Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

WAR-SAXAAFADEED: Weftigii Somaliland ee Ingiriiska u tegay Bixitaanka Shirkaddii Shidaal Baadhista oo la kulmay shirkadaasi

0
0

 
 
WAR-SAXAAFADEED ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faah f
aahiyey kulan magaalada London ku dhex maray Xubnihii wasiirada Somaliland ahaa iyo Maamulka shirkadda Genel Energy ee Somaliland ka baxday, waxaana lagu sheegay in uu wada hadalkaasi meel waanaagsan marayo ,

War-saxaafadeedkaasi oo waxa uu u dhignaa sidan :-
“Wasiirada Arrimaha dibeda iyo macdanta iyo tamarta, Maxamed Biixi Yoonis iyo Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo todobaadkii ugu danbeeyey socdaal shaqo ku joogay Dalka Ingiriiska ayaa kulamo la yeeshay madaxda shirkada  Genel Energy oo hawlo shidaal baadhisa ka waday Jamhuuriyada Somaliland dhawaana sheegtay inay si ku meel gaadha u hakisay shaqadii shidaal qodista ayaa kulankaasi waxaa ka soo baxay sida ay noo xaqiijiyeen xubnahaa weftiga wasiiradu in shirkadaa Genel Energy aanay ka tegay Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay hawsheedi sii wadidoonto.
 
Hakis-kaasina uu ahaa mid ay ka dhalatay amba fursad siiyey in ay ka soo baxdo in labada dhinac ay si dhaw oo xoogleh uga wada shaqeeyaan sidii hawshaasi looga gaadhi lahaa ujeedooyinkii laga lahaa, Dawlada Somaliland ay balan qaaday waxkasta oo fudaydinaaya siina adkaynaaya wada shaqaynta labada dhinac ay fulinayso, sidii hore iyo si ka sii wanaagsan.
 
Dhinac Shirkada Genel Energy ay u xaqiijisay wasiirada in ay shaqadii sii wadi doonto taas oo labada dhinacba ahmiyad weyn u leh.
 
ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
 
HARGEYSA SOMALILAND


Neclos key : Somaliland waxa noo sheegtay inaanay wax dan ahi ugu jirin shirka Biljum ka furmi doona

0
0

 
 
Wakiilka Qaramada  Midoobay u qaabilsan Somalia iyo Somaliland Neclos Key, ayaa markii ugu horraysay caddeeyey inaaanay Somaliland ka soo qayb geli doonin shirka dhowaan Somalida loogu qaban doono Neclos Keyee Dalka Biljam.
Neclos Key oo la hadlay warbaahinta shalay, ayaa waxa uu caddeeyey inay Somaliland u caddaysay inaanay shirkaasi wax dan ahi ugu jirin oo aanay ka qaynb geli doonin, taas oo uu Neclos Key tilmaamay inay Somaliand qaadacday shirkaasi.

Daawo shirkii Jaraa’ed ee Wasiirada Macdanta iyo Arrimaha dibeddu kaga hadleen wixii ay kala kulmeen Ganel Energy.

Clan representatives of President Hassan Sheikh Mohamud appear Brussels New deal conference as civil society delegates

0
0

News from reliable sources report five members from civil society who are attending New deal conference on September 16 in Brussels are wholly from Hawiye clan.
Information from sources close to State House, Villa Somalia, state this group of civil society is led by a woman called Halima Yarey who hails from Habargedir sub clan whereas four members of civil society delegation are from Abgal sub clan of President Hassan Sheikh Mohamud.
Included in four Abgal sub clan representatives attending New deal conference in name of civil society are Hasan Shire Shiek and Jibril Abdule who belong to same sub sub clan of President of Somalia. Nomination of civil society delegates selected on clan basis were apparently proposed by Aweys Haji and Abdirahman Yarisow who are close relatives of President Hassan Sheikh and officials in president office.
Titling Halima Yarey as head of civil society group is said to be plot to entice eyes of international community by making a woman a leader of civil society.
 

