Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

muxaadaro salaada soo saare axmed bajuu suuriya dimashiq 1 da maajo 6.wmv


ABSHIR NUUR FAARAX (BACADLE) ALLAHA U NAXARIISTEE WAXAA LAGU AASAY SAAKA MAGAALADA MUQDISHO

$
0
0

Rabbi naxariistiisi jano ha ka waraabiyee waxaa saakay qabuuraha Barakaad ee degmada Yaaqshiid lagu aasay ABSHIR NUUR FAARAX ka dib markii uu xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuum Bacadle wuxuu xalay ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal magaalada Muqdisho, xanuun mudooyinkan dambe haaya dartiis waxaana saakay aaskiisa ka soo qeybgalay bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Shacabka caadiga ah ka sokoow Bacadle waxaa saakay aaskiisa ka qeybgalay madax ka kala socotay Alshabaab iyo Gudoomiyaha  Xisbul islaam Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Abshir Bacadle shaqsiyan qofkii uu ahaa waxaa marag ma doonto ah in aan sharraxaad looga baahneyn ee aan ducada iyo alle bariga ugu roonaano.

Innaa Lilaahi Wa innaa ileyhi raajicuun.

halganaknet@gmail.com

Ahlu Sunna oo ciidamo fara badan tababar ugu soo xiray qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya iyo ciidamadaas oo dagaal gelaya

$
0
0

Ciidamo gaaraya 470 askeri oo ka babar dagaalami doona Ahlu Sunn Waljamaaca ayaa sida la sheegayo waxaa u soo dhamaaday tababar ciidan.

Shiikh Cismaan Shiikh Axmed, afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca ee gobolada Koofureed ayaa sheegay in ciidamadan ay ku tababareen qeybo ka mid ah gobolada Koofurta, waxayna dhowaan ku biiri doonaan dagaalada ka socda Soomaaliya waa siduu shiikhani sheegaye.

Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku milan dagaalada ka socda bartamaha iyo koofurta Soomaaliya iyagoo ka barbar dagaala Dowladda Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com

Dowladda Soomaaliya " Shirkii ka dhacay Sirta waxaa la isku raacay in dowladda Soomaaliya bil walba la siiyo 10-milyan oo Dollar si ay dib ugu soo celiso ammaanka iyo kala dambeynta,"

$
0
0

Madaxweyne Shariif oo ka qeybgalay kulankii magaalada Sirta ee dalka Liibiya ayaa ku guuleystay in uu dowladaha Carabta ka helo kaalmo lacageed oo aad u badan.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen madaxda Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ah mashaakilka Soomaaliya ka taagan, Midnimada Suudaan oo ay kala qeybini ku socoto iyo weliba arimaha Falastiin.

Madaxa warfaafinta xafiiska madaxweynaha Cabdirashiid Khaliif oo soo koobayay waxyaabihii shirkaas lagu gudoonsaday ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa "Shirkii ka dhacay Sirta waxaa la isku raacay in dowladda Soomaaliya bil walba la siiyo 10-milyan oo Dollar si ay dib ugu soo celiso ammaanka iyo kala dambeynta".

Kal hore oo sidan oo kale ay Dowladda Soomaalidu kaalmo weydiisatay Jaamacadda Carabta ayaa waxay wadamadii yaboohay deeqdu ka baaqsadeen in ay fuliyaan balantooda waxaana arintaas si siyaasadi ka muuqato uga jawaabay waagaas madaxweyne Shariif, isagoo si rasmi ah ugu dhawaaqay in dowladiisu ay ka laabatay codsigooda laakiin balanqaadka hadda la arki doonee meesha uu ku dambeeyo.

halgankanet@gmail.com  

Qarax ka dhacay gaalkacyo

$
0
0

Qarax aad u xoogan oo gaystay qasaare isugu
jira naf iyo maalba ayaa goor dhawayd waxaa uu ka dhacay guri ku yaalla
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
Qaraxani oo loo malaynayo I uu yahay Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa
uu ka dhacay Guri ku yaalla Magaaladaasi gaar ahaana Xaafada Garsoor ee
Magaalada Gaalkacyo taasi oo loo malaynayo in lagu sameeyo walxahaQarxa
gurigaasi.
Sida ay wararku sheegayaan qaraxaasi waxaa ku geeriyooday labo qof oo ku
jiry Guriga iyadoona sidoo kale ay jiraan dhaawacyo aan tiradooda si
cad loo xaqiijin.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa Gaaray Ciidamo katirsan Maamulka
Puntiland oo indha indhayn ku samaynayay sida uu qaraxa u dhacay iyo
waxa dhaliyay in kastoo aysan bixin wax faahfaahin ah.

