Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Diyaarado dagaal oo duqeeyey fariisimo Al shabaab ku lahaayeen Deegaan ka tirsan Degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo

$
0
0

Wararka laga helayo Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maanta Diyaarado dagaal oo aan la ogayn dalka laga leeyahay  ay duqeeyeen saldhigyo Al shabaabku ku leeyihiin deegaano ka tirsan   degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo
Deegaanka la duqeeyey ayaa la sheegay in la yiraa Birta Dheer oo 18KM oo dhinaca Koonfur ka xiga Magaalada Garbahaareey halkaasoo Saldhig u ahayd Al Shabaab, ma jiro wax faafaahin dheeraad oo ka soo baxay duqaymahaasi iyo qasaaraha ay geysteenba.
Dad deegaanka ah ayaa shabelle u sheegay in ay maqlayeen dhawaaq aad u culus balse aanay xaqiijin karin qasaaraha halkaasi ka dhashay.
Sh. Isaaq Xuseen Mursal oo ah Xoghayaha Gaashaandhiga ee Ahlu Sunna wal Jamaaca ee Koonfur Soomaaliya ayaa shabelle dhinaciisa uga Xaqiijiyey Duqaymahaasi diyaaradeed ee lala beegsaday saldhigyada Shabaab, wuxuuna sheegay inay jiraan Qasaare balaaran  soo gaaray shabaabka, hasa yeeshee ma sheegin inta uu la eg yahay qasaarahaasi, wuxuuna intaa ku daray inay dib ka soo sheegi doonaan wixii halkaa ka dhacay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al shabaab oo ku aadan duqaymahaasi.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


AU: We will hand over security to the federal Gov’t by 2016

$
0
0

Mogadishu (Sh M Network) — Ambassador Mohamed Saleh Annadif the Representative of the African Union commission for Somalia and Head of AMISOM mission held a press conference today in Mogadishu whereby he addressed the overall situation in Somalia  wishing all Somalis peace and stability in this new year .
The Ambassador stated that the AMISOM troops will hand over the overall security to the Somali Government by 2016 during the press conference.
Ambassador Mohamed Saleh Annadif added that they are expecting to free all parts of Somalia by 2016 to enable all Somali’s to cast their votes and elect their leaders in a free and fair manner.
He added that AMISOM troops will not be staying in the country after the proposed elections and he expects the new president, prime minister and Somali forces to take full control of the country after the elections.
On the other hand, Mr. Annadif termed yesterday’s Puntland elections as a new development for Somalia stating that it is a sign that all Somali’s are ready for democracy.
Annaadif has finally said that he is very pleased with the current Prime Minister’s intentions to appoint a quality cabinet that will lead to peace and prosperity in the SomaliaBy:O.A.Osmanomary878@gmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maxaa Hakiyay Horumarkii TV-ga Qaranka SLNTV