Xubna kasoo jeeda beesha Madaxweyne Xasan Sheekh oo shirka Deeq Bixiyaasha ee Brussels kaga qeyb galayo magaca bulshada rayidka

0
0

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shan xubnood ee bulshada rayidka ah ee ka qeyb galaayo shirka deeq bixiyaasha ee ka dhacaya  16ka bishan September magaalada Brussels ayaa waxaa ay gabi ahaantod yihiin beesha Hawiye.
Xog laga helaayo ilo ku dhow dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa intaas waxaa ay ku darayaan in xubnaha bulshada rayidka ah ayaa waxa hogaaminaayo haweeney lagu magacaabo Xaliimo Yarey oo u dhalatay beesha habargedir balse afar xubnood oo ka mid ah bulshada rayidka ayaa waxaa ay kasoo jeedaan beesha abgaal gaar ahaan lafta madaxweyne Xasan Sheekh Max’uud.
Xubnaha bulshada rayidka ayaa waxaa ka mid ah Xasan Shire Sheekh iyo Jibriil Cabdulle oo madaxweyne Xasan Sheekh ay isku heyb hoose yihiin. Xubnaha bulshada rayidka ayaa waxaa la sheegay in ay qoreen Aweys Xaaji iyo C/raxmaan Yariisow oo iyaguna ah rag ay xigto hoose yihiin madaxweyne Xasan Sheekh.
Ka dhigista Xaliima Yarey looga dhigay madax guddiga ayaa waxaa lagu macnaayay farsamo la doonayo in lagu khadlo bulshada caalamka maadaama ay tahay qof haween ah.
 

Uganda suspends 24 officers over Somalia corruption

0
0

Uganda said on Monday that it had suspended 24 of its army officers, who were part of a UN-mandated force battling Al-Qaeda linked rebels in Somalia, over corruption allegations.
A defense ministry spokesman said among those recalled for “getting involved in conduct injurious” to the African Union AMISOM force was the head of the 6,000-strong Ugandan contingent, Brigadier Michael Ondoga.
“They were suspended two days ago,” the Ugandan defense spokesman, Colonel Paddy Ankunda, told AFP.
According to an independent local newspaper, The Daily Monitor, the officers were recalled by President Yoweri Museveni over the alleged black market selling of food and fuel meant for the Ugandan troops.
The paper said that some ordinary soldiers were eating only one ration pack a day because of the scam.
“Their conduct is a subject of investigations,” the spokesman said, without giving details. “If enough evidence is gathered the officers will be taken to court.”
AMISOM, fighting since 2007 in Somalia and funded by the UN and European Union, has 17,700 troops aiding the government in Somalia.
Source: AFP
 
 
 
 

Shirkii Brussels ee Somalia oo Maanta Furmay

0
0

Shir loo qabtay dib-u-dhiska iyo horumarinta Somalia ayaa maanta ka furmay magaalada Brussels ee dalka Belgium, kaas oo madaxda Somalia ay ka qeyb galayaan

Kulan looga soo horjeedo Maxkamadda Sare oo ka dhacay Ohayo Mareykanka–Sawirro+Vedeo

0
0

 
 
 
Kulankaan oo ahaa mid Cabasho ka dhan ah Maxkamadda sare ee dalka ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Colombo’s eek a tirsan Gobolka Ohayo dalka Mareykanka.
Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen Waxgarad kala duwan ayaa waxaa si weyn loogu dhaliilay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka , gaar ahaan sida ay sheegeen Cadaalad darro lagu  sameeyay qoyska Reer Cali Shire.
Xubnihii ka hadlay Kulanka ayaa ka dalbaday Madaxda Dowladda Soomaaliya in guryaha sida cadaalad darrada ah loo duudsiiyay Qoyska Reer Cali Shire ay dib ugu soo celiso , islamarkaana ay tallaabo deg deg ah ka qaadaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mr Ilka Xanaf ee k u aadan cadaalad darrada uu sameeyay.
Kulanka intii uu socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay Boorar uu ku sawiranyahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Muujinaya cadaalad darraa uuu ka kaco marka uu xukunnada ridayo.
 
