Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Muqdisho: Dagaal iyo duqeyn dhacay

$
0
0

Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay, 9 kalana way ku dhaawacmeen dagaallo iyo duqay goos goos ah oo maanta ka dhacay xaafaddo ka tirsan dagmada Hodan ee magaalada Muqdisho

Dagaalladan iyo duqeynta ayaa bilawday kadib markii barqanimadii maanta ay kooxaha hubaysani ay weerar ku qaadeen fariisimada ciidamda AMISOM ay ku leeyihiin agagaarka gurigii hore ee shaqaalaha iyo isbitalka xoogga

Madfac ku soo dhacay qaybta suuqa khudaarta ee Bakaaraha ayaa waxaa ku geeriyooday 2 qof, halka 5 kalana ay ku dhaawacmeen, waxana jirta in madfac kale oo isaguna ku dhacay xaafadda black sea ee dagmada Hodan in ay iyana ku dhaawacmeen 4 qof oo kale sida ay VOA u xaqiijiyeen howl wadeenada gaadiidka gurmadka ah ee magaalada Muqdisho.

Dagaallada iyo duqayntan  maanta Muqdisho ka dhacay ayaa waxa ay qayb ka yihiin dagaallada inta badan ku soo noq-noqda gudaha magaalada Muqdisho kuwaasoo khasaaraha ugu badanina ay ka soo gaaraan dadka raydika ah ee aan iygu waxba galabsan.


Ethiopia iyo ONLF oo Heshiis Nabadeed kala Saxiixday

$
0
0

Dowladda Ethiopia iyo jabhadda ONLF garabka uu hoggaamiyo Eng. Salaaxudiin Macow ayaa maanta heshiis nabadeed ku saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Guddoomiye-ku-xigeenka ONLF ee garabka Salaxudiin, Maxamed Faarax Colow ayaa VOA u sheegay in qodobada lagu heshiiyay ay ku jiraan in cafis loo fidiyo dhamaan dadka ka tirsan ururka ONLF iyo in la sii daayo maxaabiis ka tirsan ONLF oo ku xidhan xabsiyada dalka Ethiopia.

Dhinaca kalena, C/qaadir Xassan Hirmooge oo ah guddoomiye-kuxigeenka garabka kale ee ONLF, ayaa wareysi uu siiyay VOA isagoo kusugan dalka Austraila, wuxuu gaashaanka ku dhuftay heshiiska lagu saxiixay Addis-Ababa. Hirmooge wuxuu sheegay in ONLF aysan matalin Eng. Salaaxudiin, wuxuuna hoosta ka xariiqay in jabhadooda ay wadi doonto dagaalka ay kula jirto dowladda Ethiopia.

Wareysiga labada guddoomiye-kuxigeen ee garabyada ONLF, qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

Alshabaab oo la wareegay garoonka No-50 ee ciidamada cirka somalia iyo xisbul islaam oo ashkato ka keenay!

$
0
0

Ururka mucaaradka ku ah dowlada KMG ah ee Shabab  ayaa shalay gabal dhacii si rasmi ah ula wareegay garoonka Diyaaradaha No50 ee Gobolka Sh/hoose. iyagoo halkaasi ka ceyriyey ururka Xisbul Islaam oo gacanta ku hayey garoonka muddo aad u dheer.


Ururka Alshabaab ayaa  maleeshyo ka tirsan Xisbul Islaam oo garoonka joogay hub ka dhigis ku sameeyay  isla markaana ay ka qaatat qoryihii ay heysteen iyo mid ka mida gaadiidka dagaalka iyo qalabkii kale oo ey halkaasi ku heysteen.


Laba sarkaal oo ka tirsan Xisbul Islaam  ayaa lagu waramayaa in ay horay u wateen ciidamada qabsaday garoonka iyagoo kala ceyriyey ciidamadii kale ee halkaasi jooga waxeyna  sheegeen in wixii xiligan ka dambeeya uu garoonkaasi No-50 yahay xero ciidan.


