Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Xildhibaanno kale oo tagay PUNTLAND iyo weerar ay ku qaadeyn DF SOMALIA

$
0
0

Garoowe (Caasimada Online) - Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa gaaray xildhibaanno kale oo ka soo jeeda deegannada Puntland kuwaasoo ayiday baaq uu horrey u soo jeediyay madaxweyne Cabdiweli Gaas.
Xildhibaannada oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in u tageyn Garoowe siddii ay kulamo ula yeelan lahaayeen madaxda iyo shacabka reer Puntland.
Xildhibaannadaas waxaa ka mid ah Cabdi Barre Yuusuf Jibriil, wuxuuna warbaahinta u sheegay in ay kulamo la yeelan doonaan mas’uuliyiinta maamulka Puntland isla markaana ay soo dhaweenayaan baaqa ka soo yeeray madaxweynaha Puntland.
Wuxuu sheegay oo kale in ay taageersan yihiin go’aanka madaxweynaha uu xiriirka ugu jaray dowladda dhexe waxaana la rabay ayuu yiri in kal hore siddaas la sameeyo.
Waa qeybtii labaad oo xildhibaanno ka soo jeeda deegannada Puntland ay gaaraan magaalada Garoowe, waxaana arrintaas ay ka dambeesay markii madaxweyne Cabdiweli Gaas uu muddo 15 maalin u qabtay xildhibananada iyo dadkale ee ka soo jeeda Puntland ee dowladda ku jirra ay ku soo gaaraan Garoowe.
Magaalada waxaa horrey u tagay lix xildhibaann oo ay ka mid ahaayeen Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed Cabdi Yuusuf, xildhibaannadaas ayaa ka tagay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.Caasimada Online Xafiiska Wararka GarooweCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


DFS oo qiratay inaysan awood u lahayn arrin halis ah oo MUQDISHO ka taagan

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Taliska ciidanka xooggan dalka ayaa maanta oo Khamiis daaha ka qaaday in aysan awood u lahayn siddii Shabaab looga xakameyn lahaa in ay gacanta ku dhigaan hubka iyo dharka ay xirtaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho, taliyaha ciidamada xoogga, Daahir Aadan Cilmi (Indho Qarshe) ayuu sheegay in dareeska ciidamada dowladda ay dalka keenaan ganacsato, waxaana ay sahli kartaa ayuu yiri in cid kasta oo qaswadayaal ah laga iibiyo.
Wuxuu sheegay in ciidamada booliska, nabad sugida iyo millitariga uu billaabay in la qabto kooxaha xiran dharka ciidamada ee magaalada iska wareega, isagoona intaas ku daray in gacanta lagu hayo kuwa badan oo ay ku socdaan baaritaan.
Taliyaha ciidamada xoogga ayaa tilmaamay in dowladda looga baahan yahay in ay joojiso ganacsatada dalka keena dharka ciidamada, wixii hadda kaddib arrintaas loo xilsaaro wasaaradda gaashandhigga.Duulaan cusub
Taliyaha ciidamada xoogga, Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarshe) ayaa ka dhawaajiyay in labada bil ee soo socda ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM in ay qaadi doonaan guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab kaasoo la doonayo in dhamaman looga saaro goballada ay ku sugan yihiin.
Wuxuu sheegay in la saxay qaladaad dhacay howgalkii hore kaasoo in goobaha Shabaab laga qabsaday aan loo furin waddooyinka taasna ay keentay in dad badan ay gaajo u dhintaan, isagoona intaas ku daray in shir laga yeeshay arrimahaas oo oo dhawaan uu billaaban doono wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.Doorka AMISOM ee dagaalka
Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa mar uu ka hadlaayay doorka ciidamada AMISOM ee dagaallada Shabaab, wuxuu sheegay in markasta ciidamada dowladda ay ka horeeyaan dagaalka kuwa AMISOM, sidoo kale ay ka badan yihiin dhimmada oo ciidamada AMISOM iyagoo wata beebooyin iyo gaadidka dagaalka ayaa waxaa ka horeeya askariga lugta ah ee Soomaaliya ayuu yiri.
Taliyihu wuxuu ku celceliyay in AMISOM aaney ka sugeynin in ay dalka ka xorreyso Shabaab balse ay ku mahadsan yihiin taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda.
Si kastaba, dagaal-yahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa iyagoo xiran dharka ciidamada dowladda waxay weerar ku qaadeyn seddaxda xarun ee ugu muhiimsan dowladda sidda baarlamaanka, hey’addaha maxkamaddaha iyo madaxtooyada.Caasimada OnlineXafiiska Wararka MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

“Dadkii ka dambeeyey dika xildhibaan MADEER oo la ogaaday lana qabtay”…

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah waxay kulankoodii caaddiga ahaa ku yeesheen Muqdisho, iyagoona ka hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay xakameynta hubka sida sharci darrada loogu heysto Muqdisho.
Kulanka oo uu shir guddoominaayay ra’iisal wasaare Cabdiweli Axmed Sheekh, ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta faah-faahin ka siiyay kulanka afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji Cabdiweli.
Wuxuu sheegay in kulanka lagu meel mariyay qorshe ay horey u soo gudbisay wasaaradda ammaanka taasoo ah in hub sharci darro ah aan lagu heysan karin magaalada,wuxuuna tilmaamay in arrintaas goluhu uu meel mariyay.
Waxaa kaloo uu sheegay in maalmihii la soo dhaafay magaalada ay ka dhaceyn howgallo aad u ballaaran kuwaasoo lagu soo qabtay hub iyo 110 qof oo xiriir la leh Al-Shabaab kuwaasoo ay ku jiraan kuwa dilay xildhibaan Sheekh Aadan Madeer.
Wuxuu kaloo sheegay in dowladda ay weydiisatay Kenya in loo soo gacangaliyo nin lagu qabtay Nairobi kaasoo la sheegay in uu ka dambeeyo dilka wariyaal badan oo ka shaqeenaayay Muqdisho.
Dhawaan ayaa magaalada Muqdisho howgallo laga sameeyay waxaa lagu soo qabtay hub aad u fara badan oo la sheegay inay Al-Shabaab lahaayeen, balse waxaa laga helay guryo saraakiisha ciidamada ay lahaayeen.Caasimada OnlineXafiiska Wararka MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Jawaari iyo Faarax C/qaadir oo keenay siyaasado cusub oo doorashada ku…

