Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Maamulka Dawlad Goboleedka Puntland Oo Soo Bandhigay Ciidamo Katirsan Xoogaga Al-shabaab Oo Ay Dagaal Kusoo Qabqabteen (Daawo Sawiro)

$
0
0

Garoowe-(Idhanka)-Maamulka Puntland ayaa Faah Faahin ka bixiyay dagaal habeen hore ku dhexmaray Ciidamadooda iyo Ciidamo katirsan Alshabaab deegaano u dhaxeeya Boosaaso iyo Carmo.
Dagaalkaan oo muddo kooban socday ayaa Alshabaab waxaa gacanta looga dhigay laba nin halka labo kalana dagaalkaasi looga dilay sida ay warbaahinta u soo ban dhigeen Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Bari Cabdiraxmaan Muslim [...]


Hundreds return home to Syria’s Homs As more than 1,700 opposition fighters leave the city that they fought over for nearly two years, residents return.

$
0
0

Halab-(Idhanka)-Hundreds of people have returned to Homs as the Syrian army regained control of the city, according to a correspondent with the AFP news agency.
The residents, displaced by three years of war, climbed over debris and inspected the ruins of their battered neighbourhoods on Friday.
“I had seen on Facebook that my home had been destroyed, but I [...]

Booliska Dalka Malaysia Oo Sheegay Inay Qabteen Nin Soomaali Oo La Sheegay In Uu Ka Tirsan Yahay Xoogaga Al-Shabaab Oo Muddo Ladaba Joogay

$
0
0

Addis Ababa-(Idhanka)-Booliska dalka Malaysia ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen nin Soomaali oo ay ku tilmaameen in uu ka tirsan yahay Ururka xagjirka ah ee al-Shabaab.

Ninkaan oo aysan shaacin magaciisa balse da’adiisu ku sheegeen 34-sano ayaa laga qabtay shalay (khamiis) magaalo ku taalla duleedka caasimadda Kuala Lumpur ee la yiraahdo Selangor.
Mid kamid ah wargeysyada [...]

Ma Dhabaa In Ay Madaxtooyada Somaliland Lacag Iyo Gawaadhi Sooryo Tiro Badan Siisay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil..?? (Daawo Laascaanood Sawiro) +Video

$
0
0

Laascaanood-(Idhanka)-Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale iyo Odeyaal kale oo qaarkood la socdeen,kuwana Hargeysa kaga biireen marti-gelintiisa, ayaa sida la sheegay xukuumadda Somaliland u siisay Gaadiid tiro badan iyo qadar lacageed oo sooryo ah.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo xubno hore uga tirsanaa Maamulka la baxay Khaatumo ee Bariga Sool iyo Buuhoodle ku sugan, ayaa dhawaan u [...]

UN seeks urgent funding to curb looming food crisis in Somalia

$
0
0

NAIROBI, May 9 (Xinhua) -- The UN top relief official for Somalia on Friday warned of a looming food crisis in the Horn of Africa nation and called for urgent funding to help reverse the crisis. Humanitarian Coordinator for Somalia Philippe Lazzarini ...
Weblinks: 

//-->

“It Always Seems Impossible Untill It is Done” Wasiir Xirsi Oo Maahmaahdii Mandela Usoo Qaatay Dadka Rumaysan’la In Wadada Ceerigaabo Bilaabmayso Daawo

$
0
0

Ceerigaabo-(Idhanka)-Wasiirka wasaarada madaxtooyada somaliland mudane Xirsi xaaji xasan ayaa maanta ka hadley bilawgii shaqada wadada ceerigaabo oo in mudo ah lagu jirey ururinta dhaqaalaha ku baxaya.
Waxa waftiga wasiirka la socdey wasiirka ciyaaraha mudane Raygal, maareeyaha hay’ada wadooyinka Xasan cali Cismaan iyo wasiirku xigeenka ganacsiga Bashiir xaaji cabdi, engineerada wadada dhisaya iyo masuuliyiin kale oo badan.
Wasiirka [...]

“Dawladda Siilaanyo Wax Badan oo lala Yaabanaa Hirgelintooda ayaa la Rumaystay..”

