog-Ururin, Qalinkii Xassan Cumar Hoorri (Qaybtii 8aad)

0
0

 
 
Inkastoo Niil-ku uu yaahay halbowlaha nolashooda, run ahaantii waayaha siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee Masar waxaa uu meesha ka saaray duullaankii ku wajahnaa Ethiopia. Duruufaha ka oogan Masar ayaa muujinaya in ay ka baaqdeen loollankii ay ugu jireen dirirta soo cusboonaatay ee Biyaha Niil-ka. Boqol sannadood iyo wax ka badan ayaa Masar ka talinaysay Niil-ka, waxaana ay hor taagnaayeen in ay dheefta la wadaagaan dalaka uu webigu ka soo rogmado.
Duruufaha Siyaasadeed (Masar iyo Beesha Caalamka)
Masaaridu hore ayay u lumiyeen xidhiidhkii iyo haybaddii ay ku lahaayeen inta badan qaaradda Afrika iyo dunida Carbeed. Iminkana, waxaa faraha ka sii baxaysa xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee ka dhexeeya Maraykanka.
Abdifatah Al-Sissi, jananka dhowaan afgembiyay dalka ayaa waraysi uu toddobaadkii hore siiyay “Washington Post” waxaa uu ku sheegay in Maraykanku baylihiyay dalkiisa. Jananku, waxaa uu ku cowday, “shalay cidlo ayaad uga dhaqaaqdeen Masar, haddana, waxaad u diyaar tahiin in aad dhabarka u soo jeedisaan”, waxaana uu ku ladhay, “Masar ma iloobi doonto sida aad u baylahiseen.”
Jananku waxaa uu hibanayaa sidii Obaama uga gows-qabsaday xil-ka-tuuristii Husni Mubarak. Waxaa kale oo uu cabasho ka soo jeediyay sida ay ugu hungoobeen gacantii ay ka sugayeen ka dib markii 3dii July ciidamadu, qori caaradii, ku la wareegeen taladii dalka. Hadalkiisu waxaa uu shakiga ka saarayaa warbaxinno lagu daabacay warbaahinta USA kuwaasoo tibaaxay in Maraykanku uu gacan-bidixeeyay shirqoolka lagu riday Mohamed Morsi,
Isaga oo ka xun, Jananku waxaa uu intaa ku daray inuu weli baaq ka sugayo Obama, “maalin kasta waxaa aannu wada hadalnaa wasiirka gaashaan-dhigga, Chuck Hagel, balse, ilaa hadda waxaan sugayaa in aan maqlo codka Madaxweyne Obama”. Ugu danbayntii, Al-Sissi waxaa uu ku afgobaadsaday in ciidankiisu ay ajiibeen codsi ka yimid dadweynaha iyo in uu dalka ka badbaadiyay dagaal sokeeye.
Arrinta Masar waxaa dunida looga arkaa inuu Maraykanku indhaha ka laliyay afgembi lagu riday xukuumad lagu soo doortay si xor iyo xalaal ah. Sida uu farayo xeerka Maraykanku, waxaa laga filayay in ay canbaareeyaan falka lagu manjo-xaabiyay hannaankii dimuqraadiyadda iyo inay joojiyaan kaalmada ay u fidiyaan Masar ilaa iyo inta talada dib loogu soo celinayo gacanta Madaxweynahii la soo doortay.
Eedeynta Abdifatah Al-Sissi, waxaa ay ku soo beegantay mar uu wasiirka arrimaha dibedda, John Kerry, booqasho ku joogay Pakistan. Wasiirku waxaa uu taageeray inqilaabka Masar. Waxaa uu ku dhawaaqay, “Ciidamada Masar ma ay maroorsan talada dalka, balse waxaa ay fuliyeen codsi kaga yimid dhinaca shacabka. Runtii, waxaa ay isu taageen sidii loo soo celin lahaa tubtii dimuqraadiyadda! ”
