Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

“Faysal Iyo Jamaal Waxay Iska Shabahaan Dhaqamo Badan Oo Ay Kamid Tahay Laylinimada Siyaasad Iyo Qorshe Xumadda” Gudoomiyaha Maxamed Muuse Diiriye

0
0

Burco-(Idhanka)-Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye ayaa beeniyay eedo uu u jeediyay musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo ku eedeeyay in maamulka gobolka Togdheer uu isku dayeen inay ka celiyaan magaaladda inuu soo galo magaalada Burco, hase yeeshee ay xoog ku soo jiidheen.
Badhasaabka Togdheer waxa uu sheegay in Faysal Cali Waraabe iyo [...]


Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inay Danaynayso Inuu Somaliland Ka Hano Qaado Horumar Loo Wada Simanyahay Dacal Ilaa Dacal Sheegtayna Inay Sanduuq U Samaysay

0
0

London-(Idhanka)-Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay ka go’antahay horumarinta degenaanshaha iyo barwaaqada Somaliland, waxaanay cadaysay inuu Ingiriisku danaynayo inuu Somaliland ka hano qaado horumar loo simanyahay.
Doodii aqalka odayaasha Ingiriiska ee 4 Febarwari oo ah Salaasadii doraad, ayaa xildhibaan Lord Chidgey oo ka tirsan aqalkaasi wuxuu wasiirad ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska iyo barwaaqo sooranka Baroness [...]

Deeq Bustayaal Iyo Agabka Dhaxanta Ah Oo Ka Timi Jaaliyada Reer Awdal Ee Denmark Oo La Gudoonsiisay Cisbitaalka Dhimirka Ee Boorama (Daawo Video)

0
0

Borama-(Idhanka)-Maamulka Jimciyatu Nuural Islaam ee Fadhigeedu yahay magaalada Boorama ayaa maanta deeq Bustayaala oo ay soo direen Hablo muxsiniina oo degan dalka Denmark gaadhsiiyay Maamulka isbitaalka Dhimirka ee magaalada Boorama, hdaba munaasibadani oo ay ka soo qaybgaleen Culima awdiin, maamulka Caafimaadka,maamulka Jimciyatul Nuural Cilmi iyo dadweyne kale ayaa waxaa ay ka qabsoontay hoolka isbitaalka guuud [...]

Xaflad Soo Dhawayn Ku Qiiro Qalinaysa Oo Reer Emaraad Ku Qaabileen Ugaaska Beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi (Daawo Video)

0
0

Dubai-(Idhanka)Daawo soo dhawayn aan loo kala hadhin oo reer Emaraad ku qaabileen Ugaaska beelaha samaroon ugaas c\rashiid ugaas rooble iyo hadaladii laga jeediyay iyo saylicii caaka ku haayeen reer Adal halkan kadaawo

Idhanka.com
Idhanka Dubai, Emirates

Axmed Madoobe oo caawa ku sugan Muqdisho iyo Xaflad weyn oo ka socota,,,!

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa galabta soo gaaray wafdi uu hoggaaminaayo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka Jubba.
Wafdiga Axmed Madoobe oo ka soo ambabaxay magaalada Kismaayo ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa halkaas ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dadweyne kale.
Wafdiga ayaa loo galbiyay xarunta Villa Somalia, halkaasoo ay kula kulmeen madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.
Wafdiga Axmed Madoobe waxaa ka mid ah madaxweyne kuxigeenka labaad ee maamulka Jubba Cabdiqaadir Luga-
Dheere, wasiirka arrimaha Bulshada Macalin Maxamed iyo masuuliyiin kale.
Waxaana safarkooda uu la xiriira ka qaybgalka aas qaran oo berri loo sameenaayo ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooda dalka Maraykanka.
Dhinaca kale, waxaa caawa ka socota magaalada Muqdisho xaflad lagu soo dhaweenaayo wafuuda caalamiga ee ka qaybgaleysa aaska marxuum Cabdirisaaq.
Waxaana ay xafladda ka socota xarunta Villa Somalia, halkaasoo ay ku sugan yihiin madaxda dalka iyo madax kale oo ka socoda maamulada dalka iyo diplomaasiyiin.
Maalinta Berri ayaa lagu wadaa in lagu aaso ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya duleedka Muqdisho, gaar ahaan goobta uu ku aasan yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan, sidda ay Caasimada Online u sheegeen guddiga qaban qaabada aaska marxuumka.Caasimada OnlineXafiiska Wararka MuqidshoCaasimada@live.com
 
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Tarsan oo goodiyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud kaddib markii,,,,!

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay go’aanka ay shirkadda Hormuud ku joojisay adeegga Internetka ee laga isticmaalo taleefonka gacanta ee Mobil-ka.
Tarsan ayaa wacad ku maray haddii aysan shirkadda Hormuud ka laaban go’aanka ay ku joojisay adeegga Internetka in uu isaga gacantiisa ku jarjaraayo xargaha taleefonada ee ay lee dahay shirkaddaas ee magaalada ku yaaalla.
“ Walaahi Fiilooyinkooda anniga ayaa goonaya,haddii aysan ka laaban go’aankaas waayo waxa ay adeecayaan amarka Al-Shabaab”ayuu yiri. Tarsan.
Guddoomiye Tarsan ayaa wacad ku maray shirkadii u hoggaansanta amarka Al-Shabaab in aysan dalka ka sii shaqeyn karin “Wixii la rabo hala sheego shirkadda u hoggaansanta amarka Al-Shabaab dalka kama sii shaqeyneyso” ayuu yiri Guddoomiye Tarsan.
 
