Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Argagixiso kama dambayso diyaaradda maqan

$
0
0

Hay'adda Caalamiga ah ee Booliiska dunida ee Interpol, ayaa sheegtay in aysan aaminsanyen in weerar argagixiso loo aaneyn karo diyaaradda maqan Malaysia Airlines.


Wa Muxadaro Qalbi Xanuun Ah....قد أفلح من زكاها By Sh Abuu Cabaas

Fanaanka Maxamed Suleebaan oo geeriyooday

$
0
0

Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed ee loo yaqaanay boqorka codka, Maxamed Suleebaan Tubeec ayaa ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Fagaaraha School Polizio Ee Magaalada Muqdisho Oo Maanta Lagu Toogtay 3 Ka Mid Ah Ciidanka Dowladda Ee Somaliya (Daawo Sawirada)

$
0
0

Mogadishu-(Idhanka)-Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya, ayaa waxay maanta xukun dil toogasho ah ay ku fulisay, ilaa 3 ka mid ah Ciidanka Dowladda Federalka ee Somaliya.
Maxkamada, ayaa sanadkii hore waxay askarta la qisaasay ay ku heshay, cadeymo iyo qiraal muujinaaya in ay dilal ka geysteen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, taasina ay keentay in ay [...]

Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Gabiley Oo Mashaaric Kasocotay Idha-Indheeyay Isagoo Usiigudbay Dhankaa Iyo Borama Daawo

$
0
0

Gabiley-(Idhanka)-Madaxweynaha Somaliland oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Gabiley isaga oo wadooyin dhagax dhigay qaarkalana xadhiga ka jaray halkan kadaawo

Idhanka.com
Idhanka Gabiley

Guddiga joogtada ah ee baarlamaanka oo ka shiray kalfadhiga afaraad

$
0
0

Guddiga joogtada ah ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kulan ka yeeshay ajandaha la doonayo in la siiyo muhiimadda koowaad marka uu furmo kalfadhiga afaraad ee baarlamanka. Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa  shir-guddoominayay kulanka. Agaasimaha xafiiska guddoomiyaha baarlamanka Saciid Maxamed Caddow, ayaa ka hadlay qaabka ay u fududaan karaan howlaha [...]
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xil ka qaadistii Tarzan iyo magacaabistii Muungaab(Faallo)

