Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Puntland: Dagaal ayaa lagu soo celinaa Gobolka  Sool 

$
0
0

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed ayaa maanta sheegtay in Gobalka Sool oo sanooyin badan gacanta Puntland ka maqan qaab dagaal ah loogu soo celin doono.
Ku simaha madaxwaynaha ahna madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta ka sheegay xuska maalinta 26-ka June inaysan mar danbe baaq kasoo saari doonin duulaanka Somaliland kusoo qaaday Gobalka Sool gaar ahaan magalada Taleex.
Wararka Sool laga helayo ayaa sheegaya cidamadii Somaliland ka socday ee Taleex ku sugnaa inay dib uga baxeen magalada Taleex kuwaasoo ku sugan hadda degmada Xudun ee isla Gobalka Sool.
Wali Puntland tilaabo Maletari kama aysan qaadin ciidamada Somaliland ee kusoo qul-qulaya degmada Taariikhiga ah ee Taleex.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Xusuusta Xoriyada 26-ka Jun

$
0
0

Shucuubta Dowladaha Adduunka waxey leeyihiin maalmo la qadariyo oo uga tilmaaman maalmaha kale sida waqtiyada Xoriyada iyo waqtiyada kale ee Taariikha soo jireenka ah leh oo u leh xusuus iyo Taariikh u gooni ah oo ay ku weyneeyaan isla markaan ay u sameeyaan dabaal degyo iyo Xaflado looga sheekaynayo Qiimaha iyo Qadarinta ay u leedahay Ummadaasi.
Hadaba Soomaaliya 53 Sanadood kadib waxay u dabaal dagi laheyd Sanad Guuradii ka soo wareegtay waqtigii Calanka xornimada laga qaatay gumeestayaashii reer Galbeedka, 53 ka hor waxaa halkaas ku soo dhamaaday oo soo gabagaboobay halgankii gobonimo u diriirka Soomaaliyeed oo soo bilowday qarnigii 16aad.
Waxaana meesha ka baxay dhibaatooyinkii ay kula kici jireen gumeystayaasha dadka Soomaaliyeed, sida in dadka Soomaaliyeed loo geysto dil, dhac, jir dil, baad ka qaadidi, xarig iyo waliba ihaanooyin farabadan, arintaasoo ay la qabeen dhamaan shucuubta Afrika iyo wadamadii la soo gumaystay ee Qaaradaha Aduunka.
Kulankii Magaalada Barliin ee Dalka Jarmalka Sanadkii 1884 ay ku yeesheen Dowladihii Reer Yurub oo uu ugu tun weynaa Ingiriiska ayaa ku heshiiyay in Qaarada Afrika oo shucuubti markaa daganeed Siyaasada iyo cilmiguba ay ku yaraayeen in ay qeebsadaan qobadii ay ku heshiisyeen reer galbeedka waxaa ugu weynaa.
Dowlada Reer Yurub mid kasta inuu isagu shucuubta Dhulka uu qabsaday ku nool Heshiis la galo taas oo ugu muhiimsananeed in cudud Milatari lagu Maquuniyo Dowladaha kalana aanay soo fara galin Meeshii Dal Ree Yurub ah qabsady in aan loogu iman wixii aan ka aheyn xidhiid ganacsi oo xadidan Dowladaana looga amar qaadanayo.
Hase yeeshee Soomaaliya oo dhul baaxad weyn lahayd ayaa waxaa kala qeyb saday wadamadda kala ah Ingiriiska, Faransiiska iyo Talyaaniga, waxeyna kala jar-jareen dhulweynihii Soomaaliweyn.
Engiriisku wuxuu qabsaday Gobalada Waqooyi Sanadkii 1884 inkastoo ay jireen sahamo badan oo waqtigaa ka horeeyay oo soo tixnaaa ilaa 1836 waqtigaas oo ahaa markii uu Engiriisku qabsaday xeebaha Cadmeed oo ku began gobalada waqooyi isagoo daneynayay Muhiimada ay u laheyd ciidamadiisii ku sugnaa dhamaan khaliijal cadam iyo gobalka Bariga dhexe oo waqooyga Afrikana Suudan iyo Masar kaga Jireen .
Meelihii ugu horeeyay ee uu Markaa ka soo dagay oo ahaa Magaalada qadiimiga ah ee Seylac iyo berbera labada wuxuu la galay odayaashii iyo aqoonyahankii markaas hogaaminayay heshiis taasoo uu leeyahay waxaan ka shaqeynayaa danahiina waxaan idinka wakiil noqonayaa Dunida oo aan idin fududeynayaa wixii aad u baahataan!
Ciidamada Engiriiska ee Dagaalkii Labaad ee Dunida uu ku soo galiyay Bariga Afrika iyo Bariga dhexe oo badankood ku sugnaa Cadan, Masar iyo Guud ahaan inta maanta loo yaqaan Khaliijal carab ayuu ugu daneynayay gabaadka heshiiskan ee uu yiri waxaan yeelanaynaa xidhiidh ganacsi, mid ilaalin iyo dhinaca amaanka ah si aanay Dowladaha kale dhulkiina idinka boobin taasoo markaa u hirgashay inkastoo qaarkood ahaaa heshiisyo adadag sida kii Seylac oo kale oo odayaashi markay ka heshiinayeen maqaar kaga saxiixdeen Heshiiskiisa .oo ilaa 6-qodob ka koobnaa :

  • In dhulka Soomaaliyeed uu hoos yimaado Dowladii Engiriiska ee Markaa jirtay iyo inuu ciidamadiisu dajin karo xeebaha Seylac ilaa saaxil.
  • In aanu dhex galin oo aanu faragalin ku sameynin arimaha hoose ee Dadka Soomaaliyeed.
  • Inuu odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee Dhulkaas jooga uu bishii wax uun Mishaar ah Siiyo.
  • Inuu ganacsiga Soomaalida ahaado mid caalamka u furan isla markaana aanay Dowlad kale cagaha Soo dhigin waqtigii ay xuriyad u baahdaana gobanimadooda la siiyo.

Sidoo kale Faransiisku wuxuu qabsaday isagunga xeebaha Soomaaliya ee Jabuuti sanadkii 1848 isagoo sidii caadada aheyd  Heshiis ganacsi iyo balan qaad inuu ka ilaalinayo cadowga uu uu markaa ula jeeday Dowladaha reer Galbeedka, ayuu bishii November 15-keedii 1848  ilaa 20 Janaayo 1885 taariikhda Miiladiga Si rasmi ah ula wareegay xeebaha Jabuuti taasoo salka ku heysay Muhiimada balaaran ee ay u leedahay ciidamadiisa galbeedka qaarada Afrika ku sugnaa .
Faransiiska oo markaas ka shidaal qaadanayay heshiiskan ayaa la heshiiyay Odayaashii iyo waxgaradkii xeebahaa Daganaa oo uu hogaaminayay Xaaji Diide oo caan ka ah xeebaha Jabuuti isla markaana Noqday Duqii Magaalada Jabuuti ee ugu horeeyay.
Dhinaca kale Bishii Janaayo 1887 ayey si cad gacanta ugu dhigtay Itoobiya Gobalada Soomaali Galbeed iyadoo markaa ka helaysay taageero Milatari iyo Mid siyaasadeeda Dowadalii Engiriiska ee Markaa jirtay, taasoo ay ku heshiiyeen in ay mudo ciidamada Engiriisku Dhulkaas ilaaliyaan ugu danbeyntiina 1854 in gacanta laga Galiyo Itoobiya.
Intii ka horeysay 1516 Dalka Soomaaliyeed waxa uu ahaa mid Nabdoon oo ay ka taliyaan Boqortooyooyin, hase yeeshee Boqorkii Bortaqiiska John Two wuxuu ergo u diray boqortooyadii Itoobiya xiligaa ka jirtay ergadaasoo uu madax ka ahaa nin la oran jiray Bedro fariintii uu wadayna waxa ay aheyd xukuumadii Soomaaaliyeed ee  ka jirtay Awdal muslimkana aheyd la go’doomiyo waxaanu bortaqiisku doonayay inuu noqdao xooga lama dhaafaanka ah ee badda cas .
Waqtigaas wuxuu ahaa xiligii ay Itoobiya dhul balaarsiga waday xagga waqooyi waxay gaartay Kasaala oo ah Xuduuda Suudaan iyo Itoobiya dhanka Koonfureed Dowladii Muslimka aheyd ee IFAAT Galbeedkana SIDAAMA. Itoobiya waxay qabsatay 1414-1419  Walaama xilgaasi waxay aheyd xiligii uu Nagaasha Itoobiya ka talinayay wuxuuna dhulkaas uu qabsaday oo dhan u diray Barasaabyo Xukunkiisa Hoose Yimaada.
Gobalka Loo yaqaano HADYA waxaa sanad walba ay ka  qaadan jirtay Boqortooyada Itoobiya SADO oo macna ahaan u dhiganta Canshuur iyo Gabar quxux badan, Gabadhaasi marka la bixinayo waxaa lagu tukan jiray Janaaso taasoo ka dhigneed in ay la mid tahay qof dhintay.
Arimahan iyaga ah waxa ay ahaayeen kuwii caragaliyay halgankana ku hogaaamiyay Amiir Axmed Ibraamih Binqaazi (Axmed Gurey ), sidaa daraadeed Axmed wuxuu bilaabay halgan uu kula dirirayo Boqortooyadii Itoobiya iyadoo bixitaankiisii ugu horeeyay uu ka alaab qaatay Magaalada Seylac uu markaa xarun u ahayd waxaanu halgankiisii waday ilaa uu ka gaaray halka loo yaqaano KAFA oo macnaheedu yahay afka Carabiga Kaafiya Anagu filan
Sidoo kale 2 bishii June 1901dii waxaa bilowday dagaalkii halganka ciidamadii daraawiishata ee uu horkacayay allah ha u naxariistee geesigii Soomaaliyeed Sayid Maxamed C/lle Xassan, iyadoo ciidamada daraawiishata ay dagaalo ba’an la galeen gumaystihii Ingiriiska waxayna isku heleen gobo badan, iyagoo adeegsanayay ciidamada Ingiriiska Hubkii ugu casri sanaa waqtigaa casriga ah iyo gaadiid cir iyo dhulba leh, halgangaasi oo ay wadeen ciidamaha daraawiishata Soomaaliyeed wuxuu ahaa kii ugu horeeyay uu gumaystuhu diyaarado u adeegsado intii ay socdeen dagaaladii gumeysi diidka ee qaarada Afrika..
Ha yeeshee halgankaasi wuxuu soo afjarmay sanadkii 1921 kadib markii  uu cudud Milatari oo aan waqtigaa caadi aheyn ku isticmaaalay Dagaaladii uu la galayay Daraawiishta taasoo aheyd in dayuuradu loo adeegsaday oo xagga cirka laga duqeeyay xaruntii daraawiishta ee Taleex halkaasoo aheyd keydkii ugu weynaa dhinaca hubka sahayada iyo degaankaba Daraawiishta.
Kadibna Sayadikii uu markaa isaga iyo Daraawiish uu watay ay u soo kaceen qeybaha Sare ee Wabi Shabelle ayaa ugu danbeyntii Shiikhu Wuxuu ku geeriyooday IIMEEY halkaas oo tilmaan loogu hayay qabrigii sayid Max’ed C/lle Xassan oo ka tirsan Soomaali galbeed oo iminka loo yaqaano kilinka shanaad.
Dhinaca kale Gobalada Waqooyi wixii ka danbeeyay Dagaalkii uu Sayid Max’ed C/lle Xassan La galay Engiriiska ka sokow wadniyiin Soomaaliyeed oo ku nafwaayay kicinta iyo abaabulida aydhiyaloojiyadii lagala soo horjeeday Engiriiska kuwaas oo caan ka ahaa Gobalada Waqooyi waxaana ka mid ahaa Faarax Oomaar, Shiikh Bashiir iyo Shiikh Madar
AAS-AASKII SNM IYO SYC
Sanadkii 1945kii gobolada waqooyi waxaa ka hanna qaadey Xisbi siyaasi ah,oo ay dadku markii hore mucaaradeen una qaateen inuu ku saleysanyahay hab qabiil  hase yeeshee ka dib ayay dadkii fahmeen isla sanadkii 1956dii waxaa la badelay magacii Xisbiga iyo ujeedooyinkiisiiba.Qodobadii ahdaaftii xisbbiga waxaa ka mid ahaa:

  1. Inay gobolada Waqooyi helaan xornimo taam ah oo  ayna wax shuruudihi
  2. Ku xirneyn
  3. In la mideeyo dhammaan gobolada soomaaliyeed ee isticmaarku kala qaybiyey
  4. In kor loo qaado Waxbarashada Diinta Islaamka iyo wax soo saarka dalka si looga maarmo gacan gumeysiga ku yeesho Soomaaliya.
  5. In ay soomaalidu qabyaada iyo nidaamka faasidka ah ee gumeysiga  la dagaalantoXisbigaasi oo la odhan jirey Raabidatu Soomaal.