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 
//-->
Web link Exchange
Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Faallo xasaasi ah: Maamulka degaanka Degmada Borama oo aad loo dhalliilayo.

0
0

Tan iyo markii la doortay xildhibaannada Golaha deeganka Degmada Borama, oo hadda laga jooga muddo hal sano iyo bilo ah. Golahan oo u badan dhalinyaro. Sababta ay da’yartaasi ku timidna ay ahayd, Xukuumada Kulmiye ee hadda talada dalka haysa oo soo saartay sharci u oggolaanaya 25 jir in uu xildhibaan noqon karo.
 
Siyaasadda Xukuumada Talada dalka haysa ee ahayd in ay dhalintu ka qayb qaataan Hoggaanka dalka, ammaba ay qaban karaan jagooyin iyo mansabyada kala duwan ee dalka. Xilligii loo ololaynayey sharciga iyo siyaasada nuucan ah, ayaa dadwaynaha qaar kood waxa ay soo jeedin jireen in haddii la doorto doorahsada soo socota ee golaha deegaanada dhalinyaro ay arintaasi keeni doonto cawaaqib xumo iyo in ayna ka baxayn is qab-qabsi hor leh ,halka dad qaarna ay aaminsanaayeen in ay la imandoonaan maskax cusub iyo dhiig cusub oo loo dhaqaaqi doono dhinaca horumarka maaddaama ay yihiin maskax cusub oo ka fayaw waxyaalaha kale ee keena dibu dhaca. Haddaba qiyaasaha nuucaas ahaa ayaa iyagu qaar noqdeen waxa hadda soo baxay, isala markaana ay xildhibaanada golaha deeganka degmada Borama ka muuqda.
Waxaan maqli jiray mah maah soomaaliyeed oo odhan jirtay (Markaad ood ka bood tahay tashigu waa in kaa maqane ).  Xildhibaannada oo dhammaantood ku yimid hayb qabiil amaba qabiil soo doortay oo inta badan qabiilada ay ka soo jeedaan ay soo xusheen, kadibna saaxadda siyaasadda keenay si ay uga qayb qaataan dorashada.
Inta badan ragga xildhibaannada ah. ayaan iyagu ahayn rag laga fiirsaday soo xulistoodii ammaba lagu deg degey in ay matalaan oo shicibku soo doorto ,inta badana waxa ay u muqdaan rag lagu hungoobay oo baal maray waajibaadkoodii shaqo iyo in ay u adeegaan shicibkii codka siiyay ,
Waxana xusid mudan marka aad u fiirsato qaabka ay u dhaqmaan marka ay shaqada hayaan iyo marka ay bannaanka joogaan in ay yihiin rag u dhigma xildhibaano Baarlamaan oo shuruucda dalka dajiya waa sida ay iyagu is bidaan inta badane. Haddii aad booqato dawlada hoose ee degmada Borama waxay markaaba ishadu ku dhacaysaa xildhibaan kasta oo wata fayl koox dad ahina daba socdaan, ammaba iyaga oo dhamaantooda wata baabuur uu midkastaayi rabo aroor walba in shidaal loogu shubo ,waxanad garankartaa hantidii ummadeed in ay ahay mid ka reeban ku tarkifal ah, loo wiiciyey dhinicii qaldanaa, waxaanad maqlaysaa in uu midkastaaba uu ku doodayo in shidaal loogu shubo uu suuqa ku wareego ,waxayna aamisanyihiin in Xildhibaan aan baabur wadan ay martabadiisu ay hoosayso .
Haddaba Golaha deegaan ee nuucaas ku sifoobay, muxuu shicibkii soo doortay ka fili karaa? Mase u malaynaysaa in ay xildhibaannada noocaasi ahi hore u marin karaan Degmada? goormayse ka bixi doonaan is qab qabsiga?
Su’aalahan oo dhami waa kuwo inta badan ay is waydiiyaan dadwaynaha reer Borama ee u dhuun daloola golaha deegaanka ee degmada Borama ,hadaba ,muddadaa sannadka ah ee ay kuraasta ku fadhiyaan Xildhibaannadaasi, ilaa hadda ma jiraan wax muuqda oo ay u qabteen degmada iyo shicibkii soo doortay, waxase jira caadooyin ugub ah oo ay la yimaadeen xildhibaanada Goluhu oo intooda badani nagu cusub yihiin amaba aan horay looga arki jirin kuwii ka horreeyay iyaga oo inta badan u badnaa rag odoyaal ah ,
