Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wararkii Ugu Danbeeyay Khilaaf Siyaasadeed Oo Ka Dhex Aloosan SIyaasiyiinta Ka Soo Jeeda Gabiley Oo Markii U Horeysa Banaanka U Soo Baxay Ka Dib Markii Wasiirka Ganacsiga Loo Diiday

0
0

Gabiley-(Idhanka) Maayarka magaalada Gabiley md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa shalay wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ka hor istaagay inuu odayaal iyo wax garad kale shir kula yeesho hoolka shirarka ee dawladda Hoose.
Wasiir Maxamed Cabdillaahi, ayaa magaalada Gabiley u tagay kulan uu doonayay inuu la yeesho waxgaradka iyo odayaasha, waxaanu qorshihiisu ahaa inuu [...]


“Xildhibaanada Goleyaasha Deegaanka Waxaan Leeyahay Maayirada Hawshaas Ayeynu Ku Eegaynaa Sida Ay U Qabtaan, Markaas Ayeynu Arki Ka Qaban Waaya” Wasiirka Arrimaha Gudaha

0
0

 
 
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cade iyo Maayirada Dalka, ayaa kulan ka yeeshay sidii loo fulin lahaa qorshe kor loogu qaadayo bilicda Magaalooyinka Dalka oo dhowaan la billaabi doono.
 
Kulan kan oo maanta  ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ahaa mid ay Albaabadu u xidhnaayeen, ayaa waxa  shir guddoominayey Wasiirka Daakhilaga Cali Maxamed Waran Cade, waxaana lagaga wada hadlay intii uu kulankaasi socday qorshe ay Wasaaradda Arrimaha Guduhu soo diyaarisay oo ku saabsan sidii bilicda Magaalooyina Dalka kor loogu qaadi lahaa, kaas oo la sheegay in la bilaabi doono horaanta bisha soo socota.
 
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo markii uu kulankaasi soo dhamaaday la hadlay Warbaahinta, ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen Maayirada, waxaanuu sheegay inay isla qaadeen in horraanta bisha soo socota dalka laga billaabi doono qorshe kor loogu qaadayo bilicda Magaalooyinka Dalka, isaga oo Goleyaasha deegaankana baaq u diray.
 
Cali Waran-cade oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi Waxaanu la shirnay maayaradii magaalooyinka dalka oo aanu ka wada hadalnayn hawsha dib u habaynta bilicda magaaloyinka, waxaanu u sheegaynaa dadweynaha reer Somaliland iyo ganacsatadaba  in la bilaabi doono ololaha dib u habaynta bilicda magaaloyinka Somaliland bisha soo socota kowdeeda, waxaanan dadweynaha ka codsanaynaa inay u diyaar garoobaan sidii wakhtigaa loo bilaabi lahaa dib u hagaajinta bilicda, iyada oo ay wada shaqayn doonaan dadweynaha hawsha ka qayb galaya iyo dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka”
 
 
Wasiir Cali Maxamed Waran Cade oo hadalkiisi sii wata ayaa ugu baaqay golahayaasha deegaanka ee magaalooyinka dalka inay dib u dhigtaan khilaafaadka ka dhex taagan dhexdooda mudada lagu gudo jira hawsha dib u habaynta bilicda magaalooyinka  waxaanu yidhi  “Waxaan jecelahay inaan halkan ka sheego waxyaabaha I soo gaadhaya ee ay ka mida tahay in dawladaha hoose uu ka imanayo muran badan oo aad moodo inuu tartan ka dhex jiro, waxaan u soo jeedinayaa dhamaan xildhibaanada, Maayarada iyo cid kasta oo ay masuuliyad saaran tahay  inay xurguftooda dib u dhigaan oo ay bishan u diyaar garoobaan sidii magaaloyinka horu markooda looga shaqayn lahaa iyo sidii bulshada idin soo dooratay u tusi lahaydeen inaydaan dalka u soo shaqo tagin, balse aad u shaqaynaysaan,  sidaas awgeed nin walba waxa lagu qiimayn doonaa sida uu  uga qayb qaato ololahan, muddadaa ay hawluhu socdaana waxaan farayaa inay si wanaagsan oo walaaltinimo ah u wada shaqeeyaan wixii khilaafana ay dib u dhigtaan” ayuu yidhi wasiirka arimaha gudaha Somaliland.
Ugu danbayntii wasiirka arimaha gudaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Iyada oo  aanu doonayno in magaalooyinka waaweyn ee leh laamiyada in aynu dib u habayn ku samayno oo bilicdooda iyo qurxintooda aynu dib u bilawno, iyada oo aynu ka duulayno  wixii aynu qabsan karno oo ay ka mid taha inaynu bilicdeena hagaajisano, xashiishka inaynu iska xaadhno, iyo wax kasta oo aynu awoodi karno inaynu qabsano wixii aynu ka maarmi waynana aynu aduunka la kaashano” Ayuu yidhi Cali Maxamed Waran Cade.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade sidoo kale waxa uu sheegay in Maayiradda lagu qiimayn doono sida ay u shaqeeyaan, waxaanuu yidhi “Horta waxa aynu eegi doonaa sida ay u shaqeeyaan Maayiradu oo shaqada ayaa lagu eegi doonaa, markaas ayaa loo wada joogi doona kii ka soo bixi waaya shaqadiisa”
Cali  Maxamed Waran Cade waxa uu sheegay in la dhamayn doono khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland iyo Maayirka Magaalada Gebilay, taas oo uu tilmaamay inay ahayd mid iska fudud.
HARGEYSA SOMALILAND