Hase ahaatee, aragtidaa waxaa daadufeeyay afhayeenka Ikhwaan Al-Muslimiin, Jihad el-Haddad isagoo ku duray inuu Maraykanku taageerayo afgembi, keli talisnimo iyo xukun aan sharci ahayn. Dhinaca kale, weedhaha Kerry, waxaa buriyay Mudane John McCain oo Madaxweyne Obama si gaar ah ugu igmaday inuu dhexdhexaadin ka galo is-mari-waaga. McCain oo ahaa ninkii 2004 u orday jagada Madaxweyne ayaa sheegay in Masar uu ka dhacay “INQILAAB”. Waxaana uu ku taliyay in dib loo qiimeeyo deeqda ay siiyaan Masar. McCain waxaa uu ku tiraabay, “deeqdii Maraykanka waxaa maamulaya askar aan xaq u lahayn halka Madaxweynahii hoggaaminta loo igmaday uu sifo sharci-darro ugu jiro xabsiga”.
Odhaahda Mudane McCain waxaa ku gacan-saydhay ciidamada iyadoo Madaxweynaha ku meel-gaadhka-ah uu ku tilmaamay xad-gudub iyo faro-gelin. Mudane McCaine waxaa dhexdhexaadinta ku weheliyay Mudane Lindsey Graham, Aqalka Odayaasha, waxaana ay ka dayriyeen xaaladda dalku ku sugan yahay ka dib markii laga diiday in la soo daayo Mohamed Morsi iyo in la galo wada hadal. “Haddii aan talada wax laga bedlin Masar waxaa maalmaha ama bilaha soo socda ku soo fool leh dagaal sokeeye oo dabo dheeraan doona”, ayuu warbaahinta ka sheegay, Mudane McCain.
Duruufaha Dhqaale
Warsidaha “Financial Times” ayaa dabaacay isla markii inqilaabku dhacay in Madaxweyne Obama telifoon uu ku la hadlay Boqorada Qatar iyo Imaraatka, iyo inuu ku guubaabiyay inay si degdeg gacan uga gaystaan hanti lagu furdaamiyo xukuumadda ku-meel-gaadhka. Sidaa awgeed, saacado ka dib markii jeelka loo taxaabay Madaxweyne Mohamed Morsi waxaa soo if-baxay nacayb ay u qabeen madaxda khaliijku. Durbaba, waxaa ay hambalyo u direen ninkii afgembiyay dalka Abdelfatah Al-Sisi iyo Madaxweynaha cusub Adli Mansour.
Isla markaa, si loo hakiyo burburka dhaqaale, dawladaha hodonka ah ee Gacanka Carbeed (Saudi Arabia, UAE iyo Kuwait) waxaa ay la soo durduriyeen hanti dhiig-joojin ah. Waxaa ay ku deeqeen gurmad isugu jiray taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo ka badan $12 bilyan. Lacagtaasi waxaa ay u dhigantaa laba-jibbaar isku darka deeqda Marykanku uu siiyo sannad kasta (USD 1.5bn) iyo amaah gaadhaysa USD 4.8bn oo ay Masar kala gorgortamaysay Sanduuqa Lacagaha Caalamka (IMF). Deeqdu waxaa ay dib u fadhiisisay shacabkii dibad-baxayay, waxaana ay kabtay in laga baxo safkii loogu jiray shidaalka iyo kaltankii laydhku. Hase ahaatee, gurmadka khaliijku ma dabooli karo baahida taagan.
Kacdoonka ka jira dalka iyo kacdoomada ka aloosnaa Gu’ga Carabta ayaa loo aaneeyaa dhaqaale xumaan. Dibad-baxyadii uu eersaday Mohamed Morsi waxaa sababay markii xukuumaddu ka gaabisay inay wax ku riddo caloolaha baahan. Qiimaha raashinka ayaa cirka isku shareeray, sidoo kale, shidaalka ayaa cidhiidhi galay. Laydhka (korontadu) ayaa isaguna kaltan ku ahaa degaamo faro badan. Burburka siyaasadeed waxaa uu sababay 60% inuu hoos u dhacdo lacagaha adage. Sannadahii 2012-2013 kaydku waxaa uu hoos u gaadhay USD 15 bilyan halka uu ka ahaa USD 36 bilyan. Guud ahaan, dhaqaalaha dalka ayaa maraya heer aad u liitta.
