Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Daawo Sawirrada Furitaankii Madaarka Casriga Ah Ee Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Somalilland Maanta Laga Furay Oo Madaxwayne Siilaanyo Xadhiga Kajaray

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka) Daawo Sawirrada Furitaankii Madaarka Casriga Ah Ee Magaalada Hargeysa Ee Xarunta Somalilland Maanta Laga Furay
 

 
 
 

 
Idhanka Hargeysa Office
 


Madaxwayne Siilaanyo Oo Furitaankii Madaarka Hargeysa Ka Sheegay In Waxqabadkani Uuna Noqondoonin Kii Ugu Danbeeyay Ayse Sii Wadi Doonaan Waxqabadyada

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka) Madaxweynaha Somaliland Md.Axmed Maxmed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka xadhiga ka jaray garoonka caalamiga ah ee magaalada hargaysa ,dibu habayn balaadhan oo lagu samaayey  ka dib
Xaflada xadhig ka jarista madaarka oo ka qabsoonta gudaha madaarka ayaa waxaa ka soo qayb-galay marti sharaf aad u tiro badan  ,xubana golaha wasiirada ,Iyo Masuuliyiin ka socday Dalka Kuwait
Madaxweyne Siilaanyo [...]

Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta Iyo Baxrayn Oo Taageeray Millatariga Iyo Dawladda Masar, Iyo Turkiga Oo Safiirkii Masar U fadhiyey Kala Baxay Iyo Wararkii U Danbeeyay Ee Masar

$
0
0

Borama-(Idhanka)-Dalalka Carabta ayaa hambalyo u diray ciidamadda milatarigga dalka Masar xili wadamada Caalamku ay si adag u canbaareeyeen hawgaladii xasuuqa ahaa ee ay ciidamadda dalka Masar maalmihii u danbeeyay ay ku dileen  boqollaalka dibad baxyaasha ah ee taageersan madaxweynihii xukunka laga tuuray ee Mahammed Morsa.
Boqorka wadanka Boqortooyadda Saudi Arabia ayaa qoraal uu maanta soo saaray ugu baaqay [...]

Dad Lagu La'yahay Shil ka Dhacay Philippines

$
0
0

Ugu yaraan 200 o qof ayaa lagu la'yahay 600 oo kalena waa laga soo badbaadiyay ka dib markii ay is-hirdiyeen dooni weyn oo nooca rakaabaka qaada ah iyo markab kuwa xamuulka ah dalka Philippines

Dibad Baxyo Xalay Mar Kale ka Dhacay Dalka Masar

$
0
0

Banaanbaxyo waaweyn ayaa xalay mar kale gilgilay magaalooyinka Qaahira iyo iyo Alexandria ee dalka Masar, xilli uu dalkaasi ku jirto Bandow ay ku soo rogeen ciidamada.

Daawo Sawirrada Shirkada Isgaadhsiinta Casriga Ee TELESOM Boorama Oo Xafiis Cusub Ka Furatay Xaafada Sh/Makaahiil Ee Magaalada Agagaarka Dhigtii Hore

$
0
0

Boorama-(Idhanka) Shirkada isgaadhsiinta Casriga ee TELESOM Qaybteeda Boorama ayaa maanta qayb cusub oo markiting ah ka furtay xaafada Sheekh Makaahiil Ee Magaalada Boorama gaar ahaan istaanka ay ka baxaan gaadiidka u baxa dalkaasi itoobiya una dhaw goobtii hore ee dhigta Boorama ku tiilay.
Munaasabadii furitaanka ayaa ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiye ku xigeenka shirkada [...]

Hogaanka Dhaqanka Beelaha Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Oo Mudooyinkii U Danbeeyay Shirar Uga Socday Boorama Oo Maanta Shaaciyay Gudi Ku Shaqayn Doonta 6 Qodob+Daawo Sawiro

$
0
0

Boorama-(Idhanka)-Kulan balaadhan oo ay maanta iskugu yimaadeen hogaanka dhaqanka Beelaha Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley Ee Gadabuursi ayaa waxa ay ku shaaciyeen Lix Qodob oo laga soo saaray kulanadii iyo shirar doceedyadii beelahan uga socday Xarunta Gobolka Awdal mudooyinkii u danbeeyay ee aayaha danbe iyo midnimada Beelahan Ay kaga arinsanayeen.
Kulankan oo ahaa mid aad u balaadhan [...]

Wakiilka Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arimaha Soomaaliya Oo Welwel Xoogleh Kamuujiyay Xadgudubyada Loogaysanayo Haweenka Kana Hadlay Eedeynta Kufsi Ee AMISOM

$
0
0

Mogadishu-(Idhanka)-Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobayu qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa walaac kulul ka muujiyay eedeyn ku aaddan kufsi ka dhacay xero militeri oo ay leeyihiin AMISOM. Isagoo xusay inuu soo dhaweynayo go’aaanka ay qaateen dowladda Somalia iyo AMISOM ee ay ku sameyeeyeen guddi baara eedeymaha.
“Waxaa muhim ah in baaritaanku uu [...]


Wasiirka Caafimaadka Somalilandn Md. Xaglo Toosiye Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Hay´adii MSF Ee Ka Baxday Dalka

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed, ayaa maanta dhagax dhigay qayb cusub oo lagu kordhinayo qaybta safaynta Kelyaha ee cisbitaalka Guud ee Hargeysa, isla markaana Xadhiga ka jaraydhismayaal cusub iyo dayac-tir lagu sameeyay qaybta daaweynta iyo Nafaqaynta Caruurta ee cIsbitaalkaas.
Xafladii dhagax dhiga oo ay ka soo qayb galeen Wasiir ku xigeenka [...]

