Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Shariif Xassan oo markale baajiyey shirka ansixinta R/Wasaaraha cusub: Waa maxay sababtu?

0
0

Kulankii barlamanka ee lagu waday in maaanta uu ka dhaco guriga Ummadda ayaa dib dhac aan la sharaxin ku yimid kadib markii gudddoomiyaha barlamanka sidaasi sheegay.


Xildhibaan ka tirsan Xoghaynta Barlamanka KMG Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay inuu dib u dhac ku yimid fadhigii baralamanka, wuxuuna sheegay in kulanka uu u baaqday sababo  la xiriirta dhinac farsamo, waxaana uu intaasi ku daray Xildhibaanku in aan la ogayn waqtiga dhabta ah uu qarsoomi doono kulankaasi.


Hase yeeshee lama oga sababata dhabta ah ee ka dambeysa baaqasha kulanka has ahaatee waa fadhigii 3-aad ee todobaadkan gudihiisa uu baaqdo kaasi oo lagu doonaya in lagu ansixisyo islamarkaana codka kalsoonida lagu siiyo Ra’iisul wasaare cusub ee uu soo magacaabay madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.


Balse dhawaan ayay aheyd markii warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan lagu shaaciyay in maanta oo Arbaca ah uu dhici doono fadhigii lagu ansixinlahaa Ra’iisul wasaaraha cusub ee Max’ed C/laahi Max’ed, waxaana cadayn ilaa iyo hadda u jeedada  gudoomiyaha barlamanka uu uga caga jiidayo ansixinta Ra’iisul wasaaraha, waxaana qilaaf arintaasi la xiriita uu wali ka dhextaaganyahay madaxda ugu sar sareeysa ee dowaldda KMG Soomaaliya iyo Mudanayaasha baralamanka.


Guddoomiyaha barlamanka mar ahaan jiray wasiirka maaliyada ee somalia ayaan loo maleynayaa in uu ka shaki san yahay R/wasaaraha cusub oo horey u sheegay in lala xisaabtami doono ragii hayey maaliyada somalia sanadihii la soo dhaafay.


Dowlada Sacuudiga oo aqoonsatay Laba Maxjar oo ku yaala Soomaaliya

0
0

Dowladda Sacuudiga ayaa aqoonsatay Laba
Maxjar oo xoolaha laga dhoofiyo kuwaas oo ku kala yaala Magaalooyinka
Boosaabo iyo Berbera.

u qaybsanaha Safaaradda Soomaalida ee
dalka Sacuudiga ee arrimaha  Ganacsiga Cali Maxamed Axmed ayaa  daboolka
ka qaaday in dowladda Sacuudigu ay aqoon satay labo Maxjar oo ku yaal
magaalooyinka Boosaaso iyo Barbara in laga dhoofiyo xoolaha Soomaalida
ee dalkaasi loo iib geeyo, iyadoo sanadka xagaaga soo socdaana Maxjarro
kale laga furayo Muqdisho iyo Kismaayo.

Cali Maxamed Axmed u qaybsanaha
Saafaaradda Soomalida dalka Sacuudiga ee arrimaha ganacsiga oo la
hadalayay Idaacada BBC  ayaa  hadalkiisa intaa ku daray in arrintani ay
ka danbeysay  kadib markii  Maxjaradaasi ay booqdeen dhaqaatiir ka
socotay dalalka Khaliijka kuwaas oo baaritaano ku sameeyay Maaxjaradaasi
oo  ay ku shirkoobeen ganacsato Soomaali iyo Sacuudiyaan ah.

Cali Maxa’med ayaa intaa raaciyay in
aarrintaan ay fursad u tahay dhaqaalaha Suuqyada Soomalida  gaar ahaan
dadka xoolo dhqatada ah.

Arrinkani ay aa ku soo beegmaya xilli
xoolo badan ooh ore wadanka laga dhoofiyay  dib loo soo celiyey  kuwaas
oo la tilmaamay in aan baarin la marsiin  Xoolaha Soomaalida ayaa
tobankii sano ee ugu danbeysay waxaa ay ahayeen kuwo caafimaadkooda
shaki laga muujinayay.

