Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Amisom oo war yaab leh kasoo saartay weerarkii lagu qaaday AXMED DAACI

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Howlgalka AMISOM ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaal xooggan oo saakay aroortii ka dhacay magaalada Muqdisho kaasoo dhex maray ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM iyo maleeshiyaad daacad u ah guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci.
Shir jaraa’id oo goordhow uu ku qabtay magaalada Muqdisho, taliyaha guutada koobaad ee AMISOM ee Muqdisho iyo labada shabeellooyinka ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay si wadajir ah weerar ugu qaadeyn gurri uu deggan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir kaasoo la rabay in lagu sameeyo hub ka dhigis.
Wuxuu sheegay in howgalka lagu qaaday gurriga Axmed Daaci uu ahaa mid la sii ogaa oo lagu ballaamay maadama uu heystay hub sharci darro ah, isagoona intaas ku daray in markii ay tageyn goobta in maleeshiyaad hoostaga Axmed Daaci ay isku dayeen in ay la dagaallamaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM balse waxaa laga dhigay ayuu yiri wax la qabtay iyo wax baxsaday.
Wuxuu sheegay oo kale in gacanta ku dhigeyn 18-maleeshiyaadka dagaallamayay iyo hub aad u fara badan oo laga helay gurriga uu degganaa Axmed Daaci.
Sarkaalkan ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka la qabtay ay ku jiraan kuwa dhaawacyo qaba oo hadda waxaa lagu daweynayaa ayuu yiri Isbitaalka Xalane ee magaalada Muqdisho.
Wuxuu tilmaamay in maleeshiyaadka ay la dagaallameyn iyo Axmed Daaci ay leyn Karen balse ay iska cafiyeen sidda uu hadalka u dhigay.
Wuxuu kaloo sheegay in labo ka mid ah baabuurtooda ay wax yeelo soo gaartay markii ay ku dhacday rasaasta ay soo rideen kooxda la weerarray.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in AMISOM ay u timid Soomaaliya siddii loo gacan siin lahaa DF isla markaana loola dagaallami lahaa Al-Shabaab isagoona intaas ku daray in cid kasta oo la dagaallanta Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda in ay u arki doonaan Al-Shabaab.
Si kastaba, dagaalkii saakay ka dhacay degmada Wadajir waxaa ku geeriyooday in ka badan 10 qof oo u badan shacab iyadoo 20 kalena ay ku dhaawacmeyn.Caasimada OnlineXafiiska Wararka MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Axmed Daaci oo yiri “Xorriyad ayaan ku noolaan doonaan ama waan dhimman”

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Kaddib markii ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ay saakay waaberigii weerar culus ku qaadeyn gurriga uu deggan yahay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Caddow (Axmed Daaci) ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu Axmed Daacid ka cararay gurrigiisa.
Haddaba BBC-da ayaa Wareysatay Axmed Daaci waxaana la weydiiyay halka uu ku sugan mar haddii gurrigiisa lala wareegay iyo wixii ciidan uu lahaa.
Wuxuu sheegay in uu ku sugan yahay qeybo ka mid ah degmada Wadajir isagoona yiri in uu labo mid uu ku noolaan doono waa Xorriyad ama in uu geeriyooday.
Axmed Daaci ayaa ka mid ah hoggaamiye kooxeedyada ugu tunka weyn magaalada Muqdisho.Caasimada OnlineXafiiska Wararka MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Cabdullahi Sheekh Xasan oo ka hadlay weerarkii ay ku qaadeen DF & Amisom

