Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Somaliland Oo Iclaamisay Dhoolatus Millateri Oo Ay Ciidamada Qaranku Ugu Debaal Degayaan Derejooyinkii Lagu Taxay Iyo Goobta Uu Ka Dhici Doono.

$
0
0

 
 
Xukuumadda Somaliland, ayaa iclaamisay dhoolatus millateri oo  ay ciidamada qaranku ugu debaal degayaan derejooyinkii dhowaan lagu taxay Ciidamada kala duwan ee Dalka, gaar ahaan kuwa Mellteriga.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa shaaca ka qaaday inay Todobaadkan foodda inagu soo haya Ciidamada Qaranku Samayn doonaan Dhoollatus Mellateri oo  ku lamaan Furitaanka Dugsiga Tababarrada Saraakiisha Ciidamada ee Darar-weyne.
Wasiiir Cadami oo  Warbixin siiyey Mudaneyaasha Golaha Wakiilada kal fadhigoodii shalay oo uu shir Guddoominayey Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golahaasi Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay qaabkii loo bixiyey Derajooyinka Ciidamada Qaranka iyo Miisaaniyaddoda dhinaca mushaharka.
 
Axmed Xaaji Cali Cadami oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa uu dhowaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siillaanyo Furi doonaa Dugsiga Tababarrada Saraakiisha ee Dararweyne oo ay hadda ku jiraan ilaa Laba Boqol oo sarkaal”
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami oo hadalkiisa sii watay waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Derajooyinka la bixiyey waxa ay ahaan jirtay in loo wan qalo oo loo duceeyo, markaa Kollay taasina meesha kama madhna, waxaana la raacin doonaa Maalinta la furayo Dugsiga Tababarra Saraakiisha ee Dararweyne”
Mr Cadami oo ka hadlayey dhoolatus Ciidanku ay samayn doonaan oo ku lamaan Wan qashaasi derajooyinka iyo xadhig ka jarista Dusiga Dararweyne, waxa uu yidhi “Wan Qashaas marka la samaynayo kollay kama madhna Dhoola dus Ciidan, wax af laga sheegaana waa hadal uun, laakiin waxa wanaagsan waa Ficilka, waana la arki doonaa” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.
 
 Hargeysa Somaliland
 
 


Xisbiga Waddani oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku canaantay qorshe la’aanta Ardayda Jaamacadaha ka soo baxaysa

$
0
0

Xisbiga Nucaridk ah ee Waddani, ayaa  Madaxweynaha ku canaantay inuu qorshe ku addan ardayda jaamacadaha ka baxaysa la yimaaddo oo aanuu xafldaha ay dhiganayaan uun kala qayb gelin, sidaana waxa lagusheegay  warsaxaafadeed ka soo baxay xisigaasi, waxanuu u dhigna sidan:-

“Date, sepember 11, 2013,  Warsaxaafadeed Xisbiga WADDANI, Waxa baryahan dambe bulshada reer Somaliland la socotaa in madaxweyne Siilaanyo uu ka qaybgalo xafladaha qalinjabinta jaamacadaha waddanka isla markaasna uu bixiyo shahaadooyinka ay ardaydu ku guulaysatay iyada oo aanu madaxweynuhu wax qorshe ah oo intaas dhaafsiisan aanu u haynin ama aanu usoo jeedin ardayda iyadoo aynu ognahay tacabka badan ee la galiyey ardayda qalinjabinaysa waalidiin iyo macalimiinba.
 
Hadaba waxaanu leenahay madaxweyne lagaagama fadhiyin hambalyo iyo dhoolacadayn kaliya ee waxa lagaa sugayey in aad la timaado qorshe cad oo wax tar u noqda ardaydaas halganka dheer soo gashay.
 
Waxa kale oo layaab noqotay in madaxweynaha iyo inta ku ag xeerani ay xafladaha shardi kaga dhigaan inaan lagu soo casuumin Xisbiyada mucaaridka ah iyo cid kasta oo ay ka filayaan dhaliil taas oo ku cusub hab dhaqanka umadda Somaliland macnaheeduna yahay in madaxweynaha laga qariyo runta jirta.
 
Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI wuxu walaac weyn ka qabaa qorshe la’aanta iyo habaqlaha ay xukuumadda madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka ku waddo.”
 
