Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Shariif oo aad uga xanaaqay duulaankii Ahlu Sunna ee Cadaado kana digay cawaaqibka ka dhalan kara

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa maanta aad u cambaareeyay duulaankii saakay ay Cadaado iyo ku qabsadeen cutubyo ka tirsan ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca iyo ciidamo ka amar qaata nin lagu magacaabo Cabdi Shukir oo ururkan ka mid ah sida uu sheegto.

Shariif wuxuu sheegay in maamulka Ximan iyo Xeeb uu yihiin maamul madaxbanaan oo aan haatan dagaalada socda lug ku laheyn  islamarkaana ay qalad tahay in deegaanadooda nabdood dagaal lagu qaado dhibaatana loo geysto , waana wax aan loo dulqaadan karin gardarada lagu galay ee Cadaado iyo Godinlabe looga qabsaday sida madaxweynuhu qabo.

"Ahlu Sunna wixii lagu sameeyay ayeey sameeyeen, taasina waa qalad annagu waxaan leenahay hal cadawo, waxaanna waa qalad abuuri kara fidno qabiil" Hadalkaas wuxuu ka mid ahaa hadal uu maanta madaxweyne Shariif ka yiri dagaalkii ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiriir dhow oo iskaashi la leh Ahlu Sunna Waljamaaca hadalkan madaxweynuhuna wuxuu muujinayaa sida ay u liidato lahaanshahooda cadawga guud ka sokoow wada shaqeyntoodu.

halgankanet@gmail.com  


Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Dhuusamareeb iyo muran ka taagan kooxda gacanta ku heysa magaalada

$
0
0

Magaalada Dhuusamareeb, xarunta gobolka Galgaduud oo ka mid ah deegaanada ay ka taliyaan xoogaga Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa waxaa caawa adag in la ogaado kooxda gacanta ku heysa duulaan Alshabaabku galabta ku soo qaadeen ka dib.

Casar gaabkii ayaa waxaa la soo weriyay in ciidamada Alshabaab ay xoog ku jiireen difaacii Ciidamada Ahlu Sunna ee daafaha magaalada Dhuusamareeb ku hareereysnaa balse waxaa caawa soo baxaya warar kale oo aan la hubin.

Wararkii u dambeeyay ee magaalada dadka shacabka ah ee ku go'doonan laga soo xigtay ayaa sheegaya in wax ciidan ah aysan ku sugneyn gudaha magaalada inkastoo mararka qaar la maqlayo rasaas teel teel ah.

Xaalada magaalada ayaa ah mid qasan mana jirto cid xaqiijin karta haatan sida xaaladu tahay amaba kooxda gacanta ku heysa laakiin wixii war ah waxaa la soo dhegadhegeyn doonaa marka uu waagu dilaaco haddii Alle idmo.

Dagaalkan ka dhacay galabta Dhuusamareeb ayaa ku soo beegmaya xili saakay aroortii ciidamo taabacsan Ahlu Sunna oo garabsanaya maleeshiyaad ka amarqaata Cabdi Shukriga sheegta in uu xubin ka yahay Ahlu Sunna Waljamaaca ay xoog ku qabsadeen Cadaado waloow galabta mar kale dib looga qabsaday.

halgankanet@gmail.com

Xoogaga Alshabaab oo galabta Laba Nin oo Itoobiyaan ah duleedka magaalada Muqdisho xukun dil ah kula fuliyay

$
0
0

Ciidamo aad u hubeysan oo ka amarqaata Alshabaab ayaa galabta deegaanka KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho ku toogteen laba nin oo sida la sheegay dhalasha ahaan ka soo jeeda Itoobiya.

Labadan nin oo xaakim ka tirsan Maxkamada Alshabab uu ku xukumay dil toogasho ah ayaa dilkan ku muteysan sida Xaakimku sheegay Jaajuusnimo ay u jaajuusayeen Xukuumda Itoobiya xooga Mujaahidiinta ah waa sida uu xaakimkani ku doodee.

