Hambalyo ayaanu ku leenahay malaha taasina way kaa suuragashaaye. Siiraanyo maalintii uu garadag gurmadka uga yeedhay ee Burco shirkii kulmiye la fadhiyay, wixii afkiisa ka soo baxay waaba la ogaa. Waxuu reerkooda kula hadlayna waa mid aan maanta hadal ka noolayn. Raggii ugu qiimaha badnaa, ee sagaal iyo tobanka ruux ahaa malaha wuu iska ilaaway, ee tidhi Siiraanyo ruux arrin ka go’o maaha, ee bartii shirka kaga soo kacay. Inuu Muuse Biixi, iyo Maxamed Kaahin ku muusanaabay, wuu ilaaway taana. In reerkoodu kor iyo hoosba intii shirka ku hadhay ay gadhka iyo gomoddaba qabsadeen, wuu ilaaway taasna. Inay ku taliyeen, inaan cidi tartanka maantaasa la gelin, wixii ka dambeeyana uu xusbiga iyo doorashadiisa dib uga hadal, wuu ilaaway taasna.
Siiraanyo hadduu hunguri kaga jiray madaxnimo dambe guddoonkii xisbiga waan iska wareejiyay dhayal umuu yidhaahdeen, ee waxuu ogaa oo sii qoyanaa warkii cidwaliba isku seegtay, ee la yidhi bal maanta haku quustee intuu cid eersan lahaa yaan loogu tegin musharaxnimada xusbiga.
Ragbadan oo mudan ahaa oo maalintii ka dhaqaaqay, awoodna ulahaa hadday la xintamaan, oo ka shaqeeyaan inaan siiraanyo la dooran, ayaa ka gaabsaday labadaa mujaahid, oo Maxamed kaahin iyo Muuse Biixi, kaga tagay, oo ka gaabsaday, iyaga oo eegaya labadaa nin ee xagooda qiimeha kuleh, ee kaga hadhay xisbigii ay ka soo dareereen.
Waa layaab inuu maanta sida carruurta siiraanyo u hadlo, oo yidhaa ”ma cidbaa iga horjoogta, iyo xubin xusbiga ka mida baan ahay, ama dood aan kolay qiime badan samaynaynin”.
Siiraanyo ummaddu waxay ku tidhi waxii aad adigu odayaasha ku odhan jirtay, dadkana fari jirtay.
Malaha nin food doonaya ma ihide afka ayaa kaa boobay, eh afkaaga xaal sii. Ummadda foodka fartooda khadka daraysaa, waa kuwa aad markay cabasho keenaan, shuftada hagoogan geliso, ee aad magaalo walba dhiiggooda ku daadisay, ee aad ku layso.
Waxaanu maanta siiraanyo weli garanaynin dhibaatada uu qarankii dhisnaa ee loo dhiibay geliyay, ee ilaa maalintii guriga madaxtooyada la geeyay uu ka dhigay dalka. Waxaan weli ka dhaadhacsanayn, qabyaaladda kabaa la’ ee uu ummaddii ku dhex abuuray. Waxaanu garanaynin, gunnaynta foosha xun ee uu qandaraaslayaasha, iyo kuwa sida foosha xun wax u doona, uu qabyaalad foolxun ugu maalgeliyo, oo uu musuqmaasuq iyo qaraabo kiil foolxun oo aan qarsi lahayn uu ugu dhaqmayo. Waxaanu dareensanayn, inuu Bangigii qaranka albaabbada u xidhay, oo uu ku beddelay sharkadda sariflahaee uu dahabshiil shuraakada kula yahay. Ma dhammayn karno qarankan uu wasaaradihii jiray, uu mid kastaba u kala dhantaalay dhuuni ka abuur, iyo cid hawlahooda qandaraas lagu siiyo. Oo qaranka wax qabadkiisii qandaraasle ka arrimiyo.
Waxaanu ogayn in shufto beeleeddan uu samaystay, ee reeraha nabadda ku seexday, saqda dhexe abasada ku ridda, ay dadku ka war hayaan. Ee uu moodayo in dadku ka rumaystay waxa uu ku sheegay, fallaagada madaxtooyada lagasoo abaabulo, ee aan taliyaha ciidanka nabadgelyada iyo ku kale toona ogayn waxay qabtaan, iyo shaqadooda toona. Oo isagaan ogayn ay soo galalafaan cidda siiraanyo uu colaadsado, ee uu u diro.
