Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maxkamad Mareykanka ah oo 15-milyan doolar ku xukuntay sargaal ka tirsanaa ciidamadii Soomaaliya

$
0
0

Maxkamad ku taalla magaalada Columbus ee gobolka  Ohio ee dalka  Maraykanka ayaa xukun ku ridey Col. Ciidamadii hore ee Soomaaliya ka tirsanaa, kaasi oo muddo ku noolaa Maraykanka, balse hadda ka tagay halkaasi, Col. Cabdi Aadan Magan ayaa lagu xukumey in uu bixiyo $15 milyan oo doollar oo magdhow ah, lacagtaasi oo uu siinayo Abukaate Abukar Xasan AXmed  kaasi oo dacwadda ku oogey korneelkasi.
Dacwadda ayaa waxa ay khuseysaa xilli uu korneylkaasi ahaa madaxa baarista ciidamadii sirdoonka Soomaaliya NSS, isaga oo xabsiga dhigey Abukaate Abuukar oo sidoo kale xilligaasi macalin ka ahaa jaamacaddii ummadda Soomaaliya, Abukaate Abuukar waxa uu sheegey in si xun loo jirdiley, islamarkaasina uu mas’uul ka ahaaCol.cabdi aadan magan , wuxuu sheegey in xiligaasi uu abukaate u ahaa dad aragti ahaan kasoo horjeedey dowladdii Soomaaliya, sidaasina isaga lagu xirey.
Abukaataha ayaa sheegey in uu ogaaday in Col. Magan uu ku noolyahay Maraykanka sanadkii 2010-kii, kana ogaaday shabakadda Google-ka oo uu magaciisa ku baaray Sida uu yiri
Dacwadan oo soo jiitamaysay muddo sanado ah ayaa natiijadeeda ay noqotey lacagtaasi aad u badan ee magdhowga ah, laakiin Col Magan hadda waxa uu ku noolyahay Kenya, kamana uusan jawaabin xukunka ku dhacay.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar


Ahlu Sunna oo ku kala qeybsantahay Guddoomiye cusub oo ay dowladda Soomaaliya u magacowday gobolka Galgaduud

$
0
0

Maamulka sare ee culumaa’udiinka Ahlu Sunna Walajamaca ee gobolada dhexe ayaa la sheegay inay kula aragti duwanyihiin oo ay ku kala qeybsameen Guddoomiyaha cusub ee dhawaan ay dowladda Soomaaliya u magacowday gobolka Galgaduud ee bartamha dalka Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Cirfo.
Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa sheegay inaysan dowladda Soomaaliya xaq u laheyn in gobolka Galgaduud Guddoomiye iyo maamul kale midna u soo magacowdo, wuxuuna intaasi ku daray in Galgaduud ay la mid tahay gobolada dalka Soomaaliya ee dastuurku dhigayo in dadka degan ay iyagu maamul u sameeyaan, wuxuuna intaasi ku daray in maamulka Ahlu Sunna ay yihiin maamul jir oo la aqoonsanyahay, sidaas owgeed  aysan jiri karin gobol uu maamul la aqoonsanyahay ka jiro sabab maamul loogu soo magacaabo, wuxuuna intaasi ku daray in maamul aysan iyaga lala tashan aan gobolkaasi loo soo magacaabi karin.
Mar la weydiiyey in maamulka Ahlu Sunna dhexdooda uu khilaaf u dhaxeeyo ayaa waxa uu yiri “Wax khilaaf ah nooma dhaxeeyaan, waxaa la yiri mukulaal hadey riyooto waxay ku riyootaa iyadoo cuneysa jiir ama dooli, marka ma jiro wax khilaaf ah oo noo dhaxeeya haddii aynu nahay xubnaha Ahlu Sunna waljamaaca”.
Dhanka kale Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Cabdi Cali Fiidow ayaa sheegay in Ahlu Sunna ay ogtahay magacaabista Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud, ayna raali isaga ahaayeen Ahlu Sunna magacaabista Cirfo, wuxuuna intaasi ku daray inaysan hadda garankarin sababta ka dambeysa in looga soo horjeesto Guddoomiyaha cusub ee ay dowladda Soomaaliya u soo magacawday gobolka Galgaduud ee dalka Soomaaliya.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Siyaasi u dhalatay Sweden oo la weeraray

$
0
0

Siyaasi u dhalatay Sweden ayaa magaalada Muqdisho lagu weeraray, halkaas oo lagu dilay dadkii la socday, iyadana lagu dhaawacay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha: Ciqaab ayey mari doonaan Cidkasta oo Ciidamada DFS ka been abuurta