$
0
0

Xilka qaadistii Mudane Mohamud Axmed Nur (Tarzan) iyo U magacaabistii General Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” labadaa jagee is dulsaaran micno weyn baa ku jirey. Inkastoo qorshaha xil kaqaadista mudane Tarzan uu mudo soo socotey, hadana waxeey bannaanka si toos ah u timid kadib markii uu Ra’isulwazaaraha hadda jiraahi Mudane: Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed u magacaabey Waziir-Ku-Xigeenka Sport-ga. Waxaase muhiimad gaar ah laheyd xiliga lagu soo beegey ama lala fiirsadey ku dhawaaqista in Tarzan si rasmi ah xilka looga qaadey, waase intiiba garankareeysa.
Waxaa xilka looga qaadey Mudane Tarzan Digreeto kasoo baxdey Xafiiska Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud Taariikhdu markii eey ahedy: February 27, 2014, Isbuuc kadib weerarkii dhacay February 21, 2014 ee ugu xasaasisanaa ee dowlada hadda jirta Al-Shabaab eey ku qaadan. Waxkale iska daaye Madaxtooyadii baa lagu weereray dowladii. Ogoow! Waa halkii ugu dambeeyseyba ee madaxdii dowlada ugu sareeysey eey wada daganeyd.
Waa meesha loo baahnaa in eey ugu ammaan badnaato oo eey weerarada Al-Shabaab ka caaganaato (The Green Zone). Waxaa nasiibdarro! Weerarradaa lagu diley mas’uuliyiin aad u sarsareeysa, oo eey ka mid ahaayeen Allaha u wada naxariistee: Agaasimihii hore ee xafiiska Ra’isulwazaaraha: Marxuum Dr. Maxamed Xirsi Cabdulle (Indhacade) iyo Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida qaranka Jen. Nuur Shirbow iyo muwaadiniin kalaba.
Taa waxaa fursad ahaan looga faa’ideeystey-Ileyn Carabtaa tiraahda, Masiibada dad, dad kaleey faa’iido u tahay (مصائب قوم عند قوم فوائد)-Xil ka qaadista mudane Mohamud Axmed Nur (Tarzan), iyadoo si xirfadeeysan dusha looga saarayo guul-daradaa Amniyeed, iyadoo eedaa laga duwayo/wareejinayo ragii sida dhabta ah ee tooska ah eey u qeeysey guul-darradaa Amni ee dhacdey. Waxaa tooshka sidaa looga leexiyey Waziirka Amniga Qaranka “Ee lama taabtaanka ah” Mudane: C/Kariin Xuseen Guuleed oo ah saaxiib aad ugu dhow H.E. Madaxweyne: Xasan Sheekh Maxamuud, madaama waziirku uu ka mid yahay kooxda isxulufeeysiga Dam-Jadiid ee xiligan talada dalka gacanta ku heeysa.
Xaqiiqdiina wuxuu Mudane: C/Kariin Xuseen Guuleed ka mid ahaa ragii uu R/W hore mudane: Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) uu sababsadey in meeshaba laga eryo kadib markuu damcey in uu ka saaro liiska waziiradii cusbaa ee uu soo waday. Ra’isulwazaaraha hadana jira Mudane: Cabdi Wali Sheekh Axmed Maxamed-na lagu qasbey in uu kusoo daro liiska waziirada isaga iyo mudane: Faarax Sheekh Cabdulqaadir (Faarax Topaz) oo hadda ah Wasiirka Dastuurka iyo Cadaaladda Dowlada federaalka ah. Hubaalna wadaxweynaha ugaba sii dhow Mudane: C/Kariin Xuseen Guuleed.
Hadii aan xaqiiqda la iska indho tireyn C/Kariin Xuseen Guuleed waa Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaaliyeed, waa ninka 1-aad ee Arimaha Amniga howshiisa iyo mas’uuliyadiisa dhabta ahi tahay, cidkaloo ka xigtaa hadii fashil dhinaca Amniga ahi yimaadana ma jirto, balse nasiibdarro! Si xirfadeeysan ayaa tooshka inta looga wareejiyey la duldhigey Mudane: Tarzan oo horeyba loogu socdey, si looga dhigto waxa afka qalaad lagu yiraahdo “scapegoat”.
Waxaase sidaa si la mid ah mas’uuliyadaa Aminga Waziirka Aminga C/Kariin Xuseen Guuleed ula qeeybsanaya waliba si toos ah dusha eey uga dhaceeysaa: Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. C/Xakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo Taliyaha Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliyeed: Jeneraal Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe).
