Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dagaal Sababay Dhimasho oo Maanta Dhexmaray Ciidamada Gobolka Baay Iyo Maleeshiyada Al-Shabaab

0
0

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay labo kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta ciidamada gobolka Baay iyo maleeshiyada Al-Shabaab ku dhex maray deegaan lagu magacaabo Kurtun oo 30 km dhinaca koonfur uga beegan degmada Berdaale ee gobolka Baay.
Ciidamada gobolka ayaa weerar ku qaaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahayd deegaanka Kurtun, waxayna la wareegeen saldhiggii.
Afarta qof ee ku dhintay dagaalka waxay isugu jireen labada dhinac.
Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin dagaalka.
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Sargaal ka tirsanaa Ciidamada Ilaalada wadooyinka oo Geeriyooday

0
0

Alle ha u naxariistee Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka ku Geeriyooday Xidigle Jiinow Cadow Xasan oo ka mid ahaa Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee Soomaaliya.
Marxuun Xidigle Jiinow Cadow Xasan ayaa Mudooyinkaan ku Xanuun sanayey Magaalada Muqdisho,waxaana lagu Aasay Qabuuraha Barakaad ee Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidamada  Ilaalada Wadooyinka  Cali Xirsi Barre Cali gaab oo la hadlay Saxaafada  Magaalada Muqdisho ayaa Tacsi u diray Ehelada Marxuunka  iyo Ciidamada Ilaalada Wadooyinka oo Mudo 50 Sano  ah uu la soo shaqeenayey.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiir Beyle oo la kulmey Madaxa Hay’ada Tika Sidoo kalana ka ….

0
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa xalay kulan gaar ah kula qaatay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga Madaxweynaha hey’adda TIKA Dr. Serdar ÇAM oo ay ka wada hadleen howlaha horumarinta hey’adaasi ay ka fuliso dalka iyo qaabkii lagu dardar gelin lahaa . Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada kala duwan ee ay u fidisay Soomaaliya , isagoo xusay in Shacabka Soomaaliyeed aaney marnaba iloobi doonin taageerada walaalnimo ee ay ka helaan walaalahooda Turkiga .Madaxweynaha hey’adda TIKA Dr. Serdar ÇAM ayaa xusay in hey’adda TIKA oo kaashaneysa barnaamijyada horumarineed ee dowladda Turkiga ay ka hirgelin doonto Soomaaliya mashaariic wax ku ool u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadayaan wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed.Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu maanta kaga qeybgalayaa Magaalada Istanbul Shir caalami ah oo looga hadlayo horumarinta iyo caqabadaha ku horgudban , kaasoo qeyb ka mid ah Wasiirka uu shirgudoomin doono , waxaana lagu casuumay Wasiira arrimo dibadeedyo , madax ka tirsan hey’adaha Qaramada Midoobey, diblomaasiyiin iyo wakiillo .Dr. Cabdiraxmaan Duceele Bayle waxa uu shirkaasi ku bandhigi doonaa fursadaha maalgashiga ee ka banaan dalka Soomaaliya iyo baahida dowladdu u qabto mashaariic horumarin oo dhinacyo badan leh .Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo shalay gelinkii dambe gaaray Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa waxa uu socdaal kaga yimid Magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway, halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay Wasiiro ka tirsan dowladda Norway iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool oo uu ku booriyay inay midoobaan oo ay u howlgalaan dib u dhiska, horumarinta iyo maalgashiga dalka .Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayaa xoojisay siyaasadeeda dibadda , si indhaha caalamka ay ugu soo jiheyso isbadalada ammaan iyo hiigsiga barwaaqo ee shacabka Soomaaliyeed ay naawilayaan,taasoo kordhisay in dowladaha caalamka ay dib u howlgeliyaan Safaaradihii ay ku lahaayeen Caasimadda Muqdisho .
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Raysul wasaaraha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Maalinta Qaxootiga Adduunka Oo Ku Beegan Maanta