Talaabadaan ayaa ku soo aadeysa xili ay maamulka Shabaab wadaan la wareegidda goobaha muhiimka ah oo aan maamulkooda hoos tagin ama laga helo ilo dhaqaale, garoonka diyaaradaha No-50 oo mudooyinkan dambe isticmaali jireen diyaaradaha qaadka ka keena dalka Kenya iyadoo ey gacanta ku hayeen maleeshiyo gacan saar la leh ururka Xisbul islaam.

Sh. Abu Mansuur oo dib ugu laabtay Baydhabo dagaalna ka iclaamiyey

$
0
0

Sh. Mukhtaar  Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay isagoo khudbad u jeediyey shacab ku dukanayey masaajika Dabaqeynka loo yaqaan magaalada Baydhabo.

Abu Mansuur oo oo ah ninka labaad ee ugu sareeya ururka AL Shabaab isla markaasna u qaabilsan ururka Alshabaab gaashaandhiga iyo tababarka ciidamada ayaa markuu la hadlay dadka ku dukanayey masjidka aan soo hadal qaadin khilaaf la sheegay inuu kala dhexeeyey Sh. Abu Zubeyr oo meel xun gaaray.

Abu Mansuur ayaa ugu baaqay dadka ku nool gobolada Bay iyo Bakool in ay isu diyaariyaan dagaal kala bax ah oo uu sheegay in ay ku qaadayaan dowlada KMG ah iyo ciidamada AMISOM oo uu sheegay inuu soo gaaray dhaawac halis isla markaasna ey u baahan yihiin dhameytir waa sida uu hadalka u dhigaye.

"Soo baxa oo aan dhameystirno dadki aan naafeeynay ee AMISOM iyo kooxda ridada, war dadku waa ka cadahay oo waa naafo ee aan tirtirno, waad ogtihiin waa gaalo nagu soo duushay iyo qolo kaalmo u ah, ee reer Bay iyo Bakool waxaan leeyahay u gargaara diintiina ee ku dhinta jidka ALLE" ayuu yiri Abu Mansuur.
Roobow ayaa waxaa weheliya saraakiil ka tirsan ururka Alshabaab oo dhowaan ugu tegay ka na soo waday halkaasi si loo dhameeyo khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay saraakiisha Alshbaab.
Hadalkaan kasoo baxay Sheekh Rooboow ayaa kusoo beegmay xilli horaanti todobaadkan uu beeniyey in Abu Mansuur iyo Axmed Godane oo ah madaxa AL Shabaab uu qilaaf xoogan soo kala dhexgalay waxeyna u eg tahay in khilaafkii heshiis horudhac ah laga gaaray walow aan weli la dhameyn.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM oo dafiray iney Aids ku faafiyaan bukaan ey daweeyaan

$
0
0

Afhayeenka ciidamada AMISOM G/le Bradgye Bohoko ayaa si kulul u beeniyay hadal ka soo yeeray Xarakada Al-shabaab oo looga digayay dadka Soomaaliyeed ee Muqdisho in AMISOM ku duraan bukaan Cudur HIV/AIDS ka oo aad ugu badan wadanka Uganda.


Al-Shabab ayaa ku eedeeyeen Daawada iney indhaha iska tiiyaan Aids ka ey faafinayaan ciidamada Uganda si ey dabar tiraan shacabka soomaaliyeed oo kamid dadka ugu yar ee cudurku ku dhaco.


"Hadalka Shabaab waa mid dadka danta yar ay ugu diidayaan daryeelka iyo daaweynta caafimaad ee lacag la'aanta aan u fidino, taasoo la mid ah talaabooyin ay horay dadka tabaaleysan uga joojiyeen gargaaraka beesha caalamka" ayuu yiri Afhayeenka.