Sidaa awgeed, Hay’adda Cuntada ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ka digaysa cunto-yaraan ku soo fool leh Masar. Hay’addu waxaa ay walaac ka muujiyeen duruufaha dalka ku sugan yahay sida hoos u dhaca wax-soo-saarka iyo kaydka lacagaha qalaad, xasilooni-xumo, iyo korodhka tirada dadweynaha. Arrimahaa is-barkaday ayay sheegeen in ay dalka u horseedi karaan gaadhi karta heer macaluul.
Ethiopia iyo Degaan-siyaasadeedka Xilligan
Muddo dheer, Webiga Niil-ka waxaa ka fulayay talada iyo danaha Masar. Hase ahaatee, markii ugu horraysay waxaa soo bidhaamaysa inuu biligii Niil-ku u janjeedhsaday Ethiopia. Qaab-dhismaha degaan-siyaasadeed (geopolitical framework) ee xilligan waxaa ka muuqdo inuu miisaankii u guuray dhinaca Xabashida. Guusha u soo hoyatay Ethiopia ayaa loo aanayn karaa qoddobo ay ka mid yahiin: -
1. Burburkii Somaaliya, gooni-isu-taagga Somaaliland iyo bisaylka siyaasadeed ee ka jirta Geeska waxaa ay soo afjarayaan in aan xilligan Somaalida loo adeegsan karayn dagaal aan iyaga khusayn. Somaalidu dhowr qarni waxaa ay u heelanaayeen dagaal aanay lahayn oo lagu ilaalinayay danaha Masar ee Niilka. Inkastoo aragtidaa gabowday ay weli ka sii guuxaysay Madaxtooyada Xamar, haddana, ma aha mid hano qaadi karta marka laga eego xidhiidhka iskaashi ee ka dhexeeya Somaaliland iyo Ethiopia iyo marka la wada og yahay in xukuumadda Xamar ay maanta magan u tahay ciidamada Ethiopia ee AMISON.
2. Muddo 100 sannadood ah Masar iyo Sudaan waxaa ay shirko ku ahaayeen Biyaha Niil-ka. Hase ahaatee, waxaa soo kordhay dhalashada dalka Koonfurta Sudaan oo iskaashi weyn la leh Ethiopia kana soo horjeeda in Niil-ka marti looga ahaado Masar. In muddo ah, Ethiopia, waxaa ay ku hawlanayd sidii ay saamayn ugu yeelan lahayd Geeska waxaana ay ka mid yahiin ciidamada Qaramada Midoobay ee tan iyo 2002 ku kala dhex jiray labada Sudaan. Xilligan Xassan Al-Bashir ku ma khamaari karo dagaal uu la galo Ethiopia iyadoo ay ku furan yahiin colaadaha koonfurta Sudaan iyo Darfur. Waxaana jira dhaqaale-xumo iyo dibad-baxyo ka jira dalka. Sidoo kale, Al-Bashir waxaa saaran xiyiraad caalami ah ka dib markii 2009 Maxkamadda Cadaaladda Caalamka (ICJ), Hague ay u soo jartay amar lagu soo qabanayo.
3. Gumaystahii Hingiriiska iyo xulafadiisa oo ahaa kuwa suurta-geliyay in ay Masar iyo Sudaan ku tagri-falaan biyaha Niil-ka ayaa maanta qaba in Ethiopia iyo dalalka uu Niil-ku ka soo rugmado ay xaq u leeyahiin ka faa’iidaysiga webiga. Dawladaha reer galbeedka iyo Shiinaha oo xidhiidh wanaagsan la leh Ethiopia ayaa gacan ka geysanaya dhinacyada farsamo iyo maal-gelin ee lagu dhisayo biyo xidheenka muranku ka dhashay. Masar waxay indhaha ku kala qaaday iyagoo cidlo taagan, waxaana ay soo baraarugeen goor ay kala dhaceen xeedho iyo fandhaal.