0
0


Raysul wasaaraha Soomaaliya,Cabdiweli Sheekh Axmed
Muqdisho [RBC Radio] Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa maanta xusay Maalinta Qaxootiga Adduunka, isagoo sheegay inuu salaan u dirayo dhammaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka iyo kuwa ku barakacay gudaha Dalka. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu socdaal rasmi ah ku joogaa dalka Kenya, halkaas oo shirarka uu ka qeyb galay ay ku jiraan kuwo looga hadlay arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ugu qaxootiga badan caalamka, taasina ay sabab u tahay dhibaatooyinka dalka ka jiray 23-kii sano ee la soo dhaafay. Hase ahaate, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay inuu dalku hadda ku joogo waddadii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkaas si dadka Soomaaliyeed ay u helaan meel nabad ah oo ay ku noqdaan.
“Waxaan maalintaan loo asteeyey qaxootiga adduunka la qaybsanayaa ummadda Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah waddamadda dariska ah, dalalka kale ee caalamka, iyo barakacayaasha gudaha dalka jooga in ay xukuumaddani ku dadaalayso sidii aan dalka u gaarsiin lahayn heer ay dadku ku soo noqdaan nabad iyo wanaag. Dhibaatooyinkii ina soo gaaray 23-kii sano ee la soo dhaafay waan ka gudbi doonnaa haddi intaan Allah kaashanno aan u wada istaagno dadaalkaas,” ayuu yiri R.W. Cabdiwali.
Ra’iisul Wasaaraha wuxuu dalka Kenaya ku galay kulamo looga arrinsanayay sidii qaxootiga Soomaaliyeed ee ku suagn dalka Kenya, siiba kuwa ku jira xeryaha qaxootiga, loogu fududayn lahaa inay dalkooda dib ugu soo noqdaan, iyadoo aan la khasbin.
“Waxaan dalka Kenya iyo Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) kala xaajoonaynaa sidii loo dhamaystiri lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee lagu soo celinayey qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Kenya. Ma ahan hawl fudud in qaxootiga Soomaaliyeed la soo celiyo, sababtoo ah waxay u baahan yihiin in loo diyaariyo goobo ammaan ah, guryo la dajiyo, shaqooyin loo abuuro iyo in loo sameeyo goobo waxbarasho iyo Caafimaad. Waxay xukuumaddani ku jirtaa dadaalkii loogu heli lahaa waxyaabahaas oo dhan,” ayuu raacicay Ra’iisul Wasaaruhu.
Ugu dambayntii Ra’iiusl Wasaaraha ayaa ugu baaqay kuwa wali u ooman in ay barakiciyaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan, sheegayna in lala xisaabtamayo dadka caadaystay barakicinta dadka maatada ah.
RW wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka haraan tahriibka ay ku halligayaan naftooda, taa baddalkeedana ay ka qayb qaataan dib-u-dhiska iyo xasilinta dalkooda.___RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