Madaxweyne Siilaanyo Oo Xayiraadii Ka Qaaday Wargeyska Madaxbannaan Ee Hubaal Iyo Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Xayiraadda Uu Ka Qaaday HUBAAL

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta saamaxaad u fidiyey Guddoomiyaha Wargeyska madaxbannaan ee Hubaal Mr. Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay) iyo tifaftiraha wargeyskaas Mr. Xasan Xuseen Cabdillaahi (Keefkeef), kuwaasoo Maxkamadda Gobolka Hargeysa hore ugu riday xukuno kala duwan, isagoo sidoo kale madaxweynuhu ogolaaday in xayiraada laga qaado wargeyska Hubaal.
Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa [...]

Daawo Sawirrada Kulan Lacago Loogu Yaboohayay Laguna Dardar-galinayay Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Ee Boorama Oo Qabsoomay Iyo Qaar Ka Mid Ah Qurba Jooga Goboladan Oo Lacagtii U Horeysay Bixiyay

$
0
0

Boorama-(Idhanka)-Waxa maanta si balaadhan loo dhaqaajiyay hindisaha lagu doonayo in lagu dhiso garoonka diyaaradaha ee Magaalada Boorama. Waxana maanta qabsoontay munaasabada balaadhan oo ay wadajir u soo qaban qaabiyeen Maamulka degmada iyo kan gobolka Awdal taasi oo ay lacag qaadhankii ugu horeeyay ah kaga gudoomeen haween gurbojoog ah, waxana ay munaasabadani kulmisay, maamulka heer gobol, [...]

“Intaad Geesi Ciishiyo Hebelbaa i Canaadoon Kucayuuqay Jeelkiyo Gabadhbaa i Caydoo Kacadgooso leeyahay” Hees Cusub Halkan Kadaawo Heestii Oo Dhamaystiran Xukuumada Somaliland Iyo Madaxwayne Siilaanyo Jiif Iyo Joogba u Diiday

$
0
0

London (Idhanka) Intaad Geesi Ciishiiyo Hebelbaa i Canaadoon Kucayuuqay Jeelkiyo Gabadhbaa i Caydoo Kacadgooso Isleeyaay Hees Cusub halkan kadaawo Heestii Oo Dhamaystiran Xukuumada Somaliland Iyo Madaxwayne Siilaanyoba Jiif Iyo Joogba u Diiday
 
 

idhanka

TAARIIKHDA SALDANADA MAAKHIR EE PUNTLAND IYO HESHIISKAY LA GALEEN BOQORTOOYADA INGIRIISKA

$
0
0

 

Lix qabiil oo Waqooyiga degan ayaa la kala galay Ingiriiska lix heshiis [xagga hoose ayaa lixda heshiis ku qoran yihiin]. Qabiilka Dhulbahante iyagu wax heshiis ah lama gelin Ingiriiska oo waxay ku hoos yimaadeen Ingiriiska heshiiskii jeexida xudduuda Italian Somaliland iyo British Somaliand. Qabiil Isaaq la yidhaahdo oo wada socda oo heshiis la galay Ingiriiska ma jirin. Ma jirin wax la yidhaahdo “Somaliland” dad metelaya oo wada socda oo heshiis la wada galay Ingiriiska. Ereyga “Somaliland” wuxu ahaa magac ay dawlada Ingiriisku maamulka qabaa’ilka ay heshiiska la gashay iyo Dhulbahante ay ula baxday dhulkii ay deganaayeen iyadoo magacaa markii u horeeyey, maadaama “Dhul Soomaaliyeed” uu u taagan yahay, loo isticmaalay Koonfurta iyo magaalooyinka Baraawe.