$
0
0

Burco(Somaliland.Org)-Dhismaha jidka isku xidha Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo wajigeedii koowaad ayaa si rasmi ah shalay looga bilaabay degmada ina Afmadoobe ee gobolka Togdheer oo ahayd halkii uu Madaxweynaha Somaliland dhagaxa-dhigay.
Xafladii loo sameeyay bilowga jidkan oo goobta laga bilaabay ay ku taallo deegaanka Ina Af-madoobe oo dhacda jiida u dhaxaysa magaalooyinka Burco iyo Laascaanood, waxa goob-joog ka ahaa Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Ciyaaraha Mudane Cali Siciid Ragal, Wasiir xigeenka Ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Maareeyaha wakaaladda horumarinta wadooyinka Prof. Xasan Cali Cismaan, Guddoomiyeyaasha goboladda Togdheer iyo Sanaag iyo xubno ka ka tirsan guddida wadada Ceerigaabo.
Wasiirka madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali X. Xasan, oo kulankaas ka hadlay ayaa cadeeyay in xukuumadda ka go’an tahay dhismaha iyo dhamaystirka wadada Ceerigaabo, waxaanu yidhi “Aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan ka qayb galo wadada bilowgeedii oo la dhaqaajiyay, muddo dheer ayaa la innaga sugayay inay dhaqaaqdo oo hawsheedu bilaabanto, hase yeeshee waddo waa waxaan hawl yarayn haddii ay tahay wacyigalinteeda, diyaarinta iyo diyaargarowga qolada farsamadu iyo injineearadu diyaarinayeen wadada qorshaheeda sida kaamamka, shaqaalaha muddo ayaa diyaar garowgeeda la waday, imikase way bilaabantay shaqadii si fiicanna shaqadu way u socotaa.”
Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay wax badan oo markii hore lala yaabanaa siday u hirgelin karto ay fulisay, waxaanu yidhi “Dawlada Madaxweyne Axmed Siilaanyo balan-qaad ay balanqaaday oo ay ka dhabaysaa kow maaha, hore ayaan u balan-qaadnay dawlada uu madaxwaynuhu hogaminayo waanu ka dhabaynay, mar ma aha laba ma aha oo saddex ma aha, wax badan oo lala yaabanaa ayaa markii ay dhammaadeen la rumaystay.”
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in jidkan la bilaabay ay ahayd himiladii madaxweynaha oo ficil loo rogay, waxaanu yidhi “Waa degmadii Ina Afmadoobe, waa halkii ay ka bilaabmaysay qaybtii koowaad oo ah wadada isku xidha Sanaag iyo Togdheer. runtii way rumowday, waanay dhabowday inay bilaabantay wadadaasi, himiladii uu ku balan qaaday xiligii doorashada lagu jiray madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waa kow odhan maayo. laakiin maanta (shalay) qaybteedii galbeed way bilaabantay, ummadduna waa ka markhaati kacaysaa.”
Maareeyaha wakaaladda horumarinta wadooyinka Prof. Xasan Cali Cismaan, ayaa sheegay in dhismaha jidkani u fuli doono sida ay u qorsheeyeen waxaanu yidhi “Runtii aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay wakaalad ahaan bilowga dhismaha dariiqa Ceerigaabo ee dadku kuwada hamiyay, annagoo xaqiijinayna himaladii madaxweynaha darafka galbeed inay ka bilaabanto.” Gudoomiyaha cusub ee gobolka Sanaag, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa dhankiisa sheegay inuu ku farxay in dhismaha jidkan iyo masuuliyadda gobolka Sanaag ee loo magacaabay isku mar bilaabmeen, waxaanu yidhi “runtii waxa sharaf weyn ii ah inay bilaabantay dhismaha wadada Ceerigaabo aniguna aan la kowsaday xilkii gobolka Sanaag ee la ii magaabay, waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa madaxwaynaha Somaliland oo ka dhabeeyay balan qaadkiisii ahaa dhismaha wadada Ceerigaabo”
Gudoomiyaha gudida Qurba-joogta ee wadada Ceerigaabo ee dalka Uk Oday Faarax Xasan Jagac. ayaa dadwaynaha reer Somaliland ee k u dhaqan gudaha iyo dibada ugu baaqay in ay ka qayb-qaataan qaadhaanka lagu dhisayo dhismaha wadada Ceerigaabo, waxaana jaaliyada dalka Ingiriiska si gaar ah ugu baaqay inay soo shubaan qaadhaankii jidkaasi ee ay hore ugu yabooheen.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

“Shirkad Chinese Ah Ayaa Noo Xaqiijisay Inay Dalka Ku Jirto Illaa 500 Oo Kun Oo Macdan ah”

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Macdanta Iyo tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaalle ayaa shaaca ka qaaday in shirkad Chinese ahi ay u keentay warbixin la xidhiidha sahano ay ku samaysay khayraadka dalka oo ay ku caddaysay inay Somaliland ku jirto macdan xadigeeda lagu qiyaasay illaa shan Boqol oo kun oo tan.
Wasiirka Macdantu waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay u warramayay Wargeyska DAWAN, waxaanu tilmaamay in sahanadda lagu doonayo in Somaliland kula soo baxdo khayraadkeeda dabiiciga ahi meel wanaagsan marayaan.
“Horta heshiisyadaa hor dhaca ah ee baadhida shidaalka iyo macdanta, waxa jira wax natiijo noo keenay oo yidhi wax baanu helnay, shirkad Chinese ah oo la yidhaahdo African Research Co’orperation oo tidhi macdan illaa 500,000 kun oo tan ah, baanu haynaa, taana wali heshiis rasmi ah lamaanaan gelin oo waxaa jira shuruudo badan iyo baadhitaanno kale oo ah oo ay tahay inaynu wada galno markay soo diyaar garoobaan,”ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaalle.
Wasiirku waxa uu soo qaaday in marka shirkadaasi ay soo diyaar garowdo heshiiska dawladdu la gasho la horgeyn doono Golaha Wasiirrada Somaliland “Waxa heshiiskaa rasmiga ah la horgeyn doonaa Golaha Wasiirrada Somaliland.”
Wasiirka Macdantu waxa uu sheegay in shirkadaha ay la galeen shiidaal baadhistu ay hawshooda bilaabi doonaan marka la sameeyo ciidan gaar ah oo ilaalin doona hawsha shiidaal baadhista, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Xagaa shidaal baadhista waxaanu heshiisiyo hordhac ah kula jirnaa illaa afar shirkadood kuwaasi waxay sugayaan in la sameeyo ciidamo kuwa Somaliand ah oo si gaar ah u tababaran oo ilaaliya hantidaa iyo shaqaalaha taasi oo dunida oo dhan ka jirta, waana ka war qabtaan mandaqada ay Somaliland ku taallo.Insha Allaa dhawaan ayaanay hawlahooda bilaabi doonaan, kalsooni buuxda ayaan ka qabaa in ay hawshaasi bilaabanto, walina waa baadhis waxaynu wadnaa.”
Wasiirka Tamarta oo la weydiiyay inuu hayo xal lagaga baaqsado dhuxusha oo dhaawac weyn ku haysa bad-qabka deegaanka dabiiciga ah, waxa uu yidhi “Shirkada Chine ah oo aanu dhawaan la galnay heshiis macdan baadhista ah, ayay qorshaha ugu jirtaa inay baadhaan dhuxul dhagaxda, walise ma hubno inay dhuxushaasi noqon doonto mid dalka iyo dibada loo dhoofin karo baadhistiina way socotaa.”
Wasiirka Xuseen oo aanu waydiinay inay jiraan caqabado Somaliand ka hor jooga, maalgashi caalami ah, waxa uu yidhi “Waxaa jira caqabado innaga inoo gaar ah, oo ay ka mid tahay, mandaqada aynu ku naalno oo ah mid nabadgelyadeeda aad looga dayriyo inkasta oo Somaliland ay ka jirto nabadgelyo taam ahi.”
“Sharaa’iga imika innala jooga wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaanba, waxaanu ka galnay dedaal balaadhan, waxaa dedaalkaasi inoo suurogeliyay nabadaa shacbiga, xukuumadba laga wada shaqeeyay waxaa imika dalkeenna jooga shirkado reer Yurub ah, kuwo Carab ah iyo kuwo Chinese ah oo dhammaan inala galay heshiisyo maalgashi ah oo hordhac ah,”ayuu yidhi Wasiirka Macdantu. Caqabada se Somaliland u gaar ah ihi waa ictiraaf la’aanta oo wax badan inaga hor joogta, waxaase ina caawinaya oo dadaalkaa kaabayaa waa nabadgalyada, oo cid walba soo jiidanaysa, ayna inala joogaa oo maalgalinayaa dalkeena shirkado waaweyn oo la yaqaano,”ayuu yidhi Wasiirku.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Siyaasi Afkiisa Isku Tafaafulay, Xisbigana Ku Talaalaya Sunneyaal Aan Maan-gal Ahayn