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu aad ugu xunyahay Dhibaatooyinka mararka qaar loo geysto qaar kamid ah Muwaadiniinta Soomaaliyeed sida Dilka iyo Kufsiga.
Mudane C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhanka kale waxaa uu tilmaamay inay jiraan Shaqsiyaad gaar ah oo dhaqaalo ku raadsada Kufsi been abuur ah isla markaana buunbuuniya isagoo taasina ku sheegay inay tahay wax aad looga xumaado.
Wasiirka ayaa waxa uu balanqaaday inay Dowladda Federaalka Soomaaliya si isku mid ah ay ula Dagaalami doonto Kan Kufsiga geysanaya iyo Kan dhaqaalaha ku doonaya isagoo been abuur sameynaya.
Dhinaca kale wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ee Xukuumadda Federaalak Soomaaliaya ayaa Ugu dambeyntiina waxaa uu Shacabka ugu baaqay inay Dowladdu ku gacansiiyaan ka hortagida kuwa Kufsiga geysanaya iyo kuwa Dhaqaalaha ku raadsanaya intaba hoosta.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia: wey adagtahay in laga hortago Tacdiyadaha ka dhanka ah Xuquuqul Insaanka

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay inay adagtahay dhowrida Xuquuqda Aadanaha madaama buu yiri Hub farabadan uu dhaxdaadsanyahay isla markaana Al Shabaab meelaha qaar ay waxyeelo ka geystaan hase ahaatee waxa uu hoosta ka xariiqay inay Xukuumadda Xil iska saari doonti Ilaalinta Xuquuqda Aas aasiga ee Muwaadinka Soomaaliyeed uu leeyahay iyo kuwa kale intaba.
Ra’iisul Wasaare Saacid oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa xusay in Marxalado kala duwan uu Dalka soo maray isla markaana dhibatooyin kala gedisan ay Shacabku la soo kulmeen kasokow arrinkasi waxa uu ka dhawaaiyay in Xukuumaddu ay ka go’antahay dhowrida Sharafka iyo Karaamada uu leeyahay Shaqsi kasta oo Soomaalia ah.
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu balanqaaday inay Xukuumaddu la Dagaalami doonto Cidkasta oo dhibaato iyo Xadgudub u geysaneysa Shacabka Soomaaliyeed.
Geesta kale Ra’iisul Wasaare Saacid oo soo hadal qaaday Tacdiyadii kala duwanaa ee mararka qaar dhici jiray inay haatan hoos u dhaceen %50 marka loo eego Sanadkii tagae ee 2012 taasiana ay ku imaatay Dadaal dheeri ah oo ay Xukuumaddiisu sameysay isagoo ugu dambeyntiina Shacabka ugu baaqay inay Xukuuimadda kala shaqeeyaan sidii loo dhowri lahaa Xuquuqdooda.

Daawo Sawirro Iyo Faahfaahin Ka Soo Baxaysa Xasuuqa Dadka Suniyiinta Ah Ee Caruurta Iyo Dadka Taagta Daran U Badan Lagula Kacay Dalkaasi Suuriya Xasuuqii Ugu Xumaa Tan Iyo Bilawgii

$
0
0

Dimishiq-(Idhanka) Faah Faahin Dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Xasuuq maalintii shalay Ciidamada Daacada u ah Madxaweynaha Dalka Siiriya Bishaar Al-Asad ka geesteen xaafado kuyaala Caasimada Dalkaasi ee Dimishiq.
Dhimashada ayaa gaareysa ilaa 1,300-oo qof oo u badnaa Caruur iyo haween kuwaa oo ku geeriyooday Hubka Kiimikada ah ay isticmaaleen Ciidamada Siiriya iyadooan sidoo kale jiraan tiro [...]

Wararki Ugu Dambeeyey Ee Dagaal Shalay Laba Beelood Ku Dhex Maray Deegaanka Gawsa-Weyne

$
0
0

 
Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helnay deegaanka Gawsa weyne ee Gobolka sanaag, ayaa sheegay inay hadda xaaladdu degentahay, ka dib markii shalay illaa xalay ay ku dagaalamayeen deegaankaasi laba beelood oo wada dega, waxaana ku dhinta lix qof halka ay shan kalena dhaawacmeen.
Wefti ka socda Xukuumadda iyo madaxdhaqameed, ayaa ku sii qul qulaya deegaankaasi, kuwaas oo ku dedaalaya sidii ay u xallin lahaayeen colaadda deegaankaas ka taagan.
Wisii ka soo kordha la soco.
Hargeysa Somaliland
 

Siyaasi Ka Soo Jeeda Bariga Sanaag Oo Madaxweynaha Ku Bogaadiyey Soo Xero Galinta Sulaadiinta Iyo Siyaasiyiinta Goboladda Bari