Sanadkii 1958dii shacabka Soomaaliyeed ee gobolada Waqooyi wuxuu si dhab  ah u fahmey xaalada dalka ee gumeysigu gacanta ku dhigay waxayna u diyaar garoobeen geeri iyo nolol, waxayna qaateen hubkoodii, Xisbigii Raabidada oo ahaa xisbigii hogaaminayay halgankaasi Somaaliyeed wuxuu dhawaaqey inuusan ogoleyn inuu ku hoos noolaado gumeysigii Ingiriiska Wuxuuna garaacay albaabadii Xoriyada ee Engiriisku Xiray .
Intaa kadib waxaa sameesmay axzaabta ah SNL & USB oo labaduba ujeedadoodu ay ahayd in xornimo iyo madaxbanaani la helo lagana  hoos baxo Gumeysiga Ingiriiska oo isagu gacanta ku hayay gobolada waqooyi ee Soomaaliya.
Waxaana dhamaan dhulkii ay soomaalida ku nooleyd ee Somaaliya ku faafay, dhaqdhaqaaqii gobonimo doonka  ee looga soo horjeeday gumeystayaasha reer Yurub.
Dhinaca gobolada koonfureed, dagaalkii  labaad ee Dunida markii uu Engiriisku ku tabar roonaaday Sanadkii 1941kii gacanta ku dhigay Gumeestihii Engiriiska taasoo aheyd dagaal uu ku jabiyey Talyaaaniga , wuxuuna ingiriisku ku guuleystay inuu ka taliyo dhammaan gobolada Soomaaliya oo dhan.
Sanadkii 1943 bishii may 15dii ayey 13 dhalinyaro Soomaaaliyeed ah waxay isu abaabuleen sameynta Naadi ay ku mideysanyihiin  dhalinyrada Soomaaliyeed  kuwaas oo kala ahaa:
1. C/qaadir Saqawadiin - 2. Max’ed Xirsi Nuur - 3. Yaasiim Xaaji Cusmaan - 4. Xaaji Max’ed Xuseen - 5. Cusmaan Qariidi - 6. Dheere Xaaji Dheere - 7. Daahir Xaaji Cusmaan - 8. Cali Xasan Max’ud - 9. Max’ed Cali Nuur - 10. Max’ed Faarax Hilowle - 11. Xaaji Max’ed C/laahi - 12. Huudow Macalin C/lle - 13. Max’ed Cusmaan Baarba.
Dhalinyaradaasi iyagoo garabsanaya shacbiga Soomaaliyeed ee dhinaca gobalada Koonfureed waxay hirgaliyeen in ay sameeyaan xisbigii SYL ee aabaha u ahaa halganka Gobalada Koonfureed waxayna xaruntii xisbiga ka dhigteen Magaalada Muqdisho. Iyagoo aas-aaaska Magacii hore xisbiga loo yaqiinay SYC (Somali Youth club).
Bishii April sanadkii 1947dii waxaa is badalay magacii naadigii KULUB wuxuuina u xuubsiibtay xisbiga Midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed, (SYL) kaasoo si rasmi ah u noqday xizbi siyaasi ah oo leh gudoomiye iyo hadaf cad  oo kala ahaa:

  1. Xoraynta Soomaaliya iyo Gaarsiinta xornimo Taam ah.
  2. Ka sifaynta gumeysiga guud ahaan gayiga Soomaaliya.
  3. Mideynta Gobolada Soomaaliya oo leh hal hogaan kaliya .
  4. Baabi’inta Qabyaaladda iyo kala soocida diinta iyo la dagaalanka kala qeybinta.bulshda somaaliyeed.
  5. Ilaalinta xuquuqda Soomaaliyeed iyo sare u qaadida heerkooda waxbarasho iyo ku faafinta afkaarta cusub dhammaan gobolada soomaalida..