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Illo xog-Ogaal ah oo ka tirsan Golaha shacabka, ayaa inoo xaqiijiyay inay jiraan dadaalo gooni ah oo ay wadaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari iyo Wasiirka Dastuurka Faarax C/qaadir.
Illo wareedka ayaa sheegaya in Prof Jawaari iyo Faarax C/qaadir, ay ku howlan yihiin wax kabadalida qodobo yar oo ku jira Dastuurka ee ka hor imaan kara Doorashada iyo qaabka ay u dhaceyso.
Sidoo kale, illo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in bedelka sida hoose loogu sameynaayo Dastuurka uu yahay mid lagu xalaaleysanaayo muddo kororsi lagu sameeyo Dowlada Federaalka, waxaana la Tilmaamayaa in Arrintaasi ay tahay mid aan dhaafsaneyn Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Dastuurka, inkastoo ay warar hoose tibaaxayaan in Ujeedka Faarax loogu dhiibay xilkaasi ay tahay inuu rogo siyaasada ka hor imaan karta Dowlada Xassan.
Wasiir Faarax ayaa isagu gacanta kula jiro Dastuurka si qalqal loo galiyo goorta lagu ballansan yahay Doorashada oo ay waxyar ka harsan tahay, waxaana Magaalada Muqdisho ka soconaaya kulamo u dhexeeyo Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha Dam-Jadiid kuwaasi oo ka arinsanaaya qaabka ugu sahlan ee lagu jaan rogi lahaa Nidaamka ka hor imaan kara Xil kororsiga iyo damaca Siyaasadeed oo ay kusoo sharxayaan Kooxda Madaxweyne kale oo iyaga u taagan.
Waxaa Magaalada Muqdisho laga dareemayaa Siyaasado kacsan oo ay naas-nuujineyso Dowlada Federaalka, taasi oo ay isku uruursanayaan Dam-jadiid, maadama ay muddo kooban ka harsan tahay dhicida Xukunka Dowladooda.
Dhanka kale, Qorshaha lagu jaan-rogaayo qodobo yar oo ka tirsan Dastuurka, ayaa waxaa isla daadihinaayo Seddexda Mas’uul ee aan kor kusoo xusnay, wallow ay jiraan Siyaasado taa kasoo horjeeda oo ay wadaan Xildhibaano, Odayaal iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah Dowlada Madaxweyne Xassan.Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Siyaasiyiinta & Ganacsatada Muqdisho oo wadnaha farta ku hayo kaddib….!

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-War goor dhow kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaarada Amniga Khaliif Erag, ayaa waxaa lagu sheegay in Maalmaha soo socdo ay wasaaradu waxbadan ka bedeli doonto hubka faraha badan oo ay la cararayaan Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.
Warbixinta kasoo baxday Xafiiska Wasiirka, ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradu ay qaswadayaal u aragto kuwa aan ku jirin Dowlada ee hadana wata Hubka faraha badan, waxaana la Tilmaamay inuu socdo qorshihii lagu kala yareyn lahaa Hubkaasi.
Afhayeenka Wasaarada Maxamed Yusuf, ayaa isaguna dhankiisa ka sheegay in Wasaaradu ay lasoo baxeyso dadaalo lagula xisaabtamaayo Siyaasiyiinta, Odayaal dhaqmeedyada iyo Ganacsatada aan ka tirsaneyn Dowlada ee isticmaasha hubka farahabadan, waxa uuna sheegay in qorshaha uu iminkaba socdo.
Dhanka kale, Afhayeenka ayaa waxa uu Tilmaamay in muddo Asbuuc gudihiisa ay fashiliyeen Weeraro laga fulin lahaa qeybo badan oo ka tirsan Magaalada Muqdisho sida Liido, Wardhiigley iyo Xarumo kale, waxa uuna Tilmaamay in ay bur-buriyeen Shabakado Alshabaabku ay ku lahaayen Degmada warta-nabada.Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xiisad dagaal oo ka taagan Garoowe & maleeshiyo FAROOLE ku beel ah oo….

$
0
0

Garoowe (Caasimada Online) –  Xiisad dagaal iyo guluf colaadeed ayaa laga dareemayaa magaalada Garoowe, kadib markii ciidamo u abaabul qaab beeleed lasoo dhoobay gudaha iyo daafaha magaalada Garoowe, kuwaasi oo ka careysan xil ka qaadis uu Madaxweynaha Puntland ku sameeyay saraakiil kasoo jeeda beesha Faroole ee Ciise Maxamuud.
Maliishiyadaas ayaa dorraad la wareegay gacan ku haynta Telefishinka Puntland TV iyo Idaacada, balse ay kaddiib ka saareen odayaal. Si kastaba, xiisadda ayaa weli taaggan, waxaana maleeshiyada ku beesha ah Faroole ay aaminsan yihiin in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uu wado xilal ka qaadis lagu colaadinayo hal beel kaliya xil ka qaadistaasi.
Xubnaha xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah Cumar Cabdullaahi Faroole oo ah wiil uu adeer u yahay Madaxweynihii hore C/raxmaan Faroole, isla markaana uu ka dhigay Taliyihii Madaxtooyada Garoowe, Taliye ku xigenkii ciidanka booliska Gen.Muxiyaddiin Axmed Muuse iyo Agaasimihii Puntland TV Axmed Maxamed Cali (Kismayo).
Isimada kasoo jeeda gobolka Nugaal oo uu horkacayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase iyo Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa ku guuleystay in si nabad ah maliishiyadan ku heybta ah ka kaxeeyaan xarunta TV iyo Raadiyaha Puntland, waxayna ku baaqeen in wada hadal arintan laga galo. Weli lama shaacin xilliga uu wada-hadalka dhici doona, waxaana la sheegay in Maleeshiyada reer Faroole ay feejignaan ku jiraan.
Xaalada ayaa hadda ah mid degan walow mar walba la filan karo isku dhacyo kedis ah, maadaama magaalada ay ku wada sugan yihiin ciidamo iska soo horjeeda oo is colaadinayo, waxaana socda shirar lagu xalinayo dhibaatadan.Caasimada OnlineXafiiska GarooweCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ismaacil Cumar Geelle oo Washington ka sheegay war naxdin galiyay Xasan

