Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Goormaa Kuugu Dembaysay Mugadishu? 24 Sanno Kadib Horumarka Nuucaan Oo Kale ah Maku Ogeyd Magaalada Muqdisho Halkan Ka Daawo

0
0

Mogadishu-(Idhanka) Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa maalinba maalinta ka dambeeysa ku soo badanaya Horumar aan laga isticmaalin 23-kii sano ee la soo dhaafay ayadoo Shacabka Muqdisho ay aad u isticmaalan Arin aan horay looga baran ee nala Daawo adaa yaabi doono.

Idhanka.com


Golaha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka Somaliland Oo Sheega Wadahadalada Soomaaliya Lala Galayo Ay Ku Sii Dhawaynayso Habka Federaalka Shacabkana Uga Digay In Ay… Halkan Ka Akhri

0
0

Hargeysa-(Idhanka) Tan iyo markii ay sannadkii hore bilowdeen wada hadallada Somaliland iyo Somalia, waxa si tartiib-tartiib ah oo u muuqata indheer-garadka iyo aqoon-yahanka reer Somaliland u soo baxayey in hab-socodka wadahadallada iyo natiijada ka soo baxaysayba ay muujinayaan in loo siqayo dhinaca nidaam federaal ah. Haddaba, arrintaasi badheedh iyo u qasdi la’aan midkii ay doontaba [...]

Yaan Lala Yaabin Kooxdan Khaatumo Ee U Shaqaysa Maamulka Somaliland,Wasiirkii Hore A/ Gudaha Somaliland Wasiir “Duur” Wiig Kadib Waxa Uu Nala Joogaa Muqdisho Oo Uu Qol Ka Degan Yahay Madaxtooyada + Hot Video

Millateriga Masar Oo Ka Shiraya Sidii Ay Siyaasadda Uga Mamnuuci Lahaayeen Ururka Akhwaanul Mulimiin

0
0

 
 
Raysul Wasaarah Xukuumadda ku Meel gaadhka ah ee Dalka Masar Hazem al-Beblawi Iyo Jeneraaladda Militariga Masar,  ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan in Ururka Akhwaan Muslimiinka ee uu ka soo jeedo Madaxweynihii ay Xukunka ka tureen ee Maxamed Mursi  guud ahaanba laga mamnuuco Siyaasad Dalka Masar.
 Hazem al-Beblawi, ayaa saxaafadda u sheegay inay inay Ururkaasi yihiin argagixiso gacmaha dhiig ku leh oo aanay la hadli doonin, isla markaana ay ka fiirsanayaan sidii siyaasadda dalka Masar guud ahaan looga mamnuuci lahaa, taas oo uu sheegay inay hadda u fadhiyaan oo ay qorsheheeda wadaan .

Raysal Wasaarada  Xukuumadda ku meel gaadhka ah ee dalka Masar Hazem al-Beblawi oo ariintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Lama hadli doono kuwa gacmaha dhiiga ku leh, waxaana hadda u fadhinaa inaan ka fiirsano sidii Siyaasadda looga mamnuuci lahaa, Ururka Argagaxisada ah ee Akhwaan Muslimiin”
Haddalkan ayaa noqonaya mid sii hurinaya Xaaladda Masar oo dhiig baddan uu ku daatay ugu yaraanna ay  1500 oo qof ku dhinteen muddo ku siman  4-tii  maalmood ee oogu danbaysay, balse Ururka Akhwaan Muslimiin, ayaa sheegaya in 2500 qof ay dileen Ciidamada Masar.
Ururka Akhwaan Muslimiin ee uu ka soo jeedo Madaxweynihii xukunka laga tuuray ee dalkaasi, ayaa ku leh taageero Xooggan ku leh Masar, kuwaas oo hadda dalkaasi ka wada mudahaaryo xoogan oo ay kaga soo hor jeedaan Milleteriga dalkaasi ee xukunka ka tuuray madaxweynihii ay codka ku soo toorteen ee ururkooda ka soo jeediyey, waxaana horrey u mamnuucay Ururka Akhwaanka  Madaxwaynihi horre ee Masar Jamaal Cabdi Naasir.