Waxana inta badan lagu xantaa xildhibaanada in ay markasta ka sheeqaan xagga dib u dhaca iyo in ay iyagu laftoodu ay isku yihiin kuwo iska daba wareega oo hadal haya mar kasta hebel hebelbuu la socday iyo gurigii reer qudhac ayay qaar ku shirayaan, qaarna gurigii reer galool ayay fadhiyeen galabta. Arinka noocan ahi waa mid ay kawada warqabaan dadwaynaha ku dhaqan degmadu guud ahaan, waxana ay dadku intabadan ka dharagsanyihin is qab-qabsigooda aan tirada lahayn ee salka ku haya wax aan bulshada danteeda ahayn, ee balse ku eg kaliya dano shaqsi ,intooda badani ma yaqaannaan masuuliyadooda shaqo iyo waaajibaadka ka saaran ummaddii xilka u igmatay iyo kan degma ahaaneedba.
Waxanad mooddaa intooda badani in ay ku faaanan wax qabad la’aantooda oo inta ay soo hor fadhiistaan Saxaafada madaxa bannaan oo ay yidhaahdaan waxba maanu  qaban muddadaa aan kuraasta ku fadhinay ,waana wax caqliga saliimka ahi ka xishoodo in ay ereyadaasi kaa soo baxaan adoo sheeganaaya in aad xildhibaan tahay gole deegaan kuna celcelinaya in ay dad ku soo doorteen , arinkaasina waxa uu ku tusinayaa in aad tahay qof masuuliyadiisi shaqo ee loo igmaday gabay kana soo bixi waayay waajibaadkii shaqo ee ku saarnaa ,waxaad noqon (Waraabe naftiisana uma roona laf guri taalana uma roona )
Si kastaba arrini ha ahaatee mararka qaar ayaan is idhaahdaa malaha waxaa fiicnayd in Xildhibaanada loo furo siminaaro lagu tababaraayo si ay u helaan khibrad ku filan,waayo intooda badani ma laha waayo aragnimo ku saabsan shaqadan loo doortay amaba masuuliyadeeda ay hayaan ,waana mid inta badan ah shaqo qardho jeex ah oo ah ku jajabi ,amaba indhaha ka tuur ,waxaan igu maqaalo ah in qaar k amid ah xildhibaanadu ay sameeyeen arin dadka qaar ka yaabin doonta oo ah in dawlada hoose ay isla yimaadeen dad isku haysta dacwad dhul ayna qaar mid ah xildhibaandu ay ku doodeen in loo xukumo dadka ay ehelka yihiin waayo waxa ay  sheegen in ay yihin kuwii isaga soo doortay uuna iyagu ugu fadhiyo kursiga ayna ka mid tahay arintani .
Isku soo wada duuboo Xildhibaanadii loo dooratay golaha deegaanku waxay dhammaantood noqdeen ka dar oo dhibi dhal, waana laga wada dharagsanyahay waxa ay qabteen muddadaa ay xilka hayaan, haddaba ma ka bixi doonaan is qabqabsigaa ay hadda ku jiraan, mise waaba sii socon doonaa! waxana ay degmadu hadda ku dhawdahay in adeegyadii muhiimka ahaa istaagaan, waxqabadkii bulsho ee ay qabanaysay dawlada hoose ee degmada boramana aad ayuu u sii wiiqmayaa, waayo masuuliyiinta laftoodu waa kuwo inta badan gaadh iska haya oo ilaashanaaya mansabkooda amaba jagada ay ku fadhiyaan ,iyaga laftooduna waa ku u ah muraayada ee ay iska dhaawadaan Xildhibaanadu waxana ay markasta ku camal falaan waxa ay iyaga ka arkaan oo ah in ay u kala  saftaan ,inta taasina lagu jiro waxaa degmada u hanti ah in ay dib uga dhacdho degmooyinka kale.
Xasuusin iyo afeef
Waa Qormo aad la socondoontaan labadii todobaadba mar waxaanan kuwa soo socda aan ku soo bandhigi doonnaa siro culus waa haddii ay hab-dhaqankan badili waayaan Xildhibaannadu waxaana iga afeef ah in aanan qof gaar ah ula jeedin faaladan taxanaha noqon doonta kollay way jiri doonaan dad iyagu si kale u fasisha balse marnaba ka gayeen maayo in aan soo bandhigo waxyaabaha dhabta ah ee ka jira Degmada .
Senior Editor Omer Albashiiralbashiir005@gmail.com
Borama Somaliland
 
