Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Howlgallo Dad badan lagu qab qabtay oo laga sameeyay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Sida Dad goobjoogayaal ay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho u sheegeen Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Boolis iyo Nabad Sugid ayaa maanta howlgallo ballaaran waxaa ay ka sameeyeen Xaafdo ka tirsan Magaalada Muqdisho .
Xaafadaha howlgallada ay Ciidmadan ka sameeyeen ayaa ah Xaafado ka tirsan Degmooyinka Dayniile iyo Hodan ee Gobolka Banaadir waxaa Xaafadahaasi lagu soo qab qabtay dad badan oo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al Shabaab.
Saraakiil k tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliya oo ay Shabelle qadka Taleefonka kula xiriirtay ayaa sheegay in howlgalka u jeedkiisa uu yahay xaqiijinta amaanka iyo ka hortaga Weerarada Argigixiso  oo ay sheegeen in Al Shabaab ay ka fulinayaan Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in saakay Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo wata Gadiidka Booliska ay ku waabariisteen kuwaasi oo Dadka dhalinyarada ah ku sameenayay baaritaano isla markaan Ciddi ay ka shakiyaan loo taxaabayay Xabsi,
Xaafadaha Magaalada Muqdisho ayaa dhawanahan waxaa ka socday Howlgallo Ciidanka Booliska iyo kuwa Nabad Sugid ay ku fulinayaan kuwaasi oo looga hortagayo in Falal amaan darri ay ka geystaan raga ka tirsan Al Shabaab hase ahaatee Howlgalkan ayaa imaanayo xili Shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay Golo loo sameeyay amaanka iyadoo Golahaasi uu madax ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh


Wararkii Ugu Danbeeyay Arimaha Dalka Suuriya Oo Xadhkaha Goosatay Halkii Ugu Saraysayna Maraya + Ciidamadii Maraykanka Ahaa Ee Weerarka Ku Qaadi Lahaa Suuriya Oo Obama Amar Ka Sugaya

$
0
0

Washington (Idhanka) Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka Chuck Hagel ayaa ku dhawaaqay inay diyaar yihiin Ciidamada Mareykanka ee qaadi lahaa weeraro ka dhan ah Suuriya, hadii uu amro Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama fara gelin milateri in lagu sameeyo dalka ay colaadaha la dageen.
Dowladaha reer Galbeedka ayaa ka fikiraya fara gelin deg deg ah oo ay ku sameeyeen [...]

Shir looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya oo ka socda Itoobiya

$
0
0

Adis Ababa (Sh M Network)—Shir ballaaran oo looga Arinsanayo dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii loo taageero dhaqaalo loo siin lahaa Xukuumada Fedraalka Soomaaliya ayaa waxa u si rasmi ah uga furmay Maalintii Isniinta ahayd Magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopia.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Ethiopia Axmad Cabdi Salaan ayaa waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay xoojiyaan Taageerada ay ka gaysanayaan dib u dhiska Soomaaliya.
Mr axmad oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in dowlada Fedraalka soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Africa iyo Urur Gobaleedka IGAD ay dadaalo xoogan ugu jiraan sidii Nabad iyo Xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid ay soo agaasintay Machadka Dhaqaalaha iyo Arimaha Bulshada ee geeska Africa  ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (HESPI) oo ah mid socon doona mudo 3-maalmood ayaa diirada lagu saari doonaa dib u dhiska iyo Taageerida  dalka Soomaaliya.

Madaxwayne Siilaanyo Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo La Filayo In Goordhaw Ay Soo Gaadhaan Boorama Iyaga Magaalada Usoo Dhaw Hadda+ Ujeedka Socdaalkooda

$
0
0

Boorama-(Idhanka) Madaxwaynaha Qaranka Somaliland iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo oo la filayo in uu maanta soo gaadho magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal,imaatinka madaxwaynaha  ayaa ilaa haatan ah hal u jeedo oo ah ka qaybgalka qalinjabinta 12-aad ee  Ardayda wax ka barata hooyada Jaamacaddaha Soomaaliyeed Ee Camuud.
Hadaba iyada oo ah waqti hore ayaa ilaa [...]