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Oo Golayaasha Degaanada Ugu Baaqay In ay Iska Ilaaliyaan Khilaafka Mudo Cadna U Qabtay Bilowga Bilicda Magaalooyinka

0
0

Hargeysa-(Idhanka) Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade ayaa faah faahin ka bixiyey kulan xarunta wasaarada arimaha gudaha ku dhex maray maayarada magaalooyinka dalka.
Ugu horayn wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo ka hadlaya kulanka uu la qaatay maayarada
dalka ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu la shirnay maayaradii magaalooyinka dalka oo aanu ka [...]

Maayorka Gabiley Oo Markii U Horeysay Ka Hadlay Eedaymo Loosoo Jeediyay Inay Kaxidheen Xafiisyadii Dawlada Gebiley Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland

0
0

Gabiley-(Idhanka) Maayarka Gabilay Shucayb Maxamed Muuse oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa jawaab ka bixiyay safar uu shalay wasiirka Ganacsigu ku tagay Degmadaasi, kaasoo uu sheegay in la siyaasadeeyay balse aanu isagu ka war hayn.
Maayarka Gabilay waxa uu sheegay in aanay jirin Hool uu ka hor istaagay wasiirka isla markaana aanu wasiirkuna ku soo [...]

44 Qof Oo Muslimiin Ah Oo Lagu Dilay Masaajid Ku Yaalla Dalka Nigeria Iyaga Oo Salaad Ku Jira

0
0

 
Masaajid ku yaalla Dalka Nigeria, ayaa la sheegay in lagu dilay dad muslimiin ah oo ay tiradoodu kor u dhaafayso 44 qof oo  markaasi la laayey ku sugnaa goob Masaajid ah oo ay Salaad ku jireen
Dadkan Masaajidka lagu laayey, ayaa la sheegay inay dabley hubaysan oo aan la aqoon haybtooda ay weerarkaas fuliyeen, waxaanuu falkan fuusha xumi ka dhacay Magaalada Konduga ee ku taalla dhinaca Waqooyi Bari ee Dalka Nigria.
Deegaamadda uu weerarkani ka dhacay, ayaa waxa ku awood baddan  Ururka Islaamiga ah ee u dagaalama in Dalka Nigeria lagu maamulo Shareecada Islaamka ee lagu magacaabo  Boko Haram, waxaanuu weerarkani noqonayaa kii ugu darnaa ee lagu laayo dad muslimiin ah dalkaasi.
Weerarkan, ayaa waxa cambaaraysay Dowladda Dalka Ingiriiska oo ku tilmaantay mid bani aadannimada ka baxsan oo lagula kacay dad aan waxba galabsan.
HARGEYSA SOMALILAND

Jaamacadda Plasma oo Waxqabadkeeda ku soo bandhigtay Muqdisho

0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Munaasabadda oo aheyd mid logu dabaal degayay Guulihii dhawaan ay gaartay Jaamacadda Plasma oo kamid ah Jamaacadaha ugu caansan ee ku yaala Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa ay ka dhacday Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Macalimiinta wax ka dhiga Jaamacadda Pal Asma, Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kala oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Jaamacadda Pal Asma Xasan Maxamed Xasan oo Saxaafadda la hadlay kulanka kadib ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay heerarka waxbarasho ee Jaamacaddaas iyo waxyaabaha ay hiigsaneyso Mustaqbalka.
Munaasavadan ayaa qeyb ka aheyd Barnaamijo horumarineed ee ku soo bandhigeysay wax qabadkeeda ku aadan waxbarashada iyo horumarka Soomaaliya.