Alshabaab oo Beledweyne ku toogtay Laba Haween ah oo ay ku eedeeyeen in ay u jajuusayeen Dowladda

0
0

Xoogaga Alshabaab ee maamula magaalada Beledweyne ayaa meel fagaara ah ku toogtay Laba Haween ah oo ka tirsan dadka deegaanka.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa lagu amray in ay isugu yimaadaan Fagaare ku yaal Bartamaha magaalada si ay u daawadaan Toogashada Laba Haween ah oo ay Alshabaabku ka soo qabteen deegaanka Buurta Qowleed ka dibna ku eedeeyeen in ay Jaajuus u ahaayeen Dowladda.

Haweenkan labada ah oo rasaas xoogan lagu furay ayaa isla goobta ku qurbaxay waxaana falkan aad uga xumaaday dadka deegaanka, waloow aysan waxba ka qaban karin.

Alshabaab ayaa dhanka kale Reer Hiiraan uga digay in ay wax xiriir ah la yeeshaan Dowladda haddii kale ay la kulmi doonaan ciqaabta ay la kulmeen Haweenkan oo kale.

halgankanet@gmail.com

Golaha Dhaqanka Hawiye oo ka hadlay khilaafka u dhexeeya Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya

0
0

Golaha dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ka hadlaya khilaafka gaamuray ee ka dhex aloosan madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka.

Caaqil Axmmed Diiriye Cali, Afhayeenka Golaha Dhaqanka Hawiye oo warbaahinta qaarkood kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka ugu baaqay in ay xaliyaan muranka u dhexeeya.

Caaqilku wuxuu ku celceliyay in muranka u dhwexeeya Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka uusan aheyn mid dan u ah shacabka Soomaaliyeed ee dagaalada ka daalay wuxuuna labadooda kula taliyay in ay murankooda dhexdooda xal ka gaaraan.

Hadalkan ka soo yeeray Caaqil Axmed Diiriye ayaa ku soo aadaya xili khilaaf faraha ka baxay uu u dhexeeyo Madaxweyne Shariif iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan, khilaafkaas oo sida la sheegayo ka dhashay Ra'iisal wasaaraha uu Madaxweynuhu soo magacaabay.

halgankanet@gmail.com

Ciidamada AMISOM oo illaa iyo xalay duqeymo ka waday qeybo kamid ah magaalada Muqdisho iyo khasaarooyin soo gaaray dadka rayid ah

0
0

Duqeyn xoogan oo ey ciidamada AMISOM xalay u qeybiyeen degmooyin dhowr ah oo ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa khasaarooyinki ey geeysteen saakay la arkay.

 

Duqeyntan ayaa ciidamada AMISOM la beegsadeen  degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaas oo ey ka mid ahaa xaafadda Xamar Jadiid ee degmada wardhiigleey, Jungal Yaaqshiid iyo Heli waa qaybo ka mid ah.


Qaar madaafiicdan ka mid ahaa ayaa sidoo kale ku dhacay gudaha suuqa weyn ee bakaaraha iyo xaafado ka tirsan degmooyinka hawl wadaag iyo Hodan.

Wararkii ugu horeeyey ee ka soo baxay duqeyntii xalay ayaa sheegeysa in ay ku dhinteen labo ruux oo rayid ah halka sedax kalena ay ku dhaawacmeen.


Duqeyntan ayaa ahayd mid soconayaysey waqti dheer iyadoo xilli uusan jirin wax dagaal ah oo ka jiray magaalda Muqdisho.


Ciidamada AMISOM ayaa inta badan ku dooda inaysan haba yaraatee wax duqyn ah u geysan goobaha ay deggan yihiin dadka rayidka iyagoona inta badan duqeemaha noocaas ah ku eedeeyey kooaha dawladda ka soo hor jeeda.


Xaaladda goobihii xalay la duqeeyay ayaa subaxnmadan deggan iyadoo dadkii ku dhaawacmay duqeyntii xalayna isla markaanta loo gudbiyay goobaha caafimaadka oo iminka lagu dabiibayo.