Hoos ka daawo Sawirada iyo Muuqaalka qudbadihii Kulanka laga Jeeediyay:

 
Linkigaan Hoose Riix si aad u daawato Muuqaalka:
https://www.youtube.com/watch?v=pwuqosSeqws&feature=youtu.be
 


A new chapter in EU-Somalia relations” – Statement by Commissioner Andris Piebalgs at the Somalia New Deal Conference

0
0

Today’s high level conference on Somalia marks a milestone in EU-Somalia relations, bringing together the international community and Somalia to endorse the Somali Compact, pledge support to enable its implementation and, above all, commit to this new political process.
As the biggest donor to Somalia, as well as a long-term friend and partner, the EU has provided some €521 million between 2008 and 2013 and already achieved considerable results –getting 40,000 children into school, providing safe water for half a million people and helping 70,000 people to produce livestock, to name but a few. So today, we are very proud to announce the new EU approach to the way we work in Somalia. The Somali Compact, which will guide our cooperation in Somalia in the coming three years, will align our support behind Somali priorities and enable us to better coordinate the development work currently undertaken in Somalia, working together with the Somali government, parliament, regions and civil society.
I alo warmly welcome Somalia to the Cotonou Agreement. Somalia’s accession to the agreement marks a new chapter in EU-Somalia relations and epitomises the progress that Somalia has already made over the past year. This accession will bring vital new opportunities for the country and its people.
Last but not least, I am pleased to announce that the European Commission has today pledged €650 million to support Somalia and its people. After more than two decades, the Somali people urgently need to see progress in the provision of basic services. They deserve decent healthcare, clean water, a good education, and real hopes for a better future, like anyone else. But partnership must be at the core of our efforts. We can only succeed in our aims if we work together. I hope that today’s conference will be a significant step towards achieving that.
 
 

Somaliland oo faah faahisay sabaabaha ay shirka Maanta dhacay uga joogtay ee dhaqaalaha badan Somalia loogu dawaray.

0
0

 
 
