Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Gallabta Eryay Safiirkii U Fadhiyey Somaliland Dalka Ethiopia Aadan Nuux Dhuulle Maalin Ka Dib Markii Madaxweynahu Safar Ku Soo Maray

$
0
0

Aadan Nuux Dhuulle Safirka La Eryay Ee Somaliland U Fadhiyey Addis AbabaKhamiis 17 July 2014 Addis Ababa (HALBEEG)– Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa galabta eryay safiirkii Somaliland u fadhiyey magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia Aadan Nuux Dhuule oo xilka hayey muddo ku dhaw afar sannadood ku dhaw.
Wallow aanay madaxtooyadu sheegin sababta dhabta ah ee xilka looga xayuubiyey Aadan Nuux Dhuulle, ayaa xilka qaadistiisu ku soo beegmaysa iyadoo dhawaan Madaxweyne Siilaanyo safar ku maray dalka Ethiopia isla markaana kulano la yeeshay ra’isal wasaaraha dalkaasi Ethiopia Hailamerium Desalgne, kulanka madaxweynaha iyo ra’isal wasaaraha Ethiopia ayaa ku soo beegmaayey iyadoo Ethiopia xidhay xuduudkii Somaliland iyo Ethiopia u dhexeeyey, isla markaana xidhiidhka labada dal uu gaadhay halkii ugu hoosaysay.Kumuu Ahaa Aadan Nuux Dhuule
Aadan Nuux Dhuule oo muddo labaatan sannadood ka badan ka soo hawl gallaayey laanta afka soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, isla markaana xidhiidh dhinaca qoyska ahi ka dhexeeyey qoyska madaxweyne Siilaanyo, ayaa xilka safiirka dalka Ethiopia loo magacaabay dabayaqadii sannadkii 2010-kii, markii madaxweyne Siilaanyo tallada dalka la wareegay.
Mr. Dhuule ayaa lagu tiriya inuu ahaa nin aad u xidhxidhan oo aan khibrad badan u lahayn dhinaca hawlaha diblomaasiyadda, waxaana la sheegi jiray inaanu awood sidaasi ah ku lahayn hawlaha safaaradda dalka Ethiopia oo uu hoosta ka watay wiil madaxweyne Siilaanyo adeer ugu toosanyahay oo Aadan Nuux Dhuulle la hoos dhigay Ayaanle Sallaad Diiriye.
Ayaanle Sallaad Diiriye oo madaxweyne Siilaanyo adeer ugu toosanyahay ahna ku xigeenka safiirka Ethiopia u fadhiya Addis Ababa ayaa hore ciidamadda Booliiska ee magaalada Addis Ababa ugu qabteen waraaqo foojari ah oo uu u samaynaayey dadyaw kala duwan.Sababta Loo Eryay Aadan Nuux Dhuulle
Iyadoo ay isa soo tarayaan wararka la xidhiidha xilka xayuubinta Aadan Nuux Dhuule ayaa dad badani aaminsanyahiin in looga shakiyey Mr. Dhuulle inuu bixiyey xogo la xidhiidha wasiiro xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka tirsan oo dawladda Ethiopia shaki weyn ka qabtay.Halbeegnews, Addis Ababacontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xoghayaha Siyaasadda Ee Xisbiga WADANI Maxamuud Raage Ibraahim Oo Dib Ugu Soo Laabtay Britain Ayaa Si Cilmiyaysan Uga Faalloonaya Dayaca Iyo Tiifta Ka Muuqatay Somaliland Ee Uu Soo Arkay “4 Sanno KULMIYE Maxaa Lagu Xasuusan Doona”