RW Cabdi Wali Soomaaliya oo xusey Maalinta Qaxootiga Aduunka

0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa maanta xusay Maalinta Qaxootiga Adduunka, isagoo sheegay inuu salaan u dirayo dhammaan qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool daafaha caalamka iyo kuwa ku barakacay gudaha Dalka. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu socdaal rasmi ah ku joogaa dalka Kenya, halkaas oo shirarka uu ka qeyb galay ay ku jiraan kuwo looga hadlay arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay ka mid tahay waddamada ugu qaxootiga badan caalamka, taasina ay sabab u tahay dhibaatooyinka dalka ka jiray 23-kii sano ee la soo dhaafay. Hase ahaate, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay inuu dalku hadda ku joogo waddadii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkaas si dadka Soomaaliyeed ay u helaan meel nabad ah oo ay ku noqdaan.“Waxaan maalintaan loo asteeyey qaxootiga adduunka la qaybsanayaa ummadda Soomaaliyeed ee qaxootiga ku ah waddamadda dariska ah, dalalka kale ee caalamka, iyo barakacayaasha gudaha dalka jooga in ay xukuumaddani ku dadaalayso sidii aan dalka u gaarsiin lahayn heer ay dadku ku soo noqdaan nabad iyo wanaag. Dhibaatooyinkii ina soo gaaray 23-kii sano ee la soo dhaafay waan ka gudbi doonnaa haddi intaan Allah kaashanno aan u wada istaagno dadaalkaas,” ayuu yiri R.W. Cabdiwali.Ra’iisul Wasaaraha wuxuu dalka Kenaya ku galay kulamo looga arrinsanayay sidii qaxootiga Soomaaliyeed ee ku suagn dalka Kenya, siiba kuwa ku jira xeryaha qaxootiga, loogu fududayn lahaa inay dalkooda dib ugu soo noqdaan, iyadoo aan la khasbin.“Waxaan dalka Kenya iyo Hay’ada Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) kala xaajoonaynaa sidii loo dhamaystiri lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee lagu soo celinayey qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka Kenya. Ma ahan hawl fudud in qaxootiga Soomaaliyeed la soo celiyo, sababtoo ah waxay u baahan yihiin in loo diyaariyo goobo ammaan ah, guryo la dajiyo, shaqooyin loo abuuro iyo in loo sameeyo goobo waxbarasho iyo Caafimaad. Waxay xukuumaddani ku jirtaa dadaalkii loogu heli lahaa waxyaabahaas oo dhan,” ayuu raacicay Ra’iisul Wasaaruhu.Ugu dambayntii Ra’iiusl Wasaaraha ayaa ugu baaqay kuwa wali u ooman in ay barakiciyaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan, sheegayna in lala xisaabtamayo dadka caadaystay barakicinta dadka maatada ah.RW wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka haraan tahriibka ay ku halligayaan naftooda, taa baddalkeedana ay ka qayb qaataan dib-u-dhiska iyo xasilinta dalkooda.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dacwah-Ilallaah 20 06 2014 (*Ramadaan*) Li Sh Xanaafi Xaaji Xafidahullaah

Tafsiirka Qur'aanka Kariimka (*سورة الانفال 61,53 *) Li Sh Xassan Ibrahim Ciise Xafidahullaah

Manaus waa magaalo ceynkee ah

0
0

Warbixintan oo muuqaal ah waxa ay ka hadlaysaa mid ka mid ah magaalooyinka martigalinaya ciyaaraha adduunka ee ka socda Brazil.


USA oo markale Ruushka u goodisay

0
0

Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegtay in ay isla garteen dowladaha Faransiiska iyo Jarmalka in Ruushka uu wajaho cunaqabatayno cusub.

Britain oo ka cabsi qabta jabhadda ISIS

0
0

Booliska dowladda Britain ayaa doonaya inay aalada internetka ka saaraan muuqaal muujinaya rag British ah oo ka barbar dagaalamaya jabhada ISIS.

