Geeridu waa
gablan, maya waaba gablamisa. Nin roon ma raago, nafna
maalinteeda ma dhaafto. Hadday Soomaalidu dhihi jirtay: “Geeri nimaadan
aqoon iyo Geeljire ayey ku roon tahay” anigu waxaan leeyahay: “Geeridu
WAXMATARE iyo DHIBLOW ayey ku roon tahay” maxaa yelay, marka laga soo tago
in Geeljiruhu wax ku ool yahay, hawsha uu hayo ayaan ba qof walbaa qaban karin.
Qof walba waa god suge, Geeriyuna
waa u dambaysaa maalin ay galisaba. (21/03/2014) waxaa Magaalada Muqdisho
ku geeriyooday Marxuum Danjire Shariif Saalax Maxamed Cali.Alle ha ugu
deeqo naxariistiisa, Jannadiisa ha ka waraabiyo. Aamiin.
Danjire
Shariif Saalax, wuxuu ahaa aqoonyahan, afyaqaan, suugaanyahan, Qoraa,
Siyaasi, iyo Diblomaasi. Anigu waxaan aad ugu xasuustaa Buuggiisii
qiimaha badnaa, ee XUSUUBTEBYO ee uu ka qoray shirkii ELDOERET
2002-2003dii ee ka dhacay dalka Kenya.
Ma kaa kaliya?
Maya. Shariif Saalax wuxuu qoray buugga caanka ah, ee: "HUDDUR and The
History of Southern Somalia" wuxuu ahaa Macallin
xog-ogaal u ah halgankii iyo loollammadii xornimo doonka, hagardaamadii
xoogaggii xornimo-diidka ahaa, ee diirka Soomaalida ka ahaa daakhilka
saancaddaha ka ahaa. Buuggan ayuu taariikhda Soomaaliyeed ku tifaftiray, gaar
ahaan koofurta sida cinwaankaba ku cad, laga soo bilaabo dagaalkii 2aad ilaa
xornimada laga qaato.
Marxuum
Shariif Saalax Maxamed Cali wuxuu soo qabtay xilalka ay ka mid yihiin; Guddoomiyaha
Guddiga qorista af-somaaliga, Agaasimaha dhawr Wasaaradood, Wasiirka Hiddaha
Iyo Tacliinta Sare, Ragtarka/Guddoomiyaha Jaamacada Umada Soomaaliyeed,
Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga, Shiinaha, Ingiriiska iyo xilal kale.
Anoon sooyaalka iyo taariikhda dahan ee dahabka ha ee Dajire Shariif ka
hadlayn, haddana, midda aan ii cuntamin, ee iga degi waysay waa in madax ku
sheegga Soomaalidu aysan xabaal maamusan u yagleelin marxuumka, iska daa inay AAS
QARAN u sameeyaane. Run ahaan wuxuu mudnaa Marxuumka in saddax maalin
oo baroor diiq ah Calanka hoos loo dhigo, maxaa yeelay, wuxuu ahaa HALYEEY
iyo HALKAR QARAN.
Halyeey? Haa,
halyeey ayuu ahaa. Horta adigu yaad halyeey u taqaan? Hubaal inaannaan isku
halyeeyo ahayn. Adigu qabqablaha, gacan ku dhiiglaha, xaaraan cunka,
dabadhilifka, mooryaanka iyo wadaad xumaha ayaa kuu ah, nabee inaannaan
isku HALYEEYO marna noqon karin, aad baanna ugu farax sanahay inaan kala
halyeeyo duwaanaanno.
Waxaan doonayey
ama filayey in Marxuum Shariif Saalax loo maamuusi doono si la mid ah sidii loo
maamuusay Marxuum Maxamed Sulaymaan Tubeec, Eebbe ha u wada
naxariiste. Hubaal in ay ahayd tallaabo hammi iyo hanqaltaag galisay
Soomaali badan, oo u aragtay in raadkii hore laga soo haray, ee dadka lagu
qiimayn jiray imisaad dishay ama meeqaad boobtay?. Waa ta la yiraa: “DOQON
gu’ la ammaano Dayr looguma daro”oo ka dhigan in madaxdu ay hammigaa
dib u dishay, maadaama aan Danjire Shariif SaalaxAAS QARAN
iyo MAAMUUS midna loo samayn.