Mr Bohoko ayaa sheegay daaweynta caafimaad ee AMISOM ay wado ay tahay mid ay ka warhayaan taqaatiirta iyo aqoonyahanada Soomaaliyeed, taasoo ah mid tayo leh, isla markaana qeyb ka ah gargaarka dadka Soomaaliyeed oo ay daraadood dalka un yimideen.
Afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa inkiray in dowladu eysan dooneyn in dadkooda cudur lagu faafiyo taasi ey tahay dacaayad ey wadaan ururka Alsahbaab oo aan wanaag la rabin Somalia waa sida uu yiriye.


Uganda ayaa ah meelaha afrika ugu badan oo ey dad ku qabaan cudurka Aids iyadoo mar gaaray kunkuii qof hal taas ka dhigaysa wadanka labaad ee afrika marka laga soo tagyo Koonfur Africa.

Idaacad ku hadleysa afka Xisbul islaam oo hawada soo gashay iyo idaacadaas oo durbaba bilowday baaqyo jihaad ah

$
0
0

Idaacad ku hadleysa codka Xisbul islaam ayaa hawada soo gashay waxaana durbaba ka bilowday barnaamijyo dadka ku baraarujinaya dagaalka ka socda Koofurta Soomaaliya in ay u arkaan Jihaad diintu baneysay.

"Halkani waa idaacada codka islaamka waxaana idiin soo gudbineynaa barnaamij  aanu kaga hadleyno Saliibiyiinta islaamka ku duulay iyo Murtidinta ay kaalmeeyaan" Hadalkaas waxaa daah-fur looga dhigay idaacadan ku hadasha codka Xisbul Islaam ee dhowaan hawada soo gashay.

Idaacad ayaa loo maleynayaa in ay tahay idaacadii ku taal deegaanka Suuqa Xoolaha ee ay horay xooga kula wareegeen ciidamada Xisbul Islaamku.

halgankanet@gmail.com 

Gudoomiyaha gobolka Banaadir; " Qorshayaal sir ah oo aanan saxaafada u sheegeyn ayaan wax uga qabaneynaa ammaanka gobolka Banaadir"

$
0
0

Gudoomiyaha Gobolka dagaalada ka daalay ee Banaadir Mr. Tarzan oo warfidiyayaasha qaar la hadlay ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay dejiyeen qorshayaal ammaanka magaalada Muqdsho wax looga qabanayo dadka magaalada ku dhaqanna ay ka qeybqaadanayaan.

Qorshahan ayuu Tarzan diiday in uu u sheego saxaafada  balse wuxuu ku gaabsaday in la arki doono natiijada ka soo baxda hirgelinta qorshahan uu sida weyn u aaminsan yahay in uu najixi doono.

Magaalada Muqdisho ayaa ah magaalo mudo rubuc qarni ku dhow aan nabad lagula hoyan waxaana hadda la rumeysan yahay in ay ku jirto waqtigii ugu xumaa.

halgankanet@gmail.com  

Ciidamo xabashi ah oo galabta kaabiga soo saaray B/weyne iyo Alshabaab oo dagaal kala hortagay

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada baladweyne ayaa sheegaya in ciidamo xabashi ahi ay soo galeen magaalada baladweyne deegaano hoostaga sida
ay ku waramayaan dadka deegaanadaas ku dhaqan waxaana markaas ka dib
qarxay dagaal xoogan.




Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii weerar ay
ku qaadeen Ciidamada itoobiya iyo kuwa dowlada KMG ah Xarakada al
shabaab ee gacanta ku haya magaalada baladweyne ee xarunta gobalka
Hiiraan.




Saacadihii u danbeeyay ayaa gobalkaas waxaa ka socday dhaq
dhaqaaqyo Ciidan oo ay kala wadaan Al shabaab iyo dowlada KMG ah ee
Soomaaliya oo kuwa sugan Gobalka hiiraan.