kaalmada somalia oo ogalaaday wadamo badan

0
0

Mogadishu, June 21, 2014-  Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Mahad Mohamed Salad  ayaa maanta caasimadda Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib markii uu kaga qeybgalay 18-19 bishan June Magaalada Jeddah ee dalka Saudi Arabia Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka oo gaba-gabadiisii laga soo saaray war murtiyeed lagu xusay taageerada Ururkaasi uu u haayo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir kuxigeenku , waxa uu carabaabay in Wasiirada Arrimaha Dibadda dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ay soo dhoweeyeen dadaalada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso soo celinta nabadda iyo deganaanshaha , iyagoo isla qiray baahida loo qabo in la kordhiyo  taageera maaliyadeed iyo mid siyaasadeed oo loo fidiyo Soomaaliya .
H.E. Mahad Mohamed Salad oo shir jaraa’id ku qabtay maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in uu ka qeybgalay Shirka kooxda Xiriirka Soomaaliya ee  Ururka Iskaashiga Islaamka,  ayna ku ogolaadeen fadhigooda  dib u howlgelinta Sanduuqa kaalmada Soomaaliya , kaasi oo loogu tala-galay in wadamada Islaamka deeqaha  iyo yabooha maaliyadeed ay u soo marsiiyaan Soomaaliya .
Shirkaasi  oo laga soo saaray war murtiyeed-ka Jeddah loogu magac daray ayaa waxaa lagu xusay horumarada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay dhinacyada ammaanka , dib u heshiisiinta iyo siyaasadda , waxaana loogu baaqay dowladaha  xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka iyo dhammaan hey’adaha maaliyadeed ee hoostaga Ururkaasi inay ka qeyb qaataan taageeridda dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka argagaxisada .
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Iska horimaad ka dhacay Cadaado

0
0

Laba qof ayaa ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen dagaal dad reer guuraa ah ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Qaayib oo ka tirsan degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Isku dhaca ayaa waxaa sababay muran ku aadan barkado lagu kaydiyo biyaha oo laga qodayey deegaankaasi.
Ciidanka ammaanka ee maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa saaka gacanta ku soo dhigay saddex nin oo lagu eedaynayo in ay ka dambeeyeen dilka labada nin.
Guddoomiyaha degmada Cadaado ee maamulka Ximan iyo Xeeb, Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa maanta sheegay in eedaysaneyaasha oo hadda lugu hayo saldhigga booliska ee Cadaado ay horgeyn doonaan maxkamad, wuxuuna  ka codsaday dadweynaha deegaanka Qaayib in ay wadajir uga hortagaan wax kasta oo keeni kara colaad .
Muranka sababa dilka ee ka imaanaya qodidda barkadaha ayaa ku soo badannaya gobolka Galgaduud.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Martida: Aden Sheekh Xassan (Azhari)

