Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Musharax Shire Xaaji Faarax oo Ku Baaqay In Si Shuruud la’aan loo Joojiyo Dagaalka Taleex(Dhageyso)

$
0
0

Musharax Shire Xaaji Faarax
Bismillshi Raxmani Raxiim, Assalama Calykum
- Ugu horreyn waxaan si wayn uga tacsiyaynayaa dadkii ku dhintey iyo kuwii ku dhaawacmey dagaalkii maantey ka dhacay deegaanka taleex. Waxaan ilaahay uga baryayaa intii dhimatey in ilaahay siiyo naxariis iyo Janno, inta dhaawaca ahna ilaahay caafimaad siiyo. Innaga oo dhanna ilaahay innaka siiyo samir iyo iimaan.
- Waxaan ugu baaqayaa dadka walaalaha ah ee dagaalamaya in ay si deg deg ah xabadda u joojiyaan oo ay wax kasta ku dhameeyaan wada hadal
- Waxaan ugu baaqayaa isimada, cuqaasha, nabadoonada, iyo dhamaan wax-garadka Puntland in ay si deg deg ah u dhex galaan dadkaan walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka taleex.
-Waxaan kaloo ku baaqaynaa in dhaacdadan iyo kuwa la mid ah aan looga faa’idaysan arrimo siyaasadeed. Mana aha wax fiican in damac siyaasadeed lagu abuuro colaad laguna daadiyo dhiig sokeeye.
- Dagaal wiil baa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, walaalayaal waxaan mar labaad iyo mar saddexaad idinka codsanayaa in aad xabadda joojisaan si shuruud la’aan ah
Waa Musharaxii ugu horeeyey ee dira baaq ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda Taleexhttp://www.raxanreeb.com/wp-content/uploads/2013/11/Musharax-Shire-Xaaji-Faarax.mp3
_____________
RBC Radio
Boosaaso
Use Facebook to Comment on this Post

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somalia Oo Diyaaradihii Muqdisho Ka Soo Qaadi Jiray Rakaabka S/Land Imanaya Ku Amartey Inaanay Bassport Ugu Dhoofi Karin 18-Kii Gobol Ee La Isku Odhan Jiray Soomaaliwayn

$
0
0

Muqdisho, November 28, 2013 (Halbeegnews) – Diyaaradaha ka soo duula Muqdisho ee yimaada Hargeysa ayaa toddobaadkan joojiyey Rakaabkii sitay baasaaboor Somaliga kadib markii Taliyaha Laanta socdaalka Somaliya Gaafaw uu amar ku bixiyey in aan goboladda Dalka Somaliya wixii la isku odhan jiray aan wax baasaaboor ah loo isticmaali doonin isagoo Somaliland-na ula macaamilaya Goboladdaas uu sheegayo.
Amarka Gaafaw ayaa sababay in ay diyaaradha ka imanaya Muqdsiho ee Hargeysa ama Somaliland imanayaa ay ku yimaadaan iyaga oo faaruq ah oo ana sidin wax rakaab ah, taasoo saamayn weyn ku oo taban ku yeelatay isku socodkii labada Dal ee dhinaca Duulimaadyada.
Dhinaca Somaliland, waxa uu wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Warancade joojiyey in ay dalka yimaadaan dadka sita baasaaboor Soomaaliga cusub ee E-passport-ka, taas oo iyana hore saamayn ugu yeelatay dadka rakaabka ah ee sita baasaaboorkaasi.
Amarada labada dhinac soo kala saareen ayaa noqday kuwo carqalad ku noqday isu socodkii dadweynaha ee labada dal, illaa hadana ma jirto talaabo xal loogu raadinayo arrintan oo ah mid horseedi karta khilaaf siyaasi ah.
Xukumadda Federalka Somaliya ayaa wada qorshe kan ka adag oo ay doonayso in ay kula macaamisho diyaaradaha Hawada Somaliland iyo Somaliya soo galaya, taas oo ah amar duulimaadyadii Somaliland iman jiray lagu khasbayo in ay Muqdisho soo maraan iyadoo dadka Rakaabka ah ee Somaliland tagaya la saari doono diyaarado yar yar oo ay shirkaddaha diyaaraduhu keensan doonaan.
Talaabooyinkan ayaa u muuqata kuwo halis ku noqon kara amaanka Mandaqada isla markaana horseedi doona dagaalo sokeeye haddii Somaliya isku daydo in ay ku kacdo Cunaqabataynaha noocan oo kale ah oo aanay Somaliland marnaba aqbali doonin.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Qardho oo kulan la qaatay waxgaradka Qardho