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online)- Iyadoo uu shir Ballaaran maalmahaani Madaxda Qaarada Afrika uu uga soconayo Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka, ayaa waxaa madaxweynaha Jabuuti uu sheegay in beesha caalamka aysan aamin karin dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo arrintaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Beesha Caalamka ay Soomaaliya siin la’dahay dhaqaalihii loo yaboohay, ayna ugu wacan tahay amni darrada ka jirta dalka.
Madaxweyne Geelle waxa uu Daboolka ka qaaday in wajiga lagu siin lahaa dhaqaalaha Dowlada Federaalka uu yahay xaqiijinta Ammaanka, balse ay ku fashilintay Ammaanka iyo Horumarka Somalia.Halkan ka dhageyso Ismaaciil Cumar Geelle
http://caasimadda.com/wp-content/uploads/2014/08/ismaaciil.mp3Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

An Alan and Jane Batkin International Leaders Forum with the President of Somalia Hassan Sheikh Mohamud

$
0
0

President Barack Obama will host the U.S.-Africa Leaders Summit on August 4-6 in Washington, D.C. Billed as the first event of its kind, the summit’s theme is “Investing in the Next Generation.” Somalia is one African nation where both challenges and ...
Weblinks: 


Somalia: Crisis Deepening as Attacks Increase; Gaza: Baptist Church No Longer Holding Services

$
0
0

An explosion in Rafah in the southern Gaza Strip on July 8 2014, after what police said was an Israeli airstrike-one of more than 100 on Monday and Tuesday. (Ibraheem Abu Mustafa/Reuters via Al Jazeera America) On Friday al-Shabaab killed a member of ...
Weblinks: 

Somalia: A New Military Push By Somali National Forces and Amisom to Start Soon

$
0
0

Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud has said that he expected a new military drive by AMISOM and Somali National Forces against Al-Shabaab militants to start shortly. In an interview with Reuters in Washington where he was attending the US-African ...
Weblinks: 

Dr. Saciid Ciise Maxamud: Hantida Gaarka Loo Leeyahay Ha La Dhowro Xuquuqdeeda

$
0
0

Hubka ay haystaan dadku wuxuu ka mid yahay hantida gaarka ah oo ay milkiyadeeda iska leeyihiin dadka hantidooda ku soo iibsadey hubka si ay ugu difaacdaan hantidooda, naftooda, iyo nabadeynta degaanka ay ku nool yihiin.
Soomaaliya waxey soo martay dagaal sokeeye, welina lama gaarin dib u heshiisiin dhaba. Sida badan shacabka Soomaaliyeed ee kala degan degmooyinka dalka waa ay wada hubeysan yihiin, mana muuqato dowlad awood u leh iney dalka dhamaantiis ku soo celiso nabadgeliyo iyo kala dambeyn buuxda.
Shacabka Soomaaliyeed waxey xaq u leeyihiin iney hantidooda ku soo iibsadaan hub ay isku difaacaan ama ay ka ganacsadaan oo ay ka iibiyaan dadka u baahan iney isku difaacaan. Mar haddii aysan jirin dowlad lagu haleyn karo wax ka qabadka amaanka dalka,waxaa haboon iney shacabku is hubeeyaan oo aysan dayacin isdifaacooda.
Wadan kasta oo ay ka jirto dowlad ay shacabku soo doorteen oo dejisey nabadgelyada dalkeeda, waxey shacabkeeda u ogoshahay iney haystaan oo ka ganacsadaan hubka inta ay jirto baahi loo qabo dhinaca suuqyada si shacabku uu qaato kaalintiisa uu isku difaacayo marka ay la soo gudboonaato xaalad kalifeysa iney adeegsadaan hubka gacantooda ku jira.
Hayadaha amniga ee wadamada xasiloon waxey rumeysan yihiin in hubka ay sitaan ciidamada amniga iyo kuwa ay haystaan shacabka ay yihiin kuwo is kabaya oo is dheelitiraya, maxaa yeelay dadka u abaabulan fal dambiyeedyada marka ay aaminsan yihiin in shacabku hubeysan yahay kuma degdegayaan iney fuliyaan howlgaladooda ilaa ay ku qaadato wakhti ay ku darsaan xeeladahooda ay wax ku dhacayaan ama ay ku fulinayaan dilalka qorsheysan. Waxeyna inta badan ku aadiyaan dejinta qorshayaalkooda burcadnimo xiliga ay ogaadaan in cida ay bartilmaameysanayaan aysan hubeysneyn.
Soomaaliya waxaa xuquuqda hub haysashada iyo ka ganacsigiisa sharciyo wanaagsan u dejin kara marka la helo dowlad ay madaxdeedu si toosa u soo doorteen shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna ay ku leeyihiin awood ay ku soo gudbin karaan codkooda xambaarsan dareenka iyo walaaca ay ka qabaan sharciyada dowladu dooneyso iney ku dhaqdo dadka.
Dowladda hadda ka jirta Soomaaliya ma ahan mid haysata kalsoonida shacabka, tilaabo kasta oo dadka looga dhigayo hubkooda waxey shacabka u gacmo xireysa xadgudubyada qowleysatooyinka ku adeeganaya magaca dowladda iyo kooxaha hubeysan oo caadeystey dilka iyo dhaca hantida dadka, taasna waxey xadgudub ku tahay xuquuqda ay dadku u leeyihiin dhowrista hantidooda iyo difaaca naftooda. Waxaa kaloo uu tuhun weyn ka jiraa hubka laga qaadayo dadka la bartilmaameysanayo meesha uu ku dambeynayo, maxaa yeelay hubka soo gala dowladda ayaa sida badan ku dambeeya gacnaha suuqa hubka ama beelo la jaala dowladda ama mucaaradka hubeysan ee la dagaalamaya dowladda.
Xisbiga Dadka wuxuu ka soo horjeeda in wakhtigan oo aysan dowladu sameynin shariciyada lagu dhaqyo haysashada, qaadashada, iyo ka ganacsiga hubka sida gaarka ah loo leeyahay ineysan ku tilaabsan hub ka dhigis lagu sameeynayo shaqsiyaad gaara ama beelo gaara, taas oo u muuqan doonta in dowladu ay bartimaameysaneyso qeybo gaara oo ka mida bulsha weynta Soomaaliyeed. Haddii ay sidaas dhacdana ay dowlada taagta daran u keeneyso mucaaradyo kale oo hubeysan oo ka soo horjeesta dowladda.
Xisbiga Dadka ma aaminsana maanta in la joogo xiligii ay dowladu ku dhaqaaqi lahayd hub ka dhigis waayo ma jirto cid u hogaansameysa hub ka dhigis lagu sameeyo hal dhinac oo keliya ama hal magaalo oo keliya ama hal beel oo keliya. Xisbigu wuxuu aaminsan yahay in dano gaara laga leeyahay in xili aan la joogin wakhtigeedii dowladu ay isku mashquuliso dhaca iyo boobka ay u geysaneyso hantida sida gaarka ah loo leeyahay oo uu ka midka yahay hubku.
Xisbiga Dadka wuxuu raacsan yahay in shacabku ay xaq u leeyihiin iney haystaan hub oo ay ka ganacsadaan hubka, dowladuna ay xaq u leedahay iney xeeriso sharciyada waafaqsan adeegsiga dhaqanka wanaagsan ee lahaanshaha hubka ay shacabku haystaan. Xisbigu wuxuu ka digayaa ineysan dowladu u adeegsan marmarsiyo siyaasadeed oo loogu raadinayo qiil in si xooga loogu dhaco hubka ku jira gacmaha dad gaara oo ay milkiyadiisa leeyihiin wadar guud.
Dowladu awoodeedu waxey ku dhisan tahay sharci, sidaas daradeed waa iney marka hore dalka dib u dhis sharciyadeed u sameysaa. Haddii taas la waayo, dowladuna aysan lahyn tabar xoogan oo ay cudud wax ku maquunin karto, waxaan shaki lahayn iney horseedeyso burburkeeda.
Xisbiga Dadka wuxuu aaminsan yahay in hubka laga dhigo kooxaha u abaabulan qaabka dariiqada, beelnimada, iyo burcadnimada, wuxuuna rumeysan yahay xisbigu in ciidanka dowladda oo keliya ay awood u leedahay iney haystaan hubka nuucyadiisa kala duwan, rayidkuna ay shaqsi ahaan xaq u leeyihiin haysashada hubka fudud. Kooxaha hubeysan ee aan ka tirsaneyn ciidanka dowladda dalka waxaa loo baahan yahay in loo sameeyo sharci mamnuucaya haysashada hubka culus oo ay haystaan, loona soo jeediyo qaab nabadeed oo ay dowladu magdhow uga bixineyso hantidii ka gashay hubka culus. Hubka ay beeluhu u leeyihiin wadar ahaan waa iney dowladu kala xaajooto dhamaan beelaha Soomaaliyeed iney hubka culus ku soo wareejiyaan ciidanka dowladda si dalka loogu difaaco ama ay ugu wareejiyaan ciidanka ay leeyihiin dowladaha ka jira maamulka gobolada. Markasta waxaa lagama maarmaan ah in xalka uu ku yimaado qaab nabadeed oo aan abuurin colaad u dhaxeysa dowladda iyo qeybo ka mida bulshada, taas oo dalka u horseedi karta inuu dib ugu noqdo dhaqankii jabhadnimada ama isbaheysi ay wadaagaan beelo hubeysan oo mucaaradda, dowladana la gala dagaal hubeysan.Dr. Saciid Ciise MaxamudGudoomiyaha Xisbiga Dadka Soomaaliyeedsaciidciise258@aol.com 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somaliland Oo Qoraal Askhato ah oo ka dhan ah Soomaaliya u gudbisay QM