0
0

Caweyska: Qeybtii 2aad Wareysigii Nimco Yasiin

0
0

SOMALIA: Oppressing People for Love

0
0

Oppressing People for Love
Abdiqani Y. Farahabdiqanieau@gmail.comJun 22 2014OPINIONIt is 10:40 pm on Friday night, June 13, 2014. I am writing this article from a detention confinement in a crumbling East African nation. And this is the third night I am in custody. People may wonder the sort of freedom I have. Do not get me wrong. I found my briefcase beside me and, with access to my laptop, I chose to tell the world what is happening around me.
In fact, the three-meter-square room has other facilities. It contains police records of all sorts that perhaps relate to justice matters. After all, this is where the cases for court trials are prepared and kept. And my lost freedom notwithstanding, I can still communicate to the outer world from this detention office.
This is Africa for you. Illegal detentions and political incrimination in the name of security are the “lowest common denominator” across the continent, particularly those Sub-Saharan Africa nations. People are oppressed in the shadow of other businesses that appear legitimate. The trouble here is that African leaders have absolutely no control over the people. But this does not worry us. Nor does it pose a newer problem. What should worry us all is how to spell the difference between security and development schemes in difficult times when political transitions and social reforms are on.
In my view, three complications made modern dictators fail to read the mood of their people correctly, hence squandering the governance system in Africa now. The first complication is globalization. Here, people from different walks of life are expected to interact with no hopes of seeing things the same way. Closed borders now turned into virtual ones, whereby peoples of all ages and races are interacting at speed. Put differently, a citizen of one country can know about how another citizen yet in another country feels about his or her breakfast.
And even though actions are determined by the way people see the world around them, one thing became inescapable: imitations of those with civilized life-sphere ruin political efforts in the underdeveloped world. That is why Thomas Friedman claimed in his book, The World Is Flat, that the technological pace could co-determine the rule. What this means is that, if left unchecked, people in different parts of the world can together stage a coup d’état against dictators. In other words, with social media and other life-streaming technologies, governments are cornered. And to some, brutal and barbarous oppressions became zero-option.
True, globalization comes with it consequences that nobody with ingenuity ever foresaw. In a word, the problems it provided humanity can sometimes outweigh the benefits. In fact, most developed countries happen to fighting in wars that globalization itself has breaded. The CIA is chasing tweets by worldwide criminal enterprises.
The second complication has to do with security. No matter where one lives, security became prime issue the world over. There is a temptation by governmental authorities to know what societies are thinking. And this is quite legitimate from the perspective of governments. But security in modern times is like a slippery coin. The more the governments try iron hands, the more uglier they appear.
And for Africa, the case is rather worse. Like the communist Russia under Joseph Stalin, most African leaders bought the idea of controlling everything. This is just an illusion and downright undemocratic. In fact, by so doing, matters slipped out of their hands. There are mass arrests and misplaced aggression and intimidation across Africa. I met a guy who was arrested by writing “the big fish is lucky” on a wall.
The third complication is to do with corruption and public theft. The security paranoia has fed a national theft in many African nations. Our leaders are claiming to fighting an invisible enemy—a thing that globalization itself promotes—while pocketing the public money. In the name of advancing security for all, newer schemes of corruption were invented and unexplained budgets allotted to the non-existent, and sometimes the controllable. For instance, according to the World Bulletin, Kenya has allocated US$2 billion for security, while Ethiopia’s defense budget grew to US$350 million, according to African Globe.
Look at Somalia. The very people who were to bring peace to this war-torn nation are sipping coffee and having cheap politics in gated hotels, seeking deals over the blue. In fact most of these politicians are facebooking while the country is watching them in great despair. The millions of dollars allotted for security and reconciliation are spent in luxurious resorts and travel arrangements. That is why the so-called war against extremism in Africa is both pedestrian and unconvincing. It is just unwinnable, at least from the look of things.
The result? Segregated societies and behind-the-fence policies that never seem to match the spirit of the time became the order of the day. By the day, rulers and the ruled are disconnected and hatred fed by the very norm that could enhance the lives of many. And because mistrust spread over and over, street grapevines and political nonsense are played on daily basis, all too often feeding suspicion and insecurity. So to curb the situation, a friendlier option for governments in Africa is to use force and intimidation, arrests and indiscriminate verdicts. In reality, the more brutal and cruel governments get, the more intense and angrier the mobs become.
This psyche is best explained by the novel, A Tale of Two Cities, by Charles Dickens. The book tells stories about how the mobs engaged in mass executions during the French Revolution of 1789. The mobs would gather in public domains and cheer as the executors chopped of heads. Ironically, the more the executions continued, the more the mobs craved for blood. The lesson here is that oppression and subjugation never water down fires, but kindle more violence instead. Such reality is unavoidable. And those who choose to ignore it are doing so at their own peril.
In sum, if globalization and democracy are to take roots, newer thinking must be employed. A good option is to spell out measures of civil liberty in earnest. This is so because oppression is not a mechanism for power. It is a mechanism of distortion and mistrust. This is particularly true in an age where, with the help of social media, moods and feelings spread like a wildfire. After all, you cannot unleash the police to beat the mobs into loving you.
Abdiqani Y. Farah is social commentatorabdiqanieau@gmail.com
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Raysul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay madaxweynaha Kenya [Sawirro]