 
Qabaa’ilka Waqooyigu xorriyada kuma qaadan in ay ka mid noqdaan dal xor ah oo “Somaliland” la yidhaahdo. Markii xorriyada Waqooyiga la siinayey dawlada Ingiriisku waxay siyaasiyiintii Shirkii Dastuurka ee May 1960 u sheegtay in aaney heshiis la gelin wax la yidhaahdo “Somaliland” oo siyaasiyiin metelaan sidaa darteed aaney xorriyad sharciyan sidaa ku bixin karin. Dawlada Ingiriisku waxay siyaasiyiintaa ka dalbadeen iney dib ugu noqdaan qabaa’ilka heshiiska lala galay iyo Dhulbahante, oo kaga mid noqday maamulkii Ingiriisiga ka dib markii Talyaaniga iyo dalwada Ingiriisugu kala saxiixanayeen heshiiskooda xadka, oo weydiiyaan waxa ay rabaan.
Siyaasiyiintaa xornimo ayaanu rabnaa ku yidhi Ingiriiska ma laheyn awood ay ku joojiyaan ama baxaan heshiisyadii qabaa’ilka lala galay, maadaama aaney iyagu saxiixin. Wasiirkii Isticmaarku wuxu amray kuwii metelayey “Somaliland’ in ay soo caddeeyaan waxa qabaa’ilku rabaan si heshiiskaasi meesha uga baxo. Markii siyaasiyaantii dib loo soo celiyey iyadoo taa shardi lagaga dhigayo ayaa Odayaashii heystay awooda saxiixu caddeeyeen in aaney rabin Xornimo iyo dawlada “Somaliland” la yidhaahdo oo keliya laakiin ay rabaan xornmimo iyo Dawlada Soomaaliyeed oo mideysan(Independence and Union With Somalia).
Maamulka Isaqland ee Hargeisa marin habaabinta uu wado oo ah in xorrnimada lagu helay wax la yidhaadho “Somaliland” oo xor u noqatay iney keligeed istaagto oo markaa “Italian Somaliland” lala midowday waa mid ka hor imaneysa xaqiiqada sharciga ah ee maanta caalamka meel kasta taala oo ah in wax “Somaliand” la yidhaadho aaney weligeed si cad xorriyad uga qaadan Ingiriiska iney noqoto dal madaxbanaan. Arrinta beenta ah ee Isaqland sheego oo ah waa nala aqoonsaday iyada adduunku waa la yaabaa beenta iyo indha-adayga ay aqoonsiga ku raadsanayaan maadaama ay meel kasta yaaliin caddeymaha muujininaya sidii xornimada loo siiyey qabaa’ilkii deganaa Waqooyiga iyo in aaney jirin cid weligood aqoonsatay; tahniyadihii meelaha qaar ay u soo direen qab’aailkaa Soomaaliyeed ee xorriyadoodii ku helay iney la midoobaan “Italian Somaliland” ayey ka dhigaan mid lagu aqoonsaday. Ma oga in aaney adduunka khaldin karin oo ay u fiican tahay iney xaqiiqda sheegaan hadday wax aan soconeyn xitaa raadsanyaan.
Si sharciyan loo helo magac ka duwan “British Somaliland” ayaa markay odayaashi ogoladeen “Xorriyad iyo Midnimo Soomaaliyeed” aya dawlada Ingiriisku si taxdir le u isticmaashay ereyga “Somaliland”, oo “British” laga reebay, si ay fuliso wixii ay tahay in ay kaga baxdo dhulkaa iyo sharciga dhawrka cisho oo “Italian Somaliand” xornimada qaadaneyso ay sii hoos geliyaan. Marna, xitaa shantaa cisho, magacaa looma adeegsan oo uma taagneyn wadan madaxbaanaan. Dal la yidhaadho “Somaliland” oo xornimo ku helay shuruud la’aan sida aanu weligii u jirin ayey maantana tahay in aan la keeni karin wax “Somaliland” la yidhaahdo oo wada socda oo “Koonfur” ama “Italian Somaliland” la hadlaya.
Waxa jiray qabaa’il “British Somaliland” hoos imanayey oo madaxbaanin ku helay in ay la midoobaya “Italian Somaliland”. Shardiga xorriyada lagu helay oo ah midnimada Soomaaliyeed xaq uma le qabiilka Isaaqa keligii intuu dib ugu noqdo 1960 in uu markaa meel kasta ka sheego tan xornimada ookeliya. Xorriyada iyo midowga siday markaa u wada socdeen ayey u wada soconayaan ama qabiil kastii aayihiisu ka tashanayaa. Sidaa darteed Dawlada Federaaligu waa in aaney meesha marna keenin wax aan jirin xitaa 1960 oo dawlada Ingiriisku diiday oo ah in Isaqland metelaan qabaa’ilkii British Somaliland oo dhan, waa haddii Dawlada Federaalku aaney rabin in Soomaali sii kala go’do oo qabiil kastii dawlad noqdo.