$
0
0


 
Siyaasiga Axmed Maxamuud Nuur oo ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Goboladda Bariga Sanaag ee Somaliland kana mid  Xisbiga Kulmiye ayaa Xukuumadda uu hogaamiye Madaxweyne Axmed Maxamed (Siillaanyo) ku bogaadiyay ka midha dhalinta hawlahii nabadaynta goboladda bariga Somaliland oo uu sheegay inay ku guulaysatay Xukuumaddu soo Xero galinta Siyaasiyiinta iyo Madax dhaqameedkii ugu magaca wayna deeganadaasi.
Prof: Axmed Maxamuud Nuur ayaa isaga oo  Xalay Wargeyska Saxansaxo u Waramaamayay waxa uu ka dhawaajiyay inay Xukuumada ka dhalatay Xisbiga Kulmiye hirgalisay waxyaabo badan oo horumarka iyo Nabadaynta gobolada dalku ka mid yahay,waxana uu sidoo kale soo dhaweeyay Derojooyinkii dhawaan Ciidamadda qaranka loo qaybyiyay ee Madaxweyne Axmed (Siillaanyo) uu Digreetada ku Meelmariyay.
Axmed Maxamuud Nuur oo arimahaasi ka hadlaayay waxa uu yidhi“Waxa Xisbiga Kulmiye iyio Dawladda uu hogaamiyo Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siillaanyo uu ku guulaystay Siyaasaddii iyo balanqaadadii Nabadaynta ama gogoshii nabadaynta ee goboladda bari,taas oo ay markhaati ka tahay Wafuudda culus ee ka soo qulqulaysa Goboladda Sanaag iyo Gobolka Sool oo dhamaantood ay yiday Baaqii iyo gogoshii nabadeed ee Madaxweynahu hore goboladaasi ugu fidiyay inay,waxaana talaabo taariikhi ah inay si guul ah gogoshaasi nabadeed ay dhamaan u wada qaateen Madaxdhaqaameedka,Siyaasiiyinta,Cuqaasha iyo Waxgaradka iyo dhamaan dadaweynaha deegaanadaasi ku dhaqani oo dhami”
Axmed Maxamuud Nuur oo faahfaahinka bixinaayay guulaha Xukuumadda Kulmiye ku guulaysatay waxa uu yidhi“Waxa arintani guusha u soo hoyatay guud ahaan  shacabka reer Somaliland ay tahay,maadaama oo Xukuumadda Xisbiga Kulmiye ay ku guulaysatay Siyaasadeedii Nabadaynta iyo Horumarinta goboladda dalka,waxana ka mid ah waxyaabahii ay ku guulaysatay arimaha ay ka midka yihiin,Siyaasadii Debadda oo ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siillaanyo hogaamiyaa ay guulo waa wayn oo umadda ku diirsatay ay ka soo haysay Siyaasadda arimaha Dibadda gaar ahaan wada hadaladii u danbeeyay ee dhex maray Somaliland iyo Somalia,taas oo lagu garawsaday jirintaanka iyo Madaxbanaanida Shacbiga reer Somaliland oo hada Caalamku inagu Ictiraamo in aynu nahay dal jira oo Somaliland la yidhaahdo”
Siyaasiga Axmed oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa kale oo Xukuumada hada jirta ku guulaysatay bixinta Derojooyinka Ciidamada qaranka ee Somaliland oo dhamaystirtay Haykalkii dawladnimo taas oo gaar ahaan uu ku amaaman yahay Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siillaanyo) oo isagu ah Madaxweynahii ugu horeeyay ee hirgaliya bixinta Derojooyinka Ciidamadda,waxa kale oo Xukuumaddani ku guulaysatay dhisitaanka Garoonka Hargeysa oo ay si Casri ah u dhistay oo iyana ka qayb ah horumarka Xukuumaddani ku talaabsatay,waxa kale oo Xukuumadani laban laabtay Miisaaniyadii 2013-ka oo ay gaadhsiisay meel aanay waligeed hore u gaadhin oo ah ilaa $125 Milyan oo doolar,waxa xaqiiqo ah in aynaan meel kaliya ku soo koobi Karin horumarka ay Xukuumadda hada jirta dalka ka hirgalisay mudadii Saddexda sano ahayd ee ay Xukunka dalka haysay”
Prof: Axmed Maxamuud Nuur waxa uu intaasi raaciyay“Waxa jira Waftiyo aad u balaadhan oo ka imanaaya goboladda bariga ee Sool iyo Sanaab kuwaasi oo ay hogaaminayaan Salaadiinta iyo Garaadada ugu magaca wayn Salaadiinta reer Somaliland gaar ahaan Madax dhaqameedka goboladda bariga ee sida wayn uga qayb qaata hawlaha nabadaynta iyo horumarka deegaanaddaasi,oo ay markhaati ka tahay fashilinta Doorashadii ay Butland ku doonaysay inay Gobolo Somaliland ka tirsan ka qabsato doorashadii malo awaalka ahayd taasi oo ay ka hor yimadeen Madaxdhaqameedka Garaadada hada Hargeysa Soo gaadhay,iyago imikana doonaaya inay halkii ka sii anba qaadaan gogoshii nabadaynta ee madaxweynahu u fidiyay gobolada ay Cuqaashu ka timid”
 
 HARGEYSA SOMALILAND


Ajaanibka Somaliland Ku Nool Oo Mahadiyey Shaqooyin Ay Ka Han-Waynyihiin Qaar Ka Mid Ah Muwaadiniintu, Sheegayna Inay Ka Helaan Dakhli Ku Filan

$
0
0

 
 
