Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

AMISOM oo ka hadashey shil uu galay mid ka mid ah gawaaridooda

$
0
0


AMISOM oo ka hadashey shil uu galay gaari ay lahaayeen
Muqdisho[RBC Radio]War-qoraal ah oo ka soo baxay Danjiraha ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Maxamed Saalax Annadifi,ayaa lugu faah-faahiyey shil uu galay mid ka mid ah gawaarida ciidamada nabad ilaalinta u jooga dalka ee AMISOM.
Gaarigan ayaa la sheegay inuu shilka galay xilli uu marayey agagaarka Bangiga dhexe ee magaalada Muqdisho saddex cisho ka hor,waxana khasaare ka soo gartay shilkaan labo ruux oo Soomaali ah,kuwaaso geeryooded.
Maxamed Saalax Annadifi Danjiraha ururka Midawga Africa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya,ayaa qoraalka ka soo baxay xafiiskiisa waxaa lugu sheegay inuu xanuunka la wadaagayo ehelada 2 ruux oo Soomaali ah oo ku geeriyooday shilkaas sida uu yiri.
Danjire Maxamed Saalix Annadifi waxaa uu sheegay in 20 kii bishaan December uu gaari nooca ciidamada ah uu agagaarka Bangiga dhexe uu ku jiiray mooto ay saarnaayeen 2 ruux kuwaasoo isla goobta ku geeriyooday waxaana uu tacsi u diray ehelada labadaas ruux.
Sidoo kale qoraalka waxaa lugu sheegay in ciidamada AMISOM ay wadaan baaritano la xiriira sida uu shilka u dhacay,iyadoona su’aallo la waydiinayo dad goob joog u ahaa markuu shilka dhacayay,waxaana sidoo kale qoraalka lugu xaqiijiyey in taliska AMISOM tilaabo qaadi dooni marka baaristu soo dhamaato.
“Aad baan uga naxsanahay shilkaas xumaa runtii qalbigeenu waxaa uu la jiraa ehelada marxuumiinta geeriyootay AMISOM,na raali galin ayay ka bixinaysaa” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka uu soo saaray danjire Maxamed Saalix Annadifi waxaana uu intaa ku daray inay la shaqaynayaan taliska ciidamada illaalada wadooyinka ee Trificada Soomaaliya si kiiskaan looga gun gaaro.
____RBC RadioXafiiska Muqdisho
Use Facebook to Comment on this Post

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Danjire Maxamed Saalax Annadif Oo Ka Tacsiyadeeyay Shilgaari Oo Gawaarida AMISOM Ay Ku Dileen Labo Dhalinyaro Ah

$
0
0

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Saalax Annadiif ayaa ka tacsiyadeeyay shil gaari oo kolonyo gaadiidka AMISOM ah ay ku dileen labo dhalinyaro ah, isagoo sheegay in ay falkaasi ka xunyihiin.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Annadiif ayaa lagu sheegay in shilkaasi gaari uu dhacay 20-kii bishaan, kana dhacay agagaarka bankiga dhexe ee Soomaaliya abaaro 5:45pm ee galabnimo, halkaasi oo kolonyo gaadiidka ciidamada AMISOM ah ay shil kula galeen Mooto ay wateen labo dhalinyaro ah, waxaana shilkaasi durbadiida ku geeriyooday mid ka mid ah labadii dhalinyaro ee gaariga saarnaa, halka wiilka kale isaga oo dhaawac ah uu markii dambe ku geeriyooday isbitaalka.
War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay inay socoto baaritaan dheeri ah oo ku saabsan sida uu falkaasi shilka ah ku dhacay, islamarkaana ay warbaahinta u soo gudbin doonaan wixii ka soo baxa baaritaanka lagu hayo wadihii gaariga shilka kula galay Mootada ay wateen labo dhalinyaro Soomaaliyeed.
“Waxaan aad uga xunnahay shilkaasi ay labada wiil ku geeriyoodeen, qoysaskii ay ka dhasheena arrintaasi murugada leh waan la qeyb saneynaa, oo waan uga tacsiyadeyneynaa falkaasi dhacay,  waxaan markale leeyahay wadayaasha gaadiidka ciidamada AMISOM waxay si dhaw ula shaqeynayaan ciidamada nabadgelyada waddooyinka si looga hortago shilalka nuucaani oo kale ah” ayuu Danjire Annadif war-saxaafadeedkiisu ku daray.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xariga Ka Jaray Xafiiska Laga Qaadanayo Warqadda Dhalashada