 
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi). Waxaanu war-murtiyeedkaasi u dhignaa sidan:-
“Xukuumada Somaliland waxay soo dhaweynaysaa kaalmadda bulshada caalamku ku kaalmeynayso gobolka Geeska Afrika. Taas oo sidaas ah hadana Somaliland go’aan adag ayay ka qaadatay in aanay ka qaybgelin shirka Heshiiska Cusub (New Deal) Brussels ee Soomaliya.
Shirka waxaan uga gaabsanay inaanu ka qayb-qaadano isaga oo aan Somaliland siinin mudnaanta iyo maqaamka ay leedahay. Isla markaana tixgelin rabitaanka shacabka Somaliland.
Wuxuu kaleoo muujinaya sawir khaldan in Dawlada Somalia ka taliso Somaliland. Dawlada Somaliland waa dawlad metesha shacabka ku doortay hab-dimuqradi ah. Mana jiri karto cid kale oo sinaba ku meteli karta danaha shacabka Somaliland.
Laakiin shirka maalinta kaliya ah ee ka dhacaya Brussels waa in aanu inaga ilduufin mudnaanta weyn ee ay maalintani leedahay. Maanta, Somaliland waxa ay u gudbaysaa weji cusub oo ah fullinta Qorshaha Horumarinta Qaranka. Shirka dhacaya Brussels ayay bulshada caalamku si rasmi ah ugu qoondaynaysaa hannaan gaar u ah Somaliland oo ku salaysan mabaadiida caalamiga ah ee Heshiiska Cusub ee lagula dhaqmayo wadamada tamarta yar . Hannaankan gaarka u ah Somaliland waxa uu noqon doonaa qaab-dhismeedka istaraatiijiyadda ay saaxiibada deeqbixiyeyaashu ku maalgelinayaan qaybaha mudan ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland.
Hannaanka gaarka u ah Somaliland gebi ahaantiiba waa mid ka madaxbanaan ka Soomaaliya ee ay taageerayso bulshada caalamku. Mabaadiida iyo mudnaanta hagaya Hannaanka gaarka u ah Somaliland waxay ku dhisanyihiin go’aanka Dawladda Somaliland oo latashi buuxda la samaynaysa bulshada Somaliland. Waxaanu halkan u caddaynaynaa in Somaliland aanay aqbali doonin hanaan siyaasidaysan oo xambaarsan weedho daciifinaya ama dibindaabyeynayaa raadinta aqoonsiga ee Somaliland. Waxaan uga mahadnaqaynaa deeq-bixiyeyaasha sida ay u tixgeliyaan himiloyiinka shacabka Somaliland, iyo taageerada iskaashiga horumarinta ee tixgelisay duruufaha u gaarka ah Somaliland.
Sidaa awgeed, hannaanka Somaliland u gaarka ahi waxa uu xoojinayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SHS) ee ay aasaaseen xukuumadaha Denmark iyo UK sannadkii 2012, kaas oo xaqiijiyaanya maamul wanaag iyo xisaab celin laba geesooda ah isla markaana suurta gelinaaya in xukuumada Somaliland iyadu hogaamiso harumarka dalka. SHS waa mid imika si buuxda u hawl-gala. waa sanduuq horumarineed oo ay doorbidayso xukuumadda Somaliland kuna dhiirigelinayso deeq-bixiyeyaasha in ay ku soo biiraan isla markaana ay mucaawinadooda ku xoojiyaan SHS.
Labaatan sanno oo ay ku hawlanayd dhisida dawladnimo, Somaliland waxa ay seeska u dhigtay mustaqbal isbedel iyo koboc dhaqaale ku salaysan. Waddanku waa mid nabdoon oo xasilan; caruurteenu waxa ay haystaan fursad waxbarashada dugsiyada hoose oo bilaash ah; waxa aanu fidinay adeegyada caafimaad iyo biyo miyi iyo maagaalaba; muwaadiniintayaduna waxa ay si joogto ah uga qaybqaataan doorashooyinka dimuqraadiyadeed. Mahad waxa iska leh hannaanka adag ee maareynta xisaabaadka qaranka, kordhinta dakhliga cashuuraha iyo ka-hor-tagidda musuq-maasuqa. Miisaaniyadda Somaliland ee 2013 waatii ugu ballaadhnayd ee uguna dheeli-tirnayd ee soomarta taariikhda Somaliland. Sidaa awgeed, xukuumadda Somaliland waxa ay xoojisay dejinta jawi ay mucaawinooyinku ku samayn karaan saameyn weyn taas oo ay xukuumaduna ay dhabarka u ridanayso masuuliyadda hawlaha horumarineed.
Laakiin harumarkan kali ma sii wadi karo, waxa aanu u baahan nahay taageerada bulshada caalamka si aanu u xaqiijino himilooyinka Qorshaha Horumarinta Qaranka. In xidhiidh aanu la samayno saaxiibadayada horumarinta anaga oo u marayna qaab-dhismeedka Heshiiska Cusubi waa tallaabo weyn oo aanu ku xaqiijin karno himilooyinkeena.”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Daawo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo Dhagax dhigay waddada isku xidha Buco iyo Ceerigaabo oo ay ku dhici waayeen Madaxweyenyaashii ka horeeyey

0
0

 
 
 
 

 
HARGEYSA SOMALILAND

Mu'tamarkii 6aad Holland, Darsiga Salaada Qeybti 3aad - Sh. Yuusuf Axmed

“Somaliland Waxa Ay Maabka Aduunka Ku Jirtaa 125 Sanno, 30 Sanno Ayey Somalia Ku Jirtay 95-Ka Kale Way Madaxbannaanayd” Wasiirka Qorshaynta