Dad isu soo baxay ayaa daawanayay markii rasaas aan xisaab laheyn ooda looga qaadayay labadan nin waxaana amaanka goobta toogashadu ka dhaceysay dusha ka ilaalinayay maleeshiyaadka Alshabaab.

Waa markii ugu horeeysay inta la hubo oo ay Alshabaabku xukun noocan  oo kale ku fuliyaan dad ay sheegeen in ay u dhasheen dalalka Soomaaliya la jaarka ah gaar ahaan Itoobiya.

halgankanet@gmail.com

Dagaal culus oo saakay dowladda iyo Alshabaab duleedka Beledweyne ku dheexmaray iyo Alshabaab oo gaadiid dagaal qabsaday

$
0
0

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo Alshabaab ayaa saakay arroortii hore ka bilowday duleedka magaalada Beledweyne waxaana iska soo daba dhacaya hadda wararkii u dambeeyay ee dagaalka.

Dagaalkan oo ka dhacay saldhig ciidamada Dowladu ku lahaayeen deegaanka Ceelgaal ayaa hadda qaboobay sida la soo werinayo inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay ee labadan dhinac soo gaaray.

Alshabaab oo dagaalkan guul ka sheegtay ayaa dhanka kale soo bandhigay gaari nooca Cabdi Bilaha loo yaqaan oo sida ay sheegeen ay ka soo furteen ciidamada Dowladda.

Dowaldu weli kama hadlin dagaalkan sida wararku sheegayaanna waxay dib ugu gurteen ciidamadoodu dhinaca Itoobiya.

halgankanet@gmail.com  

Mareergur iyo Dhuusamareeb oo markale saakay gacanta Ahlu Sunna Waljamaaca dib u galay ka dib markii...

$
0
0

Deegaanka Mareergur iyo magaalada Dhuusamareeb oo shalay dagaal looga qabsaday Ciidamada Ahlu Sunna ayaa waxaa haatan dib u qabsaday isla Ahlu Sunna Waljamaaca.

Ciidamada Ahlu Sunna ayaa saakay si nabadgelyo ah ku soo galay Mareergur iyo Dhuusamareeb ka gadaal markii xoogagii Alshabaabku ay xalay halkaas dib uga gurteen waxaana hadda labadan deegaan si buuxda gacanta ugu haya Ahlu Sunna Waljamaaca.

Ciidamo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa gaaf-wareegaya labadan deegaan waxayna ku mashquulsan yihiin dib u yabyabida difaacyadii shalay laga saaray.

Dadka deegaanka oo saakay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Alshabaab xalay markii mugdigu soo galay ay deegaanka isaga carareen cabsi darteed, mana jiraan cid shacab ah oo ay si gaar ah u waxyeeleeyeen Alshabaabku.

Galgaduud ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaalo dhowr jiho ah waxaana hadda xaaladu u muuqataa mid yara degan inkastoo aan la soo sheegin wax waanwaan ah oo socda marka laga soo tago baaqyada samadoonada.

halgankanet@gmail.com

Wasiirada arrimaha dibadda IGAD oo Adis Ababa ku kulmay kana soo aaray baaq ciidan-dalbasho

$
0
0

Kulan Addis Ababa ku dhexmaray wasiirada arimaha dibadda IGAD ayaa laga soo saaray baaq ku wajahan dalalka Midowga Afrika ee horay ugu yaboohay ciidamada AMISOM in ay ciidamo ku biirinayaan.

Yuusuf Dheeg, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa kulankaas xukuumada Soomaalida u metelayay waxaana uu ka codsady dalalka Afrika in ay ciidamo u soo diraan magaalada Muqdisho si dowladu u hanato degmooyinka hoostaga xoogaga ka soo horjeeda.