Si kasta ha ahaatee marar badan ayaa laga hadlay duqeeymaha aan loo meel dayeen oo ay ciidamada AMISOM ka geysanayaan gudaha magaalda Muqdisho waqti uu dagaal jiro iyo waqti uusan dagaalba jirin labadaba.

Beesha caalamaka oo wax ka qaban weysay khilaafka labada Shariif iyo shir kale oo maanta yeelanayaan

0
0

Shir sida la sheegay uu dalbaday madaxweynaha dowladda KMG ah Sh. Shariif Sh. Axmad ayaa la sheegay in la filayo inuu saacdaha soo socda ka dhaco xafiiska madaxweynaha iyadoo la sheegay in lagu falanqeynayo arrimaha u codeynta R/Wasaaraha cusub.

Kulankan la filayo in maanta magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan mas’uuliyiinta ugu sarreeya xukuumadda ayaa waxa uu daba joogaa kulankii sedax geesoodka ahaa ee maalinimadii shalay ka dhacay xarunta AMISOM ee magaalada Muqdisho kaasoo lagu dhax dhaxaadinayay mas’uuliyintan.
Kulanka ayaa inta badan waxaa lagu lafa gurayaa qaabkii loo soo af jari lahaa khilaafkii ku dhawaad labada toddobaad u dhaxeeyey mas’uuliyiintan iyadoo isla markaana la cayimayo waqtiga ugu soo horreeya oo la ansixin doono ra’iisul wasaaraha xulistiisu muranka badan uu ka dhashay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Kulankan la filayo inuu maanta ka dhaco magaalda Muqdisho ayaa waxa iyaguna ka qayb qaadan doona qaar ka mid ah mudanayaasha barlamaanka oo iyagu qudhoda khilaafkan uu si wey u saameeyey kuwaasoo la kala safnaa labada mas’uul waa madaxweynaha iyo guddoomiyaha barlamaankee.
Waxaan in badan laga ogaan Karin kulanka la filayo maanta inuu dhex maro mas’uuliyiintan iyo natiijada ka soo bixi karta iyadoo dadka qaar ee arrimaha siyaasadda odorosa ay sheegayaan in kulankaasi uusan soo kordhin Karin wax cusub.


Shalay markii la gaba gabeeyey kulankaas sedax geesoodka ah ayaa madaxweyne Shariif iyo Guddoomiye Shariif Xasan waxaa ay qaataan kulan u gooni ahaa oo ay ku sii anba qaadayeen go’aanadii ka soo bay shrikii uu goob joogga ka ahaa Dr Mahiigga wallow go’aankii ay fadhigooda ku gaareen uusan caddeyn Agaasimaha War faafinta Madaxtooyada oo isagu kulankii shalay saxaafadda uga war bixiyay.


Si kasta ha ahaatee kulankan maanta ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan natiijooyin kama danbays ah oo lagu go’aaminayo xilliga kama danbays lagu dhawaaqi doono ansixinta ra’iisul wasaaraha dawladda ku meel gaarka Soomaaliya ay yeelanayso Mustaqbalka,

Wariye lagu martiqaaday Washington

0
0

Wariye lagu martiqaaday Washington

Wariye lagu martiqaaday Washington

Dowladda Mareykanka ayaa marti
qaadday weriyayaal dalal kala duwan ka yimid, waxayna booqanayaan
gobollo ka tirsan dalkaas si ay wax uga ogaadaan nolosha, taariikhda,
dhaqaalaha iyo siyaasadda Mareyklanka.

Cabdikariim Maxamed Jimcale oo ka mid ah
weriyayaashaas ayaa waxaa uu weriyaha BBC ee Washington, Maxmed Xaaji
Xuseen, uga warramay waxaa uu kala kulmay Mareykanka.

 

Ciidamada AMISOM oo shalay ilaa xalay duqeynayay degmooyinka magaalada Muqdisho iyo dad badan oo ku dhintay

0
0

Ciidamada AMISOM ayaa oo laga soo bilaabo shalay gabal-dhicii ilaa iyo xalay saqdii dhexe si aan kala go' laheyn madaafiiic ugu garaacay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sida la sheego duqeyntaas dila iyo dhaawacna ugu geystay shacab badan.

