Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Kullan Balaadhan Oo Kaqaybgaleen Dhakhaatiirta Iyo Culimadu Oo Looga Hadlayay Wacyigelinta Talaalka Oo Lagu Qabtay Magaalada Boorama (Daawo Video)

$
0
0

Borama-(Idhanka)-Kulankani maanta ay isugu yimaadeen Culimada Magalada Boorama gaar ahaan maamulayaasha iyo macalimiinta madaarista iyo Maraakiista Qur’aanka iyo Dhakhaatiirta ka hawlgala gobalka Awdal islamarkaasina ay ku eegaayeen faa’iidoonyinka uu shacabka u leeyahay Talaalku, halkan ka daawo.

Idhanka.com
Idhanka Borama Office


Guddidii 14 Ka Ahayd Ee Ka Kala Tirsana Labada Garab Ee Dhexdhexaadinta Oo Maanta Is Hor Fadhiistay Kana Hadlay Halka Xaal Marayo (Daawo Video)

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Guddida 14-ka ahayd ee ka kala tirsana labada garab oo maanta is hor fadhiistay iyago sheegay inay meel wanaagsan uu marayso halkan kadaawo

Idhanka.com
Idhanka Hargeysa Office

“Dadkii Warkaas Beenta Ah Ee Geerideyda Faafiyay Waxay Doonayeen In Ay Dalka Qalqal Geliyaan” Madaxwayne Xasan Sheekh Oo Lasheegay Inuu Dhintay (Cod Dhagayso)

$
0
0

Mogadishu-(Idhanka)-Madaxeynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in caafimaadkiisu wanaagsan yahay 100%, warkii laga faafiyay ee ahaa in uu dhintayna ay faafiyeen cadawga Umadda Soomaaliyeed.

Madaxwaynah Soomaaliya Md. Xasan Sheekh iyo Marwadaiisa
Madaxweynaha wuxuu sheegay in dadka warkaas faafiyay ay yihiin dad nabad-diid ah oo Al-shabaab u shaqeeya, kuwaasi oo [...]

“Rasmi Taan U Doortaay Ha Ii Riiqin Nacabkoo Nabsi Ha Iga Roganine Ruuxda Igu Mataanee” Hees Cusub Oo Dhiiga Ku Dhaqaajinaysa Mursal

$
0
0

Daawo-(Idhanka)-Nasashada Idhankanews hees cusub fanaanka da’da yar ee codkiisu aadka u macaanyahay Mursal Muuse oo qaadaya hees cajiiba halkan kadaawo

Idhanka.com
Idhanka Desk

“Dawlada Xamar Waxay Doonaysaa Inay Remote Inagu Disho Oo Ay Isticmaasho Dawlad Goboleedka Garoowe” Gudoomiye Faysal Oo Kudaba Dhacay Dawlada Soomaliya Iyo Garoowe Daawo

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Gudoomiyaha xisbiga UCID ee Faysal Cali Waraabe oo cagta mariyay madaxweynaha federaalka Xassan Sheikh madaxweynaha maamulka Puntland halkan kadaawo

Idhanka.com
Idhanka Hargeysa Office

Somalia: "Here, Rape Is Normal," Somali Women Tell Human Rights Watch

$
0
0

Women should not live in fear of rape: Human Rights Watch. Somalia's new cabinet should urgently adopt meaningful reforms to confront rampant sexual violence, Human Rights Watch said in a report released today in Kenya's capital Nairobi. Over the past year ...
Weblinks: 

//-->

Dawladda Turkiga Oo Ku Dhawaaqday Inay Gebi Ahaanba Joojisay Dhaqaalahii Ay Tooska U Siin Jirtay Soomaaliya, Isla Markaana Soo Afjaraysa Mashaariicda Ay Ka Waddo Dalkaasi Sababo Aan La Garanaynin.