Dagaal iyo duqeymo daba socday oo ka dhacay magaalada Muqdisho

$
0
0

Dagaalo iyo Duqeymo u Dhaxeeyay Ciidamada Dowlada iyo Kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada AlShabaab  ayaa Ka dhacay Degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee Gobalka Banaadir.

Inta La ogyahay 2-Qof ayaa Ku geeriyooday Dad Kor u Dhaafaya 7-Kalane Waa ay ku Dhaawacmeen Madaafiic ku Dhacday Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

Dagaalada oo ahaa Kuwa Culus ayaa waxaa Bar Bar Socday madaafiic Leys Weedaarsanayo Iyadoo Madaafiicda ay ku Dhacayeen Xaafado ku Teedsan Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

Dagaalada iyo Duqeymaha inta badan Ka Dhaca Muqdisho Qasaaraha ugu Badan waxaa ku Dhacaa Dadka Rayid ah ee Aan Waxba Galabsan ,iyadoona Xooga Dalka isku Haya ay Midba Midka Kale uu Sheego in uu Qaadayo Masuuliyada Dadka Dhamaanaya,

Isku Soo Duub Waxa Hada Dagan Xaalada Degmooyinka Maanta dirirtu Ka dhacday iyadoo Markasta La Filan karo in Dagaal uu Dhaco, Waxaana is Hor fadhiyo Ciidamda Dagaalka ku Dhacmaray Degmooyinkaasi.

Sheikh Tawakal at masjid AL-NOOR of lewiston

Maxamuud Cali Xaaji; "Waxaan u taagannahay Jagada Wasiirka koowaad ee maanta banaan ee loo tartamayo, maadaama aan dalal badan oo sida Soomaaliya oo kale u bur buray aan dhismayaashooda ka soo shaqeeyay, waxaana jeclahay in wadankeyga aan dhiso"

$
0
0

Jagada Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ee haatan bannaan ayaa waxaa ku soo biiray ragga u xusul duubaya in ay qabtaan mid ka mid ah Soomaalida ka shaqeysa Hay'adaha Qaramada Midoobay.

Dr.Maxamuud Cali Xaaji oo u shaqeeyay QM laanteeda Bariga Afrika ayaa ku dhawaaqay in uu ka soo dhaqaajiyay shaqadii uu QM ka hayay islamarkaana u soo jeestay tartanka jagada Ra'iisal wasaarenimada Soomaaliya ee haatan bannaan waa siduu hadalka u dhigaye.

Sida caadada u ah qof kasta oo raba in uu qabto jago Dr. Maxamuud Cali wuxuu ku doodayaa in uu wax ka qaban karo mashaakilka Somaaliya haddii loo dhiibo jagada Ra'iisal wasaaraha waxaana doodiisi ka mid ahaa erayadan; "Waxaan u taaganahay jagadda Wasiirka koowad ee maanta bannaan, maadaama aan dalal badan oo sida Soomaaliya oo kale burburay dib u dhiskoodi ka soo shaqeeyay waxaan hadda rabaa in aan dhisamaha dalkeyga u istaago".

Wasirka koowaad booskiisa waxaa u taagan oo madaxweynaha ku qalqaalinaya in  uu u magacaabo in ka badan Toban Musharax waxaana dhowaan la filayaa in uu Madaxweynuhu ku dhawaaqo cida uu u gartay in ay buuxiso booskii uu banneeyay Cumar Cabdirashiid.

halgankanet@gmail.com 

 

 


Shiikh Yuusuf Indha-Cade oo ka qeyliyay dagaalada ka socda Muqdisho, Dowladda iyo Mucaaradkeedana eedeyn dusha uga tuuray

$
0
0

Shiikh Yuusuf Indha-Cade oo daalaa dhac siyaasadeed ka dib haatan ka mid ah siyaasiinta Soomaaliyeed ee u sugan gudaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ka xun yahay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee sida joogtada ah loogu waxyeeleynayo shacabka masaakiinta ah.

Indha-Cade oo horay u ahaa wasiiru-dowlihii wasaarada gaashaandhiga ayaa dowladda, Xisbul islaam iyo Alshabaab si isku mid ah ugu eedeeyay dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah wuxuuna dhinacyadan ugu baaqay in ay dagaalada joojiyaan dadkoodana u turaan waaba haddii ay wax ka maqlayaane.