Bulshada Somaliland inta shaqayn karta oo badanaa cabasho ka muujiya shaqo la’aan baahsan oo guud ahaan dalka ka jirta, ayaa qaar badan oo Muruq iyo Aqoon ay ku xoogsadaan lihi ku doodaan in Somaliland haba yaraatee aanay oolin fursado shaqo oo munaasib ku ah Muruqooda iyo aqoonta ay soo barteen.
Hase Yeeshee waxa jira dad Ajaanib ah oo ku nool dalka oo mahadiyey shaqooyin Muruqmaal oo ay ka han wayn yihiin muwaadintiina reer Somaliland oo iyagu ku hamiya shaqo xafiis ama shaqooyin Muruqmaal oo fudud dakhli badana ka soo galo, isla markaana ka door bida shaqooyinkaasi inay bilaa camal iskaga joogaan ama ay shaxaad u ban-baxaan.
Dhalinyarada xooga ah ee bilaa camalka ah ayaa Somaliland lagu qiyaasaa 75%, kuwaas oo shaqooyin badan oo ay qaban lahaayeen u beer dareeyey ku hamiga iyo baadi doonka shaqooyin xafiiseed oo ay ku helaan mushahar badan, marka ay shaqooyinkaasi xafiisyada quus ka soo istaagaana u xadhka xidha sidii ay ugu Suudali lahaayeen dalalka dibadaha iyaga oo maraya dariiqooyin halaag iyo halis badan gaadhsiiya noloshooda.
Mid ka mid ah Dadka Ajaanibka ah ee ku nool Somaliland oo ka soo jeeda Dalka aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo aanu kula kulanay goob uu ka hayey shaqo Muruq-maal oo ay ku jeexayeen Hareeraha wadada Wadnaha si loo mariyo Xadhig Isgaadhsiineed oo dhulka hoostiisa la dhigayo ayaa Haatuf u sheegay in shaqadan cida qabataa ay u badan tahay Dadka Ajaanibka ah ee ku dhaqan Somaliland, isla markaana ay ku yar yihiin Muwaadiniinta reer Somaliland ee Shaqooyinka Noocan ah qabta.
Waxaanu tilmaamay in dadkooda ajnabiga ahi ay ku qanacsan yihiin inay shaqooyinka noocan oo kale ah ay ka shaqeeyaan, isla markaana ay ka helaan dhalaale ay ku dabaraan nolol maalmeedka iyaga iyo qoysaskooda. Ninkan Muruq-Maalka ah ayaa wariyuhu waxa uu waydiinay Dakhliga ka soo gala Shaqadan iyo Cabirka dhererka dhulka uu maalintii qodi karo ayaa sheegay in Halkii Mitir ama talaabo ee uu qodo loo xisaabiyo $2, isla markaana uu maalintii qodi karo dherer dhan 10 ilaa 15 Mitir ama Talaabo, taas oo uu sheegay inuu ka helo $20 ilaa $30 dollar oo si mug leh ugu filan nolol maalmeedka isaga iyo reerkiisa, Sidaa waxa qoray wargeyska haatuf ee hargeysa ka soo baxa
 
HARGEYSA SOMALILAND

Daawo Weftigii u gurmaday beelaha Gawsa-wene ku dagaalamay oo gaadhay halkaasi

Ururka Kubadda Cagta Adduunka Oo Muddo 23 Sanno Kaddib Muqdisho Tababar Ku Siiyay Tababarayaal Iyo Ciyaartooy+DAAWO SAWIRRO

$
0
0

Mogadishu-(Idhanka )-Ururka kubadda cagta ee adduunka FIFA ayaa ku tababaray Muqdisho garsoorayaal iyo ciyaartoy Soomaaliyeed oo ay tiradoodu ahayd 330, waxaana tababarkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay muddo 20-sano ka badan oo FIFA ay xubno Isboorti ku siiso Muqdisho.
 
 
 

Tababarkan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa wuxuu qayb ka ahaa qorshe ay FIFA ku doonayso inay [...]

Cudurka Dabeysha oo Laga Helay Ethiopia

$
0
0

Cudurka dabaysha ee ka dilaacay wadamada Geeska Afrika ayaa waxaa la soo sheegayaa inuu ku baahay wadanka Ethiopia, iyadoo kiiskii ugu horeeyey ee cudurkaasna laga helay deegaanka Wardheer ee Ethiopia.

Raaskambooni oo Barakicin ka bilaabay Xaafado ka tirsan Kismaayo

$
0
0

Kismaayo (Sh M Nework)—Cabashadani ka soo yeereyso Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay timid kadib markii Ciidamada Raaskambooni uu hogaamiyo Axmed Madoobe ay amar ku bixiyeen in Dadka Shacabka ah ay isaga baxaan Xaafado ka tirsan Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Qaar kamid ah Waxgarad ku sugan Kismaayo oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen inay dhibaato ku qabaan hadalada ka soo yeeray Maamulka Raaskambooni isla markaana aysan haysan Hooy ay uga barkacaan Goobaha ay haatan Deganyihiin.
Sikastaba hadalka ka soo yeeray Maamulka Raaskambooni oo ah in laga baxo Xaafado ka tirsan Magaalo xeebeedka Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa ay caqabad ku noqotay Dadka Danyarta ah ee ku dhaqan gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubda Hoose.
 

Ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab oo ku Dagaalamay Gobolka Sh/Hoose

$
0
0

Afgooye (Sh M Network)—Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa waxa ay ku waramayaan in Xalay iyo Saakay Dagaalo Culus oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya kuwa AMISOM  iyo Xarakada Al Shabaab uu ka dhacay Degaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose.
Dagaalada dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al Shabaab ayaa so noqnoqday sida Dad goobjoogayaal oo Janaale ku sugan ay Idaacadda Shabelle u sheegeen kuwaasi oo qarxay kadib markii tiro hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al Shabaab ay weerareen Fariismo Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degaanka Janaale ee Gobolka Sh/Hoose.
Rasaas Culus iyo Madaafiic ayaa Xalay iyo saakay waabarigii siyaabo kala duwan looga maqlay Degaanka oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM taas intabadan Dadkii Deganaa ay isaga barakaceen kadib Dagaalo soo noqnoqday oo maalmihii la soo dhaafay Degaanadaasi ku dhexmarayay Ciidanka Dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo Al Shabaab.
Dad Degaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu jiro Khasaaro dhimasho iyo Dhaawac oo gaaray Dhinacyadii Dagaalamay inkastoo aan si rasmi ah aan loo ogeyn.
Dhinaca kala Degmada Afgooye ayaa waxaa ka socday Howlgallo lagu xaqiijinayo amniga loogana hortagayo Dad falal amni darri ka geysta Degamada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose.
Mahdi Axmed Xasan oo ah Guddoomiye ku xigenka dhinaca amniga ee Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaaugu dambeyntii faah faahin ka bixiyay weerar lagu dhaawacay sida uu hadalka u dhigay Nin Degaanka ah oo Rag hubeysan ay dhaawaceen kuwaasi oo Ciidamada Dowladda ay ku raadjoogaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa Cadaaladana loo horkeeni lahaa.

Kooxo Hubeysan oo Weeraray mid kamid ah Hoteelada ku yaala Baydhabo,Gobolka Baay

$
0
0

Baydhabo (Sh M Network)—Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay ku waramayaan in Xalay Kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen Mid kamid ah Hoteelada ku yaala Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Dad degaanka oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Hoteelka loo adeegsaday Bambaanooyin isxiga kuwaasi oo si rasmi ah aan loo ogeyn Khasaaraha ka dhashay.
Saraakiisha Nabad Gelyada Maamulka Magaalada Baydhabo aan siyaabo kala duwan ula xiriirnay ma’aanan suuro gelin hase ahaate maalmihii u dambeeyay Baydhabo amaankeeda faraha ayuu ka sii baxayay kadib ka bixitaanka Ciidamamada Itoobiya ay isaga baxeen Magaaladaasi.
Mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulada Dowladda ee Baay hase ahaatee Al Shabaab ayaa waxa ay ku faafiyeen barta Internet-ka in Dagaalo isxigay ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh/Hoose ay ku dileen inkadan 20 Askari oo isugu jira Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.


Dowladda Soomaaliya oo codsi gaar ah u jeedisay Golaha amaanka ee Q/midoobay, kana dalbatay…

$
0
0

Golaha wasiiradda Soomaaliya oo kulan ku yeeshay  khamiistii Magaalada Muqdisho ayaa waxay hadleen qodobbo dhowr ah oo la xariira amniga, falkii galabtii arbacada lagu dhaawacay haweeney dalka Sweden u dhalatay iyo codsi ay u jeediyeen golaha ammaanka ee Qaramada midoobay oo la xariira in xorriyadiisa dhaqdhaqaaq loosoo celiyo ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale.
Shirkan oo uu guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa waxaa wasiirka arrimaha gudaha & amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed looga dhageystay warbixin ku saabsan amniga caasimadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in kooxihii falka  toogashada ah u geystay gabar u dhalatay dalka Sweden iyo labo muwaadin Soomaaliyeed gacanta lagu soo dhigay welina ay ku daba jiraan kuwo kale oo ka tirsan abaabulayaashii falkan.
“Runtii waxay ahayd nasiib-darro weyn in qof dalka u yimid inuu ka qayb-qaato horumarinta shacabka la dhibaateeyo, waxaana wadnaa baaris adag oo la xariira cidda falkaasi ka dambeysay si tallaabo adag looga qaado,” ayuu ku yiri wasiirku warbixintiisa.
Sidoo kale, kulanka ayaa lagu dhegeystay warbixin la xariirta qorshaha booliiska Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota ah 2013-2017, waxaana qorshahan oo aad u balaaran soo bandhigtay wasaaradda arrimaha gudaha, waxaana qorshahan ku jira in la horumariyo tayada, tirada iyo tababarada ciidamada boliiska Soomaaliyeed, si ay u fududaato sugidda amniga dalka.
Dhanka kale, wasiirka warfaafinta, C/llaahi Ciilmooge Xirsi oo wabaahinta la hadlay markii kulanku soo dhammaaday ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay aad u dhegeysteen warbixin ay soo bandhigeen guddi loo xil saaray inay soo baaraan eedaha sheegaya in ganacsade Axmad Nuur Cali Jimcaale uu ku lug leeyahay falal argagixiso. Taasoo sababtay in golaha ammaanku ay ku saaraan xayiraan dhinaca dhaqdhaqaaqa ah.
Guddigan oo ka koobnaa saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka dowladda Soomaaliya, khabiiro amni iyo xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka ayaa in muddo ah waday baarista xogta la xariirta eedaha loo jeediyay ganacsadahan. Isagoo tilmaamay in howlwadeenada baarayay eedahan ay la xariireen dhammaan cid kasta oo ay xog ka heli kareen, ayna safaro ku tageen dalal dibadda ah. Sidoo kalena ay wareysteen qaybaha bulshada, gaar ahaan culummada, odayaal, ganacsato iyo dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.
Wasiirka warfaafinta ayaa ugu dambeyntii sheegay in golaha wasiirrada dood dheer kaddib ay go’aamiyeen in ganacsade Axmad Nuur Cali Jimcaale laga qaado xayiraadda loona soo celiyo xoriyaddiisa shaqsiyadeed.
“Dowladda Soomaaliyeed waxay beesha caalamka ugu baaqeysaa inay ku tix-geliso go’aankan,” ayuu yiri wasiirku, isagoo xusay in go’aakan ay u gudbin doonaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna xusay in go’aankan uu qayb ka yahay dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo in dowladda Soomaaliyeed ay taageerto illaalinta xaquuqda, sharafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Shirkii 12aad ee dalalka geeska Afrika oo si weyn looga hadlay arrimaha Soomaaliya