Caalamka Madaxda jagooyinkooda oo kale heeysa marka eey guul-darradaa aadka u xumi (Catastrophic failure) dhacdo weey is casilaan, si sharaf ah waliba iyagoo mas’uuliyada eey ku leeyihiin guuldarradaa qiranaya ummadana weey ka horwareegaan. Nasiibdarase! Sadaxdaa nin jago jaceeylkood in eey iscasilaan iska daaye, xitaa ma aaneey qiran qeeybta eey ku leeyihiin guul-darradaa iyo gudasho la’aantaa mas’uuliyadeed. Waxaase habooneyd in maadaama aaney is casileynin uu madaxweynaha shaqada ka eryo, inta nin jecleeysiga iska iloobo, si kuwa mustaqbalka imaanaya eey duruus cad ugu noqoto, isagana uu u noqdo mas’uul qaran oo aan ciyaar-ciyaar qaadan, kuna dhiirada go’aannada ad-adag balse saxda ah kuwaasoo mudan in la qaato. Madaxweyne Xassan-se ma rabo in sidii Madaxweynihii hore H.E.Sh. Shariif Sheikh Ahmed uu asxaabtiisa (His team) uu marba meel mid uga tago, illaa uu kaligii meel soo istaagay.
Nasiib darro! Wixii oo dhan ayaa waxaa si afka aan lagu dhufaneyn (Lisaanul Xaal) dusha looga tuurey Tarzan, si dadka loogaliyana waxaa lagu badaney General Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo ku caanbaxey dil toogasho ah dhalinyaro ku wada xukumid, si dadka loogu yiraahdo-Si dadban-Mas’uuliyadaa Aminga ninkii hore (Tarzan) waxbuu ka qaban waayey, nin adag baan keenney oo hadda wax ka qabanaya, taasoo ah Indha-Sarcaad mas’uuliyada dadkii iska lahaa looga leexinayey.
Gen. Muungaab oo sifiican kaartadaa ula socda mustaqbalkana kasii gaashaamanaya, ayaa khudbadiisii xil-lawareegida ku yiri, “”Talisyada Booliska Iyo Nabad Sugida Gobolka Banaadir waa In ay iga amar qaataaan, hadii kale Amniga gobol-ka yaan waxba la iga weydiin” isagoo u cuskanaya sharcigii No. 21 ee soo baxay Augost 1963 ee aan la badalin sidiisana u jira. Waa arin Tarzan hore uga hoosbaxdey, Muungaab-se Allah uu garadsiiyey.
WAXQABADKII MUDANE MAXAMUUD AXMED NUUR (TARZAN)
Aqristoow Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Magaalada Muqdisho waxaa lagu xasuusan doonaa waxqabad hufan oo aad u baaxad weyn.
Wuxuu waxbadan ka qabtey magaalada Muqdisho. Wuxuu ahaa nin si dhab ah u rumeeysan wax ugu qabashada Gobolka Banaadir iyo Caasimada dalka ee Muqdisho. Wuxuu taa ku yeeshey saaxiibo iyo cadow badan oo aad u jecel in magaalada Muqdisho aaney waligeed ka bixin dhimasho, dhiig daata, horumar la’aan iyo dib u dhac dhinac kasta ah, iyadoo dhinaca kalana magaalooyin iyo gobollo kaloo dalka ka mid ahna eey nabad iyo horumar dhinackasta ah ku naaloonayaan. Wuxuu ahaa mas’uul si dhab ah ugu maseeyra, si dhab ahna ugu gubta arimahaa Gobolka iyo Caasimada Qaranka ee Muqdisho. Inkastoo eey jireen mas’uuliyiin isaga ka horeeysey ee xilalkaa hore loogu soo magacaabey, hadana wuxuu ahaa mas’uulka kaliya ee isbadal dhab ah ee la taabankaro ka sameeyey Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Banaadir.
Waxyaabaha uu magaalada Muqdisho iyo Gobolka Banaadir ka qabtey hadii aan dhahno aan wada sheegno, waxeey inooga baahnaaneeysaa qormo aad u dheer oo arimahaa u gaar ah, balse kuwa ugu mhuiimsan waxaa ka mid ahaa; In uu ahaa ninkii ugu horeeyey ee xilkaa qabta burburkii dowladii dhexe ee Marxuum Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre kabacdi ee Gobolka iyo Magaalo-Madaxda u sameeya Dab-Damisyo lagula tacaalo dabka inta badan hantida ummada Soomaaliyeed iyo naftoodaba eey ku baaba’aan. Waxaa xusid mudan in Suuqa ugu weyn Dalka ee Bakaaraha si joogta ah sanadkasta loo gubijirey, sidaana dhaqaalaha iyo hantida ummada loogu cuuryaaminjirey, iyadoo dowlada hoose, Gobolka Banaadir iyo Magaalo-Madaxduba aaney laheyn wax Dab-Damis ah.Wuxuu sidoo kale hirgaliyey mashruuc gobolka uu ku yeeshey Ambulance-yo si ummada naftooda loogu badbaadiyo.
Wuxuu dhisey qalabeeyeyna dhamaan xarumaha degmooyinka gobolka, oo hortii Foore/Eber ahaa. Wuxuu ballaariyey Isbitaalka Banaadir oo dayactir baaxad leh uu gobolka ku sameeyey. Wuxuu dhisey isbitaalka Fiqi ee ku yaalla Ceelasha Biyaha.Wuxuu dhisey xarunta caafimaadka ee Xamar-Jajab.