$
0
0

Xaruntan maanta uu xariga ka jaray Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa ah Waaxda dad dhigista Dowladda Hoose, halka laga qaadanayo Warqadda dhallashada Muwaadinka Soomaaliya.
Munaasibad Kooban oo xariga looga jarayey xafiiska waaxda dad dhigista Dowladda Hoose, ayaa waxaa ka soo qeyb-galeen Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Afhayeenka gobolka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidammada dowladda Hoose ee Xamar iyo xubno gobolka Banaadir ka Tirsan.
Guddoomiyaha degmada Shangaani Cali Cumar Abuurkar “Cali Xamari” ayaa ku soo dhaweeyey dhammaan mas’uuliyiinta munaasibadda ka soo qeyb-gashay, isagoo ugu hambalyeeyey shacabka gobolka Banaadir, hirgalinta Waaxda dad Dhisgista oo aad ku noqoneysa Muwaadin caddeynaya in uu yahay Soomaali.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyey qaabka lagu heli karo Warqadda dhallashada Muwaadinnimada.
Sidoo Kale  gudddoomiye Tarsan ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya xafiiska Waaxda dad dhigista dowladda Hoose ay dhammaantood yihiin Dhallinyaro lagu soo xushay aqoon iyo Tayo, waxa uu hey’adaha kale ee dowladda kula taliyey in ay tallaabadaasi oo kale qaadaan, si dhallinyarada aqoonyahannada ah uga faa’ideystaan.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ugu dambeyntii xusay in tallaabo walba oo qofka Soomaaliga ah ku doonayo in uu ku sameysto Danihiisa gaarka ah laga doonayo Warqadda dhallashada Soomaaliga.
Maanta ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey warqadda dhallashada muwaadinnimada xubno ka tirsan guddoomiyeyaasha gobolka Banaadir iyo mas’uulyiin kale oo maamulka gobolka Ka mid ah.
Shalay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Daah-furay Nidaamka cusub ee Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha ay wax uga badeshay Baasaboorka Soomaaliga.
 
 
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xafiis dadka lagu muwaadineynayo oo Xamar laga furay (SAWIRO)

$
0
0

New E-Passport Will Help Secure Somalia’s Borders, Says President‏

$
0
0

His Excellency President Hassan Sheikh Mohamud today launched Somalia’s new e-passport, hailing it as an important step for national and international security. The President said: “Now that we are well on the road to recovery after two decades of war ...
Weblinks: 

//-->

Ergeyga Qaramada Midoobay U Qaabilsan Soomaaliya Oo Mar Kale Ku Baaqay Doorasho Hufan Oo Ka Dhacda Puntland

$
0
0

Muqdisho, 24 December 2013 – Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG), Nicholas Kay, ayaa mar kale ku baaqay doorasho dhacda waqtigii loogu talagalay iyo geeddi-socod siyaasadeed ee lagama maarmaan ay tahay in lagu gaaro baarlamaan cusub oo ay Puntland yeelato sannadkan iyo doorasho madaxweyne oo dhacda 8da January 2014.
“Iyadoo ay doorashu soo dhowaanayso, murankan siyaasadeedna uu noqonayo mid sidii hore ka sii kulul, waxaan ugu baaqayaa dhammaan musharaxiinta iyo dadka ay arrintu khuseyso, gaar ahaan odey dhaqameedyada soo jireenka ah, inay wada shaqeeyaan diyaarna u ahaadaan in mararka qaarkood ay isu tanaasulaan oo meel dhexe isugu yimaadaan, haba ku adkaatee,” ayuu yiri Md. Kay. “UNSOM wuxuu taageeray dadaalka loogu jiro dhexdhexaadinta iyo wadatashiga tan iyo inta uu socday geeddi-socodka, anigana waxaan weli rajeynayaa in musharaxiinta dhammaantoodu ay u heellanyihiin doorasho nabad ah oo hufan.”
Md. Kay wuxuu dhammaan dadka ay arrintu khuseyso ku dhiirigeliyay inay iskaashi buuxa la yeeshaan Taliyaha Ciidaanka Daraawiishta Puntland, Janaraal Saciid Maxamed Xirsi Dheere, oo ka mas’uul ah amaanka doorashada, wuxuuna ku booriyay dhammaan musharaxiinta inay u ololeeyaan si nabad ah si loo taageero doorasho nabad ah.
Sidoo kale, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in lagama maarmaan ay tahay in dhammaan musharaxiinta madaxweynenimo loo dammaanadqaado inay si xor ah ay u socon karaan, dadkoodana u ururin karaan, amaankooda la sugo, ayna si sinaan ah ay ku heli karaan warbaahinta.
“Waxaan sii wadi doonaa inaan dhacdooyinka si dhow ula socdo, waxaana bixin doonaa dadaal kasta oo aan karo si aan gacan uga geysto in Puntland ay hesho doorasho xor ah, oo caddaalad ah, oo loo wada dhanyahay, iyo geeddi-socod nabad ah,” ayuu raaciyay.
-Dhamaad-
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Mooshinkii Isbedel Ku Sameynta Gudiyada Joogtada Ah Ee Baarlamaanka Oo Meel Mari Waayay