MSF oo Joojisay Gargaarkii Soomaaliya

0
0

Hay'adda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo maanta ay joojisay howlihii gar-gaar ee ay ka waday Somalia, sababo la xiriira weeraro lagu qaaday shaqaalaheeda.

SAFAARADA SOOMAALIYA EE YEMEN OO BEENISAY IN LA XIRAY GEN: NAAJI

0
0

Ku xigeenka qunsulka guud ee Safaarada Soomaalida ee madaalada Cadan Xuseen Xaaji Axmed ayaa beeniyay war dhawaan ay saxaafaddu Shaacisay oo sheegayay in maalinimadii Axada la xiray safiirka Soomaaliya ee Yaman Janaraal Ismaaciil Qaasim Naaji
Xuseen Xaaji ku xigeenka qunsulka guud ee Safaarda Soomaalida dalka Yaman oo Shabelle la soo xiriirayay Isgaoo ku Sugan dalka Yaman ayaa sheegay inuusan jirin warkaasi ,islamarkaana ay uu yahay mid looga been abuuray Safiirka.
Ku Xigeenka Qunsulka Guud ee ayaa sidoo kale sheegay in safiirka uu ka soo dhoofay magaalada Sanca ,kadibna uu yimid Magaalada Cadan halkaasina ay safiirka iska soo raaceen ayna u soo gudbeen Magaalada Qaraj oo ay ku qeebiyeen deeq Macaawino ah oo ay u soo dhiibtay Dowladda Imaaradka Carabta.
Waxaana Safiirka socdaalkaasi uu ku tagay Magaalada Qaraj Ku wehliyeen Fanaaniin Qurbo joog ah iyo xubo kale oo ka tirsan Safaarada Soomaalida Cadan ee dalka Yaman.
Ugu Dambeytii Xuseen Xaaji ayaa sheegay in wararka laga Baahiyay Safiirka Safaarada Soomaalida Yaman uu yahay mid aad waxba ka jirin, isagoo sheegay in Safiirka uu ka soo raacay magaalada Cadan,aysan jirin meel lagu xiray Safiirka iyo Xubnaha la socday.
Dhawaan ayey ahayd marlii la sheegay in Gen Naaji iyo xubno la socday la xiray kadib markii meel koontarool ah oo ay joogeen ciidamada Yemen la waydiiyey Safiirka Dukumentiyadiisa isagoo xilligaasi aan wadan iyo fasax Djaqdhaqaaqa uusan ka wadan dawladda Yemen


Hargaysa Oo Saaka Ku Waabariisatay Baadhitaano Xoogan Oo Iskugu Jira Gaadiidka Iyo Dadka Saaranba Oon Hore Loo Baran

0
0

Hargaysa (Idhanka) waxaa saaka aroortii lagu arkay ciidan tiro badan oo lagu soo daadiyay wadooyinka waawayn ee magaalada hargaysa.
Ciidankan ayaa waxay baadhitaano xoogan ku sameeynayeen gaadiidka iyo dadka fuushan gaadiidka noocyadiisa kala duwan kuwaas oo meel walba lagu baadhaya iyadoo dadka qaar ay mushquulka awgii kaba dageen baabuurtii ay saarnaayeen oo ay iskaba lugeeyeen iyagoo [...]

Dhageyso: Dowladda Puntland oo sheegtay inay ka xuntahay go’aanka MSF ku joojisay howlihii Soomaaliya ay kawaday.

