Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Ra'iisal wasaaraha oo looga digay in Golahiisa wasiirada uu ku soo daro raggii horay uga tirsanaa xukuumadii hore ee Sharma'arke

0
0

Ra'iisal wasaaraha mar dhow uun helay codka kalsoonida baarlamaanka ayaa looga digay in uu Golaha wasiirada ku soo daro raggii horay uga tirsanaa xukuumadii Sharma'arke.

Xildhibaanadii sagaashanka gaaraya ee u codeeyay in aan Kalsooni la siin Ra'iisal wasaaraha ayaa kulan ay Muqdisho ku yeesheen ka dib ka sheegay in ay ku faraxsan yihiin diidmadii ay codkooda u diideen Wasiirka koowaad iyadoo dhanka kale hadda ra'iisal wasaaraha digniin u diray.

Xildhibaan Gaagaale oo ka mid ah Xildhibaanadii doonayay in aan kalsooni la siin Ra'iisal wasaaraha ayaa sheegay in ay Farmaajo uga digayaan in uu ku soo daro Golaha wasirada raggii horay uga tirsanaa Xukuumadii Ra'iisal wasaarihii hore.

Ra'iisal wasaaraha ayaa haatan ku mashquulsan soo xulida golaha wasiirada waxaana la arki doonaa bal in uu hadalka Xildhibaanadan yeelo iyo in kale.

halgankanet@gmail.com 


Alshabaab oo siminaar u qabtay odayaasha dhaqanka Muqdisho

0
0

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Shongole) oo ka tirsan saraakiisha sare ee
Xarakada Mujaahidiinta Shabaab ayaa maanta baaq ku wajahan odayaasha
dhaqanka ee konfurta Soomaaliya u jeediyey.
Sheekh Fu’aad Khalaf  oo ka hadlayey seminaar ururka Al Shabaab ay u
qabteen nabadoono ku nool magaalada Muqdisho ayuu kaga hadlay qodobo
kala duwan isagoo si gaar ah u soo hadal qaaday doorka odayaasha
dhaqanka.
“Odayaasha Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho waxaan idin leenahay
dagaalka ka qeybgala oo wadanka difaaca”, ayuu yiri Sheekh Fu’aad oo
hadal u jeediyey nabadoonada seminaarka loo qabtay.


“Dagaalka maanta socda ninkii ka hara waa FAASIQ marka loo eego Quraanka
iyo Sunnaha”, ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Fu’aad Shongole oo ka
hadalayey masjidka Dabaqeyn ee degaanka Suuqa Xoolaha ee magaalada
Muqdisho.
Sheekh Fu’aad waxaa uu fariin u diray wadamada Uganda iyo Burundi isagoo
sheegay inay qixin doonaan shacabka ku dhaqanka Bujumbura iyo Kampala
ee ah casimadaha labadaasi dal.


“Intay naga gooyeen ayaan ka goyn doonaa, ILLAAHAY waxaan kula ballanay
in Bujumbura iyo Kampala laga qaxo. Siday noo barakiciyeen ayaan u
barakin doonaa”, ayuu yiri Sheekh Fu’aad.


Dhinaca kale Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf wuxuu fariin u diray culimada
Soomaaliyeed isagoo sheegay in culimada waajib uu ku yahay inay dagaalka
ay ugu horeeyaan.


Munaasabada seminaarka ah ee maanta loo soo gabagabeeyey qaar ka mid ah
nabadoonada ku dhaqan Muqdisho ee ay soo qabanqaabisay Xarakada Shabaab
ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo ah
wakiilka Al Shabaab ee gobolka Banaadir oo isaguna sheegay in ruuxii
Janno raba uu tago safka hore ee dagaalka.


Wuxuuna baaqiisa ku sheegay in aan dadka looga baahneyn inay afka ka hadlaan ee looga baahan yahaay dagaalamaan.
Baaqa maanta ka soo yeeray saraakiisha sare ee Xarakada Shabaab ayaa ku
soo beegmay iyadoo maalintii shaley hadal uu jeediyey wakiilka Shabaab
ee gobolka Banaadir uu kaga dalbaday haweenka Soomaaliyeed inay
carruurtooda keenaan dagaalka hubna ay u soo gadaan.