$
0
0

Maxamuud Raage Ibraahim, Xoghayaha Siyaasadda Ee Xisbiga WADANIJimce 18 July 2014 London (HALBEEG)– Xoghayaha siyaasadda ee xisbiga WADANI Mudane Maxamuud Raage Ibraahim ayaa muddo bil iyo badh ah oo uu socdaal ku tagay Somaliland dib ugu soo laabtay dalka ingiriiska isagoo hawlo shaqo u yimid magaalada London, Mr. Raage, ayaa qallinka u qaatay inuu si cilmiyaysan u odoroso ugana faalloodo dayacii, tiiftii, iyo kala daadsanaantii siyaasadeed ee uu Somaliland ku soo arkay muddo bil iyo badh oo uu Somaliland soo joogay, nuqul qoraaleedka uu sida cilmiyaysan u dooxaayo Xoghayaha siyaasadda WADANI wuxuu Somaliland ku soo arkay, ayuu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyey xafiiska warqabadka HALBEEG ee magaalada London habeenkii xallay ahaa wuxuuna qoraalkiisu u dhigna sidani:
“Hor iyo horaanba waxaa illaahay aan ka baryayaa in dhamaan umada muslinka ah uu ina waafajiyo wanaaga bisha barakaysan ee ramadaan , Rabbi qoorteena ha ka xoreeyo naarta, Mana aan jeclayn in aan maqaalkan taxanaha ah aan daah furo, Laakiin xildhibaano saaxiibaday ah oo aanan marnaba u quurin wax ceebaal ah , baa waxa aan diiday marqaatiga ay ramadaantaas furayaan iyaga oo doonaya in ay cilaaqaan gudoomiyahooda iyo xisbiga uu hogaaminayo ee Waddani .
Runtii iyada oo aan lays aflagaadayn ayaa la rabaa in uu shaqsi walba soo bandhigo aragtidiisa oo ku saleysan xaqiiq iyo run , keenana cadeymo iyo tusaalooyin, Maxkamada garta qaadeysaana maaha tan ay dawladu budhka la hor fadhido ee waa ta shacabka Reer Somaliland ee qiimaha badan, kuwaasoo laysku haysto codkooda, inkastoo madaxtinimada uu Rabbi bixiyo hadana waxaa lagu kala calaf qaadayaa codka shacabka reer Somaliland.
Hadaan usoo noqdo marka la qiimaynayo waxqabadka dawlada mudadii 4sano ahayd ee ina soo dhaaftay , jawaabta laga dheegan maayo in Wasiir 10 daqiiqo la hadlo Media ama warbaahinta ama qiimayn ay dawladu isku sameyso  ama Xildhibaan warqad A4 ah u qaybiya mareegaha ama aniga oo 1 article oo mucaaridad ah soo dhiga wargeysayada ee waa arin intaa ka qoto dheer oo u baahan daraasad rasaamaalkeedu yahay run iyo Cadaalad.
Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in aynu eegno oo is weydiino Dawladan oo aan ka mid ahaa ragii kusoo tabcay , lana shaqeeyey mudo 2sano ah kagana tegay saluug iyo anoo diiday hab dhaqankeeda bal aynu isla eegno  maxay dawladani ka qabatay arimahan.
Sugida Caadaladda iyo Illaalinta Xaquuqda muwaadiniinta
Siyaasada Difaaca Qaranka iyo adkaynta amniga dalka iyo umadaba
Siyaasada Dhaqaalaha
Arimaha Debeda iyo Xidhiidhka Caalamiga
Horumarinta Adeegyada Asaasiga ah
Horumarinta Bulashada
Xoojinta Tayada Dawladnimada iyo Maamul Wanaaga
Horumarinta Deegaanka iyo Nolosha Reer Miyiga.
Waxaan jeclahay in aynu qodob qodob u dul istaagno oo ka doodno, Loomana baahna nin jeclaysi , Reer Jeclaysi , ama adiga oo doonaya in aad iska maagto nin milgo iyo sharaf ku leh shacabka in aad usoo fuusho media maaha muxaafidnimo iyo mucaaridnimo midoodna , waana wax runtii laga xishoodo in been iyo buhtaan lala doonto gudoomiyaha golaha wakiilada ama laga sheekeeyo caafimaadka madaxweynaha ee waa in aynu ka wada hadalnaa shaqada inaga dhaxeysa oo ah sida aynu u wada ilaalin lahayn Dalka iyo Dadka ree Somaliland kuna tartarnaa sida aynu u hor marin lahayn.
Hadii aad Xildhibaan tahay mudona 10 sano aad fadhiday golaha wakiilada oo shaqadan kaa hor timid  jeclaysatayna in aad u wareegto Golaha Fulinta Dawlada oo madaxweynuhu ku magcaabo, ha ku raadin in aad nin walaalkaa ah oo aad mudo 10 sanadood taqaanay aad been hafarto ama ka sameyso dacaayado xaqiiqda ka fog.
Ugu danbeyn hadii aad ganacsade tahay waxaa la qiimeeyaa sanad walba in aan qasaartay ama faa,iiday, sidoo kale hadii aynu dawladeena u qiimayno 4 sanadood ee ina soo dhaafay , kana duulno 8da qodob ee aan kor kusoo xusay , anigu waxaan qabaa in ay shacabka Somaliland ka helin wixii ay ka filayeen ama ay dhimatayba kalsooni lagu qabi karo waxaana kaga jawaabayaa daraasadan aan ku eegayno qoraalada soo socda inaga oo ka duulayna baahiyaha asaasiga ee umadeenu qabto. Waxaan kuu sii hormarinayaa Sawirka Cusbitaalka
Cusbitaalka Qaaxada ee Ceerigaabo iyo Xaaladda ay ku sugan yihiin bukaanka kusoo hirtay oo ka eegayey gargaar.Daryeel La’aanta Haysata Bukaan Jiifka Cisbitaalka Qaaxadda Ee Ceerigaabo Oo Aan Booqday Intii Aan Socdaalka Ku Jiray
Ka waran hadii ay isugu kaa daranto Cudurka Dilaaga ah ee TB tuberculosis ama qaaxo iyo cunto la’aan, aadna weydo wax ku daryeela, Raashin weydo ma qaadan kartaa daawo, Ma is weydiisay meesha ay martay dhamaan dhaqaalihii ay inoogu deeqeen dawladaha reer galbeedka ah, Kuwait, UAE, ama lacagta la hadal hayo ee loo bixiyey Somaliland Development Fund oo dhan 40 Million oo ay bixisay Dawlada UK iyo 22 Million oo ay bixisay Dawlada Denmark
Abwaankii  Rabbi haw naxariistee  Gaariye wuxuu yidhi
Nin dhegaa dabooshoo
Indhaa duubtay maqal
Iyo ma dareemo muuqaalDhismaha Cisbitaalka Ceerigaabo Oo Qarka U Saaran Inuu Dumo
Dhismaha Cusbitaalka Qaaxada ee magaalada Ceerigaabo
Ama rumeyso ama ha rumeysan waxaan ku oohin dhameystay geedka ku horyaal cusbitaalka , waa gobolkii aan ku dhashay , waa ka ay ku aasan yihiin dhamaan tafiirta reer Somaliland , waxaa hadheysay gobolka dayac dhamaan adeega bulshada,xitaa shaqaalaha cusbitaalku ma joogaan in ka badana 2 saacadood. Waxaan idiin soo gudbin doonaa warbixin ku saabsan cusbitaalkan oo ku baxaysa luuqada Englishka oo ay duubeen rag muwaadiniin ah.Ama ila eeg xaalada Wershada Sibidhka oo ay dawladii ku guul dareysatay in ay 4 sano furto oo hada Sibidhka laga keeno Ethiopia inaga oo dhaqaalaheenaba markii horeba ku baxayey geedka qaadka oo aynu ka soo iibsano Ethiopia
Waa Wershada Sibidhka Berbera oo shaqo looga Sameyn lahaa kumaankun dhalinyaro oo reer Somaliland ah . lagagana hor tegi lahaa tahriibta oo aynu ka dheregsanahay in Caruurteenii ku dhamaatay Bada Liibiya iyo Saxaraha Suudaan, Hadaba Maxaa Hortaagan in Wershadeena aynu Furno? Jawaabta oo gaaban waa awoodarida dawlada iyo hogaamin xumada haysata iyo Go,aan la,aantooda.
Waxaan kusoo gunaanadayaa mar 2aad waxa uu yidhi alle unaxariisaygii maynaan aqoonini allow janadaada fardowsa gee ,
Dad haduu istodana
Danyarba sokeeye leh
Dugsigeenu way yaga
Ugu danbeyn markastoo aad qoraaladeyda aqriso illaahay inoo barri in uu dhexdeena kasoo saaro hogaamiyaal xalaal cun ah, iska dhawra xoolaha masaakiinta, inagana ina walaaleeya oo inaga kaxeeya sanabka qabyaalada ee inoo noqday cabirka wax walba” ayuu ku soo gebo gebeeyey qormadiisaasi xoghayaha siyaasadda xisbiga WADANI Maxamuud Raage IbraahimMaxamuud Raage Ibraahim Xoghayaha Siyaasadda WADANI
____________________________________________________________________________Halbeegnews, Londoncontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay shirkad baarta shidaalka