Xizbigaasi wuxuu ahaa kii ugu horeeyay ee siyaasi ah lagana  sameeyo Somaaliya, wuxuuna isla durbadiiba wax qabadkiisa ku faafay guud ahaan gayiga  Soomaaliya, waxaana ka fircamay laamo oo uu ku yeeshay gobolada dalka, kuwaasoo aad u badnaa mid kastaa uu lahaa maamul maxali ah, oo ka shaqeynayey dhinaca wanaajinta laamahaasi kala duwan oo uu lahaa xizbiga midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed waxey si toos ah u hoos imaanayeen maamulka guud  ee xarunta xizbigaasi oo ku taalay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna  ahaa mid u heelan una daacad ah ujeedooyinka Xizbiga,balaarintiisa iyo isku dubarikiisa.
Xisbiga midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ku soo biiray inta badan shacabka soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan oo ay ka mid ahaayeen saraakiisha ciidamada,  , wuxuuna ka  kasbaday taageero weyn maamulkii Ingiriisiga, isagoo dajiyay Qorshe habeysan oo loogu hawlgalayo wax u qabashada dalka iyo ku mintidida wadan jaceelka, wuxuuna noqday  astaan taagan oo matalaya dhaqdhaqaaqa wadaniyada Soomaliyeed,
Xisbigan wuxuuna shacabka ka kiciyay hurdada, isagoo ku abuuray xamaasad wadaninimo, kuwaasoo bilaabay inay raadiyaan xuquuqdooda la duudsiiyay, waxeyna talaabadaasi ahayd kacaan guud oo ay ka qeybgaleen shacabka soomaaliyeed dhamaantiis haween iyo ragba isugu jiray si libin looga keeno mabaadi’da xizbiga iyo ujeedooyinkiisa .
Waxaa loo galay ka libin keenida arintaasi dadaal badan iyo nafhurnimo oo uu shacbiga quwadiisa isugu geeyay si uu u hanto xuquuqdiisa sharciga islamarkaana isaga tuuray heeryada gumeysiga, si uu u gaaro gobonimo, arintaasina ma ahayn mid dhib yar oo si fudud loogu gaaray xurnimada maanta aynu harasanayno balse waxaa u shahiiday oo naftooda qaaliga u huray  muwaadiniin badan oo soomaali ah kuwaasoo gobonimada dalkooda dartii u waayay  naftooda qaaliga ah.,waxayna ugu danbeystii higsadeen yoolkii ay ku riyoonayeen oo dhibka badan u soo mareen.
Sanadkii 1946-dii wuxuu xisbiga midnimada dhalinyarada Soomaaliyeed wada xaajood la galay xukuumadii Ingiriiska wada hadaladaasi oo ku saabsanaayeen inay xaliso mushkiladda soomaaliya ayna gaarsiiso xurnimo,natiijadii waxay noqotay in qadiyada Soomaaliya loo banadhigo Qaraamada midoobay iyadoo  loo marsiyay   wasaaradda arrimaha Dibadda Ingiriiska waxaana  loo diray wafddi soomaaliya  si uu xunaha qaraamada midoobay ugu sharxao  qadiyadda Soomaaliya.
Wafdigaasi waxay qaraamada midoobay ka codsadeen in la ilaaliyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ,in si deg deg ah waddankooda xurnimo loo siyo,maamulkii Ingiriiska ayaa ogolaaday codsigii wafdigaasi Soomaalida ah,wuxuuna wasiirkii arrimaha dibadda ee Ingiriiska  daboolka ka qaaday siyaasada xukuumadiisa eek u wajahan xurnima gaarsiinta Soomaaliya,wuxuuna ka hor sheegay qaramada midoobay inay  xukuumadda ingiriiska ay shacabka soomaaliyeed ka saacidayso xaqiijinta madaxbanaanidooda iyo mideynta dalkooda hadii aay  ogol yihiin wasaayadda  Ingiriiska.
Sanadkii 1947 waxay go.aamisay Jamciyadda Qaraamumaha  midoobay  in la soo diray guddi xaqiiqi raadin oo ka kooban afar dal  oo dawladaha waaweyn ka socoday,kuwaasoo kala ahaa , M idawgii Sofiyeeti,Ingiriiska,Fransiiska  iyo Mareykanka si ay u qaban qaabiyaan afti  si ay u ogaadaan doonista shacabka soomaaliyeed ee dawlafdii ay rabaan inay wasiyad u noqoto dalkooda taasoo daryeelaysa dhamaanba xaaladooda guud ee dhinacyada siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha.
Markii ay guddigaasi  afar geesoodka ah ay Muqdisho soo gaareen 11kii bishii Janaayo sanadkii 1948dii, waxaa soo ifbaxay mu’.aamarad ay wadeen shakhsiyaad madiidin u ahaa  fashiistihii Taliyaaniga kuwaasoo sameeyay abaabul ay dadka ku wacyigelinayaan inay sameeyan banaanbaxyo ay ku muujinayaan sidii ay u rabaan in dalka soomaaliya gacanta loo geliyo aaya talinta Somaaliya Talyaaniga.
Shakhsiyaadkaasi waxay si qarsoodi ugu jireen Xisbiga Midnimada Dhallinyarada Soomaaliyeed SYC (Somali youth Congress).kuwaasoo isu ekeysiinayay inay daacad u yihiin ahdaafta Xisbigaasi  waxaana qorshahaasi shirqoolka ah watey Mustacmaradii Talyaaniga.Tabahaasi waaxaa si geesinimo leh uga hortegay Shacabka Somaaliyeed waxayna bilaabeen halgan ay dalkooda uga saarayaan
Bishii Janaayo 11-keedii sanadkii 1948 waxaa dagaal qaraari uu dhex maray ciidamadii gumeysataha Talyaaniga oo adeegsanayay hub casri ah iyo taageerayaashii ururka SYL, waxaana dagaalkaasi lagu magacaabay {Soomaali Ha noolaato} oo ah ereygii hal ku dhiga ay ka dhigaaneyeen markii ay dadka Soomaalida bilaabeen banana baxyada , waxaa ku nafwaayay dagaalkaasi dad Soomaaliyeed oo ay ka mid aheyd Xaawa Cusmaan (Xaawo Taako) taladeedii caanka aheydna lagu xasuusan jiray inkastoo hada ay meesha ka baxday oo la  baliilaqeestay  hadana meeshii  ka maqantahay, waxaana gumesytihii Talyaaniga looga dilay 53 Askar iyagoo tiro ka badana looga dhaawacay islamarkaana looga furtay hub iyo saanadba.
Talyaaniga waxaa  gaarey jab iyo halaag weyn dhacdadaasi waxaa goob joog u ahaa Guddigii afar geesoodka ahaa waxayna ogaadeen waxay xaqiiqadu tahay iyo rabitaanka shacbiga soomaaliyeed.
Markaasi guddigii waxay bilaabeen aftidii dad weynaha iyagoo ku  soo wareegaan dhawr maalmood gaar ahaan magaalooyinka ugu waaweynaa gobolada dalka
dhinaca kale Xisbigii SYL waxay iyaguna bilaabeen inay dhammaan noocyadii gumeysi ee Ingiriiska,Talyaaniga iyo Faransiiska ay kala furfuran
Taasoo keentay in ay guddigii afar geesood ay u cadaatey in aqlibiyada xaqiiqada ah ee shacabka soomaaliyeed  inayna ku kalsooneyn dhammaan dalalkani wax soo gumeysan jirey, qaramada Midoobey maahee. Guddoomiyihii Xisbiga SYL Alla u naxariistee Xaaji Maxamed Xuseen wuxuu guddigii gacanta uga dhiibey warqad ku saabsaneyd dalabaadkoodii oo ahaa:
1. In muddo 10 sanno aan ka badney qaramada Midoobey ggaccanta ku hayso lana diyaariyo mudadaasi Dastuur u googol xaaraya dhismaha xukuumada soomaaliyeed oo madax banaan afarta dal ee guddigu ka socdeyna ayy kormeeraan
2. In xurnimo taamah la siiyo somaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan iyaddoo aan wax shuruud ah lau xirin
3. In la israaciyo 5ta qeybood ee Somaalliyeed iyagoo hal dal ooh al calan leh
4. In aan nooc kasta oo isticmaar aan mar dambe ku soo laaban Karin ciida soomaaliyeed..
Sidoo kale 5 bishii October  sanadkii 1948dii  dagaal qaraar ayaa waxa uu dhex maray ciidamada gumesytahay Talyaaniga oo adeegsanaya hub culus iyo taageerayaashii SYL oo ku dirirayay Tooriyo, Faasas, Seefaf iyo Dhagaxan, waxaana loogu magacdaray dagaal dhagaxtuur  xusuustii Taaladii dheereed ee Dhagaxtuur kuna taaalay agagaarka Masaajidka Isbahaysiga ka soo horjeedka Guriga Umada waxay raacday kacdoonkii Xamar.
Hayeeshee shirkii Q/M ee sanadkii 1948dii ee lagu qabtay magaalada Baaris ee dalka Faransiiska ayaa waxaa tagay wafdi uu horkacayay allah ha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud isagoo halkaas ka aqriyay khudbad aad u gil gishay jawigii shirkaasi, arintaasi waxey keentay aaqirkii la ogaado in gobolada koonfureed ee Soomaaliya mudan yihiin in la siiyo xukun daaqili ah oo uu Talyaanigu kor ka maamulo, si uu ugu sii diyaariyo dowladnimo la siin doono 1960ka iyadoo dalka ay joogaan wakiilo Q/M ka socda.
Bishii may Sanadkii 1959 waxaa socdaala ku yimiday Gobalada Waqooyi  wasiirkii mustacmaraadka ee dawladda Engiriiskamagaalada Hargeeysa  oo ahayd maagaalo madaxda gobooladaasi si uu ogaado mawqifkooda siyaasadeed markii ay soo cagga dhigatey dayuuradii sidey waxay indhahiisu qabteen dad aad u badan oo madaxa ku soo xirtey gabal yar oo maaro madow ah.
Su’aashii ugu horeysey ee uu waydiiyey waxay ahayd waa maxay calaamadani aad madaxa ku wadataan, waxaayna ugu jawaabeen waa asstaanta dadka dulmanmeel kasatoo uu tego wuxuu ku arkey calankaa madow oo meel walba suran iyo shacabkii oo tiiraanyeysan, ayna ka muuqan wax soo dhaweyn ah oo isaga loo hayo.
Maalintii labaad ayuu wuxuu wasiirkii mustacmaaraadka ee ingiriisku tagaymagaalooyinkii waaweynaa ee goboladaasi waqooyi isagoo baabuurkiisii wata meel kasta oo uu tegana wuxuu ku arkey sdad  Gobanima doon oo diyaar u ah xoreynta dalkooda waxyna ku dhawaaqayeen gobanimadayadu waa lixdanka.kamana dambeyn karto
Sanadkii 1959kii wuxuu soo saarey wasiirkii mustacmaraadka ee Ingiriisku bayaan cad oo ay ku xusnad, sanadkii 1959 bishii oktoober waxaa aasaasmey Xisbi sadexaad oo ka go’ay Xisbigii ururka dhallinta.
Bishii Fabaraayo 17dii sanadkii 1960kii xuxuumadii Ingiriisku waxay bilawdey qabanqaabada doorashadii xibnihii baarlamaanka oo tiradoodu ahayd 32.sidoo kale waxaa laa qorey qawaaniintii doorashada waxaana ka qeyb galay laba USB/SNL Xisbi waxaana halkaasi ka soo baxay  baarlamaan uu hogaaminayey allaha u naxariistee Maxamed Ibraahim Cigaal.
Markaasi waxaa bilaabantay in maamulkii Gobaladii Waqooyi ee uu Gumeysan jiray Engiriiski Maamulkoodii lagu wareejiyo dad soomaali ah. Ka dib 26kii bishii June 1960 ayay gobolada waqooyi Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa kaasoo ahaa calankii ugu horeeyey ee asagoo xor ah ciidiisa lagu qotomiyo.
Waxaa sii xoogaystay xiriirkii halganka gobonimo doonka ee ka dhaxeeyay gobolada waqooyi iyo kuwa koonfureed ee dalka Soomaaliya, sidaas darteed, ayaa gumeystahay Ingiriiska waxa uu go’aan saday inuu xornimo siiyo goboladii waqooyi oo loo yaqiinay xiligaas British Somaliland.
Bishii June 26keedi oo ku abaarneyd Afar maalmood ka hor xiligii uu ku buuxay Balanqaadkii QM ee Gobalada Koonfureed in 1960-ka xornimo la siiyo ayuu ku dhawaaqay Engiriisku Xornimo gaarsiinta Gobalada Waqooyi.
Habeenkii 26-june Soo galayay ayaa Beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa oo aheyd  Magaaala madaxdii Gobalada Waqooyi, wax laga sheekeyn karo wey ka badneyd sifihii ay ku sugnaayaan dadkii markaas calanka Qotamiyay hase yeeshee qodob yar aan is xusuusino  Alle ha u naxariistee Halgaamagii Soomaaliyeed C/laahi Suldaan Tima cadde ayaa Gabaygii ugu Mudnaa ka tiriyay halkaasi waxaana ereygii ugu xusuuta badnaa Gabaygiisa uu ahaa.
Taasoo uu  uga jeeday in calanka gumeysiga Engiriiska la siibo lana saaro badalkiisa calanka curtay ee Soomaalida KAA ereyga ah wuxuu ku tilmaaamay calan shisheeya KANA wuxuu ula danlahaa calanka SOomaalida sidaas ayaa qof walba looga fadhiyaa inuu u kala ogaado calanka shisheeyaha iyo kan sokeeyaha
4 Maalmood kadib xornimadii Gobalada Waqooyi oo aheyd 1 Luuliyo 1960 waxaa sidii balantu aheyd lagu dhawaaqay xornimadii Gobalada Koonfureed Habeenimadii ay soo galaysay 1 Luliyo ayaa Soomaali oo dhan waxay isugu soo uruurtay halkii xaruntii Dowaldii xiligaasi jirtay aheyd oo  aheyd FISHA GOVERNO oo ku taal Degmada Xamar weyne ee Magaalada Muqdisho ka soo horjeedka Masaasidka Arbaca Rukun .
Abaarihii Saqdii  dhexe 12:00 Habeenimo iyo haldaqiiqo waqtigii ay saacadu kala wareegaysay ayaa calanka Buluuga ah ee Maanta Dalkaba aragtidiisa ku yartahay laga taagay FIISHA GOVERNA dusheeda, halkaa waxaa isugu soo uruuray malaayiin dad ah oo u dabaal dagayay xoriyadii loo soo halgamayay mudada dheer waxaa la siibay calankii gumeysiga Talyaaniga waxaana la saaray calankii Soomaaliya, mar kale ayuu halgaamaga weyn ee xurnima u dirirka ahaa C/laahi Suldaan Tima cade halkaasi ka tiriyay Gabaygiisii ahaa.
Munaasabada 1 Luuliyo  ayaa sidaa ku noqotay mid kulmisa laba munaasbadood oo kala ahaa xornimadii Gobalada Koonfureed iyo israacii Gobalada waqooyi iyo Koonfur markaa waxaa halkaas ka aas aasmay Jamhuuriyadii Somaliyeed ee ka koobneed Gobalada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed.
MIDOWGII KADIB MAXAA DHACAY?
Markii la mideeyay labadii Baarlamaan ee Gobalada waqooyi iyo Koonfur waxa ay tiradooda isku gaadhay 122 taaas oo aheyd tiradii qiyaaasta xigmadeesneed ee ku saleesneed dhameestirka halgankii Soomaaliyeed ee aan ku qotamin kursi doon maal dadow qaadasho.
Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya waxaa loo doortay allah ha u naxariistee Aadan C/dulle Cusmaan {Aadan Cadde}, iyadoo dhinaca kalana dhab ahaantii ay qaadeen talaabo  aad iyo aad u qaali ah Ragii uu horkacayay allah ha u naxariistee Max’ed xaaji  Ibraahim cigaal, kuwaasoo Hargeysa kala soo safray calankii si ay ula midoobaan walaalahooda koonfureed .
waxaana Soomaaliya lagu xusuustaa inay ahayd dowladii ugu horeysay Afrika oo nidaamka dimuquraadiga ku dhaqanta oo ay dhacday madaxweynihii ugu horeeyay soomaaliya si nabad ah oo doorasho ah xilka ku wareejiyay.
Waxaana doorashadii labaad madaxweynihii Soomaaliya loo doortay C/rashiid Cali sharma’arke oo si doorasha xor ah ugu guulestay 7 sano kadib 1967, hase yeeshee alle ha u naxariistee 15 october 1969 ayaa  marxuum C/rshiid Cali Sharma’arke gacan ka gardarneed ku disahay Magaalada laascaanood ee Gobalka Sool .
Kadib geeridii Madaxweynahii C/rashiid Cali Sharmar’ake alle ha u naxariistee waxaa suurta gali weyday in  si nabad ah loo badalo lana doorto Madaxweyne Dalka hogaamiya .
Sidaa darted ciidamada Qalbka siday oo uu hogaaminayay Janaraal Max’ed Siyaad Barre alle ha u naxariistee ayaa hogaanka Dalka kula wareegay afganbi aanu dhiig ku daadan, waxaana halkaa ku dhamaatay Dowladii rayidka aheyd oo mudo sagaal sanadood ah Dalka ka talin jirtay xoriyad qaadashadii 1960-kii kadib.
AWOODII MILATARIGA IYO CURASHADII KACAANKA
21-kii  october sanadkii 1969 kii waxaa si rasmi ah Dalka gacanta ugu dhigay ciidankii qalabka siday xubnihii ka tirsanaa ee uu hogaaminayay Max’ed Siyaad Barre
Magacyada Golihii Sare ee Kacaanka waxa ay kala ahaayeen
1 Sareeye Gaas . Maxamed Siyaad Barre - 2. Sareeye Gaas. Jaamac Cali Qoorshee. - 3. Sareeye Guuto. Maxamed Caynaanshe Guuleed - 4. Gashaanle sare. Xuseen Kulmiye Afrax - 5 .G/Le Dhexe. Maxamed Sheekh Cusmaan - 6. G/Le Dhexe. Maxmuud Maxamed Mire - 7. G/Le Dhexe. Maxamed Cali Samatar - 8. G/le Dhexe. Maxamed Cabdalla Faadil - 9. G/Le Dhexe. Maxmuud Geelle Yuusuf.
10. G/Le Dhexe. Salaad Gabeyre Kediye - 11. G/Le Dhexe. Axmed Maxmuud Cabdulle - 12. Gaashaanle. Axmed Maxuud Faarax - 13. Gaashaanle. Ismaaciil Cali Abokor - 14. Gaashaanle. Maxamed Cali Shire - 15. Gaashaanle. Cali Mataan Xaashi - 16. Gaashaanle. Muuse Rabiile Good - 17. Gaashaanle. Faarax Wacays Dhuule - 18. Gaashaanle. Axmed Suleymaan Cabdalla - 19. Dhame . Cabdi Warsame Isaaq - 20. Dhame. Bashiir Cilmi Yuusuf - 21. Dhame. Cabdirisaaq Maxamuud Abokor - 22. Dhame. Cabdulqadir Xaaji Maxamed - 23. Dhame. Maxamed Cumar Jees - 24. Dhame. Axmed Xasan Muuse - 25. Dhame. Cusmaan Maxamed Jeelle
24tii Oktoobar 1969 waxay soo saareen bayaankoodii ugu horeeyey oo ka koobnaa 13 qodob oo khuseeya Siyasaasada Gudaha iyo Siyaasadda Dibedda ayna isku raaceen in Dalka lagu xukumo Waxayna kala ahayeen sidan : -Qodobbada Siyaaasada Gudaha
1. In la dhiso Ummad u siman Shaqada oon lakal soocin, iyadoo loo tixgalinayo waxkasta oo samaynaya nolosha dadweynaha Soomaliyeed
2. In dadka lagu hanuunsho horuumarinta dhaqaalaha, nolosha guud Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed sida wadanku horay ugu maro
3. In la cidhib tiro aqoon darrada, dadkana loo iftiimiyo qiimaha dhaxal galka ah eehidaha iyo dhaqanka Soomaaliyedd.
4. In la sameeyo sida ugu haboon saldhigii qorista iyo horuumarinta Af-soomaliga
5. In la dhameeyo musuqmasuqoo idil, qaraabo kiilka, qabyaalada iyo wixii kale ee kharibay bulshada
6. In la baab’iyo asxaabta siyasadeed oo dhan.
7. In la sameeyo doorasho wakhtigii ay haboonaato doorasho madax banaan doorasho madax banaan.Qodabadda Siyaasadda Dibedda
1. In la taagero ururrada Gobanimo-doonka ah, iyo iskaashiga Caalamiga
1. In la horjoogsado dagaalna lagu qaado gumaysiga iyo gumaysiga cusub
3. In lagu dadaalo sidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed laysugu keeni lahaa
4. In la ogolaado mabaadi’da nabadgelyada iyo wada noolaanshaha Addunka
5. In lagu socdo siyaasad cad ee dhexdhexaadka ah
6. In la aqoonsado mabaadi’da Ummadaha Midoobay iyo Ururka Midowga Africa.
6dii Maajo 1971dii Waaxaa Radio Muqdsiho si lama filaana uga hadlay Xogahaya Wasaaradda Warfaafinta & Danuuninta Dadweynaha: Gaashaanle Dhexe : Ismaacill Cali Obokor Wuxuuna shaaca ka qaday in la qabtay oo xabsiga loo taxaabay sarakiishan.
1. S. Guute Salaad Gabeyre Kadiye
2. S.Guute Max’ed Ceynaanshe Guuleed
3. G.Sare C/qaadir  Max’ed Guuleed (Dheel Dheel)
Saddexdan Sarkaal waxa lagu xumumay Diltoogasho ah 1luulyo 1970 waxaana Lagu toogtay fagaaraha Dugsiga sare ee Booliska Xamar jajab Muqdisho. Waana maalintii Generaal Maxamed Siad Barre neeftuurey uuna ku jimicsaday xukunka.
Waxaana lagu eedeeyey inay qabanqabinayeen afgambi waxaana ku jirray 22 Sarkaal iyo hal qof oo rayada oo aah dadka siyaasada Soomalida ku guura.Waxaa amakaag iyo yaab ku noqotay xadhiga Korneel Dheel-dheel oon dambiga Shaqo kunlahayn ama aan la tuhmi karin. Badankoodana waxaa lagu xukumay xabsi da’iim iyo 1sanno ilaa 30 sannadood oo xadhiga sarakiishan.
Dhamaanteen wan ka dharagsanahay fa’íido iyo khasaare wixii dawladaasi gaysatey Halkana kuma soo koobi karno , laakiin hadan yara taabano dhowr qodob oo ka midyihiin sida.
11kii Janaayo 1972dii Golihii sare ee Kacanku wuxuu go’aamiyey in luqadiihii shisheeye La cidhib tiro waxaana la go, aamiyey in xuruufta latiiniga Af-Soomaliga af-soomaali laga dhigo Dhamaana manhajka waxbarashada dalka oo dhan laga dhigo afsoomali.
Dadka Soomaaliyeed waxay markii ugu horeysay aad ugu bogeen talaabadii ciidamada xooga Dalku ay qaadeen taasoo aheyd mid dalka iyo dadku ay u baahnaayeen kadib markii 9 sanadood dowladii rayidka aheyd ee soo maamulaysay ay qabyaaaladi ragaadisay waqtiyada doorashooyinkana dadku aad dhibaato ugu qabeen tusaale ahaan doorashadi ugu danbeysay waxaa ka qeyb galay 83 xisbi taasoo aheyd wax aad iyo aad looga yaabo fool xumo iyo wax laga xishoodana aheyd, .
Shantii sanadood ee ugu horeysay ee kacaanku gacanta ku qabtay Hogaanka Dalka waxay aheyd mid la mahdiyay marka aad dib u raacno taariikhda guulihii ugu waaweynaa ee shantaa sanadood la gaaro waxaa ka mid ahaa talaabadii bulshada laga badbaadiyay Abaartii daba  dheer, ololihii tiritirada akhris qoris la’aanta oo kumanaan Soomaali ahi ka faa’ideesteen.
waxaa waagaas kacaanku Dalka ka hirgaliyay ilaa 38 wasrahadood oo ay ugu waa weynaayeen Warshadii Sonkorta Jawhar Isnaay Biyaasa, warshadii Sonkorta Mareerey, warshadii baastada, warshadii Sigaarka iyo taraqa, warshada Saliida Shiida , warshadii laabanka Afgooye kuwaasoo ahaa warshadihii ugu waa weynaa ee Dalka ka jiray dhamaantood waxaa lagu xaabqaaday kacdoonkii dadweynaha ee lagu baa’binayay hogaankii Siyaad Barre .
Si kastoo ay ahaataba maamulkii kacaanka ayaa waxaa laga tuuray xukunka dalka 1991kii iyadoo loo adeegsaday qori caaradii, wixii ka dambeeyay maamulkaasina waxaa dalka la wareegay maamul urureed. Kaaso laga dhaxlay dhibaatooyin farabadan.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DEG DEG: Kulankii Xasan Sh. iyo Hawiye oo fashilmay // Xiisad ka jirta Muqdisho