Dagaalka ayaa ka socda
Buurta Qowleed oo 18 km dhinaca Bari kaga beegan magaalada baladweyne
iyadoo labada dhinac dagaalka isku adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala
duwan oo ay ku jiraan gaadiidka dagaalka


Carruurta Africa oo laga daweynayo gooryaanka

$
0
0

WHO iyo shirkada soo saarta daawooyinka ee Glaxo Smith Kline ayaa ku dhawaaqay qorshe laga daawaynayo caruurta iskuulka dhigata ee Afrika gooryaanka caloosha.

Waxay rabaan inay qaybiyaan balaayiin daawo oo disha gooryaanka.

Dadka ku xeeldheer caafimaadka ayaa sheegay in gooryaanka uu yahay waxa ugu horeeya ee sababa jirrada caruurta Afrikaanka.

Jirrooyinka la xiriira gooryaanka ayaa sababa
tabar la'aan iyo inuu daahiyo koritaanka caruurta, wuxuuna caruurta ku
kallifaa inay ka maqnaadaan iskuulka.

 

Dagaal iyo duqeymo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo shacab wax ku noqday

$
0
0

Dagaal iyo duqeyn daba socday ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyadoo dad rayid ahi wax ku noqdeen.
Inta la ogyahay 5-ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyooday dagaalka galabta iyo madaafiicda bar bar socotay sidoo kale waxa ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen dad kabadan 30-ruux oo dhamaan rayid ah kuwaasi oo kuwaas oo madaafiicdu badankoodu waxyeeleeyeen.


Ciidamada AMISOM ayaa Madaafiicda ayaa waxa ay galabta dhaceen qaybo kamid ah Degmooyinka Hodon, Hawlwadaag, Yaaqshiid, Shibis, Wardhiiglay iyo Suuqa Bakaaraha kuwaas oo geystay khasaaro naf iyo maalba leh.


Madfac kusoo dhacday qaybta dahablaha ee Suuqa Bakaaraha ayaa waxaa ku dhintay 1-ruux halka ay ku dhaawacmeen sagaal kale kuwaasi oo kamid ahaa dadka ganacsatada ah ee Suuqa ganacsiga usoo aaday, sidoo kale madaafiic kale oo ku dhacday qaybo Degmooyinka Hodon, Hawlwadaag, Yaaqshiid iyo Shibis ayaa waxaa ka dhashay kasaare baahsan.

Wax dagaal ah iyo madaafiicda haatan kama jiraan magaalada Muqdisho iyadoo kooxihii is dagaalayey kala jarmaadeen kadib markii ey dhibaateeyeen shacabka ey korkooda ku dagaalamayaan.

Yuusuf Dabageed oo Itoobiyaanku xabsi u taxaabeen

$
0
0

Yuusuf Dabageed, guddoomiyihii hore ee Hiiraan ayaa  la sheegay loo dhaadhiciyey xabsi ciidamada itoobiya ku leeyihiin tuulada Feer Feer ee ismaamulka somalida kadib markiil uu dacweeyey nin ey iska la tirsan  yihiin maleeshiyada dagaalka ee amar qaata dowlada Itoobiya.

Ciidan Itoobiyaan ah ayaa la sheegay in shalay galinkii dambe xabsi
ku yaalla Feerfeer ku xiray
Yuusuf Dabageed halkaasi oo aan sida aan warka ku heleyno uu wali ku xiran yahayn isaga iyo mid ka mid ah gacan yarayaashiisa oo magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cali wehliye..


Sababaha loo xiray Yuusuf Dabageed ayaa lagu sheegay inuu dacweeyey nin lagu magacaabo Cabdifataax Xasan Afrax oo isaga iyo
dabageed ay dhowaan ku wada dhawaaqeen dowlad goboleed.

Cabdifataax
ayaa Yuusuf ku eedeeyey inuu si khaldan u maamulay lacag loogu tala
galay in miliishiyadooda lagu dagaal geliyo. Xarigga Dabageed waxaa saxaafada u sheegay nin maleeshiyada dagaal geliya oo loo yaqaano  Nuur Caga-joof.

Ra'iisal Wasaare cusub waa kuma?