 
Alla Mahad Leh
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI
 Md, Maxamed Xasan Dirir

Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadlay Eedaha Mucaridka Ka Soo Yeedhaya Eek U Aaddan Shirkadaha Ka Baxay Somliland

$
0
0

 
 
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Md. Cisman C/laahi Saxardiid (Cadaani) ayaa shir jaraa’id oo ay maanta si wadajir ah ugu qabteen magaalada Hargeysa, waxa ay kaga hadleen in aanay jirin wax nabad galyo darro ah oo sababi kara in ay dalka ka baxaan shirkadaha ajanibk ahi.
Wasiirka Warfaafinta oo ugu horrayn ka hadly halkaasi, ayaa sheegay in maalmihii u dambeeyay mucaaradku eedo ka dhigteen shirkadda sahanka shidaalka ka waday gobolada dalka Genel Energy iyo baaqashadii  diyaarada itoobiyaan Air-Line.
Md. Cabdilaahi Cukuse oo ka hadlayey diyaaradaa itoobiya waxa uu sheegay in uu hadda socdo wadahadal u dhexeeya labada wadan ee jaarka ah iyadoo wefti ka tirsan xukuumada Somaliland ay u joogaan dalka Itoobiya hawlo ay ka mid tahay arrintani, lana rajaynayo in is afgarad laga gaadho, isagoo wasiirku adkeeyey in arrinta shirkadda diyaaradaha ee baaqatay aanay ahayn arrin siyaasadeed ee ay tahay oo keliya arrin ganacsi, Wasiirka wasaaradda warfaafinta oo ka hadlay arrimaha shirkadda sahaminta shidaalka ee bariga Somaliland waxa uu sheegay in uu xiligan magaalada London ka socdo shir balaadhan oo wasiirrada Arimaha Dibada iyo macdanta ee Somaliland la leeyihiin madaxda shirkadda shidaalka ee Genel Energy isla markaana aanay ka hor dhacayn natiijada wadahadaladaasi, waxa uu buun-buuninta labadan arimood ay mucaaradku uga dan leeyihiin inay dalka ku tilmaamaan xasilooni darro aan ka jirin.
Wasiiru dawlaha Wasaarada Maaliyada Md. Cisman C/laahi Saxardiid (Cadaani) oo isaguna ka hadlayey shirkaa jaraa’id waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay ka xun tahay xanibaadda ku dhacday dadkii rakaabka ahaa ee ay qaadi lahayd shirkadda itoobiyaan Air-line, waxana uu ka codsaday shirkadaasi inay maareeyaan xaaladda dadkan oo gaadhsiiyaan meelihii ay ka yimaadeen ama u socdeen, waxa uu mucaaradka ku eedeeyey inay dalka ka bixinayaan sawir gurracan oo aan ka jirin dalka.
 
HARGEYSA SOMALILAND
 

Sannad Kale Meel Kale Maalin Kale Mar Kale Iyo Wariyaha Axmed Xasen Cawke Oo Kadiyaariyay Filim (Film) Aad U Xiiso Badan Oo Waxbadan Uu Daaha Kaga Rogay Oo Aan Hore Warbaahintu Uga Muuqan. Wax Ka Ogoow Wax Aanad Ogeyn

$
0
0

Film-(Idhanka)-Sannad kale meel kale mar kale iyo wariyaha weyn ee Axmed Xasen Cawke oo kadiyaariyay filim aad u xiiso badan oo waxbadan uu daaha kaga rogay oo aan hore warbaahintu uga muuqan. wax ka ogoow waxaanad ogeyn Halkan Ka Daawo 

Idhanka.com

Xukuumada Oo La Sheegay In Ka Qayb Galka Xafladaha Qalin Jabinta Shuruud Uga Dhigtay In Aan Mucaarad Lagu Soo Casuumin iyo Xisbiga Wadani Oo Walaac Ka Muujiyay

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Xoghayaha War-faafinta Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani Maxamed Xasan Dirir ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay Jaamacaddaha Dalku xafladaha Qalin jabintooda uga qadiyeen Xisbiyadda Mucaaradka ah.
Waxa uu madaxweynaha Somaliland ku canaantay hanaanka uu ula soo baxay in uu kelidii isku koobo ka qayb galka Xafladaha Qalin jabinta, sidaasna waxa uu ku sheegay [...]

Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Bixitaanka Shirkadda Shidaal Baadhista Iyo Hakadka Itoobiyaan Eirline

$
0
0

 
 
Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay arrimaha ka taagan shirkaddii Shidaal Baadhista ka waday Somaliland Ganel Energy ee dhowaan ku dhawaaqday inay Somaliland is kaga baxday iyo Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiyaan Eirline oo iyaduna   dhowaan joojisay Duulimaadyadeedii Somaliland.
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlayey Munaasibad lagu caleemo saarayey Suldaan oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa waxa kale kale oo uu sheegay in arrintaasi aanay ahayn  mid la isku tuurtuuro  ama la siyaasadeeyo, waxaanuu Mucaaridka ugu baaqay inay arrimaha shirkadahaasi ka daayaan Eedaha siyaasadeed ee dhinaca Xukuumadda ah oo ay tahay mid guud ahaan Somaliland oo dhan u wada taalla.
Muuse Biixi waxa uu sidoo kale tilmaamay in arrinta shirkadda Shidaal baadhistu ay ahayd mid ku soo boodo ah oo aan hore looga war qabin, isla markaana loo diray Xaruntooda laba wasiir oo Xukuumadda ka tirsan oo soo waydiinaya sababta keentay inay dalka iskaga baxaan, waxaanuu sidoo kale sheegay in arrinta Itoobiyaan Eirline ay tahay mid iyada looga baahan yahay inay dadkii ay keentay qaado oo iyada u taalla.

Mid kamid ah odayaashii soo xulay barlamanka Soomaaliya oo maanta la dilay

$
0
0

Kooxo hubeysan ayaa maanta waxay ku dileen Xaafada Sos ee magaalada Muqdisho mid ka mid ahaa odayaashii soo xulay Baarlamaanka Somaliya iyadoo ciidamo katirsan Dawlada halkaasi ay gaareen dilka kadib.
Marxuumka la dilay ayaa waxa lagu magacaabi jiray Cumar Cabdi Shiikhoow oo  55-sano jir ahaa iyadoo dhalinyaro ku hubeysnaa bistoolado ay toogteen kadibna goobta iskaga baxsaday.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo ka ak dhawaa meesha uu dilku ka dhacay ayaa usheegay buraannews inay ciidamada dawlada gaareen howlgalo ay sameeyeen daqiiqado kadib ayey meesha meydka kasoo qaadeen.
Waa oday dhaqameedkii 7-aad oo la dilay kana tirsanaa 135-kii oday ee Baarlamaanka soo xulay,hore ayaana 6 oday dhaqameed loo dilay maxaa usoo xusheen Xildhibaanada shaqeeya hadda.

Buraannews.com-Muqdisho

Madaxweynaha Soomaliya oo canbaareeyay weerarki lagu qaaday A/Madoobe

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareyey weerarkii  maanta lagu qaaday hogaamiyaha  Maamulka KMG ee Jubbooyinka Mudane Shiikh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
“Dowladda Somaaliyeed aad  ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu beegsaday kolonyadii Shiikh Axmed Madoobe. Waxaan leeyhay  shacabka goboladda Jubooyinka  si wada-jira  meel  ha oga soo wada jeestaan, dhagar-qabayaashu bartilmaameydsanaya shacabka iyo Madaxda. Alaaah ha u naxariisto intii dhimaatay, caafimaad deg deg ah ayaan u rajeenaynaa Insha Allaah dhamaan intii ay wax ku gaareen” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa  sheegay in shacabka Jubbooyinka iyo madaxdooduba  lagu bartilmaamsado sida goboladoodu ay uga xorreeyeen Al Shabaab.
Ugu dambeyntii Madaxaweynaha ayaa yiri”  naf-lacaariga iyo sii dhabar go’a  kooxdan,  waxaa jab ku sii noqday is-fahamka  Umadda Soomaaliyeed”
 
Buraannews.com-Muqdisho


“Somaliland Maanta Waa Nabad Raakiin Ruxan Ayaa La Ina Geliyaye ILAAHAY Ha Inaga Saaro” Maxamed Nuur Carraale Duur

$
0
0

 
 