$
0
0

Dubai [RBC Radio] Tuhunka shidalka ee ku jira dalka ayaa sabab u noqda in dowladaha dalka soo mara ay heshiis-yo la galan shirakaddaha arrimaha ku shaqada leh,xilligan wasaaradda shidaalka iyo macdanta ayaa heshiis cusub la gashay shirkad fadhigeedu yahay Imaaraadka Carabta.
Shirkadda ay dowladda heshiiska la gashay waxaa lugu magacaaba Mubadala,waxaana la sheegay inay ku wanagsan-tahay sahminta shidalka iyo hubiinta goobaha shidaalka uu ku jiro.
Heshiiska cusub waxaa uu u dhacay hab saddex geesod ah,waxaana la sheegay in ay isku af-garteen dowladaha Imaaradka Carabta, Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan shirkadda Mubadala in shirkadda ay qayb ka qaadato sidii loo sahmin lahaa goobaha shidaalka ee Soomaaliya iyo in ay ka qayb qaadato qorshaha qodista haddii shidaal laga helo Soomaaliya.
Daa’uud Maxamed Cumar oo ah wasiirka xukuumadda Soomaaliya u qaabilsan macdanta iyo shidaalka ayaa dhankiisa sheegay in wadaagga xogaha ku saabsan shidaalka iyo macdanta Soomaaliya ay qayb ka yihiin heshiiska la kala saxiixday.
Wasiirka macdanta iyo shidaalka Soomaaliya,waxaa uu tilmaamay in shirkadda Mubadala ay qayb weyn ka qaadan doonto awood siinta iyo horumarinta waxqabadka shaqaalaha wasaaradda iyo horumarinta wax ka ogaanshaha macdanta Soomaaliya.
Sargaal ka tirsan shirkadda Mubadala oo lugu magacaabo Musabbeh Al-Kaabi, ayaa sheegay in heshiiskaan muhiimka ah uu qayb ka cayaari doono naqshadeynta xog is dhaafsi ku saabsan qaabkii magaalada Abu Dhabi ay ku maalgalisay waaxda shidaalka oo ay ku gaartay halka ay maanta joogto.
Al-Kaabi, ayaa inta ku daray shirkadda shidaalka ee Mubadala ay billaabi doonto xiriir qoto dheer oo ay la yeelaneyso wasaaradda macdanta iyo shidaalka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Dhulka Soomaaliya ayaa la aamin-san yahay inuu hodan ku yahay shidaalka iyo macdanta,inkasto dalka uu yahay midka dunidda ugu hooseya dhinaca dhaqaalaha,maadaama ay la hareen colaado iyo xasilooni dari.___RBC Radio