$
0
0

Jimce 14 Feb 2014 Ankara (Halbeegnews)– Dawladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba joojisay lacagahii iyo deeqdii ay sida tooska ah u siin jirtay dawladda Soomaaliya, waxaana ay sidoo kale sheegeen inay joojinayaan gebi ahaanba mashaariicdii ka socday dalka Soomaaliya ee dalka Turkigu uu maal-gelinaayey.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga oo u waramaayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa u sheegay inay lacagahii ay sida tooska ah u siin jireen dawladda Soomaaliya ay joojiyeen dabayaqadii sannadkii hore ee 2013-kii.
Wakaaladda wararka ee Reuters oo iyadu maanta warkani shaacisay ayaa warkeeda lagu sheegay inaanay caddayn cadadka ama tirada dhabta ah ee sannadkii 2013 kii ay dawladda Turkigu deeq ahaan u siisay dawladda Soomaaliya, iyadoo miisaaniyadda dawladda Soomaaliya uu sannadkii hore ee 2013 ahaa $110 (Boqol iyo toban milyan oo dollarka maraykanka ah)
Guddoomiyahii hore ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya Cabdisalaan Cumar ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in todobadii bilood ee uu xilka hayey ay dawladda Turkigu ay bil kasta bangiga dhexe ee Soomaaliya ku soo shubi jirtay lacag dhan $4.5 Milyan oo dollarka maraykanka ah, lacagtaasi oo uu sheegay Cabdisalaan in ay kaash ahaan ugu soo xaroon jirtay bangiga dhexe ee dawladda Soomaaliya.
Sidoo kalana saraakiil ka tirsan dawladda Soomaaliya oo u waramay wakaaladda wararka ee Reuters oo aan magacyadooda la sheegin, ayaa iyaguna dhinacooda xaqiijiyey in dhamaadkii sannadkii hore ee 2013-kii ay deeqdii dalka Turkigu siin jiray Soomaaliya gebi ahaanba la joojiyey, waxaana ay saraakiishaasi rajo ka muujiyeen inuu dalka Turkigu dib u bilaabi doono taageeradii dhinaca dhaqaale ee uu siin jiray dawladda Soomaaliya.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay inay weydiiyeen saraakiisha ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, bal inay qorshaha dhaw ugu jirto inay wada hadal kala gallaan dawladda Soomaaliya sidii dib loogu bilaabi lahaa in lacagaha deeqda ah ee dalka Turkigu tooska u siin jiray dawladda Soomaaliya dib loo bilaabo ayaa waxay ku jawaabeen “maya qorshaha nooguma jirto wakhtigani xaadirka ah, ajandahayagana kama mid aha”
Taageeradda dalka Turkigu siinaayay dawladda Soomaaliya, ayaa waxay ka cadhaysiisay kooxda Alshabaab ee la dagaalama Soomaaliya, taasi oo keentay in sannadkii hore ay Alshabaab bartilmaameedsadeen xarunta safaaradda dalka Turkiga ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dileen 3 sarkaal oo u dhashay dalka Turkiga oo ka hawl gallaayey xarunta safaaradda.Fadeexadda Musuq Maasuq Ee Xukuumadda Xasan Sheekh Dhex Dabaalanayso
Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa warbixintani ku sheegtay in dawladda Xasan Sheekh Maxamuud uu tallada dalka Soomaaliya la wareegtay sannadkii 2012-kii, ay markiiba gacan diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeedba ka heshay beesha caalamka, waxaana warbixinta Reuters lagu yidhi dawladda Xasan Sheekh Maxamuud waxaa taageeray dalalka reer Galbeedka oo si weyn u gacan qabtay.
Warbixinta Reuters waxay leedahay balse dawladda Xasan Sheekh Maxamuud waxay noqotay mid fashilantay oo taageeradii la siiyey iyo gacan qabashadii ay ka heshay dalalka reer galbeedka aan si wanaagsan uga faa’idaysan, waxaana dawladdiisa saamaysay ayaa warbixinta lagu yidhi jahawareer siyaasadeed iyo musuq maasuq halakeeyey horu socodkii hab maamul ee dawladiisa.
Waxaa intaasi u dheer ayaa lagu yidhi warbixinta Reuters galdaloolooyin baaxadleh oo dawladda Xasan Sheekh Maxamuud aanay haba yaraate waxba ka qaban ammaanka iyo nabadgelyada dalka Soomaaliya, musuq maasuq, xatooy iyo wax is daba marin aad u balaadhan.
Warbixinta Reuters waxay tibaaxaysa in dawladda Xasan Sheekh ay lumisay kalsoonidii beesha caalamka ka dib markii guddoomiyahii bangiga dhexe ee Soomaaliya Yusuf Abraar ay xilkii iska casishay, iyadoo ku sababaysay in kooxo ka tirsan dawladda Soomaaliya ay ku cadaadinayeen inay usii dayso lacago musuq maasuq ah.
Xeel-dheere u dhuun daloola arrimaha mandaqadda Geeska Afrika Rashiid Cabdi ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in joojintani deeqda dalka Turkigu siin jiray Soomaaliya, ay dibu dhac weyn ku tahay dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, balse wuxuu sheegay inuu rajo ka qabo in dawlad kale sida dawladaha beriga dhexe ay buuxiyaan kaalintii dalka Turkiga.
Warbixintani Reuters ayaa lagu sheegay in guddoomiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya Mr. Cumar uu u sheegay Wakaaladda wararka ee Reuters, inuu mararka qaarkood tagi jiray xarunta safaaradda dalka Turkigu ku leeyahay Muqdisho, isla markaana lacagta cadadkeedu dhana 4.5 Milyan dollar uu iyadoo kaash ah oo shandado ku jirta ka soo qaadi jiray.
Xeel dheere kale oo la yidhaahdo Cabdi Siciid ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in dalal kale oo ku yaalla mandaqadda beriga dhexe ay taakulo dhaqaale oo qarsoon siiyaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo laftigiisu hogaamiye u ah koox diimeed kale oo dalka Soomaaliya ka jirta ayaa lagu soo gebo gebeeyey warbixintaasiWarbixintani Oo Halbeegnews idiin soo turjuntay halkani guji oo ka akhriso
Guji Hoos sawirkani si aad u daawato muuqaalka
Halbeegnews, Hargeysacontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Booqasho ku tegey Itoobiyo