Eng.Maxamed Xaashi Cilmi Oo Si Faah Faahsan Uga Hadlay Wada Hadalada Somaliya, Himilooyinka Xil Gudasho Ee Baarlamaanka,Hay’adaha Magaca Somaliya Ku Jooga Wadanka Iyo Nooca Guddida Loo Baahan Yahay Inay Somaliland U Matasho Wada Hadalada somaliya

0
0

Hargeysa-(Idhanka):-Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah xubnaha madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka somaliland ayaa si faahfaahsan uga hadlay wada hadalada Somaliland iyo somaliya.
Eng:Maxamed Xaashi Cilmi oo maanta ka hadlayey shir jaraa’id oo ay xubnaha madashaasi ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay Somaliland ku khasaartay wada hadaladii hore ee ay la [...]

Taariiqda Hogaamiye KMG ah oo loo magacaabay Koxda Ikhwaanka al-muslimin Masar

0
0

Maxamud Cisat waxa uu ku dhashay magaalada Al-qaahira ee caasimada wadanka Masar sanadi 1944,waxa uu shahaada dugsiga sare qaatay sanadii 1960-kii,kadib sidoo kale waxa uu ka qalin jabiyay kuliyada cafimaadka sanadii 1975,waxana uu helay darajada mastaredka sanadii 1980,waxa uu sido kale qaatay darajada Diktoora sanadii 1985.
Cisat waxa uu sido kale qaatay darajada dibloma sanadii 1998 waxana uu ka qatay machadka daraasatka islaamiga.
Casat ayaa ku biiray koxda ikhwaan al-muslimin isago sagaal sano jir ah waxana uu xubin toos ah ka noqday sanadii 1962 markaasi uu baranayay kuliyada cafimadka,wa la xiray sanadii 1965 waxana uu wajahay xukun 10-sano ah,xabsiga waxa uu kasoo baxay sanadii 1974-ti waxana xiligasi uu sii dhamaystirtay wax barashadisa dhanka cafimadka sanadii 1976.
Waxa lo dortay sanadii 1981 hogamiyaha ruxiga ee koxda ikhwan al-muslimin kadib waxa u sii xig xigay xiritaano kale oo lagu la kacay.
Koxda bartoda internetka ku leyihiin ayay galinki danbe shalay ku shaciyen in cisat uu yahay hogaamiyaha Kmg koxdasi kadib marki la xiray hogaamiyihi ruxiga koxdasi maxamed badic.

Buraannews.com-Muqdisho

Shacab maanta lagu rasaaseeyay degmada B/Xaawo ee gobolka Gedo

0
0

Wararka inaga soo gaaraya degmada Buula Xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in galabta Askari katirsan ciidamada Dawlada Somaliya uu dad shacab ah ku rasaaseeyey meel ay kusugnaayeen kadibna waxyeelo dhaawac ah ka dhalatay.
Sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulka DF ee degmada B/Xaawo oo caawa la hadlay idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho waxa ku dhaawacmay rasastaasi ilaa  3 qofood oo dhalinyarada deegaanka ahaa.
Taliska Booliska Degmadaasi ayaa iyagu waxay sheegeen inay ku raad joogaan Askariga falkaasi geystay islamarkaana ay ku goodiyeen inay gacanta kusoo dhigayaan tallaabana laga qaadayo
 
Buraannews.com-Muqdisho

Maamulka Somaliland oo ku celisay markale inay qaadacsan tahay shirka Biljim ka dhici doona bisha soo adan

0
0

Shir jaraa’id  uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Maamulka la magac baxay Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayuu kaga hadlay Shirka dhawaan lagu wado inuu ka dhaco  dalka Biljimka.
Biixi waxa uu si cad usheegay inaysan Somaliland ka qeyb geli doonin shirkaasi islamarkaana uu uga mahad celiyey deeqaha Mar walbo ay soo gaarsiiyaan Midowga Yurub laakiin uu ku tilmaamay shirka ay garwadeenka ka yihiin mid udaneynaya sida uu yiri Dawlada Somalia.
“Anaga waxaan cadeyneynaa in EU (Midowga Yurub) aan leenahay waad ku mahadsan tihiin xiriirka wanaagsan aad Somaliland la leedihiin hase-ahaatee Shirka September dhacaya waxa uu dan gaar ah uyahay Maamulka Xasan Shiikh ayuu yiri Maxamed Biixi Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland”.


Wargeysyada Yurub Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

0
0

ENGLAND:
 
Arsenal ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso inay soo xerogeliso ciyaaryahanka 25ka milyan ginni lagu qiimeeyo ee weerarka uga ciyaara kooxda Swansea City Michu madaama ay dhibaato kala kulmeen doonistoodii Luis Suarez iyo Wayne Rooney. (The Independent)
 
Xiddiga reer Uruguay Suarez ayaa la filayaa inuu sii joogo Liverpool ka dib markii kabtanka Liverpool Steven Gerrard uu xaliyay arinta u dhaxeysay weeraryahanka iyo tababare Brendan Rodgers. (Daily Mirror)
 
Chelsea ayaa u muuqata inay dalab kale ka gudbineyso xiddiga reer England Wayne Rooney ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga. (Fulham Chronicle)
 
Tababaraha Blues Jose Mourinho ayaan weli ka quusan saxiixa Rooney, laakiin ciyaaryahanka khadka Michael Carrick ayaa sheegay in ciyaartoyda Old Trafford inay doonayaan inuu kooxda sii joogo. (Daily Star)
 
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Luka Modric ayaa loola xiriirinayaa inuu ku soo laabanayo Tottenham isagoo qeyb ka noqonaya heshiiska rikoorka adduunka noqonaya ee Madrid ay ku dooneyso Gareth Bale, laakiin waxaa la rumeysan yahay in Modric uu ka jeclaan lahaa Manchester United. (Daily Mirror)
 
Xiddigii diirada u saarnaa Liverpool Willain oo 25 sanno jir ah ayaa laga yaabaa inuu aado Tottenham, kuwaasoo isku diyaarinaya inay bixiyaan lacagta la duldhigay ciyaaryahanka ee 26 milyan ginni. (Daily Mirror)
 
Manchester City, Chelsea iyo Arsenal ayaa dhamaantood isku dayaya inay soo xerogeliyaan 17 jirka kooxda PSV Eindhoven Zakaria Bakkali. (Daily Express)
 
AC Milan ayaa kula biirtay kooxda Liverpool tartanka loogu jiro saxiixa 23 jirka daafaca uga ciyaara Paris Saint-Germain Mamadou Sakho. (Daily Star)
 
Norwich ayaa qorsheyneysa inay soo xerogeliso labo saxiixi, iyagoo weeraryahan ka soo qaadanaya Galatasaray Johan Elmander iyo Andrea Caracciolo oo ay ka doonayaan Brescia. (Daily Mail)
 
ITALY:
 
Inter Milan ayaa ku dhow inay soo gabagabeyso saxiixa xiddiga kooxda Juventus Maurico Isla, halka sidoo kale ay meel sarre ka gaareen wadahadalada ay kula soo wareegayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bologna Saphir Taider. (La Gazzetta dello Sport)
 
Roma ayaa faa’ido 17 milyan euro ku heshay weeraryahankeedii Pablo Daniel Osvaldo kaasoo si rasmi ah ugu biiray kooxda Ingariiska ee Southampton. (La Gazzetta dello Sport)
 
Atletico Madrid ayaa saxiixa xiddiga Fiorentina Adam Ljajic waxa ay kaga badineysaa AC Milan (Corriere dello Sport)
 
SPAIN:
 
Real Madrid ayaa jeclaan laheyd in Gareth Bale uu sameeyo gadood, laakiin uma muuqato sidaas, waxaana ay Spurs dooneysaa inay hal sanno kale sii ceshato, iyadoo Real Madrid ay isku daygeeda wadi doonto ilaa iyo maanta ugu danbeysa. (Eurosport)
 
Valencia ayaa gacanta ka taagatay inay u dhaqaaqayaan saxiixa weeraryahanka Atletico Madrid Adrian Lopez. (Football Espana)
 
Kooxda reer Mexico Monterrey ayaa xaqiijisay in weeraryahan Dorlan Pabon inuu ku biirayo kooxda Spain ka dhisan ee Valencai. (Football Espana)
 
Buraannews.com-Muqdisho

Dhegayso: Wasiirka Arrimaha Dibedda oo si faah faahsan uga hadlay qorshihiisa siyaasadda Wasaaradda loo dhiibay iyo arrimo kale oo badan.

