Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sylvester Stallone RAMBO oo filim cusub oo ka sameeyey burcad badeeda somalida

0
0

Filim la yiraahrdo The Expendables oo uu jilayo Sylvester Stallone oo somalidu u taqaaan RAMBO ayaa shineemooyinka qaar dhowaan soo koridoona iyadoo filimkan laga sameeyey burcad badeeda somalida ka qowleystay xeebaha dalka somalia.

Horey ayaa Hollywoodka mareykanku horey uga sameeyey filimo tira badan oo ku saabsan somalia iyadoo labadii sano ee ugu dambeysay ey soo baxeen laba filim oo ku saabsan burcad badeeda somalida iyo filim laga smaeeyey gabadh soomaalyeed oo la yiraahdo Waris Diiriye kaas la yiraahdo Desert Flower.

Horey ayaa somalida looga sameeyey filim caalami ah oo la yiraahod Black Hawk down oo laga sameeyey dagaaladii mareykanka iyo somalida ku dhexmaray magaalada Muqdisho kaas oo sababay in mareykankau ciidamadiisa kala baxo somalia.

Si kastaba, markii loo fiiriyo somalida Africa inteeda kale ayaad waxaad moodaa inuu yahay wadanka ugu badan oo laga sameeyey filimada kuwaas u badan kuwa dagaal iyo shiddo ah.

halgankanet@gmail.com


Muxaadaro Cusub Axkaamta Soonka Sh Maxmed Umal Qeebta 3

Muxaadaro Cusub Axkaamta Soonka Sh Maxmed Umal Qeebta 4

Muxaadaro Cusub Diintu Waa Naseexo Sh Mustafa x. Ismaaciil Qeeta 1

Ciidamada AMISOM oo Muqdisho isku balaarinaya iyo Saldhig Cusub oo ay ka sameysteen qeybo ka mid ah degmada Dharkeynley

0
0

Ciidamada AMISOM ee sida ay sheegtaan Muqdisho u jooga ilaalinta Nabad aan meeshaba oolin ayaa hadda u muuqda kuwo isku balaarinaya magaalada Muqdisho.

Cutubyo ka ka tirsan AMISOM oo wada gaadiidka Dagaalka Taangiyaduna ay ku jiraan ayaa saldhigay saakay deegaan u dhexeeya Xoosh iyo Ex-Koontarool Afgoogye.

Dadka deegaanka oo saakay waaberigii mar qura ku barraahay qulqulka ciidamadan ayaa muujinaya welwel maadaama Ciidamadan kooxaha ka soo horjeeda meel kasta oo ay degaan weeraro ku qaadaan, weeraradaas oo ay jawaabtoodu noqdaan Duqeyn aan kala sooc laheyn iyo barakicin shacabeed daran.

Ujeedada ka dambeeysa guurguurka iyo saldhigyo sameysigan cusub ee AMISOM ayaan la ogeyn in uu raad ku leedahay wax ka bedelkii lagu sameeyay awaamiirtooda shaqo iyo in kale balse la arki doonee waxa ka soo baxa dhaqdhaqaaqyadan Milateri ee ugubka ah.

hlgankanet@gmail.com 

 

Madaxweynaha Puntland; "Waxaan qabqabanay Dhalinyaro Koofurta Soomaaliya ka soo jeeda oo Gurmad u ahaa Xoogaga Atom"

0
0

Cabdiraxmaan Faroole, hogaamiyaha maamul goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ee Puntland oo warbaahinta qaarkood la hadlay ayaa sheegay in ciidamadiisu qabqabteen dhalinyaro ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya oo ku sii jeeday jiida dagaalka u dhexeeya Ciidamada Puntland iyo Shiikh Atam.

Faroole oo sii faahfaahinayay dhalinyaradan goobaha ay ka qabqabteen ayaa sheegay in magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe ay ku qabteen Dhalinyaro aad u fara badan oo gurmad u ahaa xoogaga uu hogaamiyo Shiikh Atamka Alshabaab lagu xagliyo in uu xiriir hoose iyo gacan saarba la leeyahay.