Wasiiradan ayaa gunaanadkii kulankooda ka soo saaray dalab ay dalbanayaan in ciidamo gaaraya Labaatan kun la geeyo magaalada Muqdisho, Jumciyada Quruumaha ka dhaxeysana laga codsado ogolaansha ciidamadaas ama haddii si kale loo dhigo sharciyeyntooda.

halgankanet@gmail.com

Dhuusamareeb iyo Cadaaado oo saakay deggan iyo Alshabaabku oo isxaan u sameeyey reer cadaado

$
0
0

Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ayaa saakay deggan kadib Markii ay shalay ka kala dheceen Weeraro ay ku kala Qaadeen  Alshabaab iyo Ahlu sunnah.

Nin Lagu Magacaabo Cabdi Shukri sheegtayna in uu ka tirsan yahay Ururka Ahlu sunnah ee Gobolada dhexe ee markii uu saacado joogay ay Kooxda Al-shabaab weerar ku ekeeyeen
 
Magaalada dhuusa mareeb oo la aaminsan yahay in ay ka soo duuleen qaar ka Mid ah Ciidankii
 
Qabsaday Cadaado taasoo ku dhalisay Shabaab damaca ah in ay Magaalada Faaruq tahay
 
Ama ay ugu yaraan Ciidanka joogaa yar yihiin taas ayaana u sahashay in ay Shabaabka
 
Si fudud kula wareegaan Magaalo ay waqtiyo kala duwan ku galeen dagaal lagu Hoobtay ayna
 
dhowr mark ku guul dareysteen.
Markii Ahlu-sunna ay ogaadeen in ay gacantooda ka baxday Magaalada
 
Dhuusamareeb ayay ku qasbanaadeen in ay dib ug soo dulaan  Magaaladan dhuusamareeb oo Aad ugu Muhimsan kooxdooda halkaasoo Maamulkii Ximin & Xeebna u sahashay inay  Cadaado Si dhib yar ugu soo guryo noqdaan.

dhinaca kale waxaa isku si Cambaareeyay qabsashada Cadaado Sh Shariif iyo Saaxibkiis Sh C/qaadir oo isaga ka soo jeeda Magaaladaas iyadoo taasina shaki ku abuuri karta kooxda Ahlu sunnah oo isaga shaki sanaa sh. shariif iyagoo qaar kamid ahi horey u sheegeen in Sh. Shariif iyo Cabdiqaadir Cali Cumar eysan ka fogeyn Kooxda Al-Shabaab oo oran karo waxey u hiiliyeen reer Cadaado

Xoogaga Al-Shabaab oo la wareegay Ceel-Gaal

$
0
0

5 qof, ayaa ku dhintay, iyadoo ilaa 10 qof oo kalenaya ay ku dhaawacmeen dagaal saaka aroortii ka dhacay deegaanka Ceel Gaal ee ku yaalla meel u dhow magaalada Beledwayne dhinaca xadka dalka Ethiopia.

Degmada Ceel Gaal, ayaa wararku sheegayaan in ay la wareegeen
xooggaga al-Shabaab kadib markii ay halkaas kula dagaalameen ciidamada
dowladda ku meelgaarka ah oo ku sugnaa halkaas.

Dagaalka, ayaa bilowday kadib markii xooggaga al-Shabaab ay weerarka ku qaadeen ciidamada dowladda oo fariisin ku lahaa goobta.

Abaabul ciidan, ayaa wali laga dareemayaa deegaanada ku dhow Ceel-Gaal, balse dagaal ma socdo.

Dhimashada iyo dhaawaca, ayaa wararku sheegayaan in ay u badan yihiin kooxaha dagaalamayay.


CAMBAAREYN IYO BAAQ KA SOO BAXAY WAXGARADKA BEESHA CAYR HABARGIDIR EE DALKA FINLAND

$
0
0

Waxgaradka Beesha Cayr Habargidir ee degan dalka Finland waxay aad u cambaareynayaan dhammaan dagaaalada macna la'aanta ah ee ka socda dalka Soomaaliya mudada ka badan labaatanka sano.

Waxgaradku waxay soo jeedinayaan in la joojiyo dhiiga dadka Muslimka ah ee lagu banneysanayo magaca Diinta islaamka.