$
0
0

WARSAXAAFADEED
ka soo baxay DFS ayaa u qornaa sidan:
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
13/02/2014
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin qaar ka tirsan Xukuumaddiisa oo galabta kasoo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa soo gaaray caawa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay wafdiga Ra’iisul Wasaarah garoonka dayuuradaha ee Addis Ababa.
Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha uu ku yimid Addis Ababa, waxaa uu qayb ka yahay booqasho rasmi ah oo uu ku marayo Ethiopia iyo Djibouti iyadoo Wafdiga Ra’iiusl Wasaaraha ay kamid yihiin Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Maaliyadda Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka Warfaafintan Mudane Mustaf Dhuxulow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Siciid Maxamed Qoorsheel, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo xubno kale.
“ Socdaalkan aan kusoo gaarnay dalka Ethiopia waa mid aan ku xoojinayno xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaan iska kaashan doonnaa arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo la dagaalanka xagjirka khatarta ku ah guud ahaan gobolka, waxaa kaloo aan iska kaashan doonnaa arrimaha kale ee siyaasadda iyo dhqaalahu ay kamidka yihiin.” Ayuu u sheegay arbaahinta Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.
“ Ethiopia waxaa ay kamid tahay dalalka dariska ah ee qaybta ka ah howlgalada Amisom ee xasilinta amniga iyo la dagaalanka xagjirka, waxaa la gaaray xilligii aan sii xoojin lahayn howlgallada ay iska kaashanayaan dawladda iyo dalalka dariska ah si loo soo afjaro kooxaha Nabad-diidka ah ee cadawga ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed, Gobolka iyo guud ahaan caalamka.” Ayuu intaas raaciyay Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalinta barri ah kulan la qaadan doona mas’uuliyiinta dalka oo uu kamid yahay Ra’iiusl Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn iyo Mas’uuliyiinta kale dalka qaarkood.
END
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya
Addis Ababa – Ethiopia
E: Media@opm.gov.soRidwaanhaji@gmail.com
War-saxaafadeed
Ra’iisul Wasaaraha oo cambaareeyey qaraxii lagu laayay dadka rayidka ah ee ka dhacay nawaaxiga garoonka Muqdisho
Muqdisho, Khamiis, February 13, 2014—-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyey galabta ka hor inta aanu ka dhoofin dalka falkii qaraxa ahaa ee kooxaha nabadiidku ay ka fuliyeen nawaaxiga garoonka caalamiga ah ee Aadan-cadde, kaasoo ay ku dhinteen dad rayidka ah oo ku ganacsanayay afaafka hore ee garoonka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u diray dhamaamba dadkii ku geeriyooday goobtaasi qaraxa, wuxuuna u rajeeyey inuu eebbe Janada geeyo, maadaama ay yihiin dad si xaq darro ah lagu xasuuqay, wuxuuna dhanka kale caafimaad u rajeeyey dadkii kale ee ku dhaawacmay falkaasi.
“Falkan wuxuu cadeyn u yahay sida ay weli ugu ooman yihiin kooxaha nabadiidku daadinta dhiiga dadka Shacabka ah, waana in bulshada Soomaaliyeed ay garab ku siiyaan dawladda ciribtirka kooxahan xagjirka ah ee baneystay nafta, maalka iyo sharafka ummadda” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumada ka hor inta aanu ka dhoofin garoonka Muqdisho xilli uu ku sii jeeday dalka Itoobiya.
Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Mob-+252-61-5536608
Mogadishu, Somalia
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Barnaamijkii Xiisaha Badnaa (*ILA-TALI*) Li Sh Xanaafi & Xiririye Ustaad Cabduladiif Xafidahumullaah