$
0
0

“Waxaannu ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliya inay ku dhaqmaan waxaannu ku heshiinnay oo ay dib ugu soo noqdaan miiska wadahadalka u dhexeeya Somaliland”
“Soomaaliya ma samayn karto, xaq sharci iyo awood ay ku maamusho biyaha iyo xuduudaha maamul ee badda Jamhuuriyadda Somaliland”

HARGEYSA (Somaliland.Org)-Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa gaadhsiisay beesha caalamka go’aan adag oo ay ka soo saartay qorshe dawladda taagta daran ee Muqdisho ku diiwaangashatay xuduudaha badda oo ku darsatay biyaha Somaliland.
Madaxweynaha maamulka Muqdisho Mr. Xasan Sheekh ayaa warqad uu u diray Qarammada Midoobay dabayaaqadii bishii July ee dhammaatay ku sheegtay xuduudaha badda dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya oo Somaliland ku jirto.
Haseyeeshee, dawladda Somaliland oo arrintaasi aad uga cadhootay ayaa beesha caalamka gaadhsiisay go’aaneeda ku wajahan tallaabada maamulka Muqdisho qaaday oo ay ku tilmaantay sharci-darro ka horimanaysa qawaaniinta caalamiga ah, horumarka iyo deganaanshaha Gobolka Geeska Afrika.
“Dawladda Somaliland waxay si xoog ah u diiddan tahay, ugana soo horjeeddaa, isla markaana aanay aqoonsan doonin dhawaaqa dawladda Soomaaliya ku sheegatay xuduudaha biyaha, xuduudaha maamul iyo guud ahaan badda Jamhuuriyadda Somaliland.” Sidaa waxa lagu yidhi qoraal Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland u qortay Qarammada Midoobay 23-kii bishii July, loona kala diray dawladaha waddamada jaarka iyo dawlado kale oo ka mid yihiin Maraykanka, Ingiriiska iyo Turkiga oo uu soo saaray afhayeenka wasaaradda Khaarajiga Md. Siciid Cali Muuse.
Waxa kale oo dawladdu sheegtay in Jamhuuriyadda Somaliland diyaar u tahay inay taageerto guud ahaan dadaallada lagu horumarinayo wada-shaqaynta iyo kor-u-qaadidda horumarka dhaqaale ee Gobolka Geeska Afrika, ‘balse’ buu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibaddu, “Wadashaqaynta iyo ka qaybqaadashada Somaliland e dadaalladaasi horumarineed waxay mar walba ku qotomaan in Somaliland u madaxbannaan tahay qarannimadeeda iyo in lagu ixtiraamo xuquuqdada biyaheeda iyo xuduudaha baddeeda sida uu qabo xeerka caalamiga ah.”
Wasiirka Khaarajigu waxa uu sheegay in Soomaaliya aanay sheegin Karin biyaha Somaliland oo aanay iyadu lahayn, waxaanu yidhi “Soomaaliya ma samayn karto, xaq sharci iyo awood ay ku maamusho biyaha iyo xuduudaha maamul ee badda Jamhuuriyadda Somaliland ma laha. Go’aanka ay kelida ku tahay Soomaaliya ee ku sheegatay xuduudaha badeed ma aha uun sharci-jebin Muqdisho samaysay, laakiin waxay iska indho-tiraysaa qawaaniinta caalamiga ah. “
“Waxaannu ugu baaqaynaa maamulka Soomaaliya inay ku dhaqmaan waxaannu ku heshiinnay oo ay dib ugu soo noqdaan miiska wadahadalka u dhexeeya Somaliland,”ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wafdi kormeer ah oo ka baxay Dhadhab oo tagay Kismayo