0
0

Dawladda Puntland ayaa ka hadashay go’aankii ay hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ay ku qaadatay inay joojisay dhamaan hawlihii shaqo ee ay ka wadday Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame,  oo goor dhawayd oo caawo lahadlay idacaadda maxaliga ah Radio ayaa sheegay in xogta ku saabsan go’aanka joojinta shaqooyinka Soomaaliya ay ka wadday MSF uu so gaaray maanta duhurkii, ayna la qabaan Soomaalida oo dhan, balse ay ka xunyihiin hase ahaatee ay ku dadaalayaan inay buuxiyaan booskii ay bannaysay MSF.
Wasiirka ayaa sababta keentay go’aanka hay’adda uu yahay dhibaatooyin shaqaalaheeda loogu gaystay koonfurta Soomaaliya iyo xeryaha qaxootiga Keenya balse aysan jirin dhibaato loogu gaystay Puntland, taas badalkeedana waxaa uu wasiirka carabka ku dhuftay in wanaag badan loogu sameeyay Puntland.
Maalinta barri ah ayuu sheegay dawladda Puntland bayaan dhamaystiran  inay ka soo saari doonto warka ka soo baxay hay’adda MSF oo hawlo badan oo caafimaad ka qaban jirtay Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.
Maanta ayay ahayd markii hay’addu ay si rasmi ah ushaacisay inay gabi ahaanba joojisa dhammaan hwolihii shaqo ay ujoogtay dalka Soomaaliya.
Dhageyso codka wasiirka caafimaadka .
Wasirka Cafimadka Dr Cali Cabdulahi Warsame
Buraannews.com- Garowe

WAR DEG DEG AH- DAAWO SAWIRADDA- Khasaaraha Nafeed Ee Dhimashadda Iyo Dhaawaca Leh Ee Ka Dhashay Isku Dhacyadda Xoogga Leh Ee Ka Socda Masar, Iyo Madaxweynaha Masar Oo Goor Dhawayd Ku Dhawaaqay Bandoo Muddo Bil Ah Socon Doonta

0
0

Qaahira-(Idhanka)-Madaxweynaha dalka Masar ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay in bandoo muddo bil ah socon doonta lagu soo rogay dalka Masar, waxaana cirka isku sii shareeray isku dhacyadii gacan ka hadalka ahaa ee dhexmaraayay Dibad baxayaasha taageersan Madaxweynihii hore ee xukunka laga tuuray ee Mahammed Morsi iyo Ciidamadda amaanka ee dalka Masar.
War ay goor dhawayd soo [...]

Shir Lagaga Hadlayo Wadahadallada Somaliland Iyo Somalia Saamaynta Ay Ku Yeelan Karaan Bulshada Iyo Siyaasadda Labada Dhinac Oo Hargeysa Ka Furmay

0
0

 
Kulan ballaadhan oo socon doona muddo laba cisho ah, oo ku saabsan wada hadallada Somaliland iyo Somaliland u socda iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Bulshada iyo sii kala fogaanshaha siyaasadeed ee labada dhinac, ayaa maanta ka furmay Huteenka Maansoor ee Magaalada Haregeysa, waxaana kulankaasi furay Guddoomiyaha Kowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.
Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Hargeysa qaybteeda Kuliyadda Xalinta Khilaafaadka, ayaa waxa kale oo ka qayb galay, Wasiirka wasaarada madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Md. Mowliid Maxamuud Ibraahim, waxaana ka qayb qaadanaya siyaasiyiin reer Somaliland ah oo ay ka mid yihiin Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Wasiiradii hore ee wasaaradaha maaliyadda iyo warfaafinta Somaliland Md maxamed Xaashi Cilmi iyo Boobe Yuusuf Ducaale iyo aqoonyahanadda kale oo reer Somaliland, gudoomiyaha Jaamacadda Hargaysa Prof. Cabdi Xuseen Gaas iyo Gudoomiyaha xallinta khilaafaadka Aadan Xaaji Cali ee Jaamacaddaasi.
Kulankan ayaa inta uu socdo waxa lagaga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin, Doorka ay wadahadalada soconaya ku yeelan karaan qaybaha bulshada rayidka ahi, Saamaynta ay wadahadalada ku yeelan karaan kala fogaanshaha xaaladaha siyaasadeed iyo ammaan ee ay ku kala sugan yihiin dalalka Somaliland iyo Somalia,  Waxyaabaha ay hogaanka Somaliland ka baran karaan hogaanadii lixdameeyadii ee dalkan hagayey,  Kaalinta ay wadahadaladan ka ciyaari karaan dalalka deeq bixiyayasha iyo kuwa deriska ah ee lahaa fikraddii hore ee ahayd in Somaliland iyo Somalia ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyasadeed.
HARGEYSA SOMALILAND

