Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

USA: Ruushka faraha ha kala baxo Ukraine

$
0
0

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka, John Kerry, ayaa ku tilmaamay dhibaatada ka taagan Ukraine mid digniin u ah gaashaanbuurta NATO.


Madrid oo ku barbaratay Munich

$
0
0

Kooxda haysata koobka Horyaalada Yurub, ee Bayern Munich, ayaa waxaa dhulka ku dartay oo si lama filaan ah uga adkaatay kooxda Real Madrid.

Ciraaq oo ay doorasho ka billaabatay

$
0
0

Ammaanka Ciraaq ayaa la sugay iyadoo dadku u dareereen doorashadii ugu horreysay ee dalkaas laga qabto tan iyo markii ciidammada Maraykanka ay halkaas ka baxeen.

Dagaalka Suuriya oo sababay burbur ballaaran oo soo gaaray Xalab

$
0
0

Dagaalka Suuriya oo sababay burbur ballaaran oo soo gaaray Xalab

Brunei oo shareecada Islaamka lagu soo rogay

$
0
0

Boqorka Brunei ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in dalkaas lagu soo rogay Shareecada Islaamka.

“Labadayda Caruura Ee Waawayni Waxay Ku Dhasheen Ceerigaabo Waana Magaaladeydii Hawl Fiicana Waan Ka Qaban” Md. Ramaax Badhasaabka Cusub Ee Sanaag Daawo

$
0
0

Hargeysa-(Idhank)-Daawo “waxan u arkaa in ay ii fududaan doonto Ceerigaabo waa magaaladeydii hawl fiicana waan ka qaban doonaa“ Mudane Ramaax badhasaabka cusub ee gobolka Sanaag halkan kadaawo
Idhanka.com
Idhanka Hargeysa Office

“Ina Rayaale Sideedii Sanadood Ee Uu Joogay Wuxu Xidhay 17 Suxufi Halka Labada Sanno Ee Uu Siilaanyo Joogo Uu Xidhay 58 Suxufi Bal Inaadeerayaal U Fiirsada” Md. Cabdiraxman Cabdiqadir Daawo

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Xukuumada Siilaanyo dhibaatada ay ku hayso saxaafadu waa in aan la ogaan musuqmaasuqaa tirada badan ee ay sameynayso, Mudane Cabdiraxman Cabdiqaadir halkan kadaawo

Idhanka.com
Idhanka Hargeysa Office

Ugu Yaraan Lix Qof Oo Uu Ku Jiro Xoghayihii Hore Ee Maamulka Gobolka Banaadir Ayaa Lagu Dilay Qarax Xoogan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Daawo

$
0
0

Mogdishu-(Idhanka)-Ugu yaraan lix qof oo uu ku jiro Xoghayihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan ayaa lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ka dhacay aargada Lambar Afar ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay ilaaladii la socotay Cabdikaafi iyo dad rayid ahaa oo ka ag dhawaa goobta.

Allaha u naxariisto Cabdikafi Hilawle Cusman

Ciidanka [...]


Madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo Oo Isbadal Xilka Qaadis Magacaabid Iyo Isku Badal Iyo Magacaabis Cusub Ku Sameeyay Agaasimayaasha Wasaaradaha Qaar Akhriso

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-2455/052014 xilalkii ay hayeen uu kaga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, Gudoomiyeyaashii Gobolada Saaxil, Gabiley, Sanaag, Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka,
 
Xilka Qaadista
 
1. [...]

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md. Cakuse Oo Ka Hadlay Xuska Maalinta Xoriyadda Saxaafadda Aduunka Diidayna Inuu U Jawaabo Md. Cabdiraxman Daawo

$
0
0

Hargeysa-(Idhanka)-Daawo wasiirka warfaafinta Somaliland oo ka hadlay xuska maalinta xoriyadda saxaafadda aduunka diidayna inuu u jawaabo Md. Cabdiraxman Cabdiqadir  halkan kadaawo