$
0
0

Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa loo magacaabay Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay. Wuxuu beddelayaa Cumar cabdirashiid.

Maxamed Cabdullaahi Maxamed, waxaa uu ka yimid dalka Mareykanka wuxuuna ka soo jeedaa beesha Gedo

Wuxuu isaga oo dhowr iyo labaatan jir ah ka shaqeeyaya safaaradda Soomaaliya ee New York.

Ilaa berigaana waxaa uu ku noolaa Mareykanka.

Laguma aqoon fagaarayaasha siyaasadda ee Soomaaliya.

Maxamed Cabdullaahi wuxuu ka baxay Jaamacadda
Buffalo ee dalka Mareykanka sannadkii 1993 oo uu ka qaatay shahaaddada
koowaad. Isla Jaamacaddaas ayuu ka qaatay shahhaaddada labaad (MA)
sannadkii 1999.

Wuxuuna ka soo shaqeeyay safaaradda Soomaalida ee Washington sannadihii siddeetamaadkii isaga oo ahaa diplomaasi.

Ka dibna burburkii Soomaaliya ka dib, wuxuu ka
shaqeeyay hawlo kala duwan isla Mareykanka oo ay ugu dambeysay Waaxda
Gaadiidka ee gobolka New York.

 

War deg deg ah: Muqdisho: Raiisal Wasaaraha Cusub oo la Magacaabay

$
0
0

Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa daqiiqado ka hor u magacaabay Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ra'iisal wasaaraha cusub ee xukuumadda KMG ah.

Maxamed C/laahi waa 48 jir muddo ka badan 20 sano ku noolaa dalkan Maraykanka wuxuuna ka soo jeedaa sidii la filayey beesha gedo walow aan asiga markii hore loo maleyneyn inuu xilkan qaban doono.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in uu ka rajeynayo ra'iisal wasaaraha cusub inuu soo dhisi doono dowlad marxaladda adag ka gudbisa dalka.

Ra'iisal wasaaraha cusub ayaa isaguna sheegay inuu si deg deg ah u soo dhisi doono golihiisa xukuumadda.

R/Wasaaraha cusub ee Somalia..

WAR DEG DGE AH: Dagaal ka dhacay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud iyo Ahlu Sunna oo xoog kula wareegtay degmada

$
0
0

Degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in saakay dagaal uu halkaas ku dhexmaray xoogag taabacsan maamulka Ximan iyo Ximan oo degmadaas maamula iyo  Ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dagaalkan oo aad u cuslaa ayaa waxaa hadda la soo sheegayaa in uu joogsaday ka dib markii loo itaal sheegtay ciidamadii maamulka Ximan iyo Xeeb, xoogaga Ahlu Sunnana ay la weareegeen talada magaalada.

Wararku waxay intaas ku sii darayaan in qasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira uu soo kala gaaray labadan dhinac ee dagaalka faraha looga gubtay uu ku dhexmaray gudaha iyo daafaha degmada Cadaado, waxaana inta la hubo dagaalkan ku dhimatay Sideed Qofood oo labada dhinac ka kala tirsan.

Cabdi Shukri Cali Xersi oo ka mid ah sida uu sheegto taageerayaasha Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidamo u gaar ah oo uu wato ayaa sida la xaqiijiyay ka qeybqaatay dagaalkan iyagoo garab siinaya ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca.

Maamulkii iyo Ciidamadii Ximan iyo Xeeb ayaan la ogeyn meesha ay jaan iyo cirib dhigeen, laakiin madaxa maamulkaas ayaa sheegay in lagu soo duulay islamarkaana ay iska difaaci doonaan kuwa ku soo gardarooday.