  • !function(d,s,id){var js,fjs=d.getElementsByTagName(s)[0],p=/^http:/.test(d.location)?'http':'https';if(!d.getElementById(id)){js=d.createElement(s);js.id=id;js.src=p+'://platform.twitter.com/widgets.js';fjs.parentNode.insertBefore(js,fjs);}}(document, 'script', 'twitter-wjs');
  • lang: en_US

Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Kuuriyada koonfureed oo ballan-qaaday inay si dhow ula shaqeynayso dowladda Soomaaliya

$
0
0

Muqdisho [RBC Radio] Dowlada Kuuriyada koonfureed ayaa soo bandhigaytay inay daneynayso wada-shaqeynta dowladda iyo shacabka Soomaalida,waxaana shalay magaalada Muqdisho soo gaaray safiirka dalka ee u qaabilsanan doonna arrimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey in dowlada kuuriyada koonfureed ay usoo magacabato safiir Soomaaliya,waxuuna sheegay inay wanaajin doonan xiriirka ay la leeyihiin si ay wada-shaqeyn u dhexmarto.
..”‘Waa muhiim wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo kuuriyada koonfureed anagu waxan ku dadaalleyna wanaajinta xiriirka iyo iskaashi buuxa oo na dhexmara,..”‘ayuu yiri madaxweyne Xasan.
Safiirka cusub ee ay usoo magacowday South Kuuriya Soomaaliya ayaa markii Madaxweynaha Soomaaliya uu ka guddoomay warqadaha danjirenimo kaga mahadceliyey Madaxweynaha Soomaaliya sida loosoo dhaweyey, isaga iyo wafdigiisa markii ay soo gaareen magaalada Muqdisho.
Danjire Choi Donggyou ayaa shegay in imaatinkiisa Muqdisho iyo magacaabistiisu inay qeyb katahay bilowga xiriirka iyo wax wada qabsiga dowladaha Soomaaliya iyo kuuriyada Koonfureed.
Dalkan muddo ka badan 23 sanno ma jirin wax safiir ah ama wakiil ugu magacaaban Soomaaliya,balse tallaabadan waxaa lugu sheegay inay qeyb ka tahay safiiro dhowr ah oo si isdaba jooog ay usoo magacowdeen qaar kamid ah dalalka caalamka, iyadoo dalal badan ay xiligan safaaradahoodu ka howl-galaan magaalada Muqdisho.____RBC Radio
 
  • !function(d,s,id){var js,fjs=d.getElementsByTagName(s)[0],p=/^http:/.test(d.location)?'http':'https';if(!d.getElementById(id)){js=d.createElement(s);js.id=id;js.src=p+'://platform.twitter.com/widgets.js';fjs.parentNode.insertBefore(js,fjs);}}(document, 'script', 'twitter-wjs');
  • lang: en_US

Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Barnaamijkii Su’aalaha iyo Jawaabaha :Habeenka Laylatul Qadriga Iyo Fadiilatul Sheekh Maxamed Cali Mawliid Masaajidka Abu Hurayra Ee Magaalada Toronto Soo Jeedintii Sheekh Cabdilaahi Cali Cilmi

$
0
0

Jimce 18 July 2014 Toronto (HALBEEG)– Ilaahay ajar iyo axsanaad buuxda ha ka siiyo, inagana kuwii uu anfaco ha inaga yeelo eh, waa su’aalahii iyo jawaabahii Sheekh Maxamed Cali Mawliid, casharkana wuxuu ku saabsanyahay habeenka laylatul qadriga oo la sheegay inuu ku jiro tobanka bisha barakaysan ee ramadaan, waa habeen ka kheyr badan kun bilood kheyrkii, barnaamijka waxaa inoo daadihinaya ilaahay ajar iyo axsanaad buuxda ha ka siiyo Sheekheena Sheekh Cabdilaahi Cali Cilm oo ka mid ah culumada masaajidka Abu Hurayra Center ee magaalada Toronto ee dalka Canada.Hoos ka daawo casharkaasi iyo su’aalaha iyo jawaabaha Sheekh Maxamed Cali Mawliid
Halbeegnews, Torontocontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Israel oo Weerar Dhulka ah ku Qaaddey Gaza

$
0
0

USA: Diyaaradda Malaysia Waa La Soo Riday

$
0
0

“ Shaqadaydu waa sharaf, diintaydaana sidan inaan u shaqeeya I faraysa” .W/Q Mahad Jama Koronto