Waxaan aad uga tiiraanyeysanahay oo aan weliba si adag u cambaareyneynaa dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay gobolka Galgaduud axaana leenahay Allaha u naxariisto dadkaas duulaamada gardarada ah lagu laayay. Waxaan si gaar ah ugu tacsiyadeyneynaa eheladii dadkoodi ku waayay dagaaladan Diin islaam iyo damiir qof wax gartaa midna aan lagu aqbali karin.

Waa gardaro qaawan oo aan geed loogu soo gamban mana ahan wax la qaadan karo in la weerao dad Muslimiin ah oo walaalo ah wax dagaal ahna aan kugula jirin, deegaankooda maamul u sameystay nabad iyo deganaana ku nool.

Waxaan cadaynaynaa in aan u aragno in ay qaldanaayeen dagaaladaas/duulaamadaas, meesha laga duulay iyo halka loo duulay, waxaan aad uga xunnahay sida loo istikhfaafsaday (disregards) dadka lahaa deegaanada ay ka baxeen ciidamada ku duulay Degmada Cadaado.

Waxaan rabnaa in aan cadayno in magaca Cayr uu beri ka yahay dagaalkaas. Waa wax aan sinaba loo aqbali karin in waxyar oo garasho diimeed ama waxyar oo mas'uuliyad ah dareemaa uu ogolaado duulaankaas macna la'aanta ah.

Dadka deegaanka waxaan u soo jeedineynaa in ay la xisaabtamaan kun ciqaabaan talaabada qaladka ah ee ay qaadeen dadka mas'uuliyada sheeganaya ee qeybta ka ahaa weerarkaas gardarada ah.

Liiska magacyada qaar ka mid ah waxgaradka Beesha Cayr ee Finland

  1. Cabdicasiis Maalin Xareed
  2. Axmed Macalin Xasan
  3. Cabdullaahi Cabdi Faarax (Sujuud)
  4. Cali Macalin Xasan
  5. Cabdicasiis Cabdullaahi Diiriye
  6. Siciid Kaarshe Aadan
  7. Cabdi Daahir Cabdi
  8. Cabdullaahi Axmed Xaashi
  9. Cali Maxamuud Xuseen
  10. Axmed Maxamuud Xuseen
  11. Cabdinaasir Cabdicasiis Maalin Xareed
  12. Mustaf Cabdicasiis Maalin Xareed
  13. Cabdiladiif Cabdicasiis Maalin Xareed
  14. Maxamad Diiriye Siyaad
  15. Cabdullaahi Maxamed Cali (Police)
  16. Saciid Cabdullaahi Cali
  17. Cumar Xasan Cade
  18. Maxamad Iidow Daahir
  19. Cabdisalaam Ciise Faarax
  20. Faarax Bootaan Diini
  21. Maxamuud Axmed Nuur (Afyare)
  22. Cabdinuur Cabdulle Dhiblaawe
  23. Mahad Maxamad Jimcaale
  24. Cali Xaashi Xersi
  25. Cali Rooble Cali
  26. Cabdullaahi Maxamed Cali Aadan
  27. Maxamed Cabdullaahi Aadan
  28. Maxamed Aadan Xasan
  29. Cabdirisaaq Aadan Axmed
  30. Cabisalaam Salaad Faarax
  31. Maxamed Xasan Shiikhoo
  32. Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud
  33. Cabdixakiim Shiikh Cilmi
  34. Cabdi Kaariye Mahad Alle
  35. Cabdi Daahir Cumar
  36. Cabdulaahi Kaahiye Cilmi
  37. Camaley Xasan falley
  38. Cbdiwali Xasan Xaashi
  39. Cabdimajiid Axmed Maxamed
  40. Jamaal Maxamed Diiriye
  41. Calas Maxamuud Faarax (Gacamey)
  42. Siciid Dayax Cadaawe
  43. Drs. Mulki Cilmi Rooble
  44. Xalaawi Maxamed Aadan
  45. Safiyo Maxamed Aadan
  46. Saciid Bashiir Goobdoon