 
 
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

U.S. State Department Updates Somalia Travel Warning

0
0

“The U.S. Department of State continues to warn U.S. citizens to avoid all travel to Somalia. This replaces the Travel Warning dated June 21, 2013, to update information on security concerns. There is at this time no U.S. Embassy or other ...
Weblinks: 

//-->


Somalia: Garowe Online’s 10th anniversary celebrated

0
0

GAROWE, Somalia Feb.7, 2014 (Garowe Online)-Garowe Online News Agency’s 10th anniversary was marked with a well organized ceremony in Puntland capital of Garowe in the presence of high-ranking officials on Thursday, Garowe Online reports.
Weblinks: 

//-->

Daawo Video: Warkii Telefishanka Universal Ee Maanta 07 February 2014

0
0

HADIMADII HALABUURKA (ISBARBARDHIGA XILIGII KACAANKA IYO XUKUUMADA MAANTA) W/Q: Mohamed Abdikarim Omer

0
0

HORDHAC
Waa taxane xiiso badan oo aynu ku soo bandhigi doono hadimooyinkii loo gaystay hal abuurka, waa
qormooyin si isdabajooga uga warami doona taariikh mugwayn, waa daraasad aan ku sameeyay intii
aan ka gaadhay (1970kii-2014ka) waxaad ka bogan doontaan, abwaanadii kala duwanaa wixii ay
ka yidhahdeen, dawladii kalidii taliyihii Mohamed Siyaad Bare iyo waliba Dawladan Somaliland,
Marxaladihii iyo wakhtiyadii kala duwanaa ee ay ku sugnaayeen. Waxaynu iftiimin doonaa xiligii iyo
wakhtigii ay bilaabantay dhibaataynta,handadaada,cagajuglaynta iyo xadhiga loo gaysto halabuurka.
Waxaynu si goos goos ah ugu soo qadan doonaa gabayadii, maansooyinkii xiisaha lahaa ee ay tiriyeen
abwaanadu wakhtiyadii kala duwanaa ee ay xadhiga iyo dhibaataynta ku mutaysteen amase ay dadka iyo
dalka ku difaacayeen.
Qormadeenan waxaynu ku soo qaadan doonaa laba abwaan oo ku kala sugnaa duruufo kala duwan,
Noolaana wakhti kala gadisan, Waa Abwaan Cumar Maxamed-Ciro Saryar oo ahaa abwaan reer
somaliland ah oo ku noolaa magaalad berbera ala ha u naxariistee, wuxuu abwaanku ka dareen celiyay
ficiladii dawladii kalidii taliyihii siyaad bare, waa wakhti dadka la cabudhiyay, waa saban shacabka
baqasho dishootay, wuxuu ka mid ahaa dadkii dabarka gumaysiga iyo cabdhudinta ka jabiyay umada
reer somaliland, wuxuu u huray naftiisa, isagoo si geesinimo leh dareenkiisa uga badheedhay, una khatar
galiyay naftiisa, wuxuu ka mid ahaa mushamicii huriyay dhaq dhaqaaqii xornimo u dirirka SNM
Abwaanka labaad waa abwaan mujaahid Haybe Faarax Nuur oo ku nool Magaalada gabiley, duruuftuu ku
noolyahay abwaankani way ka duwantahay tii Ciro Saryar waa wakhti wadanka ay dimuquraadiyad curdin
ahi ka hana qaaday, waa xili xoriyatul qawlku xoogaystay, waa wadan laga xoreeyay dhiigyo cabkii
siyaad bare, balse nasiib daro ay xukumadan ahmed siilaanyo ku fashilantay dhawritaanka hal abuurka
iyadoo xukuumadani shabahda kalidii taliyihii siyaad bare.
HADIMADII, HAL -ABUURKA ( XILIGII KACAANKA)
Tusbay filatayee haddaan abaar lagu tabaaloobin
Tamaamuur haddii aan la korin tegaya nayroobi
Tuug iyo afmiishaar haddaan tahan la waydaaran
Turxaanta iyo ceebtii haddaan taabud laga yeelin
Woqooyiba haddii aan la tirin taran waxaa jooga
Nin tacliin yaqaaniyo haddaan taajir ka idlaanin
Haddaan caydha suuqyada la tubin sida tanaag iib ah
Kolba tobanka soo hadha haddaan tuurta laga fuulin
Taladooda goortaan arkiyo tamar xumaantooda
Tagoogada haddaan lagaga jabin nimanka tuutaha leh
Tafsiirkiyo quraankii haddaan laysu wada toogan
Taallada haddaan loola bixin toodhadiyo beenta
Tuf i dhaha haddaan ina cigaal toobaad loo celinin
ABWAAN CUMAR MAXAMED (CIRRO SARYAR)
Gabaygan abwaanku wuxuu ka tiriyey khayriyada magaalada berbera sannadkii 1973kii wax yar ka
dib markii millaterigu awoodda dalka kala wareegay dawladdii rayidka ahayd xilli musuqmaasuqa iyo
qabyaaladdu heer sare marayeen. Wuxuu abwaanku gabayga ka hor tiriyey raxan wasiirro ah oo aan
xilligaa dabadood la hadli jirin, taasina waxay gayeysiisay in. Dhawr sano xabsiga kasoo laaco. Dawladii