Wuxuu dhisey Xarunta Police ee u dhaweyd College Feraro meesha canshuurta, xafiisyadoodana uu u qalabeeyey. Waxaa intaa u siidheereyd waxqabadkii aadka loola dhacay ee soocelinta Bilicda Magaalada Muqdisho iyo Guud ahan Gobolka Banaadir sida: Hagaajintii uu u sameeyey Beerta Nabada ee Yoobsan oo isaga hortii iska noqotey meel baabuurta qanaxyada ah lagu guro, balse uu u badaley meel banaanbaxyada lagu qabsado, ummadana isku wacyigeliso, iyadoo qorshe lagu sii casriyeynayana uu Turkiga kula heshiiyey. Waxyaabaha Ummada aadka usoo jiitey Qaranimadii, sharaftii iyo karaamadii ummadan in eey soo noqoneeysana shacabka uu ku dareensiiyey waxaa ka mid ahaa in uu dhisey Beerta Dhagax-Tuur, Taallada Dhagax-Tuur, Taallada SYL, Taallada Sayidka, Taallada Dal-Jirka-Dahsoon, Beerta KM-4, Afarta-Darjiino, Kalabeeydhka Fiat, Kalawareega Shangaanni IWM.
Waxaa sidoo kale uu waxweyn ka qabtey dhinaca qashinka magalada oo buuro ahaa meelkasta, taasoo aheyd mushkilo dhinac bilic iyo mid cuduraba isugu jirtey. Si uu u dhiiragaliyo rajada iyo soo noqoshada Nabada la heley, wuxuu dalka ku casuumey fannaaniin caan ah sida: Hiba Nuura, Qoomaal, Lafoole, Kooxda Qeylo-Dhaan…IWM si qurbo-joogta eey ugusoo dhiiradaan kusoo noqoshada iyo maal-gashiga dalkooda hooyo, gaar ahaan Caasimada dalka.
Waxaa xusid mudan in xilka markuu la wareegayey mudane: Tarzan eey gacanta xukuumada ku jireen oo kaliya 5-Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Caasimada ee Muqdisho. Wuxuu daganaa Hotel Naaso-Hablood-2, waxaana u furnaa halwado oo kaliya, wadadaana waxeey aheyd mid Afar Mas’uul lagu qarxiyey, waloow isagana la isku dayey, balse Allaah uu ka badbaadiyey dhowr jeer. Xaqiiqdii aad ayuu u dhabar-adeeygey, halis farabadanna ugu bareerey si dalkiisa iyo dadkiisa uu wax ugu qabto.
ARIMAHA KA HOOSBAXEY TARZAN
Mudane Tarzan waxaa ka hoosbaxdey dhowr arin oo muhiim aheyd in uu wax ka qabto. Waxaa ugu muhiimsan:
1- Waxaa jirta in Gobolka Banaadir yahay meesha kaliya ee dusha kaligeed loo saarey in dhaqaalaha kasoo baxa Dakadda iyo Garoonka Muqdisho lagu wado dowladnimada Soomaaliyeed ee ummadoo dhan laleeyahay weey ka wada dhaxeeysaa, iyadoo gobollada kalee leh Dakado iyo Garoomo aaney waxba ka dhiibin culeyskaa baaxada weyn ee dowlada Dhexe lagu kala wado-Marka laga reebo waxa bulshada caalamku bixiso-Gobolladaa waxeey u hadlaan sidii kuwo kaalintoodii kasoo baxay, nasiibdarrana! Waxba uma qirsana bulshadaa culeeyskaa lagu wada fiirsadey. Arintaa wax ka badalin dhab ah waliba degdeg ah ayey u baahneyd, walina ubaahantahay.
2- Arinta la wareegida ciidamada Gobolka Banaadir oo uu ku dadaalo in eey Booliska iyo Nabad-Sugida gobolkuba isaga hoos yimaadaan, si aanu cidkalaba ugu halleyn.
3- Arinta Maamulka Siyaasadeed iyo Isdoorashada oo eey aheyd in uu xooga saaro kana shaqeeyo in uu maamul isdoorta, madaxdeedana lasoo doorto gobolka Banaadir yeesho, si markasta uu gobolka mustaqbalkiisa aanu ugu xirnaan mustaqbalka dowlada dhexe, si gobolka Banaadir uu dhinackastaba ugula tartamo gobollada kalee dalka ee maamullada leh. Haduu arintaa ku guuleeysan lahaa maanta cidi ma casilikarteen. Inkastoo taasi jirto hadana aad ayuu u dadaalay.
WAXA LAGU QOONSADEY MUDANE TARZAN
Waxaa lagu qoonsadey in uu ahaa nin aragti fog, codkar ah, aan la gamban runta cidii eey rabtaba ha quseeysee. Wuxuu marar badan aflabadii eedeeyn ugu jeedinjirey dowlada dhexe, xitaa intii la socotey qudbadii xilwareejintaba eey ka mid aheyn eedeeyn uu u jeediyey waziirkii hore ee arimaha gudaha C/Kariin Xuseen Guuleed.
Wuxuu noqdey Siyaasi lawada afhayo ammaantiisa iyo waxqabadkiisa, sumcadiisana maalinba maalinta ka dambeeysaahi sii kordheeyso. Wuxuu ahaa siyaasi aad uga awoodbadnaa xitaa Waziirada. Waxaa la dhihi karaa wuxuu ahaa Booska Afaraad waa marka laga soo tago madaxweynaha, Ra’isulwazaaraha iyo Gudoonka Baarlamaanka.
Shiiqinta uu ku sameeyey siyaasiyiin farabadan darteed, waxaa halis u arkey in badan oo mustaqbalkooda siyaasadeed uu ku cariirinkarayey hadaan laga hortagin sumcadiisa iyo magaciisa degdega usii kobcaya. Ugu dambeeyna hawadaa lagu cunay.
Wabillaahi Toowfiiq
C/Qaadir Maxamed Cismaan, “Cabdiboqor”
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhamaan Shaqalaha Iyo Maamulka Halbeeg waxay Hanbalyo meher wacan U dirayaan Wariye Cumar Seerbiya Iyo Marwadiisa Hodan