$
0
0

Waxaa shalay  ka furmay magaalada Lund ee dalka Sweden shirkii sanadlaha ahaa ee Dalalka Geeska Afrika, waxaana ka soo qeybgalay shirka dad badan oo ka yimid meelo kala duwan oo caalamka.kaas oo sanad walaba looga hadlo arrimaha geeska afrika iyo sida xal waara loogu heli karo dadka degan dalalka geeska afrika
Shirka sanadkan ayaa wuxuu ku saabsan yahay  Kheyraadka, Khilaafaadka iyo Nabadda Gobolka Geeska Afika, wuxuuna socon doonaa labo maalmood, iyadoo marka uu shirka dhammaadana laga soo saari doono buug looga hadlay arrigtida iyo xalka ay ka qeybgalayaashu uarkaan xalu uhelidda qodobada laga dooday waxaana . Dalalka uu arrimaha shirkan ku saabsan yahay ay kala yihiin  Jabuuti, Eritrea, Ethiopia, Somalia, Sudan iyo South Sudan.
Shirka waxaa furay C/llaahi Cilmi Maxamed oo ah Cilmi-baare gobolka Geeska Afrika wuxuuna faahfaahin ka bixiyey shirka Lund iyo sanadihii la soo qabanayay laga soo billaabo sanadkii 2002 illaa sanadkan 2013. Wuxuu  xusay in sanad kasta shirka looga hadlayay arrimo kala duwan oo khuseeya dalalka Gobolka Geeska Afrika. Sidoo kale wuxuu ka hadlay kheyraadka ay leeyihiin dalalka gobolka iyo dhibaatada ay ku jiraan iyagoo kheyraadkaas leh.
Prof. Arne Ardeberg  oo ah ku xigeenkii hore ee Jaamacadda Lund ayaa shirka ka hadlay wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka kheyraadka dalalka gobolka, wuxuuna kheyraadkaas ka soo qaatay dahabka, qalinka, macdanta, shidaalka, tamarta korontada ee laga dhaliyo qoraxda iyo dabeysha iyo kuwo kale, sidoo kale wuxuu ka hadlay khilaafaadka ka dhasha kheyraadkaas ku jira dalalka gobolka.
Wuxuu sheegay Prof. Arne in Afrika ay mustaqbalka geleyso barwaaqo, sida bawaaqadaas loo gaarana wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la helo nabad, maamul wanaag iyo dimoqraadiyad, “Waa sanadkii 12aad oo aan halkan Lund ku kulmeyno, waana muhiim in aan wada hadalno, ka doodno arrimaha gobolka sidaasoo ay tahay ficilna waa loo baahan yahay”ayuu yiri Prof. Arne Ardeberg.
Ku xigeenka duqa magaalada Lund Mr. Jörgan Forsberg ayaa isna furitaanka shirka ka hadlay wuxuuna ugu horeyn soo dhaweeyay dadka ka soo qeybgalay shirka, wuxuuna sheegay in Shirka dalalka gobolka Geeska Afrika lagu qabanayo sanadkii 12aad  Lund, wuxuuna caddeeyay in ay taasi sharaf u tahay Magaalada Lund.
Wuxuu soo qaatay siyaasiyiintii Sweden ee maalmo ka hor lagu weeraray Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in Dowladda Sweden aad uga xuntahay dilkii C/raxmaan Xasan iyo dhaawacii Ann-Margarethe Livh Muqdisho loogu geystay.
Danjire Per Lindgärde oo Dowladda Sweden u qaabilsan  Afrika ayaa shirka ka hadlay, wuxuuna sheegay in Wadamada Gobolka dhibaatooyinka soo gaara ay ka mid yihiin maamul xumo, dimoqraadiyadda oo aan jirin, ku tartan awoodda ah, isku dhacyo xuduudeed iyo abaaro soo noqnoqday, kuwaasi oo gobolka dhigay mid dadkiisa ay dhibaatooyin ku jiraan muddo dheer.
Waddamada Gobolka qaarkood ayuu sheegay in ay horumarka sameynayaan meelaha qaarkood wuxuuna soo qaatay Soomaaliya oo uu xusay in ay Kumeel-gaarnimadii ka baxday, sidoo kalena dhinaca ammaanka wax laga qabtay, inkastoo uu sheegay in aanu weli ammaanka ahayn mid la isku halleyn karo. ,wuxuuna yiri isagoo arrintaasi ka hadlaya “Soomaaliya si ay cagaheeda isugu taagto waxaa loo baahan yahay  in dib loo eego Dastuurka Soomaaliya si looga gudbo khilaafaadyada ka dhalan kara kheyraadka dalka, sidoo kalena loogu diyaargaroobo doorasho dalka ka ka dhacda sanadka 2016.  Ayuu yiri Danjire Per Lindgärde.
Arrin kale oo muhiim ah ayuu ka dhawaajiyay Danjire Per Lindgärde, wuxuuna xusay in dowladda Sweden ay sanad kasta ku bixin doonto Soomaaliya lacag dhan 300 Milyan oo lacagta Sweden ah, taasi oo ay uga qeybqaadaneyso dib u dhiska dalka. Dowladda Sweden ayuu sidoo kale xusay in ay Sweden markii ugu horeysay safiir u magacawday Soomaaliya tan iyo sanadkii 1992.
Waddamada Sudan iyo Koofurta Suudaan ayuu soo qaatay wuxuuna xusay in inkastoo ay Koofurta Suudaan u dabaal-degtay sanadguuradeedii labaad ee madax-bannaanideeda haddana in ay weli jiraan khilaafaadyo u dhaxeeya labada sudaan, kuwaasi oo uu rajeeyay in xal laga gaaro, Gustaf Ödqvuist oo ka socday Machadka Nabadda iyo Nolosha ayaa sidoo kale ka hadlay furitaanka shirka, wuxuuna ka hadlay xaaladda ay hadda ku sugan tahay Soomaaliya, gaar ahaan nabadda, wuxuuna sheegay in inkastoo Al-shabaab awoodoodii ay meesha ka baxday haddana ay fursad u heli karaan inay weeraraan saldhigyada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Si nabad loogu helo Soomaaliya ayuu Machadkiisu soo jeediyay in la abaabulo bulshada Soomaaliyeed, isla markaana la sameeyo wacyigelin ku aaddan nabadda, iyadoo maanka lagu hayo in fowdada uu waqtiga dheer ku soo jiray dalka Soomaaliya, wuxuu sheegay in hay’ado maxalli ah oo ka howlgala Soomaaliya ay xiriir la leeyihiin, kuwaasi oo hadda ka shaqeeya xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Dowladda Sweden oo sheegtay in lacag aad u badan ay ku bixin-doonto Soomaaliya si loogu taageero…