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan oo gurrigiisa saakay aroortii la weerarray ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay jawaab cad ka bixiso weerarka lagu soo qaaday.
Wuxuu sheegay abaare 5:00am ee subaxnimo in ay ka warheleyn ciidamo AMISOM oo gurrigiisa taagan isla markaana rasaas lagu furaayo albaabkiisa.
Wuxuu sheegay oo kale markii ay ka warheleyn in waxa goobta ay yihiin ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda in uu la yaabay.
Guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo dimuquraadiyadda ayaa tilmaamay in sababta loo soo weeraray ay tahay afkaartiisa oo ka dha ah dowladda.
“Anniga hub ma heysto waxa la ii soo weeraray waa afkaarta aan aaminsanahay oo dowladda ay diidan tahay, labo wiil oo malaamileey ayaa I waardiyeesa oo tuugada aan isaga celiyaa” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.
Wuxuu kaloo sheegay in ciidamada AMISOM uu aaminsanaa in ay dhex-dhexaad ka yihiin arrimaha Soomaaliya oo ay kaliya dalka u joogaan sidda ay ula dagaallami lahaayeen Al-Shabaab.
“Anniga AMISOM ayaa idinla dagaallamaysa ma aamisaneyn oo waxaan u arkayaa AMISOM dhexdhexaad balse wixii dhacay jawaab ayaa la iska rabaa” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.
Siyaasigan oo marar badan dowladda ka sheegay hadallo ay dhibsatay ayaa la weydiiyay halka uu ku sugan yahay wuxuu sheegay in meel aan ka fogeyn gurrigiisa uu ku sugan yahay, isla markaana xaafiiskiisa iyo astaantii xisbiga nabadda iyo dimuquraadiyadda la burburiyay markii ciidamada isbaheesanaya ay galeyn gurrigiisa.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in howgallada ay yihiin kuwa u jeedo gaar ah leh oo ay wataan shaqsiyaad gaar ah oo madaxda dowladda islama qabto ayuu yiri.
“Arrintan cid gaar ah ayaa wadata, ma ahan wax dalka oo dhan hub ka dhigis loogu sameenaayo seddaxdii howlgal waxay ka dhaceyn hal degmo, ma ahan wax ay ogyihiin guddiga ammaanka, baarlamaanka ama dalka oo dhan marka waa in la horkeeno cadaalladda cidda na soo weerartay” ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.Caasimada OnlineXafiiska Wararka MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DFS oo raalli galin siisay Axmed Daaci

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda ammaanka xukuumadda Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay weerar qorsheesan oo saakay aroortii ciidamada dowladda oo taageero ka helaya kuwa AMISOM ay ku qaadeyn degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka wasaaradda amniga, Maxamed Yuusuf Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howgalkii saakay uusan ahayn mid lagu bartilmaameesanaayay guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci balse uu ahaa mid lagu dooneyey in lagu soo qabto wax uu ugu yeeray kooxo qaswadayaal ah oo hub sharci darro heystay.
Wuxuu sheegay oo kale sidda warbaahinta ay u sheegeyn howgalka in uusan ahayn ee ahaa in lagu beegsanaayay guddoomiyihii hore Axmed Daaci balse uu ahaa mid lagu qabqabanaayo hubka sharci darrada ee lagu heysto magaalada.
Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in howlgalkii saakay lagu soo qabtay hub aad u fara badan iyo maleeshiyaad kuwaasoo uu yiri sharciga ayaa la horkeeni doonaa.
Dhinaca kale, Afhayeenka wasaaradda ammaanka ayaa tilmaamay in dowladda ay go’aan ku gaartay in la xiro labada Idaacad ee SKY iyo Shabeelle kuwaasoo maanta barqadii irdaha loo laabay.
Wuxuu sheegay labadaas Idaacad in ay dalka ka abuurayaan falal ammaanka lid ku ah.
“Dad weynaha Muqdisho ayaa na soo wacayay oo na lahaa maa la xiro labadan Idaacad oo dalka fitno ka wada, waxay ka mid yihiin Idaacadaha shar-wadayaasha” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda amniga.
Ma ahan markii ugu horreysay oo labadan Idaacad la xiro waxaa la xiray xilligii uu wasiirka amniga ahaa Cabdikariin Xuseen Guuleed kaddib markii lagu amray in ay ka guuraan dhismo ay lahayd shirkadii diyaaradaha ee Somali Airline.Caasimada OnlineXafiiska Wararka MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhageyso: AMISOM oo digniin u dirtay hoggaamiyaasha hubeysan ee XAMAR

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada AMISOM Korneel Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in howgalkii saakay ay ciidamadooda iyo kuwa dowladda ka sameeyeen degmada Wadajir uu ahaa siddii lagu qaban lahaa mid ka mid ah hoggaamiyaasha hubeysan ee Muqdisho ku sugan Axmed Daaci.
Isagoo u warramayay VOA-da ayuu sheegay in u jeedka uu ahaa siddii lagu qaban lahaa Axmed Daaci balse uu ka baxsaday ayna ku raad joogaan siddii loo soo qaban lahaa.
Wuxuu sheegay in howgalkii saakay uu uga dhaawacmay hal askari balse dhinaca maleeshiyaadka la dagaallamay ay ka qabtenyn labaatameeyo.
Afhayeenka AMISOM ayaa tilmaamay in magaalada Muqdisho ay joogi karaan uun ciidamada dowladda oo hub heysta laakin aaney jiri doonin cid kale oo laga yeelayo in ay hub magaalada ku heysto sidda uu hadalka u dhigay.
Wuxuu digniin siiyay cid kasta oo hub ku heysata Muqdisho in ay la dagaallami doonaan isla markaana ay ula mid tahay Al-Shabaab.
“Annagu howsheena waxa weeye siddii aan u caawin lahayn dowladda fedaraalka ma dooneyno cid kale oo magaalada hub ku heysan karta noocii ay doonaan ha aadaan” ayuu yiri Korneel Cali Aadan Xumad.
Si kastaba, howgalka saakay oo Jimco ah ka dhacay degmada Wadajir ayaa qeyb ka ah olole ay dowladda ku dooneyso in ay hubka sharci darrada kaga aruuriso dadka aan dowladda ka tirsaneen.
Caasimada OnlineeXafiiska Wararka MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

VIDEO: UN Monitoring Group iyo been abuurkeedii DFS oo laga daba tagay

$
0
0

Minneapolis (Caasimada Online) - Shirkadda sharci yaqaannada Shulman Rogers oo fadhigeedu yahay dalka Mareykanka oo wada-shaqeyn kala dhaxeyso dowladda Soomaaliya, ayaa beenisay eedeymo la xiriiray in ay madaxda dowladda Soomaaliya ka caawisay lunsashada lacago qaran.
Kormeerayaasha Qaramada Midoobey ee cunaqabateenta hubka ee Soomaaliya iyo Ereteria, ayaa dhowaan warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka ee Reuters ku eedeysay shirkaddan Shulman Rogers in ay gacan ku siisay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aaden in si musuq- maasuq ah ku soo ceshadaan hantidii qaranka, si gaar ahna u isticmaalaan.
Jeremy Schulman oo ka tirsan shirkadda Rogers ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Minnesota in ay maxkamad la tiigsan doonaan Jarat Chopra oo ah guddoomiyaha guddiga kormeereyaasha Qaramada Midoobey ee soo saaray warbixinta eedeynta.
Waxa uu sheegay inay diyaariyeen dacwad ka dhan ah Chopra, ayna ka hari doonin illaa caddaaladda laga marsiiyo, kadib dhaawacii uu gaar siiyey qaranka Somalia.
Schulman ayaa caddeeyey in ay si sharci ah oo cad oo la wada ogyahay ay shirakadda gar-yaqaannada Rogers ula shaqeyso dowladda Soomaaliya oo ay ka caawiso dib usoo celinta hantidii qaranka Soomaaliya.
Sarkaalkaan u hadlay shirkadda sharci yaqaanada ee Shulman Rogers ayaa xusay in ay kaalin weyn ka cayaareen soo celinta hanta u dhiganta 33 milyan oo dollar, ayna si sharci ah oo cad ugu  wareejiyeen dowladda Soomaaliya oo aaney jirin wax is-dabaimarin ah.
Waxa uu sheegay in Chopra uusan hayn wax caddeyn ah oo lagu rumeysan karo, marka laga reebo qoraalo uu maskaxdiisa kasoo alifay.
Waxa uu xusay in Chopra uu u shaqeynayo dad cadow ku ah qaranka Soomaaliya, oo diidan in dowladda Soomaaliya ay hana qaado, uuna lee yahay ajendooyin siyaasadeed.
Jeremey Schulman ayaa sheegay in eedeymaha kormeerayaasha ay tahay kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toonna laheyn , xubnaha guddiga kormeerayaasha cunaqabateynta ee Soomaaliyana ay meel ka dhac u geysteen magaca shirkadda Shulman Rogers iyo madaxda Soomaaliya, wuxuuna tibaaxay in ay sii wadi doonaan wada-shaqeynta kala dhaxeyso dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa kal hore si weyn u beeniyey warbixinta guddigaan ka tirsan Qaramada Midoobay, waxayna dowladda ku eedeysay xubnaha guddiga in ay goobaha fadhi ku dirirada ka soo aruuriiyaan xogaha ay isticmaaleen.Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Jeremy Schulman
Caasimada OnlineXafiiska MinneapolisCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhageyso: Prof. Galayr oo waxbo aan u reeban DF, Puntland iyo Somaliland

$
0
0

Saaxdheer (Caasimada Online) - Idaacadda VOA-da ayaa wareysi gaar ah la yeelatay mudane Cali Khaliif Galeyr oo Khamiistii tuulada Saaxdheer oo u dhow soohdinta Itoobiye loogu doortay madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State afarta sanno ee soo socota.
Cali Khaliif Galeyr oo horey u soo noqday ra’iisal wasaaraha Soomaaliya isla markaana ahaa mudane baarlamaan ayaa arrimo dhowr ah ka hadlay oo ay ka mid tahay xiriirka maamulka Khaatumo iyo dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Cali Khaliif Galeyr ayaa tilmaamay in uu marka hore uusan isla wadi doonin labada xi lee ah in uu yahay madaxweynaha maamulka Khaatumo State iyo in uu sii ahaado xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Cali Khaliif ayaa daaha ka rogay in uu la hadli doono guddoomiyaha baarlamaanka oo uu sheegi doono in uu ka baxay baarlamaanka isla markaana wixii hadda ka dambeeya uu u wareegi doono siddii uu uu kor u qaadi lahaa maamulka Khaatumo.
“Anniga xilka aan hayay waxaa igala weyn tan hadda aan qabtay, waxaana aan la hadli doonaa guddoomiyaha baarlamaanka oo iskuma qaban dooni labada xil oo waxaan rabaa in aan dhaqaajiyo maamulka” ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr.Muxuu ka yiri xiriirka Khaatumo VS DF?
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu dhowr jeer uu la kulmay madaxweynaha, raysal wasaarihii hore iyo kan iminka iyo xittaa guddoomiyaha baarlamaanka una sheegay in Khaatumo ay rabto midnimada Soomaaliya ee la hala taageero balse waxbo nooma qaban ayuu yiri Cali Khaliif Galeyr madaxweynaha cusub ee maamulka Khaatumo State.
“Khaatumo waxay u muujisay dowladda in ay diyaar u tahay in la mideeyo Soomaalida, siddii loogu lisay nooguma hambeyn, xaqeenii iyaga ayaa ku fadhiya balse Libaaxii Alamtaro soo dhaaf” ayuu yiri
Wuxuu sheegay oo kale in dowladda Soomaaliya ay ugu horeyso cidda uu ka socon la’yahay maamulka Khaatumo State “Xaqeena cidda ku fadhida waa maamulka Muqdisho ka dhisan” ayuu yiri.Digniin uu u diray Somaliland
Cali khaliif Galeyr ayaa maamulka Somaliland ugu baaqay haddii aaney joojin faragalinta iyo caburinta ay ku hayaan dadka ku dhaqan deegannada uu ka arrimiyo maamulka Khaatumo State in ay diyaar la yihiin dagaal ay la galaan.
Wuxuu sheegay oo kale in Somaliland ay u soo dirtay degmada Taleex 150 Tikniko oo ay saaran yihiin askar kuwaasoo la rabo in lagu gumaado dadka ku dhaqan Laascaanood iyo Taleex arrintaasna ma soconeyso ayuu yiri.
“Wax la maqlay ma ahan in shacab uu shacab kale uu gumeysto, oo dhulkooda iyo dhigooda la baneest wax xun ayaa meesha ka aloosan, oo dadka Khaatumo waxay noqdeen kuwa loo caga jugleeyo oo la dhaho kama hadli kartiin aayihiina, waa meesha kaliya ee Soomaaliya la dhahay ma tashan kartiin” ayuu yiri Cali Khaliif.
Wuxuu ku goodiyay in dagaalka Khaatumo ay kula jirto Somaliland in uu is badali doono haddii aaney joojin faragalinta ay ka wado Sool iyo Sanaag.
Wuxuu sheegay in maamulka Khaatumo la dhisay bishii January sannadkii 2012-ka oo uu maanta jirsaday seddaxsanno.
“Ciidamada Somaliland maantadan markii doorashada ay dhacday oo dadka reer Laasacaanood ay muujiyeen sidda ay ula dhacsan yihiin waxaa lala dhacay rasaas, waana ayaan darro” ayuu yiri markale.Puntland muxuu ka yiri?
Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay in Puntland ay ka mid tahay kuwa doonaya in ay boobaan dhulka maamulka Khaatumo State balse wuxuu tilmaamay in aysan ka yeeli doonin.
Wuxuu sheegay in Puntland ay isku taxluujisay siddii ay u qabsan lahayd Sool iyo Sanaag haddana aaney ka fogeyn arrintaas sidda uu yiri.
Cali Khaliif Galeyr ayaa ugu dambeyn sheegay in uu maamulka uu hoggaaminaayo uu xoojin doono xiriirka kala dhexeeya beesha caalamka.Halkan ka dhageyso wareysiga Cali Khaliif Galayr
Caasimada OnlineXafiiska Wararka MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Bristol : Urur qabtay isu imaatinimo looga dooday federaalka

$
0
0

Kn: Ururka Act For Somalia ee ka dhaqdhaqaaqa dhanka wacyigalinta dadweynaha iyo waliba ka talobixinta siyaasadda maamul ayaa magaalada Bristol ku qabtay kulamo dadweyne oo looga hadlayo arrimaha federaalka iyo faa’iidooyinkiisa.
Iyada oo ujeedka yahay in la dhiirogaliyo dhaqanka aragtiyo isweeydaarsiga arrimaha quseeya mustaqbalka dowladnimo ee Soomaaliiya ayaa kulankii ugu dambeeyey waxaa hadalo ka jeediyey Cabdiraxmaan Cayte oo ka mid ah machadka cilmi-baarista Heritage ee Soomaaliya ka furan.
Hadalka oo ciwaankiisu ahaa “Hagaanka hanaanka federaalka : Fursadaha iyo caqabadaha “ ayaa waxa lagu xusey in inkasta oo federaalka lagu soo biiriyey Soomaaliya shirkii Mbagathi ee qabsoomey intii u dhaxeeysey 2002-dii illaa 2004tii, in hadana qaabka uu noqonayo federaalka Soomaaliya loo dhaafay in mar dambe Soomaalida iyadu ka fakirto.
Dadkii kasoo qeybgalay qaarkood ayaa soo jeediyey in nidaamka federaalka uu yahay mid wanaagsan, islamarkaasina dowlad dhexe aanan la’isku halayn karin iyada oo laga shidaal qaadanayo dowladihii dalka soo maray.
Sidaasi oo ay tahay ka qeybgalayaasha kulanka waxa ay isla qireen in nidaamka federaalka ay u badantahay in uu kala qoqobo dadka Soomaaliyeed.
Agaasimaha ururka Act For Somalia mudane Maxamed Cantoobo ayaa wargeyska KismaayoNews u sheegey in kulamada kuwan oo kala ah ay sii wadi doonaan.
KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Wiil uu adeer u yahay Saacid oo horey ugu biirey Daacish, ayaa geeriyoodey

$
0
0

Kn: Dowladda Canada ayaa haatan xaqiijineysa in Wiil uu adeer u yahay Ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo ka tagay dalka Canada oo horey ugu biirey xooggaga Daacish ee ka dagaalamaya dalalka Ciraaq iyo Suuriya in uu geeriyoodey.
Wiilkani ayaa lagu magacaabaa Faarax Maxamed Shirdoon, wuxuuna kasoo muuqdey video-yo isaga oo gubaya baasaboorkiisa Canada.
Qoyskooda waxa ay ku noolyihiin magaalada Calgary ee dalka Canada.
Wuxuu ka mid noqonayaa dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo Daacish ku biirey, waxaana dhalinyaradaasi ka mid ah wiil uu dhalay Faysal Cali Waraabe.KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

FARDAMBE : Xubnaha dowladda ee xaglo daacinaya

$
0
0

Kn: Magacaba ka raac, Axmed Daaci, mar aan sii fogeyn waxa uu ninkani ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, wuxuuna ahaa xubin muhiim ah isaga oo guddoomiye ka ahaa degmada Wadajir oo ahayd meelaha ugu dhibka badan.
Degmada Wadajir waxay muddo dheer ahayd furin dagaal oo ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo ururka Alshabaab ee dowladda la dirirsan, iyada oo Axmed Daaci uu ahaa guddoomiyaha degmadaasi oo har iyo habeen furintaasi ku jira.
Haatan isagii iyo dowladda ayaa isku dhiley rasaasta, wuxuuna maanta dowladda u joogaa booskii Alshabaab, dagaal culus oo dowladda uu la galayna wuxuu ahaa kii ugu cuslaa ee magaalada ka dhacay tan iyo intii Shabaabka laga saaray Xamar. Wax ka baddan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaalka oo ay AMISOM ka qeybgashay.
Xalay Axmed Daaci waxa uu ku baryay xabsiga kadib markii si xeeladaysan lagu geeney madaxtooyada si uu wadahadal ula yeesho madaxda dowladda.
Axmed Daaci waxa uu talaabadan u arkaa lugooyo weyn, manaba kusii jirto isaga oo dowladda darteed ay lug oga go’dey kadib markii qarax miino lala eegtey gaari uu saarnaa.
Laakiin dowladda ayaa iyaduna u aragta in Axmed Daaci uu xaglo daacinayay dowladda, waxana uu ka mid yahay xubnaha dowladda ka tirsan oo ay xitaa xildhibaano ka mid yihiin oo iyagu dowladda lug jiidaya, waxayna dowladda dooneysaa in dadkaasi ay hubka ka dhigto.
Axmed Daaci waxa uu ku dooday in hubka iyo ciidamada uu heystey uu isaga difaacayay Alshabaab maadaamaa uu horey dowladda xil sare oga hayay, walina yahay sargaal ka tirsan laamaha amniga, sidoo kalana ciidamadda AMISOM iyo dowladaba aysan damaanad qaadi karin amnigiisa.
Haatan wuxuu ku jiraa meel uu ugu yaraan oga amaan galayo Alshabaab, halkaasina waa xabsiga, laakiin dagaalkii u dhaxeeyey isaga iyo dowladda ma ahan wali mid dhamaaday.
Haddii dowladda ay daacad ka tahay in ay talaabo ka qaaddo dadka dowladda xaglo daacinaya waxaa hubaal ah in ay u taalo shaqo badan, islamarkaasina dad badan ay isu utunoobi doonaan, mana ahan oo kaliya kuwa hubka heysta ee hub-ka-dhigista lagu samaynayo, ee sidoo kale waxaa jira kuwa lunsaday hantida dowladda, faafiya siraha dowladda, islamarkaasina warbaahinta ka dacaayadeeya, beesha caalamkana u gudbiya dacwooyin been abuur ah oo dowladda magaceeda lagu dilayo.
Laakiin dadka qaarkood waxa ay odorosayaan in hawlgaladan ay yihiin carcarta Khaliif Ereg, wasiirka amniga iyo Sanbaloolshe, taliyaha nabadsugidda, iyada oo marka bilo ay xilka joogaan ay karaar dhigi doonaan, lana arki doono iyada oo wax kasta qasanyahay.FARDAMBE KismaayoNews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Sawirro: DFS oo soo saartay go’aano 8 qodob ah oo ku saabsan hub dhigista

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Shir xasaasi ah ayaa maanta ka dhacay xarunta Villa Somalia, waxaana ka qeyb galay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,  Ra’iiusl Wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed iyo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud.
Kulanka oo looga hadlayey ariimaha amniga iyo xaaladihii ugu danbeeyey dalka ayaa waxaa laga soo saaray warmurtiyadeed ku aadan sida loo wajahayo nabad ku soo dabaalida dalka.WAR-MURTIYEED
Xukuumadda JFS waxay u gubinaysaa ummadda Soomaaliyeed fariin ku aadan amniga dalka iyo hawl-galada lagu sugayo amniga guud:
1. Ummadda Soomaaliyeed waxaa lagu wargelinayaa in hawl-galadii amniga ee ka dhacay magaaladda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ay ahaayeen kuwo lagu xaqiijinayo amaanka guud ee dadweynaha iyo dalka, ee aan marnaba loola jeedin cid gaar ah, shakhsi gaar ah ama degaan gaar ah. Waxayna Xukuumaddu ka xun tahay wixii waxyeelo ah ee soo gaaray dad shacab ah ee ku sugnaa goobaha ay ka socdeen hawl-galada amaanka lagu sugayey oo aan ku-talo-gal ahayn, waxaana dowaldu ka tacsiyeeynaysaa dadkii dhibaatadu ka soo gaartay howlgaladaas:
2. Xukuumadda JFS waxay amaanaysaa soona dhaweynaysaa Hay’adaha Amniga Qaranka hawl-galadii ay fuliyeen iyagoo sugaya amniga dadweynaha.
3. Waxaa xusid mudan, in hawl-galada lagu sugayo amniga ummadda la sii wadi doono, iyadoo marnaba aan lagu xad-gudbaynin xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha.
4. Sida sharcigu qabo, Hay’adaha Amniga iyo Ciidamada Qalabka-sida ama ciddii ruqsad loo siiyo oo keliya ayaa xaq u leh haysasho hub.
5. Waxaa la mamnuucay.
b) ka-ganacsiga hubka nooc kasta uu yahay.
t) haysashada ciidan abaabulan oo ka baxsan ciidamada qalab-sida iyo AMISOM.
j) in wadooyinka lala maro hub aan sharciyeysnayn.
1. Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed in ciddii haysata hub sharci daro ah ay ku soo wareejiso gacanta Hay’adda Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka) ama ay si sharciga waafaqsan uga diiwaan-geliso Hay’adaha Amniga Qaranka.
2. Ciddii ka hortimaada ciidamada amniga, marka ay ku jiraan hawlaha amni-sugid ee ay u xilsaaran yihiin, waxay ku xad-gudubtay sharciga dalka, waxaa lala tiigsanayaa sharaciga dalka u yaala.
3. Xukuumadda JFS waxay ku adkaynaysaa Hay’adaha Amniga in ay markasta dhawraan Xuquuqda Aadanaha, sarreynta iyo talinta sharciga (respect to the supremacy of law and the rule of law).
4. Warbaahinta madaxa-bannaan waxaa lagu wargelinayaa in ay dhawraan sharciga oo aysan marnaba ku xad-gudbin. Waxaa Saxaafadda iyo Warbaahinta lagu adkaynayaa in aysan ku kicin falal iyo warbaahin iska-horkeenka bulshadda, kicinta colaadaha, been-abuurka aan salka lahayn, iwm. Waxayna xasuusinaysaa in falalkaas ay yihiin danbiyo cad cad. Warbaahintii ku dhaqanta arrimaha xad-gudubka ah ee sare ku xusan, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.
5. Xukuumadda JFS waxay markasta dhawraysaa gacan-sarreynta sharciga, talinta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda asaasiga ah ee dadweynaha Soomaaliyeed, waxayna xushmaynta xoriyadda saxaafadda.
6. Golohu wuxuu u xilsaaray Wasaaradda Warfaafinta iyo Wasaaradda Amniga Qaranka in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo saaraan siyaasad cad oo qeexaysa qorshe lagu tayeeynayo laguna xirfadaynayo warbaahinta madaxa banana.
7. Xukuumadda JFS waxay dadweynaha Soomaaliyeed ku wargelinaysaa in la abuuray khad (telefoon) gaar ah oo ciddii qabta tabasho, wargelin iyo talo-bixin ay kala soo xiriiri karto Hay’adaha Amniga (Wasaaradda Amniga Qaranka), waxaana dhawaan khadkaas lagu soo bandhigi doonaa Warbaahinta Qaranka,  iyo
8. Xukuumadda JFS waxay markale shacabka Soomaaliyeed u ballan-qaadaysaa in ay xoojinayso amniga si waafaqsan shuruucda dalka si muwaadinku u helo xasilooni iyo amaan.Sawirrada kullanka
Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