$
0
0

Qardho(RBC Radio) Maamulka Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Qardho ayaa kulan gaar ah la yeeshay Nabadoonada,Waxgaradka,Culama’udiinka ku nool magaalada Qardho,waxa uuna kala hadalay sidii loo taageeri lahaa Jaamacadda oo sanadkii afaraad gashay lana filayo in sanadkaan ay ka qalin jabiyaan dufcaddii ugu horeysay Jaamacadda.
Kulan ayaa sidookale lagu soo bandhigay sidii loo hormarinlahaa jamacadda,waxa ayna nabadoonada sheegeen in la joogo xiligii kor loo qaadi lahaa jaamacadda.Maamulaha Jaamacadda bariga Afrika faraceeda Qardho Cali Maxamed Cali ayaa kulanka ku soo bandhigay sida ay u shaqeyso Jaamacdda,adeegyada ay heystaan,waxa kamaqan iyo baahiyaha ay qabaan oo ay ka mid tahay in Jaamacadda laga taageero dhan walbo sida Dhaqaalaha,in Maktabada la keeno Buugaag ku filan, iyo adeegyada ay u baahantahay Jaamacadda.
Maamulaha ayaa sidookale soo bandhigay in Macalimiinta Jaamacadda wax ka dhigo ay yihiin kuwo qibrad u leh maadooyinka ay bixiyaan,waxaana jamacadda ka koobantahay kuliyadaha Shareecadda,Kulyadda Maamulka iyo Maareynta,Kulyadda Computer sayniska iyo koorsooyin ay ka midyihiin caafimaadka iyo luuqada Englsuhka.
Kulankaan ayaa sidoo kale Ujeeda loo qabty ay aheyd in ay xiriir wanaagsan yeeshaan gudiga Jaamacadda iyo Nabadoonada maadaama jaamacadda ay afarsano jirsatay loona baahanyahay in dhan walbo laga taageero.
Shiikh C/qaadir Yaasiin Aw Maxamed oo ka mid ah Boardka Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Qardho ayaa sheegay in loo baahanyahay in la taageero Jaamacadda,xitaa ardayda in waalidka ay keenaan Jaamacadda waxa uuna ku booriyey in ardayda dhameysata Dugsiyada sare in ay ku soo biiraan Jaamaacadda.
Kulankaan ayaa ka duwanaa kulamadii ay horey Jaaamacadda u qabtay waxaana kan diiradda lagu saaray sidii dhaqaale maaliyeed iyo mid maadi ah ay u heli laheyd Jaamacdda Bariga Afriga Faraceeda Qardho.
__________
RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gen-C/samad Cali Shire Oo Taleex Qabsadsay, Axmed-karaash Oo Eryanaya Col-Indhasheel iyo Ciidan-beeleedkiisii Oo Usii Jeeda Buuhoodle+Dad lagu Laayey Taleex Korontadii oo Magaalada Ka Maqan Iyo Xaaladda Oo Cakiran