Ma Dhabaa Khilaaf Banaanka U Soo Baxay Oo Ka Dhex Qarxay Wasiirada Madaxtooyada Iyo Ganacsiga Somaliland Oo Ku Saabsan Arimo Ay Ka Midka Yihiiin Xoggahan Soosocda

0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali X Xasan iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Maxamed C/laahi Cumar ayaa la sheegayaa in uu soo shaac baxayo khilaaf Maamul oo u dhaxeeya kaasoo ku sal leh laba Arrimood oo la sheegay in ay kala yihiin Dakhli Haamaha Shiidaalka ka soo bixi jiray oo Qasnada Dawladda lagu xareeyay iyo [...]

Ganacsatada Yaryar Ee Ku Dhaqan Magaalada Borama Oo Cabashooyin Lahortagey D/Hoose Borama Iyagoo Sheegay Balanqaadyo Maamulku U Qaaday Inay Meesha U Yimaadeen

0
0

Borama-(Idhanka):-Qaar ka mid ah ganacsatada yaryar ee dhuxusha iyo cawska ku iibisa gudaha Boorama ayaa maanta mudaharaad salmi ah oo si nabadgalyo ah u dhacay ka hor dhigay banaanka hore ee hool ay ku shirayeen xildhibaanada golaha degaanka ee Boorama maanta.
Ganacsatadan yaryar oo cabashadooda u dhiibay saxaafada iyaga oo ku hor urursan D/Hoose ee Boorama [...]

Waxaanu Nahay Waddan Xor Ah Oo Madax-banaan, Xuduudihiisa-na La Yaqaano” Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Oo Si Adag Ugu Jawaabay Hogaamiye Faroole Ee Mawjahada Siyaasadeed La Baaxadagyso

0
0

Hargeysa-(Idhanka)  Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, kaas oo sheegayay Inay qorshaynayaanwadda-hadalo ay  la galaan Somaliland.
Wasiirka Arrimaha dibadda oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo uu ka hadlay sababaha ay Xukuumadda Somaliland u qaadacday ka qayb-galka Shirka [...]

Wasiirka Beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi “Geedoole” Oo Deeq Siidhka Beeraha Ah Oo Qiimaheeda Lagu Sheegay 2 Milyan Oo Dollar Kala Waraeegay Hay’ada ARAHA Ee Fadhigeedu Yahay Maraykanka

0
0

Hargeysa-(Idhanka) Wasiirka wasaarada Beeraha Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) ayaa maanta kala wareegay hay’ada ARAHA deeq siidh-ka Beeraha ah oo loogu talagalay in ay ka faaiidaystaan Beeralayda Somaliland.
 
Deeqdan oo ka timi hay’ad maraykan ah oo lagu magacaabo LIVE FOR RELIEF AND DEVELOPMENT ayaa hay’adda ARAHA oo la soo mariyey waxay ku wareejisay wasaarada beeraha.
Munaasabad ka [...]

Taliyihii Guutadda 5-aad Ee Warshadda Kabista Hargeysa Oo Qawaday Darajadda La Siiyay, Isagoo Ciidamadana Ka Goostay Iyo Xukuumada Oon Wali Kahadal

0
0

Hargeysa-(Idhanka) – Sakariye Cilmi Ibraahim Oo Ahaa Taliyaha guutada Shanaad ee Xeradda kabista Magaaladda Hargeysa ayaa la sheegay in uu ka goostay ciidamadda isla markaana uu afka saaray dhinaca Magaaladda Saylac.Baxsadka Taliyaha ayaa ka dambaysay ka dib markii darajadii la siiyay uu qawaday, taas oo ahayd laba Alif.
In badan ayuu ku dooday in laga bedelo [...]


