Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sheeko: Ilbaxnimooy halkee hoy kuu ah? ayaa la is warsaday, markaasaa lagu jawaabay dhul galbeed.

$
0
0

Had iyo jeer marka la sheekaynayo, waxa laga hadlaa, waddammada reer Galbeedka ( sida Maraykanka, Ingiriiska Faransiiska, Holland, Jarmal iwm ),  Galbeedka Somaliland amma woqooyiga Somalia. kaftankana waxad maqlaysaa nabane galbeed, Galbeed waa aakhiro oo lama oga wax ku jira iyo wax la mid ah. Sidoo kale waxa aan maqallaa waddammada bariga sida Ruushka, Poland, Romania iwm. Somalida woqooyiga ee reer bariga ahina ma laha magaalooyin sida Hargeysa iyo Borama oo kale, waxana ay dhaqdaan xoolo siiba geela oo ay aad ugu faanaan. Xataa haddii ay gabadh ammaanayaan waxa ay ku ammaanaan muuqaalka iyo dabeecadaha geela.  Waxana ay is moodaan in ay reer galbeedka ka sarreeyaan, halhaysna waxa u ah oo ay ku maah maahaan nin galbeed ku dhashay,  nirig gaaroodi ku dhalatay ayaa dhaanta. Reer galbeedkuna waxa ay bariga u haystaan dhinacii ay cadaabtu ka xigtay.
Doodda noocaasi ah ee bariga iyo galbeedka u dhaxaysaa ee ay Somalida woqooyigu ku kaftamaan ayaa ah mid  qir iyo qir la isla yahay, oo qolo walba qummanahoodu uu qoorta u sudhan yahay. Balse maanta waan kala reebaynaa.
Bari iyo galbeed waa jihooyine  waxaba murman ka taagan yahay meesha bariya iyo meesha galbeedka ah. Inkasta oo marka la joogo Somaliland amma dhulka ay Somalidu u taqaanno woqooyiga waxa galbeed loo yaqaannaa laga bilaabo gobolka Hargeysa. Halka ay dadka qaarna bariga u yaqaannaan Burco wixii ka korreeya.
Laakiin dhan kale haddii aan ka eegno, waxa bariga iyo galbeedka lagu kala soocaa siiqadda hadalka, markaasuu barigu ka bilowdaa Dilla iyo Gebilay. Kaftanka bariga iyo galbeedkuna jiiddaa ayuu wilwilaha ku gooyaa. Waana sida ay dadku sheegaane, degmooyinkaasi waa halka ay daroogada Jaadku ka soo gasho dalka ee mirqaanku ka bilowdo. Sidaasi ayaana kaftanka loogu aaneeyaa in Wajaale oo kale saldhig u tahay.Hargeysa
In badan oo badan waxan u soo joogay sheekooyin suuqa Hargeysa ay baalashlayaasha iyo qaad walayaashu wareejiyaan, dukaanlayda iyo xujaajtana lagaga qos-qosliyo si ay shaxaad u bixiyaan. Illayn qofka bani’aadamka ahi waxa uu wakhtiyada qaar u baahan yahay in uu aad u qoslo. Culimada barata cilmiga bulshada iyo cilmu nafsiga ayaa sheega in qofka bani’aadamka ahi uu qosolka caafimaad ka helo.
Waxan arartaa uga socdaa, in aan qormadan ku iftiimiyo sida reer Magaalku u xan, xin, dacaayad, xaasid iyo mu’aamarad badan yahiin, ee xataa ay mararka qaar sheekada reer magaal la gasho qoyskiisa oo uu xiisad ka abuuraa. Laakiin dhulka baadiyaha ah iyo dadka deggeni dhaqanka noocaasi marka ay arkaan  way ku khal khalaan, mararka qaarna waalli ayeyba ka qaadaan.
Haddii aan tusaale yar soo qaato, waxa aan magaalo wada deggenayn nin ka yimid gobollada bariga Somaliland, sida qaalibka ahna waxa uu fadhigiisu u badnaa mijilis ( meelaha lagu qayilo ) ay rag reer magaal ahi fadhiisan jireen, waxanu in badan arkay iyaga oo kolba ka maqan xamanaya, oo weliba wax yaalo aan fiicnayn ka sheegaya, marka uu yimaaddana si sharaf badan u soo dhaweynaya. Ninkii ayaa maalin maalmaha ka mid ah nooga sheekeeyey mijiliskaa uu fadhiisto. Runtii aniga iyo in kale oo uu u sheekaynayeyba waan la yaabbanayn sheekada ka wareerisay…riqiisnimadeeda  ee uu ka sheekaynayo. Waxana ay ahayd taa uu ku arkay mijiliska uu fadhiisto. Laakiin si qosol leh ayuu misna uga sheekeynayey.
Sheekadiisiina waxa ka mid ahayd; Waxan u fiirsaday rag aan meel isugu nimaadno dhaqankooda, waxanan kala garan waayey in ay col yihiin iyo in ay saaxiibbo yihiin. Ta ugu darrayd ee aan la yaabay waxa ay ahayd, iskuma xanaaqaan, ma dagaallamaan, marka ay wada joogaanna aad ayey u wada qoslaan oo u sheekaystaan. Laakiin marka ay kala tagaan ayey kolba ka maqan dacaayadeeyaan, oo wax ka sheegaan. Xataa aniga ayey igu yidhaahdaan, ninkaa ma’aragtay iska jir, oo ka fogow. Haddana waxa ay ku daba daraan, warkaa aan kuu sheegnay ha u sheegin. Ninkii ay iiga digeen marka uu yimaaddo ayey la qoslaan, weliba waxa ay u sheegaan in ay igu direen. Isna waa uu yara qoslaa, hadduu doono kamaba jawaabo.
Ninkan reer Bariga ahi waa qaw qawle, been badan, oo sheekeeya haddii la dhageysanayo iyo haddii kaleba, waa noocii loogu maah-maahay iska hadlow ina higirre…marka uu sheekada bilaabana mararka qaarkood ayaa sida qofba kol u kacayo mijiliska loo faaruqiyaa…illaa uu is arko isaga oo kelidiiya. Dabeecadda uu leeyahay ma moogeyn, oo waxa uu mararka qaar odhan jiray, oo malaha sheekada waan idinka boobay.
Maalin maalmaha ka mid ah ayuu ka shakiyey in la xantay, saa waxa uu madashii yimid iyada oo la wada qoslayo isagana la eegayo. Inta uu jaadkii uu sitay gacan isugu geeyey, ee uu indhihii sida tiriigga u shitay ayuu yidhi, ‘ waryaadheheen, ma anaa hadhoo la i bilaabay, wallaahi dagaal ayaan ka xigaa haddii aad i soo gashaan! markaasaa nin raggii ka mid ahaa ku yidhi, ‘ bal dagaalkaba bilow, wallaahi in aad afarta horeba waayiyi….shaw ninka sidaa lihi kama tirsana mijiliska ee waa nin ku cusub…inta uu ninkii reer Bari ninkii si xun u eegay ayuu yidhi, waar kanna ma anoo kalaa…
Isku soo wada duuboo ninkii reer Bari waxa uu ugu dambayn ogaaday in miliskani aanu kiisa ahayn, ee uu ku soo qaldamay, go’aanna waxa uu ku gaadhay in uu ka huleelo, oo uu meelo kale ka raadsado.
Maalin dambe ayuu Mijiliskii isaga soo noqday, waxana uu asxaabtii ku yidhi, ‘ waar niman yohow dad ii kiin dhaama ma soo arag, mijilis reerkayaga ah oo aan tegeyna maalin walba dagaal ayaa ka dhaca, intii aan idinka maqnaana maalin kaliya maan mirqaamin, si aan idiinku soo noqdana waan garan la’aa. Markaa bal horta i cafiya, oo waan soo noqdee i dhawra…
Inta la is yara eeg eegay ayaa lagu yidhi, ‘ in aad maqnaydba wallaanaan ogeyn. Oo horta bal noo warran waabad naga yaabisaye.’ Ku kale ayaa halkaa ka soo booday oo yidhi, ‘ waar inanka aniga ayaa fahmayee iska daaya, waar adeer halkaa fadhiiso, oo mijintanna hoo.’
Sheekadaa dheer waxan uga socdaa, buuqa hargeysa ka taagan iyo u adkaysi la’aanta dawladda reer bari, ee sheekada reer magaalka khalkhalka ka qaadday.
Ta kale, waxaba ay dawladdan reer Bari aamminsan tahay in dadka reer Hargeysa ay hadalka wax ku dilaan. Waxana ay ku wareereen sheekooyinkan aan xadka lahayn, ee weliba joornaallada iyo shabakadaha loo samaystay. Xataa Maakhiriyiintii yidhi reer Jig jiga annagaa ka siyaasad iyo mu’aamaraad badan ayaa ku dhex dhaan dhaamay Hargeysa, oo maxay samayn lahaayeen haddii ay Borama iyo Zaylac arkaan.
La soco qaybta kale
Ahmedweli Goth
 