$
0
0

xukuumada siilaanyo oo golahii baarlamaanka iyo golihii garsoorka intay soo faro gelisay hadana maraysa golihii deegaanka!

$
0
0

waxa shalay shir jaa-id magaalada hargesa ku qabtay golaha deegaanka magaalada hargeysa iyaga oo ka cabanaaya shaqadii ay umada soodooratay ee deegaanka hargeysa u hayeen uu digreeto ku soo saaray wasiirka howlaha guud c/risaaq khaliif axmed isaga oo ka joojinaya inay sharciyaynta iyo qorshaynta iyo bixinta dhulka banaan ee danta guud ee dalka! oo tolow waa maxay shaqada kale ee ay hayaanba hadii wixii ay shaqadoodu ahayd ba uu ka joojiyo?!
hada waa gole deegaan oo lasoo doortay oo shaqadoodu tahay inay umada wakiil uga noqdaan arimaha dhulka iyo deegaanka oo ay bulshada u kala suntan qof waliba booska uu qayto isaga oo u maraaya sifaha sharciga ah ee xeerka dhulku dhigaayo una sharciyeeyaan kalana ogaadaan qof waliba meesha uu leeyahay iyo meesha danta guud ah ee umada ka wada dhaxaysa,
shalay uun bay ahayd markii koox garsoorayaal ah oo maxkamadaha ka shaqeeyaa ay si qaawan intay saxaafada u soo hor fadhiisteen uga cawdeen in shaqadooda ay ka gudan la yihiin wasiiro xukuumada ka tirsan! taasi waxay calaamad u noqotay in aanay xukuumadu lahayn siyaasada qeexan oo ku wajehan habka ay u wada shaqayn karaan golayaasha qaranka ee ay kala madax banaan yihiin sida golayaasha sharci dejinta iyo garsoorka dalka oo isna madaxbanaan iyo golayaasha deegaanka waxaana ka muuqata xukuumada siilanyo hogaamiyo in xubnaha kamidka ah goloha wasiiradu ay isaga socdaan madaxaa ha ku furto! iyo hortaa banaan oo wasiir kastaa uu meesha uu doono si qaawan isaga farageliyo,
wasiirka madaxtooyadu isaga oo uu horfadhiyo madaxweyne siilaanyo waa kii magaalada Liverpool uga han jabay gudoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha wakiilada ee markaas dhaliilsanaa siyaasada xukuumada ee yidhi sankiina ayaanu caano ka idlayn! isagoo xitaa aan dhowrany karaamada madaxweynaha meesha fadhiya! hada cida uu meesha uga hanjabayo xirsi waa gole qaran oo madaxbanaan oo sharciyadiisa leh!,
waxa kamidka ah dowlad wanaaga waa hayadaha qaranka oo wada shaqayn buuxda leh oo qolo walba shaqadeeda aan lagu soo faro gelin hadii taas la waayo waxa dhacda jaantaa rogan sida maantaba ka muuqata xukuumada talada haysa, waxa dhaca in la kala garan waayo cid leh go-aanka kamadanbaysta ah maahmaah carbiya ayaa tidhaah (hadii kuugtu badato maraqa ayaa fasahaada!) markii uu ilaahay bani aadamka abuuray ayuu uGu talo galay in uu yeesho hogaan waxaana uu nabe geenu muxamed NNKH inoo sheegay saxed dii qof ee meel maraya xitaa safar na ha ahaadaane inay qof hogaan ka dhigtaan taasi waxay kuu cadaynaysaa in laga ogolayn waxa layidhaah fowdada iyo is bar baryaaca,
dalka waxa loo doortay inuu hogaamiyo madaxweyne siilaanyo cidii kale ee uu shaqada qaranka u igmadaana waa waajib qaran in lala shaqeeyaa laakiin waxa fowdo timaadaa marka qofkii qaranka uGu sareeyey meesha laga waayo oo cid aan hogaanka loo igman intuu talada marooraso uu meel baas kala dhacdo isaga oo qofkaasi dano gaara uga faa-idaysanaya!,
weli may dhicin intii qaranka Somaliland jiray iyo intii hogaan ee is bedelayay wax kaleba halagu dhaliilee in masuulkii qaranka ugu sareeyey iyo kuwii uu isagu shaqada u wakiishay ay sidan oo kale si fowdo ah isu barbaryaacaan oo wasiir kastaaba meeshuu doono iska fara geliyo si shuruucda dalka u taal ka baxsan aan xukuumadan maanta shaqada haysa ahayn!
waxa layidhi sadex ayaa mataxtinimo kaa qaada gacan gudhan gudoon jilicsan iyo gar eexo! maanta hogaan keena waxaa ka muuqda gudoon jilicsan waxaad arkaysaa hal dhacdo oo ilaa shan xubnood oo xukuumada ka wada tirsan midba meel shir jaraadid kaga hadlaayo!
dalka waxa ka socda boob dhinaca awooda ah iyo hanti urursi aad u balaadhan kaas oo uu rabo masuul kasta oo xil haya inuu ka faa-idaysto inta uu xafiiska joogo ha ahaado mid wadooyinkii is hoos geeyay si dhaqaale uga soo galo mid raba inuu dowladihii hoose dhulkii shaqadoodu ahayd kala wareego mid hantidii yarad ee airport yada loogu talo galay boobay iyo mid marba shirkado shidaal baadha meel heshiis qarsoodiya kula saxeexanaya oo raba inuu saxeexaas uun wax ku dilaalo oo uu shirkadaha ka qaado wax layidhaah xaqul qalin! maba kala jecla inay shidaal soo saaraan iyo in kale laakiin isaga waxa uga muhiimsan xoogayga dufanka ah ee uu markaas ka qaadanayo waayo waxa uu aamin san yahay beri ayaa xilka lagaa qaadayaa ee meesha ka xoogso ma laha wax wadaniyad ah iyo dalka u shaqee laakiin waa soo shaqo tagay! waa dhaqanka cusub ee laga dhax laayo xukuumada siilaanyo! iyo team ka la shaqeeya,
waxaan leeyahay dalku waxa uu u baahan yahay gurmad qaran oo lagaga bad baadiyo ayaxan diirtay ee marqudha ku hab saday! waxaanse ka baqayaa wuu tageyaaye hadii uu ina dhaafo in uu koron koro inagaga tago!
aadan axmed nuur
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo Video: Madaxweyne Siilaanyo Oo La Tukubinayo Dirqina Ku Socda Gacantana La Hayo