Laakiin dad ku nool Puntland qaarkood ayaa sheegaya in dhalinyaradan la qabqabtay ay ubadan yihiin kuwa Tahriib ah iyo weliba qaar kale oo ehelkooda la joogay balse asal ahaan ka soo jeeda Koofurta Soomaaliya.

Kal hore ayeey aheyd markii maamulka Puntland uu Tarxilay Shacab aad u fara badan oo markoodi hore ka soo guuray deegaanada Koofurta Soomaaliya dagaalada dabada dheeraad dartood.

Maamulka Puntland ayaa dagaal lagu kala qeysan yahay cida uu dhexeeya kula jira Shiikh Atam, Hogaamioye diimeed/deegaaneedka sida uu sheegay u dagaalamaya soo celinta xuquuqda dadka uu ka dhashay.

halgankanet@gmail.com 

Muxaadaro Cusub Diintu Waa Naseexo Sh Mustafa x. Ismaaciil Qeeta 2

Wasiir Cabdi Qeybdiid; " Galmudug State iyo Somaliland waxaan ugu baaqahayaa in ay gurmad la gaaraan ciidamada Puntland"

0
0

Cabdi Qeybdiid, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Xukuumada Soomaaliya oo saxaafada la hadlay ayaa daboolka ka qaaday in dagaalada ka socda Puntland ay gaari doonaan meel halis ah haddii aan gacan la siin ciidamada Puntland ee la dagaalamaya Maleeshiyada Shiikh Atam.

"Colaada ka taagan Puntland waa mid looga golleeyahay in lagu wiiqo nabadda ka jirta halkaas waxaana ugu baaqahayaa Maamulada Galmudug iyo Somaliland in ay gurmad ciidan u fidiyaan Ciidamada Puntland ee la dagaalamahaya Maleeshiyaadka Galgala ku jira" Sidaas waxaa cod dheer ku yiri Cabdi Qeybdiid.

Hadalkan wasiir Cabdi Qeybdiid ayaa ku soo aadaya xili sida ay sheegeen madaxda maamulka Puntland ciidamadii Shiikh Atam ee ku jiray Buurta Galgala halkaas laga saaray inkastoo ay weli ku sugan yihiin isla deegaanka Puntland meelo ka mid ah.

halgankanet@gmail.com  

 


Baarlamaanka Soomaaliya oo aan weli ku heshiin sharcinimada Xukuumada Ra'iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke

0
0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo mararka qaar aad ugu mashquula Mooshinno damac gaar ahi uu dabada ka riixayo ayaa weli isku afgaran la' sida ay ka yeelayaan xukuumada Soomaalida ee dhowaan Mooshin ka dhan ahaa laga laabtay.

Xildhibaan Maxamad Nuur Sheegoow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ee qaba in Xukuumadu sharcidarro ku shaqeyneyso mar haddii aan miisaanka kalsoonida Xildhibaanada aan la saarrin isku shaandheyntii lagu sameeyay ka dib ayaa Ra'iisal wasaare Sharma'arke ugu baaqay in uu xukuumadiisa Baarlamaanka uga raadiyo Codka Kalsoonida.

Sheegoow wuxuu ku adkeysanayaa in isaga iyo Xildhibaano kale ay qabaan in Xukuumada loo qaado Codka Kalsoonida sidaas darteedna aan laga maarmin in muranka Xildhibaanada ee Xukuumada ku saabsan sharciga lagu xaliyo waa siduu hadalka u dhigaye.

halgankanet@gmail.com 

Muxaadaro Cusub Diintu Waa Naseexo Sh Mustafa x. Ismaaciil Qeeta 3

Maxkamad ku taal dalka Mareykanka oo damiin ku sii deysay Haweenkii Soomaaliyeed ee dhowaan halkaas lagu xiray

0
0

Waxay damiin ay ku sii deysay Maxkamad ku taal dalka Mareykanka Haween Soomaaliyeed oo dhowaan lagu xiray halkaas ka dib markii FBI:du ku eedeysay haweenkan in ay taageero dhaqaale siiyaan Xoogaga Alshabaab ee Liiska Argagixiyaasha ugu jira Mareykanka iyo xulufadiisa.