Puntland oo dib u fasaxday SNTV

$
0
0


Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah xayiraadii uga qaaday  shaqada TVga Qaranka Soomaaliya goboladeeda  kadib muddo 10 cisho ah oo shaqo joojin lagu sameeyay.
Warsaxaafadeed kasoo baxay wasiirka  warfaafinta Puntland Axmed Sheikh Jamaac ayaa wakiilada SNTV loogu sheegay inay si rasmi ah u bilaaban karaan howlihii  talefeishinka qaranka Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa  lagu sheegay in wasaaradda iyo madaxda TVga SNTV ay ku hishiiyeen hab wada shaqeyn ah oo ku dhisan dhowrista sharciga iyo anshaxa saxaafada,  Isxurmayn iyo u daacadnimo ummadda Soomaaliyeeed meel ay joogtaba .
Inkastoo  wasaaraddu aanay soo bandhigin eedaymihii loo jeediyay SNTV ayaa hadana qoraalkaan  lagu sheegay in si wadajir ah loosoo dhaweyay cilladihii iyo mad madowgii horey u muuqday.
18kii bishaan ayay ahayd markii shaqo joojin lagu sameeyay wariyayaasha SNTV kadib Puntland ku eedeeysay inay wariyayaashaas qaarkood ay sameeyeen xadgudub baahsan oo aan gambo lahayn.
Buraannews.com- Garowe.
 
 

Ciidamo AMISOM ah oo la geenayo Galgaduud.

$
0
0

Mamulka Ahlu suna ee ka arimiya gobolka Galgauud ayaa sheegay in ay dalbadeen in ciidamo ka socda AMISOM la geeyo gobolkasi.
Mamulkasi ayaa shegay in arimahasi oo dhan ay tahay mid ay ku doonayan in lagu xaqiijiyo amaanka gobolka.
Amisom nafsad ahaanteda waxa ay doonaysa sidi ay iskugu balaarin laheyd gobolada wadanka Soomaaliya.

Buraannews.com-Muqdisho

Xildhibaan Beesha Caalamka ka dalbaday in Xayiraadda laga qaado Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Xildhibaan C/llaahi Max’ed Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka Iyo Qaramada Midoobay in Xayiraada Laga qaado Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in Ganacsadahaasi uusan wax dambi ah laheyn hase ahaatee si gardarro ah lagu Bartilmaamsaday , isagoo sidoo kale soo dhaweeyay Go’aankii Golaha Wasiirada ay Gaareen ee ahaa in Qaramada Midoobay ay Xayoraadda ka qaado Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale.
Muddooyinka dambe ayaa waxaa isi soo tarayay Baaqyada Beesha Caalamka Masuuliyiinta Dowladda Sooamaliya iyo qeybaha Bulshada ay ugu Jeedinayaan in Xayiraada laga qaado Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale.

Court reduces Somalia pirates’ 20 year jail term to five

$
0
0

The Mombasa High Court on Friday slashed to five years a 20-year jail term handed to 11 Somalia pirates.
In his judgment, Justice Martin Muya said the 11 appellants, who were found guilty of attacking a vessel on the Indian Ocean in 2009, had been in remand for three years, hence found the 20-year sentence harsh.
Principal magistrate S.K. Gacheru gave the 20-year jail term on June 19, last year.
They appellants are Ahmed Abdikadir Hersi, Abdirahim Salat Roble, Abdullahi Yusuf, Mo – hamed Abdullahi, Mohamud Jama, Abdi Dahir Ahmed, Ahmed Maalim Omar, Ahmed Hassan Adow, Ahmed Mohamed Osman, Abshir Ahmed Hassan and Omar Ibrahim Jimale.
INDIAN OCEAN
They were charged with attacking the MV FNS Nivose on May 3, 2009 in the Indian Ocean while armed with two AK47 rifles, seven rocket propelled grenade launchers and a knife.
Judge on Friday concurred with the appellants’ submission that the presiding magistrate failed to consider that they are first offenders.
“I find the 20 years sentence as harsh and excessive and reduce to five years beginning from the date of their conviction,” ruled Justice Muya.
The judge ordered the 11 be repatriated back to Somalia on completion of the sentence.