0
0

Nairobi [RBC Radio] Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan booqasho sharafeed ah la qaatay madaxweyanha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxa ayna isku soo qaadeen arrimo kale duwan oo labada dalka quseeya.
Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed kulanka booqasho sharafeedka ahaa ee uu la qaatay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa ka dhacay aqalka madaxtooyada ee dalka Kenya oo ku yaalla magaalada Nairobi, kulanka waxaa Ra’iisul wasaaraha kala qeyb-galay wasiir ku xigeenka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya, Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, iyadoo dhanka kalena ay ku sugneyd wasiirka Arrimaha Dibedda Dalka Kenya.
Kulanka oo qaatay saacado badan, ayaa waxaa badankiisa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya iyo Kenya ay uga tashan lahaayeen aayaha dhanka wax wada qabsiga, arrimaha iskaashiga ammaanka xoojinta xiriirka labada dowladood iyo soo gabagabeynta heshiiska dhanka qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya.
“Dowladda iyo shacabka reer Kenya mahad ballaaran ayaan uga celinayaa sida ay dadka Soomaaliyeed u soo dhaweeyaan ilaa haddana ay u garan taagan yihiin, taasi ayaa daliil cad u ah sida labada dal uu uga dhaxeeya wax wada qabsi dhab, Soomaaliya waa dal hadda dib uga soo laabanaya bur bur, hasa yeeshee awood u leh in uu ilaaliyo xiriirka mudada dheer soo jireenka ahaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaraha Soomaaliya.
Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa xusay in shacabka labada dalka ee Soomaaliya iyo Kenya isaga shaqsiyad ahaan ay yihiin kuwa isugu mid ah, isla markaana wadaagi kara wax walba oo dowlado ka dhaxeeya, “waan sii wadi doonnaa is garab taagidda shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, mana jiri doonaan caqabado naga hor istaaga in aan iskaashi sameynno” ayuu yiri madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
Maxamed Cali Nuur “Ameerica” Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya, ayaa warbaaahinta u sheegay in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha Kenya ay isla garteen in heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee Qaxootiga dhowaan lagu saxiixo magaalada Muqdisho, “dowladda Kenya waxa ay si rasmi ah safaaradeeda uga furaneysaa magaalada Muqdisho, waxaana ka soo qeyb-gali doona madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kenya, sidoo kale waxaa jiri doonna heshiisyo ammaanka quseeya” ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya oo warbaahinta u la hadlyey.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo maalintii afaraad howllo shaqo u jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxa uu arbacadii la soo dhaafay la kulmay madaxweyne ku xigeenka dalkan Kenya, isagoo saxiixay heshiiska waddamada ACP Soomaaliya ay uga mid noqotay 25, sanno kaddib, iyadoo uu kulan dheer la yeeshay Jaaliyadda Soomaaliyeed magaalada Nairobi ee dalka Kenya.____RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Turkiga [Sawirro]

0
0

Istanbul [RBC Radio] Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa kula kulmay Magaalada Stanbul dhiggiisa dalka Turkey Dr. Ahmet Davutoğlu oo ay ka wada hadleen xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya , iskaashiga iyo xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya, gobolka bariga Afrika iyo isbadalada ka soconaya bariga dhexe .
Kulankani oo looga hadlay arrimo badan oo xoojinaya danaha wadaagga ah ee labada dal ayaa ku soo idlaaday jawi guul leh .
Dhinaca kale , Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa uu xalay kala qeyb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey xaflad qalin jabin ah oo lagu sharfay ka qeybgalkeeda , taasoo shahaado lagu gudoonsiiyay arday dhameysatay kuliyadaha waxbarasho ee Jamaacadda Istanbul .
Xafladaasi oo aheyd mid si heer sare ah loo qaban-qaabiyay , ayaa waxaa kala qeybgalay labada Wasiir Safiirada labada dal u kala matala Muqdisho iyo Ankara iyo diblomaasiyiin kale .
____RBC Radio
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dr Cali Macow Aweys oo Loogu Soodhaweeyay Garowe Si uusan Filaneyn {Sawiro}