Ahlu Sunna ayaan la ogeyn waxa ay ku qoonsatay maamulkan ka madaxa banaan maamulada, Dowladda, Ahlu Sunna, Xisbul Islaam iyo weliba Alshabaab.

halgankanet@gmail.com


Lix qofood oo ku dhimatay degmada Xarardheere iyo Sideed iyo Toban kalena oo ku dhaawacantay rasaas ay fureen Ciidamada Xisbul islaam

$
0
0

Degmada Xarardheere sida wararka lagu helayo waxaa ku dhimatay Lix Qofood halka Sideed iyo Toban kalena ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay rasaas ooda uga qaadeen ciidamo ka tirsan Xoogaga Xisbul islaam ee degmadaas ka arimiya.

Dadkan dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo dhamaantood Rayid ah ayaa markii rasaasta lagu furiyay waxay ku sugnaayeen goob ay Ciidamada Xisbul Islaamku Dhalinyaro deegaanka u dhashay ku tacsiiradeynayeen.

Wararku waxay intaas ku sii biirinayaan in dadkani ay ka gadoodeen Tacsiirta lagu fulinayay dhalinayarooda islamarkaana dhaqdhaqaaq muujiyeen taasina waxay keentay in ciidamada Xisbigu ay rasaas aan loo meel dayin ooda uga qaadaan dadkii halkaas ku sugnaa.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo goobjoog ahaa ayaa isagoo ammaankiisa dartiis ka meermeeraya in uu magaciisa sheego waxaa laga soo xigtay erayadan; "Dadka dhintay waxaa ku jirtay haweeney uur laheyd oo ay isla dhinteen cunuggii ay uurka ku sidday, waxaana isla xalay dadkii dhintay lagu aasay degmada" 

Wadatashiyo hoose oo dadka deegaanka u dhexeeya ayaa degmada laga soo sheegayaa halka ciidamada Xisbiguna ay aad uga feejigan yihiin dhaqdhaqaaqa dadka deegaanka, dhacdadanna waxaa la sheegay in ay aheyd tii ugu horeysay ee noocaan oo kale ah.

Maamulka Xisbiga ee degmadu wax war ah kama oran dhacdadan sidaas si la mid ahna dadka deegaanku si toos ah ugama hadlin waxa dhacay sababo dhinaca ammaankooda ah.

halgankanet@gmail.com

Wasiir ka tirsan maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Puntland oo Qarax Miino ku dhaawacmay iyo xiisad ka taagan Boosaaso

$
0
0

Wasiir ka tirsan wasaaradaha maamulka Puntland ayaa saakay ku dhaawacmay qarax miino oo lala beegsaday gaari uu saarnaa gudaha magaalada Boosaaso.

Cabdixakiim Axmed Guuleed, wasiirka warfaafinta Puntland ayaa la xaqiijiyay in uu ku dhaawacmay qarax miino oo noocyada meelaha fogfog laga hago xili uu dhexmaray magaalada Boosaaso, xarunta maamulka gobolka Bari.

Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay dhaawaca wasiirka waloow ay sheegeen in uu yahay dhaawac fudud oo aan sidaas u darneyn.

Ciidamada Puntland ayaa aad ugu soo xoomay goobta qaruxu ka dhacay waxayna durbaba bilaabeen qabqabashada cidii ay ka shakiyaan iyo weliba qofkii deegaanka in uu ku cusub tahay ay u arkaan.

Ammaanka magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa mudooyinkna dambe aad u sii xumaanayay waxaana marar badan weeraro noocan oo kale lagu qaaday madax ka tirsan maamulkaas, daagalada Buuraleyd Galgala ka socda ka sokoow.

halgankanet@gmail.com

Ma ogtahay aqristoow in socodka joogtada ah uu caafimaadka maskaxda dadka wax weyn ka taro? (Cilmi Baaris)

$
0
0

Faa'iidada socodku u leeyahay maskaxda ayaa wax badan laga ogaaday ka dib markii cilmi baaris mudo socotay lagu sameeyay dad fara badan oo da' ah.