Wasiirkii  hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur, ayaa sheegay in nabaddii ay  Somaliland  haysatay maanta ay ka jiro xaalado kala duwan oo dalka ka abuuray, kuwaas oo uu ilaahay ka baryey inuu inaga saaro.
Maxamed Nuur Carraale Duuroo ka hadlayey munaasibad Caleemo saar Suldaan ahayd oo Hargeysa lagu qabtay, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay in nabadda ay jirto cid qiimaysa, taas oo uu xusay in loo baahan yahay in la wada ilaaliyo.
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carraale Duur oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Xaqaan u leeyahay inaan Wasiirada Metelo meesha ay ka maqan yihiin, waayo shalay ayaan ka tirsanaa maantana waan ka tirsanahay oo kama fogi, maanta waad ogtihiin oo waxa aduunyada ka jira shahaadada nabadda, ta maamulka wanaagsan iyo ta dimuqraadiyadda cidbaa bixisa,  markii la kala xoog qoonaaday ayaa dadka soo koraya loo yeedhiyaa, markaa nabadda iyo colaadda cidbaa shahaadada gacanta ku haysa, Somaliland maanta waa nabad  raakiin ruxan ayaa la ina geliyaye ILAAHAY ha inaga saaro”
HARGEYSA SOMALILAND

Maamulka Gobolka Togdheer Iyo Hay’adaha Caalamiga Ah Ee Gobolkaasi Ka Hawl Gala Oo Qodobo Ka Soo Saaray Kulan Ay Yeesheen

$
0
0

 
 
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Axmed Cumar Xaaji C/laahi (Xamarje), ayaa isugu yeedhay Hay’adaha caalamiga ah ee ka hawl gala Gobolka Togdheer, waxaanuu kala hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa hawlaha horumarineed ee gobolkaasi iyo mashaariicda ay Hay’adahaasi wadaa.
Warsaxafeed Laga Soo Saaray Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer, ayaa waxa Lagu sheegay inuu kulan ballaadhani Dhexmaray Masuuliyinta Maamulka iyo Madax ka Socotay Haayadaha Qaramada Midoobay Ee ka Howl-Gala Gudaha S/land gaar ahaan gobolkaasi, kaas oo ka qabsoomay Xarunta Maamulka Gobolkaasi.
Warsaxafadeedkaasi lagaga hadlay kulankan oo faah faahsan waxa uu  u Dhignaa Sida:- “Shir balaadhan oo ay kasoo qayb galeen in ka badan 40 haayadood oo isugu jira haayadaha qaramada midoobay.Maamulka G/Togdheer iyo Masuliyinta Laamaha Dowlada Ee G/Togdheer, shirkaasi Oo si Wada jir ah u  gudoominayeen Badhisaabka Gobolka Ahmed Cumar H. Abdillahi (Xamarji)  iyo Mr. Gavin Roy oo isugu ah La-taliyaha Madaxa Isku-xidhka Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland, (UN resident coordinator ) ayaa waxaa lagaga wada hadlay qodobadan.
1: In sedexdii biloodba hal mar la qabto kulan balaadhan  oo lagu qiimaynayo mashaariicda horumarinta ee ka socoto gobolka Togdheer islamarkaana lagu qorshaynayo mashaariicda sedexda bilood ee soo socota .
2: In la xoojiyo wadashaqaynta haayadaha dawliga ah iyo haayadaha qaramada midoobay ee wadashaqayntu ka dhaxayso , si looga midha dhaliyo mashaariicda horumarinta ee gobolka ka socota .
3: In la dhamaystiro qorshihii horumarinta  gobolka oo imika qabyo qoraal ah, si loo gaadhsiiyo cid kasta oo ka qayb qaadanaysa horumarinta gobolka Togdheer , isla markaana si dhab ah looga midho-dhaliyo hawlaha gobolka Togdheer khuseeya ee ku xusan Qorshaha Horumarinta Qaran ee Somaliland (National Development Plan)
Dhammaan qodobadaas kor ku xusan  oo si qotodheer loo lafo- guray, ayaa si wada-jir ah oo ay ka muuqatey kal-furnaan loogu heshiiyey hirgalintooda.
Guddoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa isagoo kaashanaya ha’yadaha dawliga ah ee gobolka ka hawl-gala iyo aqoonyahanka kasoo jeeda Gobolka Togdheer ku tallaabsaday talaabooyin hor leh oo guud ahaan laga soo dhaweeyey gobolka Togdheer. Dhaq-dhaqaaqyada noocan oo kale ah ee lagu midaynayo dedaalada guud ahaan daneeyeyaasha horumarka ayaa uu Guddoomiyuhu ku macneeyey mid uu kaga tarjumayo siyaasada horumarinta dhaqan-dhaqaale ee Xukuumada Somaliland iyo mid uu ku damacsan yahay inuu ku tayeeyo guud ahaan addeegyada bulshada loo fidiyo iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaale ee gobolka Togdheer”
Wa Bilaahi Towfiiq Iid ismail Abdi Madaxa Xidhiidhka Mashariicda G/Togdheer
 