$
0
0

Arbaca 12 March 2014 Hargeysa (HALBEEG)– Madaxweynaha Somaliland oo socdaal u eg qaab olole siyaasadaysan oo uu doonayo inuu ku kasbado bulshada galbeedka dalka ku maraya hadda, ayaa kamaradaha warbaahintu qabteen madaxweyne Siilaanyo oo dirqi iyo tuxun ku luudaya, isla markaana qaybo ka mid ah shaqaalahiisu ay gacanta hayaan isagoo lugaynaya hoos ka daawo muuqaalkaasi oo aanu ka soo xiganayno shabakadda aanu saaxiibka nahay ee BooramanewsHalbeegnews, Booramacontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Oo Wareegto Ku Magacaabay Gudoomiye Ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir

$
0
0

Mogadishu-(Idhanka)-Wareegto laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa isbedel loogu sameeyay Gudoomiye Ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, marka laga reebo Iimaan Nuur Iikar, oo markale xil looga dhiibay Maamulka Gobolka Banaadir.
Iimaan Nuur Iikar waxa uu la dhashay Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Federalka ee Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar.
Kamaaludiin Daahir Xasan, oo ahaa Agaasimihii [...]

Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga KULMIYE Oo La Diyaariyay Iyo Muran Ka Taagan Tirada Saamiga Qaybsiga Ergooyinka Beelaha Somaliland Ee Ka Qayb Gelaya Oo La Shaaciyay

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Kulankii shalay ka dhacay Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye ee ay yeesheen Guddida Fulinta waxa hadheeyey Dood adag oo la isku mari waayey qoddobadii Ajandaha u ahaa kaasoo uu ugu weynaa Saami qaybsiga Kuraasta Golaha Dhexe ee Xisbiga oo dib loogu riixay Hogaanku in ay go’aan ka soo gaadhaan kadib markii la isku mari waayey.
Kulanka [...]