UN report says Somalia is diverting arms

$
0
0

A confidential UN monitors’ report warns of “systematic abuses” by Somalia’s government, which the monitors say has allowed the diversion of weapons that Somali authorities purchased after the UN Security Council eased an arms embargo on Mogadishu ...
Weblinks: 

//-->

Maqaal: Qurba Joogta reer maakhir Maxaa u diiday inay deegaanadooda hormariyaan By Yassin Dualeh

$
0
0

Qurba joogta ( dibad joogta) reer maakhir ayaa safka ugu horeeya ka galay qurba joogta Soomaaliyeed kuwooda  ugu liita dhanka Waxtarka iyo horumarka ay ka sameeynayaan deegaanadii ay asal ahaan ka soo jeedeen.
Dalka Somaliya dowlad malaheen 23 sano, Gobala badan oo Somaliya ayaa waxay gaareen Horumar heersare ah , Inkastoo gobalada qaarkood horumarkoodu uu kor u sii qaaday maamulka ka jiray ee dadka deegaanadaasi sameysteen iyo Xasiloonida ,hadana waxaa laf dhabarta u ahaa hormarka waxay ahaayeen qurba Joogta oo deegaanadooda ku soo kordhiyay , Horumarka dhanka Dhismooyinka magaalooyinka, horumarka waxbarashada, Caafimaadka , jidadka iyo Biyaha.
Waxay bedeleen oo dhismooyin casri ah ay kawada dhiseen maagaalooyinkooda min degmo ilaa tuulo. bilicda magaalooyinka ayay sare u qaadeen, adeegyada casriga ah ee Isgaarsiinta , Entrnedka, Idaacadaha, TV-yada iyo adeega korontada ayay kor u qaadeen isla markaasina ka hirgeliyeen dhamaan deegaanadooda min degmo ilaa tuulo.
Taasoo u fududeeysay in dadka ay noqdaan dad la socda Caalamka intiisa kale, isla markaasina  dad ilbax ah oo aduunka wax la qabsanaya fahansana cadowgooda iyo nacamkooda.
Waxbarashada dugsi hoose ilaa heer Jaamacad ayay sameysteen iyo Dhaqaatiir Casri ah oo bulshada loogu faa’iideeyo. waxaasi oo horumar ah 90% waxaa sameeyay dadka qurba joogta. Jaaliyadaha Soomaaliyeed Deegaanadood ayay ku laabaan, dhib iyo dheefna waa ay la qeybsadaan shacabkooda iyo deegaankooda asalka ah ee ay ku noqon doonaan.
Jaaliyadaha dibada horumarka ay dhulkooda ka sameeyeen waxaay ka daawadaan Tv-yada. Iyagoo halkaasi kala soco talaabo kasta oo isbedal dadkooda ku yimaado, kana qeyb qaato badbaadintooda, Waa wax aduun iyo Akhirobo U fiican laguna farxo in umada wax loo qabto.
Hadaba aan u soo noqdo Jaaliyada Maakhir ee ku firirsan aduunka dacaladiisa.
Maxaa ku dhacay oo ka qaldan Jaaliyada reer maakhir oo facooda ka reebay una diiday inay Horumariyaan dhulkooda.????????. Waa Su’aal da’weyn oo qof kasta uu la fajaco.
Degmooyinka Gobalada maakhir waa meelaha ugu liito guud ahaan dalka Soomaaliya dhan kastaba ha noqotee.