$
0
0

Algeria oo u gudubtay wareegga labaad+SAWIRO

$
0
0

Dad aad u badan ayaa isugu soo baxay jidadka dalka Algeria si ay ugu dabaaldegaan guusha kooxdooda ay ka gaartay kullankii ciyaaraha ee xalay ay la yeesheen kooxdii Ruushka.
Algeria ayaa markii ugu horeysay u qalantay inay u gudubto wareegga labaad ee 16 –ka koox ay isugu soo hareen.
Taageerayaasha Algeria ayaa ruxayay calanka dalkooda, waxayna badan kooda isugu tageen bartamaha caasimadda dalka Algeria ee Algeris.
Algeria ayaa gudubtay markii ay barbardhac Hal-hal gool ah la gashay dalka Ruushka, oo ah dalka martigelinaya ciyaaraha koobka aduunta ee 2018-ka oo ka hartay kuwa hadda ka socdo dalka Brazil.
Wareegga labaad, Algeria waxa ay wajeheysaa Germalka, oo 1982-dii ka reebay ciyaarihii koobka dunida, kadib markii lagu eedeeyay in si ula kac ah ay ugu ciyaareen sixun, taas oo natiijada ka dhigtay in Australia iyo Germalka ay ka faa’ideystaan ciyaar xumada Algeria una gudbaan wareegga 16-ka koox.
Sidoo kale kooxda Mareykanka ayaa xaqiijisay inay u gudubtay wareegga kala-baxa, kadib markii laga badiyay kooxda South Korea.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

AU oo soo dhaweesay Dowladda Somalia

$
0
0

 Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wagfdiga uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ka qaybgalay shirweynaha 23-aad ee madaxda Midowga Africa oo maanta ka furmay magaaladda Malabo ee dalka Equatorial Guinea.
Waxaa shirka sanadkan diiradda lagu saaray horumarinta beeraha iyo amniga cunnada iyadoo looga dan leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalka loogu jiro kor-u-qaadidda wax soo saarka beeraha.
Madaxdu waxaa ay ka hadleen samaynta istaraatiijiyad looga hortagayo faqriga, ka hortagga cunna xumida iyadoo loo marayo isbadallo cusub oo lagu sameeyo wax soo saarka beeraha, abuuritaanka iyo xoojinta xiriirka ururada beeralayda ah.
Waxaa sidoo kale shirka looga hadlay dhiirigalinta iyo suuq-gaynta wax soo saarka beeraha, kobcinta aqoonta iyo xirfadda ay u baahan yihiin beeralayda iyo abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada.
Shirka AU ee ka socda magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea ayaa si weyn loogu ammaanay horumaradda ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyadda nabadaynta beelaha Soomaaliyeed, dhismaha dawladnimo Soomaaliyeed, dhismaha nidaamka federaalka iyo hannaan loo wada dhan yahay in looga qaybgalo siyaasadda.
“Soomaaliya waxaa ay kasoo kabanaysaa dhibaatooyinkii horay u gaaray, waxyaabaha qorshaha noogu jiro waxaa kamid ah sidii dib loogu soo noolayn lahaa wax soo saarka beeraha Soomaaliya si kor loogu qaado dhaqaalaha dalka , loona abuuro shaqooyin dadka Soomaaliyeed ay helaan si loo yareeyo shaaqo la´aanta.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.
–Dhamaad–
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somalia oo Saxiixday Heshiiska Ciidamada Heeganka ee Dalalka…

$
0
0

Madaxda dalalka Bariga Africa ayaa magaalada Malabo ee dalka Equatorial Guinea maanta ku gaaray heshiis dhigaya in si rasmi ah loo howlgaliyo ciidamada heeganka ee ay yeelanayaan dalalka ku bohoobay Bariga Afrika ee lagusoo gaabiyo (EASF), waxaa Soomaaliya heshiiskaasi u saxiixay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.
Madaxda Midowga Afrika ayaa soo dhoweeyay, taagerayna abuuritaanka ciidankaasi oo noqon doona kuwo qalabaysan oo ay yeeshaan dalalka Bariga Afrika si ay faragalin ugu sameeyaan goobaha ay colaadaha kasoo ifbaxaan. Heshiiskan ayaa yimid kadib kulan ay yeesheen wasiiradda gaashaandhiga ee dalalka Bariga Afrika ka hor inta aanay madaxdu saxiixin heshiiskan.
“Waan soo dhoweynaynaa in Soomaaliya ay qayb ka tahay heshiiska isla markaana ay ka qayb qaadato howlgalka ciidamadan gaarka ah ee dalalka Bariga Africa, Soomaaliya waxaa ay kasoo kabanaysaa bur-burkii gaaray. Waxaana heshiisyada noocan ah ay calaamad u yihiin in ay soo noqonayso karaamadii Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed
Ujeedada laga leeyahay ciidamadan ayaa ah sidii ay ugu gurman lahaayeen walaalhooda kale ee qaaradda, shaqadooduna waxaa ay tahay in ay u faragalin ku sameeyaan meelaha loo arko in ay u gurmadaan.
“Ciidamadan ayaa howshoodu ay tahay wax ka qabshada xaaladaha amni xummo ee kasoo cusboonada qaaradda xilli ay Golaha Nabadda iyo Amniga ee midowga Africa ay u dabaal dagayaan sanad guuradii 10-aad ee kazoo wareegtay markii golahaasi la aas aasay.” Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Maxamed Sh. Xasan Xaamud–Dhamaad–
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

RW Somalia oo la kulmay Ban Ki-moon

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kulan gaar ah magaaladda Malabo kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ka qayb galaya shirka Midowga Afrika iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu uga mahadceliyay kaalinta muuqata ee Qaramada Midoobay ay ka ciyaarayso dawlad dhisidda Soomaaliya, nabadda iyo xasiloonida.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga warbixiyay Ban Ki-moon dadaalada joogtada ah ee dawladdu ay ugu jirto dawlad dhisidda, nidaamka federaalka iyo ku qaybsiga siyaasadda hanaan loo wada dhan yahay iyo in wada-shaqaynta Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay sabab u tahay in horumarro la taaban karo laga gaaray amaanka iyo siyaasadda Soomaaliya, waxaana uu tusaale uso qaatay qorshaha hirgalinta nidaamka federaalka iyo howlgaladdii ciidamadda dawladda iyo AMISOM ay ku xoreeyeen magaalooyinka ay ku sugnaayeen kooxaha Nabad-diidka ah.
“Qaramada Midoobay waxaa ay gacan muuqata ka gaysatay amaanka, xasiloonida, dhismaha dawladnimada iyo taageero joogta ahwaan uga mahadnaqaynaa taageerada kala duwan. Waxyaabaha aan kala hadlay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon waxaa kamid ah sidii Qaramada Midoobay ay u dadajin lahayd gargaarka aan doonayno in la gaarsiiyo qaybo kamid ah Soomaaliya oo ay ka jirto cunno yari, arrimaha qaxootiga iyo in ay Q.M ay sii xoojiso taageerada ay noola diyaarka tahay xiligan muhiimka ah .” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan dawladda Soomaaliya isla markaana ay go’antahay in ay Soomaaliya aysan dib ugu laaban dhibaatooyinkii ay horay usoo martay.
–Dhamaad–
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasiir ka hadlay arimo badan

$
0
0

Kusimaha Wasiirka ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa  baaq ujeediyay Jaaliyadaha iyo Qurba-jooga Soomaaliyeed oo uu ku booriyay inay  abaabulaan xaflado iyo munaasabado lagu weyneynayo maalmaha Xoriyadda iyo gobonimada dalka ee 26 June iyo 1 July.
H.E. Buri’ Hamza , ayaa sidoo kale faray dhammaan danjirayaasha iyo ergooyinka diblomaasiyadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka uga wakiilka ah dunida dacaladeeda inay kala qeyb-galaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed xafladaha ay dhigayaan oo ku aadan munaasabadda 54-guurada ka soo wareegatay markii dalka Soomaaliya uu  gobonimada ka kala qaatay gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga sanadkii 1960-kii.
War-saxaafadeed arrinkan ku qotama oo ka soo baxay Xafiiska Wasiiru dowlaha ayaa u qoran sidan :
Bismillah ar-rahman ar-rahim
Anigoo ka faaideysanaya Munaasabaddan qaaaliga ah ee 26-ka June, maalintii calanka baluuga ah ee Xidigta cad ee shan geesoodka ah ay dhexda kaga taal ee quruxda badan  laga taagay dhulka Soomaaliyeed, goboloada Waqooyi  ee  Soomaaliya ay xoriyadooda  heleen, ayaaan waxaan jecelahay in aan halkan hambalyo uga diro dhammaan Ummada Soomaaliyeed meel walbo oo ay joogto gudaha iyo dibadda.
Walaalayaal sida aan wada ogsoonahay gobonimadii la gaaray si fudud laguma helin, dadaal badan oo  ay bixiyeen halgamayaashii Soomaaliyeed, isku duubni iyo daacad wadaniyadnimo ku jirto ayey ku timid xuriyaddan maanta aan harsaneyno.
Waxaan ku boorinayaa Ummada Soomaaliyee gaar ahaan Jaaliyadaha iyo Qurbo jooga ee ku nool dalka dibadiisa in ay xusaan maalmahan oo kale oo ay caruurta baraan, una sheegaan gobonimada dalka  iyo taariikhda loo soo maaray.
Waxaa muhiim ah in jiilka soo koraya ay bartaan taariikhda dhulkooda, dhaqankooda suuban, luqadooda hooyo   iyo diintooda Islaamka, si ay u noqdaan wadaniyiin daacad u ah dalkooda.
Waxaan ku adkeyanayaa Qurbo joogta Soomaaliyeed in ay aad u xusaan, oo ay nooleeyaan maalmaha xuriyadda iyo qaranimada , ayna ka shaqeeyaan horumarinta iyo nabadgalyada dalkooda iyo dadkooda Soomaaliyeed.
Safaaradaha iyo ergada dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan farayaa in ay ka qeybqaataan xusidda iyo nooleynta Munaasabadahan qaaliga ah ee loo sameynayo maalmaha Xurnimada Soomaaliya.
Wabillahi Towfiiq.
Xildh. Burci Maxamed Xamsa
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Puntland warns Al Shabaab’s threat during the month of Ramadan

$
0
0

Puntland administration in northeastern Somalia acknowledges the threat posed by Al Shabaab militants during the holy month of Ramadan. Puntland Vice President, Abdihakim Abdullahi Haji Omar has called on the locals to work together to ensure peace and stability are maintained during the holy month of Ramadan as he acknowledged the possibility of increased Al [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

113 wasiir oo ka qeyb galaya shirka deegaanka ee ka socda Nairobi

$
0
0

Hanaanka Loo Maray Xukunkan Suuqa Madaw ah ee Lagu Qaaday HAATUF waa Mid Ka Darajo Liita Habkii Loo Soo Agaasimay Xukunkii Maxkamadii Badbaadada ee Mugdisho Ku Riday 1988-kii Cumar Carte iyo Siyaasiyiin Kale.