Golaha Deegaanka Caasimada Oo Si Kulul Uga Jawaabay Digreeto Wasaarada Hawlaha Guud Kaga Joojinayso Dawladaha Hoose Hawlo Ay Qaban Jireen

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Xildhibaanada golaha deegaanka Hargaysa ayaa si kulul u dhaleeceeyey wareegto uu wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Somaliland uu kula wareegay shaqo dawladaha hoose ee Somaliland ay qaban jireen, isla markaana soo saaray amar uu kaga mamnuucayo inay bixiyaan ama qorsheeyaan howlaha danta guud ee magaalooyinka Somaliland.
In ka badan 20-xildhibaan oo uu shir-gudoominayey Maayar ku-xigeenka golaha [...]

“Waxan Shaahid U Ahaa” Waa Buug Cusub Oo Uu Qoray Axmed Abul-Qeyd, Wasiirkii Arrimaha Dibada Ee Masar 2004-2011. (Qaybta 3aad)

$
0
0

Qormo-(Idhanka)-Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Mr Axmed Abul Qeyd ayaa dhawaan soo saaray Buug uu qoray oo uu cinwaan uga dhigay “Waxaan Shaahid u ahaa kaas oo uu kaga waramayo Siyaasada Dibada ee dalkiisa siday ahayd iyo wixii soo maray mudadii u dhaxaysay tan iyo markii wasiirka khaarajiga loo magacaabay July 2004 ilaa iyo markii [...]

Madaxwayne Axmed Siilaanyo Oo Fagaare Kala Hadlay Dadweynaha Reer Lughaya Balan Qaadyo Badana U Qaaday Reer Lughaya

$
0
0

Lughaya-(Idhanka)-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa duhurnimadii maanta waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Dekedda ah ee Lughaya.
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa intii aanay soo gaadhin gudaha magaaladaasi waxaa ka hor yimid kumanaan ruux oo dadweynaha deegaankaasi, kuwaasoo ruxayey caleemo qoyan iyo calanka JSL. Isla markaana ku [...]


Wararka Dibada: Mudaharaad Ay Sameynayaan Muslimiinta Jamhuuriyada Crime Iyo Saacdo Yar Ay Ka Harsantahay Aftida Laga Qaadayo Dadkaas (DAAWO)

$
0
0

Wakhti saacado yari ka harsantahay aftida laga qaadayo dadka ku dhaqan, jamhuuriyada Crime ee dalka Ukraine ayaa boqolaal ka mid ah qoomiyada Tatarka ee dalkaas ay mudaharaad ka dhigeen caasimadda degaankaas ee magaalada Simferopol.
Dadka Tatarka oo asal ahaan iyagu dhulkan lahaan jiray, ka hor intaan Midowgii soofiyeeti iyo Ruushku ka masaafurin, waxa ay ka baqayaan in xaaladooda la ilaawo oo ay noqdaan dad laga tiro badan yahay oo la ilaawo haddii aftidaasi noqoto in dadku u codeeyaan ka mid noqoshada Ruushka.
Markii ay Mudaharaadka Tatarka Crime ka samaynayeen jidadka magaalada Simferopol ayaa waxa iyaguna mid kasoo hor jeeda oo Ruushka lagu taageerayo dhigayay taageerayaasha Ruushka iyo Madaxweynahooda Vladimir Putin, laakiin wax isku dhac ahi ma dhicin.
Faysa Maxamed Xasan
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Shirqoolkii Dahabshiil ee Al-Barakaat, 13 sano kadib maxaa xigi doona?