$
0
0

Shaqadaydu waa sharaf, diintaydaana sidan inaan u shaqeeya I faraysa
Mahad Jama Korontoabbas688@hotmail.com
Luulyo 17 2014“Anigu cidna uma xagliyo
Xukuumadna lama safani
Xisbina waligeey ma galin
Xer gaarana uma shaqayn
waxaan ahay wariye xora
dadkaan xulufaysi nahay”
{Hal abuurka:- Sidiiq Burmad }
Shaqada aan hayaa waa sharaf, shaqada aan hayaa waa horumar, waxaan cod u ahay kuwa aan codka lahayn, waxaan gaashaan u ahay kuwa laga gardaran yahay, waxaan miraayad u ahay bulshada aan ka dhex shaqeeyo, waxaan waardiye ka ahay ficillada xun xun, waxaan ka shaqeeyaa in hadba meesha la joogo laga sii horumaro.
Intaas marka aan gudanayo waxaa asal iyo bud-dhig ii ah diinteenna suubban oo si faah faahsan u sharaxday qodobo aan is oran karo markii anshaxa saxaafadda la dajinayay diintaaba laga keenay.
Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay u haystaan shaqada wariyenimadu mid aan wanagsanayn, ka shaqaysa isku dirka, beenta iyo warxumo tashiilka, bal aan kuu sharraxo mabaa’diida shaqada wariyaha, waliba aan ka eego sida ay diinta islaamka ugu salaysan yihiin.
Qodobka koowaad ee mamnuuca ka ah waa beenta, sababta loo mamnuucayna waa inaan dadka lagu dhex baahin war aan la hubin iyo wax aan xaqiiq ahayn, waaba tii aayad quraan ah ay ku dhamaanaysay “(الا ان لعنة الله على الكاذبين”) kuwa beenta sheega nacladda ilaahay ayaa korkooda ahaatay.
Bare Saxaafaded,Mahad Jama Koronto
Shaqada ugu horraysa ee wariyaha waa inuu runta baahiyaa, si uu runta u helana waa inuu xaqiijin badan sameeyaa oo uusan hal dhinac ku kalsoonaan, sababta looga cararanaya waxaa weeye in ina aad hal dhinac iska aaminto aad cid kale khalad ka gasho, aayaddii ku jirtay Suuradda Xujurna waa tay ahayd.
(يا أيها الذين آمنوا إن جاءكم فاسق بنبأ فتبينوا أن تصيبوا قوما بجهالة فتصبحوا على ما فعلتم نادمين) Kuwiina ilaahay rumeeyayoow, haddii uu mid wax xumaynaya war idiinla yimado, iska caddeeya (Hubiya) si iidnaan qolo kale khalad/garasho la`aan ugu dhicin, dabadeedna aad noqotaan kuwa ka qoomameeya wixii ay sameeyeen.
Shaqadaydu waxay kale oo igu amraysaa inaan dhex dhexaad ahaado, oo aan cadaalad u sameeyo dadka aan ka dhex warramayo, diinteenuna waxa ay aad uga hadashay qodobkaas cadaaladda iyo in dhinac la noqdo.
Sharciga saxaafaddu ma ogola qadafka, iyo in qof wax uusan gaysan dusha lagala koro, sidoo kalena waxaa ka mamnuc ah in la baahiyo wararka Kutiri-Ku teenta ah , sida uu suubbanaheenniiba nooga digay xadiiskii ahaa (إياكم وقيل وقال) Kaasoo macnihiisu yahay, waxaaan idiinkaga digayaa waxaa la yiri iyo waxaa la lahaa Xadiis kalana iyada oo waxa aan la hubin la sheego ka digayay waxa suubanaheennii laga wariyay
(إياكم والظن فإن الظن أكذب الحديث ) Waxaan idinkaga digayaa malaha, maluhu waa sheekada ugu beenaysan.
Waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsanaya in qofka wariyaha ahi uu yahay qof mas`uul ka ah waxa uu baahinayo oo lagula xisaabtamayo, waxaana ay tani I xasuusinaysaa xadiiskii ahaa
(كلكم راع وكلكم مسؤل عن رعيته)
Alla Mahad leh
F/G: anigu sheekh maahi, diintana aad uma aqaan laakiin intan garashadaydaa gaarsiisan, waxaase laga yaabaa inay jiraan axaadiis iyo aayado kaga qumman daliillada aan u qaatay, balse waxaan hubaa in haddii si sax ah wariniada looga shaqeeyo ay tahay shaqo hufnaan leh, horumarna dadka gaarsiisa
Wixii Fikrad ah waynu wadaagi karnaa.Mahad Jama Korontoabbas688@hotmail.com
Raxanreeb.com Waxa ay Tixgelin Gaara Siinaysaa Maqaaladaha Sida Gaarka ah Loogu soo Diro ee aan Lagu Daabicin Mareego kale.
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

  • !function(d,s,id){var js,fjs=d.getElementsByTagName(s)[0],p=/^http:/.test(d.location)?'http':'https';if(!d.getElementById(id)){js=d.createElement(s);js.id=id;js.src=p+'://platform.twitter.com/widgets.js';fjs.parentNode.insertBefore(js,fjs);}}(document, 'script', 'twitter-wjs');
  • lang: en_US

Use Facebook to Comment on this Post
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Beesha Sade oo la doonayo inay la midowdo Puntland “Daawo Vedio”

$
0
0

Xukuumada Puntland ayaa ku howlan qorshe la xiriira sidii beesha Sadde deegaanka ku leh Gobolka Galgaduud iyo Degmada Caabud-waaq mowqif midaysan uga gaari lahayd ku biiritaanka maamulka Puntland xilli ay ku sugan yihiin magaalada Garowe Issimo iyo Odoyaal kasoo jeeda beeshaas oo lagala arrinsanayo qorshaha ay wado Puntland.
Odoyaasha iyo Issimada Beesha Sade oo Garowe soo gaarey bishii 5-aad ee sanadkan ayuu la xiriiray qorshihii ay yimaadeen Puntland markii horre ka qeyb galka xafladii caleemo saarka Boqor Burhaan Boqor Muuse , kuwaas oo ka yimid xilligaas Gobolada Gedo iyo Gal gaduud
Waxayna shaaciyeen dhawaan qaarkood Odoyaasha Sadde ee ku sugan Garowe oo warbaahinta la hadlay inay usoo jeedisay sidii beeshoodu ula midoobi lahayd islamarkaana ay qeyb uga noqon lahaayeen maamulka ka jira Puntland
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DAAWO:Wasiirka Dinta Iyo Awqaafta Oo Ka Qayb Galay Kulan Ku Saabsan Nadaafadda

$
0
0

Night 21 Taraweeh 18 July 2014

Cali Seeko oo lagu barxay gobolka Banaadir

$
0
0

Kn: Kadib cadaadis ka yimid mid ka mid ah beelaha caasimadda ayaa waxaa isbadal lagu sameeyey maamulka gobolka Banaadir, waxaana la buuxiyey booskii laga qaaday afayeenkii gobolka mudane Showqi, iyadoo la magacaabay Cali Seeko oo horey xildhibaan usoo noqdey.
Cali Seeko waxaa la sheegey in lagu barxayo ama lagu dheelitirayo awood qeybsiga beelaha ee caasimadda.KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Uruurka Duulimaadyada Caalamka Oo Sheegay Inayna Suura Gal Ahayn In Uganda Sameeysa Duulimaadyo Caalamiya.

$
0
0

Uganda(HalbeegNews)-Warbixin kasoo baxday Ururka Duulimaadyada Caalmka, ayaa waxaa lagu sheegay inaysan suuragal aheyn in Air Ugandha ay sameyso duulimaadyo caalami ah.
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Air Ugandha laga helay Cilado badan oo sababi kara inay soo dhacaan Diyaaradahaasi xiliyada ay ku jiraan hawada.
Ciladahaani ayaa waxaa lagu Ogaaday baaritaano socday muddo dheer, taasi oo lagu xaqiijinaayay Caafimaadka diyaaradaha Air Ugandha, iyadoona maanta Ururkaasi ay u suura gashay inay soo bandhigaan Qoraalka lagu xaqiijinaayo ciladaha diyaaradaha Shirkadaasi.
Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay inay suuragal noqon karto in ciladaha heysta diyaaradaasi ay sababto geerida kumanaan ruux oo xiliyadaasi Safarkooda u adeegsanaayo Air Ugandha taasina ay mudan tahay in wakhti hore laga waantoobo.
Dhanka kale, hakinta duulimaadyada Air Ugandha, ayaa waxa ay saameyn adag ku yeelaneysaa Ciidamadda Midowga Africa ka jooga Dalka Somalia, gaar ahaan kuwa Ugandha oo iyagu dantu ay bidi doonto inay raadiyaan diyaarado kale oo u kala gooshta Muqdisho – Ugandha, waxa ayna u muuqaneysaa in la heli doono diyaarado kuwaasi ka duwan oo u adeega AMISOM.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Milkiilihii Dhismihii Baar Bakiin oo  Cadaaladdaro ku Tilmaamey Burburintii lagula kacay Dhismihiisii ku yaaley KM4.

$
0
0

Milkiilaha Dhismihii Bar Bakiin ee ku yiiley Agagaarka Km 4  la bur-buriyey Bishii June  ee Sannadkaan  ayaa Saxaafadda u soo bandhigay Qoraalo ama  Document-yo  Caddeynaya Sharci ahaanshaha Dhismahaasi
Ganacsade Daahir Maxamed Aadan oo Daahir Bakiin ku magac dheer ayaa Wariyaasha tusay Cadeymaha Dhulka uu dhistay oo uu ku saxiixan yahay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cismaan Cali (Dhagax tuur).
Sidoo kale wuxuu Daahir Bakiin soo bandhigay Warqad ka soo baxday Maxkamadda sare  ee Dalka  oo tilmaameysa in aan la dumin Karin Dhismaha Baar Bakiin illaa Magdhaw buuxa laga siiyo Milkiilaha Maal-gashaday Dhulkaasi.
“22kii June ee Bishii hore ayaa Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Banaadir waxay  si ka baxsan Nidaamka Dowladnimo u Burburiyeen Dhismhii  aan ku lahaa  agagaarka Km 4  oo iigu fadhiyey Kumanaan Kun oo Doolar “ sidaa  waxaa yiri Daahir Maxamed Aadan (Daahir Bakiin) waxaa uu intaa ku darey
“Ma jirin wax bedel ah oo la ii  sheegay in dhulkaasi la iigu  bedelayo, sidoo kale la ima siin  waqti igu  filan oo aan uga guuro meesha haddii la Burburinayo iyadoo Dhinaca kale aan la igu wargelin in dhismaheyga  la baabi’n doono” waxaa uu sii daba dhigey hadalkiisa“wax walbana waxay ku dhaceen maalmo gudahood, waxaana halkaasi iiga khasaartay hanti aan yareyn…dowladdu waa in ay garowsato falka dhacay oo ah xad-gudub loo maray awood Dowladeed, isla markaana waa in ay Magdhaw ka bixiso khasaaraha dhacay” 
Daahir oo aan ku faraxsaneyn  sida wax u dhaceen ayaa hadana yiri “ Dhacdadaan waxaan u arkaa arrin lagu qancinayo dad kale .laakiin waxaa muhiim ah in ku xad-gudubka xuquuqda dadka aan lagu qancinin dad kale”  
“Ma xuma in Dowladda hoose ay bur-buriso Dhismooyinka aan sharciga aheyn laakiin waa in loo maraa wadiiqo aan sharciga ka baxsaneyn, iyadoo Magaalada Muqdisho laga heli karo dhismooyin  Wadooyinka Bartamaha u soo galay ama meelo  dan guud ah ku yaala aan waxba laga qaban.  in lagu deg-dego Baar          Bakiin waa arrin lagu tilmaami karo mid Cadaaladda iyo Nidaamka Dowladnimo ka fog”.ayuu ku soo Gabagabeeyey Daahir Bakiin hadalkiisa .
 W.D Amiin Yuusuf KhasaaroE-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.ukE-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Mubadala Petroleum signs cooperation agreement with Somalia