Duqeyntan oo inta hubo galaafatay nolosha 7-Qofood ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay Labaatameeye kale, kuwaas oo dhamaantood aan dagaalada socda wax shuqul ah ku laheyn.

Deegaanada ay ciidamada AMISOM xalay sida daran u duqeeyeen waxaa ka mid ah degmooyinka Kaaraan, Wardhiigley, Hodon, Hawlwadaag, Shibis iyo weliba Cabdicasiis.

Xaalada oo guud ee magaalada Muqdisho ayaa saaka u muuqata mid yara deggan waxaana iska soo daba dhacaya warar dheeraad ah oo ku saabsan qasaaraha naf iyo maalba leh ee ka dhashay duqentan arxan darada ah ee ay Ciidamada AMISOM u geysteen shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho daafaheeda.

halgankanet@gmail.com


Waalidiinta magaalada Jowhar oo welwel ka qaba Carruurtooda ka dib markii Alshabaabku wax ku kordhiyeen Manhajka Waxbarashada iskuulaadka magaalada

0
0

Waalidiinta ku dhaqan magaalada Jowhar ee Carruurtoodu ay wax ka bartaan iskuulaadka ku yaal magaalada ayaa muujinaya welwelka ay ka qabaan tacliinta ilmahooda ka gadaal markii ay maamulka Alshabaabku Manhajka waxbarashada iskuulaadka wax ku soo kordhiyeen.

Alshabaab ayaa ku amray maamulada iskuulaadka magaalada Jowhar in maadooyinka ardayda u  loo dhigayo lagu kordhiyo Maado ka hadleysa Jihaadka oo kaliya si markaas jiilka soo koraya loogu abuuro Jihaad Jaceyl.

Walidiinta carruurtan ayaa dhankooda qaba in arintani culeys ku noqoneyso qaab waxbarasheedka carruurtooda waxayna dalbanayaan in carruurtooda Diinta islaamka la baro balse aan fikirka Alshabaab ee dagaal u jooga ah lagu barbaarin waloow aysan si cad hadalkaas gudaha magaalada Jowhar uga sheegi karin.

"Waxaa hadda muuqata in meel kasta ay faraha la galeen xoogaga Alshabaabku islamarkaana aysan jirin meel looga maadan karo mar haddii aan ku dhaqan nahay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya" Mid ka mid ah Waalidiinta magaalada Jowhar oo magaciisa ku soo gaabiyay Axmed Shiikh.

halgankanet@gmail.com  

Dowladda Soomaalidu maxay ka tiri Duqeynta bani'aadminimada ka baxasan ee ay AMISOM u geysanayaan shacabka?

0
0

Dowladda Soomaaliya gaar ahaa maaamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay kala xaajoodeen saraakiisha hogaamisa Ciidamada AMISOM duqeynta ay u geysanayaan magaalada Muqdisho qeybaheeda ay ka arimiyaan xooga islaamiyiintu.

Mudane Tarzan, gudoomiyaha goblka Banaadir islamarkaan ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio u sheegay in maamulkiisu la xiriiray saraakiisha ugu sareysa ciidamada AMISOM islamarkaana kala hadlay madaafiicda ay ku garaacayaan magaalada Muqdisho sidii ay u joojin lahaayeen.

Tarzan oo hadalkiisi si taxadir leh u sii wata ayaa sheegay in uu ka xun yahay duqeynta loo geysanayo shacabka isagoo duqeyntaas ku sifeeyay mid loo geystay magaalada uu maamulo ee Muqdisho, wuxuuna dhanka kale ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya magaalada Muqdisho in ay shacabka u turaan madaafiicdana ka dhaafaan.

"AMISOM waxaan la qaatay kulan waxaana kala hadlay sidii ay joojin lahaayeen duqeynta ay u geystaan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho" Sidaas waxaa Shabelle Radio u sheegay Tarzan, gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho.

halgankanet@gmail.com

Xildhibaan Maxamad Cabdullaahi Aadan; "Aqoon fiican ayaan u leeyahay Gabdhaha ay Alshabaab ku dileen Beledweyne"

0
0

Xildhibaan Maxamad Cabdullaahi oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in uu shaqsiyan aqoon u leeyahay labadii Gabdhood ee ay Alshabaabku fagaare ku yaal magaalada Beledweyne ku toogteen.