$
0
0

TV-ga Somaliland ee lagala socdo daafaha dunidu, wuxuu sameeyay horumar muuqda markii xukuumadda imika joogta talada la wareegtay. Waxay ahayd tallaabo horumar ah oo aad loo soo dhaweeyay aadna loo amaanay. Horumarku kuma koobnayn oo qudha in laga heli karo internetka, balse waxa soo raaca in qiimaynta iyo ixtiraamka daawadeyaasha kor loo qaado lana ilaaliyo sharafta TV-ga qaranka maadaama xiliyadii hore laga sii dayn jiray hadallo anshaxa baalmarsan. Ha yeeshee waxa jiray goldoloolooyin u muuqday daawadeyaasha caalamka ku kala nool, kuwaas oo ku rajo weynaa in goldoloolooyinkaas laga gudbi doonno muddo yar kadib iyada oo intii hore lagu jiray dhismaha iyo fidinta baahinta iyo tayaynta barnaamijyada.
Imika oo xukuumaddu talada haysay saddex sannadood iyo badh, waxa muuqda in horumarkaasi noqday mid aan soo dhaafin laba-sannadood iyo badhkii hore ee xukuumaddu jirtay. Intii dambe waxaad mooddaa in xukuumaddu dhankeeda ka mashquushay, maamulka TV-guna isku qanciyay in la gaadhay halkii la doonayay ee buurta fiiqeeda. Mise aragtidii iyo qorshihii maamulka TV-gu meesha la yimid ayaanba intaa soo dhaafin? Cabashooyinka TV-ga qaran laga sheegayaa qaar kamid ahi waa kuwo siyaasadaysan, balse xukuumaddu inay indhaha ka qarsato dhagahana ka furaysato dhalliilaha dhabta ah ee wax toosinta ah ma aha. TV-ga qaranku wuxuu u baahanyahay toosin iyo dibu habayn hor leh, waxana uu khatar ugu jiraa in horumarkiisii la joogsaday dhamaadkii sannadka 2012. Horumarka TV-gu sameeyay sannadkii 2013 wuxuu ahaa mid kooban oo hoos uga dhacay sannadihii ka horreeyay.
 TV-ga qaranku ma gaadhsiisanyahay meeshii ballantu ahayd?
Ballantu waxay tahay in TV-ga qaranku ku jiro horumarin aan kala go’ lahayn (tayayn, tababar, aqoon korodhsi, inuu xidhiidh la yeesho daawadeyaasha oo uu raadiyo fikirkooda). Dhinaca kale daawaduhu wuxuu TV-ga ku qiimaynayaa marka uu barbardhigo TV-yada kale ee caalamka iyaga oo garawshiyo ka bixinaya miisaaniyadda TV-ga lagu bixiyo. Balse waxa aan garawshiyo laga siin karin goldoloolooyin wax laga qaban karayay oo soo jireen ah imikana u eg in aan muhimaddii ay lahaayeen aan la siinin amaba aanay jirin dabagalkii laga filayay madaxda xukuumadda u qaabilsan TV-ga ee ay kula xisaabtami lahaayeen maamulka gacanta ku haya TV-ga qaranka. Waxa aan maamulku garawshiyo ka helayn in TV-gani yahay mid qaran 3 milyan ahi sheegto, miisaaniyaddiisana uu qabo, qarankaasina uu filayo in TV-gu ka qaybqaato iibgaynta qaddiyadda Somaliland. Waxa TV laga filayo in caalamka looga tebiyo in Somaliland tahay dal nabad ah, maamulkiisa, astaamihiisa qaran iyo taariikhdiisaba leh oo ka madax bannaan Somalia. Waa inay jiraan barnaamijyo iyo warar aad looga soo shaqeeyay oo joogto ugu baxa Afka Ingiriisiga oo dadka ajanabiga iyo jaarkeenaba ku ku qancin kara xaqa dalkani u leeyahay inuu ka mid noqdo dawlahada caalamka. Horumarka la filayay sannadkii inna dhaafay waxa ka mid ahaa in ugu yaraan laba channel la sameeyo kuwaas oo ku kala takhasusa barnaamijyada kala duwan matalan mid ay ka baxaan barnaamijyo Afka Ingiriisiga ah oo lagu xoogaynayo barashada Somaliland, mid u badan tacliinta iyo wacyi gelinta muwaadiniinta iyo xoojinta nabadda gudaha. Waxa la filayay in la dayactiro tayo xumada iyo goldoloolooyinka muuqda ee wakhtigii la eegan kari lahaa la soo dhaafay. Ma waxaan jirin xidhiidh ka dhexeeya daawadeyaasha iyo maamulka TV-ga, oo maamulku ku ogaan karo goldoloolooyinkaas? Ma waxaan jirin cid xukuumadda u sheegta gaabiska sannadkii ugu dambeeyay la soo dersay TV-ga? Mise maamulku wuu ogyahaye waxaanuu haynin xal uu kaga jawaabo codsiyada daawadeyaasha?
 Haddii farta lagu fiiqo meelaha tayo xumadu ka muuqato oo aan u baahnayn miisaaniyad culus:
 (A) Barista iyo Iibgeynta Qaddiyadda Somaliland

  1. TV-ga qaranku ma laha, haba yaraadaane, barnaamijyo ku wajahan caalamka oo ka dhaadhicin kara ama ku qancin kara shakhsiga ajanabiga ah taariikhda Somaliland, dimoqraadiyadda iyo nabadda ka jirta dalka, wanaagga dadka reer Somaliland iyo xaqa ay Somaliland u leedahay madaxbannaanideeda.
  2. TV-ga oo laga baadho box-ka ShavaTV, SLNTV wuxuu ku hoos jiraa Africa/Somalia oo ku xardhan calankii Somalia. Marka aad hoos u gasho waxa SLNTV ay ku sunteen “Somalialand”. Halka Africa/Somalia waa in loo beddelaa Africa/Somali iyo map-ka qaaradda Africa waayo waxaynu sheeganaynaa inaan nahay dal ka madax bannaan Somalia. Halka Somalialand ahna waa in lagu saxaa Somaliland. Taas waxa ka gaabiyay maamulka TV-ga.