Dagaal ay dad badani wax ku noqdeen oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Sool iyo faahfaahino ka soo baxaya

0
0

Afar qof ayaa ku dhintay sagaal kalena way ku dhaawacmeen dagaal ka dhacay deegaan lagu magcaabo God-heeli oo ka tirsan degmada Caynabo ee gobolka Sool taas oo 110-km ku dhawaad ka xigta dhinaca Waqooyi magaalada Laascaanood, kadib markii dagaal ku dhex-maray laba beelood oo halkaasi wada-dega.
Sida warku sheegayo shalay subax ayaa waxa uu nin ku dhintay muran ka dhashay goob xoolaha lagu dhibeeyo ama lagu daweeyo, halka qof dumar ahina ay ku dhaawacantay, taas oo keentay in uu halkaasi ka dhaco dagaal dhexmaray labo beelood oo halkaasi wada degan, Jaamac Xasan oo ka mid ah dadka ku nool deegaan ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegay in dagaal balaaran uu halkaasi ka dilaacay  isla shalay  kaasoo soo gaarey gabal-dhicii  shalay .kaas oo geysatay ugu yaraan 3 ruux oo kale oo dhimasho ah iyo 8 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan
Warku wuxuu intaas I ku darayaa  in Ciidammo ka tirsan kuwa maamulka Somaliland ay goobtaasi gaareen ,islamarkaasna ay kala dhexgaleen labadii dhinac ee dagaalku u dhexeeyey ,waxaana dhinaca kale laga soo calaamadeynayaa deegaanada u dhow dhow  inay ay jiraan ciidan urursi u dhexeeya labada beelood ee dagaalku u dhexeeyo,waxaana jirta cabsi ku aaddan in uu dagaalku  sii socdo, inkastoo ciidamadii halkaasi tagay ay ku wargaliyeen labada dhinacba inay joojiyaan dagaalka oo aan xabad dambe la ridikarin .
Ma jirto cid illaa hadda ka hadashay dagaalkaas oo ka mid ah odayaasha labada beelood iyo dhinaca maamulka Somaliland, waxaase dadka deegaankaasi walaac weyn ka muujinayaan in khasaaruhu intaasi ka badan yahay, maadaama aanay suurogal ahayn in la ogaan karo waxyeelada dagaalka isgaarsiinta goobta uu dagaalku ka dhacay oo liidata daraadeed.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Xilidhabaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo horjeestay go’aan ay horay u gaareen dowladda Soomaaliya iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya

0
0

Xilidhabaan Cabdirashiid Xiddig oo ka mid ah xildibaanada baarlamaanka dowladda faderaalka Soomaaliya ,haddana ku sugan magaaladda Kismaayo ayaa isagoo ka hadlaya arrimo badan waxaa uu qaadacay hadalkii dowladda faderaalka Soomaaliya ay ku sheegtey inay maamuli doonto dakedda iyo garoonka diyaaraddaha ee Kismaayo,waxana uu sheegey in maamulidooda ay u taalo dadka daga Kismaayo.
Xildhibaan Xiddig waxaa uu ugu horeyn hadalkiisa ku soo qadey wada-hadalada bilowga ah ee ka socda magaaladda Addis-ababa kasoo u dhaxeeya dowladda faderaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland waxana uu sheegey inuu soo dhaweenayo wada xaajodka una ka rajeenayo inay kasoo baxaan wax ay ku qancan dadka reer Jubbaland.
“Waxaa hadda taagan waxaa weeye dowladda iyo maamulka Jubbaland waxaa usocdda wada-hadal waxaanna ka rajeynaynaa  inuu guuleysto oo la is afgarto,nidaam wanagsan oo walaaltinimo inuu kasoo baxo wana dhirigalineynaa wada-hadallka wana ka shaqeyn doona” ayuu yiri xildhibaan Xiddig.
Xildhibaanku waxaa kale oo uu ka hadley arrimaha ku aadan maamulidda dakedda iyo goraanka diyaaradda ee magaaladda Kismaayo  oo shirkii ay kampala ku yeesheen madaxda dalalka ay ciidamadu ka joogaan soomaaliya lagu go,aamiyey  inay dowladda soomaaliya la wareegto gacan ku haynta  garoonka iyo dekedda kismaayo  ayaa waxa  uu si kulul u yiri,dekedda iyo garoonka diyaaraduhu waxay ku yaallaan deegaanada Jubbooyinka,waxayna maamulidoodu ay utaallaa dad daga deegaanka.
Waxaa sidoo kale xildhibaanku uu sheegey inaan wax xal ah lagu gaari karin shirar dibadda ka dhaca loogana hadlo arrimaha Soomaalida gudaha Soomaaliya, isagoo xusay  in uu xalku yahay wixii ay dadka Soomaaliyeed isla gartaan, “Dakedda iyo garoonka diyaaradda waxay ku yaalan deegaanka Jubbooyinka,dekedda ,garoonka iyo deegaanka Jubbooyinka labo makala aha maamulidooduna dadka deegaanka ayey u taalaa,shir lugu qabto iyo war laga soo saaro dibadda xal ma keeni karo ee xalku waxaa uu  ka yimaadaa dadka Soomaaliyeed waxa ay ku qanacsanyihiin” ayuu yiri xildhibaan Xiddig.
Xildhibaan Xiddig waxaa kale oo uu bogaadiyey  ciidamada  ku sugan Kismaayo ee AMISOM waxana uu sheegey inay waxbadan u qabteen shacabka jubbooyinka sida uu yiri isagoo u soo jeediyey ciidamadaasi, inay  gacantooda galiyaan dhamaanba deegaanada gacantooda ka maqan ee gobolada jubbooyinka kuwaas oo uu sheegay inay Al-shabaab haystaan.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Maamulka Degmada Afgooye oo qeylo dhaan ka muujiyay Amni darrida ka jirta Degmadaasi