"Aqoon fiican ayaan u leeyahay gabdhahan ay Alshabaabku ku toogteen magaalada Beledweyne, waana kuwa aan xitaa qaangaarain" Xildhibaan Maxamad Cabdullaahi oo faahfaahinayay aqoonta uu u leeyahay gabdhahaas wuxuuna sidoo kale muujiyay sida uu uga naxay falkan.

Dhanka kale xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Hiiraan iyo mas'uuliyiinta dowladda qaarkood ayaa si kulul u cambaareeyeen falkii ay Alshabaabku ku toogteen laba gabdhood oo ay ka soo qabteen agagaarka Buurta Jowleed dabadeedna ku eedeeyeen in ay jaajuus u ahaayeen dowladda ciidamadeeda ku sugan Hiiraan.

halgankanet@gmail.com

Madaxweyne Obama oo booqan doona Masjidka Sadexaad ee ugu weyn masaajidyada caalamka islaamka

0
0

Si laga soo xigtay xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad ee Mareykanka Madaxweyne Obama wuxuu booqan doonaa Masjidka kaalinta sadexaad kaga jira Masaajidyada dunida islaamka ugu waa weyn.

Masjidkan waxaa lagu magacaabaa Istiqlal wuxuuna ku yaal dalka Indonesia gaar ahaan magaalada Jakarta, marka laga hadlayo baaxadiisana wuxuu dhinaca weynanka kaalinta koowaad uga jiraan Masaajidyada ku yaal dalalka Koofur Bari Aasiya.

Safarka Madaxweyne Barack Obama uu ku tegayo dalka Indonesia oo uu carruurnimadiisa ku noolaa iyo booqashada u asteysan ee uu booqanayo Masjidka Istiqlal ayaa dib u soo nooleysay tuhunkii shacabka Mareykanku ay ka qabeen in uu Obama yahay Muslim.

halgankanet@gmail.com

Kal fadhigii Barlamanka oo markale baaqday iyo Shariif Xasaan oo doonaya inuu riddo Madaxweyne Shariif

0
0

Xili saakay la filayay inuu furmo Fadhiga Baarlamanka KMG ee Soomaaliya ku yeelan lahaa Xarunta Golaha Shacabka Magaalada Muqdisho si codka Kalsoonida leh loogu qaado Raiisul Wasaaraha Soomaaliya waxaa ku yimid dib u dhac.
 


Xildhibaan ka mid ah Baarlamanka KMG ee soomaaliya ayaa sheegay  in lagu soo wargeliyey baaqashada fadhiga ay qaadan lahaayeen Baarlamanka KMG ee Soomaaliya si codka kalsoonida leh loogu qaado Raiisul Wasaaraha Cusub.

Maanta oo kaliya ma ahan inuu baaqdo fadhi Baarlamanka KMG ee Soomaaliya la qorsheeyey inuu dhaco  laakiin waxaa la rumaysan yahay inuu salka ku hayo baaqashada Fadhiga baarlamanka KMG ee soomaaliya khilaafka Sheekh Shariif iyo  Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xalkiisa aan wali la garin.

Si walba haahaatee Mudanayaasha baarlamanka KMG ee Soomaaliya waqtiga maanta xiga oo ay kullmi doonaan lama shaacin  xili la filayay in maanta goaan kama danbeys ah oo u codeyn ah loo qaadi lahaa Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Cabdilaahi Maxamad Farmaajo.

Warar kale oo hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Shariif Xassan u sheegay Madaxweyne Shariif in dowladiisa waxba qaban weysay tan iyo markii la soo doortay isagoo si dadban ugu sheegay inuu markaan u soo dhigtay kursigiisa.