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Sagaalkii Maayir Ee Socdaalka Shaqo Ku Joogay Dalka Tansania Oo Maanta Soo Gabogabeeyey Siminaarkoodii+Jaaliyada Reer Somaliland Oo Casho Sharaf Ku Maamuustay

$
0
0

Borama-(Idhanka)-Sagaalkii maayer Degmo ee17-kii Bishan November Safar Shaqo Ugu Ambabaxay Dalka Tansania Ayaa Caasimada Dalkaasi Ee Caruusha Kulamo Kula Qaatay Ururka Dawladaha Hoose Ee Dalkaasi Iyo Ururka Dawladaha Hoose Ee East Africa

Waftigani ayaa guulo lataaban karo kasoo hooyey socdaladii ay ku tageen dalka Tansaniya, waxaney caawa la kulmi doonaan jaaliyadaha somailand ee ku dhaqan dalksi [...]

Musharax Cali Xaaji Warsame oo Kulan Xog-waraysi ah la qaatay Haweenka gobolka Bari

$
0
0

Boosaaso(RBC Radio) Musharax Cali Xaaji Warsame oo u taagan  Doorashada la qaban doono bisha Janaayo 2014 ayaa kulan xog-waraysi ah  la qaatay qaar kamid ah haweenka ku dhaqan gobolka Bari gaar ahaana Boosaaso.
Kulanka ayaa haweenku gobolka Bari ugu soo jeediyeen talooyin iyo codsiMusharax Cali Xaaji Warsame haddii Madaxtinimada Puntland ku guuleysto,waxayna u muujiyeen iney ku garab taaganyihiin Ololihiisa.
Musharax Cali Xaaji Warsame oo hadalka furay ayaa uga mahadceliyey haweenka soo ajiibida kulanku u qabtay,wuxuuna sheegay in kulanku yahay kii ugu horeeyey ee u la yeesho haweenka Puntland gaar ahaana kuwa gobolka Bari.
Wuxuu sheegay in haweenka Puntland lagu amaani karo iney door muuqda ku lahaayeen dhismaha Puntland ayna qudhoodu ku tiirsantahay.…….”””’Kulankani waa kii ugu horeeyey aan la qaato Gabdhaha Puntlandsidaad la socotaan Puntland,waxay ku dhisantahay xooga raga iyo dumarka,gabdhuhuna waxay ka ahaayeen dooraad u weyn hadey tahay hooyo,walaal,gabar,xaal,mas;uuliyad qoys…….”””ayuu yiri.
Sidoo kale,wuxuu tilmaamay in diinta Islaamka cadeysayba kaalinta haweenku ku lahaayeen mujtamaca ,xiriirka qabaa’ilka iyo ilbaxnimada Islaamka taasina ay tahay mid la doonayo in bulshada ogaato doorkaas.……..”””’ Taariikhda Islaamka dumarku door muhim ah bey ku lahaayeen,nabadey ku lahaayee,dagaalkey ku lahaayeen,xiriirka qabaa’ilkey ku lahaayeen ,ilbaxnimada Islaamku keenayna door weyn bey ka tahay in dumarku qeyb ka qaataan.
Shukri Warshees oo ku hadleysay afka haweenka kulanka la qaatay Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa sheegtay in Musharaxa ka codsanayaan in la tayeeyo Ciidamada Puntland korna loo qaado Mushaarkooda,Caafimaadkooda iyo labiskooda laguna dadaalo iney helaan waxbarasho aqoontooda kor u qaada.
……””’ Waxaan codsaneynaa in la tayeeyo Ciidamada,in kor loo qaado mushaharka Ciidamada,kor u qaadista aqoonta Ciidamada,daryeelka nolosha Ciidamada sida Caafimaadkooda,labiskooda ,cuntadooda iyo guryeynta xaasaskooda…..””’ayey tiri Shukhri..Nasro Axmed Maxamedayaa iyaduna sheegtay in Musharax Cali Xaaji Warsame ka codsanayaan in haddii xilkaas ku guuleysto uu wax badan ka qato arrimaha bulshada oo si weyn u dayacan xiligaan.
Waxay ka codsatay Musharax in Xaafad walba loo sameeyo rugo Caafimaad MCH-yo shaqeeya isla markaana bulshada loo furo Iskuulo dowladu leedahay oo dadku waxbatasho ka helaan .
Musharax Cali Xaaji Warsame oo kulanka soo xiray ayaa gabagabadii ka Jawaabay codsiyada haweenku usoo Jeediyey iyo waxa uu ka qabanayo haddii Puntland uu ka noqdo Madaxweyne,wuxuuna xusay in talada loo soo jeediyey ay ahayd mid wax ku ool ah.……””’ Taladiinu waa talo wax ku nool ahin badan oo kamid ah barnaamijkeyga ayey ku jirtay intii cusbeydna waan ka qaatay ,waxaan rajeynayaa inaad idinka laftirkiinu talooyin badan soo Jeedisaan oo dalka maamulkiisa usoo jeedisaan……””””ayuu yiri.
MD. Cali Xaaji ayaa bogaadiyey in si weyn uu ugu farxay doorka gadhuhu ku leeyihiin horumarka iyo tacliinta Bulshada,wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashadu ku dhacdo si nabadgelyo ah xukunka loola kala wareego si nabad ah.
…..””’Maanta Puntland waxay mareysaa wakhti kala guur,waxaan rabnaa in doorashadan ay nabad ku dhacso ,door weyn baad ku leedihiin ,waxaan rabnaa in aduunku noo arko Ummad xadaaro leh Taariikh leh,15sano soo jirtay intaasoo xukun lala kala wareegay taariikhdas inaan ilaalinaan rabnaa………””””ayuu yiri Cali Xaaj
Si kastaba Musharax Cali Xaaji Warasame ayaa noqonaya Musharaxii ugu horeeyey ee kulan gaar ah la qaata haweenka Puntland qaar kamid ah,wuxuuna u ogolaaday in uu ka dhageysto fikirkooda ku aadan horumarka Puntland iyo sida ay doonayaan in wax loo qabto ,wuxuuna ka codsaday qudhiisu in haweenku taageero.
______________
Cismaan Turaabi
RBC Radioturrabi30@gmail.com
Use Facebook to Comment on this Post

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DAAWO: Warka Ka Soo Yeeray Calooshood u Shaqeystayaasha Digil Iyo Atoorahooda C/qaadir Siidii (Oohinta Orgiga Ka Weyn)!!

$
0
0

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho jir jaraa’id ku qabtay shaqsiyaad calooshood ushaqeystayaal ah oo ka soo jeeda Digil oo uu gadaal ka riixayo Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose oo wakiil ka ah wasaarada arimaha gudaha ee Xukuumada Muqdisho.
Calooshood ushaqeystayaashaan Aw Digil oo uu gadaal ka riixayo C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa ku baaqay shir gogoshiisa ay ku sheegeen inay ku fidiyeen magaalada Afgooye oo ay ugu yeereen kuwa ay isku fikirka yihiin.
Ragaan Calooshood ushaqeytayaasha ah ayaa u muuqda kuwa ku qanci waayay danaha guud ee Digil I Mirifle kana doortay dano dadyow kale iyo in yar oo shilimaad ah.
Oohinta Orgiga Ka Weyn.!!!
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

RAAD RAAC: Daawo Balan Kabaxa Iyo Beenta Madaxweynaha Muqdisho Xasan Sheekh Maxamuud