$
0
0

Bandhiga Buugaagta ee Hargeysa

$
0
0

Riwayaadan oo ah

$
0
0

Gefka Soo Noqnoqda Ee Tuulada Saaxdheer. (By Dr. Spanish)

$
0
0

Waxa la yiri ninbaa xoolo uu leeyahay oo la wada yaqaan waxa ku qabsaday nin kale oo ka gardaran. Labadii nin baa odayaal kala saara loo xulay. Waxay gartii laba rogaanba go’aan bay gaadheen. Go’aankiina wuxu noqday wax aan la filayn lana qaadan karin oo ninkii xaqa lahaa oo ummadda oo dhami ogayd baa waxa la yiri gartii wad weydey oo waxa kaa helay ninkii xaqdarro ku doodka ahaa. Nimanka garta qaadayaa waa waayeelkii iyo birimageydadii beesha oo waa intii dadka xishoodku ku dambeeyey e uusan waxba odhan karin. Ninkii inta rumaysan waayey buu codsaday in mar labaad go’aankii loogu celiyo, mise waa sidii uu markii hore u maqlay oo dhegihiisu ma khaldamin. Ninkii inta arrinkii u cuntamiwaayey buu hareeraha eegay mise cid juuqlihi ma jirto oo waxad moodaa in dadkii goobjoogga ahaa oo dhan carrabkii belo ka goosatay oo xaqdarrada ka raali yihiin. Dood iyo racfaan midna kama furra oo garto waxay ahayd Jilibcarro. Nimankii garta qaadayna niman uu jawaabta ay istaahilaan siin karo waa la noqon waayeen. Ninkii geedkii hadhkiisa gar eexeedka lagu qaaday buu kor u eegay mise waa geed Garas ah. Markaas buu wuxu yiri sida la sheegay: “Garaskow Najis”, horuuna ka dhaqaaqay.Haatan inkasta oo afka ii furani yahay makarafoonka la hordhigo iyo kan hordhigow najisHadana waxa muuqata in ay meesha ku jiraan dhawr su’aalood oo gefafkii tuulada Saaxdheer hogaan dhaqameedkeeda ka soo yeedhay ku lug leh.
Laakiin inta aanan u gudbin su’aalaha, aan dib isu xusuusino maah maah ku sheegii Tuulada Saaxdheer ka soo yeedhay oo Soomaali oo dhami wada maqashay oo ay u horraysey “Hashii awrkeeda diida ……………… afartaba dab laga saar waa abaahi seegtaa”, isla markaana loola jeedey Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo Garoowe tegey.
Hadaba, labada su’aalood oo hore waxay la xidhiidhaan maah maah ku sheegii aan meesha qaban ee  Garaad Saleebaan Garaad Maxamed loola jeedey markuu Garoowe tegey, waana kuwan:
1)                  Maalmo ka hor intaan Garaad Saleebaan Garoowe tegin waxa Saaxdheer laga abaabuley 55oday oo u socdey danaha gaarka ah ee reer Saaxdheer, waxayna tageen degmada Buurtinle oo ka tirsan maamulka Puntland, laakiin Saaxdheer looga yaqaan “BINT LAND”. Marka suaasha meesha ku jirtaa waxa weeye, haaddii meesha loo abaahi tago, 55ka oday ee Saaxhdeer laga abaabuley ma rimmay bay ahaayeen, haddayse galoof ahaayeen maxaa indhaha Garaad Saleebaan lagu arkay loogu arkiwaayey?  Mise Saaxdheer “filter”ka afkeedu waayey indheheeda leh oo si gaar ah “image selection” u sameeya.
2)                  Waxa Magaalada Garoowe joogey muddo bil kor udhaafaysa  Garaad Abshir Saalax. Hadaba, Graad Abshir Saalax oo xurmo iyo xaqdhawr iga mudani isaga oo raalli iga ah, anigu abaahi tagii baan daba socdaaye,  (i) Maxaa loo aflagaaddayn waayey oo abaahidaa looga reebay haddii wixii Garoowe tagaa abaahi seegayaan (ii) Mise  waa qabyaalad sida u baxday oo isaga indhaha Saaxdheer jooga “filter” kii wax kala dooranjirey baa ka daahay.
3)                  Su’aasha saddexaad waxay la xidhiidhaa Beel soomaaliyeed oo Saaxdheer laga nasab caayey. Horta aan ku hor maree beelaha soomaaliyeed waa coloobaan waana isdilaan waana run in maanta colaad xumi jirto, laakiin ma kala nasab sareeyaan, nasab-cayguna af gobeed iyo mid gumeed iyo mid nin weyn midna ma aha. Tan kale, waxan cidna ka qarsoonayn in beeshaa la isir caayey ay reer Saaxdheer iyo cid ka wakiil ahayd shirar kula qaateen caasimadda Ethiopia ee Adisababa iyo dhawr magaalo oo ka mid ah kilinka shanaad iyo magaalada Buuhoodle, isla markaana xidhiidhka dhanka telefoonku joogto ahaa welina yahay, intaana aad danihiina gaarka kala shirayseen. Marka suaashu waxa weeye, ma markii wixii aad ka filayseen aad ka weydeen baa nasabkoodu dhinmay?. Ar magaciin bi’waaye, ayayeydiin“QAMAANSHANA” ma ka xishoon weydeen?
Ugu dambaystii waxan dhegaystey dagaal Saaxdheer laga iclaamiyey, laakiin waxan fahmiwaayey nimankii marka la dagaalamayo dareenku ka dhimanjirey oo cid ay yihiin la garan waayi jirey, iyagu tegi maayaane, islaamaha ay gablaminayaan cidda ay yihiin. Mise waa keligood xariifyee carruurta burburkii ka dib dhalatay baa hadalka la maqashiinayaa oo la moodey in aysan taariikhda aqoon. Tan kale, waa layska war hayaa oo Laascaanood beeshaa Saaxdheer looga taliyo iyo reer Yagoori iyo dhawr sarkaal oo calooshooda u shaqaystayaal ah baa wada qabsaday cadowgana keenay, waqtigaasna todoba sano ayaa ka soo wareegtey, saas baadna raali ku ahaydeen. Waa yaabe, dagaalku ma markii qoyskii kale oo aad islahaydeen waad khayaamayseen Laascaanood idinkaga awood roonaadeen baa jihaadku xalaalobey oo reer Yagoori baa laga xoraynayaa? Iyadana adeer ciddii ka gadata ka gad, hora loo yiri:Garbadiiri nin daguugan ma weydo e.
Waxan qaybtan kaga baxayaa, wadanka Spain ayaa wuxu leeyahay maah maah leh “Por la Boca muere el Pez” oo macneheedu yahay: kaluunku afkuu ka dhintaa. Waana runtoode marka horena birta wedka u sidda afkuu ka laqaa, marka banaanka loo soo saarona waa ka afka kala qaad qaada oo afka ayayey naftu ka baxdaa, waxaynu ula jeedaan dadka aan hadalkooda u miidaan deyin e la kufa. Hadaba, waa iga talee reer Saaxdheerow wixii maanta ka dambeeya shaandhooyin (filters) badan diyaarsada, ogaadana in cadowgiina kowaad yahay Makarafoonka iyo wiilka yar oo la ordaya.
Dr. Abdullahi Hassan MohamudAfeef:- loola Turjuman Karo Argtida Galgalanews
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dalladda Dhalinyaradda Arab Oo Daadifeeyay Shir Beeleedyo Laga Abaabulayo Hargeysa