Hadalka Indha-cade ayaa ku soo aadaya xili magaalada Muqdisho dagaalo ku soo noqnoqday ay ku dhimanayaan shacab aad u fara badan.

halgankanet@gmail.com 

War saxaafadeed: Kulankii Arabta iyo Afrika oo lagu taageeray Soomaaliya

$
0
0

War murtiyeed  laga soo saaray shirka
labaad ee   ururada Midowga Africa iyo Jaamacaddda Carabta ee magaalada
Sirte lagu soo gebagebyeeyay  ayaa    si wada jir ah beesha caalamka iyo
golaha amaanka ugu baaqay in ay billaabaan doorkooda ku aaddan
taageerada  wadanka dagaalladu aafeeyeen ee Soomaaliya.

Madaxda ayaa sidoo kale warkooda ku
muujiyay qaybta   ay cayaareen howlaha nabad ilaalinta Midowga Afrika
AMISOM , waxayna sheegeen in dadaalo loo baahan yahay si kor loogu qaado
daad gureynta ciidamo dheeraad ah si loo xaqiijyo ammaanka iyo
xasiloonida Soomaaliya.

Hadalkooda  ayaa hoosta looga xariiqay
in baaqa beesha caalamku  ay  kor u qaadaan ilaha iyo xog wareysiga
arrinta Soomaaliya  si kor loogu qaado qorshaha waji cusub oo lagu
geenayo ciidamo kale oo nabad ilaalin ah Soomaaliya, ayagoo cambaareeyay
howlaha argagaxisnimo  ee daruufaha adag ku keenay xaaladda
Soomaaliya ka taagan.

Madaxda labada dhinaca ayaa ku waramay
in ay  ka baaraan degayaan in laga hortago denbiyada kooxaha
argagaxisada ah ay u gaysanayaan shuruucda aasaasiga ah iyo xuquuqda
aadanaha iyo sidoo kale qatarta lagu hayo xasiloonida iyo amaanka qaran
ee Soomaaliya.

Kulan  madaxeedka qaraarka ay ka soo
saareen ayaa lagu muujiyay taageera buuxdo oo meesha looga saarayo
bixinta lacgaha madax furashada ah ee la siinayo kooxaha wax argagxiyo
sida maleeshiyaadka iyo buracad badeeda wax afduubata oo qayb ka qaadata
kobcinta dhaqaalaha loo adeegsado falalka argagixisnimo.

War deg deg ah: Madaxweyne Shariif iyo nin la sheegay inuu RW u magacaabayo oo ku laabtay Muqdisho: Waa kuma?

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya iyo nin loo maleynayo inuu ka dhigayo R/Wasaaraha SOmalia ayaa maanta ka soo degay gegidda Diyaaraha ee Aadan Cadde Airbort.

Ninkan oo ka tirsanaan jiray isla markaasna ahaa sarkaal aad ugu dhow madaxweynihii hore ee somalia allaha ha u naxariistee Maxamad Siyaad Barre ayaa loo maleynayaa in uu madaxweynuhu u magacaabi doono R/Wasaare mar dow iyadoo la sugayey in madaxweynuhu dalka dib ugu soo laabto.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Col. C/qadir Sheikh Cali Diini waxuuna labadii sano ee ugu dambeysay deganaa magaalada Nairobi ee dalka Nairobi wuxuuna ka yimid  Gobolka Ohio oo uu daganaa muddo 20 sano ku dhow.

Warar hoose oo aan heleybno ayaa sheegaya in beesha gedo iyo madaxweynuhu meel dhexe isugu yimideen kadib markii labadii nin ee hore qolaba ey la fiicnaan waayeen.

Madaxweynaha ayaa doonayey inuu magacaabo Cabdi Faarax Saacid iyadoo arrintaasi ey talo ka siiyeen beesha uu ka soo jeedo inuusan magacaabin sida aan warka ku helnay.

Beesha Gedo ayaa olole ugu jiray in Goonjeex ama qof kale oo ey ayagu wax ka ogyihiin loo magacaabo jagada R/Wasaare.

Col. C/qadir Sheikh Cali Diini ayaa ah nin ciidan ah isaga oo aan siyaasada wax weyn kala socon.

Madaxeynaha iyo ninkan loo maleynayo inuu magacaabo ayaa illaa iyo xalay shir aan albaabadu u xirneyd ku lahaa magaalaada Nairobi iyagoo saakana diyaarad isula raacay magaalada Muqdisho.

Waxaa jira olole farabadan oo ka soconaya magaalada Muqdisho iyadoo sidoo kale musharaxiin kale oo ka soo jeeda Puntland ey isku dayayaan iney cariirsadaan booska RW walow wararka aan heleyno ey sheegayaa in la gaaray xiligii gobolka Gedo la magacaabi lahaa.