$
0
0

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Khamiistii la soo dhaafay shaaca laga qaaday inuu mar labaad yahay murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE u matali doona doorashadda Madaxtinimadda ee lagu wado inay dalka ka qaboonto sanadka fooda innagu soo haya ee 2015-ka.
Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa khamiistii si rasmi ah daboolka uga qaaday in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu sharaxan yahay kalka labaad maadaama oo dastuurka dalku jidaynayo in madaxweynuhu uu isa soo sharixi karo laba xili doorasho, sidaas darteed, dhawaaqaasi waxa uu soo afjarayaa isla markaana geed dheer ku sii laalayaa hamigii uu Guddoomiyaha xisbiga talladda haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi uu Axadii todobaadkii hore ku iclaamiyay inuu isku sharaxayo Murrashaxnimadda jagada Madaxweynenimadda xisbiga KULMIYE dhexdiisa, isagoo su’aal geliyay murrashaxnimadda madaxweynaha marka loo eego sidii uu hadalka u dhigay oo ahayd “Haddii Madaxweynuhu isa soo sharaxayo mar kale iyo haddii kaleba waan sharaxan nahay.”
Guddoomiyaha KULMIYE oo dhawaaqiisa in badan oo ka mid ah xisbi yahannada xisbiga iyo dadka falan-qeeya siyaasadduba ay ku tilmaameen go’aan deg-deg ahaa oo aan wakhtigiisii la gaadhin, kaasi oo soo dedejin kara loolan siyaasadeed oo su’aal gelin kara mustaqbalka siyaasadeed ee Guddoomiye Muuse Biixi oo Hoggaanka Xisbiga ee loo doortay shanta sanno ee soo socda uu ka dhashay Markii Madaxweynuhu go’aamiyay inaan lagula tartamin Guddoomiyenimadda xisbiga iyadoo la dhawrayay danta guud ee xisbiga talladda haya waxa loo baraq jabiyay siyaasiyiintii xisbiga ee hungurigu kaga jiray inay kula tartamaan Gudoomiyenimadda xisbiga.
Waxa siyaasiyiinta go’aankii guddidii turxaan bixinta ku tanaasulay ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle oo doonayay inuu tartan kula galo Guddoomiye Muuse mansabka Hoggaaminta xisbiga, kaasi oo dad badani qabaan haddii uu la tartami lahaa inaanu xiligan Muuse Guddoomiyenimada uu isku hubsaday ku fadhiyeen, marka la eego taageeradii balaadhnayd ee uu Wasiir Samaalle ka haystay ergooyinkii ka qeyb-galay shirweynihii 3-aad ee KULMIYE ee dhawaan lagu soo gabo-gabeeyay Magaaladda Hargeysa.
Dadka odorosa siyaasaddu waxay aaminsan yihiin in dhaqanka dimuqraadiyadda dunida reer galbeedka ee aynu qaadanay aan lagu arrag in Madaxweyne Ku guulaystay doorashadii madaxtinimadda, in kalka labaad ay cidi kula tartanto xisbigiisa gudihiisa, taasina murrashaxnimadda Guddoomiyaha KULMIYE ugu xusul duuban yahay inuu isu soo taago aanay maan-gal ahayn maadaama oo madaxweynaha qodobka 88-aad ee dastuurka dalku u damaanad qaadayo in Madaxweynaha marka ay muddo xileedkiisa hore dhammaado inuu xaq u leeyahay inuu mar labaad isa soo taago.
Xeel-dheereyaasha axadha siyaasadu waxay ku doodayaan in murrashaxnimadda Guddoomiyaha KULMIYE ay tahay calaamad milgo xumo iyo is barbar yaac ka turjumaysa oo xisbiga tallada hayaa soo kordhiyay, loona baahan yahay in labeenta xisbiga iyo nin-qaradka KULMIYE ay ka fadhiistaan oo ay ka munaaqishoodaan saamaynta taban iyo sawirka xun ee dimuqraadiyadda dalkeenna curdinka ah ay u keenayso in lala baratamo madaxweyne muddo xileedkiisii labaad isu diyaarinaya oo waliba ay u dheer tahay in ummadda reer Somaliland ay ku iimaan qabaan wax-qabad badan oo xukuumaddu ku tallaabsatay afartii sanadood ee la soo dhaafay.
Mid ka mid ah xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa noo sheegay in dhawaaqii Guddoomiyaha KULMIYE uu yahay mid uu iskugu dhamaynayo oo uu ku soo afjarayo mustaqbalkiisa siyaasadeed ee xisbul xaakimka. “Waxaan u arkaa in dhawaaqii Guddoomiye Muuse Biixi , inuu yahay uun mid uu iskugu dhamaynayo. Waxaan qabaa haddii ay xataa arrintani dhab ka tahay inaanu hal cod ka heli doonin xubnaha Golaha dhexe, waayo xisbinimo ma aha in Madaxweynihii xisbiga guusha u horseeday lagula tartamo murrashaxnimada madaxweynaha kalka labaad ee sharcigu u banaynayo inuu isa soo taago,”ayuu yidhi mid ka mid ah xisbiyahanada KULMIYE oo muddo dheerna ka soo tirsanaa xubnaha Golaha dhexe oo iyaga xeerka xisbigu xaq u siinayo in ay kala doortaan murrashaxiinta xisbiga u matalaysa doorashada madaxtinimadda.
Sarkaalkaasi waxa uu ku doodayaa in xeerka xisbiga ay daruuri tahay in dib loogu noqdo si loogu caddeeyo in Madaxweynaha ku guulaysta doorashada aan xisbiga dhexdiisu marka labaad cidi kula tartamin. Haddii aan soo qaadano waxa isla maalintii Guddoomiyaha KULMIYE shaaciyay murrashaxnimadiisa ka dareen celiyay Wasiirkii hore ee Cadaaladda Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare) oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbigaas, waxaanu Guddoomiye Muuse ku haaraamay inuu qaatay go’aan aan laga fiirsan oo deg-degsiimo ku jirtay.
“Waxaan u arkaa tallaabadda Guddoomiyaha KULMIYE ku shaaciyay inuu u tartamayo Murrashaxnimadda Madaxweynenimadda xisbiga dhexdiisa doorashada soo socota inay tahay mid uu ku deg-degay maadaama oo aanu todobaad uun laga joogo xiligii uu dhammaaday shirweynihii saddexaad ee xisbigu.”
“Iyadoo aanay wali dhammaanin hambalyadii Hoggaanka xisbiga KULMIYE ay u dirayeen taageerayaashu inuu Muuse Biixi arrintan ku dhawaaqo. Iyadoo aan anigu shakhsiyan qabo in Madaxweynaha maadaama oo uu ku guulaystay doorashadii hore inuu xaq u yeelanayo inaan marka labaad aan lagula tartamin xisbiga dhexdiisa,”ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Cadaalladdu.
Taabiciyiinta u dhegaha fudud Guddoomiye Muuse Biixi ayaa xataa qiray inay arrintani tahay mid ladh iyo lur cusub xisbiga u horseedi karta isla markaana soo gaabin karta Hoggaaminta Guddoomiyaha oo ay marka hore Taageereyaal badan iyo xisbiyahano aan la qiyaasi karini ay duuduub ku liqeen talladii nasteexa ahayd ee madaxweynaha ee wadada u xaadhay inaan lala tartamin Guddoomiyaha, afarta Guddoomiye Ku xigeen iyo Xoghayaha Guud.
Taageereyaasha Guddoomiyuhu waxay intooda samo-taliska ahi ku doodayaan in Muuse Biixi ay ahayd inuu Madaxweynaha ugu abaal-celiyo inuu ku ixtiraamo sidii uu geedka ugaga xidhay raggii kula tartamayay Hoggaanka xisbiga. Guddoomiye Muuse Biixi waxa horyaalla inuu xisbiga ka daayo wixii magac xumo iyo baratakool la’aan u nisbayn kara isla markaana uu iimaansado shanta sanadood ee muquunadda loo siiyay, iyadoo xisbiyahano aanu wax xuquuq ah dheerayn looga reebay iyadoo la xeerinayay midnimadda iyo wada jirka xisbigiisa.
Waxa maalmaha soo socda ummadda u kala cadaan doona halka uu ku dambeeyo hanka laablakaca ah ee Muuse Biixi , haddii aanu dib u si sixin oo aanu xisbiga iyo madaxweynahaba ka raali gelin dhawaaqan nusqaanta ku ah karaamadda xisbiga uu mustaqbalka ka sugayo.XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiirkii Hore Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale Oo Qayb Ka Ah Ergooyinka Kulankii Maanta Dhex Maray Madaxweynaha Koonfurta Sudan Silva Kiir Iyo Hogaamiyaha Mucaaridka Riek Michar