Labada Marxuum
Tubeec iyo Shariif laba kala dhaca ma ahayn. Waxaan uga jeedaa, midba
kaalintiisa ayuu si hufan iyo haldheeri u gutay, ee ugama jeedo inay isku
miisaan yihiin ama siman yihiin, oo midna waa HOOBAL kan kalana
waa HALABUUR. Midda aan isugu lammaanshay labadooda waa inay HALDOOR
iyo HALABUUR wada yihiin, ayse ku kala sarreeyaan kuna kala weyn
yihiin, oo sida hubban marka codka iyo laxamaynta muusikada laga reebo ee Tubeec
Boqorka ku ahaa, Danjire ShariifSaalax in
ku dhaw toboneeyo arrin ama wax ayuu hormuud iyo horyaal
ka ahaa, sida: qoraalka, ee ku qoray afaf ka badan 4 luqad (Soomaaligu kow
ka yahay), buugaag dhawr ah, afqoristii oo uu guddigii madax u ahaa, maamule,
Wasiir, siyaasi, Diblomaasi, Macallin, IQKB.
Ma doonayo inaan
tartarsiinyo labada Marxuum oo agtayda ku wada weyn, haddana, waxaan wali liqi
la’ahay duuflaalladaa aan daN iyo heEllo ka galin AASKA Marxuum Shariif.
Ma ila xasuusataan inta qabqable, dibjir, xaarncun, dagaalooge iyo
dhiigyacab loo sameeyey AAS QARAN inaysan mudnayn ka
sokow, waa meel ka dhac iyo dhimaal in maqaamkaa la gaarsiiyo xaalwalwaallada
iyo xinjirro daadiyayaasha, kuna ah inta nabadda iyo wadanoolaasha oggol ama
horseedka u ah.
Ujeedka qormadu waa halkii laga
dhihi jiray: “Dameer Ceel ku dhacday Koow koowna waa lagu dayaa”
oo ah tani na dhaaftaye, kuwa kale ayaan laga seexan ama laga ildduufin, haddii
kale, heeryada gunnimo iyo gurracnaan waligiin huwanaada inta aad idinna god
kala galaysaan.
Malaha aan qabo ee cabsida i
galiyanaya haddii uusan dhab iyo xaqiiq ahayn, waa in madax ku sheegga Soomaalidu
marka laga reebo inay magaciisa maqleen aysan aqoon ama ogayn ka uu ahaa
Marxuum Shariif, kaalinta uu ku jiray, raadka uu reebay iyo dhaxalka uu nooga
tagay! Run ahaan taasi waa qayb ka mid ah ayaandarrooyinka waaweyn ee nagu
habsaday, aanse loo jeedin lana doonayn in wax laga baddalo, isbaddal micmaha. ISBADDAL?
Alla eraygaa iga daa adeegsigiisa ma jecliye, yaadan kuwa nolosha ku dhintay
nagu noolayn.
“Ha laguu ilmeeyee
Horta dhimo af maahee!
Eeggoo la noolyiyo
Ifkaan kaaga baahnahay
Wax yar oo aqoonsi ah
Oon aad u buurnayn
Oo weliba eegay
Igu sii amaahoo
Ictiraafka buuxee
Aakhiro markaan tago
Iilka igu sugayiyo
Ayaantaan xabaal galo
Oohintaan mutaystiyo
Akawnkeyga laga jaro!”
Abwaan Gaarriye (AUN)
Ewel waxaan hore u lahayn haddaan
Soomaali nahay dhaqan xun oo ah, in qofka geerida ka dib laga daba alalaaso, oo
inta uu nool yahay aan sidaa loo eegin (Haddaad ammaanto rabto dhimo!).
Waa midda Abwaan Gaarriye ka leeyahay war marka aan dhinto ama geeriyoodo ha ii
ilmayne, iminka oon noolahay wax igu sheego, si aad maalintaana aad wax kabsato
ama ugu kasbato.
Eegmadaa kuma kala saarnayn kan xun
ama ka wanaagsan, ee waa loo sinnaa. Hadda, waxay maraysaa, in geerida ka dibna
aan kii wanaagsanaa la eegin, ee xunka kaliya loo xoolo qalo, xaqlo loo qabto
iyo xadro gaar ah, halka, wanaagsane iyo wanaajiye aanba la soo xasuusan, la
xunin lana xaalmarin.
Eeg maalmahan waxa socda, kuwii
dadka laayey, xasuuqay ee gumaaday in loo taagayo taallooyin loona dhisayo
xarumo loogu magacdarayo, oo ka dhigan in mar walba uu ku hortaagnaado kii
awowgaa, aabbahaa ama walaalkaa waxyeelay (uur ku taallo aan harayn),
oo sabab u ah in mar walba dadku sii kala fogaanayaan, iyadoo wax walba laga
hormarinayo qabyaaladda iyo qurunka.
Marxuum Shariif Saalax wuxuu ahaa
Muwaadin Qaran, malaha waaba tan aan xitaa aaskiisa loo maamuusin, illeyn iyagu
haddii aadan Qarandumiye iyo qaa’inu waddan ahayn qiimo kuuma yeelaane. Iska
daa in dhaxalkii uu ka tagay lagu qiimeeyo, xitaa kuma qiimayn inuu ahaa
siyaasi iyo diblomaasi ruugcaddaa ah.