Wixii war dheeraad ah oo aan helno waa idinla socodsiin doonaa haddii ilaahey yiraado

Alshabab; "Waxaan shacabka Muqdisho ku dhaqan uga digeynaa in ay daaweyn u doontaan AMISOM"

$
0
0

Shiikh Cali Maxamed Xuseen, gudoomiyaha gobolka Banaadir ee Alshabaab oo maanta warbaahinta kulan wareed ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa AMISOM ku eedeeyay in ay dalka Soomaaliya ku fidinayaan cudurka dilaaga ah ee AIDS.

Gudoomiyuhu wuxuu dhanka kale shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee xannuunada iyo dhaawacyada la ildaran ee daawooyinka iyo daaweynta u doonto xarumaha AMISOM kula taliyay in aysan Ciidamadaas wax daryeel caafimaad ah ka raadsan maadaama sida uu sheegay ay ciidamadani dalka ku soo daadgureeyeen daawooyinka AIDS dhaliya waa siduu hadalka u dhigaye.

Reer Muqdisho intooda aan awoodin in ay isku daaweeyaan goobaha gaarka loo leeyahay ayaa subax walba feyl dheer u gala helitaanka daawooyin iyo dabiib lacag la'aan ah oo ay bixiyaan dhaqaatiirta ciidamada AMISOM.

halgankanet@gmail.com

Maxbuus ka Baxsaday Shabaab oo ka warbixiyey xaaladiisa

$
0
0

Sarkaal ka tirsan hay'adda xuquuqda aadamaha ee Isha  Human Rights oo muddo ka badan afar bilood u xidhnaa maamulka al Shabab ee gobolada Bay iyo  Bakool, ayaa ka baxsaday ciidamda al Shabaab.

Caalim Maxamed Hilowle oo bartamaha sanadkan ay al Shabab ka watteen gurigiisa, ayaa lagu eedayay in uu si qarsoodi ah warbixinno ugu gudbiyay, ha'yado caalami ah oo xuquuqda insaanka ka shaqeeya.

Wararka laga helayo ehelada sarkaalkan ayaa xaqiijinaya in jir-dil xoog leh loo gaystay, waxaana markii  laga qabtay gurigiisa loo kaxeeyay magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu gacanta ugu jiray Maamulka Al Shabaab, inkastoo maamlomo ka dib uu magaalada Baydhabo ku celiyay ku xigeenka al Shabab Mukhtar Roobow.

Roobow ayaa wakhtigaasi sheegay in maxaabista lagu qabto magaalada Baydhabo aan loo gudbin karin magaalooyin kale, oo ay muhiim tahay in maxkamad lagu saaro halka lagu qabtay.

Sarkaalka hay'adda xuquuqda aadamaha ee ka baxsaday gacanta al Shabab ayaa wararku ay sheegeen , in uu fursad u helay in uu baxsado mar fasax loo siiyay in uu ka qayb galo aaska wiil uu dhalay oo geeriyooday, waxaana uu ka dhuunta askartii ilaalada loo soo raaciyay.

Wasiirka Dekedaha Puntland oo ku sugan Jarriiban

$
0
0

Wararka ka imanaya Puntland, ayaa sheegaya in wasiirkii Dekedaha, Siciid Maxamed Raage ee shalay ay kaxaysteen kooxo loo malaynayo in ay burcad-badeed yihiin, uu hadda ku sugan magaalada Jiriiban.

Waxaa wararku sheegayaan in ay halkaas uu ku xayiran yahay wasiirku
oo ayna socdaan wadahadallo ay ku lug leeyihiin odayaasha deegaanka oo
haatan wasiirku uu la joogo.

Cabdiraxmaan Koronto, ayaa saaka aroortii
telefoonka kula xiriiray weriyaha BBC Axmed Maxamed Cali oo aan
waydiiyay in uu noo faahfaahiyo wararka ugu dambeeyay ee xaaladda
wasiirka dekedaha Puntland.

Weriyuhu wuxuu sheegay in ilo xog ogaal ah u
sheegeen in aan la dhihi karin wasiirka waa la sii dayay, maadaama ay
waanwaan socoto, kooxihii burcad-badeedadana aysan goobta ka dheerayn.

Odayaasha dhaqanka ayaa ku howlan xasilinta xaaladda.

Weriyuhu wuxuu intaas ku daray in natiijada
waanwaanta laga war sugayo, iyadoo laga wadahadlayo dhibaatadii ka
dhalatay isku dhicii shalay koox burcad badeed ah iyo ilaalada wasiirka
ku dhexmartay deegaanka Jarriiban.