Digniin

Ilaahye SWT wuxuu yiri

 {ومن يقتل مؤمناً متعمداً فجزاؤه جهنم خالداً فيها وغضب الله عليه ولعنه وأعد له عذاباً عظيماً }

Nabigu CSW wuxuu yiri

. ( لن يزال المؤمن في فسحة من دينه ما لم يصب دماً حراماً )

Markaad aragto Nusuustan cad-cad kaama saareyso ciidan ayaan ahaa oo amar ayaan qaadanayay, waxaas ayaa la ii sheegay, wax naftaada, hawadaada iyo Sheydaan kuu qurxiyeen in aad ku banneysato dhiiga walaalkaada Muslimka ah. wax Ilaahey kaa xarrimay in aad xalaaleysato waa GAALNIMO!!.

Wa Bilaahi Towfiiq 

muxaadaro geerida lama filaanka ah mootul fajr axmed bajuu suuriya dimashiq ex ciyaalka 1 da ...

Xaalad deganaan ah ayaa laga soo sheegaya degaanka Ceegaal oo ay shalay ku dirireen alshabab iyo Dowlada.

$
0
0

Wararka saaka ka imaanya Ceegaal ayaa sheegaya in ay halkaasi ay jirto deganansho ah kadib dagaal qaraar oo shalay ka dhacay.

Dadka degaanka ayaa sheegay in saaka xaaladu deggan thay iyadoo eysan jirin wax dagaal ah.

Xarakada Alshabaab ayaa haatan halkaasi ku sugan iyadoo maleeshiyadii itoobiya ka yimidna dib ugu laabteen feerfeer

R/wasaaraha cusub oo ugu baaqay mucaaradka wada hadal

$
0
0

Ra’isulwasaaraha cusub ee Xukuumada KMG ah Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa ugu baaqay kooxaha ka soo horjeeda dowladda iney heshiis qaataan si loo samatabxiyo shacabka soomaaliyeed.

“Kooxaha dawladda ka soo horjeeda waxaan ula macaamiiltami doonaa qaab wanaagsan oo ah in la wada hadlo lana heshiiyo, waxaan dhamaan kooxaha dawladda ka soo horjeeda ugu baaqayaa in ay qaataan nabada iyo wadahadalka isla markaana aan diyaar u nahay in aan la hadalno cid kasta oo Soomaali ah oo dooneysa in ay dadkeeda iyo dalkeeda u shaqeyso” ayuu yiri Ra’isulwasaare Farmaajo.

RW ayaa sheegay in marka hore uu soo dhaweynayo xil magacaabistiisa isla markaana uu uga mahad celinayo Madaxweyne Shariif.

Ra’isulwasaaruhu waxaa uu sheegay in xil magacaabistiisa ay ka dambeysay kadib markii isaga iyo Madaxweyne Shariif ay isku arkeen magaalada Newyork xilli Madaxweynuhu halkaasi kaga qeyb galayey shir madaxeedkii Qaramada Midoobay, isaga oo sheegay in xilligaasi ay ka wada sheekeysteen in xilkaasi uu buuxiyo.

Maxamed C/laahi Faramaajo Ra’isulwasaaraha cusub ayaa sheegay in si deg deg ah uu u soo dhisi doono Golihiisa Wasiirada, isla markaana hawsha ugu horeysa ee uu qabanayo ay tahay in uu ka shaqeeyo arimaha nabad gelyada.

Ra’isulwasaaraha cusub ayaa sheegay in dawladdiisu aysan qaadeyn wax weerar ah, ayna dooneyso wax walba in ay ku dhameyso wada hadal iyo waan waan, haddiise la soo weeraro dawladiisa waxaa uu sheegay in ay diyaar u tahay isdaafacaad.
Ugu dambeyn Ra’isulwasaare Maxamed C/laahi waxaa uu baaq u diray dhamaan dadka Soomaaliyeed ee qurba joogta ah isaga oo sheegay in dalkoodu u baahan yahay loogana fadhiyo in ay taageeraan oo wax la qabtaan dawladda KMG Soomaaliya.