 

Madaxweynaha dowlada KMG ah ayaa waxaa ka dhiman xilligii la soo doortay muddo bilooyin ah isagoo u baaha doona in barlamanku mar kale ansixiyo ama doorasho la qabto iyadoo aan la ogeyn sida uu u saameyn doono xiriirka sii xumaanaya ee kala dhexeeya Guddoomiyaha Barlamanka Shariif xassan Sh. Aadan.

Alshabaab oo dib ula wareegay magaalada B/Xaawo dadkii ka qaxay dib ugu noqonaya

0
0

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa  saaka ka baxay degmada B/Xaawo ee gobalka Gedo kadib markii ey qabsadeen dhowr asbuuc ka hor.

Wararka ka imaanaya degmadaasi ayaa sheegaya in ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ay ka   bexeen Beledxaawo iyadoo aanu jirin wax dagaal ah oo ka dhacay degmadaasi.
Dad ku sugan magaalada Beledxaawo ayaa xaqiijiyey inay arkayeen ciidamada dowlada oo saaran gaadiidka dagaalka oo saaka waaberigii ka baxay magaalada.

Xoogaga Xarakada Shabaab ayaa la xaqiijiyey inay magaalada ksoo galeen ka dib markii ciidamada dowladu bexeen.
Xaalada degmada ayaa haatan degan wallow laga dareemayo magaalada isbedelka maanta ka dhacay.

Lama soo sheegin wax khasaare ah oo halkaasi ka dhacay. Waxaana isbedelkan uu ku soo beegma labo todobaad ka hor markii ay ciidamada dowlada oo ay wehliyaan kuwa Ahlu Sunna ay dagaal kaga qabsadeen magaalada Xarakada Shabab.

Saraakiisha dowlada ee ku  sugan gobolka ayaan ka hadin isbedelkan maanta dhacay. Waxaana wararka ugu dambeeya ay sheegayaan in ciidamadii saaka ka baxay Beledxaawo ay gaareen degada Doolow oo ku taalla xuduudka Ethiopia.

Dadkii ka barakacay magaalada ayaa weli intoodii badneyd waxay daadsan yihii  duleedka  magaalada waxaana aad u yar rajada ay dadkaasi ka qabaan inay guryahooda dib ugu laabtaan.

Isu soo dhowaasho laba Shariif

0
0

Wadahadalkii maaratoonka ahaa ee u dhexeeyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa lagu soo warramay in uu miro dhali rabo.

Labada Shariif oo kala hoggaaminayay labada dhinac ayaa in muddo ahba
waxay lahaayeen kulammo isbada joog ah oo ay isku dayayaan in ay
heshiis ka gaaraan khilaafka u dhexeeya ee ku saabsan sida laga yeelayo
Ra'iisal Wasaaraha uu Madaxweynuhu magacaabay.

Waxay hadda u muuqataa in baarlamaanku cod gacan
taag ah u qaadi doono Ra'iisal Wasaaraha magacaaban si loo ansixiyo ama
la isu hor taago.

Ma cadda in Shariif Xasan iyo inta la socotay ay
ayagu uun ka tanaasuleen codkii qarsoodiga ahaa ee ay ku mintidayeen
iyo in uu dhacay baayactan siyaadeed.

rel="lightbox" src="http://wscdn.bbc.co.uk/worldservice/assets/images/2010/08/06/100806133537_raiisul_wasaare_226x170_nocredit.jpg" alt="Ra'iisal Wasaarihii hore" width="226" height="170" />

Cumar Cabdirashaiid wuxuu is casilay bishii September, ka dib markii Madaxweynaha ay in muddo ah is hayeen.

Si kastaba ha ahaatee tallaabadani hadday
dhabowdo, waa mid ka saareysa dowladda god ay iyadu lugaheeda ku gashay,
suurta galna ay ahayd in ay ka soo bixi weydo.

Laakiin arrintani ma ahan si mid kama dambeyn ah
u muujineysa waxa uu noqon doono mustaqbalka siyaasadeed ee Ra'iisal
Wasaaraha magacaaban.

Haddii codka baarlamaanku ansixiyo, waxaa
Ra'iisal Wasaaraha u dhimman in uu soo dhiso Gole Wasiiradeed, taas oo
iyaduna markeeda u baahan in laga ansixiyo baarlamaanka.