$
0
0

Midig Wasiirkii hore arrimaha Dibadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale Oo Gacan Qaadaya Ergada Midawga Afrika ee xaaladda Koonfurta Sudan Maanta shirkii labada dhinacSabti 10 May 2014 Addis Ababa (HALBEEG)– Madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan Silva Kiir iyo hogaamiyaha xoogaga mucaaridka ah ee la dagaalamaya xukuumadda Riek Machar ayaa si fool ka fool ah markii ugu horaysay ugu kulmay magaalo madaxda dalka Ethiopia Addis Ababa, kulan uu dhex dhexaadinaayey ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia Hailamarium Desalgne.
Kulankani ayaa ka danbeeyey ka dib dagaalo iyo colaad afar bilood jirsatay oo u dhexaysa labadani nin, taasi oo sababtay dhimashada kumunaankun qof, isla markaana boqolaal kun oo kale ay ka barakaceen magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka Koonfurta Sudan oo seddex sanno oo qudha ka mid ah bulshada caalamka.
Haddaba kulankii maanta ka dhacay magaalada Addis ababa Hotelka Sheraton, ayaa waxaa la arkaayey wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo la socday ergada dhinaca madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan Silva Kiir, isla markaana qayb ka ahaa dedaalka lagu dhex dhexaadinayo ama lagu daminayo collaadda dalka Koonfurta Sudan.
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Somaliland ayaa wuxuu la taliye gaar ah oo dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda ah u yahay madaxweynaha dalka Koonfurta Sudan, xilkaasi oo uu hayey tan iyo markii South Sudan ay madax banaanideeda ay beesha caalamku aqoonsatay.Heshiiska Maanta Ee Addis Ababa
Kulanka maanta dhex maray Kiir iyo Michar ayaa la sheegay in lagu gaadhay heshiis tibaaxaya in xabbad joojin rasmi ah ay labada dhinac gaadheen, iyo in la dhiso dawlad ku meel gaadh ah oo wadaag ah, isla markaana ay labada dhinac ka muuqdaan.Hoos Ka Daawo Kulankaasi oo uu ka muuqdo Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Cabdilaahi Maxamed Ducaale
Halbeegnews, Addis Ababacontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

//-->

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Who should govern Somalia: Somalis or the UN?