4. Afrikada Madow ayaa loo arkaa inay tahay mustaqbalka iyo inuu ku duugan yahay kaydkii dunidu, sida shidaal, macdan, iyo dhul dihin. Sidaa darteed, dunida hore u martay waxaa ay hayaan ugu jiraan danahooda iyo kolba halka uu roobku ka da’o. Waxaana loo tartamayaa barwaaqada ka soo karaysa Geeska Afrika iyo dalakii lagu duudsiyay in ay saami ka helaan webi ka soo rogmanaya dhulkooda. Isbedelkan cusub waxaa uu sii laciifinayaa danihii laga lahaa Masar.
5. Masar waxaa labo-duble u xidhaya duruufaha ku gedaamin iyo colaadaha ka ooggan gudahooda. Maanta, ma muuqdo itaal iyo talo ay shisheeye wax kula qaybsan karaan. Waxaana ay qarka u saaran yahiin inuu dalku ku soo dhaco god madow, xukun la’aan, dagaal sokeeye iyo kala qaybsanaan.
Dhammaan qoddobada aan soo dareerinay waxaa ay ka marag-kacayaan taladii biyaha Niil-ku inay u gacan-gashay Ethiopia. Hase ahaatee, sida ay sheegeen madaxda dalkaasi ma rabaan inay u tafo-xaytaan sedbursi iyo inay ka aar-goostaan gabbood-falka ay tirsanayeen. Waxaa ay sheegeen in ay yahiin jid-bixiye iyo in ay oggol yahiin sidii biyaha looga wada faa’iidaysan lahaa.
Ra’iisal wasaarahii hore ee Ethiopia, Atto Meles Zenawi mar uu wareysi siiyay Telifishanka Masar, 2010, waxaa uu sheegay xal u helidda muranka biyahu in ay ku iman karto cadaalad iyo wax qaybsi. Waxaa uu ballan qaaday qorshaha dalkiisu in aanu ku salaysnayn dhinaca khasaara iyo dhinaca faa’iida (zero-sum). Zenawi waxaa uu soo jeediyay si loo wada dhan yahay in looga arrinsado Niil-ka, iyo in loo qaybsado si loo wada siman yahay.
Hase ahaatee, waxaa uu ka digay in ay Masar la timaado aragtidii Qarnigii 19aad iyada oo lagu jiro Qarnigii 20aad. “Biyaha Niil-ku, 85%, waxaa ay ka soo rogmadaan dalkayga mana dhici doonto in aannu ka oomanaano. Taasi waa taariikh hore, waxaa ayna ahayd arrin soo jirtay. Balse hadda iyo waxii ka danbeeya ma aha Masar inay u fekerto sidii Qarnigii 19aad innaga oo ku jirna Qarnigii 20aad,” ayaa Meles Zenawi u sheegay xukuumadda iyo shacabka Masar isagoo ka la hadlay Telifishanka Masar. Waxaana uu hoos ka xarriqay inuu jiro xal guul u noqda labada dhinacba (win-win alternative).
Sidaa ayay u muuqataa aragtida toosan ee labada dal kaga badbaadi karaan dagaalka biyood, laguna badbaadin karo inyar-garatada u heellan colaad aan waxba uga shan iyo toban ahayn (proxy war).
Aragtida Somaaliland ee Niil-ka, xidhiidhka ka dhexeeya Somaaliland iyo Ethiopia iyo sida ugu habboon ee loo sii wanaajin karo iskaashiga labada dal waxaad ka akhrin doontaa qaybta 9aad oo noqon doonta gunnaanadkii qormooyinka Colaadda Biyaha Niilka iyo Saamaynta geeska Afrika.
Xassan Cumar Horri waa suxufi ka faallooda arrimaha Geeska iyo Bariga Dhexe. Kala xidhiidh horri@somalilandsun.com ama ku tixraac @horrimania
HARGEYSA SOMALILAND