WAR DEG DEG AH: Korneel Bare Hiiraale oo magaalada Beledxaawo dagaal Alshabaab uga qabsaday

$
0
0

War deg deg ah: Magaalada Beledxaawo wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in halkaas Alshabaab xoog looga saaray ka dib dagaal dhexmaray ciidamada Dowladda iyo maamulkii Alshabaab ee magaalada ka ariminayay.

Bare Hiiraale oo horkacaya ciidamo ka tirsan dowladda ayaa ka soo dhaqaajiyay xalay saqdii dhexe degmada Dooloow waxaana dagaal mudo kooban socday ka dib u suurtagashay in uu xoog ku jiiro difaacii Alshabaab ee degmada Beledxaawo.

Ciidamada dowladda ee uu hogaaminayo Bare Hiiraale ayaa hadda gacanta ku haya magaalada xaalada guudna waa degan tahay mana la maqlayo wax rasaas ah sida dadka deegaanka laga soo xigtay.

Qasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa ah mid iska kooban inta laga warqabo waxaana hadda carabka lagu dhuftay dhimashada sadex qofood iyo dhaawac aan sidaas u badneyd oo dhamaantood ka tirsan dhinacyadii dagaalku u dhexeeya.

Dadka deegaanka ee lagu dul dagaalay ayaa dhankooda waxaa soo gaaray waxyeelo walow aan weli la hubin inta uu la egyahay qasaarahaas.

Wixii war ah ee soo kordha dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa inshaa Allaah.

halgankanet@gmail.com

Golaha Dhaqanka Hawiye oo Ahlu Sunna ugu baaqay in ay Qaan-Dhaw ka bixiyaan dadkii ku dhintay dagaalkii Cadaado

$
0
0

Caaqil Axmed Diiriye Cali, afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye ayaa Ahlu Sunna ugu baaqay in ay mag-dhaw ka bixiyaan dadkii ku dhintay weerarkii ay ku qaadeen degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

"Dadkii dhaawacmay xitaa waa in ay daweeyaan Ahlu Sunna waayo iyagaa sabab u ahaa dhaawacooda, mana ahan in dhul nabad ah colaad laga abuuro" Caaqil Axmed Diiriye.

Caaqilka oo sii hadlayay ayaa dhanka kale wax kama jiraan ku tilmaamay hadalkii ka soo yeeray Ahlu Sunna ee sheegayay in maamulka Ximan iyo Xeeb ay xiriir la leeyihiin Alshabaab.

Hadalkan ka soo yeeray Caaqilka Golaha Dhaqanka Hawiye ayaa ka dambeeyay dagaal lama filaan ah oo ay maalin ka hor ku qaadeen Suufiyiinta degmada Cadaado inkastoo hadda ay degmadaas gacanta maamulkeedi dib ugu noqotay.

hakgankanet@gmail.com

Alshabaab iyo Xisbul islaam oo ku dagaalamay gudaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan qeybta Daawada

$
0
0

Xoogag kala taabacsan Alshabaab iyo Xisbul islaam oo ku wada sugan Suuqa Bakaaraha ayaa ku dagaalay gudaha Suuqaas waxaana inta la hubo ku geeriyooday dagaalkan sadex qofood halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Dagaalka oo ay labadan dhinac isu adeegsadeen qoryaha darandooriga u dhaca ayaa ka dhacay Maxkamad ay Alshabaabku ku leeyihíin Suuqa Bakaaraha qeybta Daawada.

Rasaastu weli waa socotaa waxaana suuqa ka abuurmay xaalad kacsanaan ah sida ganacsatada laga soo xigtayna waxaa Suuqa ku soo qulqulaya ciidamo labada dhinac kala taabacsan oo gurmad ah.