HARGEYSA SOMALILAND

Barnaamuj Gaar Ah Oo Aan Idiinka Diyaarinay Hadal Heynta Ugu Badan Fashilka Ku Yimid Xukuumada Axmed Siilaanyo Ee Lacagtii La Musuqmaasuqay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa+ Halkan Ka Daawo Video

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Tan iyo intii madaxweynaha Somaliland dib u furay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport oo muddo Sannad iyo badh ah u xidhnaa dayactir iyo dib u dhis lagu waday oo sida uu sheegay wasiirka duulistu ku kacday aduun dhan 4,400,000 oo Daoolar, ayaa waxa soo baxay fadeexado sababay in garoonkii madaxweynuhu furay diyaaradihi joojiyaan [...]

Qisadii nabi Muuse Sheikh mohamed Idriis

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Duulista Oo Jawaab Ka Bixiyey Eedaha Mucaaridku Ugu Jeedinayaan Hakadka Duulimaadyadii Itoobiyaan Eirline

$
0
0

 
 
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista hawada Somaliland Axmed Dalal Faarax, ayaa jawaab adag ka bixiyey eedaha uga imanaya Axsaabta Mucaaridka ah iyo siyaasiyiinta Dalka eek u aaddan hakadka Duulimaadyadii Diyaaradda Itoobiya.
Axmed Dalal Faarax oo Jir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa, ayaa waxa uu beeniyey in Diyaaradda Itoobiyan Eirline loo diiday inay ka soo egto Madaarka Berbera, waxaanuu arrintaasi ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin, isaga oo mucaaridkana ugu baaqay inay xaqiiqada edaan oo ay wax ogaadaan intaanay hadlin.
 
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista hawada Somaliland Axmed Dalal Faarax  oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo sida ay wax uga baahiyeen iyo marin habaabin ay  Xisbiyada Mucaaridku ka sameeyeen arrimaha Wasaaradda  oo aan rabo inaan soco wixii khalad ahaa ee ay sameen,  wasaaraddani waa wasaarad u igman  inay maamusho hawada iyo gaadiidka circa ee Somaliland,  markaa illaa markii uu Kulmiye xilka qabtay waxa ay wasaaraddani ku mashquul sanayd hir gelinta mashaariicihii ay fadhiidka ku noqotay Xukuumaddii tan ka horraysay oo ahaa Madaaradda Berbera oo Terminal laga dhigay iyo xayn daam oo muddo laga shaqaynayey iyo Maarka Hargeysa  ooh awl ballaadhan laga qabtay, dhamaan diyaaraduhuna waxa ay soo dirteen dad u tijaabiya oo xataa qaar mulkiileyaashii ayaa yimid, markaa dhamaan diyaaradaha Itoobiyan Eirline, Jiba, Afrikan way ka wada billaabeen duulimaadyadoodii, cidda iyada oo aan waxba ka ogayn  wax ka sheegaysaana dalkooda iyo dadkooda midna miskax uma hayaan,  arrimaha marka la doonayo in laga hadlana waa in xaqiiqada la ogaadaa”
Axmed Dalal waxa uu intaas ku daray “Haddii ay Itoobiyaan Eirline diiday maxay haddaa Diyaaradihii kale ee la midka ahaa uga soo degayaan ee ay boqolka iyo dheeraadka uga qaadayaan, taas waa in la is waydiiyaa, Diyaaradda Itoobiyaan Eirline  waxa ay ku degtay markii ay madaaarka timid kala badh oo dhexda ayey kaka soo degtay, markii dambana iyada oo raran ayey ka duushay,  markii ugu horraysay ee ay hakisay waxa ay ahayd markii ay bilawday duulimaadyada Dalka oo ay u hakisay arrimo dhinaca cimilada ah oo ay dalal kale oo bandanna ka hakisay, laba cisho ka bacdina way bilawday, xayntaabkiina alaabtiisii way taalla oo hawshiisiina way socotaa, tanna hadda si lama filaan ah ayey u joojiyeen,  waxaanay iska ilaalinayeen inay sirta dalkooda bixiyaan oo haddii laga mamnuucay Hawada Somaliland iyo Somaliyaba waxaanu isku daynay inaanu shirkadaha kale xidhiidhsiino, taasna qiimihii ayey ku heshiin waayeen, markaas ayey go’aan sadeen inay racaabka dhulka mariyaan illaa jigjiga oo ay halkaa ka qaadaan, Markii ay arrintaasi dhacdayna Madaxweynuhu dedaal badan ayuu ka galay oo wuu la xidhiidhay itoobiya waxanuu u diray xubno wasiirro ah, waxaana taas loo samaynayaa in xuquuqda dadka rakaabka ah la ilaaliyo oo waxaanu ogolaanay in dadka jigjiga la geeyo oo ay halkaa ka qaadaan,  waxaas oo dhan in la qariyo ma aha e aanu samaynayno,  markaa waxa ay ballan qaadeen inay dadka jigjiga ka qaadaan, cid ku tidhi haddii aanad Hargeysa ka soo degaynin Berbera ka soo degi maysid ma jirto, wax aan u qalmin dalka is kaashigu inaga dhexeeyo I lagu yidhaahdo ma aha”
 HARGEYSA SOMALILAND