Kama jiro wax horumar ah inna haba yaraatee dhan kasta ha ahaado, Dhismaha iyo bilicda magaalooyinka waa baa’ba, Isbitaalo iyo Iskoola warkooda ha sheegin, wadooyinka ka sii daran. Warbaahin kama jirto deegaanada maakhir, Internet kama jiro. Ma jirto Tv tagaya oo ka soo wariiyo, maxaa yeelay maba jirto dad abaabulan oo Adeegyadaasi u geeynayo dadkooda,  Dadka shacabka ah waa dad baaba’san oo kuligood wada danyar ah oon waxba haysanin.
Waagi horee waxay ku marmarsoon jireen qurba Joogta reer maakhir dhulkeena dadku ma ogalaa horumar kama sameyni karno. Warkaasi waxaa beeniyay ,hadda, Wali ma jirto cidd ka soo jeedo deegaanka oo xitaa ku dhaqaaqday talaabo dhanka horumarka ah.
Bal iska daayee xitaa ma booqdaan degmooyina, Badhan iyo dhahar iyo ceergaabo ilaa iyo haatan ma jirto jaaliyad ka soo jeedo maakhir oo Booqatay, Magaalada badhan ayaa laga yaabaa in ay dhowr u ruux lugta geliyeen isagana soo tagaan.
Waa wax aad loola yaabo Masiibada ku habsatay dadka reer maakhir ee qurbaha ku dhaqan. Meel ay ku roon yihiin malaha,. Dad ay caawiyaan iyo dal ay horumariyaan iska daayee iyagii ayaaba lafahoodii wax u qabsani la,  Waa umad dhan oo cajiib ah.
Qurba Joogta reer maakhir Dalkoodii iyo dadkoodii waay dayaceen , iyaguna waay is dayaceen.
Umadaha xitaa waxbaay sadaqeystaan, waligiin ma maqasheen Qurba joogta reer maakhir ayaa caawimaad gaarsiiyay, yubbe, dhahar, badhan ,ceergaabo  iwm ha sheegin.
Dadka laga sugayo inay deegaanka soo camiraan oo dhulkooda wax ka qabsadaan waa dadka noocaas ah.
Kuwa gudaha ku dayacan dadka ay ka sugayaan in ay isbitaalo iyo iskoola u dhisaan waa dadkaas, iyagiiba u baahan cidd ka soo celiso Yurub iyo Amerika.. Marka soo lama oran karo maakhir waa reer ba’oow yaa ku leh.
Kama fikirayaan caruurahooda halkii ay kula laaban lahaayeen,  Waxaaba laga yaabaa in qorshahaba ugu jirin inay ay ka soo laabtaan Yurub iyo America, Ileen waxii nool ayaaba dareenkaasi ku jiraaye.
Ugu dambeyn, waxaan leeyahay Reer maakhiroow sidani isku dhaama oo damiir iska baara. Lama huraan waa cowska jiilaal, dalkiina ayaan idin huri doonin. Dadnimo xumada qaarkeed waa dulinimo.
Sidoo kale dadnimo xumada waa shay nolosha aduunka iyo akhiraba ku seejinaya.Gacmo wadajir ayay wax ku gooyaan, hadii la helo maanta 10 ruux oo iyagoo Allah kaashanaya go’aansado inay bulshada wax u qabtaan iyaguna wax qabsadaan, wax weyn ayay qaban karaan, kana bedali karaan bulshada.
Kheyraadka badooda iyo barigooda wuu dayacan yahay kama faa’iideystaan. boqolaalka kun oo dan yar ah waxaa ku filnaan kheyraadka bada oo keliya hadii looga faa’iideyn lahaa oo ay heli lahaayeen dad Indhaha u fura .
Guri wasaqeysan ninkiisaa nadiifsan karaa reer maakhir dalkiina dib u soo eega oo gurigiina nadiifsada, dhexdana u xirta horumarka dhulkiina
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Arimaha Bulshada 13/02/2014 Sheekh Maxamed Idiris Xaalada Somalia