$
0
0

Akhristayaal Madaxweynaha Muqdishisho Xasan Sheekh Maxamuud mar uu ka hadlayay khilaafaadkii ka dhex dhici jiray madaxdii ka horeysay ayuu ku faanay in isaga, Afhayeenka Baarlamaanka Jawaari iyo Ra’iisal wasaare Saacid ka dhex dhici doonin wax Khilaaf ah.
Arinta yaabka leh ee dadka intiisa badani iswaydiinayaa ayaa ah aaway warkii Madaxweynaha ee balanta ku dheehneyd ee ahaa in khilaaf ka dhex dhici doonin isaga, Ra’iisal wasaaraha iyo Afhayeenka Baarlamaanka.
DAAWO BALAN KABAXA IYO BEENTA MADAXWEYNE XASAN GUURGUURTE.
Hadaba akhristayaal Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ma leeyahay Shanta qodob ee Hogaamiyaha ama Qaacidka laga rabo.?
1. Ka Run Sheeg, Daacadnimo
2. Aragti, Qof Mustaqbalka Arki Kara
3. Qof Dadka Guubaabin Kara, Wadi Kara
4. Karti Aqooneed, Oo Uu U Leeyahay Shaqada
5. Caaqilnimo
Haduusan laheyn Shantaa Qodob Madaxweyne Xasan Sheekh Maku Tilmaami Karnaa Madaxweyne 10 Milyan Mise waxaan dhihi karnaa waa Madaxweyne 2 Milyan.?Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhageyso: Barre Hiirale oo walaacsan xilli ergooyn isugu tageen Kismaayo

$
0
0

Kismaayo (Caasimada Online) - Qaar ka mid ah ergadii ka qeyb gali lahayd shirka dib uheshisnta wajigiisa labad oo magaalad kismaayo la qorshenayo inuu ka dhaco ayaa wax ay ku sii qul qulayan kismaayo waxaana halkaasi loogu soo dhaweayay si heer sara ah.
Waxaana la qor shenayaa in maamlmaha soo socdo  uu ka furmo shirkaasi magaalada kismaayo, sidoo kale  magaalada ayaa waxaa lagu dhex arkay qaar ka mid ah beelihii ka baxay shirka markii uu ka soconayay wajigiisa kowaad muqdisho ayaa hada garay kismaayo..
Nabadoon C/rixmaan Santuur oo kamid ah Odayaasha shirka ka qayb galaya ayaa  sheegay dhawaan inuu bilaaban doono shirka isla markaana ay magaalada gaareen inta badan Ergada ka qayb galaysa.
Sidoo kale waxaa lag rabaa kismayo  inay garaan wafdi  la socdo dowlada faderaalka ah oo laga rabo hogaanka shirkasi inay qabto  madaamo ay horey garwadeen oga ahayd shirka wajigiisa kowaad.
Ammaanka Kismaayo ayaa siwayn loo adkeyay labadii maalin ee u danbeeyay waxaana dhinaca kale dhawaan halkaasi lagu dilay Nin Caanka ahaa gudaha magaalada Kismaayo oo lagu magacaabi jiray  Nabadoon Abdiladif Ahmed Nur Hassan Samatar Baadi.
Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Maamulka Barre Hiiraale ayaa walaac ka muujiyay ka qayb galka Shirka Kismaayo inta lagu guda jiro Khilaafka u dhexeeya Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoona uu xusay Afhayeenkaasi wali inaysan fulin qodobadii ka horeeyay shirka Kismaayo ee lagu gaaray wajigii koowaad ee shirka Muqdisho.Halkan hoose ka dhageyso WareysigaWareysi-Nabadon-Cabdiraxman-Santur-Macalin-Ibrahim-24-11-2013
Isha: K24
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhadhaab oo laga furi rabo xafiiska diiwaan-gelinta qaxootiga laabanaya

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegay in bisha January ee sanadka 2014 la furayo xafiiska diiwaan-gelinta dadka qaxootiga ah ee doonaya in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya. Xuseen Yuusuf Faarax oo ka mid ah hor-joogeyaasha dadka ku jira xeryaha Dhadhaab oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in [...]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wayne Rooney oo Qirtay in uu Qalad Sameeyay

$
0
0

Ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Manchester United Wayne Rooney ayaa qirtay in uu qalad sameeyay markii uu taakeeyay ciyaaryahan Jordon Mutch intii ay socotay ciyaartii ay la ciyaareen kooxda Cardiff City.
Garsoorihii ciyaarta Neil Swarbrick ayaa karaka digniinta ah u taagay Rooney oo 28 jir ah,waxana ciyaartooyda kooxda Cardiff ay dalbadeen in garoonka laga saaro.
Rooney ayaa bogiisa Twitterka ku soo qoray in markii uu dib u daawaday ciyaarta uu ogaaday in uu qalad sameeyay.
Macalinka kooxda Manchester United David Moyes ayaa sheegay in Rooney uusan u qalmin I citaarya laga saaro oo la siiyo karaka casaanka ah.
Macalinka kooxda Cardiff City Malky Mackay ayaa ogolaaday karaka digniinta ah ee la siiyay Rooney,laakiin waxa uu sheegay in qaar ka mid ah garsoorayaasha ay ciyaarta ka saari lahaayeen Wayne Rooney.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Kooxda Juventus oo hogaanka u qabatay horyaalka Talyaaniga

$
0
0

Kooxda Juventus ayaa markii u horeeysay tan iyo markii uu biloowday horyaalka talyaaniga hogaanka u qabatay horyaalkaasi,ka dib markii ay 2-0 uga badisay kooxda Livorno.
Kooxda Juventus oo uu hogaamiyo macalic Antomio Conte ayaa wareeriyay daafaca kooxda Livorno laakiin ugu danbeyntii daafacaasi laba gool daba marisay labada ciyaaryahan ee weerarka uga ciyaarta ee kala ah Fernando Llorente iyo Carlos Tevez.
Kooxda As Roma oo horyaalka talyaaniga hogaamineeysa ayaa waxa ay caawa la ciyaari doontaa kooxda Cagliari.
Hoos kala eeg Natiijada Kulamadii kale ee laga ciyaaray horyaalka Talyaaniga.
Sampdoria       1 – 1  Lazio
Sassuolo   2 – 0  Atalanta
Torino       4 – 1  Catania
Udinese    1 – 0  Fiorentina
Bologna    1 – 1  Inter
Roma       ? – ? CagliariKala Horeeynta Horyaalka Talyaaniga
1:Juventus 34
2: As Roma 31
3: SSC Napoli 28
4:Inter         26
5:Fiorentina 24
 
 
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kooxda Manchester City oo Xasuuqday Kooxda Tottenham iyo Man United oo la Hakiyay.