Wixii war ah ee soo kordha halkan ayaad ka daalacan doontaa.

halgankanet@gmail.com


Beledweyne oo laga barakacayo iyo Alshabaab oo difaac adag ku jira ka dib ciidamo Itoobiyaan ahi markii ay magaalada ku soo dhowaadeen

$
0
0

Magaalada Beledweyne, xarunta maamulka gobolka Hiiraan waxaa maanta ka barakacaya shacabkii ku dhaqnaa ka dib markii xoogaga Alshabaabku difaac ka galeen daafaha magaalada ciidamo xabashi ahina ay ku soo dhowaadeen.

Ciidamo Xabashi ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka oo ay gar-wadeen u yihiin kuwa Dowladda ayaa haatan ku sugan deegaanka Kala-Beyrka iyagoo muujinaya dhaqdhaqaaq dagaal ka dhan ah xoogaga Alshabaab ee Beledweyne ku sugan.

Shalay ayeey aheyd markii deegaanka Ceelgaal oo 18km u jira Beledweyne ay ku dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa xoogaga Alshabaab, dagaalkaas oo ay labada dhinac guulo ka kala sheegteen.

halgankanet@gmail.com

Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya "Danta Mareykanku uu ka leeyahay Soomaaliya waa inay xasilooni helin, ayna kasii socdaan colaaduhu, waana taas sababta uu u faquuqayo,"

$
0
0

Faarax Macalin, Gudoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa Mareykanka ku eedeeyay in uu xagal daacinayo dadaal kasta oo Soomaaliya nabad loogu baadigoobayo.

Siyaasada Mareykanka ee ku wajahan Soomaaliya Faarax Macalin wax mugdi ah ugama jirto in aysan aheyn mid wax dhiseysa taasna waxaa u daliil ah sida Faarax qabo faragelinta qarbudadaada siyaasadeed ah ee uu Mareykanku ku hayo Geeska Afrika.

Faarax oo aad uga soo horjeedi jiray Qabqablayaashii dagaalka ee Mareykanku bari-taageeri jiray ayaa berigii dambe xoogagii Maxkamadaha ee Qabqablayaashaas meesha ka saaray garab istaagay waxaana la xusuustaa in uu xitaa Muqdisho ku booqday.

Laakiin Faarax Macalin oo ifinayay tuhun dad badani ka qabaan in uu Alshabaabka taageero siyaasad ahaan ayaa wuxuu arintaas ka yiri; "Waxaan taageeray Maxkamadihii Islaamka, weligeyna ma taageerin Al-shabaab, waayo waxaan rumeysanahay inay yihiin koox ay dhiseen reer galbeedku,"

Mareykanku meesha uu kala qaaday Soomaalida ee uu sidan ugu colaadinayo Faarax waa u caddahay sida uu qabo waxaana uu arintaas ka yiri isagoo dib u xusuusanay horaantii sagaashamaadkii "Mareykanku sagaashamaadkii waa kii ku jabay dagaalkii uu Soomaaliya ku qaaday, marka waa iska caddahay waxaa uu jabkaas ka qaaday cadaawad, cadaawadiina waa u jeendaa hadda in ay socoto".

Ugu dambeyntii Faarax Macalin waxaa uu ka mid ah yahay siyaasiyiinta Soomaalida ka soo jeeda ee magaca weyn iyo mansabkaba ku leh Kenya waxaana lagu yaqaan hadal cad oo aan laablaab laheyn iyo in uu meesha bugta farta saaro marka uu ka hadlayo arrimaha Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com

Hay'adda QM u qaabilsna somalia oo markii lixaad sheegtay iney Somalia u guurayaan!!!

$
0
0

Hay'adda Qaramada Midoobay  u qaabilsan SOmalia ee fadhigoodu yahay Nairobi ayaa markii lixaad sheegtay  inay xafiisyada ey hay’adau ku leeday Nairobi ee qaabilsa  ee arrimaha  Soomaaliya ay  u soo rareysoso gudaha Soomaaliya.