Sultan Mohamud Sultan Ali-Shire Sultan Muhammad(Suldaan Maxamuud Suldaan Cali-Shire Suldaan Maxamed), Sultan of Warsangeli
Warsangeli Heshiiska uu la galay Boqortooyada Ingiriisku waa ka duwan yahay heshiisyada kale oo dhan marka la eego xagga awooda saxiixa, madaxbanaanida loo ogolaa, maamulkood gaarka ah iyo qodoba kale u ku jira heshiisyada qabaa’ilka kale oo laga saaray ama waxa laga bedelay markii Warsangeli lala gelayey.
Dhulbahante heshiis lama gelin Ingiriiska; Odayaasha Ardaaga Warsangeli iyaguna wax kasta oo loo keenay qalinka kuma ay duugine waxay si adag u dalbadeen in qodobada Ingiriisku la yimi ee qolooyinka kale (Isaaq) aqbaleen in qaar gebi ahaan laga saaro oo aanay aqbaleyn, qaarna wax laga bedelo iyo in iyagu qaar ku soo darsadaan.
Heshiiska Warsangeli waa kan keliya oo uu saxiixay Suldaan Guud oo loo aqoonsan yahay hogaanka qabiilkiisa iyo maamulka dhulkiisa.
Heshiisyada kale odayaasha saxiixayaa ma le awoodaa, loomana aqoonsan markay wax saxiixayeen. Aqoonsiga la siiyey Suldaanka iyo Maamulkii Ardaaga Odayaasha Warsangeli si loo dhawro nidaamkoodii ismaamulka ee casriga ahaa waxa Ingiriiska khasab ku noqotay inuu si gaara ula galo wada hadal Odayaasha Warsangeli. Taasi waxay keentay in heshiiska Warsangeli laga ilaaliya waxkasta oo xornimadooda, maamulkooda, ku xadgudubka dhulkooda iyo iska soo gelida badooda laga ilaaliyo. Waa laga wada saaray heshiiska Warsangeliga qodobada heshiisyada qabaa’ilka kale ku jira ee wax u dhimi kara arrimahaa.
Heshiiska  Warsangeli waxa laga saaray odhaahda “the maintenance of our independence, the preservation of order …… ”  oo ah in xejintta xornimada iyo ilaalinta nidaamka iyo kala dambeynta dhulka gacanta loo geliyo Dawlada Ingriiska. Qabaa’ilka Waqooyiga ee heshiisyada saxiixay way ogalaadeen taa laakiin Odayaasha Ardaaga Warsangeli waa diideen waana laga saaray heshiiskooda. Warsangali waxaa loogu bedelay, hadday baahiyi timaado, in Warsangeli gacan siin doonaan hawlaha gaarka ee sarkaalkaa loo diro iyagaa ka wada shaqeynaya iyaga iyo Warsnageligu arrimaha caddaalada,  horumarinta kheyraadka dalka, ganacsiga, iyo arrimaha la xidhiidha nidaamka, dawlad wanaaga iyo horumarinta guud ee ilabxnimda caalamka. Faahfaahintaa dheer oo tilmaamay sida dawlada Ingiriisku u aragtay in ay Warsangeli yihiin maamul adduunka wax ku soo kordhin kara oo ay aqoonsatay nidaamka iyo horumarka Saldanada Maakhir gaartay ayey garteen iney heshiiskooda sidaa u dhigaan oo deegaanka maakhir ka dhigaan “country” halka heshiisyada kale laga dhigay qabiil wax  lala saxiixda oo laga xayuubiyey xornimadoodii oo Boqortooyada Ingiriisku ilaalineyso.
Maadaama awood xagga badda ah oo weyn Warsangeligu ay lahaayeen Ingiriisku wuxuu kaloo ka saaray odhaahda “All vessels under the British flag shall have free permission to trade at all ports and places within …“ oo ah in maraakiibta wadata calanka Ingiirsku la siiyo ogalaasha furan oo ah iney siday doonaan uga ganacsan karaan xeebaha iyo goobaha qabiilka. Maadaama nidaam iyo kala dambeyn ay leedahay Saldanada Maakhir waxay diideen in ay Boqortooyada Ingiriiska uu ogalaadaan iney maraakiibtoodu xeebahooda iska soo galaan oo dhulkooda ka ganacsadaan iyagoo aan ogolaasha Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka heysan. Laakiin qabaa’ilka kale dhulkooda iyo xeebahooda sidii la doonaa laga yeelayey.
Waxay kaloo Ardaaga Odayaasha Warsangeli xilligaa dalbadeen in aan heshiiskoodu noqon mid furan oo suldaanada isbedelayaa dhaxlaan. Waxay diideen odhaahda qabaa’ilka kale oo dhan heshiisyadooda la raaciyey oo ah in iyaga iyo kuwa ay sii dhalaan oo dhulka dhaxli doonaa ay khasab ku tahay iney ilaaliyaan heshiiskaa waa ” their heirs and successors .”
Waxa la yaab le xeel-dheerida iyo garashada fog ee Ardaaga Odayaasha Warsangeli ee xilligaa. Maanta looyarada joogaa sida ay Ardaaga Odayaasha Warsangeli heshiiskoodu ugu adkeysteen inuu ka duwanaado qabaa’ilka kale iyo in aan ismaamulkooda la taaban karin oo xornimadooda wax loo dhimin, in sidii dal “Country” loola galo,  in aan doonyaha iyo maraakiibta Ingiriisku iska soo geli karin dhulkooda, in aan dadka hoos yimaada Boqortooyada Ingiriiksu iska dhex mari karin iyo inaan heshiisku noqon mid furan oo Sultaan uu Sultaan ka dhaxlo.
Heshiiskaa Odayaasha Ardaaga Warsangeli ka shaqeeyeen xilligaa maanta ma sameyn karaan kuwa jooga oo xirfadaa iyo xeel dheeridaa la yaab kale oo ay xitaa ku darsadeen awooda ah in haddii Suldaan cusubi yimaado oo Ardaaga Odayaasha Warsangeli iyo Suldaanku isla gartaan in ay ka baxaan ay jebin karaan halka Soomaalida kale ay khasab ku tahay iney weligood Boqortooyada Ingiriiska ku hoos jiraan.
———————-ENGLISH VERSION———————————
British Colonial Treaties with Somali Clans in the North British Treaty with Somaliland Tribes
The British Government have signed protection treaties with six Somaliland tribes: Gadabursi, Eesa, Warsangeli, Habr Gerhajis, Habr Toljaala and Habr-Awal. All articles in the Agreements and the Supplementary Agreements signed with the Somaliland tribes are the same except the Warsangali one.
The Warsangeli treaty is singed by Garad[or traditional leader] fully representing his tribe. All other Somaliland tribes treaties with the British Government are singed by different elders not fully representing the whole tribe.  Some sigficant articles giving full power to Britain over the tribe are removed from Warsangeli treaty.
–The Warsangali treaty doesn’t contain the preamble, “the maintenance of our independence , the preservation of order …… ”, that precedes every treaty which puts the independence and maintenance of the order of the tribe’s territory in the hands of British Government.
The Warsangali treaty is added an extra article[LOOK ARTICLE VI OF THE WARSANGALI TREATY BELOW] indicating that Warsnagali will assist the British officers and follow their advice for ” .. duties as my be assigned to them, and further act upon their advice in matters relating to the administration of justice, the development of the resources of the country, the interests of commerce, or in any other matter in relation to peace, order, and good government, and the general progress of civilization. “
–No tribal area is referred as “COUNTRY” except theWarsangali territory.
ARTICLES I, II and III are removed from the Warsangali Treaty. ARTICLE III in the Warsnagali Treaty is similar to ARTICLE II in HABR GERHAJIS and Habr Toljaala Treaty but it doesn’t contain “All vessels under the British flag shall have free permission to trade at all ports and places within …”
The conclusion of every agreement, except the WARSANGALI TREATY, indicates that the treaty will be abided by the elders currently signing and “their heirs and successors”
HERE IS THE WARSANGELI TREATY WITH THE BRITISH GOVERNMENT:
TREATIES, &c., between the Warsangalis (British Protection; Slave Trade; Wrecks: &c.). – January 27, 1886
The British Government and the Elders of the Warsangali tribe who have signed this Agreement being desirous of maintaining and strengthening the relations of peace and friendship existing between them;
The British Government have named and appointed Major Frederick Mercer Hunter, C.S.I., Political Agent and Consul for the Somali Coast, to conclude a Treaty for this purpose.
The said Major F. M. Hunter, C.S.I., Political Agent and Consul for the Somali Coast, and the said Elders of the Warsangali, have agreed upon and concluded the following articles:-
ART.
I. The British government, in compliance with the wish of the undersigned Elders of the Warsangali, undertakes to extend to them and to the territories under their authorities and jurisdiction the gracious favour and protection of Her Majesty the Queen-Empress.
II. The said Elders of the Warsangali agree and promise to refrain from entering into any correspondence, Agreement, or Treaty with any foreign nation or Power, except with the knowledge and sanction of Her Majesty’s Government.
III. The Warsnagali are bound to render assistance to any vessel, whether British or belonging to any other nation, that may be wrecked on the shores under their jurisdiction and control , and to protect the crew, passengers, and cargo of such vessels, giving speedy intimation to the Resident at Aden of the circumstances; for which act of friendship and good-will a suitable reward will be given by the British Government.
IV. The Traffic in slaves throughout the territories of the Warsangali shall cease for ever, and the Commander of any of Her Majesty’s vessels, or any other British officer duly authorized, shall have the power of requiring the surrender of any slave, and of supporting the demand by force of arms by land and sea.
V. The British Government shall have the power to appoint an Agent or Agents to reside in the territories of the Warsangali, and every such Agent shall be treated with respect and consideration, and be entitled to have for this protection such guard as the British Government deem sufficient.
VI. The Warsangali hereby engage to assist all British officers in the execution of such duties as may be assigned to them, and further to act upon their advice in matters relating to the administration of justice, the development of the resources of the country, the interests of commerce, or in any other matter in relation to peace, order, and good government, and the general progress of civilization.
VII. This Treaty to come into operation from the 27th day of January, 1886, on which date it was signed at
Bunder Gori by the Undermentioned.
F. M. Hunter