0
0

 
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa sharaxaad ka bixiyey taariikhda Somaliland iyo intii ay caalamka ka mid ahayd, waxaanuu sheegay inay Somaliland jirto muddo 125 sanno ah oo ay 30 sanno oo keli ah ka mid ahayd Dawladdii Somalia, halka ay 95 ka kalena madax banaanayd.
Wasiirka Sacad Cali Shire oo maanta la hadlay idaacadda BBC-da, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay Somaliland tahay waddaan gaar ah oo ay kala jaad yihiin Somaliland, isla markaana  aanay marnaba aqbali doonin in ay qaadato caawimo meelo kale loo soo marsiiyey.
Dr Sacad Cali Shire oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waddanka lagu yidhaahdo Somaliland  waxa uu hadda Maamka Aduunka ku yaallay 125 Sannadood,  mudadaas muddo 30 sanno ah ayuunbay Somalia iyo Somaliland Dawladi ka dhexaysay, 95-ka kale Somaliland waxa ay ahayd Dawlad iskeed u taagan  oo madax bannaan, markaa ma aha in horta la isku khaldo waa laba waddaan oo kala jaad ah”
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo  hadalkiisa sii watay waxa uu intaas raaciyey “Markii aanu Somalia isku darsanaynay kalamaanaan tashan caalamka oo anaga ayaa ikhtiyaarkayaga ugu darsannay,  markii dambana Ikhtiyaarkayaga ayaanu uga baxnay,  markaa ma aha mid cid looga marti yahay,  Qaadhaan bixiyeyaashana  waxaanu ka wada hadalnay inay Somaliland deeqda u siiyaan si toos ah, Somaliland-na qaadan mayso wax meel kale soo maray”

Cali-Sandule Oo Markii Ugu Horeysay Xasan Ciise Ugu Baaqay Inuu Iska Ilaawo Ururkii Xaqsoor

0
0

 
 
Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Gobolada Bari ee Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandule), ayaa markii ugu horeysay Guddoomiyahii Ururka Xaqsoor Muj:Xasan Ciise Jaamac oo ay wada hogaamin jireen, waxaanuu u soo jeediyey inuu umadda reer Somaliland u tudho oo uu iska ilaawo wixii hore u dhacay iyo tabashooyinkii doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka.
Cali maxamuud Axmed (Cali-sandule) oo la hadlaayay Tv-ga HCTV, ayaa waxa kale oo uu sheegay in hada loo baahan yahay  in la iska illaawo Xaqsoor oo laga badiyey Doorashooyinkii Ururka Xaqsoor soo galay, isla markaana uu yahay Muj: Xasan Ciise Jaamac  shaqsi udub dhaxaad u ah umadda reer Somaliland oo Odaygeedii Bari ilaa Galbeed ah,
Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Gobolada Bari ee Somaliland Cali Maxamuud Axmed (Cali-sandule)  oo ugu horeyn ka hadlayey arimahaasi waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Xasan Ciise dee Tartan ayaynu galay oo inagaa dhaanto tumanay, tartankana waa lagu kala badiyaa oo Biladaaba lagu kala qaadaa”
Wasiir Cali Sandule oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi“Markaas waa in aad Dadka u tudho oo waxaad tahay Odaygii u horeeyay ee Somaliland Barigeeda iyo Galbeedkeeda ayaan isku keenayaa lahaaye ha iska kala daadin ee Umadda u tudh kol haddii la inaga reeyay. Waxaan u soo jeedinayaa Maadaama uu yahay Ninkii gudoominayay Beelihii Somaliland oo dhan inaanu imikana wixii uu shirarka ku soo dhisay Duminin”
Wasiirku  waxa  uu sido kale hoosta ka xariiqay inay isaga iyo Muj:Xasan Ciise maray noqoto  wada xaajoodyo ay Xukuumadda ururkoodii ay ku midaysnaayeen ee Xaqsoor  la galaan ay  ku kala Aragti duwanaadeen islamarkaana dhawr Jeer Xasan Ciise ka Biyo diiday Wax yaabaha Xukumaddu u soo bandhigtay,Waxa kale oo uu iftiimiyay inay jiraan Wada haddale kale oo Xukuumaddu kula jirto Xasan Ciise, waxaanuu ka mid  ahaa Masuuliyiinta sida adag u dhaliili jiray Doorashadii dalka ka dhacday ee uu ku hadhay Ururka uu Guddoomiye xigeenka u ahaa ee Xaqsoor ayaa isaga iyo ku xigeenkiisu ku Biireen Xukumadda ka dib markii loo magacaabay Wasiiro.
 