Militarigu waxay cabudhisay xoriyatul qawlka, waxay dhibaataysay halabuurkii, waxay dabooshay
dareenkii shacabka, Ciro saryar Xabsiga waxa u dheeraa, jidhdil, ciqaabid iyo cadaalad la’aan.
Dadku si aad ah bay u soo dhoweeyeen kacaanka iyagoo filayey in cadaaladu si dhab ah u soo noqon
doonto laakiin abwaanku wuxuu si indheergaradnimo ah uga sii War bixinayaa oo u sii odorosayaa jarka
iyo haadanta dalku ka lusho iyo sida aan nimanka millateriga ahí marna u keeni doonin wanaag lagu
naaloodo iyo nidaam lagaga raysto dhibaatadii la soo maray.
Wuxuu hoga tusayaa in kadeedka lala kulmi doonaa keeni doono tagoogo jab iyo kohasho ama inay ka
qoomamoodaan nidaamkii laga qaylinayay, sheekaduna noqon doonto Shalay dhaantay. Si gaar ah wuxuu
u dul joogsanayaa in woqooyiga dalka Gooni loo bartilmaameedsan doono oo la tirtiri doono aqoonyahan
iyo maal qabeenba.
HADIMADII, HAL -ABUURKA IYO XUKUUMADA MAANTA
Waxaa maanta dhigeeda ah, dhacdadii dhacday April 14 2012 Markii abwaan Mujaahid Haybe Faarax
Nuur oo ah abwaan reer somaliland ah kuna dhaqan Magaalada Gabiley uu tiriyay Maansooyin/gabayo
uu ku dhaliilayo xukuumada Uu gadhwadeenka u yahay Ahmed Siilaanyo, Ayna ka mid ahayd Maanso
la magac baxday Aarkii Cigaal. waxaa soo weeraray ciidamo police ah oo u taxaabay saldhiga dhexe ee
magalada Gabiley, laba cisho ka bacdina waxa loo soo qaaday magalada hargeisa isagoo xarunta C.I.Dda
ku xidhnaa mudo , bilaa maxkamad, waxa ugu danbayntii lagu riday Jeelka wayn halkaas oo uu 9 bilood
ka soo laacay. Waa dhaqamadii laga dhaxlay kalidii taliyihiin Mohamed Siyaad Bare, waa astaanta kalidii
taliyaha, waa talaabo lagu cabudhinayo dadwaynaha, waxay tani horseed u tahay in lawaayo cid bulshada
u hadasha oo tilmaanta dhaliilaha dawlada. Hadaba Dhibaataynta, cabudhinta iyo xadhiga joogtada ah ee
lagu bartilmaameedsanayo hal abuurku waxay iftiiminaysaa in cagta la Saaray jidkii Car juuqdhaha. Hal-
abuurkuna waa cid ugu horaysay ee ka dareen celisa, hadba xuman iyo wanaag wixii bulshada ku soo
kordha . Maansooyinkii loo xidhay Erayadoodii waxaa ka mid ahaa:-
Aarkii Cigaal, Aas –aasihii Somaliland, Afti iyo Dastuur aad ugu dhowaa
Calan Ayni baddan Unugyoo same, Ummadana Midee ,
Aarmigii xerree, Guurtida adkee, indho dawladdeed Igisbiiriyanis Ingiriis u sheeg,
Ururana samee, Udub ugu horee, andhi buu ka dhigay (mid buu ka dhigay afxabashi).
Ucid baa ku xiggay , lama Ooyinee Odaygii Cigaal Ajalbaa ku timi,
Odaygii ku xiggay anba-qaad halkii ilaa Elakshankii muu ayaan xumayn.
Marxkuu Oommanaa Af-wanaagsanihii iska oohinjiray ,
Urur kale la yimi ,Albanada garaac, hadba Oodo jiidh,
Aflagaado baddi, Ummadii u yeedh laga daba abraar,
Ay (kayn) buu la tegey ,U Ujeedo hadal, doorashada asiib, codna lagu asqee.
Arin lagu farxiyo abda lagama arag arainkiisyoo Arbacada dabshida
Ummadii xidh-xidha Albaabada Qufula Eydana ku dira Arsaaq yaan la cunin.
Ummadiina tidhi Ayaantii horeba,hadaan Odhan lahayn Akaaniisidee ( af-xabashi maxaad noo
wadaa), maanu iilaneen, aaniyo qabiil , cuqdad iyo xumaan abid kama tagtee
Axmedow maxaan kugu aaminaa Aah kama baxdee.
Maansadan, ugu danbaysa wuxuu abwaanku tilmaamayaa sida loogu hungoobay xukuumada Ahmed
siilaanyo, waa maanso la magac baxday Aafo, waxana ka mid ah erayada mansada:
Aafadu siday noo heshuu ololku noo taabtay
Amadkiyo hadhuudhkii ma Baxo aawanaan jiray
Ayax bahal ka daran baa illaa oodihii cunaye
Ilihii dhaqaaluhu lahaa la iska wada awdye
Aroos loo ciyaaroo ma jiro loo Odorosaaye
Eridhabanka geel kuma dhalaan aradadeeniiye
ABWAAN HAYBE FAARAX NUUR
La soco… Qormadan Qormada Xigta
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo Video Dhegayso: Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Ahna Xisbiga WADANI Cabdiraxmaan Ciro Oo Booqasho Hal Maalin Ah Ka Soo Laabtay Ayaa Uga Digay Xukuumadda Siilaanyo Inay Faraha Kala Baxaan Arrimaha Golaha Wakiiladda