$
0
0

Danjire Per Lindgärde oo Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Afrika  ayaa  shalay shaaca ka qaaday in dowladda Sweden ay sanadkii siineyso Soomaaliya lacag dhan 300 milyan oo lacagta Sweden ah (taas oo u dhiganta 46 Milyan Doollar) waxayna lacagtaasi soconeysaa  illaa sanadka 2017, safiirka ayaa hadalkan ka sheegay shirka Lund oo ah shir sanadle ah oo sanad walba looga hadlo arrimaha dalalka Geeska Afrika, wuxuuna intaas ku daray in dhaqaalahaas uu yahay mid ay Sweden uga qeybqaadaneyso horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo uu dalka Soomaaliya ka baxay marxaladdii KMG ahayd.
Soomaaliya si ay cagaheeda isugu taagto ayuu sheegay Danjire Per Lindgärde in loo baahan yahay in dib loo eego dastuurka si looga gudbo khilaafaadyada ka dhalan kara kheyraadka dalka, sidoo kalena loogu diyaargaroobo doorasho dalka ka dhacda sanadka 2016. Mar la weydiiyey Danjire Per Lindgärde  su,aal aheyd sida ay Soomaaliya mar kale cagaheeda isugu taagi karto,  isla markaana ay uga bixi karto dhibaatada mudada dheer ay ka jirtay, wuxuuna sheegay in arrintaas ay imaan karto marka la helo dowlad-wanaag, isla markaana la xoojiyo hay’adaha nabadgelyada iyo cadaaladda iyo in dastuurka dib loo eego, loona diyaargaroobo in sanadka 2016 ay doorasho ka dhacdo Soomaaliya.
Wuxuu intaas ku daray Danjire Per Lindgärde in tan iyo markii la soo dhisay Dowladda Soomaaliya ay ka soo wareegatay sanad illaa iyo haddana aan la qaban waxyaabo badan oo la sugayay, taasina ay mustaqbalka keeni karto in aanu dalka gaarin doorasho xilliga loogu talagalay, hadalka Danjire Per Lindgärde ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo 16-ka bisha soo socta ee September uu magaalada Brussels ee dalka Belgium uu ka furmi doono shir looga hadlayo horumarinta dalka Soomaaliya, kaasi oo la rajeynayo in ay ka soo bixi doonaan qodobo muhiim ah oo ku saabsan dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya weeraro lagu qaaday hotel ay saraakiil deganyihiin oo ku yaala Baydhabo