Howl Gallo laga sameeyay Degmada Afgooye ee Sh/hoose

$
0
0

Afgooye (Sh M Network)—Guddoomiye Ku xigeenka Dhanka Ammaanka ee Maamulka Degmada Afgooye  Mahdi Axmed Xasan oo La hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay Howl Gallo ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmadaasi, isagoo sheegay in Howl galladaasi lagu soo qabtay dad Fara badan.
Mahdi Axmed Xasan Guddoomiye ku xigeenka Dhanka Ammaanka Maamulka Degmada Afgooye ayaa tilmaamay in dadka lagu soo qabtay Howl Galladaasi ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Gudaha Degmadaasi in looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen dilal qorsheysan oo ka dhacay Degmada Afgooye.
Geesta kale Guddoomiye Kuxigeenka ayaa waxa uu Xusay in Baaritaanno lagu sameyn doono dadkaasi la soo qab qabtay , islamarkaana lakala saari doono kadib markii ay Baaritaanada  lagu sameeyo , isagoo Carabka ku adkeeyay in Cidii dambi lagu waayo la sii deyn doono, kuwa ay ku cadaatana dambiyada lagu tuhunsanyahay Sharciga la soo taagi doono.
Howl galladaan ay Ciidamada Dowladda Maanta ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose ayaa waxa ay qeyb ka yihiin sida Maamulka Degmadaasi  uu sheegay kuwa lagu xaqiijinayo Ammaanka iyadoo ay xusid Mudantahay in Xalay Gudaha Degmadaasi lagu dilay Nin Ciidamada u qaabilsanaa Maamulkii hore ee Cirfo

Kenya Oo liiska Argagaxisada ku dartay Xarakada AL-Shabaab.

$
0
0

Nairobi (Sh M Network)—Dowladda Kenya ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in Xarakada AL-Shabab ay ku dartay Liiska 46 Urur ee Weerarada ka gaysta gudaha dalka Kenya iyo waliba geeska Africa.
Warbixin ay soo saartay Madaxa Maxkamadaha ee dalka Kenya Attorney  Githui Muigai ayaa sheegay in Xarakada AL-Shabab ay kamid noqotay Ururada Weerarada Argagaxiso ka fuliya dalka Kenya, sidaas darteedna ay dowladda Kenya ku dartay Liiska Argagaxisada.
Xarunta dambi Baarista Qaranka ee marka Magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano (NCRC) ayaa sheegtay in AL-Shaabab ay ku sugan yihiin Deegaanada ku teedsan Xuduudka uu Kenya la wadaago Soomaaliya, ayna si joogta ah Weeraro uga soo qaadeen dalka Kenya.
Xarunta dambi baarista Qaranka Kenya ayaa waxa ay intaasi ku dartay in AL-Shabab ay Xarun ku lee yihiin Magaalada Nairobi halkaas oo ay kasoo abaabulaan Qaraxyadda iyo Weerarada ay ka gaystaan dalka Kenya.