Live Eid Day 2013 Makkah Fajr Adhan

Madaxweynaha Killika Shanaad ee Itoobiya oo isku shaandhayn ku sameeyey Maamulkiisa iyo Magacyada Masuuliyiinta la isku bedalay.

0
0

 
 
Madaxweynaha Maamulka Kililka Shanaad ee Itoobiya ayaa kullan uu la yeeshay madaxda Maamulkiisa, waxa laga soo saaray isku shaandhayn Golaha Wasiirada, Maareeyaasha Iyo Gudoomiyaayaasha Heer Degmo ee Gobalka, kuwaas oo la isku wada bedalay inta badan
Magacyada Masuuliyiinta la isku bedelay oo dhamays tiran halkan ka akhri:-
1- Khadar Cabdi Ismaaciil Wasiirka Xafiis Adeega Shacabka iyo Kobcinta Awooda, Horena u ahaa wasiirka Horumarinta Jidadka.
2- Maxamed Cumar wasiirka Horumarinta Jidadka, Horena u ahaa wasiirka Adeega Shacabka iyo Kobcinta Awooda.
3- Guuleed Jabane kuxigeenka waxbarashada Horena u Joogay Shirkada Dhismaha jidadka.
4- Maxamed C/waaxid Shirkada Dhisaha Halaha Biyaha horena u ahaa kuxigeenka Nabadgalyada.
5- Cabdi Nuur Ku-xigeenka Hogaanka Nabadgalyada ahna Kusiisimaha Komishinka Booliska DDSI, horena u ahaa Gud Jarati.
6- Jeneraal Maxamed Cabdulahi Qayo ku-xigeenka Komishinka Booliska DDSI.
7- Maxamed Cabdi(Haadi) Shirkada Dhismaha Booliska Gaarka, horana u Ahaa Gud Deg Afdem.
8- Saney Xasan ku-xigeenka Management Institute.
9- maxamed Faatax Xafiiska DPPC horana u ahaa Wasiirka Tababarada iyo tacliinta sare DDSI.
10- Axmed oo hore u joogay DPPC waxaa la geeyay Shirkada Dhismaha.
11- Ibraahin Cali oo joogay Shirkad Dhismaha hawlaha biyaha waxaa la geeyay TVET.
12- C/risaaq Saxane oo hore u ahaa mayorka Qabridahar waxa la geeyay Mayorka Maamulka Jigjiga.
13- Suldaan khayre oo ahaa mayorka Jigjiga Waxaa la geeyay mayorka Dh/buur.
14- C/fataax Kuxigeenkii Nabadgalyada waxaa la geeyay kuxigeenka Mayorka Godey.
15- Cabdi Geedi Aden Gudoomiyaha Degmada Jigjiga horana u ahaa Gudoomiyihii Degmada Mooyaale.
16- Xasan Farax Gud Degmada Raaso horana u ahaa Gud Degmada Gursun.
17 Cabdi Adan(Cabdow) Gudoomiyaha Degmada Shiniile horana u ahaa Gud Degmada Raaso.
2- 18- Cabdi Saadaale Gud Degmada Jarati horana u ahaa Gud Degmada Baareey.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Murashaxa Xisbiga UCID oo sheegay inuu Xisbiga social demokraterna ee (Social Democrat) ee dalka Sweden ka helay Marti qaad

0
0

 
 
Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaarid ka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa sheegay inuu Xisbigga socialdemokraterna (Social Democrat) ee dalka Sweden ka helay marti qaad, waxaanuu sheegay inuu kulamo la soo yeelan doono Madaxda Xisbigaasi.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaas ku sheegay Qoraal Kooban oo uu soo dhigay Facebook-ga , waxaanuu ku yidhi sidan “Waxaan jecelahay inaan idin la wadaago in aan u boqooli doono waddanka Sweden bisha September 26th Insha Allaah, oo muddo 9-cisho ah aan ku maqnaan doono,ka dibna waddanka dib ugu soo noqon doono,halkaasi oo aan casuumad official ah ka helay Xisbigga socialdemokraterna (Social Democrat) ee dalka Sweden oo ay casuumaddaasi milgaheeda ay ka shaqaysay Ifrah Ali Kirih oo ah Xildhibaan ka tirsan xisbigaasi dalka Sweden oo laga soo doortay golaha deegaanka ee magaaladda J?nk?pingay.
Waxaan kale, oo aan kulano la qaadan doonaa jaaliyaddaha reer Somaliland ee magaalooyinka Sweden qaar ka mid ah.Waxa kale oo aan la kulmi doonaa qolooyinka deeqaha bixiya, Safarkayguna waa in Somaliland la horumariyo oo caalamka laga dhaadhiciyo iyo dalka Sweden, loona cadeeyo baahiyaha ka jira halkani si ay kelmadaasi iyo kuwii ka horeeyayba ugu dhiirigeliyaan Somaliland iyo xidhiidhkeena dalka Sweden”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Bilad qalin ah oo ay heshay Djibouti

0
0

Djibouti ayaa bilad maar ah ka soo hoysay orodka 800m ee cayaaraha fudud ee adduunka ee ka dhacaya magaalada Moscow ee dalka Russia.

Suldaanka Guud ee Beesha Bahabar Muuse (Maxamed Case) Suldaan Abshir oo Shaaciyay Wakhtiga Ay Qabandoonaan Shirwayne Beeshu u Balansantahay iyo Hadda Inay Dhexeen Soona Dhamaadeen Shirar Gaargaara

0
0

Borama (Idhanka) Beesha uu hogaanka u yahay ee BAHABAR MUUSE ay qabsan doonto shirwayne balaadhan oo dalka gudihiisa ka dhici doona.
Waxa noo soo qabsoomay shirar gaar ah oo jawi wanaagsan ku dhacay, waxa ay shirarkaasi dhaleen dhawr qodo oo uu midka u horeeyaa yahay in la garawsaday in beeshu shirwayne ku qabsato dalka gudihiisa taariikhdu [...]

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live