Tafsiirka Qu'aanka Kariimka (*(*(Suuratul-Qiyaamah-20-40 *)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah

Kitaabka (*(*Muqarar Fil-Xadiith-Darsigii-2aad*)*) Li Sheekh Cabdulqaadir Boobe Xafidahullaah


“Waxaanu Go’aansanay inaanu Eraygii Golaha Meesha ka saarno si aanu u diidno wax ay ku marmarsoodaan waxanu u bixinnay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka” Golihii watada tashiga oo loo bedelay magac cusub

$
0
0

 
 
Golihii wada tashiga iyo toosinta qaranka, ayaa sheegay inay maanta laga bilaabo iska dedeleen magacaaasi oo ay sheegeen inuu muran badan abuuray oo ay shaki ka qaaday Xukmadd sheegtayna inaan Goleyaasha Distooriga ah mooyaane cid kale la bixi karin.
Golaha wada tashiga oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa , ayaa waxa ay sheegeen sabaabta ay magaca isaga badaleen, waxaanay ku sabaabeeyeen in uu muran ka dhashay.
Xasan Ciise Jaamac oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu Go’aansanay inaanu Eraygii Golaha Meesha ka saarno si aanu u diidno wax ay ku marmarsoodaan waxanu u bixinnay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Barlamaanka Galmudug oo dhaqal galiyay sharci lagula dagaalamayo Burcadbadeeda.