Muwaadiniin ku geeriyooday miino la kacday baabuur ey saarnaayeen

0
0

Sadex qofood ayaa ku geeriyootay tiro intaa ka badana wey ku dhaawacmeen kadib markii gelinkii danbe ee shalay ay Miino kula kacday gaari dad rayid ah la socdeen nawaaxiga Guriceel. Ee Gobolka Galgaduud.


Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Taardhuleed ayaa sheegay in gelinkii danbe ee shalay gaari ay la socdeen dad rayid ah ay Miino kula kacday deegaan Lixdan kilo mitir dhanka Koonfureed ka xiga degmada Guriceel, halkaas oo sida uu sheegay ay ku geeriyoodeen Sadex qofood oo ka mid ahaa rakaabkii la socday gaarigaasi, halka tiro intaa ka bandanna ay ku dhaawacmee.


Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray in dadkii dhaawaca ahaa la soo gaarsiiyay Cisbitalka magaalada Guriceel, isagoo xusay in tiro farabadan oo Ari ah oo gaarigaasi saarnaana ay ku geeriyoodeen isla markaana ay Miinadu Burbur xoog leh gaarsiisay gaarigaasi.


Ma aha markii ugu horeeysay ee Miino ay la kacdo dad rayid ah, lamana oga cidii Miinada halkaasi ku aastay in kastoo falalka noocan oo kale ah ay ku caanbaxeen Maleeshiyaadka Shabaab oo qaraxyada u adeegsada baabi’inta dadka rayidka ah.

Dagaal culus oo laba beelood ku dhexmaray gobolka Galgaduud iyo dhimashada oo labaatan kor u dhaafeysa

0
0

Dagaal culus oo aan waxba la isu reebay dhiig badanna daadiyay ayaa ku dhexmaray laba beelood oo walaalo ah balse magac maamuleedka ku kala duwan.

Labadan beelood oo walaalo ah islamarkaana ood wadaag ah ayaa ku kala abtirsada maamulada Ximan iyo Xeeb iyo maamulka kale ee Galmudug State waxayna dagaalkan oo kaliya isaga dileen sida wararka lagu helayo dad gaaraya labaatan qofood halka dhaawucuna intaas ka badan yahay.

Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaano ku xeeraan degmada Gelinsoor waxaa laga baqaya haddii aan la qaboojin in uu ku sii fido deegaano hadda nabdoon  waxaana wararka naga soo gaaraya gobolka sheegayaan in odayaal waxgarad ah ay ku dadaalayaan sidii dabkaas walaalaha ka dhex holcaya loo baqtiin lahaan.

Ka sokoow dagaalkan beelaha waxaa gobolka ka jira colaad xal loo waayay oo u dhexeeysa Ururka Alshabaab iyo Ahlu Sunna Dowladda iyo Xisbul Islaamna naftoodu ka marna colaada.

halgankanet@gmail.com 

Ahlu Sunna Waljamaaca; "Beled-Xaawo waan ka saareynaa haddii Alle Idmo Khawaarijta Alshabaab iyo xulufadooda"

0
0

Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa sheegtay in ay ku hamineyso dib u qabsashada magaalada Beledxaawo ka dib markii halkaas ay ka fara maroojiyeen Alshabaabku.

Taliyaha ciidamada Ahlu Sunna oo ku sugan deegaanka Dooloow ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay guluf dagaal ku qaadayaan magaalada Beledxaawo iyagoo garabsanaya dadka deegaanka iyo ciidamada dowladda ee uu wato Barre Hiiraale.

Taliyahan ayaa sheegay in ay haatan gacanta ku hayaan shaxdii dagaal ee ay ku qabsanayeen islamarkaana ku difaacanayeen magaalada inkastoo uusan si oos ah carabka nooca shaxdaani ay tahay ugu dhuffan sirta waxa uu ugu yeeray xeelada dagaalka darteed.

Alshabaab ayaa si sahlan uga qabsaday Ahlu Sunna magaalada waxaana hadda magaalada si buuxda gacanta ugu haya Alshabaab halka Ahlu Sunnana ay ku sugan yihiin deegaanka Dooloow.

halgankanet@gmail.com 

Fu'aad Shagole oo Soomaalida ku dhaqan dibadda ugu baaqay in ay ku soo laabtaan Soomaaliya inta goori goor tahay haddii kale...

