Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Soomaalida qurbaha iyo Al shabaab Talooy Sheikh Said Ali


Golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta meelmariyey miisaaniyadda sanadka 2014-ka, una hogaansamay codsigii ahaa…

$
0
0

Golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulan gaar ah oo lagu soo bandhigayay Miisaaniyad sanadeedka 2014-2015, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli SHeekh Axmed Maxamed.
Kulankan ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay qodobo kale oo ay ka mid aheyd falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay.
Ugu horeyntii Agaasimaha Miisaaniyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Axmed Cabdi Aadan (Iraad) ayaa sharaxaad dheer ka siiyay Golaha Wasiirada ee xukuumada qaabka qorsheedka Miisaaniyadda dawladda ee 2014-2015.
Dood dheer kadib, golaha Wasiirada ayaa mariyay Miisaaniyad sanadeedkan oo cadadkeedu dhan yahay 218 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah, una badan filashada dakhliga gudaha ee dalka.
Miisaaniyaddan golaha Wasiiradu meel mariyeen ayaa la filayaa in loo gudbiyo golaha Baarlamaanka si ay uga doodaan kadibna u ansixiyaan.
Dhanka kale golaha Wasiirada ee xukuumada Federaalka ayaa cambaareyn u jeediyay falkii lagu laayay odayaasha dhaqanka ee lagu dilay nawaaxiga Buur-hakaba ee gobolka Bay, waxayna tacsi u direen qoysaska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen odayaashaasi.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

USA oo Gacan ka Geysaneysa Baadigoobka Kony

$
0
0

Mareykanka ayaa labanlaabaya tirada ciidamadiisa gaarka ah ee uu dirayo inay ka qeyb qaataan ugaarsiga lagu hayo hoggaamiyaha dagaal ee reer Uganda, Joseph Kony.

Dad Badan oo Dil Lagu Xukumey Masar

$
0
0

Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa dil ku xukuntey dad gaaraya 529 oo ka mid ah taageeraaasha madaxweynihii xilka laga tuuray Mohammed Morsi.

Diyaaraddii Malaysia oo la Xaqiijiyey inay Dhacdey

$
0
0

Dowladda Malaysia ayaa sheegtey in xogta satellite-yada ay muujinayaan in diyaaradeedii rakaabka siddey ee la la’aa inay ku burburtey koonfuurta Badweynta India.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalo culus oo maanta ka dhacay deegaano hoostaga degmada Ceelbuur

$
0
0

Dagaalo culus ayaa saacadihii u dambeeyay ka dhacay deegaano hoos taga degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, iyadoo Xoogaga Al-Shabaab ay bilaabeen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo ay ku qaadayeen Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka mid noqday.
Sida wararku sheegayaan dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa jidka u galay kolonyo Ciidamada Itoobiya la socdeen oo marayay inta u dhaxeysa Ceel Qoxle iyo Ceelbuur, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal xoogan, wararka ayaa sheegaya in Ciidamada huwanta ay ku wajahan yihiin Ceelbuur, iyagoo haatan u jira ilaa 30-KM, sida saraakiil ka tirsan dowladda ay u sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho.
Afhayeenka howl galada Al-Shabaab Abuu Muscab ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay deegaanada Galgaduud ku gubeen gaadiid ay la socdeen Ciidamada Itoobiya, isla markaana qasaare culus gaarsiiyeen.
Howl galada ka socda Galgaduud ayaa ku wajahan deegaanada Shabaab ka maamulaan bariga gobolkaas, iyadoo labadii maalmood ay la wareegeen deegaano dhowr ah.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Sacuudiga oo ku Baaqey in Hub la Siiyo Mucaaradka Syria

$
0
0

Sacuudiga ayaa ku baaqey in hub dheeri ah la siiyo mucaaradka Syria si taasi ay gacan uga geysato in talada laga tuuro Madaxweyne Bashar al-Assad.

Banaanbaxyo xoogan oo maalintii sedexaad ka socda magaalada Baydhabo iyo ganacsigii xiran ka dib markii…

$
0
0

Dibad baxyo rabshado wata ayaa maanta mar kale ka bilowday gudaha magaalada Baydhaba ee xarunta u ah gobolka Baay.
 Dibad baxan  sida  ay noo sheegeen goobjoogayaal ayaa daba jooga dibad baxyo labadii maalmood ee  ugu dambeysay ka dhacayay magaalada Baydhabo  oo looga soo horjeeday gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka soomaliyaa Shariif Xasan sheikh Aadan.
Dadka banaan baxaya ayaa dalbanaya in Shariif Xasan iyo wafdigiisa ay magaalada ka baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Dhanka kale garoonka diyaaradaha Baydhabo waxaa iminka ka socda kulan albaabada u xiranyahay oo u dhaxeeya Madoobe Nuunow, Sharif Xasan, Saraakil AMISOM iyo Cabdifatah Geeseey  gudoomiyihi hore ee goboolka Baay
Waxyaabaha  looga  hadlaya kulankaan  si dhab ah looma oga laakin waxaa la filayaa in saxaafada la hadli doonaan marka shirka uu soo idlaado.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar


Masar: 700 ayaa maxkamad la soo taagay

$
0
0

Masar waxaa ka billaabatay maxkamadaynta 700 oo ruux oo ah taageerayaasha Ikhwaanul Muslimiinka maalin kaddib markii 529 kale dil lagu xukumay.

Ahmiyada guurka sh xassan ibrahim part 1 2

Shirka Madaxda J. Carabta ee Kuwait

$
0
0

Shir Madaxeedka Carabta ayaa maanta ka furmay dalka Kuwait Xilli muran siyaasadda Arimaha Dibadda ah uu ka dhex jiro dalalka Khaliijka

Wararkii Ugu Dambeeyay ee Masar

$
0
0

Dalka Masar ayaa waxaa maxkamad la soo taagayaa 700 qof oo ka tirsan ururka Akhwaanul Muslimiinka, maalin ka dib markii 529 kale ay maxkamadi xukun dil ah ku riday.

Xiisadda Weli ka Taagan Baydhabo

$
0
0

Magaalada Baydhabo ayaa weli xiisadi ay ka taagantahay maalintii 3-aad, waxaa jiray dibadbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo joogitaanka xildhibaanno uu ka mid yahay Shariiif Xasan

Dhalinyaro Qaali ayaad Tihiin waa Muxaadaro Cajiib ah

Ciidanka AMISOM oo ku socda Ceelbuur

$
0
0

Ciidammada Midowga Afrika ayaa la sheegayaa inay ku socdaan Ceelbuur kaddib markii ay qabsadeen tuulooyin hoos tago degmadaas.


Darsiga 16 Kitaabka Maraaqi Sucuud Sh Shariif Dhawiil

Darsiga 17aad Kitaabka Maraaqi Sucuud Sh Shariif Dhawiil

Darsiga 18 Kitaabka Maraqi Sucuud Sh Sharif Dhawiil

Danjiraha USA ee India oo is Casishey

$
0
0

Mareykanka ayaa sheegay in is-casilaadda danjiraha ka fadhiyey India, Nancy Powell aanay wax lug ah ku lahayn wax xiisad ah oo labada dal ka dhexeeya oo ku saabsan xiriirka mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka.

Walaaltinimada Islaamka Sh Axmed Nuur

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live