$
0
0

Encouraging Breastfeeding To Help Improve Nutrition In Somalia

$
0
0

Somalia: Clan militia refuses to vacate Marka coastal town

$
0
0

XOG CULUS:Maxaa ka qaylaashey Somaliland, Aamusiyey Maakhir, oo kala baacshey Khaatumo Read more at: http://marqaanweyne.com/?p=553

$
0
0


Waxaa Beesha Caalamku markii ugu horaysay si wada jir ah ay uga hadleen islamarkaasina baaq ugasoo saareen xaalada ay kusuganyihiin gobolada kala ah Sanaag oo ah Maakhir State iyo Sool ay ka arimiso Khaatumo,balse gacanta ugu jira Somaliland, labadan gobol muddo 20 sann ay ku loolamayeen labada maamul goboleed ee Somaliland iyo Puntland kuwaasi oo ka dhigay goboladan goobo lagu muransanyahay, ama laysku haysto oo aanay suuro gal ahayn in hay’adaha caalamiga ahi ay ka hawlgeli karaan, ama deeqo la gaadhsiin karo, sidoo kale waxaa laga xajaray goboladan horumka iyo arimaha banii’aadanimada oo murankaasi la degay, markasta oo ladamco in wax laga qabto ay labadaas maamul ayaa isku qabsada si ay u joojiyaan mashaariicda loogu talo galay iyadoo aad moodo inay ku heshiiyeen dibin daabyanta dadka deeganadaasi dega oo war maqabto ka ah waxa lagu hayo. Haddaba Baaqan ay soo wada Saareen Midowga Yurub, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa ugu baaqayey maamul goboleedka Waqooyi Galbeed (Somaliland) iyo Maamul Goboleedka Waqooyi Bari (Puntland) inay goboladaasi kala baxaan ciidamadooda, deganaanshahana ay illaashaan, oo laga hortago in collaadi goboladaasi ka qaraxdo, oo arinka loo madax baneeyo dadka iska leh oo dega goboladaasi, iyagoo sidoo kale xusay in goboladaasi ay yihiin gobolo muhiim ku ah khayraadka dabiiciga sida shidaalka oo maammul goboleedka Somaliland uu isu diyaarinayo inuu dhowaan bilaabo Qoditaan.   Haddaba baaqan kooban ayaa waxaa afkooda furtay dhamaan horboodayaasha beesha maamul goboleedka Waqooyi Galbeed, ee Beesha Reer Shiikh Isxaaq ama Isaaq kuwaasi oo qaylo af labadii daan furay, baaq dheer iyo mid gaabana gudbiyey, mucaarad iyo muxaafid ayaa sida fiinta uga qayliyey dhanbaalka, tolaa’ayey iyo tol waayeyda ayaa is qabsatay min Hargaysa, Burco iyo Berbera iyagoo telefoonada uqaatey sidii ay qurbo joogtooda xamaasadaysana ugu baadhan lahaayeen arinkaan soo kordhay iyagoo ugu sheekaynaya inay soo diraan lacago, iyo deeqo ay ku difaacaan waxa loogu yeedho Sahyuuniyada Waqooyiga Somalia, ama faafinta Cuqdada beeshaasi ay ka qabto Somalia inteeda Kale.   Haddaba Qayladan ayaa ah mid lagaga raadsanayo taageero shacabka la marin habaabshey ee loogu sheekeeyey Ictiraaf baa daaqada inoosoo saaran iyo halkuu kasoo baxay sidii bil dhalatay oo la raadinayo, Shacabka Maamul goboleedkaasi ayaa waxay niyad jab weyn ka qaadeen baaqaasi beesha Caalamka, xukuumada Siilaanyo ayuu baaqaasi jilbaha dhulka ugu dhuftay oo fashilyey, iyadoo ku tusinayso in Beesha Caalamka ay ka go’an tay in aan Somalia lakala qaybin, islamarkaasina wax qadarin ah aanay uhayn in beel keliya goosato “Qabiil Qaran Ma Noqdo”.   Maakhir ayaa haba yaraatee wax war ah ama hadal ah aan ka soo saarin arinkan beesha caalamka oo ah mid soo dhowaynaya in gobolkaasi iyo bulshadaasiba loo aqoonsaday inay ku dulmanyihiin labada maamul islamarkaasina aanay midna ka tirsanayn, dhagar maahee dheefna aanay ka faa’iidin tan iyo intii dhidibada loo taagey.   Haddaba waxaa wax lala yaabo noqotay in dad beesha caalamku markii u horaysay u soo jeesatay goboladasi, laga waayo dad ka faa’iidaysta baaqaasi oo iska jafa boodhka islamarkaasina cabashadoodi gaadhsiiya aduunka oo kala hadla mawqifkooda siyaasadeed iyo masiirkooda. Doorkii siyaasiga Sanaag ee lays lahaa dadkiisa iyo dalkiisa ha hogaansho wuu gabay, doorkii aqoonyahanka iyo culimadan, umadan aamusan u hadli lahaa lama hayo, doorkii dhalinyaro boodhka iska jafta oo beesha caalamka baaqeeda ka jawaabi lahayd oo firfircooni samayn lahady masoo muuqdo, doorkii haweenka oo fursadahaan oo kale aad uga dhex muuqan jiray lama hayo, odayaal dhaqameedka iyo duubabka wax wayn kalama socon karaan ama uma dhuun daloolaan arimaha beesha Caalamka iyo dhaq dhaqaaqooda.     Hogaamiye ama Mujaahid gobolkaasi usoo baxa tan iyo burburkii lama sheegin oo xaqa dadkiisa iyo dalkiisa udooda ama raadsha, halka gobolda kale ay samaysteen wax u eg haykal dawladeed oo ay beesha Caalamka ku baadhaan, siyaasada Soomaaliyana Jaran jaro uga dhigtaan.   