$
0
0


Dhaqaln Galinta Xeerka La Dagaalan ka Burcad Badeeda
Ujeedo  Dhaqan Galin Xeerka La Dagaalanka Burcada Badeeda
Madaxwaynaha Galmduug
Markuu arkay.
Qodabka 50aad farqadiisa 12aad ee Dastuurka Dowlad Gobaledka Galmudug.
Markuu Garwaaqsaday
: Dhibaatada Burcad Badeedu Ay ku Hayaan Dadka Reer Galmudug  iyo
Habsami u Gooshida Badaha Calamka
Markuu tix Galiyay  : Ogaalanshaha Barlamanka Galmudug  ee ku Saabsan
Xeerkan lr ggw/XG/074/13
Waxa uu Soo Saray Sharciga Soo Socda
1: Waxa la Dhaqan Galiyay Sharciga iyo Xeerka Hoos ku Xusan ee la
Dagaalanka Burcad  Badeednimada Kuna lifaaqan Halkan
2: Sharcigani Waxa uu ka Yimid Sharuucda Dowlad Gobaledka Galmudug
XEERKA BURCAD BADEEDA DOWLAD GOBALEDKA GALMUDUG
Qodabka 1aad
Macahah Burcad Badeednimo
Burcad Badeed Nimo Waa Fal Danbiyeed la Xiriira Weerar .Afduub  Dad
iyo Gadiid Badeed
Qodabka 2aad
Aqoonsida Burcad Badeedka:::
Waxa Burcad Badeed Loo Aqoon Sanaya Qof kasta oo Kaga Qayb Qaata
,Maalkiisa , Gadiidkiisa ,Hubkiisa iyo Qalab Kasta oo Sahalaya
Weerarka iyo Qafaalshada Gadiidka Bada
Qodabka 3aad
Awooda Dacwad Qaadista
Maxkamadaha Galmudug Ayaa Awood  u leh Dhageysiga iyo Qaadista
Dacwadaha Lidka Ku Ah Edeysanayaasha Burcad Badeedka iyo La Wareegida
Hantidooda ,Gadiid ,Qalab,Badeecad iyo Wixii Kale ee Loo Adeegsado
Burcad Badeenimada
Qodabka 4aad
Qabshada Gadiid iyo Edeysanayasha
Ciidanka ilaalada Xeebaha Galmudug iyo Kuwa Amaan Kuba Waxa Ay Awood u
Lee yihiin Qabshada Wax Alle iyo Wixii Gadiid ah ee loo adeegsdo
Burcad Badeenimo  iyo Wixii Hanti Ama Qalab Saaran  iyo Qabashada Cid
Kasta  ee ku Xusan Qodabka 2aad
Qodabka 5aad
Gelid Fal Burcad Badeednimo
Qof Kasta oo Ay ku Cadaato in uu Aas Aasay ,Abaabulay, maal Galiyay
,Hogaamiyay Ama Fuliyay Falal Burcad Badeednimo Kana Hawul Galay bada Galmudug iyo Kuwa calamiga ah ee ku Beegan Xeebaha Galmudug , Waxa lagu Ciqaabaya hadii uu Falka Keenin Danbi intaa Ka Culus Xabsi u
Dhaxeeya 5 ilaa 8sano oo xariga ah iyo Ganaax u Dhaxeeya  (100.000000)
Boqol Milyan oo Shilin Somali ah ilaa 200.000000  Labo Boqol oo Milyan
oo shilin Somali ah  iyo la wareegid Hantida  uu Kaga Qayb Galay ama
uu ka kas Baday
Qodabka 6aad
Gacan Siin
Qof kasta oo Burcada Badeed ku Booriya .u Fududeeya ,Talo Ama Xog
Siiya ,Qariya , Ama kaga Qayb Qaata fal Kasta oo kale oo Gacan siin ah
Waxaa lagu Xukumaya Xabsi u Dhaxeeya 1 ilaa 3sano iyo Ganaax Gaaraya
(40.000000) 40 Milyan oo Shlin Somali ah ilaa (80.000000) 80 Milyan oo
shilin Somali ah
Qodabka 7aad
ka Maqnaansho Dacwad
Maxkamadu Waxa ay Awood u leedahay Qaadista  iyo Xukun ka Soo Saarista
Dacwadaha Qof kasta oo ku Edeysan fal Danbiyeed Burcad badeednimo oo
ka Maqnaaday Dhageysiga Dacwadiisa laguna Wargaliyay sida uu Qabo
sharciga .
qodabka 8aad
sarkaal dowlad  ladeed
Sarkaal Dowladeed Ama Qof lagu Aaminay Hawul Guud oo Sameeya fal lidi
ku ah Waajibaadkiisa Xafiiseed kaasi oo Sahla Ama ka Qayb Gala fal
Burcad Badeednimo . Qaata ama u Qaada cid kale lacag Ama Hanti
Ogalaada Balan qaad burcad badeed waxa lagu Ciqaabaya xabsi u
Dhaxeeeya 2 ilaa iyo 4sano oo Xarig ah iyo Ganax u dhaxeeya
(50.000000) 50 Milyan oo shilin somali ah ilaa (100.000000) boqol
milyan oo shlin somali ah qodabka 9aad.
Xukunka xabsiga
Ciqaabta Xariga oo  lagu Mutaystay Xarigan lama Gadan karo ,hadii uu
xukunsanaha   bixin waayo ganaxa lagu xukumay waxa lagu badalaya xarig
u dhigma ayadoo la raacayo sharciga
qodabka 10aad
burin
Waxa la Buriyay Ceer kasta oo ka hor imanaya Ama aan la Socon karin sharcigan
qodbadka 11aad
dhaqan galka xeerkan
Xeerkan Waxa uu dhaqan Galaya    Marka uu Barlamanka Galmduug Ansaxiyo Barlamanka Galmudug ,Madaxwaynahana uu saxaiixo ,waana uu Saxiixay xeerkan
Buraannews.com- Gaalkacyo
 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku wajahan degmada Taleex (Xog)

$
0
0

Xog deg deg ah: Wafdi culus oo hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntland Gen C/Samad Cali Shirre ayaa maalinta berito lagu wadaa  inuu safar ku tago degmada Taleex ee gobolka Sool.
Warar hordhac ah oo ay heshay warbaahinta Buraannews.com ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenka uu halkaas kulamo kula qaadandoono dadka deegaanka Taleex iyo shakhisyaad katirsan maamul lagu Khaatuma oo sanadkii 2012 laga dhisay degmadaas.
Ilaa iyo hadda lama oga ujeedada rasmiga ah ee ka dambaysa socdaalka uu madaxweyne ku xigeenku ku tagayo Degmada Taleex. Waxaase maalmihii lasoo dhaafay la hadal haayay qilaaf xoogan oo soo kala dhex galay ragga ku jira golaha madaxtooyada Khaatuma.
Ilo xog ogaal oo katirsan dowladda Puntland ayaa warbaahinta Buraannews.com u sheegay in dowladda Puntland ay wado dadaalo xoogan oo dib loogusoo celiyo dadka sheeganaya maamulka Khaatuma ee gobolada SSC.
Mas’uuliyiin katirsan maamulkaas ayaa horey warbaahinta u sheegay inay soo dhaweynayaa haddii Puntland ay wadahadal ufurto, Iyagoona sheegay inay yihiin dad ka caraysan maqnaanshaha gobolka Sool.
Sanadkii 2011 ayaa ugu dambeysay mas’uuliyiin katirsan Puntland oo booqda Taleex xilligaas oo ay booqasho gaaban ku tageen wafti uu hogaaminayay wasiirka amniga Puntland Qaliif Ciise Mudan. Lama oga socdaalka madaxweyne ku xigeenku wuxuu ka badali doono xaalada deegaankaas.
Buraannews.com- Garowe