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)- Dalladda dhalinyaradda aqoonyahanka Beelaha Arab ayaa sheegay inaanay cid Dalladooda ka tirsani aanay ka qeyb gelin shir ay sheegeen in ay magaaladda Hargeysa ku yeesheen ururka dhalinyaradda ee Jiidali iyo koox dhalinyaro ah oo sheegatay inay metalaan dhalinyaradda beelaha Arab.
Waxa kale oo ay Dalladda dhalinyaradda Beelaha Arab sheegeen in ay u arkaan in aanay haboonayn in bulshadda lagu kala qoqobo nidaam qabyaaladeed ee loo baahan yahay in axsaabta siyaasaddu ay Barnaamij siyaasiya ku kasbadaan bulshadda, sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Dalladaas Haashin Mahdi Cabdi, kaasi oo nuqul ka mid ahi caawa na soo gaadhay, waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan:-
“Waxa habeen dhawayd kulan yeeshay ururka dhalinyaradda ee la magac Baxay Jiidali ee Sacad Muuse iyo dhalinyarro isku sheegtay inay matalaan dhalinyaradda Beelaha Arab. Sidaasi darteed, waxaanu ummadda reer Somaliland u bayaaminaynaa in shirkaasi ay ka qeyb galeen dhalinyarro aan metalin Dhalinyarrada beelaha Arab.
Shirkan oo ahaa mid qarsoodi ah oo ay wadeen niman dano siyaasadeed leh oo magaca dhalinyaradda ku adeeganaya. Shirkaasi waxa uu ahaa mid qabyaaladeed oo ay ajandihiisa haydhsay reernimo iyo hadal haynta shirka Habar-magaado.
Waxaanu ka soo horjeednaa in rag siyaasiyiin ah oo danno siyaasiya lihi ay ku qadhaabtaan dhalinyaradda oo kolba halka ay dani ugu jirto doonayaan inay dhalinyaradu noqdaan tuulka lagu guurayo.
Sidaas awgeed, Hoggaanka Dalladda aqoonyahanka dhalinyaradda beelaha Arab waxay u aragtaa in aan loo baahnayn in bulshadda lagu kala qoqdobo reero iyo ardaayo ee axsaabta siyaasaddu ay bulshadda ku hantaan barnaamij iyo waxqabad ummadda u cuntami kara.
Waxa kale oo aanu aaminsan nahay in shirar beeleedyadda siyaasadeed ay dhaawici karto himiladeenna qaran isla markaana waxyeeli karto qaranimadda iyo nabad-gelyadda Somaliland.
Ugu dambayn waxaanu cod dheer ku beeninaynaa in aanay shirkaas qarsoodiga ah ka qeyb gelin cid wadata magaca Dalladda dhalinyaradda aqoon-yahanka ee Beelaha Arab.”
Somaliland.Org/Hargeysa
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gudoonkii Madaxweynaha, Geesinimadii Guddoomiyaha KULMIYE Iyo Guubaabadii Wasiir Samaalle