$
0
0

Kooxda Manchester City ayaa cagta marisay kooxda Tottenham,waxana ay lix dhibcood u jirsatay kooxda Arsenal oo hogaamineeysa horyaalka ingiriiska.
Goolkii ugu dhaqsaha badnaa ee horyaalka ingiriiska ayaa waxaa sanadkan dhaliyay ciyaaryahan Jesus Navas oo u ciyaarka kooxda Man City,goolkaasi ayuu daba mariyay gool haye Hugo Lloris oo goolka u ilaaliya kooxda Tottenham 14 ilbiriqsi ka dib markii ay ciyaarta bilaabatay.
Goolasha kale ayaa waxaa kooxda Man City u kala dhaliyay Alvaro Negredo, Sergio Aguero, Jesus Navas.
Kooxda Man City ayaa horyaalka ingiriiska uga jirta kaalinta afaraad.
Macalinka kooxda Man City Manuel Pellegrini ayaa sheegay in kooxdiisa ay si wanaagsan u ciyaartay,islamarkaana uu rajeeynayo in ay halkaasi ka wadaan qaab ciyaareedkooda.
Dhinaca kale macalinka kooxda Tottenham Andre Villas-Boas ayaa yiri “Waa in ay is ceebsadaan ciyaartooyda kooxdiisa ka dib markii looga badiyay 6-0”
Sidoo kale Kooxda Manchester United ayaa bar bar dhac 2-2 ah la gashay kooxda Cardiff City.
Kooxda Man United ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyay Wayne Rooney iyo Patrice Evra  halka kooxda Cardiff City ay labada gool u kala dhaliyeen ciyaaryahan Fraizer Campbell oo horey ugu ciyaari jiray kooxda Man United iyo Kim Bo-Kyung  oo qeybtii danbe ee ciyaarta bedel ku soo galay.
Kooxda Man United ayaa hada horyaalka ingiriiska uga jirta kaalinta lixaad.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xarakada Shabaab oo lagala wareegay deegaano katirsan gobolka Hiiraan

$
0
0

Ciidamada isbahaysanaya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa fariisimo ciidan ka sameystay inta u dhexeysa Buulo-burte iyo magaalada Balaweyne, iyagoo qorsheynaya inay la wareegaan degmada Buulo-burte oo ay ka taliso Al-shabaab.
Dhaqdhaqaaqyadii ay shalay ciidamadan billaabeen ay kul wareegeen dhowr deegaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaasoo ay horay ugu sugnaayeen Al-shabaab, iyadoo ciidamadu ay horay u sii socdeen saakay oo Isniin ah.
Saraakiisha hoggaaminaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in qorshahooda yahay sidii Al-Shabaab ay uga saari lahaayeen deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan.
Howl-galkan ayaa yimid kaddib markii Al-Shabaab weerarro dhowr ah ka geysteen degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kuwaasoo ay ku dhinteen dad badan oo isugu jiray ciidammo iyo shacab.
“Qorshahan waa mid billow ah oo lagu doonayo in gobolka oo dhan looga saaro Al-shabaab, wuuna soconayaa inta ay taasi suuro-galayso,” ayuu ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay taliyaha ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah AMISOM, Col. Cismaan Dubad.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Jabuuti ka socda ayaa waxay ku baxeen shalay dhinaca galbeed ee magaalada Baladweyne iyagoo fariisimo ka sameystay deegaanno ka durugsan Baladweyne, halka kuwa Itoobiya oo kusoo dhaqaaqay dhinaca bari ay iyaguna fariisimo ka sameysteen jidka isku xira Baladweyne iyo Buulo-burde.
Holwgalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ay ka sameeyaan gobolka Hiiraan, iyadoo ay cabsi weyn saakay ka jirto degmada Buulo-burde oo fariisin weyn u ah kooxda Al-shabaab.
Share
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dowlada Turkiga oo Aqoonsatay Somaliland safradna ka furanaysa Hargeysa

$
0
0

Danjiraha dalka Turkiga ee Soomaaliya, Kamaaludiin Kani Torun oo ku sugan Hargeysa ayaa sheegay in dalkiisu uu ka furanayo magaalada Hargeysa qunsuliyad, isagoo xusay in taasi ay ka mid ahayd waxyaabihii ay kala hadleen madaxda Somaliland.
Safiirka ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, waxaana kulankan waxyaabihii lagu soo qaaday ka mid ahaa wadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland oo hakad uu ku yimid.
“Wafdiga Turkiga ah waxaan kala hadalnay arrimo ay ka mid yihiin sidii aanu iskaashi uga yeelan lahayn dhinacyada, dhaqaalaha, ganacsiga, hormarka, caafimaadka, tacliinta, biyaha iyo sidii horay loogu wadi lahaa wahadallada u dhexeeya Soomaaliya Somaliland,” ayuu yiri Biixi oo shir jaraa’id ay wadajir u qabteen safiirka Turkiga.
Biixi oo sii hadlay ayaa sheegay in safiirka dalka Turkiga ee Somalia ay isla garteen in Turkigu ay halkan (Hargeysa) ka furtaan qunsuliyad, innagu aan ka furanno Turkiga qunsuliyad.
Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya, Kamaaludiin Kani Turan oo isaguna shirka jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in qodobbadii uu kala hadlay mas’uuliyiinta Somaliland ay ka mid yihiin sidii aan dib ugu soo celin lahayn xiriirkii hore ee taariikhiga ahaa, ayna labadan dal iskaashi u sameysan lahaayeen.
“Wadahadalladii aan la yeelannay madaxda Somaliland waxyaabihii aan uga hadalnay waxaa ka mid ahaa sidii Turkiga uu halkan qunsuliyad uga furan lahaa, waxaan kaloo ka hadalnay sidii loo sii dhaqaajin lahaa wadahadallada u dhexeeya Somalia iyo Somaliland,” ayuu yiri Kani Turan.
Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in ganacsatada Turkiga ah ee la socda ay doonayaan inay maal-gashi ku sameystaan Somaliland, isagoo xusay in taasi ay ka mid ahayd waxyaabihii ay kulankooda kusoo qaadeen.
Dowladda Turkiga ayaa waxay dhowr jeer kulansiisay madaxda Soomaaliya iyo kuwa Somaliland si ay heshiis u gaaraan, balse wadahadalladaas waxaa ku yimid hakad, kaddib markii hadallo ay labada dhinac isku mariyeen war-baahinta.
Wadahadallo kale oo ay ku ballansanaayeen labada dhinac oo dhici lahaa horraantii bishan November ayaan qabsoomin, balse waxaa la sheegay inay dib u billaaban doonaan horraanta bisha soo socota ee December
Share
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in qorshaha dib u celinta qaxootiga laga laaban doonin