$
0
0

Number of View :128
Sedex iyo toban sano kadib ayey Cadaaladii guuleeysatay,waxaa mira dhalay daacadnimadii Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo Shirkadiisii Al-Barakaat xaqdarro loo xiray,sidoo kalena xoriyadiisii safarada loo xanibay.
Qaraar ka soo baxay golaha amaanka ayaa lagu shaaciyay in Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale xor yahay, sidoo kalena waxaa la fasaxay hantidii Shirkadiisa Al-Barakaat.
Ganacsade Axmed Nuur Jimcaale oo sedex iyo toban sano ahaa DHIBANE u nugul hanjabaada iyo gardarooyinka lagula kaco, wuxuu laacay guul taariikhi ah, oo bulshada ka baran karaan in SAMIRKU yahay guusha Geesiga.
Waan hubaa in Axmed Nuur Cali Jimcaale marna ku lug yeelan arrimo argagixiso, balse waxaa dhibaatada ugu weyn ee cadawgiisa uga faa-iideeysteen ay tahay lugtii uu ku lahaa iyo gacantii uu siiyay Urur diimeedka Al-Itixaad.
Shirkadda Dahabshiil oo weerarkii 9/11 u aragtay fursad qaaliya, ayaa xanibaadii la saaray Al-Barakaat abaabushay sida la xaqiijiyay, hasse yeeshee waxaan Calaamatu su-aal saarayaa waxa xigi doono sedex iyo toban sano kadib?
Shirkadda Dahabshiil ma wajahi doontaa jidkii Al-Barakaat oo bulshada Caalamkana maka marqaati noqon doontaa Al-Barakaat oo dib loo furay iyo Dahabshiil oo la xiray?
Ila wareedyo muhiima waxay sheegeen in macluumaadka la helay sidaas xaaladu u badan, hasse yeeshee waxaa aad loo wada sugayaa Warbixinta gudigga dabagalka Qaramadda Midoobay ee Eretria iyo Somalia soo saari doonaan 28 March 2014.
Dhinaca kale, waxaa su-aal ka taagan tahay Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ma rumeeysan doonaa in dagaalka lagula jiro yahay mid qabiil ? mise wuxuu moodayaa mid ku saleeysan arrimo diimeed?
Fikirka uu qabo wax badan lagama oga, maxaa yeelay waa nin afgaaban, hasse yeeshee danta waxay ugu jirtaa inuu ka fogaado ku lug lahaansho arrimo urur diimeed nuuc kastaba? maxaa yeelay waa jidka qura ee xoolahiisa lagu xalaaleeysan karo, cadawgiisa guul ka raadin karaan .
W/Q: Cabdirisaaq Axmed Jimcaale
Muqdisho, Soomaaliya
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DHAGEYSO:Shabaabkii Kusugnaa Degaano Katirsan Magaalada Marka oo laga raacdeeyay

$
0
0

Number of View :119
Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa habeenimadii xalay waxa ay gaareen deegaano hoos yimaada magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabelaha hoose oo horey ay umaamulayeen dhaq dhaqaaqa Shabaab.
Max,ed Cusmaan Yariisow Gudoomiyaha Magaalada Marka oo sheegay in deeegaano dhowr ah ay shabaabku ka qabsadeen waxaana degaanadaas kamid ah ‘kabtan laas ‘danow’ buulo sheeq’ iyo tuuloyin kale oo hoos taga deegaanka Golweyn isgoona intaa kudaray in wax iskacaabin ah aysan lakulmin oo si nabad gelyaha ay kula waregeen degaanadaas dhawaana ay gaari doonaan degaano kale oo buulo mareer ay kujirto.HALKAAN KADHAGEYSO
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DHAGEYSO: Saraakiil Hor leh oo katirsan Al-Shabaab oo Malaayiin Dollar Madaxooda la dul saaray

$
0
0

Number of View :116
Wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa ku dhawaaqday balanqaad gaaraya 3-milion oo dolarka Mareykanka cidii keenta macluumaad horseedi kara in gacanta lagu soo dhigo maxkamadna la horgeeyo 3-sargaal oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ee xiriirka la leh Ururka Al-qaeda.
Xarakada Al-shabaab Somalia ayaa sheegatay sanadii tagtay weerar dhiig badan uu ku daatay oo ay ku qaaden suuq ganacsi oo ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.HALKAAN KADHAGEYSO
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DHAGEYSO:IGAD Oo shaacisay Hadal Siweyn Ugu Farxayn Dadka Kunool Goobaha shabaab Laga saaray

$
0
0

Number of View :121
Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in ay ka dalbanayaan dowlada Soomaaliya in ay gar gaar bini aadanimo oo deg deg ah ay la gaarto dadka ay sida tooska sameynta ugu yeelatay dagaalka ay ciidamada isgarabsanaya kala wareegen degaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfurta Iyo bartmaha dalka.
Ra’iisul wasaaraha xukuumada Somalia oo isaga ka qeyb galay shirkii madaxda Ururkaasi ayaa sheegay in aan hada looga maarmeyn dowlada iyo beesha caalamka in ay bixiyaan gargaarka bini aadanimo ee la gaarsiinayo.HALKAAN KADHAGEYSO
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live