$
0
0

Khamiis 28 November 2013 Ceerigaabo (Halbeegnews)–ka dib dagaallo u dhexeeya malleeshiyooyin kazoo wada jeeda gobolka Sool haseyeeshee kala taageersan siyaasadaha Khaatumo iyo Puntland maalintii shalayto ka bilawday Degaannada Taleex oo katirsan gobolka Sool.
 Waxa xalayto dhinaca magaalada Garoowe kazoo ambabaxay M/weyne-kuxigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo wata gaadiidka teknikada iyo ciidanka PS-ta loo yaqaanno. Waxana Generaal-C/samad iyo ciidankiisu weerar ku galeen gudaha magaalada Taleex oo ilaa xalayto uu ku sugnaa Col-Indhasheel iyo ciidan-beeleedka dhiniciisa taabacsan ee uu hoggaaminayo. Halkaas oo ilaa hadda gacantooda ku jirta.
 Col-Indhasheel iyo ciidankiisa oo iyaguna ku war helay duullaanka C/samad Cali Shire iyo ciidankiisa ayaa waxay halkaas uga bexeen ayaa waxay Taleex uga bexeen dhinaca buuraleyda galbeedka.
Waxana weerarka ciidanka Garoowe kaga yimid Taleex ku galeen sda inkastoo aan xaqiiqada welila helin wararka aannu ilaa imminka helnay sheegayaan ay ku geysteen khasaare dhimasho ilaa (11) qof iyo dhaawacyo aan tiradooda la sheegin iyo khasaarayaal kale. Sidoo kalena guryaha Taleex ciidankani ka baadhayaan hub iyo ciidammo halka magaaladana koontadii ka maqan tahay caawa.
Dhinaca kalena Col-Indhasheel iyo ciidankiisa ka baxay Taleex ayaa wararku sheegayaan in ay buuraleyda kaga daba tageen ciidan-beeleedyo kale oo uu hoggaaminayo Axmed-karash kuwaas oo ilaa shalaytoba dagaallo goos-goos ahi degaannadaas ku dhexmarayeen ciidan=beeleedkan Col-Indhasheel wato
Halkaasi Oo  sida la sheegayo dagaal kulul oo dhex maray ka dib Col-Indhasheel iyo ciidankiisa loo eryadey dhinaca degaanka Laasacurdan Taasoo wararka ugu danbeeyeyna sheegayaan in fiidnimadii caawa ay God-aalo uga sii ambabexeen dhinaca hawdka/Buuhoodle iyagoo halkaas (god-aalo) inta la hubo kaga tegey hal nin oo dhaawac ah.
Si kastaba ha ahaatee dagaalladan ka bilawday degaannadan gobolka Sool oo ay kala hoggaaminayaan saraakiil iyo madax sar-sare oo dhammaantood isla beeshan kazoo wada jeeda ayaan la saadaalin Karin halka ay sal dhigi doonaan iyo saamaynta xaaladdan cakirani ku yeelan doonto bulshada isku haybta ah ee dagaal-beeleedyadani ka dhex qarxeen.
 Wergeyska WaaheenHalbeegnews, Hargeysacontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

kala noolaanshaha gabadha iyo ninku ( means separate) ma xaaraanbaa mise waa xalaal, daawo jawaabta suaasha , sheekh maxamed cumar Dirir.

$
0
0

Guddiga Arrimaha Gudaha Ee Baarlamaanka Britain Oo KuTaliyay In Laga Noqdo Go’aanka Britain Lagaga Mamnaacayo Jaadka Iyo Xildhibaano Kenyan Ah Oo London Ka Wada Ollole Xoog Leh

$
0
0

Addis Ababa-(Idhanka)- Guddiga Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Britain, ayaa farta ku fiiqay hadii jaadka laga mamnuuco dalka Brtain in ay hor-seedi karto xiisad ka dhex abuuranta ciidamadda booliska iyo dadka soo galootiga ah siiba dadka Soomaalida ah.
Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Gudaha ee baarlamaanka dalka Britain, Keith Vaz, ayaa ku tilmaamay in waxa aan la awoodi karini [...]

Wararkii U Danbeeyay Ee Ka Soo Kordha Xaalladda Degmadda Taleex Oo Shalay Ay Ku Dagaalameen Ciidamo Iska Soo Hor-Jeeda

$
0
0

Taleex-(Idhanka)-Wararka ka immanaya degmadda Taleex oo ka tirsan gobalka Sool ayaa sheegaya in magaaladda Taleex ay hadda ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladu ay maanta dagganayd, kaddib markii uu shalay ka dhacay dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo weliba barakac dad shacab ah.
Dad ku ku sugan degmada [...]

Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*(*Suuratul-Najmi-36-62*)*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah

Dhadhanka Iimaanka (Khutbah) Qeybta 1aad Sheekh Maxamed Cabdi Umal

Khilaafka Madaxda Soomaalida: Ceeb Mise Caado?!

$
0
0

Gar Waa Loo Wada Islaam: Faarax waa Falxad waana Faxal!

$
0
0

WQ A. Birmad Waxaa baryahan danbe golayaasha fadhi ku dirirka iyo golayaasha qaar lagu soo qoraa arin jaa’ifo iyio aflagaaddo ah oo leh ujeeddooyin badan balse lagu bartilmaameedsanayo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Faarax Cabdiqaadir. Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in dadka Soomaaliyeed kuwooda wanaagga iyo samaha usaaxiibka ahi ay isxilqaamaan oo ay ka hortagaan […]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo Sawirda Dawlada Itoobiya oo biliqaysanaysa taariikhda Dalka Soomaaliya

$
0
0

Waxaa la xaqiijiyay in maalintii shalay aheyd Taalada Sayid Cabdulle Xassan laga taagay magaalada Jig-jiga ee dhulka Soomaalida Ethiopia halkaasi oo kamid ah deegaanadii Sayidka oo Gumeysi diid ahaa uu ku galay mid kamid ah dagaaladii ugu qatarsanaa xilligiisii, iyada oo arintaasi loo arko in ay tahay biliqo Soomaalida lagu hayo wali maadaama aysan suura […]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhadhanka Iimaanka (Khutbah) Qeybta 2aad Sheekh Maxamed Cabdi Umal