Weriyaha ayaa sheegay in ay u badan tahay in xal
dhow laga gaaro arrinta oo wasiirku ay u badan tahay in uu isagoo madax
banaan u soo ambabixi doono magaalada Garowe.

 

Shacab fara badan oo saakay ka barakacaya qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir

$
0
0

Wadooyinka degmada Hodon ee waa weyn iyo kuwa luuqluuqyada ah ayaa waxaa afarta dhinac isku dhaafdhaafaya Haween, carruur, waayeel iyo dhalinyara dusha ku sita agab wixii ay qaadi kareen.

Shacabkan masaakiinta ah ayaa saakay si aan kala joogsi laheyn uga salka-kacaya  guryohoodi ku yaalay degmada Hodon ee gobolka ka dib markii ay u dulqaadan waayeen dagaalada aan dhamaadka laheyn ee maalin walba ka dhacaya degmadaas iyo hareeraheeda.

Dadka qaar ayaa sheegay in ay guryohooda iska joogi lahaayeen haddii madaafiicda uun laga dhaafi lahaa waxaana weliba naxdin ah in dadkani aysan ogeyn meel ay abaaraan ama u qaxaan.

halgankanet@gmail.com 


Dowladda Jibuuti oo ku dhawaaqday in hadda la gaaray waqtigii ay Soomaaliya ciidamo nabad ilaalineed u diri lahaayeen

$
0
0

Maxamuud Cali Yuusuf, wasiirka arimaha dibadda Jibuuti oo warbaahinta kula hadlay caasimada dalkiisa ayaa daboolka ka qaaday in hadda la joogi xiligii ay Soomaaliya geyn lahaayeen ciidamadooda.

Wasiiruku carabka kuma dhufan waqtiga ay ciidamadoodu gelayaan Soomaaliya balse wuxuu sheegay in maalmo gudahood ay xeeldheerayaal milateri u dirayaan Muqdisho si ay u soo odorasaan xaalada halkaas ka jirta.

Ugu dambeyntii wasiirku wuxuu ku dooday in dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay in ay dhinaca Milateriga ka caawiyaan si nabadda iyo kala dambeynta dib loogu soo celiyo Soomaaliya waa siduu hadalka u dhigaye sidaas darteedna ma jirto buu leeyahay sabab aanu ku diidno codsigooda.

Soomaaliya waxaa haatan ku sugan magaala madaxdeeda Muqdisho dhowr kun oo ciidamo ah kuwaas oo Yugaandha iyo Burundi ka socda waxayna ilaaliyaan ammaanka sadexda nin ee ugu sareeysa dalka, laakiin waxay xasuuqaan sida shacabku rumeysan yahay Soomaalida kale ee Muqdisho ku nool.

halgankanet@gmail.com 

Alshabaab oo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka degmada Xudur guryohoodi kala baxay ka dibna xabsiga u dhaadhiciyay

$
0
0

Degmada Xudur, xarunta maamulka gobolka Bakool wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu xirxiray qaar ka mid ah odayaasha deegaanka.

Odayaashan oo aan la ogeyn sababta loo xiray ayaa waxaa xalay xili ay jiifeen guryohooda ugu galay ciidamo ka tirsan Alshabaab kuwaas oo odayaasha qasab ku soo kaxeeyay ka dibna xabsiga dhigay.

Dadka deegaanka ayaa aad uga walaacsan aayaha dambe ee odayaasha ku jira xabsiga Alshabaab iyadoon la ogeyn ujeedada ka dambeeysa xarigooda.

Alshabaab weli wax war ah kama soo saarin odayaashan ay xirixireen waxaana hadda ku jira gacantooda shan oday oo deegaanka caan ka ah.

halgankanet@gmail.com

Afhayeenka Ahlu Sunna Waljamaaca oo soo bandhigay nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa Amiirada Alshabaabka laguna magacaabo

$
0
0

Afhayeenka ururka Ahlu Sunna Waljamaaca Shiikh Cabdullaahi Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ururkooda uu isu soo dhiibay nin lagu magacaabo Maxamad Maxamuud Cabdulle balse Alshabaabbku u yaqaan Cukaashe.

"Sarkaalkan waxaa lagu magacaabaa Maxamad Maxamuud Cabdulle waxayna Khawaaarijtu ula baxeen Cukaashe oo ay u yaqaanaan, waa 27-jir maanta ayuuna go'aansaday in uu ka soo goosta Khawaarjita" Sidaas waxaa warfidiyayaal u sheegay Afhayeenka Ahu Sunna Waljamaaca.