Cabdulaahi Cali Mocow oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqanka Mareykanka ayaa idaacada Shabelle Radio u sheegay in haweenkaas damiin lagu sii daayay islamarkaan ay maxkamdu ku amartay in aysan ka safri karin gobolka ama deegaanka ay ka degan yihiin Mareykanka ee Minnesota.

Sidoo kale wuxuu Mocow sheegay in Haweenkaas lagu amray in ay Maxkamada iska soo xaadiriyaan Bishiiba mar si loola socda dhaqdhaqaaqooda.

Soomaalida ku dhaqan dunida dacaladeeda ay mar walba dulmane u ah Dowladaha waa weyn ee awooda sheegta maadama kooxaha Alshabaabku ka midka yahay ee ee ku xooga badan Koonfurta Soomaaliya ay gudaha dalku waa halkiisee dhibkii dunida ka dhacaba dhabarka u ritaan waxaana sheegashooyinka sharta aduunka ee Aklshabaabku sababeen in Shaqsi kasta oo Soomaali ah il gaar ah lagu hayo.

halgankanet@gmail.com 

Qiimaha qamadiga oo kordhay

0
0

Ruushka oo ah waddanka ugu wayn ee soo saara qamadiga ayaa ka digayin wax soo saarka qamadiga uu yaraan doono sanadkan.

Raiisal wasaaraha Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in waddankiisa
uu soo saari karo oo kaliya 60 million oo tan oo qamadi ah sanadkan,
halka uu sanadkii hore ka soo saaray 100 million oo tan oo qamadi ah.


Ruushka ayaa mamnuucday dhoofinta qamadiga laga bilaabo bishan ilaa bisha December.


Qiimihii qamadiga aduunkana aad ayuu u kordhay.

Muxaadaro Cusub Diintu Waa Naseexo Sh Mustafa x. Ismaaciil Qeeta 4

Muxaadaro Cusub Diintu Waa Naseexo Sh Mustafa x. Ismaaciil Qeeta 5

Sh. Attam "Dagaalka Galgala weli ma dhammaan"

0
0

Degaanka Galgala oo maalmahanba ay ciidammada Puntland ka wadeen hawlgallo ayaa waxaa malliishiyada la weeraray ay sheegtay in aan laga guuleysan.

 

Ciidanka Puntland

Ciidanka Puntland

Maxamed Siciid Atam, oo ka
tirsan kooxda ka dagaallanta degaanka buuraleyda ah ee Galgala, ayaa ku
tilmaamay in aan dhinaciisa looga guuleysan dagaalka ay la galeen
ciidanka Puntland.

Atom, wuxuu ku tilmaamay in ay yihiin ciidan degaan oo Islaamka isku maamula laguna soo dulay.

Wuxuu iska fogeeyay in uu wax gacan saar ah la leeyahay Shabaab iyo al Qaacida, kuwaas oo hore loogu eedeeyay.

Wuxuu uu bixiyay hanjabaad isaga oo sheegay in maalmaha soo socda la maqli doono war hor leh.

Wuxuu ku tilmaamay in ciidankii iyaga ku soo duulay ay hadda la' yihiin meel ay ka baxaan.

Atom, wuxuu Dowlad goboleedka Puntland ku
eedeeyay in ay qandaraas shisheeye ku soo qaadatay in ay soo qabqabato
isaga iyo ciidankiisa, degaannadoodana ay burburiso.

 


Bisha barakaysan Bulshooy ixtiraama Belaayada jooja bilaah Calaykum:by Galeyr

0
0

Waxaan  ku bilaabayaa qoraalkayga alle bari iyo duco maadaama bishii barakaysnayd

Beri bilanayso ee ramaadaan waa bishii quraanku soo degay waa bishii danbi dhaafka

Waana bishii cibaadada ee loogu talo galay inaad ictikaaf iyo istiqfaar lagu dhamaysato

 

Rabiyoow naxariis

Roob da, oo dhulka qooya

Raxmadaada  nasii

Rarankeeda colaada

Raxmaanoow naga qaad

Rafaadkaan nagu raagayna

Risaaqoow naga qaad

Raasamaalka aduunyo

Raran baanu ka qaadnee

Raarta aakhiro eeboow

Ramaas noogu dhamee

Rug barwaaqo ka yeel

Soomaalidan rawaxa ah

Rabiyoow taladeenaa

Ruux wanaagsan u dhiib

Rag yaqaan allahooda

Ruuxna aan dhib u gaysan

Rajo fiican abuura

 

Aamiin aamiin aamin

 

Waxaa dhamaan dunida muslinka ahi isu diyaarisay bisha barakaysan  soomaaliyana ilaa bishii hore

Ilaa tan waxaa ka socda colaada iyo dagaalo aan ujeedo iyo meel loo raaco lahayn

Waxaa dhimayaa waagii beryaba shacab aan wax dhibaato ah u gaysan cidna

Waxaa dheef lagu raadiyaa iyo dhuuni dhiiga umada muslinka ah ee dhibaatadu haysatay

20ka sano waxaa had iyo jeer aad maqlaysaa niman taagan warbaahinta oo la baxay magacyo

Jeebkooda ah, gudoomiye, afhayeen, madaxweyne, wasiir, xildhibaan, amiir , iqb

 

Dhamaantood nin danaha umada soomaaliyeed wadaa kuma jiro waxay u heegan yihiin

Hawlahooda gaarka ah iyo hamigooda aduunyo siday ku hanan lahaayeen.

Waxay halgaadeen shacabkii, waxay hoosaasiyeen nabadii, waxay hadaan ka tuureen ubadkii

Waxay halbowlaha gooyeen  waalidkii dhalay waxay heereen walaalahood

Waxay hunguri ka galay, meel aan haboonayn  ilaahayoow soo hanuuni haduu u hadhay

Hadii kalena rabiyoow  gacan bira nagaga qabo.

 

Imisaa umad kibirtay sidii reer qoom luud, caad samuud, fircoon iyo  kuwo kale

Imisaa
imtixaan ku dhacay reer israa,iil ilaahay ma mooga dhiilada iyo dhagarta
iyo dhaawaca iyo dhimashada dadkiisa lagu hayo balse way dhamaan
doontaa ee dhoohanoow maxaad fali doontaa

 

Muslinamada  maaha
inaad umada dhibaatayso, disho xaqooda qaadato dulmido inaad cidhiidhi
iyo gumaysi geliso, diinta islaamku waa nuur iyo iftiin iyo hanuun iyo
habsamida nolosha waxa ugu haboon ee lagu dhaqmo , maaha wax dadka ka
dhigayaa , dad cun iyo bahal , maaha wax umadaha aan islaamka ahayn lagu
dhibaateeyo waa  wanaag ilaahaay ugu talo galay in lagugu daydo lagaana barto waxaana  diinta islaamka ku cad in aad umada nabad geliso afkaaga iyo adinkaaga

In axsaankaaga bato , inaad samayso tacaaduf iyo dabacsanaan badan si aad u hanato bulshada aan islaamka ahayn.

 

Anigu oo aan jeclayn inaan wax ka qoro ama ka faaloodo  mudona ka gaabsaday qoraalada siyaasada ayaan hada waxaan u bandhigayaa qolyaha  isku haysta dhiigmiirashada shacabka inay u naxariistaan  waxaa la gaadhay waqtigii aad dareemi lahaydeen dhibaatada haysata umada soomaaliyeed dibada iyo gudahaba  ee ku meel gaadh iyo mucaaradba waxaan odhan lahaa  dabka dhiga naga dhiga wada dhiga , waxaan qoraalkayga kusoo afjaryaa , heestan oo aan ugu magacdaray Mashaqo

 

Mashaqo hees

 

Maalintiyo habeenkii

Masiibada dalkaygu

Maatadiyo shacabkiyo

Masaakiinta haysee

Malaayiinta lagu dilo

 

Ma garbaa ma dawbaa

Ma waxaan mutaystaa

Miyaanan dalka lahayn

 

Kuwa madaxda sheegtiyo

Kam mucaaradaayoow

Mawlihiin ka yaaboo

Marastiyo ciyaalkiyo

Masaakiinta dhaafoo

Muslinimada dhawroo

Mar uun yeesha naxariis

 

Maydka aan la duugayn

Madfaciyo rasaastiyo

Miinaada  qarxaysiyo

Macaluusha taallee

Madhisaye dadkeenee

 

Ma garbaa ma dowbaa

Ma waxaan mutaystaa

Miyaanan dalka lahayn

 

Kuwa madaxda sheegtiyo

Kam mucaaradaayoow

Mawlihiin ka yaaboo

Marastiyo ciyaalkiyo

Masaakiinta dhaafoo

Muslinimada dhawroo

Mar uun yeesha naxariis

 

Maleeshiyiyo mooryaan

Mintid iyo muhaajiri

Inta midab xun oo idil

Marasta iyo maatada

Inay madaxa gooyaan

 

Ma garbaa ma dawbaa

Ma waxaan mutaystaa

Miyaananaan muslin ahayn

 

Kuwa madaxda sheegtiyo

Kam mucaaradaayoow

Mawlihiin ka yaaboo

Marastiyo ciyaalkiyo

Masaakiinta dhaafoo

Muslinimada dhawroo

Mar uun yeesha naxariis

 

Waa Qalinkii iyo Hall-abuurkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Abdirihiin1@hotmail.com

 

Somalia oo inta badan oo berrito laga soomayo!

0
0

Inta badan maamulada aan kala warheyn ee ka jira dalka somalia ayaa caawa ku dhawaaqay in maalinta berri ah ay tahay Ramadaan iyagoo ku booriyey shacabka dhamaan in ay Soomaan isla markaana ugu bishaareeyey bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Dawladda KMG ah ee Soomaaliya  Xaaji Maxamed Khayrre ayaa caawa Magaalaga Muqdisho ka sheegay in bisha barakaysan ee Ramadaan ay dhalatay isla markaana maalinta berri ay tahay Ramadaan isaga oo ugu baaqay dhamaan dadka Soomaaliyeed in ay soomaan bisha Ramadaan isla markaana ka faa’iidaystaan wanaagga iyo khayrka bishan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir u qaabilsan Xisbul Islaam Macalin Xaashi ayaa caawa Magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in ay maalinta berri tahay Ramadaan isla markaana looga baahan shacabka Soomaaliyeed in ay ka faa’iidaystaan bisha barakaysan waxaana uu intaasi ku daray in Gobolo kamid ah kuwa Shabeellooyinka laga arkay bisha Ramadaan.

Sidoo kale waxaa caawa xarunta Puntland ee Garoowe bilashada bisha Ramadaan uga dhawaaqay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Dawladda Puntland Cabdi Khaliif Xaaji Xuseen  waxaana uu sheegay in meelo badan oo kamid ah Puntland laga arkay bisha Ramadaan isla markaana maalinta Berri ay tahay Ramadaan dadkana looga baahan yahay Alle ka cabsi iyo adkaynta Soonka iyo fadaa’ishiisa Wasiirka ayaa waxa uu ku booriyey dadka Saoomaaliyeed ee ku dhaqan Deegaanada Puntland in ay si wada jir ah usoo maan isla maraaakan tafaraaruqa iska dhaafaan.