$
0
0

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Kenya ayaa sheegtay in qorshaha dib u celinta qaxootiga Soomaalida ku jira xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya uu yahay mid horay looga soo baaraan degay oo aan laga noqon karin.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Kenya Joseph Ole Lenku oo qeyb-galay kulan ay yeesheen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya, hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR iyo dadka qaxootiga ah ee ku jira Dhadhaab ayaa sheegay in loo baahan yahay in qaxootiga Soomaalidu ay fahmaan macnaha barnaamijka dib u celinta dadka.
Ole Lenku ayaa sheegay in waqti badan laga soo baaraandegay barnaamijka dib u celinta qaxootiga, taas oo uu ku sheegay in ay tahay fursad wax badan ka beddeli karta dadka Soomaalida ah ee ku jira xeryaha qaxootiga.
Waxa uu xusay in heshiiskii ay gaareen dowladaha Kenya iyo Soomaaliya iyo hay’adda UNHCR ay tahay mid aan ka noqosha lahayn isla markaana la dhaqan gelin doono.
Dadka qaxootiga ah ayuu ugu baaqay in ay u hoggaansamaan sharciga qeexaya barnaamijka dib u celinta qaxootiga, isaga oo ka codsaday hay’adaha qaabilsan arrimaha qaxootiyada iyo kuwa samafalku in ay ka qeyb qaataan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dadka Soomaalida ah marka dib loogu celiyo waddankooda.
Dhowaan ayaa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, dowladaha Kenya iyo Soomaaliya waxa ay magaalada Nairobi ku kala saxiixdeen heshiis dhigaya dib u celinta qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab, taas oo walaac badan ay ka muujinayaan qaxootiga.
Share
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubba oo shaaciyay sababta Shabaab looga saari la’yahay Jubbooyinka

$
0
0

Saraakiisha Maamulka Jubba ee Magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay caqabadaha ku horgudban in Al-Shabaab laga saaro deeganada Gobalada Jubbooyinka ay ka joogaan Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Niiniile oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Maamulka Jubba ee Magaalada Kismaayo, ayaa wuxuu cadeeyay in ciidamada Maamulka Jubba ay ka dhaqaaqi la’yihiin maamulada Degmooyinka oo dhisneyn taasi oo caqabad […]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Puntland oo ugu baaqday qabaa’iladeeda inay dastuurka ku saleeyaan xulista barlamaanka.

$
0
0

Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday qabaa’iladeeda  inay si waafaqsan dastuurka  usoo xulaan xildhibaanada golaha wakiilada Puntland ee dhawaan imaanaya.
Warkaan ayaa lagu sheegay decreeto kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland, Waxaana beelaha la faray inay xubnaha cusub ee barlamaanka ugudbiyaan guddiga ansixinta (Isimada) iyo gudidga xalinta qilaafaadka oo dhawaan la dhisayo.
Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay kalfadhiga ugu horeeya ee barlamanka cusub in la furidoono 1da bisha 1aad ee sanadka 2014 islamarkaan u usocondoono ilaa lixda bisha. labo cisho kahor xilliga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.
Arintaan ayaa waxay kusoo beegmayaa xilliga haweenka Puntland ay kacabanayaan in laga qadiyay badiba kuraastii ay ku lahaayeen barlamaanka cusub.
Halkaan hoose ka akhriso degreetada 
 


Buraannews.com – Garowe.


Madaxweyne Siillaanyo oo Umadda somaliland iyo Eheladiisiiba ka tacsiyadeeyey geerda Marxuum qaybe Aaskiisana Guddi u saaray

$
0
0

 
 
War-saxaafadeed:- 26/11/2013 TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN LINE-HEIGHT: 115%”> Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golahayaasha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXAMED AADAN (QAYBE), oo ku geeriyooday saaka Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo inaga baxay magac iyo taariikhna ku dhex leh bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u dhiska dalka, isaga oo marxuumku xilkii ugu danbeeyey ee uu qaranka ka soo qabtayna uu ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland wakhti dheerna ka mid ahaa tiirarka qarankani ku daydo ee halbawlaha u ah. Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Golayaasha qaranka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. Tacsida ka dib waxa uu Madaxweynuhu gudi heer qaran ah u saaray aaska marxuumka. WAXAANAY KALA YIHIIN:- Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda (Guddoomiye) Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Hargeysa Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha Hargeysa Ku: Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Hargeysa Ku: La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dawladaha Hoose Hargeysa Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) Mudanayaal. Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe). Sidaas darteed Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marxuumka. Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.
 