$
0
0

Akhristow waxaa muuqata in nidaamkii ay umadda somaliland heshiiska ku ahayd ee dimuqoraadiyadda loo bedelay boqortooyo ,wargeyska HAATUF iyo masuuliyiintiisa lagujma haysto danbi ay galeen ,laakiin waxa lagu haystaa in wargeysku wax ka qoray ninka la yidhaahdo Baashe Cawil oo uu sodog u yahay Siilaanyo iyo wasiir macdanta Xuseen Cabdi Ducaalle.
Arintaasi aynu soo sheegnay bedelkeediina waxaynu aragnaa in wargeyskii dawladu lahayd eeDAWAN iyo wargeyska kale ee Somaliland today  si joogta ah loogu caayo maalin kasta madaxda xisbiyadda mucaaradka ah oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha
Golaha wakiiladda ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADANI C/raxmaan Maxamed C/laahi(Cirro) ,Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ,Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Warabe  iyo masuuliyiinta madaxsha wada tashiga iyo toosinta qaranka iyo masuuliyiin kale oo tiro badan oo dhamaantoodba ka tirsan mucaaradka somaliland.
Hadaba saaxiibayaal maah maah soomaaliyeedba jirta oo tidhaahda mayd maxaa u danbeeyey iyo kaa la sii sido xukuumadda siilaanyo nidaamkii dimuqoraadiyadda ee lagu doortay in ay u bedeshay boqortooyo waxaa u daliil ah , waxa degmada taleex ee somaliland ka tirsan tegay wafti wasiiro ah ,waftigaasi wasiirada ah waxaa la sheegay in uu hogaaminayo wasiirka madaxtooyadda Mr Xirsi ,iyadoo uu waftigaasi ka mid yahay wasiirka arimaha gudaha Cali Warancade.
Hadaba waxa muhiim ah in aynu marka hore fahano  waa maxay shaqada wasiirka madaxtooyaddu iyo waxyaabaha uu wakiilka uga yahay madaxweynaha waa maxay se shaqada wasiirka arimaha guduhu iyo waxyaabaha uu wakiilka uga yahay madaxweynaha.
Shaqada wasiirka madaxtooyadu waa in uu maamulo oo uu kala habeeyo sida loola kulmayo madaxweynaha iyo cida la kulmaysa.
Shaqada wasiirka arimaha guduhuna waxay tahay oo uu madaxweynaha wakiil uga yahay badka dhulka somaliland ku fadhiyo oo dhan ,tusaale ahaan hadii la raaco nidaamka dawladnimada dibuqoradiga ah waftigan wasiirada ah ee TALEEX tegay mar hadii uu ka mid ahaa wasiirka arumaha guduhu sharci ahaan waxay ahayd in Cali Warancade uu noqdo hogaamiyaha waftiga ,waayo TALEEX iyo xaafad ka mid ah Hargeysa iyo dhulka somaliland intiisa kale oo dhan waxa madaxweyanaha wakiil uga ah ,wasiirka arimaha gudaha.
Hadii se aynu eegno nidaamka boqortooyadda hadii wafti ka socda dawlad boqortooyo ahi ay meel kale iska daaye safar ugu baxaan dalka gudihiisa oo qof boqortooyadda ka tirsani uu waftigaasi ka mid yahay hogamiyaha wafiga waxa noqda qofkaasi ka tirsan qoyska reer boqor.
Marka kadibna waxaan xasuustay qisadan soo socota taariikhdu markii ay ahayd 09/06/1982-kii ayey xukuumadii milateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre xabsiga u taxaabtay 7 masuul oo intooda badani ay xilal kale duwan marka ka hayeen dawladii marka jirtay iyo 32 qof oo kale oo iyaga lala xidhiidhinayey waxaana 7-da masuul lagu eedeeyey in ay maleegayeen shirqool ka dhan ahaa dawladii marka jirtay waxayna todobadaasi masuul kala ahayeen.
1: Ismaaciil Cali Abokor oo markaa ahaa madaxweyne ku xigeenkii sadexaad
2: Cumar Carte Qaalib oo mudo dheer ahaan jiray wasiirka arimaha dibadda
3: Cumar Xaaji Masale oo markaa ahaa wasiirka gaashaandhiga oo mareexaan ahaa qaraabo dhawna ay ahaayeen Maxamed Siyaad barre
4: Maxamed Adan Sheekh oo isaguna markaa ahaa wasiirka caafimaadka oo mareexaan ahaa xigto aan sii kala fogeyna ay ahaayeen Maxamed Siyaad Barre
5: Cismaan Maxamed Jeelle oo ka tirsanaan jiray golihii sare ee kacaaka ee loo yaqaanay SRC xilal kala duwan oo wasiirnimo ahna ka soo qabtay dawladii milateriga ahayd
6: Maxamed Yusuf Wayrax oo soo qabtay jagada wasiirka maaliyadda ee dawladii milateriga ahayd
7: Warsame Cali Faarax oo isaguna xilal  kale duwan oo wasiirnimo ka soo qabtay dawladii Siyaad Barre oo isagu xabisga ku geeriyooday intii aan maxkamadba la hor keenin.
Hadaba mudanayaal iyo marwooyin dhageysiga dacwadani waxay si rasmi ah uga furantay maxkamadii badbaadada ee mugdihso ee uu Gudoomiyaha ka ahaa General maxamuud Geelle yuusuf bishii DECEMBER Ee 1987-kii ,anigu markaa waxaan joogay dalka isku taga imaaradka carabta ,waxaanan magaaladda mugdihso u tegay si aan uga mid noqdo 50 qof oo loogu talo galay inay goob joog ahaan uga qayb galaan mudada ay socoto dhageysiga dacwadu.
Sidoo kalena intii ay socotay dhageysiga dacwada waxa loo ogolaa inay si joogta ah uga qayb qaataan dad ka badan 200 boqol oo qof  oo isugu jiray ehelada iyo axaabta 38-kii eedeysane ee dacwadoodu soocotay sidoo kalena waxa dhageysigii dacwada loo ogolaaday inay ka qayb galaan wariyayaal ka tirsana hay’ado warbaahineed oo caalami ah oo uu ka mid ahaa Siciid Bakar Mukhtaar  oo ahan jiray wariyihii idaacadda BBC-da ee mugdisho.
Sidoo kalena hogaamiyaha ama hormoodkii qareenadii ama looyaradii difaacayey eedeysanayaasha wuxuu ahaa Qareen Ismaaciil Jimcaale Cosoble ,mudadii ay dhageysiga dacwadu socotay waxaan xasuustaa in maalin maalmaha ka mid ahayd in uu qareen Ismaaciil Jibcaale Cosoble gudoomiyihii maxkamadda badbaadada Maxamuud Geelle Yuusuf ee maamulayey dhageysiga dacwada uu ku wargeliyey in dhamaanba looyarada difaacaya eedeysanayaasha ay dacwada ka baxayaan ,waxaanu mr Geelle weydiiyey waxa ay ka cabanayaan looyaradu,waxaanu mr jimcaale ku jawaabay maxkamadu xeer ilaaliyaayaasha eeda soo oogaya waxay siisa waqti dheer oo ay ku faah faahin karaan waxa ay sheegayaan ,qareenada difaacaya eedeysanayaashana maxkamadu ma siiso waqti ku filan oo ay isaka riixi karaan ama ay ku beenin karaan dacwadan been abuurka ah ee la soo dhuubdhuubay.
Hadaba mr Geelle oo ahaa kaligii taliye madax adag wuxuu markiiba ogolaaday in uu waqti isku mid ah la siin doono xeer ilaalishayaasha eeda soo oogaya iyo qareenada difaacaya eedeysanayaasha,halka maanta qareenadii difaacayaye masuuliyiinta wargeyska HAATUF loo joojin waayey markii ay sheegeen inay dacwadda ka baxayaan haddii aan dacwadda laga wareejin garsoore ay hore u dureen oo laga aqbalay oo dacwadda laga wareejiyey, markii danbana si suuq madaw ah garsooraha laftisii dacwadii loogu soo wareejiyey.
Hadaba waxaa dhacday in taariikhdu maalintii ay ahayd 07/02/1988-kii tobankii subaxnimo iyadoo ay maxkamada ku sugan yihiin dad aan ka jareyn dhawr boqol oo qof oo isugu  jiray goob joogayaal ,eheladii iyo qaraabadii eedeysanayaasha iyo wariyayaal ka kala socday qaybo kala duwan , ayuu gudoomiyihii maxkamadii badbaadadu Maxamuud geelle Yusuf ku dhawaaqay  xukunkii maxkamada oo isgu jiray dil ,xabsi daa’in ,xadhigyo dhaahdeer iyo kuwo fudud iyo ganaaxyo lacageed oo aad u yaraa , mr Geelle oo aan warbaahinta la hadli jirin markii uu xukunka ku dhawaaqay wuxuu ogolaaday in uu shir jaraa’id qabto oo uu faah faahin ka bixiyo xukunka uu soo saaray.
Halka maanta garsoorihii xukunka suuqa madaw ah  ku riday masuuliyiinta wargeyska HAATUF,iyadoo salaadii subax lagu jiro 25/06/2014ka la laayahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay sidii diyaaradii maleesiya oo uu warbaahintana uu ka dhuuntay.
Ujeedada kaliya ee aynu maanta qisadan uga danleenahay maaha in xukunkii maxkamadii badbaadadu soo saartay uu wanagsanaa ama uu xaq ahaa ,waxaynu se is bar bar dhig ku sameynayna qaabkii ay maxkamadii badbaadadu ee melateriga ahayd u maamushay dacwada miisaanka weynayd iyo dariiqa indho la’aanta ah ee loo maray xukunka HAATUF.
Hadaba waxaan hadalkayga ku soo gunaanadaya cabudhinta saxaafada iyo xoriyatal qawlku sumcad xun ayay u soo jiiday somaliland oo dhan ,waxaanan siilanyo kula talinayaa in uu si deg deg ah xoriyadooda ugu soo celiyo wargeysyadda HAATUF iyo HUBAAL.
Maxamed Siyaad Barre wuxuu ahaa kaligii taliye mar marka qaar garwshiyo bixiya oo 07/02/1988-kii oo ahayd maalintii uu Geelle ku dhawaaqay xukunkaasi aynu soo sheegnay Siyaad Barre wuxuu si shuuruud la’aan ah u ogolaaday baaqii kaga yimid beesha caalamka ee ahaa in 38 -kii eedeysane ee ay maxkaamdu xukunka ku riday uu xoriyadooda u soo celiyo,maalmo yar kadibna uu fuliyey Siayad Barre codsigii beesha caalamka, Siilaanyo-na maanta loogama fadhiyo sii deyta masuuliyiinta oo kaliya ,waxa se looga fadhiyaa xayiraad ka qaadista wargeysyadda HAATUF IYO HUBAL iyo in uu ilaaliyo madax banaanida garsoorka ,xeerka saxaafadda iyo xoriyatal qalwka.
Hadaba isku soo wada duuboo Borosiijarka  Loo Maray Xukunkan Suuqa madaw ah ee Lagu Qaaday HAATUF waa Mid Ka Darajo Liita Habkii Loo Soo Agaasimay Xukunkii Maxkamadii Badbaadada ee Mugdisho Ku Riday 1988-kii Cumar Carte iyo Siyaasiyiin Kale.
Qalinkii: C/risaaq Suudi Nuur
Tel:4425243
Email:suudi88@gmail.com
Hargeysa/Somaliland-
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maquunintii Muuse Ee Musharaxnimada Kulmiye, Is-Maroorintii Madaxweyne Siilaanyo, War Mooganaanta Madaxtooyada, Iyo Fara-madhnaanta Macaanjecesha Iyama Guul-darro Ah. Faalladii Cismaan Alaabohaye