 (B) Barnaamijyada

  1. Wararka ka warramaya dhacdooyinka caalamka ee ku baxa Afka Ingiriisiga, ha la joojiyo. Looma baahna in TV-gu dadka ajanabiga ah uga warramo mudaharaad ka dhacay Kiev, Ukraine ama muran siyaasadeed oo ka oogan Bangkok, Thailand iyada oo aynaan waxba uga sheegin dalkeenna, qaddiyaddeena iyo taariikhdeenna. Haddii miisaaniyaddu koobantahay saacadaha qaaliga ah ee war dunida shishe ka dhacay lagu luminayo waxa beddelkeedii laga rabaa warar iyo barnaamijyo qarankeenna dani ugu jirto oo ku saabsan Somaliland oo dadkaas ajanabiga ahi wax kaga baran karaan dalkeenna. Wararka dunida kuwii ku takhasusayay ee Al-Jazeera iyo BBC ahaa ayaa buuxa mana jirto sabab qofka ajanabiga ahi warkii caalamka oo tayadiisu liidato ugu soo doonanayo SLNTV.
  2. Barnaamijyada oo aan lahayn jadwal (TV guide, listings or schedule) ay dadku ugu soo hagaagaan kuwa ay xiiseeyaan. Websiteka SLNTV kama helaysid xog ku saabsan barnaamijyada rasmiga uga baxa TV-ga, wakhtiyada ay ka baxaan, ujeeddooyinka laga leeyahay barnaamijkaas, iyo habkii feedback loogu samayn lahaa. Daawadeyaasha oo aan waxba laga waydiin barnaamijyada fadhiidka ah ee u baahan in laga reebo TV-ga iyo kuwa xiisaha badan oo ay tahay in la kobciyo, waxay markhaati ka tahay xidhiidh furka labada dhinac ee SLNTV iyo daawadaha.
  3. Bogga hore ee websiteka SLNTV oo kugu soo daynaya livestream iskii isu bilaabaya (autoplay). Haddii aad library joogto waxa mar qudha samada ka qaylinaya video isagu iskii isu bilaabay.
  4. Barnaamijyada rasmiga ah (joogtada ah) oo kooban
  5. Barnaamijyada laga soo daayo oo diyaarintooda ay ka muuqato qorshe iyo daraasad la’aan oo aad mooddo in saacado gudahood si iga-gee ah loo diyaariyay, isla markaana aan lahayn tifaftiris lagaga saaro khaladaadka.
  6. Shaqaalihii oo tiradoodu badan tahay, isma qabato in warka bilow-ilaa-dhamaad qof qudha uu soo tebiyo isaga oo ah kii istudiyooga fadhiyay iyo kii istudiyooga dibaddiisa ka soo hadlayay oo aan qof kale ku tarraxin. Waxay taasi hoosta ka xariiqaysaa tayada liidata ee wararka laga soo daayo TV-ga qudha ee dalku leeyahay. Waxay ku tusaysaa inaanay jirin qababqaabo, wadashaqayn iyo tayo shaqaaluhu leeyihiin waana masuuliyadda maamulka.
  7. Tifatiris la’aantu waxay sababtay in shaqaaluhu warka si dudubis ah u akhriyaan iyada oo qofka warka dhagaysanayaana ku jahwareero isna waydiiyo “halkee warkii hore ku dhamaaday kii dambana ka bilaabmay”.
  8. Waxa jirtay barnaamij daawadeyaashu khadka telefoonka kula soo xidhiidhayeen oo dadkii soo hadlay waxyar oo farakutiris ah mooyaane intoodii badnayd laynku u gali waayay. Iyada oo khaladaad ka iman karo dhinaca dadweynaha waxa hubaal ah in cilladda ugu weyni ka jirtay dhinaca farsameyaqaanka SLNTV. Guud ahaanna maadaama ay SLNTV hirgelisay barnaamijkaas iyada ayaa masuuliyadda khaladaadkaas yeelanaysa. Haddaba haddii aan farsame yaqaanku awood u lahayn inuu barnaamijkaas hirgeliyo, maxaa looga joojin waayay ee loo soo bandhigay ceebta intaa leeg ee TV-ga qaranka haysata?