0
0

RBC RADIO GAROWE } Dr Cali Macow Aweys oo kamid ah Dhaqaatiirta Soomaalida Kuwa ugu caansan ayaa Maanta Siweyn loogu Soo dhaweeyay Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland
Waxaana Soodhaweynta Dr Cali Macow Aweys kaqeyb qaatay Masuuliyiin Katirsan wasarada Caafimaadka Puntland Dhaqaatiir urarada Haweenka Urarada Dahlinyarada waxgarad iyo Bulshada Qeybeheeda kaladuwan.
Dr Cali Macow Aweys ayaa Intaa kadib waxaa loo galbiyay hoyga uu kadegay Garowe isla markasina kula hadlay saxaafada.
Dr Cali Macow Aweysayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay soodhaweynta Quruxda Badan oo ay usameeyeen Shacabka kunool caasimada Waxa uuna Balan qaaday inuu Dabiibi Doono Dadka La iladaran Cuduarada Kala duwan isaga oo ukaashanaya Allaah iyo Tacliintiisa dhaqtarnimo .
Dr Cali Macow Aweys ayaa ah Dhaqtar kutaqasuusay Cudurada Guud gaar ahaan Cudurada Kudhaca Uur kujirta waxa uuuna sii joogi doona Garowe Mudo Kooban isaga oo balan qaaday in Deegaanada kale ee Puntland uu tagi doono hadii Alle raali ka noqdo
Wasiir  kuxigeenka wasaarada Caafimaadka puntland Marwo Aamino ayaa Sheegaty inuu Dr Cali Macow Aweys noqday Dhaqtarkii ugu horeeyay ee buuxiya Shuruudaha laga doonayo Dhaqtar walaba oo kahowlgalaya Puntland islamarkaasina sheegaty iney soo dhaweyneyso wasaaradeeda lana shaqeyn doonto Dhaqtarka
Dr Cali Macow Aweys ayaa safarka uu Garowe Kuyimid waxa uu noqonaya Safarkiisi ugu horeeaya oo uu kuyiimado Deeganada puntland gaar ahaan Caasimada Isaga oo dalka Kamaqnaa Mudo kusiman 45 sanoRBC RADIO GAROWE }
 
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Talaalka Cudurka Dabeysha oo Puntland Kafurmay

0
0

RBB GAROWE } wasaarada caafimaadka Dowlada Puntland ayaa Maanta daah furtay Talaalka Cudurka Dabeysha Kadib Markii ay wasaarada Caafimaadka heshay kiis ah Cudurka dabeysha oo laga helay degmada Towfiiq ee Gobalka Mudug.
Agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaadka Dowladda Puntland DR.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa oo kahadlay furitaanka Daah furka talaaka cudurka Dabeysha isla markaasina sheegay in kiiskan laga helay degmada Towfiiq uu sababay in lagu dhawaaqo Talaalka.
Dr.Cabdirisaaq ayaa sheegay in horay labo kiis oo cudurkaasi ku saabsan laga helay Puntland balse marka loo bar bar dhiga Konfurta Somalia ay Puntland ka duwan tahay.
Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa Qorsheyneysa iney gaarsiiso maalmaha uu socdo talaalka  Lix boqol oo kunoo caruur ah kuwaaso da’doodu kayartahay shan sano.
Cudurka Dabaysha ayaa Curyaamiya Caruurta yaryar hadii aan laga hortagin iayada oo uu cudrkani yahay Daawo laabe  balse leh ka hor tag waxana waalidiinta lagu wacyi galiyay inay caruurtooda ka tallaalan cudurkaasi si looga hortago khataraha uu Xanbaarsan yahay.
Wasiir kuxigeenka wasaarada Caafimaadka Puntland Marwo Aamnio ayaa iyana kahadashay kiiska lahelay kulan dardaarantay waalidiinta in ay caruurtooda talaalaan maalmaha sedexda ah oo uu talaalka socdo
Iayada oo munaasabdii lagu daah furay talaalkani ay kazoo qeygaleen masuuliyiin kaladuwan oo isug jira labada Gole ee Dowlada PuntlandRBC RADIO GAROWE
Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiirka Warfaafinta Oo Tababar u furay Shaqaalaha Wakaaladda Wararka Ee SOLNA

0
0
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live