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
HARGEYSA SOMALILAND

Masar oo afti destuur laga qaban doono

$
0
0

Dowladda uu militerigu taageero ee Masar ayaa ku dhawaaqday in afti destuur dalkaas laga qaban doono dabayaada bisha January ee 2014-ka

Cudur Dad ku Laayey Gobolka Hiiraan

$
0
0

Cudur aan la garaneyn oo ka dillaacay deegaanno ay ku jirto Ceel-Cali oo ku dhow magaalada Beledweyne ee gobalka Hiiraan, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 40 qof, sida uu VOA u sheegay agaasimaha isbitaalka Beledweyne Axmed Maxamed Khaliif.

Siyaasiyiinta Madasha wada tashiga oo eedeeyey Xukuumadda talada Haysa iyo Sariirada Madaxdooyada lagu qaabilay

$
0
0


 
Siyaasiyiinta ku bohoobay Madasha wada tashiga iyo toosinta qaranka, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey inuu qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Sariiro Ajaanib ah oo Somaliweyn u qaabilsan Waddamadooda.
Madasha oo Maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa kale oo ay eedaymo u jeediyeen Wasiirada Xukuumadda, waxaanay Madaxweynaha ugu baaqeen inuu kaantaroolo oo uu xayntaabkooda ku ilaaliyo, iyaga oo ku celiyey inay doodad qaran tahay mid aan sinnaba ku joogsanaynin
Eng maxamed xaashi Cilmi oo ugu horrayn ka hadlay halkaasi, ayaa waxaana uu yidhi “Baarlamanka xukuumada iyo garsoorka waa saddex Dhadhaar oo isku dheeli tiran in shuruudooda midna mida kale faro geliso maaha, laakiin waxaad moodaysaa in xukuumadu gacan haadis iyo uyeedh yeedha waddo oo ah dhibaato wayn oo ay ku hayso golaha baarlamaanka, markaas dawlada waxaan usoo jeedinayaa in ay ku ee kaato dawlada ay masuulka ka tahay oo kaliya”
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo la hadlayey Xukuumadda waxa uu yidhi “Waxa jira xukuumadda qudheedu waxaad moodaa in ay baratan ugu jiraan sidee Madaxwayne Siilaanyo uraali galisaa, taas oo ay orad dheer ugu jiraa, waxaan ka mid ah waxa layidhi wadatashi iyo toosin ayey canbareyeen halkaas ayey ka bilaabeen, wasiirkii arimaha gudaha somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo mansab wayn uhaya dalka waxa uu usoo jeediyey raga ku jira xisbiyada mucaaradka ah oo xamar lacag lagasiiyo, taasin waa arin wayn oo ceeb ah oo aan maanta laga filayn inuu ku hadlo masuul qaranka xil uhaya taas, waxa kasii daran inuu waxa cadayn ah uhayn wasiira Waran Cade hadalka sida dhibta yara uga soo yeedhay.
Maxamed Xaashi waxa Madaxwayne Siilaanyo inuu wasaaradihiisa kaantaroolo si aanay ugu dhicin booraan waxaana uu yidhi “Madaxwayne siilaanyo waxaanu ku leenahay wasaaradaha xakamee oo waxa ay daw-uleeyihii tus  haddii kale waxa ay maridoonaa meelo aan haboonayn”
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo isaguna ka hadlay halkaasi, ayaa waxa uu yidhi “Maalmahan waxaad maqlayseen in xukuumadda kulmiye ay buurdheer iyo mid gaaban ufuushay sid ay ujooji lahayn talada qaran ee ay xisbiyada mucaaradka ah ku dhawaaqeen,  taas waxaa ka horayse diidmo kale oo xukuumada kulmiye ay diidday in loo sheego waxa talo ahba oo ay dhagaha ka furaysatay oo ay tidhi arinkaasi waxa la qaban karo oo sharciya maaha xukuumada waxa kale oo ay aad iyo aad ula dagaalantay markii lasameeyey golaha wadashiga iyo talada qaran ahaa, markaanu aragnay inaanay xukuumadda kulmiye aanay waxa gar ah qaadanayey”