Xildhibaanno taageeray Go’aankii Beelaha Digil Digil iyo Mirifle ay kalsoonida kala laabteen DF Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Xildhibaan Cali Adan oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in  Masuuliyiinta dowladda ee ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool  ay soo dhaweynayaan Go’aankii dhawaan ka soo baxay Malaaqyada iyo Waxgaradka ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool ee ku aadanaa in Kalsoonida ay kala laabteen Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud.
Xildhibaanka ayaa Xusay  in ay ku qabsanyihiin in ay taageereen Go’aanka Odayaasha Maadaama sida uu hadalka u dhigay Odayaasha dhaqanka ay yihiin kuwii ka talin lahaa Maslaxada Umadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale Xildhibaan Cali Adan oo hadalkiisa sii wata ayaa Carabka kudhuftay in aysan u dul qaadan Karin in Shaqsiyaad gaar ah Gacanta loo galiyo Maslaxadda Umadda Sooamaliyeed.
Sikastaba Dhawaan ayaa Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay waxaa Kulan ku yeeshay Odayaal iyo Waxgarad ka soo Jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle kuwaasi oo Kalsoonida kala laabtay Dowladda Federaalka Soomaaliya , kuna eedeeyay in ay sameysay Cadaalad Darro.

Dhageyso: Mid kamid ah xildhibaanada barlamaanka Puntland oo digay in la carqaladeeyo shirka dib uhiisiinta degmada Taleex.

$
0
0

Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen oo kamid ah mudanayaasha barlamaanka Puntland ayaa ka digay qul qulo tooyin ciidan oo uu sheegay inay ka socdaan degmada Bocame ee gobolka Sool.
Shir jiraa’id uu xildhibaanku maanta ku qabtay guriga barlamaanka Puntland ee Garowe ayuu sheegay inay jiraa’in ciidamo lasoo dhoobay degmada Bocame oo la doonayo in lagu rabshadeeyo safarka madaxwayne ku xigeenka Puntland C/Samad Cali Shirre uu ku joogo degmada Taleex.
Xildhibaan Aadan Xaaji Xuseen wuxuu  arintaan ku eedeeyay dad uu sheegay inay doonayaan bur burin shir dib u hishiisiinayd oo lagu wado inuu galabta ilaa beri ka furmo  degmada Taleex kaas oo lagu hihbsiisinayo  dadka gobolada SSC.
Xildhibaankux wuxuu madaxwenye ku xigeenka Puntland ku amaanay safarkiisa Taleex, Wuxuuna ugu baaqay inuu sii socdo ilaa uu ka gaaro deegaanada kale ee u dhiman.
Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmayaa xilli saaka waaberigii la sheegay in ciidamo badan lasoo dhoobay degmada Bocame kuwaas oo la sheegay inay ka yimaadeen dhinaca Howdka gobolka Cayn.
Dhageyso codka xildhibaanka.
shirka jiraa’id Xildhibaanka
Buraannews.com- Garowe
 

Baro Sida Loo Install Gareeyo ( Extract Filter ) In Photoshop CS4

Banaanbax looga soo horjeedo Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay Beydhabo