$
0
0

Xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod u qaaday mooshin ay mudanayaasha qaar kusoo jeediyeen in isbedel sanadkiiba mar lagu sameeyo guddoomiyaasha gudiyada joogtada ah ee baarlamaanka, kuwaasi oo diiday dhaqangelinta xeerkaasi.
Kulankii shirka oo uu u furay guddoomiye kuxigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur iikar ayaa xildhibaannada u sharxay ajandaha kulanka ee maanta oo ku saabsanaa in la ii ambo qaado dooda la xiriirta mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo ahaa in la muddeeyo xilka gudiyada joogta ah ee baarlamaanka.
Dooda inta aan gelin doodii shalay waxa dhined afar xildhibaab
Xildhibaannad ayaa guda galay ka doodista iyo aragti ka dhiibashada mooshinkaan ,iyadoo doodda kadib ay xildhibaannadu gudo galeen u qaadida mooshinka cod gacan taag ah si mooshinkaan uu u meelmaro si loogu kordhiyo xeer hoosaadka baarlamaanka.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo codeynta kadib ku dhawaaqay natiijada xildhibaanada codeysay ayaa sheegay in ay u codeysay 133 mudane, ayna jiraan xildhibaano aan cod siinin.
“Tirada guud ee xildhibaannada u codeysay mooshinkaan ayaa ah 133 mudane, iyadoo 10 mudane aan codkooda dhiibanin, taasi oo tirada guud ay ka dhigtantahay 143 mudane,  waxaa ogolaaday in mooshinkaasi lagu kordhiyo xeer hoosaadka 21, waxaa diiday 88, waxaana ka aamustay 24, tirade guud ee codeysay waa 133 mudane, sidaa daraadeed sida uu qabo qodobka 84aad ee xeer hoosaadka baarlaamaanka mooshinkaan meel mar ma ahan” ayuu guddoomiyaha hadalkiisa ku daray.
Maalinta berito oo arbaco ah ay mudanayaasha ka dodi doonaan habka nidaamka axsaabta dalka, oo guddoonka baarlamaanka kal hore u iclaamiyay in nidaamka axsaabta laga dooni doono si sanadka 2016ka dalka laga hirgeliyo doorasho xor ah oo ay ka qeyb qaadan karaan dhamaan nidaamka axsaabta.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maamulka Degmada Heliwaa Oo Ka Digay In La Dhisto Wadada Hareeraheeda