Magaalada Dhuusamreeb oo ka mid ah deegaanada ay ka taliyaan Suufiyiintu ayaa waxaa shalay galab fagaare ku yaal warbaahiyayaasha iyo shcabkaba kula hadlay ninkan ka soo ruqay Alshabaabka waxaana mar uu saxaafada la hadlayay isagoo baaq u diraya dhalinyarada Alshabaabka la safan eraydiisi ka mid ahaa; "Dhalinyarada waxaan ugu baaqayaa in ay ka soo tagaan Alshabaab waayo waxaana ogaaday in ay dhibaato ku hayaan shacabka".

Ugu dambeyntii afhayeenka Ahlu  Sunna ayaa sheegay in ninkan oo kaliya uusan ka soo goosan Alshabaab balse ay dhowaan soo bandhigi doonaan rag kale oo u adkeysan dhaqanka arxan darada ah ee Alshabaabka ka gadaalna dhankooda u soo goostay.

Dhinacyada ku dagaala Soomaaliya ayaa inta badan soo bandhiga shaqsiyaad sida ay sheegaan ka soo goostay dhanka kale waana qeyb ka mid ah daagalka afka ee u dhexeeya xoogagan dagaal waxba ku kala qaadi waayay.

halgankanet@gmail.com 

Ergeyga Cusub ee arimaha Soomaaliya ay u magacaabeen Midowga Afrikaanka oo sheegay in uu u kala dab-qaadayo Dowladda, Alshabab iyo Xisbul islam

$
0
0

Jerry Rowlings, Madaxweynihii hore ee dalka Ghana oo haatan ay Midowga Afrikaanku u magacaabeen arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu shaqadiisa dhowaan gudageli doono.

Mr. Rowlings oo sida uu sheegay aad ula socda xaalada Soomaaliya ayaa dhexdhexaadin ka dhex bilaabi doona dhinacyada isku haya siyaasada Soomaalida isagoo si gaar ah carabka ugu dhuftay Alshabaab, Dowladda iyo Xisbul islam.

"Soomaaliya waxay u baahan tahay dib u heshiisiin sidaas darteed waxaan heshiis raadintaas u marayaa meelkasta si aan u xaqiijiyo xalka Soomaaliya" Sidaas waxaa magaalada Accra, xarunta dalka Ghana ka sheegay Jerry Rowlings.

Alshabaab iyo Xisbul islam ayaan la ogeyn sida ay ugu dhega nuglaan doonaan hadalkan ka soo yeeray ergeyga gaarka ah ee ururka Midowga Afrika uga wakiilka noqon doona arrimaha Soomaaliya balse la arki doonee sida hadalkiisan nabad-doonnimadu hadda ka muuqato ay uga jawaabaan.

halgankanet@gmail.com

SIDDII WEEYE BAAHIDA SHACBIGA IYO TA DEEGAANKUBA RAGA XILKA LOO DOORTAY XAFLADAHA U DHIGANAYOOW.!! (FIKRAD)

$
0
0

SIDDII WEEYE BAAHIDA  SHACBIGA IYO TA  DEEGAANKUBA  RAGA XILKA LOO DOORTAY  XAFLADAHA U DHIGANAYOOW.!!

Waxaan salaamayaa dhamaan umadda Somaliyeed,Gaar ahaan waxaan si  balaadhan u salaamayaa shacbiga intiisa jilicsan ee baahidda iyo darxumaddu astaanta u noqotay een weli helin maamul dareema dhibta iyo murugadda la deriska ah,waxaanan Alleh uga rajeynayaa naxariistiisa balaadhan iyo dayac tir ummadaa baahideeda  ayaan Alleh uga baryayaa.Amiin, Amiin

Sidda aynu wada ogney shacbigeenu inta baddan waa dan yar aan ku tiirsaneyn ururro samo fal ah,wasaaraddo  dawladdeed oo baahiyaha shacbiga wuxuun ka taageera ama gacan ka geysta qoyseska gaajadu dubatay iyo waayeelka jiifka tahliwaayey darxumo owgeed iyo xoolahooda dayaca deegaanku saameeyey.Shacbigeenuna  laftiisuna ma laha xirfad ay ka dhaxleen maamuladdii is daba jooggey ee soo maray  waxaan dhib ahayn kama ay dheefin ma jirto xadhig ay cidi u soohday umaddan oo meeluun ay baahidooda kaga dagagaraan. Dhan kaad eeg-taba waa umad goblan lagu tilmaami karo markaad jaleecdo waayahooda guud ee aad eegto xaaladooda iyo taariikhda baahiyeed ee ay leeyiin umaddani, ciddii xilka u soo cumaamadataana wax yeelo mooyee ceel umay qodin shinbiri ka cabto.