0
0

Fu'aad Shagole oo shalay ka hadlayay seminaar ay Alshabaabku odayaasha dhaqanka Muqdishu ugu qabteen ayaa Soomaalida ku dhaqan dalka dibadiisa baaq uga soo jeediyay.

Madaxa dacwada Alshabaab waa Fu'aad Shangolee ayaa Soomaalida sababaha kala duwan ugu sugan dalka dibaddiisa ugu baaqay in ay dalka dib ugu soo laabtaan si ay uga qeybqaataan dagaalka jihaadka ah ee ay kooxdiisu kula jirto gaalada dalka ku soo duushay iyo kooxaha la jaalka waa siduu hadalka u dhigaye.

"Walaalayaasha Soomaaliyeed ee muslimka ah waxaan leenahay dalkiina ku soo laabta dagaalkana ka qeybqaata haddii kale idinka yeeli meyno in aad marka aan guuleysano nagu soo biirtaan" Sidaas waxaa Soomaalida qurbajoogta ah ee uu isagu xitaa beri ka tirsanaan jiray ugu baaqay Fu'aad Shangole.

Hadlakan ka soo yeeray Alshabaabka ayaa ka dhigan mid tuhunka laga qabo Soomaalida ku dhaqan dalalka Reer Galbeedka sii kordhinaya sida dad bdani qabaanna Fu'aad Shangole wuxuu doonayaa in uu iska horkeeno Soomaalida iyo dowladaha ay megengelyada kula joogaan.

halgankanet@gmail.com

Dalka Norway oo kaalinta koowaad ka galay liiska dalalka adduunka ee ugu mudan in lagu noolaado

0
0

Sida lagu shaaciyay warbixinta lagu magcaabo A-Z ee Qaramada Midoobay dalka Norway ayaa noqday dalka ugu fiican dunida marka laga hadlayo dhinaca nololsha iyo daryeelka bulshada.

Dalalka kale ee aan ka dhicin Norway waxaa ka mid ah Australia, New Zealand iyo Mareykanka dalka Finland ayaa liiska ka galay nambarka 16:aad waloow uu sanadkii hore ku jiray liiska 12:aad.

Baaritaankan waxaa lagu saleyay cimriga dadka, dakhligah shaqsigiiba ku soo aada, helitaanka daryeel caafimaad iyo weliba dhinaca waxbarashada ama ciribtirka jahwliga sida wax qoris/aqrinta.

Liiska dhankiisa hoose ee ugu liita waxaa ku tartamaya dalalka Jamhuuriyada Duimuquraadiga ah ee Kongo iyo Zimbabwe Soomaaliyana warkeedaba iska daa.

halgankanet@gmail.com  

Xarakada oo weeraray xeradii Hiilweyne iyo dagaal halkaasi ku dhexmaray Shabaab iyo Xisbiga

0
0

Xarakada Al-Shabaab ayaa maanta weeraray xarun ciidan oo Xisbul Islaam ku lahaa degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe, sida ay ku warrameen dadka degaanka iyo suxufiyiin halkaas ku sugan.

Xeradii Hiilweyne ee degmada Balcad oo uu mudooyinkaan dambe ciidan ku uruursanaayay Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo ah Gudoomiyaha Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir, isla markaana ah xubinta kaliya ee la sheegi karo ee ka dambaysa Xisbul Islaam ayay xarakadu weerareen maanta..

Macalin Xaashi oo ka soo jeeda Degmada Balcad ayaa qorsheynayay inuu ciidamo fara badan ku uruursado saldhigaasi ciidan, si uu u qabsado degmada Balcad oo ay ka taliyaan kooxaha Shabaabka, gaar ahaan Saraakiil aan u dhalan deegaandaasi, waxayna wararka deegaanku sheegayaan in halkaasi uu ka dhacday dhimasho iyo dhaawac.

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in ciidankii xisbul Islaam ay kala firdhadeen, una kala carareen meelo u dhow deegaanka lagu dagalammay, halka qaar kalena qabteen dhanka Afgooye oo xisbigu maamulo weli.


