Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

NATO oo ka Arrinsanaysa Xaaladda Crimea

$
0
0

Wasiirrada arrimaha dibedda ee gaashaanbuurta NATO ayaa magaalada Brussels kaga wadahadlaya sidii ay jawaab adag uga bixin lahaayeen talaabada Ruushka uu kula wareegay gobolka Crimea ee dalka Ukraine.


Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo iska casilay xilkiisa, maxay tahay sababta uu isku casilay?

$
0
0

Enginer Cumar Maxamuud Irbad oo ka tirnasaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland ayaa iska casilay xilkii uu hayay kadib markii uu soo hor istaagay Baarlamaaka kana codsaday in ay ka aqbalaan Istiqaaladiisa oo uu ku micneeyey mid la xiriirtay howlo Caafimaad.
“ Waxaan Dareemayaa xanuun badan qarankuna Hawl badan ayaa u taal qof xanuunsan Shacab uma shaqayn karo sidaa darteed waxaan ku fakaray inaan is casilo beeshuna ay keensato qof caafimaad qaba oo qaranka u shaqeeya anigana oday somaaliyeed oo idinla shaqeeya ayaan noqon sidaana waxaa yiri Enjineer Cumar.
Gudoonka Baarlamaanka Puntland Mudane Siciid Xasan Shire  ayaa Xildhibaanada dhexdhigay cod in ay u qaadaan Iscasilaada Engineerka waxaana ogolaatay 39 ka mid ah Xildhibaanada halka 5na ay diiday 3na ay ka aamustay.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Taliska booliska Soomaaliyeed oo Muqdisho ka baadi-goobaya gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo

$
0
0

Taliska Ciidamada Booliska Somalia ayaa Maanta waxaa  uu Goob Fagaare ah ku soo bandhigay Rag uu ku sheegay Burcad Ciidamada amanaka  Dagaal kula galay Wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye  halkaas oo iyagoo dhibaateynaya Shacabka Ciidamadu weerareen sida uu talisku warbixintiisa u dhigay .
Afhayeenka Booliska Somalia ahna taliyaha Booliska Gobolka banaadir Gen Maxamed  Yuusuf Cumar madaale  oo goobta lagu soo bandhigay Ragaan oo 4 ahaa watana qoryahooda kula hadlay  ayaa waxaa uu  sheegay in Baaritaan Ciidamada Boolisku ka sameeyeen Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye  ay ragaan oo dagaal sameeyay ku soo qabteen .
Gen Madaale Afhayeenka Booliska ayaa dhanka kale waxaa uu soo bandhigay Xog ku saabsan Gaari Waxyaabaha qarxa sida oo ku dhex maqan Bulshada magaalada Muqdisho oo uu sheegay in Shabaab ay ku doonayaan  in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho   Gaarigaasi ayuu Taarigadiisa ku sheegay Sarkaalkani S8382 waxaana uu bulshada uga digay in ay ka fogadaan ,
Sarkaalkaan ka Tirsan Booliska Somalia ayaa waxaa uu Bulshada u sheegay in gaarigaas ay beegsadaan Meeshey ku arkaana ay ku dhibaateeyaan Waxaa uu dhanka kale ku amray Booliska Gobolka in Talaabo laga qaado gaarigaas hadii la arko Waxaana maanta Muqdisho ka soconaya  baaritaano Xoogleh oo lagu baadi Goobayo Gaarigaan iyo kuwo kale oo la mid ah .

Darsiga 14 Kitaabka Maraqi Sucuud Sh Shariif Dhawiil

Kenya: Booliska oo Xiray in ka Badan 600 oo Qof

$
0
0

Booliska magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa soo qabqabtey in ka badan 650 qof kadib qaraxyo ka dhacay xaafadda Eastleigh oo ay lix qof ku dhinteen maalintii Isniinta.

Sheekh caan ah oo lagu xiray dalka Kenya iyo faahfaahino dheeri ah oo ka soo baxaya qaabka loo xiray

$
0
0

Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Sheekh Xasaan Xuseen oo ka mid ah wadaadada sida weyn Nairobi uga taageera kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab kadib howlgaladii ay ciidanka Kenya ka sameeyeen Islii.
Sheekh Xassaan ayaa waxaa gurigiisa ugu yimid ciidanka Kenya kuwaasi oo su’aalo dhowr ah oo ay weydiiyeen kadib xabsiga u taxaabay saqdihii dhexe ee xalay isaga iyo xaaskiisa. Sida ay sheegtay warbaahinta Somalimemo oo ku hadasha afka Al-Shabaab.
Waxaan si dhab ah loo ogeyn meesha looga xiray magaalada Nairobi Shiikh Xassaan iyo Xaaskiisa waxaana socdo dadaalo ay sameeyanayaan qaraabada shiikhaasi iyo dadka kutubta ka raacan jiray isaga.
Shiikh Xassaan ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu si weyn u taageersan yahay falalka gurracan oo ay sameeyaan goosadka Al-Shabaab arrintaasi oo ay isaga hor yimaadeen badi culumada Soomaaliyeed ee ku nool Kenya oo ay ugu horeeyaan Shiikh Umal iyo Shiikh Shibili.
Xariga shiikhan ayaa kusoo beegmaya iyaddoo xabsiyada Nairobi ay xalay ku hooydeen Soomaali kor u dhaafeysa 675 qof, kadib qarixii ka dhacay xaafadda Islii. Dadkaasi ayaa u badan kuwa aan waxba kala socon dhibkaasi balse lagu qabtay howlgalada ciidanka Kenya ee ka macaasha marka ay wax dhacaan Soomaalida aan waxba galabsan.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Dadaal ah in la joojiyo dilka CAR

$
0
0

Qaramada Midoobay ayaa ballan qaaday inay sameyn doonto wax kasta oo lagu joojin karo dilka loo gaysanaya dadka Muslimiinta Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika

Beautiful Dua By Imam Faisal


Xabsi Burcad badeed laga furay Puntland

$
0
0

Xabsi casri ah oo loogu talagalay maxaabiista burcad badeeda la xukumay ayaa maanta laga furay magaaldaa Garowe ee Puntland.

Qaraxyo ka Dhacay Qaahira

$
0
0

Saddex Qarax ayaa maanta ka dhacay dalka Masar, Qaraxyadan ayaa ka dhacay bannaanka hore ee Jaamacadda Qaahira waxaana ku dhintay sarkaal boolis ah iyo dad rayid ah.

Bambooyin la helay oo la kala furay Islii

$
0
0

Boliiska Kenya ayay u suuragashay inay kala furaan bambooyin laga helay Islii iyadoo la xiray dad kor u dhaafaya 600 oo ruux kaddib qarax ka dhacay xaafadaas.

Wanaaga oo La is Faraa Xumaanta oo La Iska Reebaa Sh Maxamuud Maxamed Xaliike

Sawirro: Burburka ka dhashay dhulgariirka Chile

$
0
0

Burburka ka dhashay dhulgariirka Chile

Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (* Suuratul Ancaam 36 - 44 *) Sh. Xasan Ibraahim Ciise

Dhibaatooyinka Internet-KA┇┇ Sh Cabdulqaadir ᴴᴰ ►


SALAADA SHEIKH MOHAMED IDRIS

Wanaaga oo La is Faraa Xumaanta oo La Iska Reebaa Sh Maxamuud Maxamed Xaliike

Suaalo iyo Jawaabo By Sh Maxamed Sh Cismaan

Weynida Alle Sh Cabdirashiid Sh Cali Suufi

Emotional Dua By Sheikh Feysal

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live