Dad badan ayaa dhihi doona sidii
lagu yaqaannay mindhaa waa isku HAYB! Haa waa nahay isku hayb! Oo waa tee? Tan
Soomaalinnimada, balse, maaha middaad taqaannay, ee ku dhisnayd talka iyo
tagoogta. Wuxuu yiri Abwaan Gaarriye (AUN) mar kale;
“Abkuu doono ha sheegtee
Wuxuunbaa ehel ii ah
Dad ninkaan af aqaane
Si wax iila arkaaya
Na mideyso ujeeddo”
Waxaan leeyahay haddey garan
waayeen madax ku sheeggu ama ay ka hoos baxday, miyey garan waayeen Hay’adaha
dawladdu, sida Warfaafinta, Akademiyadda IWM? Miyey garan waayeen qorayaasha
iyo Abwaannada Soomaaliyeed, qofku markuu dalkiisa iyo dadkiisa u shaqeeyo
isagoo waajibkiisa gutey inuu mudan yahay in la muuneeyo lana maamuuso nolol
iyo geeri? Iiga darane, miyey garan waayeen madaxda ururrada bulshada ee uu
xubinka ka ahaa Marxuum Shariif Saalax?.
Waajibka qarannimo saw ma ahan in muwaadinka
Soomaaliyeed noloshiisa iyo geeridiisaba uu helo maamuus? Hubaal inaan qof
walba AAS QARAN loo samayn karayn, balse, dadku iskuma jiree, Marxuumkani waa
nin dalkiisa iyo dadkiisaba waxtaray waxna u galay, aanse looga mahadcelin oo lagu abaal dhacay.
Wuxuu yiri Abwaan Salaan Carrabeey
Waxba yaanu xeerkey i marin,
Xoolana i siine
Xaashee nin libin kaa xistiyey,
Xumihi waa yaabe.
Waxaan ku soo gunaanadayaa tixdan kooban
Geeriyaay fogeeyaay
Gacalkiyo waxgaradkiyo
Guurtida dhammeeyaay
Gobonnimo ka dheeraay
Geesiga hal adag iyo
Halyeeyada god galisaay
Imisaad Garaad iyo
Guud caddaa Suldaaniyo
Odayaal gumaaddoo
Godka ciil la galayoon
Loo gudin abaalkood?.
Gallin hore Tuubeecaad
Codkii aad ka goysoo
Gurbaanka iyo Cuudkii
Fankuu gaarka u lahaa
La god galay daraaddaa!
Ileeyn Kaban garaac ma leh
Googoos malaha Cuud
Mar haddaan cod gaariyo
Fannaan gaar ka haynoo
Galbinaynin heesaha.
Sooyaal gureeyaha
Ga’da buugga dhigi jiray
Gaar hayaha afkeenniyo
Taariikhda guunka ah
Ma galbaday Shariifoo
Ma ka guurey dunidii
Isagoonan loo gudin
Loo galin waxuu galay
Suugaanya gabay iyo
Geeraarro loo tirin
Gurboodkiyo carruurtiyo
Gabannada haddeer kacay
Gole looga sheekayn.
Dadku kala garaad weyn
Guushana la kala mudan
Guudka sare Shariifbaa
Gacal iyo xigaalooy
Garashiyo Aqoon iyo
Darajaba ku gaaree
Guubaabo iyo hadal
Guullaheey bartii Janno
Ha ku geeyo mudankeed.
Waxa gooha igu riday
Igu reebay gocoshada
La gilgishay dareenkeey
Waxa gaabshay taladii
Aaskii Shariif guray
Oon guddoon ba loo dirin
Loo yeelin guddi iyo
Maamuuski Gole haga
Garabkiisa loo maray
Gaasiray xabaashiis!
Geeridu xaq weeyee
Layskama garaabee
Qofba waa gaddeesiyo
Gallinkiisa tiisehe
Ma garbaa dadkaygoow
Miyaan laga gaboobayn
Gaabisyada na kala dilay?.
Maansada gunteediyo
Guurowga curintiis
Waxaan uga gol leeyahay
Halabuurradii go’e
Gabbal dhacay sidii bay
Gablantada adduunyadu
Kala goysay araxdood
Guuraha hayaankiyo
Geeddi aanan wadan sahan
Bulshadii ku guurtaye
Goormay dagaysaa
Gago iyo Gabiib maran?
Dhammaad.
Maansada (Gablan) qoraha 21/03/2014
Bashiir
M. Xersi
brdiraac@hotmail.com
www.bilediraac.wordpress.com