$
0
0

Waxa khamiistii todobaadkii hore si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii xisbiga KULMIYE oo Beryahanba kala irdheeyay xisbul-xaakimkaasi, ka dib markii madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu shirkii Golaha Wasiirrada ku soo marti-qaaday Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inay ka heshiiyeen labadoodu khilaafkii u dhaxeeyay, loona baahan yahay in xisbi iyo xukuumad-ba si midaysan looga shaqeeyo danta guud iyo horumarinta dalka.
Kulankaas waxa dadka siyaasadda odorasaa ay ku macneeyeen inuu ahaa farriin cad oo uu Madaxweynuhu u gudbinayay Golaha Wasiirrada si loogu war-geliyo inay si rasmi ah u yaqiinsadaan in la suuliyay khilaafkii xisbiga KULMIYE oo in badan oo ka mid ah taageereyaasha xisbigaasi aaminsanaayeen inuu ahaa xanuun kaar badan ku hayay ka dib markii Xukuumadda iyo garabkii uu Hoggaaminayay Muuse Biixi kala fogaadeen, ka dib markii la isku maandhaafay hanaankii loo xulay Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE iyo murrashaxnimadii Muuse Iclaamiyay oo isbiirsaday.Guddoonkii Madaxweyne Siilaanyo
Madaxweynaha Somaliland oo gudoominayay shirkii Golaha Wasiirrada ee todobaadlaha ah ayaa Golihiisa Wasiirrada ku war-geliyay inay Guddoomiye Muuse Biixi ka heshiiyeen wixii khilaaf u dhaxeeyay, isagoo arrintaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa maanta (Khamiistii) inoo sharaf ah in Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi halkan inala joogo. Waxaan jecelahay inaan idiin sheego in aniga iyo gudoomiyuhu aannu wada heshiinnay, sidaa darteed waxa loo baahan yahay in xukuumad iyo xisbi ahaanba aynnu u wada shaqaynno si niyad-sami ah. Waxaannu ku wada heshiinnay go’aamadii Guurtidu ka soo saartay khilaafkii xisbiga KULMIYE. waxaan u baahan nahay inaynu midnimo, isku duubni iyo isku tiirsanaan ku wada shaqaynno xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba.”Geesinimadii Guddoomiyaha KULMIYE
Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa mar kale qirtay in laga adkaaday, waxaanu ereyo kaftan ah ku tuuray Golaha Wasiirrada oo uu sheegay inay dhammaantood isaga ka soo horjeedeen, haddana ilaa imika aanay u mahad celin maadaama oo uu ka hadhay tartankii murrashaxnimadda madaxweynaha ee uu hore u sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo kula tartami doono. Waxaana hadalkiisani uu bulshadda u sii bayaaminayaa sida uu u noqday siyaasi bislaaday oo u gaadiiday inuu laabta u soo daayo marka arragtidiisa laga bato.
“Qoladiinna xukumadda xil goonni ah ayaa idin saaran. Intiinani waxaad ahaydeen intii Madaxweynaha taageeraysay ee aniga iga soo horjeeday. Dee waad naga adkaateen, mahadsanidna namaydaan odhan, waliba waa noo sii cadhoonaysaan qoladiinna xukuumaddu,”ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi.
Guddoomiyaha oo si gaar ah ula hadlayay Golaha Wasiirrada iyo xilka iyo masuuliyadda saaran, waxa uu yidhi “Waxa la doonayaa inaad xisbigii doontaan oo isla doonataan oo dib-u-heshiisiin xisbiga dhexdiisa ah aynnu galno, si xisbigu halkan uga dhaqaaqo. Intaan idiin hayey waa intaas, raggii kalena (hoggaanka KULMIYE) sidaas ayaan kaga wakiil ahay. Nin walba waa KULMIYE. Nin waliba KULMIYE Guushiisa ayuu doonayaa, xisbigu inuu hagaago ayaana la doonayaa. Qoladiinan xukuumaddu xisbigu wixii uu dhalay idinkaa haya oo dawladnimadii idinkaa haya, Madaxweynuhuna intiinan ayuu ka doortay dadka, xilka ugu weyn-na idinkuu idin saaran yahay iyo sidii aad xisbigii isula raadsan lahaydeen.”Guubaabadii Wasiir Samaalle
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaalle, oo shirweynihii saddexaad ee KULMIYE ka hor u taagnaa murrashaxnimadda Guddoomiyaha KULMIYE, ayaa sheegay inuu ku niyadsan yahay in khilaafka KULMIYE si kama dambays ah loo furdaamiyo, waxaanu tilmaamay inuu la dhacsan yahay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumadiisu ay gacmaha is qabsadaan. “Madaxweyne Annagoo Wasiirradaadii aanu nahay way naga go’an tahay inaanu Guddoomiyaha xisbiga kula shaqeyno Guddoomiyenimadda xisbiga,”ayuu yidhi Cabdi Casiis Samaalle, waxaanu intaas ku kabay. “Waad ogaydeen oo labadii sanno ee u dambeeyey khilaafka xisbiga ee taagan wuxuu ahaa guddoomiyaha xisbiga oo lagu loollamayey. Anigu dadkii hanka lahaa baan ahay, qofkii muddadaas u halgamayey baan ahaa guddoomiyaha inuu xisbiga ka noqdo.
Madaxweynuhu goor aan hadhna ahayn, habeenna ahayn ayuu yidhi Cabdicasiisoow hankaaga jooji, kana tanaasul, way igu adkayd. Maalin igu adag bay ahayd oo aad iyo aad iigu adag, waayo waxaad muddo dedaalkeeda soo waday, dareenkeeda soo waday, ololaheeda soo waday oo tiiyoo aan lagaala tashan ka joogso lagu yidhaa culayskeeday leedahay, haseyeeshee is-qadarin, is-ixtiraam iyo isu-dulqaadasho darteed, waan aqbalay, waanan qaatay. Waxaan hanneeyey oo aan ka hadhay hankaygii guddoomiyenimo ee aan kula loollamayey walaalkay Muuse iyo cid kasta oo kaleba.”
Wasiir Sammaalle waxa uu sheegay in loo baahan yahay in mar walba xisbiga KULMIYE isagoo tartamaya oo dimuqraadi ah, haddana ay jirto wax isku hanayn, waxaanu yidhi “Waa dhab in muddo ah ay dhibaatooyin badan iyo xanafo badan xisbiga gudahiisa yaalleen, laakiin wax kasta oo yaallaba rag baa ka dul-tallaabsada, ragganimaana lagaga gudbaa, geesinima lagaga gudbaa, calool-adayg baa lagaga gudbaa, isu-dulqaadashaa lagaga gudbaa, wax isa siin baa lagaga gudbaa, wax isu hannayn baa lagaga gudbaa. Waa hubaal in in ka badan laba sannadood iyo siyaado in xisbigeena iyo xukuumaddaba siyaabo badan, iyadoo wax xumaan ah aanay jirin oo aynnu dimuqraadi nahay haddana khilaafku wuu jiray. Han baa la leeyahay, qof kastaana damac buu leeyahay, damacyadaas baana mararka qaar iska horyimaad.”
Wasiirku waxa uu sheegay in xisbiga ay tahay inay xukuumadda ka difaacaan dhaliilaha iyo naqdiga aan munaasibka ahayn ee uga yimaada axsaabta mucaaridka ah ee dalka ka jira. Arragtidii Dadweynaha ee furdaaminta Khilaafkii KULMIYE
Ray’ul caamka bulshaddu way ku kala aragti duwanaayeen xal u helida khilaafka xisbiga KULMIYE, in badan oo ka mid ah dadweynaha mawduucan ka dareen celiyay way soo dhaweeyeen waxaanay sheegeen inay arrintani tahay mid KULMIYE iyo xukuumadiisa looga baahnaa mar horeba oo inta aanay cidiba soo dhex gelin ay iyagu sidan oo kale isku laab xaadhaan.
Waxa jiray dadka qaar ka mid ah oo qabay inay wali ka dhursugayaan waxa ka hirgela heshiiskan la isla qaatay iyo inta uu sii shaqeeyo labadaba, dadka sidaasi qabay waxay dhadhaminayeen ereyo ku jiray hadalkii Guddoomiyaha KULMIYE oo ahayd in la sameeyo dib u heshiisiin, kalmadaasi oo ay dadka fikirkan aaminsaa ay qabeen in loo baahan yahay in la macneeyo waxa ay daaran tahay.
Waxa kale oo iyana jiray dad ku doodayay in heshiiskani uu meesha ka saarayo rajadii mucaaridku ka qabeen in khilaafka KULMIYE oo huursan uu gaadho xiliga doorashadda madaxtooyadda ee lagu wado inay kal-dambe ka dhacdo dalka. Waxaanay kuwa sidan ku doodayay ay sheegeen in ay wali indhaha ku hayn doonaan illaa inta laga qabanayo shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo aan wali la mudaynin.
Waxase jiray dad badan oo aaminsanaa in heshiiskan KULMIYE gaadheen uu yahay calaamad wanaagsan oo u sii gogol xaadhaysa inay mar kale ku guulaystaan doorashooyinka fooda innagu soo haya, waxay kuwa sidan qabay ay madaxweynaha ku bogaadiyeen inuu qaatay qaraar geesinimo ah oo ay ka filayeen isla markaana uu yahay hoggaamiye burjuwaasi ah oo furdaamin kara dab kasta oo ka dhex qarxa xisbigiisa dhexdiisa. Halka rayul-caamka bulshadu ay sidoo kale majeerteen Muuse Biixi Cabdi oo ay ku sifeeyeen inuu noqday siyaasi bisil oo ka dabaal kara mawjadaha siyaasadeed ee is ged-gediyaya.
Cumar Maxamed Faaraxcumarmfaarax@hotmail.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Shirkii Reer Bari oo Bilowgiisii Qododobo laga soo saaray +Sawiro