$
0
0

Beydhabo (Sh M Network)—Banaanbaxani oo ay ka qeyb galeen qeybaha Bulshada ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool , islamarkaana looga soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Dibadbaxani oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan, waxgarad iyo qeybaha Bulshada ayaa si weyn  loogu dhaliilay  Go’aanka Dowladda ay ka qaadatay arrimaha Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku dioidanaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna ku taageerayeen Maamul Goboleed la qorsheynayo in laga dhiso Gobollada Bay, Bakool iyo Sh/hoose ayaa waxa ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Kalsoonidii kala laabteen.
Dibadbaxayaasha oo Markii dambe isugu soo Uruuray fagaaro ku yaalla Magaalada Beydhabo ayaa waxaa  halkaasi kula hadlay waxgarad kala duwan oo ku jiro Malaaq Cali Cabdiraxmaan ( Cali Shiino ) kaasi oo cadeeyay in si buuxda ay kalsoonida kala laabteen Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxgaradka ayaa Banaanbaxaasi ka iclaamiyay in Shirweyne lagu qaban doono Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay kaasi oo ay soo xaadiri doonaan dhammaan Masuuliyiinta dowladda u Matasha Beelaha Digil iyo Mirifle kaasi oo ay sheegeen in aayaha Beelaha Digil iyo Mirifle looga tashan doono.
Sikastaba dhawaan ayaa waxgarad ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle waxa ay sheegeen in gebi ahaan ay qaadeceen Dowladda Federaalka Soomaaliya
Banaanbaxani oo ay ka qeyb galeen qeybaha Bulshada ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool , islamarkaana looga soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa uu ka dhacay Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.
Dibadbaxani oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin kala duwan, waxgarad iyo qeybaha Bulshada ayaa si weyn  loogu dhaliilay  Go’aanka Dowladda ay ka qaadatay arrimaha Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Banaanbaxayaasha oo watay boorar ay ku dioidanaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna ku taageerayeen Maamul Goboleed la qorsheynayo in laga dhiso Gobollada Bay, Bakool iyo Sh/hoose ayaa waxa ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Kalsoonidii kala laabteen.
Dibadbaxayaasha oo Markii dambe isugu soo Uruuray fagaaro ku yaalla Magaalada Beydhabo ayaa waxaa  halkaasi kula hadlay waxgarad kala duwan oo ku jiro Malaaq Cali Cabdiraxmaan ( Cali Shiino ) kaasi oo cadeeyay in si buuxda ay kalsoonida kala laabteen Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxgaradka ayaa Banaanbaxaasi ka iclaamiyay in Shirweyne lagu qaban doono Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay kaasi oo ay soo xaadiri doonaan dhammaan Masuuliyiinta dowladda u Matasha Beelaha Digil iyo Mirifle kaasi oo ay sheegeen in aayaha Beelaha Digil iyo Mirifle looga tashan doono.
Sikastaba dhawaan ayaa waxgarad ka tirsan Beelaha Digil iyo Mirifle waxa ay sheegeen in gebi ahaan ay qaadeceen Dowladda Federaalka Soomaaliya

Halkan Kadaawo Dhalinyaro Soomaliyeed Oo Dagaal Dhimasho Leh Kooxo Budhcad Ah Ku Dhexmaray Gobolka Minnesota Magaalada Minneapolis Dalka Maraykanka

$
0
0

Minneapolis-(Idhanka)-Dhalinyaradan Somalida aha oo dhexdooda is laaya aya mudo aad u yar iska dilay inta la ogyahay afar wiil oo dhamaantoodba isku magalo lagu dilay
 

Idhanka.com


Dhageyso: Lacagaha been abuurka ah oo galay suuqyada Garowe.

$
0
0

Lacagaha been abuurka ee la sheegay in lagusoo sameeyay gobolada dhexe ee Soomaliya ayaa si xowli ah uga faafay suuqyada ganacsiga Garowe.
Suuqyada ganacsiga ee khudaarta, goobaha yaryar ee ganacsiga ayaa kamid ah meelaha sida aadka ah  lacagtaani u gashay.
Lacagtaan ayaa la sheegay inay dadka u dhex gashay lacagaha kale ee  ay ku adeegtaan, Waxaana ay hoos u dhigtay dhammaan dhaq dhaqaaqii ganacsi ee goobahaas.
Halkaan  ka dhageyso warbixinta wariyeheena C/Weli Maxamed Sheikh uu kahadlayo saameynta lacagtani ku yeelatay gacansiga yaryarka ah.

Dhageyso warbixinta.
Warbiixn suuqa
Buraannews.com- Garowe

Mandela oo ka baxay Isbitaalka

$
0
0

Madaxwaynihii hore ee dalka Koonfur Africa, Nelson Mandela ayaa dib uu laabtay gurigiisaadib markii laga saaray isbitaal ku yaalla magaalada Pretoria.

MOYALE TENSE AS 12 KILLED

$
0
0

Moyale, Kenya: Moyale remained a ghost town for the second day as reports indicate at least 12 people died on Friday during the inter-clan gun battle.
Civilian sources indicated that both sides involved in the Friday fighting lost its fighters.
‘‘Nine of the fighters from the Gabra side were killed while the Borana lost three,’’ said a NGO official who declined to be named for security reasons.
Marsabit County Commissioner Isaiah Nakoru said there were deaths on both sides adding that police were unable to ascertain the exact figure of casualties.
‘‘No side is willing to tell the number of fighters killed. Police are combing the scene of the fighting to see if they can recover bodies ’’ Nakoru told The Standard on phone from Moyale.
The administrator denied reports that four security personnel, three from the army and one GSU officer died during the fights.
Nakoru said seven civilians sustained gunshot wounds and are undergoing treatment at the Moyale District Hospital.
Civilian and NGO sources put the figure of those injured at 15.