$
0
0

Guddoomiyaha degmada Heliwaa Cumar C/lle Axmed Cumar Jacfaan oo kormeer howled oo uu ku tegay xaafado ka mid ah degmadaasi oo ay ka socotay howlo dhir jaris iyo dib u balaarin waddooyinka xaafadaha degmada ayaa sheegay in maamulkaasi aanu ogolaan doonin dhismaha waddooyinka dhexmara xaafadaha degmadaasi.
Guddoomiyaha oo kormeekiisu ku wehliyo Agaasimaha waaxda bulaacadaha ee maamulka Gobolka Salaad Sheekh Xuseen ayaa waxa ay u jeedkiisu ahayd sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen howlaha dib bilicda loogu soo celinayo degmada Heliwaa, iyadoo howshaasi ay ka qayb qaadanayeen gawaarida cagaf cagafta iyo kuwa carrada qaada, taasi oo ay gacan ka geysanayeen dadka deegaanka.
Cumar C/lle Axmed Cumar Jacfaan guddoomiyaha degmada Heliwaa oo saxaafadda la hadlayay kormeesiisa kadib ayaa sheegay in howlaha bilic soo celinta degmada ay tahay mid lagu doonayo in dhirta lagu jaro, islamarkaana la bur buriyo dhismayaasha sharci darrada ah ee ku yaalla wadada hareeraheeda.
Dhanka kale guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay dib ugu soo laabtaaan guryahooda oo uu xusay in maleeshiyaadka shabaab laga sifeeyay xaafadaha degmada Heliwaa
Agaasimaha bulaacadaha ee maamulka Gobolka Gobolka Banaadir Salaad Sheekh Xuseen oo isna goobta ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka in laga wada qeyb qaato ololaha dib bilicdii loogu soo celinayo Degmooyinka Gobolka Banaadir
 
 
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Kulan looga hadli doono sida haweenka Soomaaliyeed ay qayb uga noqon karaan hogaanka siyaasada dalka oo lagu qabtay Muqdisho

$
0
0

Kulan socon doona mudo 7 maalmood ah oo looga hadlayo sida ay haweenka Soomaaliyeed qeyb uga noqonkaraan hogaaminta Siyaasadda dalka ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa isugu yimid Ururrada Haweenka Soomaaliyeed ee gobollada dalka ku dhaqan, waxaana looga hadlayaa xal u helidda Hoggaanka Siyaasadda dalka iyo caqabada ka hor taagan sidii meesha looga saari, iyadoo wadatashi ay yeelan doonaan maalmaha kulammada.
Daahfurka kulankii ugu  horreeyey ee maanta waxaa ka soo qeyb galay Haweenka Soomaaliyeed oo qaarkooda ka yimid gobollada Puntland, Agaasimaha guud ee horumarinta Haweenka iyo Qoyska ee Wasaaradda Horumarinta Adeegga Bulshada, Maxamed Cumar, mas’uuliyiin ka socotay Ururrada Bulshada Rayidka iyo saraakiil Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ka socotay
Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yare” oo ah Guddoomiyaha isbaheysiga Ururrada Bulshada ayaa sharraxaad ka bixisay u jeeddada kulammadan wadatashi ah ee haweenku ay uga arrinsanayaan ka qeyb-galka hoggaanka siyaasadda, iyadoo sheegtay in arrimaha ugu muhiimsan ay yihiin in Haweenka Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la dhisi doona doorka ay Haweenka ku lahaan doonaan la muujiyo.
Kulanka ayaa waxaa khubado ka jeediyey xubno kale oo ku sugnaa oo ay ka mid tahay Drs Caasho oo cudurrada haweenka qaabilsan, sidoo kale kulanka inta uu socday waxaa Qadka Telfoonka uga qeyb-galay qaar ka mid ah Ururrada Haweenka Puntland oo aysan u suurtagelin maanta in Muqdisho ay soo gaaraan, waxeyna soo dhaweeyeen wada tashiyada Haweenka ee ka qeyb-galka hoggaanka siyaasadda dalka.
C/laahi Shirwac oo ah Guddoomiyaha talladda Jaliyeyaasha aan dowliga aheyn, ayaa sheegay in xalka uu yahay in wadatashiyada ay Haweenku xoojiyaan, islamarkaana ay hirgalinayaan.
Ugu dambeyntii Agaasimaha guud ee horumarinta Haweenka iyo Qoyska ee Wasaaradda horumarinta Adeegga Bulshada Maxamed Cumar ayaa sheegay in ay jiraan Haween aqoonyahanno ah, loona baahan yahay in midnimada la xoojiyo, si xal  ugu noqoto doorka ay siyaasadda dalka ku leeyihiin.
Kulammada oo soconaya Lixda maalmood ee soo socota ayaa ahaan doona kuwa furan, iyadoo qeybtii dambe ee kulanka ay Fanaanadda Hiba Nuura ku soo bandhigtay Heeso boggaadin ah, doodaha ay sameyn doonaan haweenka kulammada ka qeyb-galaya ayaa ka hadli doona qodobbo ay ka mid yihiin sidii Haweenka Puntland ay u heli lahaayeen kaalintooda siyaasadeed, maadaama ay socoto ololihii doorashada madaxtinimada maamulkaasi iyo arrimo kale
 