Siiraanyo malaha ruux is dhagaysta maaha eh, dadkan magaalo walba ciidamadan uu samaystay ku soo laayaan, ee aan la isweydiinin, hadduu maanta yidhi wax aanan amrin oo dalka ka dhacaa ma jiraan, dhagarihii badnaa iyo carruurihii badheedhka iyo gardarrada loogu toogtay suuqyada, ee weliba maydkoodii la eedeeyay, ee la lahaa dalka ayay fadqalalo geliyeen, caawaba isagaa ka masuul ah, aanadooduna ay saarantay. Wax yar maaha dad mudahaad miciinsaday, markay dulmiga dalka ka socda arkeen, ee xabbad lala dhex qaaday sidii cadaawaha, ee aan weli la isweydiin dhimashadoodii, siiraanyona uu eray ka odhan waayay sidii aanay dalka waxba ka dhicin.
Waynu ognahay dalka in gobollo dhammi maqan yihiin, siiraanyo waxuu uga hadli waayay waa afka qudha ee uu fahmo. Inta maanta daggan ee uu dawladnimada ku sheeganaayona rag ayaa iska yeelan doona, aanu hadhaw ugu tegi doonin. Markaa cumaamadda madaxtooyada ka taalla wuu yaqaan halka uu la tagayo. Wax loo sheegayo maaha.Darraad ayaynu ogayn, oo Burco badhtankeeda ay Hooyo, aqalkeedii fallaago siiraanyo soo diray ay ku waa bariisteen, oo aynu arkaynay carruurtii cadhada iyo awood la’aantu isu barkatay, ee intay debinta cuneen lahaa sidaa lagu jiri maayo. Siiraanyo ma waxuu odhanayaa maan ogayn guddoomiyekuxigeenkii hore ee Burco markii loo dhacay, ee aqalka dad iyo agabba aan wax fayo qaba laga tegin. Ee aqalka wixii alaab tiilay sidii ciidamo ku dagaallameen shay aan la dhaafin.
Waynu ognahay ee muwaadinkii aqalkiisa lagala baxay, ee taynu ogayn la mariyay, ee markii meel ceeb looga sameeyo, iyo wax yar oo dembi looga dhigo la waayay, ay isyidhaahdeen ceebtiina qarsada, ee hadh cad meeshii lagu riday laga soo daayay.
Teello umay dhigan siiraanyo iyo inta falalka foosha xun u fulisa, ee uu ku gabraarto, ee haddii ay meelay u maraan, iyo wax ay sheegaan ay hayn lahaayeen marna may sii daayeen.
Waxaa wax aan weligeed dhicin ah, ruuxa dembi loo waayay, ee Burcadii loo aanaynayay aan joogin, ee labadii habeen uu hargaysa joogay hudheelka seexday. Mawaxaynu nidhaa, nin gurigiisa laga waayay caddayn iyo wax kale oo lagu eedeeyo, ayaa dembi ku caddaaday labadii habeen ee uu hudheelka seexday. Ma hudheelka seexashadiisii ayaa dembi isu rogtay, wax kale muu samayn labadii habeen eh.
Waxa muwaadinkaasi ku xidhan yahay waa baadil, iyo dhafoor taabasho, ee haddaan siiraanyo cagta dhulka la helin oo uu moodo in Dikreetada uu khaladka ka fahmay ay fasax u siinayso, wax kasta oo uu sameeyo. Waa nin male xun, Saleebaan gaalna hadduu inaadeerkii noqday, oo dastuurkii lagu dhaariyay ay fariintii garadag ka buruud badatay, ummadda waxbaa idinka dhexeeya, haddaydaan dalka sida dantu labadiina ugu jirto, ee ummaddana dantu ugu jirto aydin ku socon waydaan, oo uu sidaa aad labadiinuba isku raacdeen aydaan ka waantoobin. Waxaan hubaa inaan qofna jeclaysan doonin waxa ay dani ummadda ka maaransiin weydo.
Maalintii aad berbera ka soo dayseen, hadii si adag laydiinla xisaabtami lahaa maanta, maxaa lagu xidhay may joogteen, manay timaaddeen in markale laysku dayo, in waddada bilaash looga qabsado, oo la yidhaa dambiile ma tihid, anagaase jeclaanay inaanu dembi ku saaro.
Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa doqon mallafsi baratay, iyo walba way isku lumaan.
Eng. Ahmed Yousufjicsin@hotmail.com
London U. K.
Weblinks:
//-->
Web link Exchange
Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk