Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Faala gaaban:Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ma Gudoomiye Baarlamaan, Ra'iisal wasaare mise Madaxweyne?

$
0
0

Shariif Xasan Shiikh Aadan, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay xildhibaanada qaarkood la yaaban yihiin habdhaqankiisa mas'uulinimo waxayna is weydiinayaan Shariifku ma Madaxweynaa, Gudoomiye baarlamaanbaa mise waa ra'iisal wasaare.

Shalay markii qaar ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka laga hor joogsaday in ay gudaha u galaan xarunta baarlamaanka markii Shariif Xasan kolkii xaalada lala socodsiiyana uu yiri Shirarka baarlamaanka ha noo dambeeyaane hana la isugu inta shaqooyinka kale aan soo af meerayo ayaa waxaa arintaas ka coraaday mudanayaasha qaarkoood.

Xildhibaan Cabdulle Faarax Xersi ayaa Shariif Xasan ku eedeeyay in uu ku baayactamayo magaca baarlamaanka islamarkaana ku hawlan yahay amaba faraha kula jiro soo xulida iyo magacaabista xubnaha wasiirada ka noqon doono xukuumada la soo dhisayo, taasina ma ahan wax ka mid ah shaqada uu qaranka u hayo ee waa wax ka baxsan sida uu mudanahani qabo.

Shariif Xasan oo markii hore ay madaxweynaha isku jiireen soo magacaabistii ra'iisal waaare Farmaajo ayaa hadda u muuqda in uu jaraha u hayo shaxda soo xulitaanka wasiirada Xukuumada soo socota ee Soomaaliya waxaana uu aad ugu hawaln yahay baa la leeyahay Shariif Xasan in xubnaha loo dhiibayo wasaaradaha halbawlaha u ah dhinaca siyaasada iyo dhaqaalaha dalka ay noqdaan kuwa uu isagu gacantiisa ku soo xulo.

Shariif Xasan iyo Xildhibaanada garriifsan qaabka u shaqeeyo iyo soo xulista wasiirada soo socda meesha ay ku dambeeyaan aan wada eegno.

halgankanet@gmailcom 


Duwane Maxamad; "Alshabaab lacagta aan siiyay kuma teegeerin ee nafteyda ayaan ku badbaadsanayay"

$
0
0

Duwane Maxamad oo ka mid ah Soomaalida ku eedeysan in ay dhaqaalo ku teegeereen Alshabaab ayaa ka hadlaya eedan loo heysto.

Ninkan oo ka mid ah Soomaalida Kenya ayaa sheegay in magiciisa lagu daray liiska FBI:da Mareykanku ay ku qorto argagaxisada waxaana weliba taas u sii dheer sida uu sheegayo in loo heysto in uu dhaqaale fara badan Alshabaabka ku garabgalay.

"Alshabaab waxaan anigu siiyay 3000$ waxaana u siiyay in nafteyda aan ku badbaadsado sababtoo ah waxaan markaas joogay Muqdisho" Sidaas waxaa ku dooday Duwane.

Soomaali badan ayaa ku eedeysan in ay dhaqaalo siiyaan Alshabaab waxaana mudan in la maanka la geliyo sida dad badani sheegayaan in Alshabaab ka taliyaan inta badan koofurta Soomaaliya islamarkaana ka qaataan lacago dadka halkaas taga amaba ku dhaqan, lacagahaas noocii ay doonaanba ha ahaadaane, waana ayaan daro sida dadkani qabaan in lacagahaas dadkii laga qaatay oo aan diidi karin hadana lagu eedeeyo in ay taageero ahaan u siiyaan Alshabaabka.

halgankanet@gmail.com

Shariif Xassan " ha ley tuso wasiirada aad soo waddo"

$
0
0

Guddoomiyaha Barlamanka Shariif Xassan Sh. Aadan ayaa warar hoose oo aan heleyno sheegayaan inuu dalbaday in la tuso ragga R/Wasaaruhu u soo xushay iney kamid noqdaan golaha Xukuumadiisa.
Kulan ey ku yeesheen xarunta madaxtooyada sedexda masuul ee ugu sareysa dowlada ayaa la sheegay inuu fashil ku dhammaaday kadib markii uu Shariif Xassan ka waayey liiska rag hore loogu sheegay in lagu soo darayo dowladda.


Warkan hoose oo aan ka helnay ilo lagu kalsoonaan yahay ayaa waxey sheegayaan in lagu kala dareeray kulanka kadib markii  la isku af garan qaabkii  Wasiiradaasi uu Ra’iisul wasaaraha u soo xulan lahaa taasoo sida la sheegay Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhuba ay daneynayeen in mid walba oo labadooda ka mid ah uu wato wasiiro uu doonayo in loogu daro Wasiirada Cusub.


In kastoo uu soo gaba gaboobay kulankii saacadaha badan qaatay ee Sedaxdaa Mas’uul yeelanayeen ayaa waxa la sheegayaa in kulankaasi wax natiija ah oo la taaban karo aysan kasoo bixin.


Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa waxay Cadaadis xoog leh ku hayaan Ra’iisul wasaaraha soo magacaabista golhiisa Wasiirada xilli uu Ra;iisul wasarahana ku mashquulay siduu u soo ban dhigi lahaa Wasiirada uu soo xushay.


Ra’iisul wasaare Farmaajo ayaa maalmihii u danbeeyay wuxuu kulamo gooni gooni ah la lahaa Xildhibaano ka tirsan Barlamanka kuwaasoo kala talinayay Dawladda uu soo dhisayo oo haatan looga fadhiyo.


Shalay ayay ahayd markii Ra’iisul wasaaraha uu la kulmay Xildhibanada ka soo jeeda beelaha Digil Iyo Mirifle kuwaasoo ku tir tirsiiyay inuusan Xukuumaddiisa marnaba ku soo darin Raggii kan Tirsanaa Sedaxdii dawladood oo tiisa ka horeeyay.


Si kasta ha ahaatee waxaa Ra’iisul wasaare Farmaajo looga fadhiyaa si weyna looga dhowrayaa inuu soo magacabo Golihiisa Wasiirada iyadoona caqabada hor taagan ay tahay labada Mas’uul oo kale oo iyaguna doonaya in dad ay wataan loogu daro Wasiirada la soo magacabayo taasoo sii adkeyneysa inuu si dhaqsa ah Ra’iisul wasaaraha u soo xusho Golihiisa wasiirada..

R/Wasaaraha oo la filayo inuu maanta ku dhawaaqo golahiisa wasiirada iyo warar horudhac ah oo aan idinkaga heyno!

$
0
0

Warar ku dhow xafiiska R/Wasaaraha Somalia mudane  Mxamed cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa sheegaya in loo badiyo  in manta uu magacaabo golahiisa wasiirada cusub ee uu soo xushay.


Warku wuxuu intaa ku daray in maalinimadii shalay lagu waday in ra’iisul wasaaruhu uu soo ban dhigo xubnaha golaha wasiirada dawladda hase yeeshee uu dib u dhac ku yimid sababo aan la caddeyn.


Wasiiradan la filayo in manta lagu dhawaaqo ayaa sida la sheegey waxaa ay ka kooban yihiin illaa 18 Wasiir kuwaasoo aad uga yer golihii Wasiiradiin ee Xukuumaddii Cumar cabdirashiid.


Ra’iisul wasaare Farmaajo ayaa la sheegey in Golihiisan Wasiirada ee uu manta ku dhawaaqi doono inuu ku saleeyay hanaanka awood qaybsiga ee 4.5.


Warku wuuxu intaa ku daray in Afarta Beelood ee lagu sheego in waaweyn yihiin ay wasiiro u qaadan doonaan Min afar Wasiir halka labada soo hartayna loo qoondeeyay beelaha shanaad sida ey ku magacaabaan dadka qaar.
In kasta oo aan la ogeyn waxa ka dhab ah arrintan ayaa haddana waxaa jirta warar aan ku kalsoonahay oo sheegaya arintan.


Si kasta ha ahaatee muddo dheer ayay qaadatay sidii uu Ra’iisul wasaaraha u soo xuli lahaa wasiiradiisa taasoo sida la sheegey uu caqabado badan kala kulmay ka gadaal markii labada Mas’uul ee ama labada Shariif ay si weyn ugu lug yeesheen soo xulista Wasiirada Dawladda.

Xildhibaanada Baarlamaanka oo is eedeeyay iyo wadashaqeynta Xildhibaanada oo halis ku jirta mar kale

$
0
0

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa mar kale ka soo dhex butaacay khilaaf salka ku haya xulista xukuumada cusub ee uu hadda  ku mashquulsan yahay  Wasiirka koowaad mudane Farmaajo.

Mudanayaasha qaar ayaa lagu eedeeyay in ay shaqadoodi u dayaceen baadigoobka in xil wasiir loo dhiibo waa sida uu ku doodayo mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaankuye.

Xildhibaan Cumar Axmed Buraale ayaa xildhibaano badan ku eedeeyay in ra'iisal wasaaraha ay ka carqaladeynayaan soo xulista xukuumad tayo leh iyagoo doonaya buu leeyahay in ay helaan jago wasiir.

Mudanahan ayaa ku doodaya in uusan isago u hanqal taageyn jago wasiirnimo balse uu doonayo in hawlaha baarlamaanku socdaan wasiirka koowaadna loo daayo gudashada hawlihii loo idmay in uu ummada u qabto.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa ku caan baxay dangaar bursi iyo lugta jiidis hay'ad kasta oo aysan markaas dantooda gaarka ah uga dhex jeedin waxaana weliba taas u sii dheer in ay la kala saftaan mas'uuliyiinta dowladda marka ay madaxa isla galaan khilaafna soo kala dhexgalo.

halgankanet@gmil.com

Warar dheeraad ah oo ku saabsan iibinta domain Dalka Somalia .SO iyo shirkada maamuleysa

$
0
0

Heshiis Qarsoodi ah oo ka dhacay Nairobi iyo Tokyo oo Shirkad Laga leeyahay Dalka Japan  laga iibiyey Domain-ka Rugta Internetka rasmiga ah ee Dalka Soomaaliya (SO), shirkaddaasina noqonayso midda maamusha…
 


Dhowaanahan waxaa soo shaac baxayey in xukuumadda Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay iibisey magaca guud ee Diiwaanka u ah DOMAIN-ka Internetka ee Soomaaliya ee loo soo gaabiyo .SO in shirkaddaasi maamusho.


Arrintaas waxaa shaaca ka sii qaaday waraysi uu bixiyey sarkaal ka socda shirkadda lagu magacaabo GMO (http://gmoregistry.com) oo ah shirkad laga leeyahay dalka Japan oo ah tan iibsatey Domainka .SO.
Sarkaalka u hadlayey shirkadda oo lagumagacaabo Hiro Tsukahara oo wax laga weydiiyey sidii uu u dhacay xiriirkii uu la yeeshay Soomaaliya iyo sidii uu kula soo wareegey Domain-ka .SO iyo cidda dalka Soomaaliya ka socota oo uu la xiriiray waxa uu yiri “Markii ugu horeyey ragga ka socda Soomaaliya waxaan ku kulanay Nairobi, ka hor intii aanaan la kulmin ICANN horaantii sannadkan. Isla markiiba si degdeg ay ah ayaan u wada fariisanay si aan u wada hadallo, waxaana markale oo taas ka dambaysa ku kulanay magaalada Tokyo si aan u dhamaystiro heshiiska. Dadkaas aan la hadalay waxay wakiil ka ahaayeen Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta (Soomaaliya).
November 1, 2010 ayaa si rasmi ah suuq geyn loogu bilaabay Domain-ka .SO (http://www.soregistry.so/), taas oo muujinaysa in si rasmi ah shirkadda reer Japan ee GMO lagu wareejiyey hanti Domainka Soomaaliyeed ee SO.
Waa maxay waxa laga hadlayo ee la iibiyey
Qaabka uu u shaqeeyo Internetka ayaa ah in dal kasta oo adduunka ka mid ah loo qoondeeyo magac  guud (DOMAIN) oo dalkaasi yeesho maamulkiisa.

Tusaale ahaan .COM waxaa loo qoondeeyey shirkadaha, oo qofkii doona uu qaadan karo maadaama .COM oo laga soo gaabiyey COMPANY. Sidoo kale .ORG (hay’adaha). Dalalkuna waxay qaadan karaan magac laga soo gaabey xarfha dalka, sida Soomaaliya oo loo qoondeeyey .SO
Arrintaasi waxay u dhigantaasi waxay fure u tahay xog kasta oo la sii marsiinayo Domaikaas SO, waxaana xogtaasi ku dhacaysaa cidda maamusha.
Cilmiga ka dambeeya Domainka waa mid la xiriira ammaanka – waayo cidda Domainkaas haysata ama maamusha ayaa waxaa soo maraya dhammaan xogta la marsiiyo Domainkaas. Tusaale ahaan GOV.SO waxaa yeelan kara xukuumadda Soomaaliyeed iyo hayadeheeda (sida PRESIDENT.GOV.SO), wixii markaas email iyo xog ah ee hay’adaha dawladdu isu diraan waxay sii maraysaa shirkad ajnabi ah, taas oo sidey doonto ka yeeli karta xog noqon karta sir qaran.
Taas waxaa dheer, arrinta la xiriirta xagga maaliyadda iyo lacagta dakhliga ah ee ka soo xeroonayso diiwaan gelinta magac kasta website kasta oo uu la socda .SO – Arrinta lacagta isagoo ka hadlayey Hiro Tsukahara waxa uu sheegay in halkii diiwaan gelin oo kasta oo laga samaysto uu yahay $20 doolar.
Waxaa arrimahaas oo dhan ka sii xoog weyn in ay noqoneyso Hanti Qaran oo la dhaxal wareejinayo, gaar ahaan xogta iyo cidda maamuleysa, ayna tahay in lagula xisaabtamo cidda masuulka ah ee xukuumadda FKMG Soomaaliya.


Waxaa xusid mudan in ilaa markii Internetku si rasmi ah u soo shaac baxay in Domainka (SO) loo hayey xukuumada Soomaaliyeed si loogu wareejiyo. Xukuumaddii ugu horeysey ee Soomaaliyeed ee ay u suurta gashay in ay arrintaasi dhaqdhaqaaq ka samayo, oo ah xukuumadda FKMG, waxay diiwaankii Domainka ee kaydka u ahaa Soomaaliya ku wareejiysey shirkada ajnabi ah.

Sida ku cad website shirkaddaas (http://www.soregistry.so/) ayagoo qeexaya .SO waxay qoreen sidan “dotSO is the Country Code Top Level Domain (ccTLD) for The Republic of Somalia. It was redelegated to The Ministry of Posts and Telecommunications (MoPT) in April of 2009, and will be available to the public for Open Registration on March 1st, 2011.” Halkaas waxaa la is weydiin karaa maxaa shirkad shisheeye gacanta u geliyey in ay maamusho Domain-ka Soomaaliya, oo sida isla websitekaas ku cad ah:

    •    .SO
    •    .COM.SO
    •    .NET.SO
    •    iyo .ORG.SO
Waxayna shirkaddaasi sheegtay in shirkadaha kale ee kiraynaya websiteya wata .SO ay ka sii kireynayo boosaska. Taas oo macnaheedu yahay in ay ayadu tahay midda maamulaysa DOMAIN-ka .SO, kharashka ka soo baxana uu yahay mid ayada u gaar ah, maadaama aan shaaca laga qaadin waxa heshiiskaas ku qoran.
Hiro Tsukahara oo ka hadlayey lacagta ka soo baxda diiwaangelinta .SO waxa uu yiri “Maadaama Soomaaliya ay tahay dal ku negaadey in uu caawinaad uga baahan yahay dhinacyo badan, waxaa GMO ay ugu deeqeysaa qaar kamid ah dakhliga ka soo gala si u siiso caawinaad, gaar ahaan carruurta.”
Maxaa la gudboon Baarlamaanka DFKMG
Baarlamaanka DFKMG oo aan heshiiskaas ka dhacay Nairobi iyo Tokyo la hor keenin waxaa hadda la gudboon in ay arrintaas sida ugu dhaqsaha badan ugula xisaabsataan xukuumadda, isla markaasna sidii ay Domainkaas ugu soo celin lahaayeen gacanta Soomaaliya kasoo saaraan Xeer Baarlamaan, xukuumaddana weydiiyaan waxa ku qoran heshiiskaas.
Baarlamaanka DFKMG waxaa lagu xasuustaa is hortaagii ay xukuumadda FKMG ka hor istaageen in ay qayb badda Soomaaliya ka mid ah dhaxal wareejiso. Inkasta oo uu jiro qorshe cusub oo xukuumadda KMG ay ku doonayso in ay arrintii Badda Soomaaliya ay qaab kale oo xeeladaysan u xagal daaciso (warbixinta arrintaas cusub ee badda kala soco SomaliTalk dhawaan)…
Eeg website shirkadda Japan u samaysan in laga diiwaangashado websiteyada wata SO: http://www.soregistry.so/
Faafin somalitalk.com: http://somalitalk.com/2010/11/12/so/

Maxaad ka taqaan beelaha ay ka soo jeedaan Wasiirada cusub ee uu xalay uu ku dhawaaqay Ra'iisal wasaare Farmaajo?

$
0
0

Waxaan hoos idiinkugu soo gudbineynaa liiska magacyada iyo beelaha ay ka soo jeedaan wasiiradii uu xalay ku dhawaaqay Ra'iisal wasaare Farmaajo, wasiiiradaas oo aan weli heysan kalsoonida Xildhibaanada Baarlamaanka. 

  1. Cabdullaahi Ebyan Nuur, Wasiirka garsoorka iyo arrimaha diinta iyo weliba Awqaafta (Dir biyo-maal)
  2. Maxamad Cabdullaahi Oomaar, Raiisal wasaare ku xigeen ahna wasiirka arrimaha dibadda. (Dir Isaaq Habar awal)
  3. Cabdulxakiim Maxamad Xaaji Fiqi, Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna wasiirka gaashaandhiga (Raxaweyne, Digil, Dabare)
  4. Prof. Cabdiwali Maxamd Cali, Ra'iisal wasaare ku xigeen ahna wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah. (Daarood, Majeerteen, Cimar Maxamuud)
  5. Cabdishakuur Shiikh Xasan Faarax, wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka qaranka (Hawiye, Habargidir, Ceyr)
  6. Xuseen Cabdi Xalane, Wasiirka maaliyada iyo lacagta. (Daarood, Ogaadeen, Cawlyahan)
  7. Drs. Maryama Qaasim Axmed, Wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska (Beesha Shanaad, Banaadiri)
  8. Yuusuf Macalin Amiin(Baadiyoow) Wasiirka Beeraha iyo xannaanada xoolaha, (Raxanweyn, Mirirfle, Liisaan)
  9. Dr, Aadan Xaaji Ibraahim Daa'uud, wasiirka wasaarada caafimaadka, ( Beesha Shanaad, Jareer-weyne)
  10. Cabdkariim Xasan Jaamac, Wasiirka wasaarada warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta. (Daarood, Dhulbahante, Cali Geri)
  11. Cabdinuur Macalin Maxamuud, wasiirka arrimaha bulshada, shaqada iyo horumarinta shaqaalaha, dhalinyarada iyo isboortiga (Dir, Surre)
  12. Dr. Maxamad Macalin Xasan Maxamad, wasiirka wasaarada kalluumeysiga iyo kheyraadka badda, (Hawiye, Murusade, Sabti, Cabdalla, Maxamad Yar)
  13. Axmed Cabdiraxmaan Cabaade, wasiirka wasaaradda dekaddaha, gaadiidka badda cirka iyo dhulka, (Dir , Isaaq, Habar Joonis)
  14. Maxamuud Maxamad Boonoow, Wasiirka wasaaradda Dastuurka, federaalka iyo dib u heshiisiinta, (Raxan weyne, Mirirfle, Hadame)
  15. Cabdirashiid Khaliif Xaashi, wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska. (Daarood, Leelkase)
  16. Cabdirisaaq Shiikh Muxyadiin, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Tamarta iyo Shidaalka (Raxanweyne Mirirfle, Eelaay).
  17. Cabdinuur Shiikh Maxamad, Wasiirka, Wasiirka waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare, (Hawiye, Xawaadle)
  18. Maxamuud Cabdiraxmaan Garweyne, Wasiirka

halgankanet@gmail.com

Xukuumada cusub ee xalay lagu dhawaaqay oo durbaba Xildhibaanada ka dhex abuurtay kala qeybsanaan

$
0
0

Xukuumada cusub ee xalay uu Muqdisho kaga dhawaaqay Ra'iisal wasaare Farmaajo ayaa waxaa durbaba la soo dersay welwel dhinaca ansixintooda ah ka dib markii mudanayaasha baarlamaanku hadalo kala duwan ka yiraahdaan xukuumadan qaab dhismeedkeeda.

Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud iyo Xildhibaan Axmed Kismaayo rag ay ku jiraan ayaa qaba in xukuumadan fursad la siiyo iyagoo dhanka kalana la dhacsan qaabka uu ra'iisal wasaaruhu u soo xushay wasiiradan. 

Laakiin mudanayaal kale oo ay ugu qeylo dheer tahay Caasha Axmed Cabdalla ayaa qaba in xukuumadu wadiiqadii qaab dhismeedkii dowladda ku meelgaarla ah ka weecatay sidaas darteedna aysan filaneyn kalsoonidooda waa sida ay hadalka u tiriye.

Xildhibaan Casharo oo isna u muuqday in uu ka shiiqay qaab dhismeedka xukuumadda cusub ayaa ku celceliyay in uu ka calool goostay xukuumadan candhuuftiisi rajadana uu dib u liqay dhankiisa iyo dhanka xildhibaanada kale ee la fikirka ahna aysan xukuumadaasi ka sugeyn wax kalsooni ah.

Sidaas ha ahaato ama sidan ha ahaatee waxaa laga wada war sugayaa waxa ka soo baxa madasha ay mudanayaasha baarlamaanku ugu qaadayaan xukuumadan codkooda kalsoonida.

halgankanet@gmail.com  


Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ku hawlan sii deynta Lamaanaha Ingiriiska u dhashay ee Paul iyo Rachel Chandler

$
0
0

Maamulka Ximan iyo Xeeb mas'uuliyiin ka tirsan ayaa haatan ku hawlan dib u soo celinta xorriyada Lamaanaha Biritishka ah ee mudada sanadka ka badan afduubka loogu heysto deegaanno maamulkaas hoostaga.

Dr. Xangul iyo Daahir Cabdullaahi oo ka tirsan mas'uuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa si gaar ah ugu xusul duubaya sidii lamaanaha hawlgabka ah ee Ingiriiska u dhashay looga sii deyn lahaa Burcad Badeeda mudada dheer ku heysata berriga qeybo ka mid ah sida la tuhunsan yahay deegaanada hoostaga Ximan iyo Xeeb.

Labadan Mas'uul ayaa sheegay in ay wax walba oo karaankooda ah sameynayaan sidii ay u sii deyn lahaayeen Lamaanahan xorriyad la'aan, gaboow iyo xanuun kulansaday, waxayna sidoo kale sheegeen in marka ay xaqiijiyaan xorriyada labadan qofood ay saxaafada u qaban doonaan shir jaraa'id laakiin inta ka horeysa ay afkooda qabsanayaan.

Lamaanaha ayaa 23:kii Oktoobar ee sanadkii hore galay gacanta Burcad Badeeda waqtigaas wixii ka dambeeyayna dadaal kasta ee la sameeyay si loo sii daayo waa guul dareystay, dadaalkan hadda socdase waxaa la filayaa in uu noqdo mid najaxa.

halgankanet@gmail.com  

Shiikh Xasan Daahir; "Dagaal waa bilow ee shacaboow ka qeybqaado dagaalka aan kula jirno DKMG iyo AMISOM"

$
0
0

Hogaamiyaha Xisbul Islaam Shiikh Xasan Daahir oo shalay salaadii Jimcaha ka dib Masjidka Abuu Hureyra ee magaalada Muqdisho kula hadlay Jameecadii salaadda la tukatay ayaa sheegay in dagaalka ay sii wadayaan.

Shiikha oo ku dheeraaday ka hadalka ujeedada ay ka leeyihiin dagaalka ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa; "Ciidammada AMISOM, waxay dalkan u joogaan inay baabi'iyaan shacabka, waxaana shacabka ugu baaqayaa inay dagaallada socda qayb ka qaataan, si ay cadowga isaga dulqaadaan, Ururka Xisbul Islaamna ma joojinayo dagaallada ay kula jiraan AMISOM iyo DKMG ah, waana kordhinaynaa, inta aan dalkeenna ka saareyno"

Ugu dambeyntii wuxuu Shiikh Aweys dagaalyahaniinta Alshabaab iyo kuwa Xisbigiisa ugu baaqay in ay sii kordhiyaan dagaalada, wax walba oo ay cadawga iyo kaaliyayaashiisa dalka looga saari karo sameeyaan.

halgankanet@gmail.com

Sheekh Saalax~~Kuwa ilaahay Carshigiisa Hergalaya biri qiyaamaha qeybta # 1/

Sheekh Saalax~~Kuwa ilaahay Carshigiisa Hergalaya biri qiyaamaha qeybta # 2/

Xildhibaanimoy xaal qaado-hees cusub

$
0
0

Hees cusub oo qaadayaan kooxda Qaaylo dhaan

video: 

Paul iyo Rachel Chandler waa la sii daayay

$
0
0

Paul iyo Rachel Chandler oo ah laba British ah oo sannad ka badan lagu haystay Soomaaliya ayaa maanta Cadaado lagu sii daayay. Villa Somalia ayaa lagu qaabbilay, ka dibna waxay u duuleen Nairobi. n lacag la bixiyay lama caddeyn.

 

Burcad badeed ayaa qabsaday labadaa ruux oo iyagu is qaba, mar ay doon ku marayeen badweynta India bishii Oktoobar.

Saaka ayaa farta laga saaray duqeyda iyo maamulka Cadaado.

Hadda waxay hawada ayay ku jiraan oo waxay u sii jeedaan magaalada Nairobi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la bixiyay lacag madax furasho ah, laakiin taas lama xaqiijin.

Paul Chandler ayaa BBC u sheegay in isaga iyo xaaskiisu ay aad u macluuleen laakiin ay wanaagsan yihiin.

Wuxuu sheegay in burcadda af duubtay aanay naftooda si toos ah khatar u gelin qabsashadii ka dib.

Cadaado markii ay ka amba bexeen waxaa la sii
marsiiyay Muqdisho halkaas oo madaxda Dowladda KMG-ka ahi ay ku
qaabbishay Villa Somalia.

Madaxa Ximan iyo Xeeb oo ah maamulka, Maxamed
Adan Tiiceey, ayaa isaga oo jooga Cadaado u sheegay BBC in dadka
degaanku ay gacan weyn ka geysteen sii deynta labadaa ruux ee Britishka
ah.

Ganacsato soomaaliyeed oo khasaaro ka soo gaartay dooni ku quustay Badweynta Hindia

$
0
0

Donni Sharnado ganacsi wday oo ku sii jeedday magaalada Kismaayo ayaa la sheegay iney ku quustan badweynta Hindiya iyadoo la sheegayo in Sadex Ruux ku geeriyodeen.

Shilkaan oo ka dhacay gudaha badweynta india ayaa yimid kadib markii Dooni siday shixnado ganacsi oo ka timid dhinaca wadamada Khaliijka,ay ku gabi ahaanba ku degtay meel aad oga fog dekada magaalada Kismaayo,waxaana halkaasi ku geeriyooday 3 ruux oo kamid ahaa shaqaalihii saarnaa Doonta,halka 20-ka mid ahaa shaqaalahaasi uu bad baadiyay Markab uu iska lahaa dalka Mareekanka.
 
Doontaan ku degtay badweynta ayaa waxa ay ku soo jeeday Dekadda magaalada Kismaayo,waxaana ay u rarnayd ganacsatada magaalada Kismaayo,waxaana halkaasi ku gabi ahaanba ku bur buray hantidii saarnayd Doonto,sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka tirsan ganacsatada ay Doontaasi u rarnayd.
 
Ilaa iyo haatan macada sababka kenytay in Doontaan ay rogmato laakiin qaar ka tirsan ganacsatadii ay u rarnayd Doonta ayaa Dhacdooyinka.com u sheegay in ayagu markii ay Doontu soo rarayeen aysan wax cilad ah ku ogayn,balse arintani ay tahay mid lama filaan Rabaani ah.
 
”Axmed Muuse Saalax”waxaa uu ka midyahay ganacsatada ay Doonta degtay u rarnayd,waxaana uu sheegay in ay u mahad celinayaa arintaan qabsatay ee musiibada ah,kaso kow intaasi waxa uu sheegay in Doontanki ay lacag aad u fara badan oga baxday,laakiin waxa uu sheegay waxaa meesha soo gashay qadar alle”.
 
Dhacdooyinka noocaan oo kale ah waxaa ay ku soo noq noqdeen gudaha Badda,waxaana inta badan loo aaneeyaa Mowjadaha bada ka kacayo oo aad u kacsan,iyo Doomaha markaasi ku dhex socdaalaya Biyaha Bada oo aan u adkaysan karin Hirarka Bada,dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale Dooni ka shiraacatay Dekamada magaalada Kismaayo uu ku soo jeeday dhinaca Isutaga Imaaraadka Carabta ay dhacdo tan ka duwan ay ku qabsatay gudaha Baweynta India.
 


Ninba Dhan u Badi!!!.

$
0
0

Maahmaah ayaa dhahaysa “Weel walba wixii ku jiraa ka
fiixa(dhididaa-dhalaala)”, qof walbana wuxuu sancadiisa garanayuu ku
farayaraystaa, halka mid kalana ka leedahay “Ninba Dhan u Badi” sida ku
cad cinwaanka qormada, waa hubaal inaan dadku ku sinnayn caqliga,
cilmiga, camalka(shaqada), ninbaa caqli badan balse aan camal iyo shaqo
ku wanaagsanayn, ninbaa camal badan balse aan caqi sidaa ah lahayn, qof
baan cilmi badan lahayn balse caqligiisu wax badan ku taageerey, “La
iimana Waxyoodo Waxna ima Dhaafsana”, sidaa ayaa adduunkan la isu
dhaafsan yahay, qofba dhan ku roon, mayee uba badi oo ku xeeldhaaraa ama
u dheellin!.
Soomaali waxay tiih ku jirtaa muddo dheer, maalinba ninbaa u soo qalab
qaata, indhasarcaad iyo xodxodasho isugu dara, si uu uga iibiyo
badeecada uu wato ama uga dhaadhiciyo fekarka uu xambaarsan yahay, xoog
iyo xeelad midba mar la adeegsay, haddii dantu dhaafin weysana washima
ahaan ayaa wadajir loogu qaadaa, intuba waxay ku soo wada hoos
duggaalaan qaran iyo garsoon toosin ama raadintood, aanse weydiin halkan
dhigee: miyaa la arkay toosintaa ama baadigoobka mirihooda? Warcelinta
weydiinta aan akhristaha iyo milicsadaja u daayo.
Gumaysigii saancaddaha si loo gabagabeeyo awgeed, waxaa loo baahdey
gabanno geesiyaal ah, gabdho garraarku u giigsanyahay-maya kuwo gogol
lagu gambiyey- hadduu meesha ka baxay gumaystihii maxaa xigay? Waa
weydiin in badan la i weydiiyey, aanse warcelinteeda uga dambaynno
murtida waartay ee Abwaan Axmed Ismaaciiil Diiriye "Qaasim", oo yiri :

Danbi kuma hadlaayee ma arag dawladdaan rabaye
Isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
Dusha midabka Soomaali baad dugulka mooddaaye
Misna laguma diirsade qalbigu waa dirkii Karal'e
Meeshaan dad aan urursho iyo darar ka eegaayey
Iyaba waa darxumo ii hadhaye dacar miyaan leefay
Ma dorraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay?!

Dadaalkaa waqti iyo xoolo wixii loo huray hal bacad lagu lisay noqde!,
si wax loo badalo ama wax lagu toosiyo, waxaa la marey waddo walba,
waxay dhammaan nagu wada aroorsheen halaag iyo hoog.


Afgambigii ciidanka qalabka siday kula wareegeen xukunka, iyo
marooqsigii awoodda dawladdee ujeedku ahaa maamul wanaajin iyo xaldoon,
maxaa laga dhaxlay? In xalku ku jiro xoog iyo itaal, qofkaan lahaynna
uusan wax sixi Karin haduusanba xaq u lahayn inuu wax saxo amaba
noolaado!, sidaa waxaa ku dhashay jabhadiihii hubaysnaa ee Xabashida
saldhigga ka wada dhigtay, ka dibna xoog ku soo doonay xukunka, malaha
waa la dhihi karaa: haddaan xukunka si aan xoog ahayn lagu helayn waa
lagama maarmaan, xoogsheegadkii maalintaa billowday ilaa maantadan wuu
socdaa, wuuna sii socon intii mudda ah.


Ninba dhan u badi, qolodan xoogga ayey dhankiisa u badiyeen, dadka
intiisa kalana uga dheereeyeen oo aysan jirin cid kula tartami karta,
maadama ay sixiddiiba ku saleeyeen cudud, waxaa xigay mooryaantii dalka
gees-gees ku fidday, kuna harqiyey: dilka, kufsiga, isbaarada dhaca,
boobka, iyo bililiqada, hannaankooda xoog kama marna oo waa u saldhig,
balse waxay si fiican u dhaqangaliyeen dadka dhanna deeqsiiyeen
dhibkiisa cudurka la yiraa: “Qabiil(Qabyaalad)”, waxay salfadeen magac
iyo muunad wixii jiray, mayee hambaba ma reebinoo waaba heensadeen.


Innagoo qabiilku qalbigeenna degay qooldheerna nagu xirtay, heer
xubnihii dawladdaba lagu kala qaybsado sidii qawlaysto geel ku
qablamaysa, qaatir ka taagan qayladhaanta qabiilka een qaarna reebayn,
ayaa waxaa soo ifbaxay qolo wixii oo dhan isku wada darsatay, xoogsi iyo
dirqin qabiil iyo qabyaalad calal lagu hoos wado, ay u sii dheer tahay
Aayadda iyo xadiiska burhaanaysanaya, Shareeco Jihaad iyo Islaam yihiin
jidka la marayo, Janno iyo Xuuralcaynna yihiin jasada iyo abaalmarintu,
waxaa dhacday “Ka Dar oo Dibi Dhal” iyo “Warkii hore War soo dhaaf
Waayeel qolof lahaa yimid”.


Marka laga soo tago xirfadda wadaad lagu yiqiinnay, ama lagu tilmaamsan
karo, waxaa dhacay amakaak iyo fajac, lama arag iyo lama maql, in kasta
oo dadku markii hore u wada riyaaqeen waa cadadoodee, sida ay kuwo badan
oo lagu hungobay ugu sacbiyeen ayey kuwaanna kugu mashxaradeen, illeen
kuwani burhaan Alle iyo baab aan la horjoogsan Karin ayey ka socdaane,
gacma goyn, jedlid dhagax ku dilid ayeyba la yimaadeen!, wixii dhacay
dhece, xanuunkii ka dhashay ayaase ah midka na wada damqaya, ama wali
dikamaya ee aan la dabiibin, ayna ugu dambaysay gabar lagu karbaashay
Marka.
Haddaan tusaalaha badiyo, oon walibya markaan magacdhabo dadyow
siyaasadda ku jira ama ku jiray, Anoo ka billaabaya madaxweynaha afka
iyo hadalka mudane C/qaasim Salaad Xasan, ahaana wasiiraan dhicin
xilligii dawladdii ciidanka, iyo madaxweynihii Dawladdii Carta, hooyada
Afarta iyo barta iyo haybdilka beelaha Soomaaliyeed, kolkuu muqdisha
yimid wuxuu shaqadii ugu horreysay ka billaabay inuu laami saaro afarta
jidcadde ee soo gasha hawgii uu xamar ka daganaa, kana dhigay aqalka
madaxtooyada, aan isweydiinnee dhankuu u badiyey? Maadaaama uu la soo
xamaashay madaxdii hore waa inuu dadka iska xiraa xerana jeexdaa xoolana
dhurtaa.
Aan ku xijiyo madaxweyne madfaca iyo masiibada mudane C/laahi Yuusuf
axmed, wuxuu markuu fursad u helay dadkii dhan ka dhigay hoobiye iyo
madfac, xasuuq iyo xabaalo, wuxuu dalkii ka dhigay xaabo Xabasho,
weydiintu waa dhankuu u badshay? Maadama uu ahaa ciidan la soo baray
sida wax loo dilo, in badanna warjeef iyo waran ku soo qaaatay
noloshiisa, wuxuu dabada qabtay hawshuu ku soo gaamuray ee uu ku
gamaaray.
Madaxweynaha dawladda Islaanka iyo Shareecada, waa sida hadalka loo
dhigee, mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, markuu xilka qabtay wuxuu u
hawlgalay siduu madaxtooyada uga dhisi lahaa Masjid, waxaa ku baxay
dhismaha Masjidkaa adduun aan yarayn dadka qaar gaarsiyaan ilaa 50.000
$(kontan kun oo dollar), wuxuuna sheegay in cibaadada ka sokow duruus
diini ah ka bixi doonto Masjidka, iminkadanna wuxuu ku sugan yahay
Sucuudiga, Isaga oo gudanaya cibaadada Xajka sida la sheegay, mar sii
horreysana wuxuu u aaday Cimro, taa oo ka dhigan markii labaad oo uu
cibaado u tagayo Sucuudiga.


Ma ahan inaan Sheekha Cibaadadiisa faragashanayno, qof walba Isaga ayey u
gaar tahay Cibaadadiisu, balse waxaan doonaynaa inaan iftiinsho lacagta
lagu baxshay dhismaha Masjidkaa, miyeysan ku habboonayn in lagu
maalgaliyo waxqabad kale, caafimaadka waxbarashada, dhismaha ciidanka
qalabka sida, sugidda ammaanka hal degmaba Allaha ka dhigee, taakulaynta
agoonta marasta danyarta iyo saboolka, siduu u xusuustay kuwa dhintay
oo masjidka loogu magac daray-Shuhadada-, miyey ka wanaagsanayn in kuwa
nool lagu badbaadsho? Haddaba wadaadku wuxuu u badiyey xernimo iyo xalqo
laqbo.

cdaalku waaba u hawle, malaha madfaca Xamar ayuu uga
gambadaaye, Isaga oo ku dooda inuu u maqan yahay Soomaali, kuna matelo
shirarka dibadaha iyo kulamada caalamigaa, halkaana isku illowsiinaya
muwaadinkuu xilkiisa qaadey, haddaba muxuu ku doodi marka weydiintan
timaaddo ah: awalba dalxiis iyo dibadjoog ayaad ku jirtee, ma waxaad
noogu dartay cibaado gaara iyo camal Adiga kaliya kuu yaalla? Kala saar
socdaalka gaarka ah eed u baxayso dantaada iyo socdaalka guud een
natiijadiisu marna soo muuqan, tan waxay i soo xasuusinee Xajkii Incadde
ee xilligii Maxkamadaha, iyo Xajkii Afhayeenka Xizbul Islaam Sheekh
Daa’uud Abtidoon, waaba weydiine: Xajkaan loo wada ordayo muxuu yahay
?Saw laguma xajinayo xoolo dadow ama hanta guud? Oo haddaas muxuu
faa’iido leeyahay?.
Ugu dambayn, qof walboow dhankaad doonto u badi, ee waa in lagaa
nabadgalaa, aadan ku takrifalin hanti dadweyne, murugadu waa xeromeert,e
xabaalbadiye iyo xalqojooge marka ay xil noo qabteen, miyaad aragteen
mid mid dhaama, waxay ka wada siman yihiin inay xaglo daaciyaan umadda
Soomaaliyeen, ku dadaalaan inaan xarig isugu xirmin, xaalkoodu sidaan
iska sii ahaado, hadduu ka sii xumaadana waa xafladdooda.
Ilama ahan in sidaa loo wada dareensan yahay, waxaase la wada
dhadhanshay silacdilyadooda iyo saxariirintooda, haddaba aan ka wada
gudubno jadbada iyo xadrada aan xigmadda lahayn, caadifadda iyo caqliga
xiran, aan xisaabtanno si aan naloo xaraarujin, haddii kale sida lagu
jiro ma ahan mid laga baxayo, maalin Qabiil maalin Diin, miyaan marna
qaranka la soo hadal qaadeyn, waaba ayaan darree maxaa labadaan naluugu
daqraa ama naluugu dirqinaa, dawladnimo qarannimo, garsoon, sinnaan,iyo
hoggaan, midna miyaan la doonayn?, mise waxaan u wada badinnay dhan aan
wanaaggu ku jirin.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

Firkaddu qoraaga ayaey u khaas thay

ka jawaab

Shir AMISOM uga furmaya Bujunbura, Burundi

$
0
0

Waxaa magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ka furmaya shirka ay qabanqaabisay Amisom. Shirkaas ayaa looga hadlayo arrimo quseeya howlgalka AMISOM.

Shirkaas oo looga hadlayo arrimo quseeya howlgalka AMISOM, ayaa lagu
casuumay khubarro kala duwan oo u badan kuwa dalalka Africa si ay u
eegeen caqabadaha horyaala iyo wax ka qabashooda iyo taageerada la
siinayo dowladda ku meelgaarka.

Weriyaha BBC, Maxamuud Cali Maxamed, ayaa ku
sugan magaalada Bujunmbura ayaa sheegay in AMISOM ay shirkan ku eegayso
dhibaatooyinka ilaa hadda ay la kulantay 3-da sano ee Soomaaliya ay
howlgalka nabad ilaalinta ka waday Soomaaliya, iyo sida AMISOM ay ku sii
xoojin karto taageerada ay siinayso dowladda ku meelgaarka ah iyo
hanaanka dib u heshiisiinta Djibouti.

Khubarada ka qaybgalaya ayaa u badan kuwa Africa, balse waxaa kaloo ku jiraya wakiilada dalal EUROPE ah iyo buslada caalamkaba.

 

Maamulka Alshabaab ee gobolka Banaadir oo amar ka soo saaray salaada Ciidul Adxa ee ku beegan maalinta beri ah

$
0
0

Madaxa maamulka gobolka Banaadir ee Alshabaab Shiikh Cali Maxamuud Xuseen ayaa amar ku wajahan Soomaalida ku dhaqan magaalada Muqdisho islamarkaana ku saabsan salaada Ciida ee maalinta beri ah soo saaray.

Shiikhu wuxuu amray in dadku isugu yimaadaan maalinta beri ah`Goobaha ay ka midka yihiin Xerada Maslaxa iyo Garoonka Kubadda ee Cagta ee Satdium Mogadishu si loogu tujiyo salaada Ciidul-adxa

Salaada Ciida ee ku beegan maalinta beri ah ayaa u muuqata mid aan lagu kala qeybsaneyn waxaan la filayaa haddii Alle ka dhigo in dagaalkan ugu yaraan laga joojiyo maalintaas shacabka ku dhaqan magaalada  Muqdisho oo mudo dheer ku dhex noolaa magaalo ay dhinacyo iska soo horjadaahi ku dagaalamayaan.

halgankanet@gmail.com

Shiikh Maxamuud Ow-cabdulle Cariif; " Xajka, maalintiisa ugu muhiimsan ayaan ku jirnaa maanta waa Wuquuful Carrafa, waxaana Alle ka barinay in Soomaaliya uu nabad kusoo dabbaalo, kana dhigo dadkeeda kuwo is-jecel"

$
0
0

Shiikh Maxamuud Ow-Cabdulle Cariif oo ka mid ah mashaa'iqda Soomaaliyeed ee lagu xushmeyo aqoonta diinta islaamka ayaa ka hadlay sanadka tirada Soomaalida gudaneysa Waajibka Xajka ee uu Alle Muslimiinta dul dhigay.

"Qiyaasta hadda la hayo waxaa sannadkan xajinaya 10,000 oo Soomaali ah, kuwaasoo isugu jira rag iyo dumar ka kala yimid dalalka calaamka, waxayna ka mideysan yihiin inay u duceeyaan dalkooda Soomaaliya, si uu Alle uga saaro dhibaatada ka jirta," Sidaas waxaa yiri Shiikh Maxamuud Ow-Cabdulle Cariif.

Ow-Cariif oo ka sii hadlay sida ay Soomaalida sanadkan xajka ugu sugan yihiin iyo weliba sida uu Alle ugu baryayo in boggooda uu Soomaalida burcada  isu mariyo ayaa waxaa hadaladiisi ka mid ahaa; "Xajka maalintiisia ugu muhiimsan ayaan ku jirnaa maanta waa Wuquuful Carrafa, waxaana Alle ka barinay in Soomaaliya uu nabad kusoo dabbaalo, kana dhigo dadkeeda kuwo is-jecel,"

Alle weyne waxaan sanadkan ka baryeynaa in uu dalkeena ka dhigo mid nabdood daagaalada, abaaraha iyo aanfooyinkana ka dul qaado Inshaa Allaah.

halgankanet@gmail.com

 

Sarkaal iyo ciidamo ka tirsan Xoogaga Alshabaab oo weerar gaadmo ah lagu dilay gudaha gobolka Shabeelllada Dhexe

$
0
0

Sida la soo sheegayo waxaa dhintay sarkaal lagu magcaabo Cabdi Xasan oo Taliye ku xigeen u ahaa ciidamada Alshabaab ee degmada Mahadaay ka dib markii kulanyo uu watay weerar abaabul oo gaadma ah lagu qaaday.

Weerarkan oo sidoo kale ay ku dhinteen ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa ka dhacay meel u dhexeysa deegaanka Ceelbaraf iyo Raage Ceele waxaana fuliyay weerarkan sida la tuhunsan yahay ciidamo ka tirsan deegaanka oo ka so horjeeda Alshabaab.

Alshabaab ayaan weli wax war ah ka soo saarin weerarkan lagu qaaday kolonyadan ka tirsan ciidamadooda sidaas si la mid ahna ma jirto koox ama qolo si gaar ah u sheegatay in ay ka damebysay weerarkan.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live