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Baarlamaanka oo Codka Kalsoonida u qaaday Guddiyada Baarlamaanka

$
0
0

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa kulankii maanta Xarunta Golaha Shacabka ay ku yeesheen waxa ay uga doodeen Mooshin uu guddiga Xeer Hoosaadka Baarlamaanku uu ka keenay Guddoomiyaasha Guddiyada Jootada ah ee Baarlamaanka iyadoona ugu dambeyntii Guddoomiyaha Baarlamanka ka codsaday Xildhibaanada in Cod gacan taag ah loo qaado Mooshinkaan laga  keenay Guddiyada Baarlamaanka.
134 Mudane  oo ka qeyb qaatay Codeynta Mooshinkaan ayaa 88 Mudane oo ka mid ah waxa ay ka soo horjeesteen in Mooshinkaan uu gudbo halka 21 ay ogolaatay islamarkaana 24 kale ay ka aamustay waxaana Natiijada kama dambeysta ah intaasi kadib ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed Sheekh Cismaan Jawaari.
Dhanka kale Xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf oo Maanta Saxaafadda Shir Jara’id ugu qabtay Gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu cadaalad darro ku eedeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir , waxaana isagoo arrimhaasi ka hadlaya uu sheegay in ay arkeen shacab badan oo ka cabanaya in Guryahooda si cadaalad darro ah looga xukumay , waxaana  baaq ugu jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’isal Wasaaraha Cusub dhibaatada Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku heyso Bulshada Soomaaliyeeda.
Si kastaba Kulanka Maanta Xildhibaanadu ay ku yeesheen Golaha Shacabka Muqdisho ayaa qeyb ka ah Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka oo Maalmihii dambe si dar dar leh ay ku socdeen kulamadiisa.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

AMISOM troops deployed in some districts of the lower Shabelle region following a prolonged inter clan fightings

$
0
0

Afgooye (Sh M Network)– AMISOM peacekeeping troops have been deployed in some districts and divisions that fall under the lower Shabelle region after a prolonged inter clan fighting’s in the lower Shabelle region for the past few days.
The 2 rival clans who have been fighting for the past months have been separated and intervened by the AMISOM troops by locating them at two divisions El-Jaale  and Arbiska which fall under the lower Shabelle region.
The news has been confirmed to Shabelle  by Abdullahi Omar Abshir who is currently  serving in the Somali federal Gov’t.
The two rival clans have been fighting at lambar Konton residency for the past month and extended to other districts in the the volatile Lower Shabelle region.
By:O.A.Osman
Email:omary878@hotmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

EU To Lead International Counter-Piracy Efforts Off Somalia In 2014

$
0
0

The European Union will assume the chairmanship of the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS) for a year from the 1st of January 2014, it was announced Monday.
An EU statement announcing the development said the Contact Group will be chaired on behalf of the European bloc by Maciej Popowski, Deputy Secretary General of the European External Action Service (EEAS).
The chairmanship of the Contact Group is a joint endeavor of the EEAS and the European Commission and will continue the work carried out in 2013 under the chairmanship of the United States.
Noting that the number of hostages has gone down from more than 700 in 2011 to around 50 today, the European Union reiterated its strong commitment to bringing “this number down to zero: zero ships and zero seafarers in the hands of Somali pirates.”
“Pirate attacks over the past year have dropped by 95%, but the fight against piracy is not yet won. It is vital that the international community continues to work together to stamp out piracy and consolidate the gains we have already made,” EU foreign policy chief Catherine Ashton was quoted as saying in the statement.
The European bloc said it is looking forward to working with all stakeholders in the region and with the international community to bring the fight against Somali piracy to an end. The intent reflects the strategic framework and broader objectives set out during the Conference on a New Deal for Somalia in Brussels on 16 September 2013.
“The eradication of piracy will only be achieved on Somali soil and by the Somali people but the international community needs to keep focus and maintain momentum. As chair of the CGPCS the EU will not lose sight of the humanitarian cost of piracy. Hijacked crews and seafarers that have been taken hostage have suffered the most,” the statement added.
The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS) was established on 14 January 2009 pursuant to UN Security Council Resolution 1851 (2008) to facilitate the coordination of actions among more than 60 states and organizations to fight piracy off the coast of Somalia.
Since its creation, the CGPCS through increased coordination and information sharing among states, private sector (e.g. shipping industry, insurance companies) and non-governmental organizations has contributed to a marked reduction in the number of pirate attacks and hijackings.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

VIDEO: Muqdisho Maanta waa Sidan?