Madaxda Khaatumo ee gobolka Sool oo lafilayey inay shir dhaxal gal ah uga dhaco magaalada Taleex ayaa waxaa ku waabariistay maleeshiyooyinka maamul goboleedka Somaliland kuwaasi oo kala caydhiyey, waxaa wax aad loola yaabay noqotay in odayaashii, siyaasiyiintii, madaxdii Khaatumo iyo ciidamadeediiba ay Taleex baneeyeen, iyagoo aan hal rasaas ah qorigooda ka ridin isla markaasina duurka xuleen, Tani oo ah mid ku tusin karta in aan daacad laga ahayn maamulkaasi iyo shirkaasi, iyo in ay difaacdaan sharaftii keliya ee ugu danbaysay ay gacanta ku haystee(Taleex), balse dhibta jirtaa waxay tahay muwaafaqo la’aan iyo siyaasado is diidan oo laysla dhexboodaya oo midba maamul goboleed gaar ah u ololaynayso.   Waxaa ceel kudhacay ictiraafkii khayaaliga ahaa iyo riyadii beenta ahayd ee lagu maaweelin jiray shacabka loo daarayey caajiladaha cuqdada ah tan iyo 1990kii waxaa beesha caalamku aragtay ama ogaatay in labadaasi gobol aysan hoostegin labada maamul goboleed midkoodna, sidoo kale in dadkaasi la dulmiyey o xaqii ay ku lahaayeen Hay’adaha deeqda bixiya iyo gargaarka beesha caalamka aan lasoo gaadhsiin balse lagu fan gareeyo magaalooyin kale oo ay degaa beelaha maamuladaasi hor booda.   Maamul goboleedka Waqooyi Galbeed ayaa wuxuu dhulbalaadhsi baaxad leh ka wadaa gobolada Sanaag iyo Sool ee ay kala degaan beelaha Warsangeli iyo Dhulbahante. Shirkii Towfiiq ee Sanadii lasoo dhaafay ay Beesha Habaryoonis ku yeesheen Galbeedka Ceerigaabo ayaa waxaa laga soo saaray baaq ahaa in laysku fidiyo dhulka dhanka Bari ka xiga Ceerigaabo ee ay degto Beesha Warsangeli islamarkaasina Magaalaysi iyo deegaano laga aas-aasto, Toga Dhoob ayaa waxaa isa soo dhoobay oo ceelal iyo beero ka qotay qoysas reer Guuraa ah, oo kasoo jeeda Ceel Afweyn. Horaantii bishaan ayay ahayd markii meel lagu magcaabo Guumays oo Laascaano 70KM ujirta ay dhul deegaan ah kasamaysteen Beesha Habarjeclo oo halkaasi deris kala ah, Hore ayay maamul goboleedkani isugu fidiyeen deegaanada Beer, Caynaba, illaa iyo Oog oo ay degi jireen Beelaha Khaatumo, balse maanta aad moodo in lala wada wareegey.   Baaqan beesha caalamku wuxuu dhicis ka dhigayaa dhul balaadhsiga maamul goboleedka Waqooyiga Soomaaliya, iyo is fidintooda ku salaysan dagaalka juqraafiyeed, ee ay goboladaasi isku faafinayaan, Wuxuu beeneeyey riyadii khayaaliga ahayd ee Ictiraaf doonka lagu maaweelin jiray shacabka, wuxuu fashileyey xukuumada Siilaanyo oo awelba dhaqaale yariyi haysay, oo weel ay ku baadhato ka dhigan jirtay dagaalka LaasCaano iyo Dhismaha wadada Ceerigaabo.   kuwaasi ay ah weelka keliya ee ay ku tuugsan jirtay, wuxuuna soo shaacsaaray dulmiga lagu hayey labadaasi gobol. Beesha Caalamku waxa ay sugayaan waa sida ay u arkaan dadka iyo dalka ay u hadleen hadalkooda, sida ay uga ficil qaataan iyo sida ay u arkaan in dadka goboladaasi degga in ay yihiin dad raba madaxbanaanida masiirkooda iyo mustaqbalkooda.Beesha caalamku England, European Union iyo USA waxay dhawrayaan codka siyaasiga, Aqoonyahanka, Dhalinyarada, Ururada Bulshada Rayidka.     Haweenka iyo Dhaqanka, waxay jawaab ka sugayaan dadka dega gobolada Sanaag iyo Sool Waxaa loo baahanyahay dad dhalinyaro, aqoonyahan, siyaasi, iyo culimo ka faa’iidaysta baaqaasi beesha Caalamku soo saartay oo codkooda kor uqaada oo usheega aduunka dulmiga, xiqdiga iyo xisdiga ay kala kulmayaan labada maamul ee hareeraha ka xiga, lugooyada lagu hayo iyo mustaqbalka madow e ubadkooda iyo aayohooda kusoo fool leh.     Waxaa loo baahanyahay dad ku baraarugsan dagaalka dhulbalaadhsi ee Beeshaasi kawada Koonfurta iyo Waqooyiga Gobolka Sanaag, iyo Galbeedka iyo Koonfurta Sool, ee isugu jira deegaamaysiga, baraaqo qodista, cishiimaysiga, iyo oodashada beeraha, iyo kadhisida guryo ku meel gaadh ah. Waa wakhtigii ay baraarugi lahaayeen dadka goboladasi ku nool oo la xaajoon lahaayeen beesha Caalamka, Masiirkoodana umadaxbanaanaan lahaayeen, waa wakhtigii laga bixi lahaa muranka iyo isku haysashada dadka goboladaasi, waa wakhti uu ka faaiidaysan karo hogaamiye ay go’antahay badbaadinta bulshada goboladaasi oo ay beesha caalamku iminka usoo jeesatay.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