Warbixin dhamaystiran oo yaab badan “Ibraahin Afghaani Oo Gurigiisa Ka Soo Baxaya Oo Ku Yaalla Baraawe, Ayaa Waxa Loogu Yeedhay Yaa Munaafaq, Markii Uu Soo Eegayna Xabad Ayaa Dhinac Kasta Lagaga Furay” Abu Ayaan

$
0
0

 
 
Mid ka mid ah gacanyarayaashii Hogaamiyihii la dilay ee ka tirsanaa Al-shabaab Ibrahim Xaaji Jaamac (Afghani), ayaa si mug leh uga waramay qaabkii loo dilay Ibrahim Afghani iyo Sheekh Cabdiladif Xamud Colhaye (Macalin Burhan) oo bishii Bishii June maleeshiyaad taageersan Hogaamiyaha Kooxda Al-shabaab ay ku dileen hawl gal ay ka fuliyeen Magaalada Baraawe oo ay wakhtigaasi ku sugnaayeen Saraakiishaasi.
Sheekh Cumar Maxamed oo ku magac dheer Abu Ayaan  oo gacan yare u ahaa Ibraahim Afghani, isla markaana goob joog u ahaa hawl galka lagu dilay Hogaamiyeyaasha Kooxda Al-shabaab kana baxsaday Kooxdaasi  oo u waramayey Idaacada VOA laanteeda Afka Somaliga, ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay qaabkii uu u baxsaday Xasan Daahir Aweys oo ka soo firxday Magaalada Baraawe, ka dib markii la dilay Ibraahim Afghani.
Abu Ayaan  oo ka hadlaya arrimahaasi waxa uu yidhi “Khilaafka Al-shabaab waxa uu billawday 11-kii bishii labaad ee 2011-kii oo ay isku qabsadeen, markaa ayaa waxa la sameeyey guddi ay ka mid ahaayeen Ibraahim Afgan Sheekh Mukhtaar Robow iyo ina Cabdi Gudane, ka dibna Culimadaasi waxba way qaban waayeen oo way iska tageen, waxaana la go’aamiyey in maxkamad la saaro raga uu khilaafku ka dhexeeyo, waxaana ka mid ahaa raga  maxkamadda loo xilsaaray Subayr  Al Muhaajir , Axmed Guray Jalaal , markaas ayey maxkamaddii ina Godane ku xukuntay inuu sadex bilood gudohood isku soxo oo uu xilkana iskaga dego,  waxaanuu bilaabay amiir ayaan ahay oo waxa aan doono ayaan samaynayaa”
Abu Ayaan waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Markaa waxa ay bilaameen markii ay arkeen qallafsanaanta iyo adeegayna ina Godane inay mid mid ugu tagaan oo ay u waaniyaan si uu dariiqa xaqa ah ugu soo laabto, markaa ayey bilaabeen inay dadka muslimiinta ah u cadeeyaan inaanuu ninkani waxba u haynin oo waxa hawshaas bilaabi Subayr Al Muhaajir, waxaanuu maalin jicme ah ku sheegay maasaajid ku yaalla baraawe inuu ina Godane diiday in la soxo,  kadib ayuu  soo saaray amar ah in Madaxa laga gooyo raga xukunkiisa siidka ah oo Saylici iyo wixii la mid ah, taasina waxa ay dhacday bishii June ee ina dhaaftay”
Sarkaalkan ka tirsan Kooxda Al-shabaab oo ka warbixinaya qaabka loo dilay Ibraahin Afghani, waxa uu yidhi “Ibraahin Afgaani oo gurigiisa ka soo baxaya oo ku yaalla Baraawe, ayaa waxa loogu yeedhay yaa Munaafaq, markii uu soo eegayna Xabad ayaa dhinac kasta lagaga furay oo sidaas ayaa lagu dilay, markaa intii aan la dilay Afgaan ka hor ina Cabdi Godane waxa uu bilaabay inuu ciidamo ku soo daadiyey gudaha magaalada Baraawe, markaa si aan loo dareemin cidda dishay ayey ahayd, taasi, ka dibna Shirkadaha is gaadhisiinta ee Hormuud iyo Nation ayey xoog ku galeen oo ay telefoonadii damiyeen,  markaa sidaas ayey gaadhi yar oo madaw ku qaateen ibraahin afgaan maydkiisii, ka dibna Habeenimadii dambe saacadihii dambe ayey xoog ku galeen guriga Macalin Burhaan way kala soo bexeen, waliba isaga oo xanuunsanaya oo faleebo ku socoto oo Kaneeco hayso, markii ay bannaanka keeneen ayey sidaas ku dileen isagana”
Abu Ayaan uu intaasi raaciyey  “Raggaas waxa uu Ina Cabdi Godane ku bartil maameed saday, waxa ay ahaayeen rag culimo ah oo can ah oo soo maray amiirada sar sare ee shuurada,  niman xogogaal ah oo sirta ina cabdi godane haya, markaa ayey go’aan sadeen inay dadka u cadeeyaan inuu ninkaasi ka leexday shareecada islaamka,  markii la dilay Ibaarin Afgan ee Maclin Burhaan la dilay ee rag badan la xidh xidhay, sheikh Xasan Daahir Aways iyo rag kale waxa ay isku qarinayeen magaalada baraawe, markaa ayey habeen go’aan sadeen inay ka baxsadaan baraawe,  lug ayaanay ugu bexeen markaas ayey doonta soo raaceen,  markii dambe ayey doontii ka shidaal beeshay oo shidaal ayey xarardheere u doonteen shidaal, markaas ayey ogaadeen inuu Xasan Daahir Aways ku baxsaday Doonta,  waxaanay xeebta keeneen ciidamo badan, waxaanay taasi keentay inay rag Badan oo aan anigu ka mid ahaa soo bixi kari waayaan oo ay ,lug tooda maalaan oo ay ku soo baxsadaan. Dilalkan lagu sameeyey ragas Madaxda Al-shabaab ahaa umadda Somaliyeed oo dhan ayey ku abuurtay dhibaato, halka ay Al-shabaab dhexdheeedana ku abuurtay kala shaki iyo kala carar,  inay iskaga carareen culimo iyo dad kale oo dad bandanna la xidh xidhay”
Mar uu ka hadlayey meelaha ay Al-shabaab dhaqaalaha ka hesho, waxa uu yidhi “Isku filnaansho ayey gaadheen Al-shabaab oo dadka hantidooda ayey boobaan oo uu ina Godane ku boobaa, noocyo badan oo canshuuro ah ayuu dadka ka qaadaa, xataa marka uu qofku guri dhisanayo waxa laga qaadaa lacag dhan 120 Dollar oo warqad ayaa loo geeyaa kadib marka uu bixiyo ayaa loo fasaxaa,  sisinta waxa ay ka qaadaan lacag dhan Todobaatan kun oo ku dhiganta 4 Dollar, halka marka Xamar loo soo dhoofinayo laga qaado boqol kun oo kale, gaadhigana waxa ay ka qaadaan lacag badan, waxa kale oo uu ku tiirsan yahay dhalin yaro yar yar oo amaanka ah oo aanuu u ogolayn inay la kulmaan culimada iyo dadka kale ee muslimiinta ahi, talooyinkiisa ayey dhegaysanayaan oo waxa uu yidhaahdo ayey maqlayaan, waxa kale oo uu ku tiirsan yahay waxyaabaha been ta ah ee uu dadka u sheego”
 