$
0
0

Caasimada Online: Kunanaan Shacabka reer Muqdisho ayaa isugu yimid Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxeeyna doonayaan in ay muujiyaan Dareenkooda ku aadan rabitaanka & sida ay u doonayaa Dowladnimo.
Ma aamineeysid in Shacab intaa la eg ay isugu yimaadaan Degmo ka mid ah Gobolka banaadir ee Magaalada Muqdisho waxeeyna taasi ku tusineysaa in Wadanka Nabadd & Nolol uu galay ee nala daawo adaa qiiroon doonee…HALKAAN KA DAAWO:
 
 
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

South Sudan: Will It Turn Into Another Somalia?

$
0
0

Two and a half million people died before South Sudan, the world's youngest nation, became independent in July 2011. But in just one week, fighting spread among former liberation leaders, thrusting the country into the cusp of a civil war.
Weblinks: 

//-->

Somalia: European Union to Lead International Counter Piracy Efforts in 2014

$
0
0

From the 1st of January 2014 the European Union will assume for one year the chairmanship of the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS) with Maciej Popowski, Deputy Secretary General of the European External Action Service (EEAS) as EU ...
Weblinks: 

//-->


Qaar ka mid ah xildhibaanada Puntland ee ka imaan lahaa gobollada Sool iyo Cayn oo la saxiixay

$
0
0


Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
Taleex[RBC Radio]Waxaa la saxiixay xubnihii ka mid noqon lahaa xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland ee gobollada Sool iyo Cayn.
Ilaa 10-xildhibaan ayaa la sheegay in issimada gobolladaasi ay soo saxiixen kuwaaso qeyb ka noqon doonna tiro xildhibaano ah ee  laga sugayey gobollada.
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah issimada waa wayn ee gobollada Sool iyo Cayn ayaa warbaahinta u sheegay  in uu saxiixay ilaa 10 Xildhibaan oo gobolladaas u meteli doono baarlamanka cusub ee Puntland.
“Waxaan soo saxiixay oo an soo gudbinaya 10-xildhibaan oo ka  iman doonna dadka aan isinka u ahay,waxaana rajeynaya inay dhawaan soo dhameystirmi doonan dhamaanba xildhibaanada la sugayo ee ka mid noqon doonna baarlamaanka cusub ee Puntland”ayuu yiri Garaad Saleebaan oo ka mid ah issimada soo jireenka ah ee gobollada Sool iyo Cayn.
Waxaa uu inta ku daray garaadku,mar wax laa waydiiyey  in issimada waa wayn ee gobolladaasi ay diideen inay xildhibaano u diraan Puntland, waxaana uu soo hadal qaaday  in uusan arrintaas waxba kala socon isla markaasna uu si buuxda u saxiixay mudanayaal meteli doono baarlamanka.
Garaad Saleebaan waxaa uu soo hadal qaaday   in loo baahan yahay xilligan in la dhowro jiritaanka iyo midnimada Puntland, isagoo ugu baaqay waxyaabaha la isku hayo in xal buuxa laga gaaro si looga fogaado bur bur  iyo amni xumo.
“Waxaa muhiim ah oo loo bahan yahay in  in la dhowro jiritaanka iyo midnimada Puntland,waxaana ku baaqaya in waxyaabaha la isku hayo in xal buuxa laga gaaro si looga fogaado bur bur  iyo amni xumo”ayuu ku daray hadalkiisa garaadka Saleebaan.
Hadalka garaadka waxaa uu ku soo aadaya xilli gobollada Sool iyo Cayn  weli laga sugayaa xildhibaanadii u meteli lahaa baarlamanka cusub ee Puntland,waxaana jirta in marar hore war ka soo baxay qar ka mid ah issimada gobollada ay ku cel celiyeen inan laga sugin xildhibaano ka mid noqda baarlamaanka Puntland.
_________RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dowladda oo xaqiijisay inay dad Somali ah ku geeriyoodeen Konfurta Sudan