$
0
0

Osman Alabohaye Chartered Certified Accountantosmani@accamail.com
Ayaamahanba waxa warbaahinta Somaliland ay qaadaa dhigaysay gudomiyaha xisbiga kulmiye Mudane Muse Bihi Abdi oo ka tanaasulay musharaxnimadii madaxweynaha ee xisbiga kulmiye. Waxaan social mediaha ku arkayay dad u badan taageerayaasha labada garab ee xisbiga oo qaarkood ay aad uga cadhaysan yihiin tanaasulkaa halka kuwo kalena farxad iyo damaashaad xoogani uu ka muuqday iyagoo u arkayay in lagu kala baxay murankii xisbiga oo guushu raacday dhankii uu hogaaminayay madaxweynuhu. Hadaba waxay isweydiintu tahay muuse ma maanta ayuu ka hadhay murashaxnimada mise maalintii gartii dhinaca ka rarnayd ay goaamisay guurtidu? Ma waxay taageerayaasha muuse biixi filayeen inuu muuse ku dhex tartamo xisbi golahiisa dhexe uu soo magaacabay ninkii la tartami lahaa, ma waxay filayeen inuu kubada u salaxo siilaanyo oo aynu ognahay in muuse laga reebay hadana ay ku dhacdo shaambada ah WUU TARTAMAY WAANA LAGA BADIYAY EE LAGAMA XUKUMIN GARTII U XAQA U LAHAA.
Waxay ila tahay caqliga saliimka ahi inaanu ogolaanayn in muuse oo siilaanyo loo garbo duubay hadana ay ka suurtowdo inuu siilaanyo rigoole kale u dhigo oo ka dhaliyo. Suaasha labaadna waxay tahay muuse miyuu tanaasulay mise guurti dhexdhexaadnimo wada oo uu arrinkiisii ku aaminay ayaa goaamisay xaajo aanu isagu diyaar u ahayn inuu sameeyo kuna guntatay inuu ka hadho tartanka ka dib markii wixii la isku hayayba ay u xukumeen dhankii kasoo horjeeday ee madaxweyne silaanyo? Suaashan jawaabteeduna way cadahay, wax tanaasul ahi ma jirin balse MUUSE WAA LOO GARBO DUUBAY SIILAANYO, iyadoo waliba ay intaas dheerayd in xukuumadii awood dawladeed u isticmaashay muquuninta garabka hogaanka xisbiga kulmiye.
SIYAASADA MUUSE EE HAATAN TAAGAN
Dadbadani waxay is waydiinayaan sababta uu muuse usii joogo xisbiga kulmiye ee mar haddii hankiisii siyaasadeed la dhabar jabiyay uu isu casili waayay uguna biiri waayay xisbiyada la wada leeyahay ama atleast uu qolyahan inta badan dhabarka uu ku siday ee isagiina dhabar jabisay uu uga caraabi waayay. Siyaasadu waa sida gameka oo kale marka waran lagula helo looma liico ee warankaaga ayaa loo meel dayaa. Waxaan uga socdaa waa dhab in muuse la dhabar jabiyay markay ugu yartahay shantan sanno ee soo socota ay seejiyeen inuu tartamo laakiin siyaasaduu ciyaaray anigoon isaga faaninaynin ama aan buunbuuninayn waxaan u arkaa inay tahay siyaasad aad qurux badan.
Sababtuna waxay tahay in xukuumadan ay horboodayaan MACAAN JECESHU ay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen sidee labada mujaahid xisbiga uga qaadi lahaayeen iyagoo adeegsanaya awooda madaxweynaha. Markii dhexdhexaadinta guurtidu ku jirtay waxaan ogayn oo muuse iyo guurtiduba ka markhaati kaceen in garabka madaxweynaha ay shan cisho ku noqnoqanayeen si ay ugu qanciyaan inay aqbalaan dhexdhaxaadinta guurtida, sida xaqiiqadu tahay ahmed siilaanyo waxa aad dabada uga riixayay inaanu dhexdhexaadnimo qaadan ee meesha laga tuuro labada mujaahid qolooyinka macaanjecesha. Ujeedada u wayn ee ay leeyihiin ayaa ahayd in ay la wareegaan hogaanka xisbiga inta ka horreysa doorashada si haddii axmed laga badiyo (waanay ogyihiin inuu xisbiga guuldaraysanayo haddii axmed mar labaad la soo ciyaarsiiyo e) ay xisbiga u hadhaan, haddii uu guulaystana iyaguunbaa wali u hadhaya xisbiga waana WIN WIN SITUATION ishaafalatadoodu. Muuse isagoo arrintan ka warhaya ayaa la odhan karaa wuxuu ciyaaraya siyaasada odhanaysa inuu xisbiga u hadho shantana uu ka hadho maadaama odaygii waynaa lagu soo ciyaarsiiyayna ul&#8217a marashaxnimo sanadkan, oo dee isheenaaba inoo macalina sida ay u dhacday ee sharcigee xisbiga iyo kii dalkaba loogu qalloociyay madaxweynaha.
Muse haddii siilaanyo guulaysto wuu ogyahay in macaan jeceshu goor ay noqotoba ka takhalusayaan next termka, sidaas darteed waxa uu istusay in sida qudha ee xisbiga tacabka badani ka galay uu ku haysan karo hogaanmintiisu ay tahay SIILAANYO oo guul daraysta next termka, ka dibna macaan jecesha oo shacbiyad caadiya ah oo aan haysan awoodii madaxweynenimo ee siilaanyo inay ku kala baxaan sharciga. Taariikhduna waxay ina bartay in khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya xisbiyada aan ahayn xisbul xaakimka adeegsada awooda dawladnimo marka ay sharciga noqoto inay guushu raacdo hogaanka xisbiga tusaale ahaan SAHAN oo loo xukumay Gaboose, UCID oo loo xukumay Faysal, UDUB oo loo xukumay Rayaale iwm. Guushu aakhirka hogaanka xisbiga ayay raaci doontaa.
Si uu xisbiga kulmiye u noqdo mid lawada leeyahay muusana hankiisa siyaasadeed uga midho dhaliyo waxa muhiim ah inuu sii hayo hogaanka xisbiga isla markaana waxa lagama maarmaan ah in hogaaaminta Siilaanyo meesha ka baxdo si ay u joogsato xisbigan loo adeegsanayo awooda dawladnimo.
Waxaan qabaa muuse iyo ina kaahin inay ka warqabeen inaanay suurto gal ahayn in haddii macaan jeceshu ay siilaanyo soo sharaxaan marlabaad ay kula loolami karaan xisbiga dhexdiisa waayo awooda dawladnimo ee gacantoodu ku jirta darteed. Balse danta ay ka lahaayeen murashaxnimada muuse ay ahayduun inay taageerayaasha iyo guud ahaanba bulashada reer Somaliland ay tusaan xaqiiqada dhabta ee madaxtooyada ka jirta si macaanjecesha iyo siilaanyoba u lumiyaan taageerayaal badan doorashadan soo socota una lose gareeyaan.
Waxay si direct iyo indirect ahba wax ugu sheegeen taageerayaasha xisbiga, waa ta koowaade muuse musharanimadiisu waxay ka turjumaysay inaan xisbiga kulmiye ku qanacsanayn hogaaminta Ahmed Siilaanyo ee dalka loona baahnaa isbedel xisbiga dhexdiisa si guul dambe loo gaadho. Laba waxay tuseen umadda inaan xisbigu ahayn mid la wada leeyahay ee ku kooban group iyo cid gaar ah. Inay isbaraan Ahmed Siilaanyo iyo taageerayaasha xisbiga. Waxay is tuseen hogaaminta siilaanyo oo meesha ka baxdaa inay ugu badinaysaa bahwaynta xisbiga, hogaankiisa iyo guud ahaanba umadda reer Somaliland ee ka rajo dhigay xukuumadan maanta talisa. Fikriyan sidaan qabo way gaadheen hadafkoodii labada mujaahid oo maanta aniga iyo inbadan badiba dadwaynihii sida ballaadhan u support gareeyay in Ahmed siilaanyo hogaanka talada ku guulaysto is baranay mar labaad iyo mar sadexaadba.
MURANKII MA DHAMAADAY MISE WAA WALI
Sida igu maqaalo ah macaan jeceshu kuma qanacsana hogaaminta xisbiga ee labada mujaahid, waxa ay si fiican ugu muuqata in Siilaanyo guul daraysan karo waliba si wayn, dabadeedna xisbiga raga isku hayaa ay isla gali doonaan maxkamada sharciga, haddii ay taasi dhacdona xisbiga taladiisa loo xukumi doono hogaanka maadaama xukuumadoodii meesha ka baxday, sidaas darteed si ay u hantaan hogaaminta xisbiga inta ka horreysa doorashada ee ay adeegsan karaan awooda dawladnimo waxa ka go an inay mar kale soo rogaal celiyaan oo GAL DACWADEED la hordhigo siilaanyo si labadan mujaahid looga takhaluso, arrintani way ku adkaan doontaa maxaa yeelay labadan mujaahid way kasii gaashaateen oo aqbalaadii goaamadiii guurtida iyo ganacsatadu waxay ahayd siyaasad aad u qurux badan oo ay dheeleen, maxaa yeelay nimankii shalay laga hiiliyay ee aqbalay wax walba in siilaanyo mar kale ka daba yimaado way ku adkaan doontaa oo doorkan isagaa loo arki doonaa tuke baal cad oo meeli u cadahay.
waxa la odhan karaa muuse maalinta laga badiyay waa maalinta hogaanka Xisbiga laga qaado ama doorashada uu siilaanyo dib ugu guulaysto taasoo ay u badantahay inuu siilaanyo rumeeyo riyada macaan jecesha xisbiga taladiisana uu gacanta u galiyo, labada mujaahidna mariyo waddo cad oo toos uga saari karta siyaasada guud ahaanba.
Isku soo wada duuboo filo dagaal qadhaadh oo macaanjeceshu ay kusoo rogaal celin doonto hogaanka xisbiga waayo maanta iyaga ayay ku foorartaa sida ay wax u socdaan, mana aqbalayaan. Hopeka qudha ee ay leeyihiin waa siilaanyo oo guulaysta doorashada soo socota taasina aadbay u adagtahay probabilityigeedu. Arrimahani waxay muujinaysaa inaan khilaafka kulmiye wali fari ka qodnayn.Faalladii Osman Alabohaye Chartered Certified Accountantosmani@accamail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xisbiyadda Mucaaradku Ha Abaabulaan kacdoon Lagu Ridayo Nidaamka Siilaanyo Kol Hadii uu Jabiyey Shuruucdii Dalka u Taalay Isla Markaana Ku Tuntay Dastuurkii Dalka.

$
0
0

Xukuumadda siilaanyo ayaa waxay ku tumatay shuruucdii dalka isla markaana waxay jabisay dastuurkii dalka u yaalay,oo wax kasta gacmaheeda ayey ku banaysatay,oo  maanta waxay maraysa in xaqii dastuuriga ahaa ee muwaadiniinta ku tumanayso oo aysan cidna waxba ka weydiinayn.
Dastuurka Somaliland ayaa damaanad qaaday xoriyada hadalka iyo ganacsiga xorta ah,xukuumadii siilaanyo inta ay soo dhaaftay dastuurkii dalka oo ay jabisay ayey taagan tahay wargeysyadii HAATUF IYO HUBAAL dib u soo bixi maayaan,miyeysan ogeyn in dastuurka qaranku damaanad qaaday in meherada muwaadinku ku shaqaysan karayo oo aysan cidina alabaabda u xidhi Karin ilaa uu isu iska xidha mooyaane, waxay maraysa xukuumadii siilaanyo inay xidhxidho cidii ka afgaar duwanaata oo waxay  leedahay maxaad xisbiyadda mucaaradla ugu biirteen ayay shacabkii ku haysataa.
Halka musuqa,eexda,qabayaaladda,boobka hantida umadu marayo waxa la odhan karaa waa halkii ugu liitaday mudadii ay jirtay Somaliland ee ah dhawr iyo labaatanka sanno,marka uu dalkii marxaladaasi isa saran marayo waxa xisbiyadda Somaliland iyo madasha wada tashiga la gudbaan inay qabtaan kacdoon la dhan ah nidaamka siilaanyo oo dadka iyo dalkaba lagu badbaadinayo.
Hadii aan sida maanta dalku yahay wax laga bedlin waxa dhici karta maalin aan waxba lag qaban Karin oo dadka shacabka ah ee cabudhsani furka tuuro oo loo tag waayo oo la waayo in kacdoonkaasi damisa,marka in at ay goori goortahay wax halaga qabto nidaamka siilaanyo ee dalkii burburinaya ee sharcii dalka iska laabay ee maalinba wax uu doono samaynaya ,waxaasi oo dhan looma dulqaadan karo ee ha laga kaco fadhiya.
Dadka qurba joogta ahi iyaguna dhinacooda ha ku mudaharaadaan wasiirada u soo tamashla taga isla markaa runta ha u sheegaan oo xaqiiqda farta ha saaraan waayp waxya moodayaan in aysan qurba joogta Somaliland waxba kala socon waxa dalka ka socda oo waxay isiin soo doontaan lacag ay ku maxaabsadaan wadooyin ayaanu dalkii ka dhisanaa waa beentood ee waxay sii balaadhiyeen boobkii hantida umadda ee ay ka wadeen gudaha dalka ayay doonayaan inay u soo waaridaan dalka dibadiisa,ee sidaasi u ogaada qurbakoogow.
By: Axmed C/risaaq Maxamed
Email:axmed-1994@hotmail.com
Hargeysa/Somaliland
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

HADDII QAYLADA GOLAHA BAARLAMAANKU SIIRAANYO DHEGTIISA GALI WAYDAY. MARKA NIN WALIBA QOONTIISA RAADSADO, SIIRAANYO GOSHIISA LAGU BADBAADI MAAYO. HABARJECLONA QABYAALADDA MAHADINMAYSO.