Booliska Maraykanka Ayaa Qabtay Baadariga Terry Jones Daqiiqado Ka Hor Intaanu Gubin Nuqulo Tiro Badan Oo Kamida Kitaabka Quraanka Kariimka Ah Ee Uu Ku Hanjabay+Halkan Kadaawo Video

$
0
0

Florida, (Idhanka Agencies):- Booliska dalka Maraykanka ee gobolka Florida ayaa qabtay oo xabsiga u taxaabay, Baadariga xag jirka ee nacaybka Islaamku madax martay, Terry Jones, kaas oo wakhtiga la qabtay doonayay inuu gubo nuqulotiro badan oo kitaabka Quraanka Kariimka ah, oo hore uu ugu hanjabay in 11-September uu samayn doono.
Masuuliyiin u hadlay booliska degaanka Polk County [...]

Weftigii Addis Ababa U Tegay Khilaafka Itoobiyaan Eirline Oo Kulamo La Yeeshey Madaxda Shirkadaas Iyo Masuuliyiinta Sare Ee Safaaradda Ingiriisku Ku Leeyahay Itoobiya

$
0
0

 
Weftigii wasiirada ahaa ee Xukumadda Somaliland u dirtay xallinta xaaladda ka taagan hakadka la geliyey Duulimaadyadii Diyaaradda Itoobiya ay ku iman jirtay Somaliland, ayaa  kulan la yeeshay Safiir ku xigeenka Safaaradda Ingirisku ay ku leedahay waddaanka Itoobiya  Caasimaddisa Adis Ababa Mr Chris Allen,
Kulankaasi oo ka qabsoomay Xarunta Safaaradda Ingiriiska ee Dalka Itoobiya, ayaa la sheegay in ay labada dhinac kaga wada hadleen  sidii loo sii xojin lahaa xidhiidhka labada waddan iyo wada shaqaynta ka dhexaysa, waxaanay sidoo kale ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa arrimaha horumarinta
Weftigan Somaliland oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran Cade oo uu wehelinayo Wasirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cbdi, ayaa waxa ay sidoo kale Magaalada Addis Ababa kula kulmeen Masuuliyiinta shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiyaan Eirline, waxaanay kulankaasi kaga wada hadleen hakadka ku yimid duulimaadyadii Somaliland.
Kulankan ay shalay yeesheen Somaliland iyo Itoobiyan Eirline, ayaa waxa la iskula afgartay in wada xaajood ay ka yeeshaan arrintaasi, waxaanay kulan kale u ballameen labada dhinac manta oo ay dib iskugu noqon doonaan, waxaana la filayaa inay kulankan manta ka soo wada saari doonaan war-saxaafadeed ay u dhan yihiin iyo heshiis ay wada gaadheen.