Kenya oo dagaal ku qaaday jabhadda OLF

0
0

Warbaahinta dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamada militeriga Kenya oo kaashanaya militeriga dowladda Ethiopia inay qaadeen dagaal ay ku baabi'inayaan jabhadda xoreynta Oromada ee OLF, degaanka Moyale ee bariga Kenya.

Idaacadda dowladda kenya ee KBC ayaa soo xigatay sarkaal degaanka ka
tirsan oo sheegaya in xubno ka tirsan jabhadda Oromada in la xiray.

Waxaa la qabtay hub iyo bambo gacmeedyo.
Hawlgalkan ayaa bilwoday kadib markii lagu dilay sarkaal booliiska ka
tirsanaa weerar ay jabhaddu soo qaaday toddobaadka horaantiisi.

Laba sarkaal oo kale ayaa la dhaawacay.

Jabhadda xoreynta Oromada ayaa u dagaallamaysay
17 sano in madaxbanaani ay u helaan gobolka Oromada ee ku yaalla
koonfurta Ethiopia.

 

Markabku xiran dekedda Muqdisho oo dab qabsaday

0
0

Markab laga leeyahay waddanka Kuuriyada Koonfureed oo ku sugan dekedda magaalada Muqdisho ayaa dab uu ka kacay.

Lama oga sababta kicisay dabka, mana jirto cid wax ka noqotay shaqaalaha markabka saarnaa.

Markab oo siday dhuxul ayaa waxa uu ka yimid magaalada Kismaayo, waxaana uu ku sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta.

Maareeye ku xigeenka dekedda Muqdisho ee dhinaca maamulka Axmed Cali
Hilowle ayaa BBC u sheegay in dabku ka kacay godka saddexaad ee
markabka.

Waxa uu sheegay in ay socoto hawl lagu daminayo dabka ka kacay markabka.

Dagaal goos goos ah laga sheegayo degaanka Galinsoor

0
0

Wararka laga helayo deegaanada hoostaga Degmadai Galinsoor ayaa sheegaya in halkaas ay ka jirto daganaansho ka dib dagaalo lagu hoobtay oo halkaas ku dhexmaray beelo ka soo kala jeeda Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb.

In kasta oo ay jirto xasiloonidaas hadana waxaa jira xiisado colaadeed oo u dhexeeya labada maleeshiyo beeleed kuwaas oo wali isku hor fadhiya goobihii ay ku dagaalameen sida ay sheegayaan wararka halkaas laga helayo.

Odayaal ka soo kala jeeda deegaanadaas ayaa wada dadaalo lagu qaboojinayo colaada labada beelood oo salka ku haysta deegaano ay isku hayaan labada dhinac waxaana jira in dowlada KMG ah ay dooneyso in halkaas ay u dirto wadfi kala dhexgala.

Dagaaladii ugu danbeeyay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 28 ruux dhaawacana uu intaas ka badan yahay iyadoo baaqyo loo dirayo labada dhinac in ay dagaalka joojoyaan.

Daawo: Xulka qaraka somalia 1983

0
0

Xulka qaranka SOmaia oo la ciyaaraya xulka qaranka Yaman. Waxaa ka dhexmuuqda allah ha naxariistee Shiikhow, iyo rag kale oo nool hadda sida shaash, maxamada ismaaciil saciid ceyrow, Kuluu iyo BIN SHAAKIR

video: 

Ciidamada maamulka Xisbul islaam oo qoysas soo barakacay ka raray deegaanka Calamada

0
0

Ciidamada maamulka Xisbul islaam oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa qoysas soo barakacay xoog uga raray deegaanka Calamada oo ka mid ah deegaanada ay ku barakaceen dadkii ka qaxay dagaalada ka socda magaalada Muqdisho.

Qoysaskan la barakicyay oo kor u dhaafaya Shan Boqol oo qoys ayaa ka cabanaya falkan ay ciidamada Xisbigu kula kaceen waxayna dalbanayaan in loo naxariisto oo dhibaatadii horay u heystay aan mid kale loogu sii kordhin.