Daawo Sawirrada Madal Kulmisay Siyaasiyiin Kala Irdhoobay Oo Lagaga Hadlayay Mustaqbalka Danbe Ee Somaliland Iyo Wadahadalada Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
0

Hargeysa-(Idhanka) Kulan balaadhan oo wax layskaga waydiinayey mustaqbalka wada hadalladii Somaliland Somaliya ayaa lagu qabtay Hotelka Maan-soor ee magaalada Hargeysa.
Furitaankii shirkaa waxaa ka hadlay madaxa Machadka Nabadda iyo xallinta khilaafaadka Aadam Xaaji Cali Axmed waxaanu sheegay inuu shirkani yahay mid wax layskaga waydiinayo sidii  dadka wax yaaqaanaa sida arayda Jaamacadaha oo kale.
“waxaynu doonaynaa inaynu shirkan [...]

Masar: Tirada Dhimashada oo Kor usii Kacday

0
0

Tirada dhimashada ee rabshadaha u dhaxeeya taageerayaasha Maxamed Mursi iyo milateriga Masar ayaa boqolaal gaareysa. Halka dhinaca kalena uu is casilay Maxamed Al-Baradici oo DKMG ah ee Masar ka ahaa madaxweyne ku-xigeen.

Siyaasi ka soo jeeda Bariga Sanaag oo Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed Eedaymo culus u soo jeediyey

0
0

 
Guddoomiye ku xigeenkii afraad ee ururkii xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinkii golayaasha deganka Maxamed Xasan Siciid  oo ka mida ah siyasiyiinta ka soo jeeda bariga sanaag ayaa  sheegay in xukuumada madaxwayne axmed siilaanyo ay indhaha ka qarsatay in wax xilala u magacawdo siyaasiyiinta bariga sanag ee ku jira  xisbiga kulmiye  tilmamayna in wasiirka cusub ee loo magacabay kaluumaysiga iyo khayeaadka bada cali jaamac buureed uu ahaa wasiirkii butland ee watay ciidamadii soo weeraray degmada dhahar iyo mijiyahan ee bariga sanaag isagoo intaa ku daray in arin qaldan tahay in masuuliyiinta xilalka loo magacabayo laga  tix geliyo kuwa xilalka ka qabta maamul goboleedka Puntland.
Maxamaed Xasan Siciid oo  shalay haatuf xogwaraysi kooban siiyey ayaa waxaa uu intaa ku daray in habkii xisbiyada badan aanu si dhaba loo fulin, xisbiga Kulmiyana ku dhaliilay in aanu tix gelin xubnaha ka soo jeda bariga sanaag ee lasoo halgamay ,waxaa uu yidhi “Xisbiyadii hab beeleedka looga guuray waxay noqdeen kuwo aan shaqayn, xisbiga Kulmiyana  siyasiyiintii sanaag bari ka soo jeeday wax xilalal ah oo laga siiyey ma jirto waxaana nasiib daro ah in wasiirada  loo magacaabayo degankaa looga yeero dhinaca Puntland. Wasiirka loo magacaabay kalluumaysiguna Cali Jaamac Buured waxaa uu ahaa wasiirkii butland ee watay ciidamadii butland ee sooo weeraray degaanka mijiyahan iyo degmada dhahar ee bariga sanaag, xiligii ay yimadeen waftigii xukuumada soomali land degmada dhahar sidaa darteed waxaa su aalo layska waydiinayaa sababta wasiirada Puntland ka yimada looga tix geliyo xukuumada Somaliland”.
 
HARGEYSA SOMALILAND


“Si loo ilaaliyo qaranimada iyo midnimada Somaliland ee loo soo halgamay, waxa loo baahan yahay in wada hadal lagu dhameeyo is mari waaga ka dhex taagan xukuumadda iyo siyaasiyiinta la baxay golaha wada tashiga” Hadraawi