Xasan Ciise Jaamac oo hadalkiisa sii watay waxa uu sheegay in ay ku qabanayaan talo qaran waxaana uu yidhi “Markii aanu labaxnay  madasha wadatashiga ayaanu nidhi aanu qabano dood qaran oo umadu ha isku timaado waxa inaga khaldan iyo waxa saxan aynu ogaano oo aynu ka tashno wixii dhibaato ah ee umadda haysta wixii lagu xalin karo arinkaas waa arin ay umad kasta iyo koox kasta oo isku tagtaa ay xaq uleeyihii in ay ka tashadaan dastuurka somaliland uyaalna uu dhigayo in lawada tashado, dawladu waxa ay inkirtay oo lama yeeli karo tidhi taasna waanu ka tanaasulnay oo waxaanu nidhi intii ay kuwani bad galin lahaayeen dalka kolay uma tudhayaane bal tana uga tanaasula oo waxaanu iswaydiinay maxaynu samaynaa labada xisbi mucaarad ee sharciga ku fadhiya ku wareejiya labadii xisbi mucaarad ee sharciga ahaan waatan xukuumadu sida fiinta uga qaylisay oo tidhi dadkii shicibka ahaa ee sharciga uhaysta ayey macaa udiiday arintaas waa arin aad iyo aad uxun  oo gardaro ah oo xisbiyada mucaaradka oo xaquleh inay qabtaan ayaa ay diiday waana waxa nasiib daro ah oo siilaanyo tariikhda ugashay. somalidu waxa ay tidhaa nin dhago la ayaa bari qirta inuu gardaran yahay waxa lagu yidhi inaad gardarantahay waxa uu yidhi waan arkay dadkii oodhan oo isoo wada eegaya markaas inta uu gartay ninkaas aan dhagaha qabani ayaa ay xukuumada ay maanta garan wayde  xukuumadu waxa ay isku qaldaysaa qofkasta oo muwadin ah waxa uu xaqa uleeyahay iyo waxaana uu aqa ulahayn iyo wixii xukuumada loo igmaday oo ahaa in ay mudo yara si amaano aha xilka uhayso dawladu malaha talada ee waxa talada iska leh dalka dawladuna waxa ay Iyana ku leedahay talo lakiin talada dadka in ay afka ka xidho looma baahna.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu sheegay in sifaha lagu garto keligii taliska ay xukuumadu ku socoto waxaana uu yidhin “Sifada koobaad ee ugu daran ee lagu garto qofka galigii taliyaha ah ayaa waxa uu yahay qofka kaligii taliyaha ah marna qof ayey fadhiisataa marna waxa ay fadhiisataa koox imika kaligii taliyiih waxa ay maanta fadhidaa xukuumada kulmiye ay gondahooda talaa waa kuwaas diidana talo qaran waa arin lalayaabo weeyaan.
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay aqoonyahan Maxamed Odawaa waxaana uu yidhi?xisbiyada mucaaradka ah waxa ay lasiman yihii oo la xuquuq yihiin xisbiga talada dalka haye ee kulmiye waxa xaq uleeyihiin inta ay xukuumadu xaqa uleedahay waxa ay mudan yihiin in la qadariyo oo lasoo dhaweeyo oo waxa ay xaq uleeyihiin lasiiyo hadii taas lagu dhaqi waayo ama labaalmaro waxa imanaya in la isku dhaco qofka haduu huwan yahay astaantii maaha inuu garan waayo khaladka uu sameeyo cidii waxa usheeg tidhaadona uu afka kaga boodo.
Mujaadi Cabdilaahi Ibraahin Xuseen (Dhegowayne) ayaa  waxa uu sheegay inaanay ahayn inuu Madaxwayne Siilaanyo uu ku qaabilo qasriga Madaxtooyada Safiirka Somaliya, waxaana uu yidhi “Qaranimadii umad nimadii halka ay maanta marayso waydin aragtaan, taasna waxa ay kaga dareen iyaga oo doonaya in ay qariyaan wixii oo muuqda sida taas imika laga hadlayey ragii ay u diideen talada qaran waa ragaas waawayn, markii iyaga loodiidayna waa kuwii naftu ka dhacsanayd Magaalada Hargaysa oo dhan markii uu Ina Riyaale yidhi kama soo dagi karo Siilaanyo garoonka Hargaysa waatii Hargsaysi dhaqaaqday, waxaan taas ku yaro kabi karaa maalina uu soodagayo cabdiraxmaan Cirro Hargaysa oo dhami hadhaqaaqdo Ayaan odhan lahaa illeen waa nin mucaarad ahe, kan yare ee Madaarka Hargaysa haystaa aabihii ugama dhimane waa kii lahaa meeshu waa meeshii shalay ninka uu waxaas ku lahaan waa Madaxwayne waxaas yari arintaas maanta uu kula kacay Jamaal cali xuseen waxaan leeyaha umadda Somaliland dareen cad ha ka bixiso, waxa nasiib darro ah in xukuumada kulmiye ay guul uhaysato hooga ay maanta galisay dalkii iyo dhibaatada ka  taagan maanta, waa nasiib darro in Madaxweynaha somaliland  uu safiirkii turiga uqaabilsanaa somaliya uu ku qaabilay qasriga Madaxtooyada Somaliland isaga oo moogan inuu yahay safiir Somaliya  ah”
 