Sheekh Cumar Maxamed (Abu Ayaan) oo imika baxsad ku jira waxa uu walaac ka muujiyey in haddii uu isu dhiibo Dawladda Somalia uu ka cabsi qabo in loola dhaqmi sida Xasan Daahir Aweys oo Muqdisho ku xidhan, waxaanu yidhi “Inta ka carartay mooyaane inta kale waxa ay ka baqayaan in haddii ay isku soo dhiibaan Dawladda ay ka baqayaan in la xidho oo loo dhiibo Dawlado shisheeye, markaa maadaama oo la yidhi raggii liiska Argagixisada ku jiray lama cafiyayo, waxa ay raggaasi go’aan sadeen inay ina Godane iyo Diin la’aantiisa iska ag joogaan oo ay baqe la ag joogaan, waxa ay ahayd inay dawladda Somalia soo dhowayso raga kala duwan ee Al-shaab ka mid ka ah, markaa taasi waxa ay sabaabi lahayd inay is kaga soo cararaan, xadhiga Xasan daahir Awaysna waxa ay Dawladda ku tahay dhabar jab wayn, guul waynna waxa ay u tahay ina godane,  waxaana uu markaas u sheegayaa ama ila jooga ama xabsigaas gala,  waxaanay noqonaysaa inaan ina godane aan laga soo kala cararin”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Beesha Samaroon Oo Go’aamo 9 Qodob Ka Kooban Soo Saartay

$
0
0

 
 
“ka dib shirar iyo wada tashiyo faro badan oo ay ku tashanayeen beelaha Samaroon ayaa lagu magacaabay guddi loogu yeedhay gudida midaynta beelaha Samaroon, kuwaas oo ka shaqayn doona qodobada hoos ku xusan.
 
1- Ka shaqaynta danaha guud ee beelaha Samaroon, isla markaana u taagan tahay.
2- Waxay Adkaynayasaa Ilaalilnta nabadgelyada deegaanada iyo bulshada ku Abtirsata Beelaha Samaroon.
3- Gudidaasi waxay ka shaqaynaysaa Horumarinta dhaqaalaha iyo dhismaha dekeda Lughaya oo qaban qaabadeedii socoto, iyo dhinacyada horumarinta Xaga waxbarashada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha
4-sidii beelaha deriska ay nabadgelyo ula dhaqmi lahayd beelaha Somaliland gaar ahaan kuwa deriska af.
5- Gudi qabanqabo oo loo magacaabay sidii loo qaban lahaa shirweyne Samaroon oo ka kooban 9 xubnood, iskuguna jira xeerbeegti,waxaana loo xilsaaray sidii ay iskugu iman lahaayaen beelaha samaroon si degdeg ah gudo iyo dibadab
6-Gudidu waxay taageertay shirarka lagu qabano dalalka dibadaha sida Maraykanka, ee loogu ololaynayo dhismaha dekeda Lughaya, waxaanay farayaan qurbajoogta inay gacan siiyaan hawlahaasi.
HARGEYSA SOMALILAND

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live