0
0

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa ugu baaqay xukuumadda somaliland  Iyo siyaasiyiinta la baxay Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka inay khilaafkooda ku dhameeyaan wada hadal. Waxaanu mucaarid iyo muxaafidba u soo jeediyay inay ahmiyadda saaraan ilaalinta midnimadda qaranka Somaliland.
“ Si loo ilaaliyo qaranimada iyo midnimada Somaliland ee loo soo halgamay, waxa loo baahan yahay in wada hadal lagu dhameeyo is mari waaga ka dhex taagan xukuumadda iyo siyaasiyiinta la baxay golaha wada tashiga, Cid aynu ku xidhan nahay oo wax innagu kor dhisa oo wax inagu biirisaa ma jirto, markaa waxaan u malaynayaa ummada dhex joogta dalka iyo maamulka hogaaminaya dhammaanteen waxba la hagrran maayo ,waxa yar ee maanta gacanta lagu hayo ayaa karaamadeenii ku dhisan tahay, waxaan labada dhinac kula talin lahaa waa la iswada garanayaaye, in la isa soo hor fadhiisto, in la wada hadlo oo dhinac waliba waxa ay la tahay sheegto oo la ilaaliyo Qaranimada iyo midnimada ummada aayaheedda, Waxa loo baahan yahay dhinac saddexaad oo soo dhexgala oo waxa laysku hayo ogaada, waa dawladda iyo dhinacaa aynu ka hadlayno, waa loo baahan yahay oo waa shay meesha ku jira in laga hadliyo nimankan magacooda aynu sheegayno oo mushkiladooda la waydiiyo oo la soo fadhiisiyo, waxa mar walba la ilaalinaynaa Qaranimada iyo midnimadda,”
 
HARGEYSA SOMALILAND

“Waxay isku wada qaaday Innaga iyo Soomaaliya, wax dhibaato ah oo dalkeena kaga dhacayna ma jiro, Maanaan fahmin sababta ay u baxday Hay’adda MSF” Wasiirka Qorshaynta Somaliland,

0
0

 
 
Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay tallaabadii ay hay’adda caalamiga ah ee dhakhaatiirta aan xuduudka lahayn ee MSF kaga baxday dalka, taasi oo 14-kii bishan ku dhawaaqday in ay joojisay dhamaanba hawlihii ay ka haysay guud ahaanba Soomaaliya oo ay Somaliland-na ku jirto.
Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shirre oo xalay khadka telefoonka ugu waramayay wargeyska DAWAN isaga oo jooga magaalada Hargaysa ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadaasi ay hay’ada MSF kaga baxday Somaliland isla markaana ay faraha kaga qaaday xarumihii caafimaad ee gacanta ku haysay oo uu ka mid ahaa cisbitaalka guud ee magaalada Burco oo ay muddo dheer gacanta ku haysay.
Dr. Sacad Cali Shirre, waxa uu sheegay in markii ay baxday hay’adda MSF ay ku wargelisay xukuumadda Somaliland bixitaankeeda balse aanay jirin wax cabasho ah oo ay hore hay’adaasi ugu soo gudbisay. Waxaanu tilmaamay wasiirku in muddadii ay ay hay’adaasi gacanta ku haysay cusbitaalka Burco ay wax badan ka qabatay. waxaanu yidhi “Way na wargelisay hay’adaasi MSF bixitaankeeda, aniga waxaa la ii keenay waraaqda doraad Arbacadii todobaadkii ina dhaafay ee ay bishu ahayd 14-ka, waxaanay na ogaysiiyeen markii ay baxeen, laakiin markii hore wax cabasho ah marnaba noogama ay iman hay’adaasi, bal se markii ay baxday ayay warqada noo keentay, oo ay yidhaahdeen waanu ka baxnay Soomaaliya dhulkii la odhan jiray oo dhan, oo aanu ka shaqaynaynay muddo (22) laba iyo labaatan sanadood ah. meelo badan ayaanu ka shaqaynaynay ayay yidhaahdeen, laakiin inta badan meelaha ay ka shaqaynayeen waxay u badan yihiin Koonfurta Soomaaliya, sida Muqdisho, Af-gooye, Dayniile, Bal-cad, Jawhar, Jilib, Kismaayo, Mareeray iyo Gaalkacayo. runtii waa nasiib darro arrinta ay ha’adu ku dhaqaaqday, inta aan ka war hayo xagga Somaliland waxay ka shaqaynaysay cusbitaalka magaalada Burco oo ay gacanta ku haysay, runtiina muddada ay gacanta ku haysay wax wayn ayay ka bedeshay cusbitaalkaasi. laakiin nasiib darro way inaga baxday hada hay’adaasi MSF”.
Wasiirka Qorshayntu waxa kale oo uu sheegay in cisbitaalka magaalada Burco ee ay hay’ada MSF hore gacanta ugu haysay uu daboolay dhamaanba wixii baahiyo caafimaad ahaa ee gobolada barriga Somaliland isla markaana ka bixitaankeedu uu hadda noqonayo kaalin wayn oo banaanaatay.Taasi oo ay buuxinteedu u taalo xukuumada Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee dalka jooga.
“Cisbitaalkaa ay gacanta ku haysay ee magaaladda Burco wuxuu inaga daboolay baahidii caafimaad ee goboladda barri ee dalka oo dhan, markaa imika runtii waxaa inagu soo banaanaatay kaalin wayn, taasi oo sidii loo buuxin lahaa ay u taalo dawlada, hay’adaha caalamiga ah iyo shicibkaba. Wasiirka caafimaadka ee Somaliland war-bixin ayuu nagu siiyay shirkii golaha wasiirrada ee khamiistii dhawayd aanu lahayn, wuxuu sheegay in hay’adaasi MSF ay ku bixin jirtay cisbitaalka Burco kharash gaadhaya qiyaastii illaa ($200, 000) laba boqol oo kun oo dollar ah” ayuu yidhi wasiirku.
Dr. Sacad Cali Shirre, waxa kale oo uu sheegay in aanay xukuumad ahaan si cad u fahmin sababta keentay in ay hay’adaasi Somaliland uga baxdo, isla markaana aanay wax lug ah ku lahayn sababta ay hay’adaasi MSF uga baxday dalka iyo dhibaatooyinka ay sheegtay in shaqaalaheeda loogu gaystay meelaha ay ka hawl gelayeen sidoo kalena aanay jirin wax dhibaato ah oo shaqaaleheeda loogu gaystay Somaliland ama aanay jirin cabasho hay’adaasi uga timid oo la xidhiidha dhibaato lagu hayo.
Isaga oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Anagu runtii maanaan fahmin sababta ay u baxday hay’adaasi MSF, waxaanay ahayd mar haddii aanay jirin wax dhibaato ah oo ay Somaliland kala kulantay in ay marka hore digniin ina siiso, oo ay tidhaahdo muddo ayaan idin siinaynaa ee diyaarsada cid kale oo halkaasi idiin buuxisa, haddiiba ay baxayaan, ma wanaagsanayn in ay hay’adaasi dalka ka baxdo, laakiin dhibaatooyin badan ayay iyagu sheeganayaaan, wax allaale iyo wax dhibaato ah oo shaqaalaha hay’adaasi MSF loogu gaystay Somaliland muddadii ay joogtay oo aan ogahay ka ma jirto, cabasho ay noo soo gudbiyeena ma jirto”.
waxa kale oo uu wasiirku tilmaamay in dhibaatooyinka ay sheegtay hay’ada MSF in shaqaaleheeda loo gaystay ay ahayd in ay u kala saarto Somaliland iyo Soomaaliya, bal se talaadan ay hada qaaday ay u muuqato in ay ula dhaqantay sidii laba dal oo isku mid ah, isaga oo xusay in dhamaanba dhibaatooyinka ay hay’adaasi ku andacoonayso in shaqaaleheeda loo gaystay ay yihiin kuwo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.Waxaanu yidhi “Sida ay u baxday hay’adaasi MSF war-qadan la ii soo gudbiyay waxay kaga hadlaysaa Soomaaliya, laakiin meel ay Somaliland kaga qoran tahayba ma jirto, markaa waxay u muuqataa uun hay’adu go’aansatay arrintaasi in ay isku keen wada qaaday innaga iyo Soomaaliyaba dhamaanteenba,Wax lug ah oo aan ku leenahay bixitaankeeda hay’adaasi ma jiro, bal se waxaa ku lug lahaa ama sababay dhibaatooyin ay sheegtay in ay kala kulantay Koonfurta Soomaaliya”.
Wasiirka oo aanu waydiinay maadaama oo aanay warqada ay hay’adaasi u soo gudbisay Somaliland meelna aanu kaga qornayn magaca Somaliland sida uu wasiirku sheegay, in dhamaanba hay’adaha kale ee dalka joogaa iyagna ay Somaliland ula shaqeeyaan sida gobol Soomaaliya ka mid ah waxa uu ku jawabaabay “Maadaama oo aanay war-qadaasi inaga oo keliya inagu socon, waxay u muuqataa war-qad ku socotay maamulka Soomaaliya, markaa inaga ogaysiin ayuunbay ahayd. Maya ee hay’aduhu marka ay dalka yimaadaan way is-diiwaan geliyaan, oo waraaqaheena ayay isku diiwaan geliyaan oo magaca Somaliland ayay isku diiwaan geliyaan, hay’ad inta ay Xamar iska soo diiwaan geliso inaga toos inoola shaqaysaa ma jirto, dhamaantoodba magaca Somaliland ayay isku diiwaan geliyaan” ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shirre.
Dr. Sacad Cali Shirre oo aanu sidoo kale waydiinay in haddiba ay dhacdo in mar kale hay’adaasi MSF ay Somaliladn u timaado hawlo shaqo waxa laga yeelayo, waxa uu ku jawaabay “Taasi haddii ay soo noqoto ayaa laga tashan doonaa, imikana sidaa lagagama hadhin ee wasaaradda caafimaadku qoraal cabasho ah ayay u gudbisay, kaasi oo ku saabsan sababta ay Somaliland uga baxday ama la xidhiidha dhibaatooyinka ay sheeganayso hay’adaasi in shaqaalahaeeda loo gaystay, kuwaasi oo aynaan wax eed ah ku lahayn,waxaanay arrintaasi u muuqataa in wax aynaan eed ku lahayn dhibaatadeedii ay hay’adasi dusha inaga saartay” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shirre.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Dowlada Somalia oo ka taariiqaysay nolashii Injineerkii ugu sareeyay warbaahinra qaranka oo maanta Muqdisho lagu dilay.

0
0

Agaasimaha Warbaahinta qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa waxa uu ka hadlay dilkii maanta loogeystay Farsamayaqaankii guud ee Warbaahinta Dawlada Marxuum Axmed Shariif  Xuseen.
C/raxmaan Cadaala ayaa sheegay marxuum Axmadeey inuu ahaa qof aad uwanaagsan shaqadiisana kasoo bixi jiray,waxa uu tilmaamay in gacan ka xaq daran ay dilkiisa ka dambeysay.
Waxa uu Cadaala sheegay inay ku xasuusan doonaan Marxuum Axmed Shariif mid shaqadiisii la tabi doono isagoo ku tilmaamay gacan midig ay waayeen waxaana uu sidoo kale ka tacsiyey geerida Injineerkaasi ku timid.
Buraannews.com-Muqdisho

Suldaan Xasan oo ku dhawaaqay in shirkii beesha Sacad Muuse dib loo dhigay illaa wakhti aan la cayimin iyo garab kale oo sheegay inuu berri furmi doono.

0
0

 
Suldaanka Guud ee beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay in shirkii baritoole loo balan sanaa ee beelaha Sacad Muuse dib loo dhigay.
Suldaan Xasan, ayaa sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu goor dhowayd ku qabtay Magaalada Hargesa, waxaana uu sheegey in shirka dib loogu dhigay sababo la xidhiidha roobaba laxaad leh oo habeenadan ka da’ayay deegaanadda Galbeedka oo uu ka mid yahay deegaanka la doonayay in shirkan lagu qabto., isaga oo aan Suldaanku sheegin mudada loo balan san yahay in shirkaasi uu qabsoomo.
Shirkan oo ah mid lagu kala qayb san yahay qabsoomiddiisa, ayaa garab kale oo aan ahayn garabka uu Suldaanku hor kacayo oo aanu la xidhiidhnay ayaa noo sheegey in aanu khusaynin go’aankan uu suldaanku soo saaray, balse uu shirku sidiisii u soconayo oo uu berry ka fumi doono deegaana agabar ee looo diyaariyey.
Dhinaca kale garab kale oo uu hor kacayo Ugaas Ibraahin Axmed Kaahin (Jilbadhige) ayaa iyaguna maanta ku dhawaaqay in shirku uu si rasmi ah u furmay.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Muqdisho: Nin loo Toogtay Dil Wariye

0
0

Ciidamada dowladda Somalia ayaa maanta xukun dil ah ku fuliyay Aden Sheekh Cabdi oo lagu helay inuu geystay dilkii Wariye Xassan Yusuf Absuge oo sanadkii hore lagu dilay Muqdisho. Dhanka kale niman hubeysan ayaa maanta dilay Axmed Shariif oo ka tirsanaa Raadiyo Muqdisho.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live