$
0
0

Waxaa Magaalada Baydhabo ee xaruunta gobolka Bay ka dhacay habeen hore  qaraxyo nooca bambada gacanta laga tuuro ah, kuwaasi oo lala eegtay meel ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, weerarada qaraxyada ee  ka dhacay Baydhabo lama xaqiijin ilaa hadda khasaaraha ay geysteen, waxaana  ilaa  shalay  gelinkii hore la sheegayey  in ay baaritaano ka socdaan gudaha magaaladaasi.
Goobjoogayaal  ku sugan Baydhabo oo  warbaahinta la hadlay ayaa sheegeen in weerarada lagu qaaday Hotel ku yaala gudaha magaalada oo ay degan yihiin, saraakiil ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM, sidoo kale waxaa hotelka joogay qaar ka mid ah Garsoorayaasha gobolka.
Lama sheegin in khasaare soo gaaray saraakiisha, waxayna hay’adaha ammaanka gobolka Bay ay si cad u sheegeen in ay baaritaano socdaan, oo aysan ka hor dhacayn natiijada ciidamada ammaanka, magaalada baydho mudooyinkii u dambeeyay waxaa ku soo badanayay dilalka qorsheysan iyo qaraxyo,kuwaasi oo intooda badan lagu weeraro ciidamada Dowladda Soomaaliya.AMISON iyo madaxda Dowladda ee gobalkaasi.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar:- Kenya markii ay doonto waa AMISOM, markii ay doontana dibadda ayey ka tahay

$
0
0

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo shalay  khudbad ka jeediyay Shirka sanadlaha ah ee Lund ee looga hadalayey dalalka geeska afrika ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan gobolka geeska afrka, si gaar ahna wuxuu uga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo doorka ay dalalka la deriska ah ku leeyihiin xal loo helo mushkiladda Soomaaliya.
Prof. Samatar wuxuu sheegay in dowladda Kenya ay dhowr sano ka hor gudaha Soomaaliya gashay iyadoo sida uu u yiri ku andacooneysa in ay la-dagaallameyso Al-Shabaab oo ay u aragtay in uu khatar ku yahay ammaankeeda, laakiin sheekadu ay ka duwan tahay sidaas ay Kenya dooneyso in ay isku ballaariso Soomaaliya, gaar ahaan ay ku darsato qeyb ka mid ah Xeebta Soomaaliya, gaar ahaan qeybta ku taalla xadka labada dal.
“Kenya iyadoo aanan ka mid ahayn Amisom ayay gudaha Soomaaliya gashay, waxaana Amisom lagu daray iyadoo si sharci darro ah ku gashay gudaha Soomaaliya, waana ayaan-darro dhacday runtii. Sidoo kale waxaad la socotaan in  shirkii Kampala ka dhacay ee ay lahaayeen dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya gunaanadkiisii laga soo saaray war-murtiyeed sheegayay in Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha Kismaayo lagu wareejiyo Dowladda Soomaaliya, maalmo kadibna waxaad  la socotaan hadalkii ay sii deysay Raychelle Omamo, Wasiiradda Gaashaandhigga Kenya ee ahaa in aysan arrintaas dhaceynin”ayuu yiri Prof. Samatar oo hadalkiisa ku sii daray “Kenya markii ay doonto waa Amisom markii ay doontana dibadda ayay ka tahay AMISOM”.
Sababta ay Kenya ugu hammineyso inay qaadato dhul badeedka ay Soomaaliya leedahay ayaa waxaa u saamaxaya iyadoo aysan jirin Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhici karta in ay arrimahaas ka hadasho, isla markaana ay ka hortagto gacan-togaaleysiga Kenya.ayuu yiri prof Cabdi Ismaaciil Samatar, shucuubta dalalka  la deriska ah Soomaaliya, gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya  ayuu sheegay Cabdi ismaaciil in aysan jirin colaad ay u qabaan Soomaaliya iyo dadka ku nool, wuxuuna carabka ku adkeeyay in halka dhibaatada ka socoto ay yihiin maamullada dowladahaas hor-booda.
Dhanka kalena, wuxuu soo hadal qaaday in shirkado ajnabi ah ay xaalufin ba’an ku hayaan kheyraadka ku jira Badda Soomaaliya, iyagoo lagu marmarsiyoonayo in ay xeebaha Soomaaliya ku sugan yihiin dhalinyaro burcad badeed ah soomaali ah .
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live