0
0

Halkani Hoose Ka Dhegayso Shirka Jaraa’id Ee Guddoomiye CirroCODKA CirroWarka Qoraal Ahaan U Akhriso HoosJimce 07 Feb 2014 Hargeysa (Halbeegnews)– Guddoomiyaha golaha wakiiladda ahna guddoomiyaha xisbiga WADANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa usoo jeediyey xukuumadda Siilaanyo inay faraha kala baxaan arrimaha golaha wakiiladda.
 Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI  Cabdiraxmaan Cirro oo maanta dalka ku soo laabtay ka dib markii  saafar hal maalin qaatay oo uu ku joogay Magaaladda Addis-Ababa ee Dalka Itoobiya ayaa Xukuumadda u soo jeediyay inay joojiyaan faro gelin Siyasaadeed oo uu sheegay inay ku hayaan Golaha Wakiiladda, isaga oo Golahana ku Tilmaamay in aanay marna qorshaynin Waxyaabo ku lid ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Golaha Wakiiladda Somaliland muddadii ay jirtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mar-na dagaal lamay gelin, haddana dagaal kulama jirto. Waxa soo ifbaxay oo si qaawan u muuqaday in Xukuumaddu ay arrimaha u gaarka ah Golaha gacanta kula jirto”
Guddoomiye Cirro waxa uu talloyin u soo jeediyay Xukuumadda “Waxaan kula talinayaa Xukuumadda inay faraha kala baxdo arrimaha u gaarka ah Golaha Wakiiladda oo ay ku mashquusho arrimaha qaranka. Waxaan Salamayaa Mudanayaasha Golaha meel kasta oo ay joogaan, waxaanan ku kalsoonahay Mudanayaashu inay dhawraan Sharaftooda”
 Hadalka ka soo yeedhay Guddoomiye Cirro ayaa ku begmaya, iyadda oo Todobaadkii hore uu khilaaf dhex-maray Labadiisa Guddoomiye ku xigeen, iyadda oo Xildhibaanaddu cod ku ansixiyeen in hoos loo dhigo awooddooda, waxaana hadday Madaxtooyaddu wadda Mooshin ka dhan ah Kurisga Guddoomiye Cirro, iyada oo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasna oo kulamo  la yeeshay Mudanayaasha, kaas oo ku bixinaya dhaqaale sidii ay Xildhibaanaddu cod ugu qaadi lahaayeen dib uga noqoshadda Xeerhoosaadkii Labadda Guddoomiye ku xigeen ee Madaxtooyaddu hiilka la garab taagan-tahay awoodoodii wiiqay.Hoos ka daawo Isagoo Muuqaal Ah
Halbeegnews, Hargeysacontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Tafsiir Qur'aan Kareem Surat Al-Qamar..Ayah.01...32..By Sh Bashiir Mohamed

Somalia: Journalist Arrested, Beaten and Detained Briefly in Southwest Somalia

0
0

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) condemns the assault, torture, mistreatment and overnight detention of broadcast journalist Ali Ilyas Abdullahi by security forces in Baidoa, in southwest Somalia. On Wednesday evening, 5 February 2014 ...
Weblinks: 

//-->

SHIMBIRO BASAASIIN AH OO SOMALILAND LAGU QABTAY .

0
0

In dhawaydba waxa iska daba imanaayey warar sheegaaya in somaliyada koonfureed(muqdisho) basaasyo u soo diratey somaliland  iyo in ay soo weerarayaan ciidamo ay leedahey somaliland , oo ay xagga badda berbera ka soo weereri doonaan iyo warar kale oo la mid ah .
Hadaba waxa lagu arkey duleedka magaalada hargeysa SHIMBIBcagta ay kaga xidhan tahay QALAB lagaran waayey , arintaas oo shaki iyo baqasho abuurtey oo loo maleeyey in qalabkan shimbirta ku xidhani yahay (QALAB BASAASNIMO) oo ay dawlad ajinabi ahi ku soo xidhatey (sida xukuumadda muqdisho) .
Shimbirtii waa lasoo qabtey , waxa la geeyey xarunta bilayska (police ka) , waxa loo gudbiyey qaybta sirdoonka , si ay u soo baadhaan qalabka shimbirta cagta kaga xidhan .
Waxay soo ogaadeen in shimbirtu ku nooleyd xarun cilmi baadhis shimbiraha logu sameeyo ,
qalabkanna uu yahay (aalad) cilmi baadhiseed oo lagu agaanaayo shimbiruhu dhulka ay u kala gooshaan (haajiraan) iyo noloshooda .
Waxa hadaba layaableh, waxa bulshada somaliland loogu abuuraayo baqashada iyo xukuumadda muqdisho ee aan 5 ta km ka talin ee ciidamada shisheeye (ajinabiga ahi) ilaaliyaan , in laynugu bajiyo ama kuwa maamul goboleedka yar ee qabiilka qudha ah ee punttland .
Waxa kale oo cajiib ah in laynaga dhaadhiciyo inay jiraan dawlado badan oo neceb jiritaanka somaliland , oo doonaaya inay nabadda ka jirta burburiyaan .
Sidaa awgeed waxa habeen iyo maalin ba , bulshada loogu hanjabayaa (waar nabad gelyadiina ilaashada , oo wax kasta oo xukuumaddu idinku sameyso haka dhiidhiyina , hana diidina , oo aqbala  dulmiga -cadaalad darada -eexda-qabyaaladda- musuq maasuqa- dhaca- boobka hantida qaranka – xadhiga  sharci darada ah – hanjabaadda -cagajugleynta ………. )
Haddii kale nabad gelyada iyo xasiloonida aynu haysano , ayaa burburi doonta , oo lawaayi doonaa .
Bulsho yahay sidaa daraadeed  waxaad ogolaataa , wax kasta oo khaldan oo xukuumaddu  idinku sameyso .
Hadaba baqashadan bulshada lagu abuurayaa , waa mid aan waxba ka jirin.
Waxay mareysaa shimbiro basaasiina ayaa laynoo soo direy , oo nabad gelyada iyo xasiloonida wax yeeli doonta .
bal adba .
CALI MAXAMED BIIXI        caliwwelli@hotmail.co.uk
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Akhriso Tirada Iyo Magacayada Saxeexay Mooshinkii Ka Dhanka Ahaa Gudoomiye Cirro Ee Maanta Larabay In Daaqada Lagaga Saaro Oo La Hakiyay

0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Mooshinkii maanta iyo tirada xildhibanadii saxeexay mooshinkaasi oo la filaayo in markale laysugu soo noqdo halkan ka akhri
 