Daawo: Sawirro aanu idiinka soo diyaarinay socdaalkii madaxweynaha oo isgu jiray dhagax dhigga waddada dheer, Xaflad qalin jebin ah.


USA: Xeryaha Ciidanka oo Dib loo Eegayo

0
0

Xoghayaha Gaashaandhigga Maraykanka Chuck Hagel ayaa amray in dib loo eego ammaanka dhammaan dhismayaasha ciidanka militariga ee Maraykanka, ka dib markii nin hub sitay uu dilay 12 qof Isniintii dhaweyd.

Museveni Flags Off New UPDF Contingent To Somalia

0
0

Kampala (Sh.m.net)–The President and Commander in Chief of the Uganda Armed Forces General Yoweri Museveni has urged Officers and Men of the UPDF going for peace operations in Somalia to be Ambassadors of Uganda and the UPDF in that country by maintaining a high degree of discipline.
General Museveni was on Tuesday morning flagging off a contingent of over 2,900 UPDF soldiers destined for Somalia, at the Peace Support Operations Centre Singo in Nakaseke district.
The contingent, that will be part of the African Union Mission In Somalia (AMISOM),is led by Brigadier Dick Olum. The soldiers have been on a three- month training course at Singo.
Museveni’s warning comes at a time when the UPDF leadership in Somalia is being accused of corruption and misconduct in managing the soldiers’ welfare.
UPDF publicist, Lt Col Paddy Ankunda, told the BBC that the officers were accused of selling food and fuel, meant for troops, on the black market and that the commander of the Ugandan contingent is among those being investigated.
The Spokesman said the officers had been recalled for allegedly “getting involved in conduct injurious” to the AU force. They have been suspended pending the outcome of an investigation into the allegations against them.
The enquiry followed complaints by junior officers of “unscrupulous conduct” by their superiors.
According to the Spokesman the claims included allegations that junior officers were not being paid and food meant for them was being sold.
He said the suspended officers would be court-martialled and dismissed from the army if found guilty.
Meanwhile, General Museveni commended UPDF soldiers for doing a good job for a long time not only in Somalia but also in the Democratic Republic of Congo (DRC) and the Central African Republic.
The General further congratulated the commanders of Singo for equipping soldiers with all the required skills that will make them effective in the field.
The President, however, advised them to be vigilant and, at all times, maintain cordial relationship with the civilian population in Somalia.
He further advised both the commanders and soldiers to maintain discipline, avoid alcohol and bad behavior that can easily lead them into contracting deadly pandemics like HIV/AIDS.
“When you use your life negligently, you end up in problems. You can end up your life early when Uganda is today developing at a very fast rate. Be in good health,” he counseled.
The Chief of Defense Forces, Lt. General Katumba Wamala said UPDF peace support teams have made a good name for Uganda and Africa.
General Museveni later handed over the Uganda Flag to the Commander of the contingent Brigadier Dick Olum.
The ceremony was attended by, among others, the Deputy Chief of Defense Forces, Lt. General Charles Angina and senior army officers.
 

Dowlada Sacuudiga Oo lacag Malaayiin Dollar ah u yaboohday la Dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ah.