Daawo Video: Sheikh Umal iyo wixii uu ka yiri maalinka Valentine’s Day.

$
0
0

Caalamka gaalada waxaa maanta oo ah 14-ka February lagu xusayaa maalinta Valentine oo  lagu sheego Maalinka Jaceylka, hase yeeshee ah maalinta xuska Saint Valentine oo ahaa wadaad gaaleed noolaa xilligii boqortooyada Roman-ka.
Waxaase nasiib darro ah in umad badan oo muslimiin ah ay sidoo kale xusaan maalinkan, ayada oo qaarkood aan ogeyn xaqiiqda maalinkan.
Haddaba Si wax badan umadda muslimka ah ay uga ogaadaan arrintan, waxaa wacdi ka jeediyay Sheikh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah mashaa’iqda ugu weyn ee Somalia.Daawo Sheikh Umal iyo maalinka Valentine.
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dagaalka u Dhexeeya Qabqablayaasha Soomaalida Minnesota oo Meel Xun Maraya [AKHRISO]

$
0
0

Dhibka Suuriya "looma dulqaadan karo"

$
0
0

Sarkaalka Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka bani'aadanimo ayaa sheegtay in aan loo "dulqaadan karin" xadgudubyada ka dhacaya Suuriya.


Cayaarta Man City iyo Barcelona ee Champions League

$
0
0

Fernandinho ayaa dib ugu soo laabtay Manchester City oo ciyaar adag oo ka mid ah Horyaalka Champions League la yeelaneyso Barcelona.

Iran iyo quwadaha adduunka oo hadlaya

$
0
0

Iran iyo quwadaha adduunka waxaa u billawday wadahadal lagu doonayo in heshiis joogta ah looga gaaro barnaamijka Nuclear-ka Iran.

Shabaab oo Dilay Madaxii Nabadgaliyada Jubbooyinka

$
0
0

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka Madaxii Nabadd-sugidda ee maamulka KMG ee Jubbooyinka.

AKHRISO: Waraaqo Guddoomiyaha Wakiillada Iyo Guddida Dhexdhexaadinta Guurtidu Is Dhaafsadeen Oo Baajiyey Fadhigii Saaka, Muddo Kalena Loo Cayimay

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ogolaadey codsi Golaha Guurtidu (Gudiga dhexdhexaadinta khilaafka ka dhex oogan Golaha wakiilada) u soo gudbiyay.
Gudoomiyaha wakiilada ayaa qoraal rasmiya oo uu soo saarey ku wargeliyey xildhibaanada Golaha wakiilada in dib loo dhigay fadhigii golaha ilaa maalinta Salaasada 25-ka feb.2014ka.
Qoraalkii gudoomiye Cirro soo saarey oo dhamaystiran [...]

Idaacada CNN Oo Waraysi Ay La Yeelatay Wasiirka Arrimaha Dibda Somaliland Oo Ku Waydiisay Sababta Loo Aqoonsan Laayahay Somaliland Iyo Arimo Kale Daawo

$
0
0

London-(Idhanka)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo waraysi ay la yeelatay idaacada CNN ayaa Lagu Weydiiyay sababta Somaliland loo aqoonsan laay’ay halkan kadaawo

Idhanka.com
Idhanka London, UK

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live