 (C) Weriyaha Warka Akhriya (News Presenters/anchors)

  1. Weriyeyaasha Af-Somaliga iyo kuwa Af-Ingiriisiga oo ku mergada kalmadaha ay akhriyayaan mararka qaarkoodna aad ka dareemayso diyaargarow la’aan ama inay jecelyihiin inay degdeg ku dhameeyaan warka.
  2. Weriyeyaasha ragga ah ee TV-ga ka soo baxaya oo mararka qaar istudiyooga la yimaadda dhar ka style duwan ama ka midab duwan ka weriyeyaasha looga bartay (lack of professional attire).
  3. Weriyeyaasha warka ku sheega afka Ingiriisiga oo dhamaantood u baahan in la baro sidii ay warka ugu akhriyi lahaayeen si miyir ah oo fasiix ah kelmadahana u kala saari lahaayeen, iyada oo qaarkood grammar-ka ingiriisigoodu khaldanyahay matalan sida ku cad war ka baxay TV-ga muddo dhowayd oo u dhignaa “The President of Somaliland also reiterated that the Nelson Mandela was the dignity of humanity …”, iyo qaar ku hak-hakada/celceliya akhriska warka iyaga oo aan wax layli ah (practice) ku samayn warka ay akhriyayaan amaba warqadda warku ku qorantahay loo dhiibay isla markii ay kamradda soo horfadhiisteen. Su’aasha iswaydiinta leh oo ah maadaama warkani duuban yahay maxaa loo sixi waayay? Haddii uu live-yahayna maxaa loo duubi waayay loona tifatiri waayay inta aan laga soo dayn idaacad ku wajahan dad ajanabi ah?
  4. Waxa caado xun ah in magaca qofka la maamuusayo lagu daro Dr. ama Engineer isaga oo qofkaasi aanu dhakhtar iyo injineer midna ahayn. Daawadeyaal badan ayaa tilmaamay oo waliba dhalliishaday derejada aan jirin ee qofka magaciisa lagu labayo. Been-abuurka derejadu waa inay ka reebanaataa warbaahinta qaranka (fraudulent endorsement of fake titles).

 (D) Maqalka iyo Aragga

  1. Tayada maqalka iyo sawirka oo u baahan in wax laga qabto. Maqalka oo marna sare u kacaya marna aad hoos ugu dhacaya oo khasabta in daawaduhu ku daallo remote-ka gacanta.

 (E) Asluubta (Ethics)

  1. TV-ga mararka qaarkood waxa laga sii daayaa muuqaal iyo afxumo ka reebban warbaahin ay wada daawanayaan qoysas da’ walba leh, gaar ahaan sawirro aan carruurta ku habboonayn sida dagaallo qudhgooyo ah, qof dhaawac isu gaysanaya, qof shil galaya, gacan-ka-hadal, iyo akhlaaq xumo lagu soo daro barnaamijyada carruurta, sida muuqatana laga soo saaray YouTube (violent scenes and foul language).
  2. Waxa jira barnaamijyo ka soo baxa TV-ga qaranka oo daawadeyaashu iska waydiinayayaan sababta keentay in TV-ga qaranka laga soo daayo sida kuwa ku wajahan shakhsiga.
  3. Xukuumaddu iyada oo adeegsanaysa aaladaha warbaahinta way u furantahay inay ka jawaabto dhalliilaha iyo been abuurka xukuumadda loo soo jeediyo, waanay ka sii dayn kartaa aragti ka tarjumaysa ra’yiga dadweynaha oo lagaga jawaaabayo been abuurka ay caadaysteen warbaahinta gaarka loo leeyahay. Balse waxa TV-ga qaranka ka reeban in loo oggolaado qof muwaadin ah oo ku aflagaadoonaya shakhsiyadda qof kale oo ay isqaniineen xubno xukuumadda ka tirsan. SLNTV oo ah aalad wanaag faris, ma habboona in wakhtiyada qaarkood laga daalacdo aflagaadooyin ay reebantahay in muwaadinku ka daawado shaashad ku suntan asluub, sharaf iyo astaantii qaranka. SLNTV wuxuu u taaganyahay midnimada waddarta dadka reer Somaliland, mana habboona in hoos loogu soo dhigo kala qaybinta dadka taasoo caado u ahayd TV-ga intii aan xukuumaddu maamulka la wareegin.

Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo: mucjisada bisinka ilaahey: Bismillah allahu akbar-Maashaa allah

Xarakada Al-Shabaab Oo Ka Mamnuucday Dhamaan Degaanada Ay Gacanta Ku Hayso Isticmaalka Adeegyada Mobile Internetka Iyo Fibre Optica Oo Hadda Lasheegay Inuu Soogaadhay

$
0
0

Mogadishu-(Idhanka)-Xarakada Al-Shabaab ayaa mamnuucday isticmaalka adeegyada Mobile Internet iyo Fibre Optic, oo dhowaan laga hirgeliyay Soomaaliya, iyadoo bayaan lagu faah faahiyay joojinta isticmaalka adeegyada la soo saaray.
Bayaanka ka soo baxay Xarakada oo la soo dhigay baraha Internet-ka ee Al-Shabaab taageera iyo bogga Facebook ee Idaacada Al-Andulus oo ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in [...]

Guurka By Sheikh C Casiis Xasan Yacquub

Barnaamijkii Xiisaha Badnaa*Ila-Tali* Li Sh Xasan Ibrahim & Xiririye Ustaad C/ladiif Xafidahumullaah

Muxaadaro Muhiim Ah (*Bidcada-Ixtifaalka Mawliidka*) Li Sh.Cabdiraxmaan Sh.Cumar Xafidahullaah


Kudayashadii-Asxaabta Rasuulka Caleyhi Salaatu Wasalaam* Li Sh.Xasan Ibrahim Ciise Xafidahullaah

Muranka Diblomaasi ee Maraykanka iyo India

$
0
0

Diblomaasi reer India ah oo lagu magacaabo Devyani Khobragade ayaa la amray inay ka baxdo dalka Maraykanka ka dib markii lagu eedeeyey inay been ka sheegtay codsi dal-ku-gal

Qiso cajiib ah: Aabe wiilkisa la dardaarmaya dhimashadisa ka hor

Diblomaasi muran ka dhalisay USA

$
0
0

Diblomaasi sabab u ahayd khilaaf soo kala dhexgalay Maraykanka iyo Hindiya kaddib markii la xiray, ayaa haatan ka baxday USA.

Cabdiweli: Xiriirka dowladda federaalka waa muhiim

$
0
0

Maxadweynaha dhawaan la doortay ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wereysigii ugu horreeyay ee uu siiya BBC-da ku sheegay qorshahiisa Puntland.

Bidcada Mawliidka

Kudayashadii Asxaabta Rasuulka


Somalia’s Federal Parliament Endorse Prime Minister’s Request for 10 more Days to Disclose New Cabinet

$
0
0

The Federal Parliament of Somalia on Saturday voted in support of Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed’s request for a 10-day extension to finalize his cabinet selections. According to reports by local media sources, there has been a brewing dispute ...
Weblinks: 

//-->

DE-DEG: Shil khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Inta la xaqiijiyay Seddex qof ayaa ku dhaawacmay hal qofna waa uu geeriyooday kadib markii shir galabta ka dhacay wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.
Shilkan ayaa yimid kadib markii labo baabuur ay isku dhaceen iyadoo dadkii dhaawacmay loo qaaday xarumaha caafimaad ee isla magaalada Muqdisho.
Waxaa lagu soo warramayaa in Labo kamid ah dadka wax noqday uu gaaray dhaawac halis ah iyadoo lagu soo warramayo in midka kalena uu dhaawaciisu fudud yahay.
Waddooyinka magaalada Muqdisho oo bur-bursan iyo darawallada oo aan lahayn aqoon ku filan ayaa waxaa xiliyada qaar ay sababaan in ay dhacaan shilal baabuur oo khasaare naf iyo maalba leh.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DEG-DEG: Qarax ka dhacay xaafadda Fagax ee Muqdisho