Ka sokoow barakicinta waxay ciidamada Xisbigu xabsiga deegaanka Ceelasha Biyaha u taxaabeen dad gaaraya toban qofood oo lagu eedeeyay in ay ka dhega fureysteen amarka ciidamada.

halgankanet@gmail.com

Daminta colaada ka socota qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud oo loo saaray Gudi ka shaqeeya

0
0

Colaada ka soo cusboonaatay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa waxaa loo saaray Gudi heer sare ah oo ka shaqeynaya daminta colaadaas aan loo baaheyn ee dadka walaalaha ah ka dhex dilaacday.

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ku kulmay Wasiiro, Saraakiil kala duwan, Xildhibaano, Odayaal dhaqameedyo, Culumaa'udiin iyo weliba qeybo badan oo kale tirsan Bulshada rayidka ah iyagoo kulankooda uga dooday sidii loo damin lahaa colaada macna darada ah ee u dhexeysa walaalaha ood iyo dhalya wadaagta ah.

Wasiir Shiikh Cabdulqaadir Cali Cumar iyo Wasiir Cabd Qeybdiid iyo siyaasi Qoorgaab oo ka mid ahaa dadkii kulankaas ka qeybgalay ayaa ku baaqay in si shuruud la'aan ah loo joojiyo dagaalada ka socda gobolka Galgaduud.

Ka sokoow baaqan colaad joojinta ah waxaa kulankii maanta looga dhawaaqay Gudi labaatan xubnood ka kooban oo ka shaqeyn doona hakinta iyo xal u helida colaadaas aan loo baahneyn waxayna Gudigani ka kooban dadka sida weyn loo qadariyo ee deegaanka ka soo jeeda.

Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay qeybaha ka mid ah gobolka Galgaduud ayaa galaaftay nolosha dad badan halka dhaawacana deegaanadaas laga soo sheegayo in uu buux dhaafiyay.

halgankanet@gmail.com

Ra'iisal wasaare Farmaajo oo loogu baaqay in uu Wasiirada ka soo xulo Beelaha leh awooda ciidan

0
0

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ee haatan ku mashquulsan soo xulida golaha wasiirada ayaa waxaa loogu baaqay in uu wasiir ka dhigo qofkii beeshiisa ka keeni kara ciidamo dowladda wax ku tara.

Xildhibaanad Aamino Maxamad Mursal ayaa ra'iisal wasaaraha kula talisay in wasiirada uu soo xulayo uu ka fiirsado maadaama bey tiri dhowr Gole wasiireed ay horay u fashilmeen iyadoo dhanka kalena kula talisay in uu soo xulashada wasiirada ku saleeyo qaabka 4.5 ee horay loogu heshiiyay.

laakiin Xildhibaanadu waxay Ra'iisal wasaaraha ku tirtirsiiso in uu Wasiir kasta magacaabistiisa shuruud uga dhigo in uu Ciidamo Beeshiisa ka keeno maadaama waqtigan hadda la joogo loo baahan yahay awood ciidan oo ay dowladu uga baxdo xaaladan adag.

Xildhibaanadan ayaa ah xildhibaanadii ama xildhibaankii ugu horeeysay ee si bareer ah u sheegta in wasiirada la soo xulayo looga waajibiyo keenista ciidamo ay beeshooda ka keenayaan.

halgankanet@gmail.com    


BAAQ NABADEED KU WAJAHAN BEELAHA WALAALAHA AH EE KU DU DAGAALAYA GALGADUUD

0
0

Baaq nabadeed oo ku wajahan walaalaha ku dagaalamaya deegaanada ka midka gobolka Galgaduud ayaa waxaa boggan www.halganka.net soo gaarsiisay Cabdullaahi Cabdi Faarax (sujuud) oo ka mid ah qurba joogta nabadda u dhaqdhaqaaqda ee ku dhaqan Waqooyiga Yurub.

Baaqan oo ka turjumaya mowqifka Beesha Ceyr ee qurbaha joogta hoos ka aqriso horayna u sii gudbi.