Tan iyo markii Raiisal Wasaarihii hore iyo
Madaxweynuhu ay isku dheceen muddo hadda ugu yaraan lix bilood laga
joogo, Madaxda dowladdu waxay ku mashquulsanaayeen khilaafyo wejiyo
badan leh.

Inta hawshaas lagu mashquulsan yahayna, waxaa
isa sii guraya bilaha fara ku tiriska ah ee ka haray cimriga Dowladda Ku
meel Gaarka ah.


Yuusuf dabageed oo weli xabsi ugu jira ciidamada Xabashida iyo odayaal ku howlan sii deyntiisa

0
0

Waxgarad ka soo jeeda gobalka Hiiraan ayaa dadaal xoogan ugu jira in xabsiga laga siidaayo Yuusuf Axmed hagar dabageed oo horay u ahaa Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan haatana ka mid ah Maamulka Dooxada Shabelle.

Wararka ayaa sheegaya in odayaal dhaqameedyo ku heyb ah Dabageed ay wadahadal kula jiraan Ciidamada Itoobiya ee dhawaan qabtay dabageed ka dib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay maamulka Dooxada shabeelle.

Saraakiisha maamulka Dooxada shabelle ayaa sheegay in dabageed uu ka hor yimid Madaxweynaha maamulkaas islamarkaana arintaas loo gudbiyay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Feer feer.

Si kastaba ha’ahaatee yuusuf Dabageed ayaa ku xiran Xabsi Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Feer feer lamina oga in dadaalka Odayaasha lagu soo dayn doono.

Cambaareyn loo jeedinayo ciidamadii Xabashii ee Calanka ku jeex jeexan dhulka Somalia iyo baaq loo jeediyey somalida xaduuda deggan iyo dowlada Somalia

0
0

Cambaareynta loo jeedinayo gardarada ciidamada Xabashida ee dhowaan ku soo xadgudbay dhulka Somalia isla markaasna ka dejiyey calanka somalia dhul soomalia leedahay oo aan lagu muransaneyn ayaa isoo taraya iyadoo loogu baaqay in dowlada somalia iney dacwo siyaasadeed u gudbiso dowlada Itoobiya.

Qurbo-joog Soomaliyeed oo farabadan oo la xiriiray shabakadan ayaa cambaareyn cadho ka muuqato ayaa hawada u maranayaan ciidamada Xabashida iyo dowlada Males Zenawi oo mar walba ku soo xadgudba dhulka Somaia isla markaasna tacadiyo ka geysta iyagoo daan daansanaya dad ka soomaliyeed ee dowlad la'aantu haleeshay.

Qurba joogta yaa cambaareynaya ciidamdii Xabashida ee dhowaan soo galay tuulada Dhagaxtuur ee gobolka Mudug isla markaansa jeexjeexay calanka Somalia ee ka taagnaa halkaasi iyagoo waliba tacaddiyo u geystay shacabkii Soomaaliyeed iyo masuuliyiintii tuulada isla markaasna xir xiray.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay soomalida deggan xuduud beenaadka iney calanka Soomlia ka suraan tuulooyinkooda si ey u muujiyaan Somali nimadooda.

Ciidamada Xabashida ayaa mar walba ku soo xadguba dhulka Somalia iyagoo ka yeela hadba sida ey doonaan. Ciidamada Xabashida ayaa hadda ka hor soo galay dhulka Soomalia iygoo ku andoocanaya iney taageerayeen DKMG ah iyagoo isla markaasna tacaddiyo baniaadamka ka baxsan ka geystay meelo badan oo ka tirsan Somaila.

Si kastaba, qolooyinka isku heysta siyaasasa Soomlia ayaa masuul ka ah in calanka soomalia ciidamo xabashi ahi ku jeex jeexaan gayiga somalia isla markaasna xiraan masuuliyiin somaaliyeed iyagoo loo diidayo iney ka suraan calankooda dhulka SOmalia.

Dowlada loo aqoonsan yahay Somalia ayaa iyagu isku mashquulsan iyagoo illaa iyo hadda wax war ah laga heynin iyadoo ey weli xiran yihiin soomaalidii loo xir xiray calanka wadankooda.