Xalinta Khilaafka: Heshiisiinta Qeybta 4aad - Sh. Mustafa X. Ismaaciil Haaruun

Baaq Nabadeed oo ku saabsan joojinta colaadda dhexasa Khaatumo iyo Puntland

$
0
0

KU: Madaxweynaha Dawlad Gob.P/L-Garoowe
 
KU: Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlad Gob. P/L –Garoowe
 
KU: Wasiirka Amniga Dawlad Gob.P/L-Garowe
 
KU: Isimada Puntland-Fadhigooda.Garoowe
 
OG:Dalada Culumaa’udiinta Puntland-Fadhigooda.Garoowe
UJEEDO: BAAQ NABADEED KU SAABSAN JOOJIN COLAADEED
Anagoo ah odayaasha, aqoonyahanada iyo dhalinyarada hoos ku xusan oo isir ahaan ka soo jeeda   Maakhir kana mid ah jaaliyada reer maakhir ee Ku nool Minneapolis, waxaan shir deg deg ah isugu nimi maanta oo taariikhdu tahay 11/29/2013. Shirkaan oo ka dhacay minneapolis kuna wejihan dhacdadii foosha xumayd ee ka dhexdhacday labo beelood oo walaalo ah, isku isir iyo isku degaanna ah. Dhacdadaan oo ahayd dagaal iyo colaad ka aloosantay labada beelood dawlad goboleed   kuna nafwaayeen in ka badan 30 qof dhaawucuna 60 nin gaarayo.
Anagoo ka tiiraanyaysan dhacdadaan murugada leh waxaan marka hore tacsi u diraynaa ehelkii iyo qaraabadii intii ku nafweyd dagaalkaan waxashnimada ah in illaah samir ka siiyo iyagana naxariis eebe siiyo. Inta dhaawaca la jiiftana illaah ka kiciyo. Falanqayn iyo xograadis kabacdi sida arimuhu u dheceen, waxaan si wada jir ah ugu soo gudbinaynaa dhammaan hawlwadeenada dawlada Puntland ee kor ku xusan baaqaan hoos ku qoran
 
1.In dagaalka si shuruud la’aan ah loo joojiyo, si deg deg ahna loo hawl geliyo isimadii  oo tiir lama dhaafan ah u ahaa asaaska nabadaynta beelaha iyo sulux raadiska markii arimahaan oo kale dhacaan.
 2.In dawladu waajibkii ka saaraa bulshadeeda ka gaabisay kadib markii khilaafkaan oo soo jiitamayey mudo labo bilood ah aan dawladu wax muuqda ka qaban.
 3.In si deg deg ah ciidan loo geeyo goobaha dagaalku ka dhacay, isimada iyo waxgaradkana lagu hawl geliyo in ay arinta xalwaara ka gaaraan, isku dhac kalena laga fogaado.
 4.In culimaa’udiinta lagu hawl geliyo in ay bulshadii dhextagaan si ay ugu wacyi geliyaan in naf la dilaa xaraam tahay, ciqaab eebena meel u taal ruuxii falkaas ku dhaqaaqa.
 5.In labada maamul sugto amaanka iyo wada noolaanshaha bulshada  oo ah tiir haddii uu burburona maamul jiri Karin.
 6.Waxaan ka codsanaynaa in tanaasul iyo cafis la yimaadaan labada maamul ee dhibtu kala gaartay.
 7.In labada maamul dhegaysato oo tixgeliso codsiyada, baaqyada iyo cabashooyinka uga yimaada bulshadeeda gudo iyo dibad, una muuqan mid ka fog bulshada (out of touch).
 8.Waxaan u mahad celinaynaa beelihii u gurmaday in ay xabaalaan meydkii dadkii ku nafwaayey dagaalkaas iyo cuqaashii isku dayday in la kala badbaadiyo dadkaas walaalaha ah.
 9.In dabagal lagu sameeyo (inquiry) sababtii ay ku dhacday in maamuladu wax ka qabanweydo arintaan isku dhaca ah oo socotay mudo sanado ah, hayd’adii maamulka puntland xilkaas hagratayna masuul ka noqota wixii dhacay, si loo fuliyo cahdigii ay ugu dhaarteen in ay ugu adeegaan mawaadinka reer Puntland, loogana fogaado in arintaan oo kale markale dhicin.
 