KENYA: ” Mpeketoni attack was not Al Shabab terrorist attack” Claims Kenyan president

$
0
0

The president of the republic of Kenya Uhuru Kenyatta has commented on the recent deadly terror attack on the Kenyan coastal town of Lamu and stated that the attack had political links that facilitated the assault to successfully run for four hours without resistance from the respective security agencies.
“The attack in Lamu was well planned, orchestrated, and politically motivated ethnic violence against a Kenyan community, with the intention of profiling and evicting them for political reasons. This therefore, was not an Al Shabaab terrorist attack,” said Uhuru.
The terror attack that started about 8pm evening and run for close to 4 hours at Mpeketoni town in Lamu County Kenyans tourist coastal town left over 50 people dead and money other injured.
The president has warned politicians on making incitement and ethnic profiling acts in the country and if one is found with such, will be dealt with accordingly.
“The heightened political environment being experienced in the country where politicians have incited people will not be allowed as the government will not sit back and watch the country go through ethnic conflict again,” said the president.
Uhuru stated that the respective security agencies that  neglected to respond to the attack on Mpeketoni are apprehended will be brought before court of law.
The president has urged the people of Kenya to stay vigilant and keep eye on what is happening around them always.
Kenya has faced repeated terror attacks since Kenyan Defense Forces have crossed into Somalia to fight the terrorist group Al Shabab.
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Socdaalka dacwo ee Sh. Umal iyo casharada aan ka baran karno. W/Q SH. Ahmed Dheeli

$
0
0

Socdaalka dacwo ee Sh.Umal iyo casharada aan ka baran karno
SH. Ahmed Dheeliawdheeli2000@yahoo.comJuunyo 18 2014
Sh. Ahmed Dheeli
Sida aan lawada soconayba waxaa soo jiitay indhaha warbaahinta iyo rayul-caamka umada soomaaliyeedba jawlada balaaran oo caalimka soomaaliyeed Fadiilatu Sheekh Max,ed Cabdi Umal uu bilihii ugu danbeeyey ku marayey deegaano balaaran oo kamid ah dhulka soomaalidu dagto, jawladaas oo kasoo bilaabatay magaalada Jigjiga ee caasimada dawlad deegaanka soomaalida, asagoo booqday inta badan gobolada uu ka kooban yahay deegaankaas,kadibna wuxuu usoo gudbay deegaanada Soomaaliland ugu danbayna ayaamahaan wuxuu marayaa deeganada Puntland.
Hadaba jowladaas dacwadeed ee barakaysan waxaa laga baran karaa casharo muhiim ah oo mudan in la dul istaago , waxaan ugu muhiimsan casharadaas:-
1) Duruustaas waxaa ugu horeeya fikirkayga qiimaha ay ku fadhiyaan culimadu iyo kaalinta ay uga jiraan bulshada , ayagoo cid kasta uga muhiimsan bulshada, baahida loo qabona ay aad u balaaran tahay.
2) Sida shiikha socdaalkiisa ka muuqata soomaalidu xuduudo ma leh waana dad isku qoys ah meel walbana isku si ayaa loogu soo dhaweeyey , isku qaabna wuu ula falgalay.
3) Soo dhawayntii balaarnayd ee shiikha loo sameeyey ,oo kumanaanka kun isugu soo bexeen oo isugu jiray dhamaan qaybaha bulshada, madax iyo shacab labadaba, ayadoo magaalooyinka banaankooda looga hor imaanayey, waxay na tusaysaa jacaylka ay umadu u qabto culumadooda , waana arin diin ah oo tusaysa in shacbku wali dhaqan yahay waxna u nool yihiin.
4) Socdaalkaani wuxuu muujiyey in shacabka soomaaliyeed ku gacansayreen kooxihii u istaagay inay maqaamka culumada ay meesha ka saaraan ayagoo u maraya dariiqyo kala duwan sida gaalaysiin, dil, dacaayad, cabsigalin, sumcad-dilid IWM.
5) Waxaa kaloo laga fahmayaa cidii Allaah raali galisa oo uu camalkiisa aqbalo in umudiisa uu aqbal iyo jacayl u galinayo quluubtooda, sheekhana waxaan u rajaynaynaa inuu qoladaas kamid yahay cidna Allaah u dahiri mayno asagaa naga yaqaan umadiisa.
6) Soo dhawayntaan waxay muujisay in dacwadii sheekha iyo culimadiisu ay qaangaartay oo tiirar adag ku yeelatay bulshada soomaaliyeed , meel walba oo kamida dhulka soomaalidu dagtona ay miisaan wayn ku leedahay, taasina waa mid Allaah loogu mahdiyo una baahan in halkaa laga sii anbaqaado ilaa ay guri walba gasho.
7) Kulankii sheekhu ugu muxaadareeyey golayaasha dawlada Puntland oo uusan dhinacna ka maqnayn iyo sidii maamuuska lahayd ee ay u dhagaysteen waa mid tusaysa in saamaynta dacwadu ku yeelatay shacabka soomaaliiyeed ay gaartay martabad hididiilo nagu abuuri karta inkastoo dadaal dheer uu laaban yahay.
SH. Ahmed Dheeliawdheeli2000@yahoo.com
_______________Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

SOMALIA: PM Abdiweli visits Kenya amid deadly attacks on civilians

$
0
0

Mogadishu (RBC) Somali Prime Minister Abdiweli Sheikh Ahmed has traveled to Kenyan capital, Nairobi amid deadly attacks on Kenya’s Mpeketoni town by Al Shabab militant group, RBC Radio reports.
Prime Minister Abdiweli Sheikh and his delegation comprising of government ministers and officials of the Prime Minister’s office departed from Mogadishu late on Tuesday.
In  a press release from the Prime Minister’s Office, the visit which is described as official is aimed on improving the bilateral ties between Somalia and Kenya.
According to the statement, the Prime Minister of Somalia will hold meetings with Kenyan government officials.
The visit came after Al Shabab group in Somalia claimed the responsibility of two attacks on Sunday and Monday at the Mpeketoni town killing more than 50 including civilians and government soldiers.
Kenya is part of the African Union Mission in Somalia [AMISOM] which is battling against Al Shabab inside Somalia.
During his visit in Kenya, Somali Premier will discuss the security issues with the Kenyan government officials and its is expected to focus on specialty of the latest attacks on Mpeketoni area.
 