$
0
0

Daawo Sawirrada: Habeenkii 20-aad ee Afurinta Masjid Jaamaca Magaalada Baydhabo Ka Socota

$
0
0

Guddiga Afurinta Saa’imiinta Masjid Jaamaca Baydhabo iyo Saa’imiintuba waxaa ay u duceynayaan har iyo habeenba Muxsiniintii Kheyrka Ilaahay waafijeyey ee iyaga sababtooda ku dhowaad habeen walba 900 qof afurinaaya,Abaalkoodana Ilaahay ayaa Aduun iyo Akhiraba ku siinaya Insha’allah.
ALLE  S/W  XUMAAN OO DHAN KA NASAHNAA MADAYACO ABAALKA MUXSININTI.
Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo
1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell:00252615593718
2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Elay   :00252615578320
3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Adan 00252615590121
4-Maxamed Sh.Aadam
5- Macaani Sh.Sahal
6- C/Rashiid Sh .Maxamed TarafikoXiriiriye Bashiir Maxamed Aadan
Kala Soco Warar Sugan: Ishabaydhaba.comEmailIshabaydhaba@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Five killed, eight injured in Lamu bus attack

$
0
0

Five people including one policeman were killed while eight others were injured when armed gunmen attacked a Tahmeed bus near Witu in Lamu County.
Among the eight injured were four policemen and four passengers, Lamu west Administration Police Commander confirmed the 6.30pm Friday incident.
The bus was attacked along the Lamu- Malindi highway near Witu when armed assailants who had parked a Probox along the road stopped the vehicle and attempted to hijack it.
Salim Mwashema, one of the passengers told Nation that the bus was suddenly attacked at Pangani forest, the unknown gunmen started shooting injuring four passengers.
The gunmen attracted the attention of patrolling Administration Policemen who engaged the assailants in an exchange of gunfire.
The gunmen escaped into a nearby forest according to Lamu County Commissioner Miiri Njenga.
The Kenya RedCross however put the number of the dead at six. Tahmeed Coach managers confirmed the attack but could not provide more information saying they lost contact with the bus conductor.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Tartankii ugu adkaa oo caawa dhex maray tartamayaasha Heliwaa iyo Waaberi

$
0
0

Tartamayaasha Degmooyinka Heliwaa Vs Waaberi oo ka wada tirsan Gobolka Benaadir ayaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee SNTV iyo Radio Muqdisho.
Tartan Cilmiyeedka Bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo sanadkan uu taaba gelineyo Maamulka Gobolka Benaadir, islamarkaana caawa maraya kulankii 6aad ee Wareegga labaad ayaa waxaa tartan aad u xiiso badan dhex maray tartamayaasha Degmooyinka Heliwaa Vs Waaberioo labada tartame ay madasha tartanka ku muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Intii uu socday tartanka ayaa waxa ay labada dhinac muujiyeen dadaal ay aqoon ku dheehantahay, iyadoo dhanka isbarashada ku soo bandhigay goobta waxyaabaha ay degmo waliba caanka ku tahay.
Natiijada tartankii quruxda badnaa ee dhexmaray caawa tartamayaasha Degmooyinka Heliwaa Vs Waaberi waxey noqotay sidan:-
Heliwaa
Tartamayaasha degmada Heliwaa sida xeerka Barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aallood, Su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal oo ka mid ahayd Todobadii Su’aal ee la waydiiyay, waxa ay si ka faa’ideeysi ah u heleen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha Degmada Waaberi waxaana ay taasi ka dhigeysaa in ay heleen tartamaayasha Degmada Heliwaa 10 dhibcood (Toban dhibcood).
Waaberi
Tartamayaasha degmada Waaberi waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aallood, waxaana Su’aallihii la weydiiyey ay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal oo waxa ay iska qaldeen Saddex Su’aal, waxayna si ka faa’iideysi ah u heleen hal su’aal oo ay haleeli waayeen tartamayaasha Degmada Heliwaa, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Waaberi ay heleen noqoneysaa 10 dhibcood (Toban dhibcood).
Hadaba sida uu qabo xeerka tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa labada degmo la weydiiyay min hal su’aal maadaama loo baahday in waqti dheeri ah lagu darro tartanka, waxaa su’aasha koowaad la weydiiyay tartamayaasha degmada Heliwaa, laakiin nasiib darro waa ay iska qaldeen su’aashii la waydiiyay, waxaana tartamayaasha degmada Waaberi ay si ka faa’ideysi ah u heleen su’aashii dheeriga ahayd ee la waydiiyay Tartamayaasha Degmada Heliwaa, iyadoo sidoo kale tartamayasha Waaberi ay ka jawaabeen su’aashii dhankooda la weydiyay.
Gudigga tartanka ayaa ku dhawaaqay in tartamayaasha degmada Waaberi ay heleen dhibco gaaraya 14-dhibcood, sidaasina ay ugu soo gudbeen wareegga saddexaad ee tartanka, waana kulankii 21aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan, waxaana tartamayaasha Degmada Waaberi ay wareegga saddexaad isku arki doonaan tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee gobolka Benaadir.
Habeen dambe oo ah habeenka 22aad ee tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan oo sanadkan uu taaba gelineyo Maamulka Gobolka Benaadir, islamarkaana ay baahineyso Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartamaya Degmooyinka Galdogob Vs Dayniile oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Benaadir.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Safiir Cali Ameriko oo Isbitaalka Ku Booqday Gabar Soomaaliyeed oo Dhibaateysan,Deeq Lacageedna Gaarsiiyay “Sawirro”