HARGEYSA SOMALILAND

Eng Maxamed Xaashi oo naqdiyey dhex dhexaadintii uu Kulmiye ka galay Guddoomiyaha Guurtidu

$
0
0

 
 
 
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa naqdiyey dhex dhexaadintii uu ka galay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan khilaafkii Xisbiga Kulmiye.
Maxamed Xaashi oo maanta  ka hadlayey shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Siyaasiyiinta ku bohoobay Madasha wada tashiga iyo Toosinta qaranku, ayaa waxa uu arrintaasi ku tilmaamay mid aan ahayn dhex dhexaadin sax ah, waxaanuu ugu qaabay inuu golihiisa ku eekaado.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Golaha guurtidu waxa ay uqaabilsantay nabadaynta dhexe dhexaadinta iyo  wixii khilaaf ah ayey uqaabilsantay, guurtidu markaan ku leeyahay waa waxa jamac ah oo ay go’aan kusoo gadhaan ama ay ka doodaan ayaa guddoomiyuhu ka hadli karaa, laakiin maaha in guddoomiyaha golaha guurtidu inta uu tuurta urito yidhaaho waxaan kala badbaadinayaa Xisbiga kulmiye, laakiin intii kala ee golaha guurtida kala tirsanayd xil ay la wadaagaan maaha guddoomiyahana waxa ay tahay xil isaga loo soo dhiibay oo aan lalasoo wadaagin ay tahay oo reernimo daarantahay, Waxa ka wanaagsanaan lahayd iyada oo golaha lagaga doodo  oo layidhaa arintaas ku korodhay xisbiga kulmiye maxaynu ka yeelnaa”
Eng Maxamed Xaashi Cilmi waxa kale oo uu sheegay in guddoomiyaha golaha guurtida somaliland uu arin reernimo ah u dhex  galay xisbiga kulmiye waxaan uu yidhi “Markaas waxaanu leenahay guddoomiyaha golaha guurtida arin aan u eekayn arin dhex dhexaadin ah ayaa uu meesha ugalay oo aan waliba qaban wixii dambana waxaanu leenahay ha ku ee kaado xilka ay golaha guurtidu leedahay.
 
HARGEYSA SOMALILAND

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live