Idhanka Hargeysa Office
 

Maamulka Ximan iyo Xeeb oo sugaya amniga deegaannadiisa

0
0

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa maanta billaabay howlgal lugu xaqiijinayo ammaanka deegaannada uu ka taliyo maamulka, gaar ahaan magaalada Cadaado. Madaxweynaha maamulka, Cabdullaahi Cali Maxamed oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in howlgalka loogu diyaar garoobayo shir ay maamul midaysan ku samaysanayaan maamullada ka jira gobollada dhexe ee dalka oo lugu qabanayo Cadaado. Wuxuu sheegay [...]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ciidan Kumaandoos ah oo tababar loogu soo xiray Magaalada Muqdisho (Daawo Sawirada)

0
0

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho tababar loogu soo xiray Ciidankii ugu horeeyay oo Kumaandoos Soomaaliyeed ah oo dalka lagu tababaro, muddo 23 sano kadib. Ciidamadaan, ayaa waxay muddo 6 bilood ah ay tababar ku qaadanayeen Xerada Jaziira, waxaana maanta tababarka u soo xiray Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud. Munaasabada tababarka loogu soo […]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

W/Waxbarashada Oo Horumar Muuqda Ku Samaysay Dugsiyada Gobolka Salal

0
0

Salal (Somaliland.Org)- Gobolka Salal ayaa muddo badan ahaa mid ay ku yar yihiin adeegyada waxbarshada gaar ahaan dugsiyada dhexe iyo sare.
Dugsiyada hoose ee gobolka Salal waxaa wax ka barta arday iyo carruur tiro badan oo isugu jira gabdho iyo wiilal, waxaana dugsiyadaasi wax ka dhiga bareyaal aqoon iyo xirfadba u leh maadooyinka ay dhigayaan, bareyaashaasi oo aan qaadan wax guno ah, taasi waxay curyaamisay boqolaal arday oo gaadhay da’da waxbarashada asaasiga ah, waxayna hoos u dhigtay mooralka aqoonyahano badan oo sababa dhaqaale inay gudan kari waayaan shaqadaas.
Haddaba markii ay hogaanka dalka qabatay xukuumadda uu gadh wadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ayay isbedel muuqda oo dhinaca waxbarashada ah, waxaa kor u kacday tayada waxbarashada tooska ah (Formal Education) ee gobolka Salal.
Haddaynu tusaale inagu filan soo qaadano heerka waxbarasho ee gobolka Salal:-
1- Magaalada Saylac ee xarunta gobolka Salal ayaa muddo badan waxa ka jiray dugsi hoose dhexe, taas oo culays badan ku haysay waalidada gaar ahaan kuwa jecel waxbarashada ubadka, sannadkii 2011/10/24 waxa magaalada Saylac laga furay dugsigii sare ee u horeeyay gobolka Sala,l isla markaana ah dugsi Boarding ah.
2- Dugsigaasi sare oo loogu magac daray Sacaadadiin Secondary and Boarding School Of Saylac, mashruuca dhismaha dugsigaasi ayaa waxa bixisay wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, waxaana la dhisay 2002-dii, dugsigaasi ayaa xidhnaa muddo sagaal sanno ah, iyadoo ilaa hadda lama furin.
3- Furtaanka dugsiga Sacaadadiin ayaa waxaa maalgeliyay khuburo u dhalatay gobolka Salal oo degan dalka dibeddiisa, khuburadaasi oo kaashanaysa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa ku guulaystay inay albaabada u furaan dugsigaasi oo noqday dugsigii u horeeyay ee ka hirgala gobolkaasi, waxaana xadhiga ka jaray furitaankiisii wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Marwo Samsam Cabdi Aaden.
Waxa uu dugsigaasi leeyahay qaybo kala duwan oo kala ah:
- Barashada IT-ga (Information Technology)
- PE-ga (Physical Education)
- Cunto iyo qaybta jiifka.
Deegaan ahaan dugsigaasi waxa uu ku yaallaa goob ku haboon. Sidoo kale qaybta jiifka ayaa waxay ku taalaa xeeliga badda bari ee magaalada Saylac, halkaasoo ay ardayda iyo bareyaasha dugsiga Sacaadadiin ka helaan cimilo iyo hawo wanaagsan, waxa kale oo ay si sahal ah u soo dabtaan kalluunka kala duwan, iyagoo ka hela biyo aan sidaasi u fogayn, mararka firaaqadana way u dabaal tegaan, kooxaasi waa kuwo aad ugu faraxsan inay deegaankaasi ku sii noolaadaan muddo badan.
Tani waa mid soo jiidatay shucuurta arday badan oo hada ku hamiya inay dugsiga sare ee Saylac wax ku bartaan.
Sannad dugsiyeedkii 2011/2012 ee wasaaradda waxbarashada ayaa waxa waxbarashada dugsiga sare u gudubtay tiradii ugu badnayd ee ardayda gobolka Salal.
4- Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa dabayaaqada bishii koowaad ee Sanadkii 2013-ka dhagax dhigay xarun cusub oo ay wasaaradda waxbarshadu ku yeelanayso gobolka Salal, dhagax dhigaasi ayaa waxa ka hadlay wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aaden, waxaanay goobtii dhagax dhiga kaga dhawaaqday hadal cajiib ah kaa soo ay ilaa maanta bulshada reer Salal soo hadal qaadaan waxaanu ahaa. “Reer Salalow dhagaxaa aan saaka dhigay halkan noqon maayo mid aad ku turan-turootaan (kuftaan)ee Illaahay idamkii wuxuu noqon doonaa mid aad sida ugu dhaqsiyaha badan uga faa’iidaysataan” su’aashu waxay tahay maka dhabayn doontaa wasiirka waxbarshadu ereygaa mise wuxuu noqon doonaa mid tobaneeya sagaalkii hadal ee ay odhan jireen wasiiradii ka horeeyay ee wasraaddaasi markay marayaan Saylac?
21 maalmood ka dib hadalkii Wasiir Samsam,waxaa goobtii dhagaxu yaalay soo degay shirkad dhisaya xaruntii ugu horeysay ee wasaaradda waxbarshadu ku yeelanayso gobolka Salal.
28 Maalmood waxay shirkadii faraha ka qaaday dhisme loo dhisay hab casri ah oo ku cusub gobolka Salal dhismahaasi waxa uu ka koobnaa, xafiisyo, qolka shirarka, qolka nasashada ama fadhiga, qolka hurdada, cunto karin, iyo musqulo casri ah, islamarkaana ku qalabaysan koombuyuutero, biyo, koronto, isgaadhsiin, telefoon, Internet Telefishan iyo qaboojiye, waxaana loo magacaabay isu-duwe buuxa oo ay wasaaradda waxbarashadu ku yeelato gobolka Salal.
5- Waxaa la guneeyay barayaashii ugu tirada badnaa ee gobolka Salal, kuwaasoo hela sanadka, xilliga xagaaga tabobar xirfadeed si kor loogu qaado habka wax dhigista
6- 15/Sep/2013 Waxaa dugsi sare laga furay magaalada Xariirad ee koonfurta gobolka Salal, kaasoo loogu magac daray Marxuum: Aaden Bile Obsiiye, waxaana dugsigaasi xadhiga ka jaray wasiirka wasaaradda dibu-dejinta, dibu-dhiska iyo samo falka Axmed Cabdi Kaahin oo ka wakiil ah wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare .
Dugsigaasi ayaa waxa maalgeliyay khuburo u dhalatay gobolka Salal oo kaashanaya wasaaradda waxbarashada, kuwaasoo bixiya gunnada bareyaasha, islamarkaana dugsigaasi ku rakibay qalabka dabka ka dhaliya uumiga cadceeda(Solar System Energy) sidoo kale waxay dugsigaasi khuburadu ku rakibeen qasabadaha biyaha(Pipe
line ).
Mashruuca dhismaha dugsigaasi ayaa waxa bixisay wasaaradda waxbarashada, waxaana la dhisay 2005-dii wuxuu dugsigaasi dhisnaa muddo sideed sanno ah, balse ma aanu mashaqaynayn.
7- Sanadkii 2013-kii waxay wasaaradda waxbarashadu dhismeyaal dugsi ka hirgelisay deegaanno ka mid ah gobolka Sala,l kuwaasoo aan hore u lahayn xarumo waxbarasho, waxa kale oo ay wasaaraddu dhismeyaal ku kordhisay dugsiyo ku yaalla gobolka Salal waxa ka mid ah deegaananda Bariisle oo saddex fasal ah, lana filayo in la furayo bilaha soo socda.
Waxa laba qol lagu kordhiyay dugsiga sare ee Sacaadadiin Secondary School ee magaalada Saylac.
Waxa qol lagu kordhiyay dugsiga hoose dhexe ee magaalada habaaswaxaa la furay dugsigii hoose ee Tuulada Jidhi kaa soo xidhnaa mudo ka badan 20 sanno.
isku soo wada xooriyoo wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa noqotay wasaaradda ugu waxqabadka wanaagsan gobolka Salal.
Dadka ku nool deegaannada xeebta iyo guud ahaaba gobolka Salal ayaa si xushmadle ugu riyaaqay waxqabadka wasaaradda waxbarashada iyo taciilnta sare ee gobolka Salal.
Maxamed Cawaale Daahir
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Isbarbardhig Siyaad Barre iyo Xasan Culusow oo Caddaalada Somaliya ka hadlaaya.

0
0

Caddaaladdu waa udub dhexaadka nolosha Haddii Cadaalad lawaayona way adagtay in dad ama dal uu hannaan nololeed oo quman uu ku socdo. waxaana ka ratibanma caddaalad xumada cara Eebe. Haddaba madaxda soomaalidu in Badan bay ka hadashaa Arimaha Caddaalada. waxaan halkan ku eegaynaa Alla hawnaxariistee Markii utalada dalka Lawareegey Madaxweyne Siyaad Barre 1969 wuxuu isugu yeeray laamihii caddaalada khudbad qiima lehna ka jeediyey halkaas Haddaba halkan hoose Ka daawo Wuxuu Kayiri Jaalle Siyaad.Halkan Ka Daawo Khudbadii Jaalle Siyaad.
Waxaa Isna kudbad ka jeediyey Shirkii Garsoorka ee qaran Laguna qabtay Muqdisho Mudane xassan Shiikh Madaxweynaha haatan talada haya sanadkii tegey.Halkan Ka daawo Khudbaddii M. Xasan Shiikh.Galgalanews Nairobi
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live