$
0
0

Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa waxa ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay dib u soo ceshatay kaalintii  ay ka qaadan jirtay nabadeynta iyo xal u helidda dhibaatooyinka dunida si gaar ah qaaradda Afrika .
H.E. Fawzia Yusuf H. Adam, oo maanta dib ugu soo laabatay  Magaalada Muqdisho kadib markii iyada iyo Wasiirada Arrimaha dibadda wadamada ku mideysan Urur goboleedka “IGAD” ay howlo dhex dhexaadin ah u tageen Magaalada Juba ee caasimadda South Sudan todobaadkii hore , halkaas oo ay xabad joojin ku kala dhex dhigeen dhinacyada dowladda iyo mucaaradka oo dagaalo dhiig badan ku daatay halkaasi ku dhexmaray .
Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay xaqiijisay ilaa iyo laba muwaadin oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen colaada wadankaasi curdanka ah ka soo cusboonaatay ,halka 120 ruux oo kale ay galeen saldhig xoogag nabad ilaalineed oo tira yar oo Qaramada midoobey ka tirsan ay ku leeyihiin wadankaasi , si ay uga badbaadaan dagaalada culus ee weli ka soconaya qeybo kala duwan oo wadankaasi ka tirsan .
Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa ammaantay saraakiisha ka howlgasha Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Juba oo ay ku tilmaantay kuwa u firfircoon shaqada qaran ee loo igmaday , waxa ayna tilmaamtay in Wasiirada Arrimaha Dibadda  wadamada soohdinta la leh South Sudan ee xubinta ka ah “IGAD” ay kula heshiisay fududeynta socdaalka Soomaalida ka carareysa dagaalada wadankaasi , iyadoo muujisay in Soomaalida ganacsiga ku leh Caasimadda Juba ay ka nabdoon yihiin kuwa kale ee ku go’doonsan , kuna dhibaateysan Magaalada Bor ee Xarunta gobolka Jonglei  .
H.E. Fawzia Yusuf H. Adam ayaa mudadii ay joogtay Magaalada Juba , waxa ay kulamo kala duwan la kala yeelatay Madaxweynaha dalkaasi Salva Kiir Mayardit iyo Rebecca Garang oo ah xaaska John Garang hogaamiyihii geeriyooday ee kooxdii hore ee falaagada ee loo yiqiinay SPLM ,waxaana kulamadaasi ay qeyb ka ahaayeen xal u raadinta dagaalada ka aloosan dalkaasi.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Culumada Puntland oo ugu baaqay xubnaha Baarlamaanka Puntland inay ka fogaadaan musuqmaasuq iyo nin jeclaysi

$
0
0

Culumaa’uddiinka Puntland ayaa xilligan bilaabay barnaamijyo wacyi-gelin ah oo ay ku doonayan sidii ay Puntland uga dhici lahayd doorasho nabdoon oo lugu wada qanco, waxaa ka billowday masjidka Xaaji Cali ee magaalada Garoowe nadwo  diini ah oo ay soo qabanqaabiyeen culmaa’uddiinka magaaladaas, waxaana kasoo qayb-galay qeybaha kala duwan ee bulshada.
Hadalo ay jeediyeen culumaa’udiinka waxaa ay kusoo qaadeen ahmiyadda nabadgalyada iyo faa’iidada maamulku u leeyahay mustaqbalka ummadda, iyagoo si wadajir ah ugu baaqay in dhexda loo xirto sidii doorashada ka dhici doonta Puntland u noqon lahayd mid nabdoon, culummadii ka hadashay arrimaha la xiriira doorashada sanadka cusub ka dhacusa Puntland, waxaa ka mid ahaa, Sheekh C/qani Qorane Maxamuud, wuxuuna hadalkiisa kusoo qaaday faarriin uu u diray xildhibaannada ka mid noqonaya baarlamaanka cusub ee Puntalnd, isagoona ugu baaqay inay ka fogaadaan musuq-maasuq iyo nin jeclaysi.
“Halkan waxaan farriin u marsiinayaa walaalaheena ka mid noqon doona baarlamaanka soo socda ee dhawaan la magacaabayo, waxaad tihiin wakiil shacabka, waxaa la idin kaga baahanyahay dantiina inaad ka hormarisaan tan shacabka oo ad u joogtan miiqamka la idin doortay, waxaana idin kugu baaqayaa oo an idinka codsanayaa inaad ka fogaataan musuq-maasuq iyo nin jeclaysi, qofka aad u soo magacaabaysaan talada shacabka ha noqdo mid kasoo bixi kara oo ay daacad ka tahay” ayuu yiri Sheekh C/qani oo baaq u dirayay xubnaha Baarlamaanka cusub ee Puntland.
Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday Sheekhu in sababaha uu dalka ugu bixi waayey dhibaatooyinka ay tahay musuqmaasuq ku baahsaan guud ahaan dalka, sidaas darteedna loo baahan yahay in Alle loo noqdo oo xilli kasta la muujiyo cabsiga iyo in adduunkan laga tagayo, wuxuuna intaa ku daray in dadweynaha Puntland si wadajir ah u ilaaliyaan nabadda iyo xasilloonida.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Wafdigii uu hogaaminayey wasiirka gaashaandhigga oo kulamo amni xaqiijin ah Janaale kula qaatay saraakiil ciidan oo…