0
0

Afgooye (Sh M Network)—Guddoomiye Ku xigeenka dhinaca amniga ee Degmada Afgooye Mahdi Axmed Xasan oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay inay Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ay ku soo badanayaan Rag ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaan falal Amni darri ka geysta Degmadaasi.
Guddoomiye Mahdi Axmed Xasan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sidoo kale tilmaamat inay ka hortagi dooonaan Raggaasi ka tirsan Ciidamada Dowladaa Soomaaliaya si aysan u dhibaateynin Shacabka ku dhaqan Degamada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.
Hadalka Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Amniga ee Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose Mahdi Axmed Xasan ayaa waxa uu imaanaa xili ay Degmadaasi ka dhacaan waxyaabo Amniga Degmada Afgooye liddi ku ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka codsaday Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa inay Muqdisho yimaadaan si ay…

0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Addis ababa ayaa sheegaya  in madaxweynaha Soomaaliya oo habeen hore la kulmay ergooyin ka kala socday dowladda soomaaliya iyo maamulka Sheekh Axmed Madoobe, isla markaasna hadal u jeediyey labada dhinac  ayaa is arag kooban oo ay  ku yeesheen halkaasi wafdigii ka socday maamulka kismaayo uuna hor kacayey  madaxweynaha maamulka Kismaayo  waxaa la sheegay inuu madaxweynaha soomaaliya uu Casumaad rasmi ah u fidiyey Axmed Maxmed Islaam iyo ku Xigeenkiisa Cabdulaahi Sheikh Ismaaciil Farataag oo ka codsaday  iney booqasho ku yimaadaan magaalada Muqdisho.taas oo dhacaysa haddiiba natiijo lagu gaaro shirka addis ababab uga socda ergooyin ka kala socda dowladda iyo maamulka kismaayo ee uu madaxda u yahay  axmed madoobe ,haddii aan waxa natiijo ah la gaarinna ay adagtahay inay yimaadaan xubnahaasi  magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheikh wuxuu kaloo sheegey in loo baahan yahay in lasii wado dib u heshiisiinta Gobolada isla markaasna la sameeyo tanaasul dheer oo dhinacyo badan taabanaya sida uu yiri, illaa hadda la sheegin heshiis rasmi ah oo labada dhinac dhexmaray ,waxaana kulamada ka socda  addis ababa ka soo baxaya war is khilaafsan oo ku saabsan natiijada shirkaasi, waxayna waraka qaar sheegayaan in shirkaasi qaar kamid ah qodobadiisa la isku fahmiwaayey ,iyadoo dhinaca kale ay xubno ka tirsan dalalka igad wadaan inay labada dhinac  isku soo dhaweeyaan.
Qodobada laisku fahmi la yahay ayaa waxaa ka mid ah magaca loogu yeeray maamulka  goboladaasi ka howgalaya ,dastuurka iyo awoodda uu yeelanayo maamulka iyo qodo kale mase jirto cid xaqiijinaysa  qodabada rasmiga ah ee la isku mariwaayey, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi u hogaaminayey ayaa shalay galabtii dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar labo cisho qaatay oo ku joogay magaalada Adis-Ababa ee Dalka EItoobiya.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo si adag uga hadlay hadal ka soo yeeray Madaxweynaha Puntland oo sheegay in…