$
0
0

Safiirka dowlada Soomaaliya u Fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nur Ameriko ayaa galabta isbitaalka Nairobi East ee xaafada Islii ku booqday deeq lacageedna gaarsiiyay gabar soomaaliyeed oo iska ka soo dhacday dabaq sedax biyaano xili ay ka carareysay ciidamada ammaanka dalka Kenya oo howl gal ka waday Xaafada Islii bilihii March iyo April ee sanadkan.
Gabadhan oo lagu Magacaabo Huda C/llahi Nuur ayaa 27-kii April ee sanadkan 2014 ka soo dhacday dabaq sedax biyaano ah xili ay dooneysay in ay ka dhuumato askarta Kenya,waxana ay ka jabtay lugta midig,iyadoo sidoo kalana ay dhaawacyo ka soo gaareen xabadka iyo dhabarka.
Aabaha dhalay gabadhan oo lagu magacaabo C/llahi Nuur Axmed ayaa sheegay in ku dhawaad mudo sedax bilood ah uu gabadhan kula jiray isbitaalka laguna yeeshay lacag dhan ilaa 5000 oo doolar.
C/llahi Nuur Axmed oo ah aabaha dhalay gabadhaasi ayaa sheegay in sababo la xiriira lacagtaasi uu ku yeeshay isbitaalka oo uusan iska bixin Karin ay sababtay in uu isbitaalka ka saari waayo gabadha oo hada xalaadeeda caafimaad ay wanaagsantahay.
C/llahi Nuur Axmed ayaa u mahad celiyay safiirka iyo dadkii soomaaliyeed ee gacanta ka geystay bixinta lacagtaasi deynta ah oo lagu lahaa maadaama uu iska dan yaryahay.
Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Maxamed Cali Nuur Ameriko ayaa u mahad celiyay dadkii soomaaliyeed ee gacanta ka geystay sidii gabadhasi ay isbitaalka uga bxii lahayd,waxuna ummadda soomaaliyeed uu ugu baaqay in la gargaaro dadka soomaaliyeed ee dhibaateysan maadaama lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Weerar Qasaaro geystay oo lagu qaaday Kenya

$
0
0

Lamu (Sh M Network)—Ugu yaraan 5 Ruux uu middi ahaa Askari ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya ayaa ku dhimatay, 8 kalena dhaawac ayaa soo ka gaaray Weerar Culus oo Kooxo hubeysan ay ku qaadeen Gaari marayay Degaanka Witu ee Jaziirada Magaalada Lamu ee Dalka Kenya
Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in 8-da ku dhaawacantay Weerarka 4 ka mid ah ay yihiin Ciidamada Booliska Dowladda Kenya halka 4 kalena ay yihiin Rakaabkii Saarnaa Gaariga.
Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Lamu Miiri Njenga ayaa sheegay in Kooxo hubeysan ay istaajiyeen Gaari islamarkaana ay isku dayeen sida uu hadalka u yiri in ay Afduubtaan.
Waxuuna sidoo kale xusay in Iska horimaad kooban uu ku dhexmaray Ciidamada Booliska iyo Kooxihii hubeysnaa Degaanka Witu ee Jaziirada Magaalada Lamu ee Dalka Kenya.
Miiri Njenga Taliyaha Ciidamada Booliska ee Magaalada Lamu ayaa intaa ku daray Kooxihii hubeysnaa ee Weeraray Gaariga in ay u baxsadeen dhanka Howda Pangaani sida uu u sheegay Wakaalada Wararka ee Daily Nation oo ka soo baxda Dalka Kenya.
Sikastaba, dhawaan ayaa Weerar ay ku dhinteen inka badan 60 Ruux waxuu ka dhacaday Degaanka Mpeketoni oo ku dhow Jaziirada Magaalada Lamu ee Dalka Kenya, Weerarkaasi oo Mas’uuliyadiisa ay dhabarka u riteen Ururka Al Shababa ee ka Dagaalanta Soomaaliya.