Ugu dambayntiina Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Maamulka Somaliland ayaa caawa waxay Magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland uga dhawaaqday bilshada bisha ramadaan iyadoo dadka ugu baaqday in ay maalinta berri Soomaan bisha barakaysan e Ramadaan.

Sikastaba Culimo’udiinka Ahlu Sunna Wal jameeca ayaa iyagu caawa ku dhawaaqay in meelaha ay ka taliyaan aan laga soomi doonin maalinta berri iyaga oo ku andacooday in aan laga arag bisha Ramadaan.

Sheekh Maxamed Kaariye:::Ducada iyo Shurudeyda:::Qaybta # 1 ...

Madaxweyne shekh shariif oo hanbalyo Ramadaanka ku saabsan diray sheegayna in dagaalka la joojiyo

0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya
Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa shacabka Soomaliyeed ugu hambalyeeyay
curashada bisha barakeysan ee Ramadaan  isagoo ugu baaqay Shacabka in ay
is gargaaraan.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo
isagoo ku sugan magaalda Dubai ee dalka isu-tagga imaaraadka Carabta
Telefoonka ugu waramayay  Radio Muqdisho ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay
shacabka Soomaaliyeed dhalshada bisha barkaysan ee Ramadaan oo maanta ay
tahay maalintii ugu horeysay oo ay Umadaha Muslimiintu ay soomaan.

Madaxweynaha ayaa  sheegay  in bisha  Ramadaan ay tahay  bil barkaysan oo uu Allaah ka ka raali noqonaayo Adoomadiisa
Aduun iyo Aakhiro intaba  loona baahan yahay in laga faa’iideysto
fursadaasi qaaliga u ah umadaha Islaamka islamrkaana aanu Allaah ka
barino in dhibaatada uu naga dulqaado maadaama uu dalka fowda muddo
dheer ku soo jiray  dhiig badan oo muslim ahna loo daadiyay  si macno
daro ah.

Macallin Xaashi oo ku baaqay dagaal inta lagu guda jiro Bisha Ramadan

0
0

Macallin Xaashi guddoomiyaha gobolKA Banaadir ee ururka Xisbul islaam ayaa ku baaqay in bisha ramadaan la dardar geliyo dagaalada lagu la jiro waxa uu ku tilmaamay Ashahaado la dirirka isagoo taageero u muujiyey sh. Maxamed Siciid Atam oo dhowaan laga saaray degaano uu horey u joogay ee teedan Galgala.

Gudoomiyaha gooolka Banaadir ururka xisbul islaam Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo wareysi siiyey qaar ka mid ah saxaafada gudah magaalad muqdisho kan hadlaayey muhiimada bisha Ramadaan ee barakeysan ayaa waxaa uu dhinaca kale waxaa uu ku baaqay xoogaga dagaalka kula jira ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM in ay labo jibaaraan dagaalada ay la gelayaan dhinacyadaasi inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan.

Macalin Xaashi ayaa dagaalka maalmahii la soo dhaafay ciidamada maamul goboleedka Puntland iyo kuwo taabacsan sarkaalka lagu magacaabo Shiikh Maxamed Siciid Atam ku dhex maray deegaano ka mida Puntland waxaa uu ku tilmaamay mid u dhaxeeya sida uu hadalka u dhigay dad doonaaya hirgelinta diinta islaamka iyo weliba kuwo ka soo horjeeda waxaan uu ku baaqay in gacan la siiyo shiikh Atam iyo ciidamada taabacsan.

inkastoo Maclin xaashi Gudoomiyaha gobolka banaadir ururka xisbul islaam in dagaalka u dhaxeey ciidamada Puntland iyo kuwa taabacsan Shiikh Maxamed Siciid Atam uu yahay dagaal u dhaxeeya sida uu hadalka u dhigay dad muslimiin ah iyo weliba kuwo gaalo ah ayuusan hadan sheegin in uu jiro xiriir u dhaxeeya ururka xisbul islaam iyo ciidamada uu sarkaalkaasi horkacaayo.

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live