Baaritaanka cusub ee la sameeyay ayaa lagu sheegay warbixintii gunaanadka aheyd ee laga qoray in Sagaal Kilo Mitir (9KM) oo todobaad walba celcelis ahaan la socdaa ay kaa difaaci karto cudurka Dementiga loo yaqaan sidaas si la mid ahna aysan maskaxdu shiiqeyn (yaraaneyn). 

Jaamacadda Pittsburg oo baaritaankan sameysay ayaa sheegtay in celcelis ahaan dadkii baaritaankan ay ku sameeyeen oo da'dooda lagu qiyaasay 78 tiradooduna dhameyd 299 Qofood ay ahaayeen kuwa aan qabin cudurka maandoowga loo yaqaan (DEMENTTIA).

Baaritaankii markii uu mudo socday waxaa baarayaashi u cadaatay in waayeelkii socday celcelis ahaan todobaadkii 10-15KM ay midabka dameeriga ah ee maskxdoodu uu ka weynaa waayeelka socday masaafo ka yar tan aan kor ku soo xusnay.

Dhanka kale gunaanadkii baaritaankan waxaa laga helay calaamadaha soo- maandoowga 40 % dadkii la baarayay, waana dadkii socdkoodu yaraa ee aan masaafo fiican socon.

Socodka waa caafimaadka ee aan dhamaanteen wada dhaqaaqno!

halgankanmet@gmail.com 

 

Cilmi baarayaal u dhashay dalka Talyaaniga "Mataanuhu waxay aad isu bartaan inta ay ku jiraan uurka (minka) hooyadooda"

$
0
0

Cilmi baarayaal u dhashay dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in mataanuhu marka ay uur-ku-jirka yihiin aad isu bartaan islamarkaan is aqoonsadaan.

Baarayaashan oo waqtiga uurka  aalada lagu dhageysto islamarkaana lagu daawado uur-ku-jirayaasha kula socday shan hooyo oo caloosha ku siday mataano ayaa sheegay in ay wax badan ka ogaadeen dhaqan bulsheedka Mataanaha inta ay ku jiraan uurka hooyadood oo aysan ifka u soo bixin.

Todobaadka 14aad marka uu marayo uurku Mataanuhu waxay bilaabaan in is-aqoosandaan ama is dareemaan, afar todbaad marka lagu sii darana waxayba isu bartaan si fiican iyagoo madaxa iyo wejiga iska dareemaya, marka ay isdareemaana waxaa warbixinta lagu sheegay in dhaqdhaqaaqoodu uu sii kordho.

Ugu dambeyntii baaryaashan Talyaanigu waxay sheegeen in 30% dhaqdhaqaaqa caruurtani uu ku jiheysan yahay canugga kale ee minka hooyadiisa kula jira.

Waa yaab!!,

halgankanet@gmail.com

LA YAABKA ADUUNKA: Khagendra Thapa waa ninka aduunka ugu gaaban, cimrigiisu waa 18 sano, miisaankiisu waa 6kg dhererkiisuna waa 67sm

$
0
0

Waxaa shalay lagu asteeyay buuga lagu keydiyo waxyaabaha mucjisooyinka ama la yaabka ah ee aan markaas la heyn wax la mid ah amaba lagu jimeeyo Qofka aduunyadan aanu iminka ku nool nahay ugu gaaban.

Koox ka socota The Guinness Book of World Record ayaa shalay  gaaray tuulada uu ku nool yahay wiil sideed iyo toban jir ah oo lagu magacaabo Khagendra Thapa, waa wiilka loo aqoonsaday in uu yahay qofka aduunka ugu gaaban ee haatan nool.

Wiilkan ayaa dhererkiisu yahay 67sm halka culeyskiisuna yahay 6kg wuxuuna shalay u dabaaldegay dhalashadiiisi Sideed iyo Tobanaad.

halgankanet@gmail.com 

ISHA AAN KA SOO XIGANAY WARKAN HOOS HADDII RABTO HOOS KA AQRISO GUJIN DABADEED.

http://news.xinhuanet.com/english2010/odd/2010-10/14/c_13557668.htm 

 

 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live