BAAQ NABADEED

Dhamaan jaaliyada Soomaaliyeed ee nabada jecel gaar ahaan Beesha Cayr H/gidir ee Finland waxay aad uga xuntahay dagaalada kasiisocaonaya guud ahaan Somalia waxayna kacodsanayaan dadka dagaaladaas maata laysnimadaa wadaa in ay joojiyaan colaadaha iyo dhiiga dadka walaalaha ah ee sida micna la,aantaa loo daadinayo.

 

 

 

Waxgaradka Beesha Cayr waxay si gooniya u codsanayaan in lajoojiyo Dagaalada kasoo cusboonaaday Gobolada dhexe ee Somalia,oo u dhexeeya beelo walaalo ah oo ay ka dhexeeyaan Islamnimo,Somalinimo,derisnimo, Ehelnimo,degaan,iyo waxkasta oo bini adamka iskuxira.

 

 

 

Beeshaasi waxay usoo jeedinaysaa dhinacyadaas is dilaya in ay dib u milicsadaan bal in ay jiraan wax faa,iidaa oo laga helay isdilkii hore,waxaa hubaala faa,iido iska dhaafe in laga dhaxlay uurkutaalo qofkasta gurigiisa ugu gashay,weliba qofkasta oo walaalkiis muslim ah gardaro kudilay ilaahay markii ay lakulmaan ayuu arki doonaa dhibaato kabadan mida maanta uu dareemayo.

 

 

 

Waxgaradka Beesha Cayr ee Finland waxay usoo jeedinayaan dhamaan wax garadka Soomaaliyeed gaar ahaan waxgaradka degaanada Gobolada dhexe ee Somalia in ay u istaagaan qaboojinta xiisadaas colaadeed.

 

 

 

Ugudanbayntii dhamaan Somalida waxaan u soo jeedinaynaa in ay Ilaahay cabsadaan oo qofkasta oo Somali ah uu maskax,maal, iyo muruq ugu deeqo sidii loo joojin lahaa colaadaha halakeeyey Qarankii Soomaaliyeed,qofkastaana uu iskudayo in uu naf badbaadiyo intuu uu naf dililahaa.

 

 

 

Walaalayaal waxa somalia halkaan dhigay maahan in aan kaliidano qowmiyadaha aduunka kunool ee  waa denbi aan anagu galnay iyo Hogaankii oo naga xumaaday, iyo waxa lugu sheego beesha caalamka oo inta badani go,aansadeen in ay xooga saaraan sidii Somalia loogu gacan gelin lahaa Cadawgooda,hadana denbigii ayaan sii badsanaynaa,waxa kaliya oo noo muuqanaya waa xurguf yar oon micna lahayn oo dhexdeenaa,waxaana naga dahsoon oon arki la,nahay isir sifaynta nugu socota,Soomaaliyeey miyaan sugaynaa halaag aan waxaba reebin oo xaga alle nooga yimaada?.

 

 

 

Salaamullahi Calaykum

 

 

Abdullahi Cabdi Faarax ( Sujuud )

Sujuud2004@hotmail.com

Dhegeyso taalooyin ku socda Ra'iisal wasaare Farmaajo oo ay bixinayaan Ra'iisal wasaarayaashii hore ee kala ah Prof. Galeyr, Xasan Abshir iyo Nuur Cade

0
0

Nuur Cade, Cali Khalif Galeyr iyo Xasan Abshir Faarax ayaa si wadajir ah uga qeybqaatay barnaamijka todobaadlaha ah ee Faaqidaada, barnaamijkaas oo lagala socdo VOA:da laanteeda afka soomaaliga.

Barnaamijkan oo talooyin ku wajahan Ra'iisal wasaare Farmaajo ay ka soo jeedinayaan raggan ka mid ah Ra'iisal wasaarayaashii soo maray Soomaaliya burbrukii dowladii Milateriga aheyd ka dib ayaad ka dhegeysan kartaa cinwaanka hoos ku qoran.

Hoos guji is aad u dhegeysato talo soo jeedinta rug-cadaayadan.

http://www.voanews.com/somali/news/Faaqidaadda-Talooyin-ku-socda-RW-Farmaajo-106848183.html

Muxaadaro Fadliga Quraanka Part 2

Muxaadaro Fadliga Quraanka Part 2

Muxaadaro Fadliga Quraanka Part 3

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live