RBC Radio
 
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo Barnaamijkii Fagaaraha Qeybtii 12aad ee lagu qabtay Minneapolis

$
0
0

Warar Goos Goos ah ee Soomaaliya

$
0
0

Halkaan ka Akhriso Wararkii ugu Dambeeyey ee Soomaaliya.
· Wararka naga soo gaaraya Dalka Kenya waxay sheegayaan in mar kale Dalka Kenya Weerar lagu qaadey meel aan sidaa uga fogeyn Weerarkii dhawaan lagu qaadey Meel ku dhowr Jasiirada Laamuu , waxaana weerarkaas uu ka dhashey Khasaaro isugu jirta Dhimasho iyo Dhawwac iyadoo la sheegey in Weerakaas ay ku dhinteen ilaa 10 Ruux, wararka waxay intaa ku darayaan in Weeararkan ay sheegteen Xarakada Alshbaab waxaana uu weerarkaasi uu ka dhacay Deegaan lagu magacaabo Porormoko
· Wararkii ugu Dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose waxay sheegayaan in Xaalada ay haatan degen tahay ka dib markii Shaley iyo Saakey ay ka dhaceen Dagaalo la sheegey in ay u dhaxeeyeen Ciidamo kawada tirasan Maamulka Jubba waxana Dagaalkaas la sheegey in ay ku dhinteen ilaa 11 Ruux oo Dhinacyadii dagaalamey.
· Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyee Gen Cabdixakiin Daahir Saacid oo Maalmahaan ku sugnaa Dalka talyaaniga ayaa waxaa uu la kulmey Saraakiil ka tirsan Ciidamada Talyaaniga gaar haan taliyaha Ciidamada Booliiska ee dalkaas ,waxaana kulankaas la iskula soo qaadey sidii labada Dhinac ay isaga kaashan lahaayeen Xogaha ku saabsan Dhinaca Booliiska iyadoo taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed uu ka Codsadey in Dowlada TYalyaaniga ay taageerto Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed taasoo Dowladda Dalyaaniga ay Balan qaadey in ay gacan siin doonto Ciidamadda Booliska Soomaaliyeed.
· Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dawladda Maraykanku tacsi u dirayso dadkii ay eheladoodu ku geeriyoodeen weerarkii ka dhacay Meel ku dhow Jasiiradda Laamuu Waxa sidoo kale dawladda Maraykanku ay sheegtay inay caafimaad u rajaynayaan dadka ku dhaawacmay weerarka .Warsaxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in weerarada noocan oo kale ah aanay ahayn wax la aqbali karo
· Sida aan ku helney warar hoose waxay sheegayaan Odoyaal iyo wax garad ka soo jeeda Beesha Habar-gidir ayaa warqad cabasha ah u diray Mas’uuliyiinta sare ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.Odoyaashan ayaa ka cabanaya sababta illaa iyo iminka Dawladdu u soo magacaabi la’dahay Wasiirkii Amniga qaranka ka gadaal markii uu xilkaas iska Casilay Cabdikariin Xuseen Guuleed oo haatan ku dhawaad muddo Bil ah uu xilkaasi banaan yahay magacaabo.
· Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Avv CaydiId Cabdulaahi Ilka Xanaf ayaa Dowladda Federaalka ku eedeeyey in ay ka gaabisey Amaanka Xubnha Garsoorka Somaaliyeed ka dib markii Magaalada Muqdisho lagu diley Gudoomiyaha Maxakamada Wardhiigleeey Ibraahim Xasan Maxamed , waxaana uu Gudoomiyha uu ka Codsadey in la sugu Amaanka Garsoorayaasha Maxkamadaha
Somalitalk 17-6-2014
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha Oo Xalay Kulan Casho Ah La Qaatay Mudanayaasha Baarlamanka

$
0
0

Madax weynaha Jamhuuriyadda Soomaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay xaruunta madaxtooyada ee Vella Soomaliya casho sharaf ugu sameeyay  xildhibaannada Barlamanka,  waxaana caashadaasi ka qeeyb galay madaxweynaha iyo gudoomiyaha Barlamanka.
Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Aadan Shaacir oo ugu horeyn ka hadlay munasabadda casha sharafta ah ee uu madaxweynaha dalka u sameyay mudanayasha barlamnaka ayaa madax weynnaha kaga mahadceliyay cashada uu usameyay mudanayaasha barlamnka,  isaga oo dhinaca kale barlamanka ugu baaqay in meel leeyska dhigo waxyaabaha kala dhantaali karo madaxda dowladda sida uu tilmamay.
Gudoomiyaha Barlamnka mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari oo isna kulanka cashda ah ka hadlay ayaa sheegay in loo bahan yahay in laga wada shaqeeyo nabad galyada dalka iyo horumarinta adeegyada bulshada ee  shacabka Soomaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda  mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo gabagabadii munasabadda ka hadlay ayaa barlamnka uga mahad celiyay shaqada ay qaranka u hayaan, isaga oo xildhibaanada  ka dalbaday in si wada ah looga wada shaqeeyo danta shacabka Soomaliyeed.
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xaaladda dalka uu marayo meel aad u wanagsan isla markaana loo baahanyahay in horay loo sii wado horumarrada kala duwan ee dalka.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live