0
0

Riyad ( Sh M Network )-Dowlada Saudi Arabia ayaa waxa ay shaaca ka qaaday in Lacag gaaraysa 300,000 oo Dollar ay ugu yaboohday la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida ah.
Dowlada Sacuudiga ayaa waxa ay sheegtay in Lacagtani lagu maamuli doono qaab Sharciga waafaqsan lagulana dagaalami doono Burcad badeeda Soomaalida ah, si Biyaha Soomaaliya ay u noqdaan kuwa Ammaan ah.
Turki bin Mohammed bin Saud Al-Kabeer, oo ah Xoghayaha Wasaarada Arimaha Dibada dalka Sacuudiga ayaa waxa uu sheegay in Lacagtaaasi lagu la dagaalami doono Burcad badeeda ka qowlaysata Xeebaha Soomaaliya, si buu yiri Biyaha Soomaaliya  looga dhigo kuwa Amni ah oo Maraakiibta Caalamku si Nabad ah u isticmaalaan.
Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa ah kuwa khatar weyn ku ah Maraakiibta isticmaasha Xeebaha Soomaaliya, iyagoo mararka qaar afduub u geysta Maraakiibtaasi, kana qaata Lacago Madax furasha ah oo aad u farabadan, inkastoo Biyaha Soomaaliya ay ku sugan yihiin Maraakiib Caalami ah oo kawada sida ay sheegaan Howlgalo ka dhan ah Burcad badeeda Soomaalida ah.
Howlgallo Dad badan lagu qabtay oo maalintii 2 aad ka socda Gaalkacyo

Kingdom donating $300,000 to help end piracy in Somalia

0
0

Riyadh (Sh.M.Network)–The Saudi government announced yesterday that it would donate $300,000 to a trust fund that aims to abolish maritime piracy off the coast of Somalia and to support the prosecutorial legal process.
Prince Turki bin Mohammed bin Saud Al-Kabeer, undersecretary for the Ministry of Foreign Affairs for Multilateral Relations in the UAE, made the announcement in his speech in Dubai during the 3rd conference against maritime piracy. The theme of the conference was “Anti-Piracy: A Continuing Task to Build Regional Capacity.”
Saudi Arabia is known for its active role in combating piracy around the world, as it greatly affects local and international sales of goods in the entertainment industry.
Last year, the government adopted the Unfair Competition Law (UCL) to further boost the Kingdom’s campaign against piracy.
The Kingdom also provided expert training courses for coast guards to identify, prosecute and apprehend pirates in the Arabian Sea’s borders.
Piracy along the Somali coast has threatened the international shipping industry since the Somali civil war.
International deliveries are frequently interrupted along the Somali coast, which has resulted in an unprecedented rise in shipping expenses amounting to around $6.6-6.9 billion a year, according to statistics provided by Oceans Beyond Piracy (OBP).

Iska Hor’imaad Khasaaro sababay oo ka dhacay Sh/hoose

0
0

Marka ( Sh M Network )-Dagaal Khasaaro sababay oo u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo isgarabsanaya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Yaaqbari weyne iyo Wanlaweyn ee Goobolka Sh/hoose.
Kooxo Hubeysan ayaa la sheegay in ay weerar ku ekeeyeen Kolonyo ay wateen Ciidamada dowladda iyo AMISOM oo marayay inta u dhexeysa deegaanada Yaaqbari weyne iyo Wanlaweyn ee Gobolka Sh/hoose.
Lama Huba Khasaaraha Rasmiga ee ka dhashay dagaalkaasi , balse waxaa dadka deegaanka ah ay soo warinayaan in labada dhinac uu soo kala gaaray khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac .
Inta badan deegaanada Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa weeraro ka fuliya dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al Shabaab ee bartilmaamsada Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee halkaasi ku sugan.
—————-
Howlgallo Dad badan lagu qabtay oo maalintii 2 aad ka socada Gaalkacyo 
http://skynewsfm.com/?p=1463
 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live