Dhageyso: Siyaasi Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo heshiis dhaxal gal ah ku tilmaamay wada-hadaladii Addis Ababa

$
0
0

M/weyne ku xigeenkii hore ee Puntland Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) kana mid ah siyaasiyiinta ugu caansan deegaanada Puntland ayaa si kal iyo laaba u soo dhaweeyay heshiiskii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen DF ee Soomaaliya iyo maamulka Jubba, kaasoo uu ku tilmaamay mid dhaxal gal ah.
Dr. Gaagaab ayaa sheegay heshiiskaasi inuu jidka u xaarayo heshiisyada lagu balansan yahay inay ka dhacaan Muqdisho iyo Kismaayo, kuwaas oo la doonayo in lagu afmeero siyaasadaha isdiidan ee ka dhashay dhismaha maamulka Jubba.
M/weyne ku xigeenkii hore ee Puntland xilal kalana ka soo qabtay maamulka ayaa dhanka kale Puntland ugu baaqay inay cadayso eedaha DF ay ku eedanayso dawladda Soomaaliyana ay ka qanciso waxa ay tabanayso Puntland oo udub dhexaad u ah dhismaha dawladda Soomaaliya si loo gaaro xal kama danbaysa oo laga afjaro xurgufta siyaasadeed ee muddooyinkii danbe haraysay xiriirka  DF ee Soomaaliyo iyo maamulka Puntland.
Dhageyso codka Gaagaab.
Dr Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)
Buraannews.com- Gaalkacyo
 
 

Dibad bax lagu taageerayay Wada hadalladii Adis-abab oo ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (Sh M Network)—Dibad baxaani oo Maanta ka dhacay Fagaaraha Daljirka Daahsoon kaasoo uu soo abaabulay Maamulka Gobolka Banaadir oo ay ka soo qeyb galeen Boqolaal Dadweyna ah oo kakala Yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir , Masuuliyiin iyo Madax ka socotay Dowladda Sida Wasiirka arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka , Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Xubno kale ayaa waxaa lagu soo dhaweynayay  heshiiska ay dowladda Magaalada Adis-ababa kula gashay Maamulka Gacanta ku haya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Max’ud Axmed Nuur Tarsan oo la hadlayay Boqolaalka Dadweyne ee isugu soo baxay Fagaarahaasi ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir iyo Shacabka ku dhaqanba ay aad ugu Faraxsanyihiin Heshiiskii lagu gaaray Adis-ababab ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Maamulka Kismaayo gacanta kuhaya, isagoo dhanka kale tilmaamay in shacabka Gobolka Banaadir ay u taaganyihiin wax weliba oo xal u ah Umadda Soomaaliyeed islmarkaana isku soo dhaweynaya.
Geeasta kale Guddoomiye Tarsan ayaa waxa uu ugu baaqay dhammaan Shacabka Soomaaliyeed Meel weliba oo ay Joogaan in iyana dhankooda ay ka soo dhaweeyaan Heshiiskaasi, Isagoo Dhinaca kale sheegay ciddii ka soo horjeesata heshiiskaasi in ay u Muuqdaan kuwa diidan Midnimada Umadda Soomaaliyeed.
Dibad baxaani lagu taageerayay Wada hadallada ku soo Idlaaday Magaalada Adis-ababa ee Maanta  ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku soo beegmayaa xilli shalay Banaanbax ballaaran oo looga soo hor jeeday heshiiskii dowladda iyo Maamulka Kismaayo  gacanta kuhaya uu ka dhacay Magaalada Beydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live