Shacbigeena waxa  ku geddaaman dhibaatooyin dabiiciya iyo kuwo  xaalad xirfad la‘aaneed ,maamul xummo, iyo mid dhaqanka ay leeyiin sabab u yey wax yeelada ummada oo aan odhan karro waa arinta racfaamisay kobaca bulshada iyo horumarinta dadka iyo deegaankaba.Aduunyada waxa ugu darran qoomiyad dhaqankeedda iyo hidaheedu lid ku yahay iyaga laftooda wax yeelo weyna u geeysanayo, deegaankooda, xoolahooda,iyo dad ahaantoodaba.Dhibta dhaqanka aynu leenay  ku hayo deeggaanka iyo xoolaha waxa aan odhan karaa nabaadguurka dhulka dhaqanka qaarkii ayaa u sababa.


In kastoo wakhtiyadii hore ee dunidu mugdiga ahayd ee aynaan lahayn awood iyo xadaarad horumar lagu gaadho waa sax in dadku dhirta u isticmaalaan hoyga iyo qalabka kale ee loo adeegsanayo nolasha markaad dib u jaleecdo hoyga reer guuraageenu ay dhistaan iyo weelka iyo qalabka ay adeegsadaanba waxa uu ka sameysan yahay dhirta runtiina waa arinta kaliftay in dadku ku dhiirado dhirta oo uu si howl yar u jaro xataa markii loo gudbay wakhtiyadii casriga ee laga maarmay in hoyga iyo weelka laga sameysto dhirta.Weli fandhaalkii,udubkii,koortii,dhigtii sarabkii,kebadii,hadhuubkii,daabkii-gudinta,qabaalkii,digga-diga-xaadhkii,, dhuxushii,moofadii,maraaqii la shidayey,  ama aynu u calaacalayno.


Mushtamacan ma laha xirfad ay ka dhaxleen maamauladii soo maray ilaa wakhtigii isticmaarka iyo kan maanta taagan ba ma jirto cid wakhti gelisay in hoos loo eego dhibta la deriska ah. Laba wakhti uun baa la xasuustaa oo weliba raga xilka hayaa xasuustaan mar waa maalinta Vote-ka uu uga baahan yey maalina waa maalinta uu nin xil raadisi dagaal galinaayo waa in ummada siddan loo dhaamo oo caqliga dhanka fiican loo jiheeyaa.

Miyaanay  Dawladan iyo indheer-garadka iyo ganacsatada xil ka saarreyn sidii xal loogu heli lahaa arimahaa dhibta weyn ku haya ummada iyo xoolahaba iyo weliba quruxdii deegaankaba maxaa wasaaradaha ay arintani khusaysaa kaga meeraysanayaan magaalooyinka miyaan loo dooran in ay howlaha umaada iyo deeganka haysata in ay wax ka qabtaan, maaha in fadhiga iyo  mashaariicda dhalanteedka ah lagu siiyo abaal gud iyo amaan beena.Wasaarada hawlahan qaabilsani waa in ay mashaqadan soo jireenka ah wax muuqda ka qabataa marka la arko masuuliyiintii oo ku hawlan wax qabad mushtamucuna wuu ku garab galaa heegana waa loo noqonayaa wax qabadka ee waa in laga helaa masuuliyiinta dedaal dhaba maaha war bixin iyo qoraal laba xafiis isu gudbiyaan oo kaliya.

Ururro iyo hay’ado aad u badan oo magac deegaan iyo magaalooyin sita ayaa dalka jooga oo aan wax ay dhibatooyinkaa ka qabtaan aanay jirin balse  wax kale ayay ka shaqeeyaan ee deegaanka waxba kama qabtaan mana jirto cid la xisaabtanta oo dabagal ku samaysa shaqadaas ay sheeganayaan in ay ummada u qabtaan waana arin u baahan in hoos loo eego wax-ma tarayaasha fadhiga ku Raamsanaya ee hadana baahida moholin iyo siigodan hadal haya balse aan halkaa u dhaafin.