$
0
0

Waxaad mooddaa marka aynu leenahay xukuumadda ayaa waxaa gaysatay, inaynu ka wareegayno runta, oo kolba meel aanay gartu lahayn, isku maaweelino. Waynu wax badan aragnay, sharciga dalka ee ummadda kala haga in xukuumadda siiraanyo intay ku tumatay, garaadkeeda waxay ka aragto ku tallaabsato.
 
Waxay dhacday wax badan in dadku ka warwareegay inay si toosa u cambaareeyaan cidda eedda iska leh, ee moodaysa inay dadka ku dul soconkarayso. Waa garaad xumo in siiraanyo garanwaayo waxa dadka kale ka wareegayo, ee qof waliba iska ilaalinaayo. Waa garasho xumo labaad in marka uu arrin ku tallaabsado ee xaalka si kale loo dhigaba uu tu ka sii daran ku tallaabsado.
 
May ahayn maanta in siiraanyo uu dhaqan xumo iyo sida addoonta u fakiro, oo wax kasta oo aanu xaq ulahaynba gaadhay inuu sameeyo. May ahayn maanta in siiraanyo kala garan waayo, in awood baaddila ruuxna samaynkarayn, oo badheedh cidwalba ugu talaxtagayo xuquuqdiisa.
 
Waa la yaab in siiraanyo uu xabsi, xadhig, dil, iyo xadgudub aan dadnimada meel ka soo galin u gaysto muwaadiniin aan tiro lahayn. Waxa yaaba halka uu siiraanyo ku socdo, marka uu xeer kasta oo dadka qabtaba soo dhaafo. Waxa yaaba marka siiraanyo sida carruurta wax qof wayni u badheedhin iyo wax laga xishoodoba aanu u meeqaan deyin, ee isaga oo og,  uu badheedh iyo ula kac ugu samaynayo dad muwaadiniin ah.
 
Siiraanyo hadduu adeegsanayo, qawlaysato, iyo fallaago uu ciidan ku sheegay, oo beeshiisa ka soo ururiyay. Kuwaas oo dadka qaar dhabbooyinka ka afduubaya, qaarna guryahooda ugu dhacaya habeenbadh, markay rabaanna duhur cad intay xabbad madaxa kaga dhuftaan, cidi isweyddiin.
 
Waxaa la yaab ah meesha uu isku hallaynayo, ee aanu garanayn in haddii runta laysugu yimaaddo uu siiraanyo habarjeclo noqon doono, oo qabyaaladda, iyo tacaddiga uu ummadda ku hayo, ee ay gaadhay in dabadhoon yar oo aan dameeraha caqli dhaamin, sharci kasta u jebiyay, inuu dad muwaaddiniin ah xaqooda ugu xadgudbo. Waxaa la yaableh in kuwa goshiisa ku doogdhabay, ee ummadda ugu hanjabayaa maxkamadaha dhexdeeda aanay mahadin doonin.
 
Maanta inay gaadhay halkii siiraanyo rabay, ee looga taag la’aa. Waxaa la marayaa in ruux walba ku quus qaatay, sida xuquuq bani aadan, iyo mid Eebaheen inoo dhawroba aan la eegaynin. Ee la gaadhay in siiraanyo maxkamadaha inamada uu dhigtay waxuu rabo xukun ka dhigayaan. Ee madaxbuuxin ilma siiraanyo, waa inta beelnimo ugu hoos nool ee ummadda caddaaladdeedii, iyo xeerarkii qarankaba ka sare martaye, ay cid walba in loo xidho gaadheen.
 
Waxa maanta caddaatay in golaha guurtidu moqday gole habarjeclo, oo saleebaan gaal siduu rabo ugu takri falo, golaha kalena awooddiisii kala dhantaalantay, oo beesha siiraanyo iyo inta uu cago ku qaataa, hortaagan yihiin. Kolayba uu ugu horeeyo mid aan lafihiisana uroonayn, lafo islaameedna uroonayn, oo jecel inuu balaayo walba ka mid ahaado. Waa mr. Nacnac.
 
Waxaa haddaba maanta cad inaan dawlad iyo xukun midna wax laga sugi doonin. Waxaa cad inaanay jirin xukuumad qaranku leeyahay oo xil saaranyahay, ee ay jirto xukuumad habarjeclo, oo siiraanyo iyo saleebaan gaal u yihiin gadhwade.
Waxay cid waliba ka dharagsantay inaanay jirin xukuumad garqaadata oo meesha joogtaa, ase ay tahay beel aan garna qaadan, jidbixina aan lahayn, haddii kale oo ay erayadani dadka qaar la qadhaadh yihiin waxaynu arki lahayn intaas oo foolxumo oo siiraanyo, ama saleebaan gaal gaystay, cid uun ka hadasha, ama garawshiiyo ka bixisa ama cambaaraysa.
 
Waxaa haddaba maanta qof walba u caddaatay, inuu cidda shakhsiyan godob ka gasha ay noqonayso qofka loo raacayo, ee aanay jiri doonin in xukuumad, iyo maamul ayaa eed gaystay aanay noqon doonin. Warancadde haddii loo soo dhiibo ciidamo qawlaysato ah, oo uu nabadsugid ku sheego, waxay gaystaan ha ogaado in ay isaga luquntiisa sudhan tay oon ninna nin kale u raacaynin, intuu aayar fallaago amar siiyo oo yidhaa dad soo laaya.
 
Ma dhacayso in xukuumad qofdambe eedeeyo, marka siiraanyo si badheedha cid hagardaamo ugu gaysto, ee uu noqondoono nin u qoollan ee aan looga tagaynin, xad gudubka uu ruux ku sameeyay, ama ha noqdo addoonka inanta ka qaba, ama wejixun, ama labada kale ee awood aanay lahayn ku takri fala eh.
 
Inamada maxkamadaha uu siiraanyo ugu laqimo waxay dadka xukun uga dhigayaan ha ogaadaan, hadday tahay inanka xeer ilaaliyaha lagu sheegay, aadan saciid, ama inanka shahaadadda darajada ugu hoosaysa ku gudbay, ee aan weli layli dhaafin, ee la yidhi asad , ha ogaadaan inaanay cidkale dambigeeda qaadanaynin xadgudubyada ay qofka muwaadinka ah kula kacaan, iyo xad gudubyada ay shacbiga ugaystaan, iyagana lagala xisaabtami doono,
Ma dhici doonto in baashe morgan siiraanyo sharciga ka kormaro, oo siiraanyo amar ku bixiyo in loo xidho qofka uu doono.
 
Dhici mayso in madaxtooyadu noqoto meel xawaaladda siiraanyo ee dahabshiil ku amar kutaaglayso, ee madaxtooyadu noqoto dundumo habarjeclo dadka ugu tashato, oo xadhig, xabad, iyo dil kala daasho shacbigii dalkan u soo halgamay ee dhiiggoodii ku bixiyay inaanay tan maanta taagani ku dhici lahayn.
 
Siiraanyo intaa kaga filan somaliland, qof kastaana waxa uu dakanadiisa u doonanayaa qofka ka galay, ee sidaa huwan loo ahaan maayo, iyo cambaarayn aan cidna loo aanaynayn oo maamul lagu koobo.
Waxaynu ognay inaan ruuxna lagu gooban karin, ee sharci darrada siiraanyo ku socdaa keenayso, in qofwalba tolyeesho, hadhawna aan qof ka itaal roon qofkale jiri doonin.
runtuna runta ayay tagaysaa siiraanyo hunbannida uu ku rabaystay meesha ee fallaagada ah, oodda ha ka soo qaado. Cidda markaa ay dambarsato ha la arkee.
 
Haddii sharcigu siiraanyo u dhadhami waayay, oo gacantiisa ka jeclaaday, halla eego halka ay la gasho.
 
 
Eng. Youssuf AhmedJicsin@hotmail.com
London  U.  K.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maxaad Ka Ogtahay Xaaladda Xabsiyada Somaliland, Yaa furan doona la-haysteyaasha!

$
0
0

Saldhigga Dhexe ee Hargeysa waxa ku xidhnaa qaar ka mid ah odayaashii la safnaa Mujaahid Muuse Biixi Cabdi xilligii uu muranka siyaasadeed ka aloosnaa cidda noqonaysa murashaxa Xisbiga ugu loollamaysa doorashada qorshaysan sannadka dambe haddii Alle idmo oo aan weli xorriyaddooda helin. Gaar ahaanna waxa aan arkay kuwo loo taxaabay tuhunno ku aroora kala-daadintii shir ay abaabulayeen madax-dhaqameed ka tirsan beelaha Gobollada Gebiley, Maroodijeex, Hawd iyo Saaxil oo lagu taageerayay Madaxweyne Siilaanyo, balse ay kala caydhiyeen dhallinyaro iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanka Galbeedka Hargeysa.
Xaaladda nadaafadeed ee Xabsigu waxa ay ahayd mid aad u liidata. Waxa la gelayay musqulo bilaa albaab ah oo urtoodu ay sanka didinayso, xilliyada qaarna waxa go’a biyaha.! Werwerka ugu weyni waa sidii loo heli lahaa biyo loo isticmaalo weyso, qubeysi, dhuuni iyo nadaafad. Hal mar ayaa 24kii saacadoodba la xaadhaa qashinka goobta yaalla. Waxa ayaan-darro kale ah in xaddiga maxaabiistu uu gaadhayo ku-dhawaad konton qof, sidaas awgeedna waxa la waayaaa meel la kala seexdo habeenkii.
Saldhigga dhexe ee Hargeysa waxa ka buuxa dulinno nafta u diidaya jiif iyo joogba! Haddii aad ka fekerto hurdo, waxa aad misana xasuusanayaa qaniinyada nooleyaal ay ka mid yihiin dukhaanka (kutaan), takfi, injir IKK. Ma jiro xeyndaab lagu kala sooco dembiileyaasha iyo dadka ay ka mid yihiin ardayda, siyaasiyiinta iyo maxaabiista loo taxaabo kiisaska fududi. Ayaan-darro kale waxa ah in laba habeen oo aan halkaas seexday misana ay askartu soo qabteen kooxo cabsan oo ka tirsan ciidammada asluubta iyo dawladda hoose ee Hargeysa, kuwaas oo saqdhexe loo soo gudbiyay halkii aanu hurudnay. Waa yaab in markiiba la sii daayo ragga dawladda u shaqeeya ee ku jira dhagaraha uu khamrigu kowga u yahay.
Waxa aad arkaysaa qof xidhan muddo gaadhaysa bil iyo dheeraad oo aan maxkamad la horgeynnin. Waa ku tumasho badheedh ah oo lagu mijaxaabinayo xuquuqda muwaaddiniinta Somaliland. Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee laga cabanayo waxa ka mid ah
1. Caddaalad-darro
2. Eex
3. Qabyaalad
4. Wanjalaad
5. Laaluush
6. Meermeerin
7. Jidhdil
8. Isku dirka iyo kooxaynta maxaabiista iyo
9. Carruuro lala xidhayo tuug iyo budhcad.
Waxa meesha ka maqan kormeerkii Wasaaradda Caddaaladda, arrimaga gudaha, saxaafadda iyo haayadaha u dooda xuquuqda Aadamaha. Hadba kii lacag leh ayaa loo adeegaa, kii ku tiirsan wasiir ayaa la xushmeeyaa! Kii tabar iyo taagyarna waa lagu durduriyaa. Saska ugu weyn waxa laga qabaa warbaahinta iyo xog-tebinta. Ma meesha sidaas ah ayaa Somaliland ku taallaa? Ma sidaas ayay Xukuumaddu ku sheeganaysaa hoggaamin suubban oo sacab loogu tumayaa?..
Waxa ku jiray dulmaneyaal kala duwan oo ay ku tacaddiyeen ganacsato laaluush bixisa, boolis shaqadiisa gudan waayay, wasiirro shacabkooda xidha oo aan cidina waxba ka weydiin, askar ka tirsan ciidanka booliska oo uu xadhig, xannibaad iyo xayiraad isugu daray ninka ku magacaaban Taliyaha Guud ee Booliska Somaliland, carruur aan qaadhin, muwaaddiniin u dhalatay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya oo ay xukuumaddu tun-jileecsatay. Ma sidaas ayaynu ku rabnaa in la furo xuduudaha Wajaale iyo Lawyacaddo…….. Alleylehe waxa aan barasho wanaagsan leeyahay bahda qaabbilsan nabadgelyada Somaliland
La Soco haddii Alle idmo
Siciid Maxamuud Gahayr
Facebook Imaam UDUBSOOR KABADHEERE DIBAD
Hargeysa
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