Madaxweyne Xasan iyo Ashton oo Qoraal soo Saaray

$
0
0

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh.Maxamuud iyo Madaxa arrimaha dibedda ee Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa wadajir u soo saaray war qoraal ah oo ku saabsan shirka Hiigsiga cusub ee Somalia.

“Mucaaridku Waxa Ay U Muuqdaan Burburiyayaal Waxaanay U Baahan Tihiin In Tababar Loo Furo.. Xaqiiqda Somaliland Ka Jirtaana….“ Prof Axmed Maxamed

$
0
0

 
 
 
Prof: Axmed Maxamed Nuur Oo ka mid ah Siyaasiyiinta reer Somaliand kana tirsan Muusiyiinta Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa Xisbiyadda Mucaaridka ah ee Wadani iyo UCID ku dhaliilay inay indha ka qabsadaan horumarka ay ku talaabsatay Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed (Siillaanyo)
Siyaasi Axmed Maxamed Nuur oo ka tirsan Xisbiga taladda haya ee Kulmiye ayaa oo Xalay mar uu nagu soo booqday Wargeyska Saxansaxo waxa uu Xukuumadda ka difaacay dhaliilo ay u soo jeediyeen Xisbiyadda Mucaaridka ah ee dalka ka jira,taas oo uu ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin isla markaana labada Xisbi ee UCID iyo Wadani ay indhaha ka qabsadeen Horumarka balaadhan ee ay ku guulaysatay Xukuumadda Xisiba Kulmiye,iska markaana la gaadhay xigii ay Xukuumadda ku bogaadin lahaayeen  horumarka ay ku talaabsatay kaas oo ah mid dunida oo dhami ka markhaati tahay.
Prof: Axmed Maxamed Nuur oo arimahaasi ka hadlaayay waxa uu ugu horeyntii yidhi “Mucaaridku waxa ay u muuqdaan Burburiyayaal  maaha  sida ay u hadlaan Xaqiiqdii qaar wax dhisaayaa ama wax toosinaaya waxanay u muuqdaan inay samaynayaan oo u hadlayaan si shaqsi weerar ah,waxa taas kuu cadaynaaya inay labada Xisbi Mucaarid ah inay yidhaahdeen Xukuumadii Sharciga ahayd ee Shacbi waynaha reer Somaliland sida Dumquraadiga ah u soo doorteen yidhaahdeen hays Casisho,taas oo aad moodo inay si toos ah u dhinac marsan tahay Shuruucdii Mucaarid nimo ee Caalamka waxaanay u baahan yihiin inay Xooga Tababar (Siminer )ah u baahan yihiin labada Xisbi Mucaarad ee Wadani iyo UCID”
Siyaasi  Axmed Maxamed oo hadalkiisa sii wata  waxa uu yidhi“Hadii aan si gaar ah u soo qaato qodobadii ay Warbaahinta kaga hadleen ee ay ka been sheegeen waxa ka mid ahaa Inay Xukuumadda iyo Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirku ku Fashilantay Dhismaha Madaarka Hargeysa ee Cigaal Airport,waxa aan odhanlahaa saxiibaday malaha waxa ay u quudhiwaayeen inay bogaadiyaan Guusha iyo dadaalka ay Xukuumadda ka qabatay Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa maada oo markii ugu horeysay si Heercaalimi ah Diyaaraddaha aduunku uga duuli karaan oo Caalamku ku soo hirtay Madaarkeena ugu wayn Somaliland,haba waxa aan odhanlahaa hurdada ka kaca waxa la jooga xigii aad Bogaadinlahaydeen Waxqabadka Xukuumadda”
Prof: Axmed waxa uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo aan la yaabay markii aan arkay Mucaaridka oo Xukuumadda ku dhaleecaynaaya Shirkaddii Sahaminta Shidaalka ayaad dalka ka erideen,hadaba hadii aanu nahay Xukuumadda iyo Xisbiga qaran ee Muxaafidka Kulmiye in aanay jirin wax Amnidaro ah oo Shirkadda Genel Energy iyo kuwa kale toona dalka uga tagaan oo waxa aynu og nahay in Somaliland 100% Amni geeda iyo  Nabadgelyadeedu taam yihiin waxana jirta in Tabashooyinka yar yare e dhanka Diyaaradda Itoobiyaanka ah iyo Shirkadda Shidaal baadhistuba ay xalkeedii gacanta ku hayaan Xukuumaddu oo Itoobiya iyo Ingiriiskaba Waftiyo Wasiiro ka koobani hadii ALLE idmo todobaadada soo socda ay soo afjari doonaan sida ugu dhakhsaha badan,hadaba waxa aan u soo jeedinayaa oo aan leeyahay Saxibadayda Mucaaridka ah in ILLaahay Indhahooda wax san tuso si ay Waxqabad iyo Horumarka Xukuumaddu ku talaabsatay ee ay iyaguba ka markhaatiga yihiin kana waantoobaan waxkasta oo dalka Amnigiisa khalkhalku ah”
 HARGEYSA SOMALILAND