$
0
0

War deg-deg ah oo hadda naga soo gaaray agagaarka Isgoyska Fagax ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Bambaano lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Qaraxan ayaa ah midka gacanta laga tuuro iyadoo ay ka soo baxayso faahfaahinno kala duwan, dhanka kale warar kale ayaa sheegaya in guri ku yaalla goobtaasi lagu weeraray.
Mid kamid ah dadka deegaanka oo fursad inoo siin waayay inaan la sii hadalno ayaa sheegay in qaraxa kadib ciidamada ay billaabeen howlgal.
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ururka Somali Independent Media House Association ( SIMHA) oo ay ku soo Biireen Warbaahino kale “SAWIRRO”

$
0
0

Kadib munaasabad ka dhacday hotelka MAKA AL-MUKRAMA aya waxaa  ururka Somali independent Media Houses association (SIMHA )  soo bandhigay xarumo warbaahineed oo ku soo biiray iyo qorshaha dhaw ee uu uruka higsanayo.
Mas’uuliyiin isugu jiray wasiiro , xildhibaano , la taliyayaal sar sare  , agaasimayayaal idaacadeed iyo xubno ka socday ururarada bulshada rayidka ayaa ka qeybgalay munaabadan ay SIMHA ku soo bandhigeysay qorshayaasheeda hawleed ee ay wajahi doonto sanadka cusub ee 2014.
Ismaacil Sheikh Khaliif agaasimaha idaacada STAR FM  ahna gudoomiye ku xigeenka hay’ada SIMHA ayaa furitaanka munaasada ku soo dhaweyey xubnaha cusub ee ku soo biiray iyo mas’uuliyiinta madashada fadhudayba , waxuuna ku nuuxnuxsaday in  SIMHA ay u furantahay cid walba gacma furana lagu soo dhaweyn doonom .
Wasiir ku xigeena warfaafinta C/shakuur Mire ayaa oo ka mid ahaa mas’uuliyinti madasha ka hadashay ayaa u mahad celiyey xubnaha SIMHA , waxuuna ku booriyey iney u dhabar adeegaan hawlaha horyaala .
Xabiibo Jimcaale “Biibto” oo ah saxafiyad rug cadaa ahna tifaftiraha wargeysyka maalinla ah ee Mogadishu Times ayaa sheegtay in dhinaceeda ay soo dhaweyneyso SIMHA ayna qeyb ka tahay , waxana ay ay ku baaqday in la muujiyo kalsooni si loo gaaro ahdaagta saxda ah ee SIMHA.
Abwaan Cismaan C/laahi Gure agaasimaha idaacada Kulmiye oo isna madasha ka hadlay ayaa sheegay in midnimada warbaahinta ay muhiim u tahay dhamaan warbaahinta madax banana ,waxuuna aad ugu dheeraaday muhimada midnimada .
Abwaanka ayaa gabayo guubaabo ah ka tiriyey madasha taasoo dhiiragalin weyn u aheyd xubnaha SIMHA .
Justin Merrozi iyo Eng Yarisow oo labaduba ah la taliyayaal sar sare oo madaxtooyada Somalia ka tirsan ayaa si isku mid ah u sheegay in midawga xarumaha warbaahinta dalka uu horseedi karo in horumar deg deg ah warbaahinta Soomaalida ku talaabsadaan.
Gabagabdi madasha ayaa waxa munaasabada hadal ka jeediyey gudoomiyaha KMG ee SIMHA Xasan Cali Geesey oo sheegay in SIMHA ay xooga saari doonto  dhawr arin oo uu ku sheegay iney aheyd munaasbadi loo aasaasay kuwaad oo ka mid yihiin , Midnimo xarumaha warbaahineed , in ay helaan tababaro lana tayeeyo dhamaan wariyayaasha  iyo iney qeyb ka noqdaan xarumaha sharciga media –ha ee hada loo wado barlamaanka.
Xasan Gesey ayaa sheegay in hadii xarumaha isku duubnaadan ay sahlanaan karto in xuquuqdooda ay si fudud ku helaan loona sameeyo shuruuc guud oo dhaxdooda ah .
Gagabadi ayaa la isla gartay in la joogteeyo kulmada nuucaan ah oo muhiim u ah iska warqabka iyo isla socodsiinta xaaladaha soo kordha ee warbaahinta dalka .
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somali Ka Soo Baxsaneysa K.Suudaan

$
0
0
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live