Dowladda Mareykan oo cambaareyn dusha uga tuuray maamulka Alshabaab

0
0

Dowladda Mareykanka ayaa cambaareyn dusha uga tuuray maamulka xarakada Al-Shabaab dilkii ay ku fuliyeen labo gabdhood gudaha magaalada B/weyne iyagoo ku eedeeyay basaasnimo ey basaasayeen dowlada KMG ah.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa wuxuu sheegay in dadka falkaas ku dhaqaaqay inay yihiin dad rabay inay argagax u ridaan Bulshada Soomaaliya, hase ahaatee kuma ay guulaysanayaan ujeedadooda,

Afhayeenku wuxuu  falkaas ku tilmaamay wax ka baxsan bini’aadanimada ee maamulka Xarakada Al-Shabaab ee gobalka Hiiraan uu sameeyay.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa ku sifeeyay dhacdadaasi inay ka tarjumeyso sida Al-Shabaab aysan u dooneynin nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya.

Todobaadkiiayay aheyd markii labo gabdhood la toogtay magaalada B/weyne kadib markii ey ciidamada Alshabaab ku eedeeyeen iney u basaasayeen ciimada dowlada iyo kuwa Itoobiya iyada oo inta la ogyahay aan la geynin maxkamad laga qeyb galay iyo qareen midna.

Qarax xoog badan oo lagu eegtay ciidamada AMISOM wadada warshadaha

0
0
Weerar loo adeegsaday miinada dhulka lagu
aaso ayaa lagu qaadday kolonyo gaadiid ah oo marayey wadada Warshadaha
ee magaalada Muqdisho.

Mid
kamid ah gaadiidka jidka socday oo ay la socdeen ciidamada Midowga
Africa, kuwooda ka socda dalka Burundi ayaa la qaraxday miino la
aaminsan yahay in ay aheyd nooca dhulka la geliyey, dad goob-joog ah
waxay sheegeen in ay arkayeen askar meyd ah oo dhulka taalla iyo qaar
iyagoo dhaawac ah la daadgureynayo.


Tirada dhimasho
iyo dhaawac ee uu qaraxu geystay wali ma soo bixin, waxaa sidoo kale
aan la ogeyn rasaas ay ciidamadu fureen waxyeelada ay geysatay.


Wadada
Warshadaha waxaa aad u isticmaalo ciidamada Burundi oo saldhig ku leh
Kulyaddii Jaalle Siyaad oo aan jidkan ka fogeyn, marar badan hore ayaa
sidan oo kale qaraxyo lagula eegtay.

Dad Shacab ah oo ku dhintay kuna dhaawacmay dagaal dowladda iyo Alshabaab ku dhexmaray degmada Boondheere ee gobolka Banaadir

0
0

Inta la hubo sadex qofood oo shacab ah ayaa ku dhimatay shan kalena waa ku dhaawacantay madaafiic ay is dhaafsadeen ciidamada dowladda iyo Alshabaab oo ku dagaalamayay degmada Boondheere qeybo ka mid ah.

Dagaalkan oo ay dhanka kale madaafiicda goobta iyo gantaalo uga qeybqaateen ciidamada AMISOM ayaa sababay qasaare weyn oo soo gaaray shacabka ku dhaqan xaafadaha degmada Boondheere ee gobolka Banaadir.

Sida dadka deegaanka laga soo xigtay dagaalkan ayaa bilowday ka dib markii ciidamada Alshabaab ay weerar lama filaan ah ku qaadeen saldhig ciidan oo ay deganaayeen ciidamada Dowladda waxaana markii dagaalka ku soo biiran ciidamada AMISOM ee taageera dowladda gaar ahaan qeybtooda ku sugan Madaxtooyada.

Dagaalada noocan oo kale ah ayaa inta badan dhaliyay waxyeelo soo gaarta shacabka masaakiinta ah ee aan dagaalada socda wax lug ah ku laheyn waxaana dhibaatada sii laba jibaara madaafiicda miir la'aanta ah ay dhinacyadu is dhaafsanayaan.

halgankanet@gmail.com 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live