“Annagu Cid Ma Daandaansano Ee Waxbaanu Iska Celinaa, Taleexna Fidmo Ayaa Laga Soo” Faysal Cali Waraabe

$
0
0

 
Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay fitno uu sheegay In Madaxwayne ku xigeenka Maamul goboleedka Puntland ka dhalinayo degmadda Taleex  ee gobolka Sool oo uu safar daandaansi ah ku joogay mudooyinkii ugu danbeeyey. Guddoomiyaha UCID  Faysal Cali Xuseen oo shalay ka hadlayey Munaasibad lagu qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in shacabka reer Somaliland aanay cidna daandaansan, balse ay ciddii soo doonata ay iska celiyaan.
Eng Faysal Cali Waraabe, oo arimahaa ka hadlayaa waxa uu hadalkiisa ku bilabay  “Meesha la yidhaahdo Taleex, Fidmo ayaa laga soo wadaa, baryahana waxa joogay Madaxwayne ku xigeenka Garoowe, sheeko khatar ah ayaa ka soo socota oo la doonayo in Somaliland khatar lagu galiyo”.
Guddoomiyaha UCID Eng Faysal  Cali Waraabe isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas sii raaciyey “Arintaasi waa arin qarannimo, waa in shacab iyo dawladba loo feejignaado, qorigii dabka lahaa ee Garoowe laga bilaabi jiray ee Kismaayo lagu gubi jiray ee Xamar lagu baa’biin jiray ayaa la inala soo doontay”.
Guddoomiyuhu wuxuu fariin u diray reer Laascaanood iyo Puntland “Dadka reer Laascaanood waxaan leeyahay dagaal Soomaaliya ayaa wax ku keeni lahayd, nabadbaa wax lagu helaa, fitnadaa Garoowe ka soo gashay isaga feejignaada ayaanu leenahay, wixii kalena waa laga wada hadli karaa, laakiin reer Garoowe waxaanu leenahay annagu wax ma daandaansano ee waanu iska celinaa haddaanu soo jeedsano, fitnada dadka ka daaya oo ku ekaada dhulkiina, xuduuduhuna waa kuwii caalamiga ahaa, Taleex haddaad tagto waxay la mid tahay adiga oo Wardheer oo kale tagay oo Itoobiya ah”.
hargeysa somaliland

Waxay ila tahay

$
0
0

Waxa uu ku saabsan yahay fatwada dhawaan culimadu ka soo saareen al-Shabaab.

Culimo ku kala qaybsantay Fadwadii laga soo saaray Al-shabaab

$
0
0

 
 
Qaar ka mid ah Culimada ugu waaweyn Somalida, gaar ahaan Culimada ku dhaqan Muqdisho, Kenya iyo waddamada Yurubta, ayaa ku kala qaybsan fadwo ay dhowaan Culimo ku shirtay Magaalada Muqdisho ka soo saareen mowqifka ay diinta islaamku ka taagan tahay Kooxda Al-shabaab.
Culimadan oo shalay dood ay u qabatay Idaacadda BBC-du, ayaa waxa ay si ballaadhan ugu kala qayb sameen qodobo ka mid ahaa war murtiyeedkii ay ka soo saareen arrinta alshaab markii ay ka shireen, iyada oo ay culimo badani ka soo hor jeesteen qodobo ka mid ahaa Fadwadaasi oo ay ka mid ahaayeen qoobkii sheegayey inaan loo doodin qofka kooxdaas ka tirsan ee la qabto, haddii la qabtana Hay’adaha amaanka Xukuumadda Somalia loo dhiibo.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live