Sidoo kale waxaa cadaynaynaa khaatumo  waa meel nabad ah oo haykal dawladnimo ka jiro, sidaas darteed waxay noogu muuqataa in aan loo baahnayn dagaal.
Waxaan u soo jeedinaynaa dhammaan bulshada Walalaha in ay ilaashadaan midnimadooda gacanna ku siiyaan maamulka khaatumo sugida amniga oo haddii la waayo nabad jiritaankoodu khalkhal geli karo.
 
WA BILLAAHI TAWFIIQ.
Gudomiyaha  maakhir ee North America
Yassin S.Dualeh
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Do You Know Allah: Principles of Tawheed By Sh Okasha Kameny Part 2/4

Do You Know Allah: Principles of Tawheed By Sh Okasha Kameny Part 4/4

Khudbah Jimca: In Khayrka La Iskugu Bishaareyo Xumanta La Iskaga Digo Sh. Maxamuud M. Shibli

Sheikh Okasha Kameny Welcome A New Brother to Islam Abubakr Islamic Center of WA

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ugu magac-daray Marxuum Axmed Qeybe ”SAWIRO”

$
0
0

Mogadishu, 30,November 2013 –Kulan baroor-diiq ah oo ay ka qeyb galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Gudooomiyaha Baarlmanaka Soomaaliya Mudane  Maxamed Cusmaan Jawaari, Wasiirka Arrimha Gudaha iyo Amniga Qaran C/Kariim Xuseen Guuleed, Xildhibaano, Diplomacy-yiin iyo masuuliyiin kale  oo  lagu xusayey  Marxuum Danjire Axmed  Maxamed Aadan Qeybe ayaa caawa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.
Dhammmaan masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka oo qaarkood hadalo jeediyey ayaa ku dheeraaday  Taariikhdii Alaah Naxariistee Marxuum  Axmed  Maxamed Aadan Qeybe oo ahaa wasiirkii Arrimaha Dibadda Dowladdii hore ee Somaaliya iyagoo tacsi u diray ehelada Marxuumka, islamarkaana tilmaamay in Marxuumku ahaa qof aad u jecel midnimada Umadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Allaah uga baryey in Axmed Qeybe Jannadii fardoowsa ka waraabiyo, wuxuuna  tilmaamay in Axmed uu ahaa nin Qaran, waxweyna u soo qabtay umadda Soomaaliyeed xili baahiyo waaweyn loo qabay.
“ Waxa uu ahaa nin ku dayasho mudan, meel walba ayuu raad kulahaaa intii nolashiisa jirtayna wuxuu u qidmeynayey  Umadda  Soomaaliyeed.   Allaah Naxariistii Janno hasiiyo, Samir  Allaah haka siiyo  ehelada iyo dhammaan Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  yiri “Waa inaan wax ka baranaa wixii Axmed dalka u soo qabtay,taariikhdii uu ka tegay. Magaciisa iyo waxqabadkiisa ayaana  jiri doonaa”
Sidoo kale Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa yiri “ Dowladda Soomaaliya  ee Federaalka ah waxa ay sigaar ah isaga xil-saari doontaa inta nool muwaadiniinta oo ah aabayaashii hore ee dalkaan, Inta dhimantayna taariiikhdooda ayaa la raadin doonaa, Inta soo socotana  micno ayey u yeelaneysaa, Dowladda Guddi qaas ah ayey u magacaabi doontaa arrimahaan”
“ Caawa waxaan u joognaa xuska  Marxuum Axmed qeybe, xusuustiisa  si aanu jirsiino mar-walba  waxaan caawa halkaan ka soo jeedinayaa  maadaama Marxuum Axmed Nolashiisa inta badan ku qaatay Diplomacy in  xarunta Wasaarada Arrimaha  Dibadda Soomaaliya loogu magac daray Qeybe, wixii berri ka biloowda magaceeda laga dhigay Qeybe, si dhalinyaradda  dambe ee Soomaaliyeed isku weeydiyaan  Qeybe yuu ahaa  ka dibna Taariikhdiisa iyo waxqabkiisa  u helaan, waa dhaqan cusub oo bilow ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inta la ogyahay in Marxuum Axmed uusan ka tegin wax hanti ah hayeeshee taa baddelkeedu uu ka tegey wax hanti  ka qaalisan kana qiimi badan, wax badana u soo qabtay xili Umadda Soomaaliyeed u baahi qabtay qof nuuciisa oo kala ah.