26, June:Murashaxa Madaxweynaha UCID oo Hambalyo U Diray Shacabka Somaliland

$
0
0

Maanta oo ay tahay 26kii Juun, oo muddo afar iyo konton sanno ah laga joogo markii uu qarankani xornimadiisa ka qaatay dawladda Ingiriiska, waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacbiweynaha Somaliland ee xusaya dhacdadan taariikhiga ah meel kasta oo ay joogaan. Waxa aan Alle ka baryayaa in uu sannadkan sannadkiisa inagu gaadhsiiyo bashbash iyo barwaaqo.
Waa maalin ku suntan qalbigeenna. Waa maalin aynu helnay waayo-aragnimo weyn, xorriyaddii aynu qaadannay xilligaasn waxa aynu haysannay afar cisho oo qudha. Waxa mahad leh Ilaahay oo inoo suurtogeliyay in aynu la soo noqonno madax-bannaanideenna 18kii Mey 1991kii kaddib markii aynu galnay halgan iyo dedaal mug leh. Maantana waxa aynu nahay qaran buuxiyay dhammaan shuruudihii dawladnimo, waxa uu xil inaga wada saaran yahay in aynu si xilkas ah uga wada shaqaynno masuuliyadda guud ee inaga saaran horumarinta iyo hore-u-socodka waddankeenna.
Ugu dambayntii waxa aan shacbiga Somaliland si kal iyo laab ugu dirayaa bariido gacaltooyo, waxa aan leeyahay aynu dhexda u xidhanno geeddi dheer oo aynu ku xaqiijinno hadafka iyo yoolka uu qarankani u taagan yahay.
Siciid Maxamuud Gahayr
Laanta Warbaahinta ee Akadamiga Cilmi-baadhista iyo Waxbarashada
Hargeysa, Somaliland
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Musuq-maasuq hadheeyay waaxda garsoorka.Q.10ad

$
0
0

Waxaynu maalin walba maqalaa dastuurka ayaa kala madax baneeyay saddexda waaxood ee kala ah:1.Fulinta2.Sharci-dejinta(Wakiilada & Guurtida)3.GarsoorkaSidaa waxa caday-naya dastuurka qodobka 37aad,firqadiisa 2aad ee hoos ku xariiqan:QAAB-DHISMEEDKA QARANKA QODOBKA 37AAD AWOODDA IYO KARAAMADA QARANKA
2. Dhismaha Qaranku wuxuu ka kooban yahay saddex waaxood oo kala ah: Xeerdejinta, Fulinta iyo Garsoorka. Kala xadaynta awoodaha saddexda waaxood waxay noqon doonaan sida uu Dastuurku dhigayo. Waax waliba awoodda Dastuurku u gaar yeelay way u madax bannaan tahay.Hadaba bal aynu eegno qodobka isaguna caday-naya hawlaha waaxda garsoorka farayo ku dhaqan-kooda:QAYBTA AFRAAD XUBINTA 1AAD WAAXDA GARSOORKA QODOBKA 97AAD
2. Waaxda Garsoorku waxay hawlaheeda u fulinaysaa si Dastuurka waafaqsan, iyada oo ka madax-bannaan waaxyaha kale ee Qaranka.Firqadan 2aad ayaa tilmaamaysa madaxbanaanida waaxda garsoorka balse ma jirtaa sidan dastuurka ku cad? Waa maya ee waxa madaxa kaga fadhiya waaxda Fulinta? Hadaan tilmaan ka bixiyo waxa xaqiiqa ah wasaarada cadaalada iyo guddida cadaaladu inay madaxa kaga fadhiyaan waaxda garsoorka oo sidaynu ognahay wasaarada cadaaladu ka tirsantahay waaxda Fulinta! Taa waxa barbar taala Gudoomiyaha maxkamada Sare,ahna Gudoomiyaha maxkamada dastuurka uma madaxbanaana inuu arrimaha qaar talaabo ka qaado waaxda garsoorka ee uu madaxa ka yahay ilaa uu u gudbiyo xeer-ilaaliyaha guud isaguna oogo eeda una gudbiyo guddida cadaalada oo ay u badantahay xubnaha qaarkood inaanay aqoon sharci uba lahayn.Tusaale:1.Magacaabista Garsoorayaasha ka soo jeeda mashruuca UNDP iyo wasaarada cadaaladu ugu talo gashay kor u qaadida tayada garsoorayaasha.2.Eriga garsoorayaasha hawshooda hanan kari waaya.Labadaa talaabo waxa go’aanka wada leh guddida cadaalada oo ay wasaarada cadaaladu ku lingaxantahay(Agaasimaha..Xubin) iyo gud.Maxkamada Sare.Nidaamka noocan ahi waxa inooga muuqata inaanay garsoorku ka madaxbanaanayn Fulinta.Bal hada aynu ku noqono qodobada dastuuriga ah ee arrinkan ka hadlaya:QODOBKA 108AAD HAWSHA GUDDIDA CADAALADDA

  1. Guddida Cadaaladdu waxay u xil-saaran tahay: shaqo-siinta, xil-ka-qaadista, dallacaadda, hoos-u-dhigidda, bedelaadda iyo anshax-marinta garsoorayaasha maxkamadaha hoose (maxkamadaha racfaanka, gobollada iyo degmooyinka} iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud. Shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Garsoorka waxay hoos imanayaan xeerarka shaqaalaha Dawladda.

Qodobkan isna waxa uu caqabad ku noqday madaxbanaanida garsoorka.Waxa kale oo jira qodob ka hadlaya dhismaha guddida cadaalada,waana sababta keentay inay isku milmaan garsoorka,guddida cadaalada iyo Fulinta(Was.Cadaalada):QODOBKA 107AAD GUDDIDA CADAALADDA
1. Gudidda Cadaaladdu waa hay’adda hoggaamisa maamulka Garsoorka, waxayna ka kooban tahay:
• Guddoomiyaha Maxamadda Sare Guddoomiye
• Labada garsoore ee ku xiga dhinaca darajada
Guddoomiyaha Maxamadda Sare Xubno
• Xeer-ilaaliyaha Guud Xubin.
• Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Xubin
• Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Xubin
• Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo
• Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar; kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta.Markaan dhengada ku dhufto halka cadaaladu ka taabo geli wayday waa:1.Maamulka garsoorka oo dastuurku gacanta u geliyay guddida cadaalada(Si aan garsoorku seetada u goosan).2.Waaxda Fulinta oo siyaasiyan madaxbanaanida garsoorka ku xakamaysay xubin-nimada wasaarada cadaalada(Agaasimaha guud).Waxa aan filayaa inay dastuurka inooga bidhaantay qaabka garsoorku aanay Fulinta uga madaxbanaanayn.Sidaa darteed ayaa waaxda garsoorka waxa ku dhacay madax-xanuun aan dawo lahayn,waana ta garsoorka ku keentay dhaawaca ka muuqda,isna dhex yaacdo tayayntii iyo sugida cadaalada.Nin ayaa laga hayaa(Aqalkaan dhisaba markaan yar dheel-mado taloow yaa dhidibada u saara).La Soco………………Xuseen Xasan BadmaaxBadmah100@hotmail.comHargeysa/JSL
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xisbiga Ucid Oo Xaflad Soo Dhaweyna Magaalda Ber-Bera Ugu Sameeyay Aqoonyahanada Iyo Dhalinyarada Jaamacadaha Ee Gobalka Saaxil.

$
0
0

Ber-bera(HalbeegNews)-Xisbi Mucaaradka WADDANI Ayaa Madal ilyartu is qabatay oo caawa Ka dhacday magaalada Berbera Ee Gobolka Saaxil kusoo Dhoweyay Aqoon yahanka iyo Dhalinyarada Gobolkaasi Ee Jaamacadaha oo taageeradooda si midaysan ugula soo Biiray Xisbiga WADDANI.
 
Gudomiyaha Xisbigaasi Md:- Cabdiraxmaan ciro iyo Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan hogaanka xisbigaasi Ayaa munaasibadan Ka Qayb galay.
Waxana Dhamaanba Hogaanka Xisbiga WADDANI iyo masuuliyiinti halkaasi ka hadlayba  si isku mid ah usoo dhoweeyeen Cududa Taageero midaysan Ee Dhalinta Gobolkani kula soo biireen Xisbiga WADDANI.
Geesta kale dhalinyaradan ayaa dhankooda ku baanay sida ay uga midaysan yihiin ka gobol ahaan taageeradda hiil iyo hooba ee ay u hayaan Xisbiga WADDANI.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Shir looga hadlayay deegaanka oo lagusoo gabagabeeyay Nairobi

$
0
0

Shirka golaha deegaanka ee Qaramada Midoobay (UNEA) oo caawa lagusoo gabagabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa looga hadlay qodobo ay kamid yihiin, in dowladaha ay u istaagaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka deegaanka lagu hayo, sida xaalufinta deegaanka, dhoofinta faanta maroodiga, dhuxusha iyo waxyaabaha kale ee sharcidarrada ah. Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maxay Ku Kala Duwan yihiin Marwooyinkii Soo Maray Qasriga Madaxtooyadda Somaliland?

$
0
0

Hadii aynu ka soo bilawno Marwadii Madaxweyne Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir waxay ahayd marwo deeqsiyad ah oo edab badan oo dadka oo dhami jecel yahay ,inkasta oo aysan talada dalka la maamuleyn madaxweyne cigaal ,hadana marka masuuliyiintii ka ag dhaweyd ee had iyo jeer ku booqan jiray madaxtooyadda marka ay ka sheekeynayaa waxay ku tilmaamaan inay ahayd qof dadnimo leh,oo geesiyad ah isla markaana cidii u soo gashaa aysan ku qadi jirin gurigeeda,waxay ahayd aqoon yahanad ku sifawday gobonimo inay dadka kula dhaqanto mudadii ay xafiiska dalka looga talityo joogtay.
Marwo Huda Markhad marwadii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxay ahayd qof deeqsinimo leh oo fariid ah, inkasta oo ay dhinaca maamulka odageeda soo fara gelisay oo ay mar maka qaar talin jirtay hadana waxay ahayd deeqsiyad aan gurigeeda lagu qadin ,waxay ahayd qof marka aad u soo gasho aad dareemaysid inaad soo gashay guri wanaagsan oo hooyo wanaagsani joogto,waxay inta badan wax tari jirtay mashaariicda horumarineed ee laga fulin jiray dalka ,waxayna ku darsan jirtay lacago aad u tiro badan waxaa la tilaamee marka ay ugu yar tahay waxay ku darsan jirtay toban kun oo doolar isla waqtigaasina way bixin jirtay ,waxay ahayd hooyo lagu hoodmay ,waxay ahayd hooyo wanaagsan.
Marwo  aamina waris waxay tahay marwo inta badan talada dalka gacanta ku haysa ,dadka ka ag dhaw waxay ku tilamamaan marwo  aan waxba bixin oo hadii aad maanta dhan gurigeeda joogto ka heli maysid xitaa koob biyo ah ,ayay yidhaahdaan dadka ka ag dhaw,aniga laftigayga ayaa waxan ka qayb galay dhawr mashuruuc oo lagu horumarinayey dalka waxay ku darsatay kun doolar oo kaliya,inta badan dadka munaasinadahaasi ka soo qayb gala way qawadaan lacagta yar ee ay ku deeqdo,inkasta oo gacan ahaydgaasi lagu sheego ayaa waxay awood badan ku leedahay talada dalka oo waxay ka mid tahay dhawrka qof ee wax maamula,waa marwo da’deedu ku dhaw dhawdahay ilaa 70 jir.makhaylnimada ilahay ayaa laga baryaaye,waxa lagu tilmaamaa marwada siilaanyo in ay tahay qof ad adag oo naxariistu ku yar tahay.
By:Ayaan Maxamed Cali
Email:ayaanladan1@gmail.com
Berbera/Somaliland
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live