Idhanka.com
Idhanka Hargeysa Office

Puntland oo xakun dil toogasho ah ku riday rag ka tirsan Xarakada Al-shabaab

$
0
0

Waxaa shalay oo ah maalin Sabti ah taariikhduna ay ku beegan tahay 3 bisha May 2014 maxkamadda darajada koowaad ee gobolada Bari, Sanaag, Hayland, Gardafuu iyo Karkaar la horkeenay eedeysanayaal ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin xarakada Al-shabaab, dedeysanayaasha ayaa garaayey 4-ruux, waxaana lagu kala magacaabaa Daa’uud Aadan ibraahim, Xasan Xuseen Cabdi, Maxamad Cabdiqaadir Sheekh Axmad iyo Jaamac Maxamad Cabdullaahi
Jaamac Maxamad Cabdullahi maxkamadda waxa ay ku eedeysay in uu ahaa shaqsi sirdoon ah, isla markaana sahanka u qaabilsanaa urrurka Al-Shabab ee ka dagaalama buuraha Gargala, waxaana lagu xakumay dil toogasho ah, Cabdiqaadir Sheekh Axmad oo isna ku eedeysnaa in uu ka tirsanaa Shabaab ayaa isna waxa ay maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah.
Xasan Xuseen Cabi ayaa lagu soo eeedeyey in uu ka soo dagaalamay deegaanka ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada magaalada Muqdsho xili uu ka tirsanaa Shabaab, waxaana lagu xakumay dll toogasho ah, halka Daa’uud Aadan ibraahim oo shaqsiga afaraad haa maxkamadeyntiisu dib loo dhigay, waxa uuna ku eedeysnaa meel ciidamada qarax loo dhigay deegaanka Sugurre calaamadihii laga helay meeshaasi in laga helay mobilkiisa
Gudoomiyaha ciidamada qalabka sida ee Puntland C/fitaax Maxamad Aadan ayaa ku dhawaaqay xakunka, si kastaba haa ahaatee ma ahan markii ugu horysay ee Puntland xakun dil toogasho ah ku rido rag ka tirsan Shabaab.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Dowladda Somaliya oo ka hadashay dad Somali ah oo laga soo musaafuriyey Kenya oo Muqdisho la keenay

$
0
0

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay 84-qof oo laga soo musaafuriyey dalka Kenya ayaa shalay laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdishom dadkan Soomaaliyeed oo isugu jiray rag, dumar, waayeel iyo caruur ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Soomaaliya Siciid Qorsheel, danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur Ameerika iyo xubno kale.
“Waxay dadkani ka mid yihiin kuwii lagu qabqbatay howlgaladay Nairobi ay ka wadaan ciidamada Kenya, waxaana jira dad badan oo weli ku jira xabsiyada dalka Kenya” ayuu yiri dnajire Ameerika oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha, sidoo kale Siciid Qorsheel oo isaguna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay markii hore Soomaalida tarxiilka ah laga keeni jiray dalka Sacuudiga, balse laga keenayo maanta dalka Kenya, taas oo qeyb ka ah dhibaatada dadka Soomaalida ah ku heysta caalamka.
“Dadkan waxaa laga soo taxiilay dalka Kenya, waxayna xabsi ku jireen muddo 15-maalmood markii aan is-wareysannay, runtiina waxay tani markhaati u tahay dhibaatada Soomaalida ku heysata dalka Kenya” ayuu yiri Siciid Qorsheel oo walaac ka muujiyey Soomaalida sida qasabka ah looga soo musaafurinayo dalka Kenya.
Wasiirka qorshee ayaa sidoo kale sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay arrintan aad uga doodeyso, madaxda dowladduna ay ka hadleen, inkastoo aan jeclayn buu yiri inaan ka hordhaco go’aanka xukuumadda haddana waxaa laga garan karaan heerka ay dowladdu arrintaan ka taagantahay in safiirkii Soomaaliya ee Kenya loo yeeray.
“84-tan qof ee m dalka lagu soo celiyay, dowladdu waxay siin doontaa taageero, waxaana dedaal ugu jirnaa in dalka lagu soo celiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada Kenya intii la dhibaateyn lahaa” ayuu Siciid Qorsheel hadalkiisa ku daray.
Madaxada dowladda Soomaaliya ayaa horay uga hadlay dibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed loogu geysanayo dalka Kenya, waxaana tallaabada sida aadka ah uga careysiisay ay aheyd xariggii ay booliiska Kenya u geysteen toddobaad ka hor qunsulkii safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, Siyaad Maxamuud Shirwac.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo oo ka badbaaday isku day la doonayey in lagu dilo

$
0
0

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Buur-dhuubo ee isla gobolka Gedo ayaa ka badabaaday isku dayo dil oo la doonayey in lagu qaarjiyo, wararka laga helayo Buulo-xaawo ayaa sheegaya in miino lagu xiray gaari uu lahaa Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil ay ku qaraxday gaarigiisa balse uu qaraxa ka badbaaday, halka ay ku dhinteen laba ka mid ah ilaaladiisa, saddex kalena ay dhaawacyo kala duwan ayaa ka soo gaaray.
Qaraxa ayaa ku soo beegmay iyadoo degmada Baladxaawo ay xiisado ka jireen dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, taas oo u dhaxeysay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca ee ku sugan degmada Baladxaawo, Guddoomiyaha gobolka Gedo ee ka badbaaday qaraxa ayaan weli ka hadlin, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay oo Guddoomiyaha gobolka qarax noocan oo kale ah lagula eegto degmada B/xaawo.
Dhanka kale Guddoomiye ku xigeenka degmada Buur-dhuubo ayaa ka badbaaday qarax wadada dhinaceeda la geliyey oo gaarigiisa lagu qarxiyey, inkastoo aysan waxba gaarin, haddana ay ku dhinteen lab aka mid ah ilaaladiisa dhowr kalena ay ku dhaawacmeen, tirada dhimashada ka dhalatay qaraxyadan ka dhacay gobolka Gedo muddo 24-saac gudahood ah ayaa waxay gaaraysaa afar qof, iyadoo ay ku dhaawcmeen in ka badan 7-qof oo kale.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo hortagay Baarlamaanka sheegayna inuu ku howlanyahay…