0
0

Gudoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka warbixiyay Waxqabadka Baarlamaanka mudada sanadka ah ee uu jiro ayaa sheegay in Xildhibaannada Baarlaanku ay waxyaabo badan u qabsoomeen sanadkii aynu ka soo gudubnay iyadoo dhanka kalena uu gudoonka Baarlamaanka rajo ka muujiyey ku guuleeysashada howlaha horyaala.
Maxamed Sheekh Cusmaan {Jawaari} guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta ayaa ka hadlay waxqabadka Baarlamanka mudada sanadka ah ee uu jiray, isagoo tilmaamay inay dadaal badan ku bixiyeen sidii loo heli lahaa waxqabad la taaban karo oo ay ku qancaan ummadda Soomaaliyeed.
‘’Waxaa qabsoomay Afarti bilood ee koobaad in uu Baarlamanku isdhiso, waayo markaad adiga isdhistaad wax dhisi kartaa, waxaa noo hirgalay 15 guddi oo ah guddiyadii uu ku shaqeyn lahaa baarlamanka iyo gudiyadii joogtada ahaa oo ka kooban gudoomiyayaasha gudiyada ayaa noo dhisam waxaa inoo xigtay in dalka aan u dhisno Madaxweyneyne, hadana aan u dhisno R/wasaare iyo gole wasiirro, barnaamijkoodana la ansixiyay taas ayuu ku mashquulsanaa kalfadhigi koobaad” ayuu yiri guddoomiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.
Guddoomiye Jawaari oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in dabayaaqada sanadkii hore uu baarlamanku ansixiyay miisaaniyad kooban oo Sadex biloodle ah iyo howlo kale oo maamulka ah, sidoo kale waxaa uu xusay in baarlamanku uu xilligaasi sameystay xeer hoosaad uu ku shaqeeyo Baarlamanku, iyo inuu dejiyo istiraatiijiyo Afar sanadood ah.
Gudoomiyaha baarlamaanka waxa uu hoosta  ka xariiqay in kalfadhiga Labaad ee baarlamanku uu ku guuleystay sharcidejinta iyo la xisaabtanka xukuumada iyadoo gudiyada baarlamanku ay kormeer ku tageen wasaaradaha dowladda iyagoo u kuurgalaya waxqabadkooda, Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa beeniyay in wax laga bedelay dastuurka Soomaaliya, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay eedeymaha ka soo yeeraya maamulada.
Prof. Jawaari oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa sheegay in aanay jirin wax ka bedel lagu sameeyay dastuurka, isla markaana sidii loo keenay ay u hayaan, hase ahaatee hadii la rabo in la saxo loo baahan yahay in la isu yimaado oo la wada toosiyo.
“Dowladda hada jirta wax shaqo ah kuma lahan, Madaxtooyada ma sameyn wax ka bedel, waxba ma haleysna waxyaaba in laga saxo jira, hadii wax haleysan yahay, walaalow aan isu nimaado oo aan wada toosino, ma ahan in meelaha laga dacwoodo” ayuu yiri Prof. Jawaari, Mr. Jawaari ayaa sheegay in sidii loogu dhiibay ay u hayaan dastuurka, waxaana uu xusay in baarlamaanka uu horyaalo hadii wax ka bedel lagu sameynayo sida uu yiri.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live