$
0
0

Kulan looga soo horjeedo maamulka cusub ee Madaxweyne Gaas bilo ka hor u magacaabay Gobolka Gardafuu ayaa lagu qabtay magaalada Bosaso gaar ahaan Hotel Al Sabaax, waxaana soo qaban qaabisay beesha Wadal Moge oo Odoyaal, Waxgarad, Ganacsato, Siyaasiin iyo Aqoonyahano ku abtirsada ay kasoo qeyb galeen.Xubno badan oo ka hadlay kulanka ayaa sheegey inaysan ku qanacsanayn maamulka cusub ee uu Madaxweyne Gaas u magacaabay bil ka hor Gobolka Gardafuul islamarkaana aan wax la tashiya lagala samayn.
Nabadoon Huruuse, Ganacsade Daahir Filfil Gabood, C.xaafid Maxamed Abdi iyo Cali Cartan Tahliil ayaa ka mid ahaa xubnihii khudbada ka jeediyey madasha kulanka oo ugu danbeyntii laga soo saaray bayaan ay ku muujinayaan cabashada beesha Wadal Moge.
Wuxuuna u qornaa bayaanku sidatan hoose :-
Anagoo ah odayaal, waxgarad, siyaasiyiin, dhalinyaro, haween, aqoonyahano, culuma’udiin iyo nabadoono ka soo jeeda beesha Wadalmoge waxaan maalmahan shirar nooga socday magaalada Bosaso, degmada Murcanyo iyo tuulooyinka Hooda, Dibir, Xanaan, Hel, Laasa gaduudan, Sidibta, tuulo Barwaaqo, Dhurbo iyo Galgala.
Shirarkaasi oo ku saabsanaa maamul uu madaxweyanaha Puntland u soo magacaabay gobalka Gardafuu, kana soo baxday xafiiska madaxweynaha warqad nambarkeedu uu ahaa Lr 100, kuna taariikheysanayd 19/7/2014.Beesha markay aragtay Qodobada soo socda
1- In lagu dhisay maamulka gobalka Gardafuul cadaalad darro
2- In la garab maray talaabooyinkii beesha ee dhismaha maamulka gobalka Gardafuul
3-In la dhinac maray hab deegaanka gobalka Gardafuul
4- In maamulkaasi uu keenay dhibaato iyo amni darro ku soo kororta gobalka Gardafuul
Wadatashi badan kadib beesha waxay go’aansatay qodobada hoos ku xusan
1- Beesha Wadalmoge ma aqoonsana, lamana shaqeyn doonto maamulka lagu dhisay cadaalad darada ee loo magacaabay gobalka Gardafuul
2-Degmada Murcanyo iyo tuulooyinka hoos yimaada iyo deegaanada kale ee beesha degan tahay kama shaqeyn doono maamulkaasi, wax xiriir ahna lama yeelan doonto inta laga helaayo cadaalad
4-Wixii dhib ah ee uu la yimaado maamulkaasi waxaa masuuliyadeeda qaadaya cidii soo magacawday
5-Beesha masuul kama ahan wixii amni darro ah ee ku soo korodha gobalka oo ahaa mid nabad caan ku ahDhamaad .
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somalia: Ugly Clan Federalism Sparks Fresh Turmoil

$
0
0

Mareeg.com-The formation of federal Member States (FMS) without legal and political consensus sparks fresh political and social turmoil in all regions of Somalia. It is unequivocally clear that the federal system based on clan ownership of territory has ...
Weblinks: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live