Mr. Augustine-Mahiga oo ah Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in hay’adahaas ay haatan ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay ay qalabkoodu u soo raran lahaayeen.

Sida uu sheegay Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya in lagu jiro isku dubaridkii ugu dambeeyay  ee la xiriira sidii xafiisyada QM loogu soo rari lahaa koonfurta, bartamaha iyo waqooyiga Soomaaliya, ayuu xaqiijiyay Mahiga.

Sidoo kale Wakiilku wuxuusheegay in todobaadyo gudahood laga soo rari doono xafiisyada QM ee Soomaaliya oo haatan ku sugan yihiin badankooda dalka Kenya, si ay howlahooda ugu qabtaan gudaha Soomaaliya.

Hase yeeshee Arrintan ayaa ayaa lagu micneeyey in loola jeeda sidii loo dardar gelin lahaa  howlaha Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, iyadoo marar badan oo horey ay QM balan qaaday inay soo rareyso xafiisyadeeda laakiin ey been sheegi jireen.

Alshabaab oo raashin dhacay ku gubay degamada Huriwaa ee magaalada Muqdsiho

$
0
0

Xarakada Al Shabaab ayaa maanta raashiin kala duwan oo ey sheegeen inuu dhacay ku gubay xaafada Waxara Cadde ee degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda lagu gubay raashinkan dhacay ayaa waxaa goobjoog  ka ahaa saraakiil sare sare oo ka tirsan Xarakada i Alshabaab iyadoo ey halkaasi khudbado ka soo jeediyeen.

Raashiinka la gubay ayaa isugu jiray Bur, Bariis, Galey iyo Timir qaab ganacsi ah looga soo dejiyey dekdaha dalka ka dibna la geliyey suuqyada waaweyn, waxaana raashiinkan uu tiro ahaan gaarayaa 5 gaari oo waaweyn waxaana saaka gawaaridaasi la geeyey meel banaan oo ka tirsan xaafada Waxara Cadde ee waqooyiga Muqdisho ka dibna dab lagu qabadsiiyey.

Sida ay sheegeen saraakiisha maamulka Al Shabaab ee gobolka Banaadir ma jirin cid loo soo xiray raashiinkan markii laga soo ururinayey bakhaarada suuqa Bakaaraha oo ay baaritaan ku sameeyeen.

Hase yeeshee maamulka Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay sii wadi doonaan soo qabashada waxyaabaha dhacay ee aan ku habooneyn in la cuno iyagoo ka digay in ganacsatadu ay soo iibsadaan waxyaabo aan la hubin.

Bilihii la soo dhaafay ayaa sidoo kale Xarakada Shabaab waxay dhowr jeer raashiin kala duwan ku gubeen magaalada Muqdisho ka dib markii ay ka ururiyeen suuqyada qeybaha ay Muqdisho ka maamulaan.

Ciidamada AMISOM oo xalay si xun u duqeeyay xaafada Xararyaale ee degmada Wardhiigley iyo shacab ku dhamaaday duqeyntaas

$
0
0

Ciidamada AMISOM ayaa xalay xilli la jiifay duqeyn aan loo meel dayin u geystay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho gaar ahaan degmooyinka Wardhiigley iyo Hodon.

Duqeyntan ayeey ciidamada AMISOM ku dileen dad shacab ah oo ku sugnaa guryohooda waxaana la xaqiijiyay geerida Shan qofood.

Dadka dhintay ayaa ku sugnaa xaafada Xararyaale ee degmada Wardhiigley sida dadka deegaanka laga soo xigtayna waxaa dhaawac soo gaaray Afar Kale, kuwaas oo haddan lagu dabiibayo Cusbitaalada Muqdisho.

Dhanka kale degmada Hodon ayaa la sheegay in duqeyntu saameysay waloow aan weli la hubin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntan arxandarada ah ee ay shacabka u geysteen ciidamada Afrikanku.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live