Shakhsiyan waxaan soo jeedinayaa in wasaaradaha sidda tooska ah ay u khuseyso arintani iyo muwaadiniinta daneynayaaba ay figradaha umada iyo talooyinkooda ay u sameeyaan weel lagu uruurriyo iyo barnaamij iyo wakhti lagu fallanqeeyo si xal degdega loogu helo dhibaatadan ummada iyo xoolahaba,deegaankaba wax yeelada ku haysa.Weliba aniggu waxaan u soo jeedinayaa dawladu in ay madnuucaan isticmaalka dhirta ganaaxna lagu soo rogo ciddii isticmaasha waana in ay dawladu diyaarisaa bedelkii isticmaalka dhirta, wey sahlantay sidda bulshada loogu dhiiri geliyo wixii u dan u ah iyaga iyo xoolahoodaba cidda ay doorteen ee ay u dirteen horumarinta waa dawlada iyo madaxda markaas xilka gacanta ku haysa.

Dhulkeenu waa laba qaybood sidiisaba qeybi waa taa reerguuraaga iyo xoolahooda ku fiican ee ay ku dhaqanyiin waxaanan ku qiyaasi karaa 90% qeybina waa in yar oo ku fiican beero iyo wax soo saar ka raashinka oo aan iyana ku qiyaasi karo 10% guud ahaana  dhulkeena  waxa lagu qiyaasaa  137800 Km square, si wax looga bedelo deegaamada iyo baahida dadka iyo xoolaha waa in wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyigu ay xilkeeda gudataa dawlada iyo shacbiguna gacan ku siiyaa kuna taageeraa wasaaradaas runtiina waa in abaabulka arintan laga bilaabaa sida tan.


1-Waa in la sameeyaa guuddi xoogan oo joogto ah oo daraasad ku sameysa dhibaatooyinka iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibtaa deeganka ee dadka iyo xoolahaba dhibta ku haysa waa in culayska la saaraa siddii biyaha tire-da yaacaya loogu duwi lahaa dhulka u baahan iyo dhirta xooluhu daaqayaan tuule walba waa in loo carbiyaa sidii ay howshan wax uga qaban lahayeen waa 12-bilood loo fadhiisiyaa biyaha si noloshu ugu sahlanaato dadka  iyo xoolaha waa in dawladu hormood ka noqotaa arimahan lagu daryeelayo umada iyo deeggaanka, waa in umaddu ahaadaan kuwa loo adeegayo ee loo xaydenyey taageeradooda.

2-Waa in la sameeyaa maalin la xusso oo xasuus iyo xiisaynba leh oo la yidhaa  “Maalinta Daryeelka iyo Kabidda Lafdhabarta Deegaanka iyo Ummada“.Guusha iyo horumarku cidda xilka haysa waa u sharaf waa u guul waa u dhaxal ay reebeen oo lagu xasuusan doono haddii ay gutaan howlaha horyaala maanta oo ay ka fa‘iideeyaan janiska hor yaal ee ay mudded wax ugu qaban karaan runtii umadana waa u hiil iyo horumar oo waa u nolol iyo taageer wacan iyo kurbo ka hadhay waanay ku farxayaan maamulkii ay doorteen oo garab taagan oo daacad ugu adeegaya.Waxa aynu markhaati ka wada nahay umadda in aan ciddi weli wax ay u qabato daayoo aanay maalina ka fikirin dhibkooda cidiise ku talaabsata arin wax loogu qabanayo ama wax lagu tarayo umadda iyo deeggaanka waxa ay noon doonaan kuwii ugu horeeyey ee daryeelka umadda guul ka gaadhay.

Gunaannad…Waxaan ku soo gebogebeynayaa qoraalkeygan tilmaanta iyo talada xanbaarsan ummad la tumay bay talo jirtaa waa in fadhiga laga kacaa oo umadda iyo deegamadaba baahiyahooda wax laga qabtaa oo dhibaatada jirta xal loo helaa oo maamulka hada talada hayaa uu kor uga kacaa halka maanta itaal iyo magacba yaalo.Haddii aan umaddaa wax loo qaban qaranimo iyo dakhli jirayaa ma jirto sidda aynu wada ogsoonay dadkeenana hab dhaqankooda nololeed waxa uu ku tiirsanaa  oo uu kuxidhnaan jiray  ilaa hadana  uu ku xidhan yahay ama dhaqaalaheenuba ku tiirsan  yahay waa xoolaha noon waxa wax  inaga soo galaana waa xoolaha nool in la daryeelo oo lagu tabcaa waa daruuri.Dawladu ha ku dhaqaaqdo sidii loogu gurman lahaa ummadaa iyo xoolahaba mushtamaceena 95% ayaa ah xoolodhaqato ama reer guuraa hadii dhibtooda layska indho tiro oo laga gaabsado doontu mar bay wada degeysaa.

Maxamed-Amiin Dahir Caynaanshe

Columbus, Oh/Usa

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live