$
0
0

R/wasaaraha Somalia, C/weli Sh. Axmed Maxamed ayaa shalay hortagay baarlamaanka Soomaaliya, isagoo xildhibaanada u sharaxay qorshe-howleedka sannadkan ee xukuumaddiisa,isagoo xusay in qorshe howleedka xukuumadda ee sannadkan uu yahay midkii ugu horeeyay oo la sameeyo tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya,wuxuuna  hoosta ka xariiqay inay astaan u tahay kartida iyo is-bedelka horumarineed ee ay ku talaabsadeen hay’adaha dowladda oo awood u leh inay kaligood sameystaan qorshaha ay ku howlgalayaan sida uu yiri
“Dhameystirka qorshahan waxaa ka qayb-qaatay oo aan u mahad-celinayaa guddi farsamo oo aan kasoo xulnay dhammaan hay’adaha xukuumadda oo aan farnay in ay muddo kooban gudaheed kusoo gudbiyaan qorshaha sannadkan 2014. Guddiggasina waxay muujiyeen firfircooni, xil-kasnimo iyo dhabar-adayg. Hawshooda waa mid ku dayasho mudan oo aan doonayno inaan joogteyno; sababtoo ah horumar dhabta ah waxaynu gaari karnaa marka aan isku tashano oo aan wax walba u hurno soo celinta karaamadii qarankeenna,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inay xukuumaddu go’aansatay inay diiradda saarto sannadkan 2014-ka arrimaha ay ka mid yihiin: in Soomaaliya la gaarsiiyo sannadka 2016-ka doorasho xor ah. In miisaaniyadda dowladda lagu fuliyo howlaha horyaalla xukuumadda iyo in xoogga la saaro howlaha waafaqsan is-tiraatijiyadaha hadda jira, waqti ahaan iyo awood ahaanna la meel marin karo.
“Qorshaha xukuumadda ee 2014-ka waxaa ka mid ah: sugidda ammaanka, horumarinta dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha, kobcinta dhakhliga, horumarinta adeegyada bulshada iyo tayeynta hay’adaha dowladda,” ayuu ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ku yiri khudbaddii uu ka jeediyay baarlamaanka.
Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in qodobbada kale ee xukuumaddu ay xoogga saarayso ay ka mid yihiin: xoojinta nabad-galyada dalka, dib u habeyn lagu sameynayo cadaaladda iyo garsoorka iyo dib u habeynta siyaasadda dibadda sida uu yiri
Ra’iisul wasaaraha oo sii hadlayay ayaa sheegay in waxyaabaha kale ee sannadkan 2014-ka ay xoogga saarayaan ay ka mid yihiin: hirgelinta nidaamka federaalka ah; gacan-siinta sameynta maamulada gobolada iyo degmooyinka dalka iyo sidoo kale dib u eegista qabyo-tirka dastuurka.
“Somalia oo nabad iyo amni ah waxay lama huraan u tahay dhismaha dawladnimo iyo horumarinta dalka. Waana taas mida keentay in 40% miisaaniyadda dalka ee sannadkan 2014-ka aan u qoondeyno sugidda amniga. Siyaasadda amniga ee xukuumadda waxaa saldhig u ah in loo guto howlaha amniga si wax ku oolnimo iyo hufnaan leh, iyadoo la dhawrayo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed,” ayuu ku daray hadalkiisa.
Ugu dambeyn, ra’iisul wasaasaraha ayaa sheegay in xukuumaddu oo taageero ka helaysa beesha caalamka ay fulinayso hawlgallo ballaaran oo looga saarayo Al-shabaab Soomaaliya oo dhan sida uu yiri.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar

Maamulka Somaliland oo xukun dil ah ku riday Qoys si wadajir ah u dilay Haweenay

$
0
0

Maxkamadda magaalada Hargeysa ayaa shalay xukun dil, xarig iyo siideynba ku riday eedeysanayaal loo heystay inay dileen Ruqiya Siciid Ayaanle oo bishii Febraayo 24-teedii maydkeeda laga dhexhelay god ku yaala mid ka mid ah guri magaalada Hargeysa, maxkamadda ayaa soo saartay go’aanka xukunkaasi, waxaana xukun dil ah lagu xukumay hooyo Muuna Maxamed C/laahi iyo sedex qof oo ay dhashay oo lagu kala magacaabo Maxamed Axmed Cabdi, Sakariiye Axmed Cabdi iyo Farax Axmed Cabdi, kuwaas oo lagu helay dilka marxuumadda.
Sidoo kale waxaa xoriyadoodiisa dib u helay Cabdi Salaam Ismaaciil Maxamed oo ah ninkii qabay Muuna Maxamed C/laahi iyo Kalsoon Xaaji Maxamed Xirsi oo ay wanjashay gacan ku dhiiglayaashu inay kala shaqeysay dilka haweenaydaasi, “Muuna Maxamed C/laahi Ina Faadumo Cali  waxay maxkamaddu ku xukuntay qisaas dil ah, Maxamed Axmed Cabdi ina Muuna Maxamed waxay isna maxkamaddu ku xukuntay qisaas dil ah, Sakariiye Axmed Cabdi oo ah ina Muuna Maxamed waxay Maxkamaddu ku xukuntay qisaas dil ah, Faarax Axmed Cabdi ina Muuna Maxamed waxay Maxkamddu ku xukuntay qisaas dila ah” ayuu yiri Guddoomiyaha maxkamadda degmadda Hargeysa Faysal Maxamed Cabdilaahi {Faysal Dhaga Dhago}.
“Waxaa kale oo ay maxkamaddu ku xukuntay Hana C/salaan Ismaaciil ina Muuna Maxamed oo 17-sano jir ah 10-sano oo xarig ah taas oo sharcigu dhigayo qofka 18 toban jir ka yar aan lagu xukumin dil madaama sharcigu dhigayo qofka ka weyn 18 toban sanadood in lagu xukumi karo dil, Kalsoon Xaaji Maxamed Xirsi oo iyaduna ku eedays-neyd qodobada dilka ah oo ay masabiday gabadha l ayiraahdo Muuna oo aanu hore dilka ugu soo xukunay, waxaana u celinay xoriyadeedii sababtoo ah baadi goobkii ay baadi goobaysay Ruqiya ciddii dishay ayaa ay ugu soo dartay kiiskaas, ka bacdi markii xafiiska xeer ilaalinta wax cadeyn ah la keeni waayey waxaana isku raacnay in xoriyadeeda loo celiyo” ayuu yiri markale Guddoomiyuhu.
Sidoo kale Guddoomiyuhu waxa uu yiri “C/salaam Ismaaciil Maxamed oo ah ninkii qabay Muuna maalintaas uu dilku dhacayey waxa uu ku maqnaa magaalada Berber maanu  ogeyn muddo bil ahna gabadha ayey kala maqnaayeen oo gurigaba muu seexan jirin isagana xoriyaddiisa ayaanu u celinay, Maxamed Xasan Cabdi oo lagu eedaynayey qodobka 297 oo markii ay baaristu socotay ma jaro habaabiyey isla markaasna booliska iyo eheladii marxuum Ruqiya Siciid Ayaanle ugu sheegay magaalada Kalabeyr waxay maxkamaddu ku xukuntay sanad xarig ah”.
Wariyaha aarannews.com Caaqil Dalmar


Sida uu yahay gargaarka ay helaan qaxootiga Dhadhab

$
0
0

Sannadkii hore hay'adda qaxootiga ugu qaabilsan QM ee UNHCR ayaa waxay yareysay raashinkii la siin jiray qaxootiga soomalida ah ee kunool xeryaha qaxootiga ee Dadaab.

Baaritaanka dad lagu laayay Ukraine

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha Ukraine ayaa u sheegay BBC-da inay baariayaan dadkii ku dhintay bannaan-bax ka dhacay magaalada Odessa.

Dowladda S Sudan oo ku duushay Bentiu

$
0
0

Xoogagga dowladda South Sudan ayaa u dhaqaaqay dhanka magaalada saliidda hodanka ku ah ee Bentiu, ee ay mucaaradka maamulaan.

Li Keqiang oo Afrika booqanaya

$
0
0

Ra’iisul wasaaraha dalka Shiinaha Li Keqiang waxaa u bilaabanaya booqasho uu ku marayo qaar kamid ah dalalka qaaradda Afrika.

Dad ku dhintay Qaraxyo ka dhacay Nairobi

$
0
0

Laba bas ayaa lagu qarxiyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Basaska waxey marayeen wadada weyn ee Thika, ee caasimadda.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live