$
0
0

Wafdigii uu hogaaminayey wasiirka difaaca ee Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo isugu jira Xildhibaano iyo odoyaal dhaqameed ayaa shalay degmada Janaale ee gobolka shabeelaha hoose kulamo kula qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Wasiirka difaaca Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo u waramay warbaahinta ayaa sheegay in kulama ay la qaateen saraakiisha ciidamada iyo Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM uu u jeedkiisu ahaa sidii ugu kuurgelilahaayeen xaaladda amniga iyo tan bulshada ee halkasi ka jirta, waxaana uu intaa ku daray in kulankooda uu guul ku soo dhawaamay.
“Ciidamada halkaas jooga waxay yihiin kuwa u taagan gudashada waajibaadkooda, anagana si aad ah ayaan u qiimeynay habdhaqankooda, runtii waxaan isleeyahay waa ciidan u taagan inay dalka ka xureeyaan Al-shabaab-ka ku dhuumaaleysanaya qeybo yar oo gobolka ka tirsan” ayuu yiri wasiir C/xakiin.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegay inay meelwanaagsan u mareyso waanwaantii ay u tegeen gobolka, isagoo xusay in maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay gobolkaasi lakala qaaday, wuxuuna yiri “Labadii maleeshiyo beeleedyo waan kala qaadnay si KMG ah ayaan meelo  u kala dejinay, waxaa noo qorsheysan inaan tababar u fidino maleeshiyaadka si ay qeyb uga noqdaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya”.
Wafdiga uu hogaaminayo Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi Wasiirka difaaca ee dalka ayaa la filayaa inay sii wadaan howlaha kormeer ay ku sameynayaan deegaano hoostaga gobolka shabeelaha hoose, halkaasi oo ay ugu kuurgalayaan xaaladaha amni iyo tan bulsho ee halkaasi ka jirta.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Faahfaahin dheeri ah oo ka soo baxaysa dagaalo faraha looga gubtay oo ka dhacay gobolka Gedo

$
0
0

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa Dagaalo ka dhacay deegaano u dhow degmada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo kuwaasoo gaystay khasaarooyin iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, ugu yaraan 1 Askari ayaa ku dhitay 2 kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin deegaanno ku yaalla y duleedka Magaalada Gabahaarey ee xarunta gobolka Gedo.
Guddoomiyaha degmada Garbahaareey Iimaan Cadow Kaarshe oo la hadlay qaar kamid ah warbaahinta ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid Culus islamarkaan la isku adeegsan hubka nuucyadiisa kala duwan taasi oo dhalisay khasaare kala duwan oo dhinacyada kala gaaray sida uu yiri.
Dagaalkaasi ayaa waxa uu qeyb ka yahay kuwa inta badan Ururka Al Shabaab ay ku qaadaan Saldhiga Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku leeyihiin Degaano iyo Degmooyin hoostaga gobolada ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda soomaaliya iyo kuwa AMISOM kuwaas oo dagaal kula jira ciidamada xarakada Alshabaab oo wali ka taliya gobolo badan oo ku yaalla koofurta iyo bartamaha dalka soomaaliya.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live