DFS oo duulaan ku ah 3 shirkadood oo caan ah oo Muqdisho ku yaalla (XOG)

$
0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Ilo-xog-ogaal ah oo ku sugan Wasaarada Amniga Dowlada Federaalka Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada Nabadsugida Qaranka ay ku wajahan yihiin Seddex shirkadood oo caan ah.
Xogtu waxa ay tibaaxeysaa in Ciidamada Nabadsugida ay weerar culus ku qaadi doonaan Shirkadaha Horumuud, Nation iyo Dahabshiil oo dowladda ay ku tuhmeyso hub aad u badan.
Sidoo kale, Xogta aan heleyno waxa ay tibaaxeysaa in Seddexdaasi shirkadood ay dowladda ka cabsi qabto in hubka tirada badan oo ay haystaan laga yaabo in mararka qaar uu ku dambeeyo gacanta Maleeshiyaadka Alshabaab.
Qorshaha duulaanka ayaa ah in mar Qura la qaado duulaanka, waxaana la tilmaamayaa inay ka qeybqaadan doonaan Ciidamo ka tirsan Wasaarada Amniga oo iyagu horay ula soo shaqeeyay Shirkadahaasi, xog badanna ka haya.
Lama oga goorta uu noqon doono weerarka, inkastoo ay xogtu sheegeyso in Nidaamka weerarka la dajiyay.
Dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan hubka ka dhigeysay siyaasiyiin iyo hogaamiyeyaal reer Muqdisho ah, waxaase yaab leh in qorshaha hub dhigista lagu soo daray shirkadaha.
Waxaa la sheegay in shirkadahan loo dhaafi doono kaliya hubka cayiman oo ay isku difaacaan. Si kastaba, awoodda dhaqaale ee shirkadahan ayaa keeni karta in weerarku uu baaqdo, ayada oo mas’uuliyiinta qaar ee dowladda la og yahay inay dhaqaale dhaafsadaan wax kasta.Caasimada OnlineXafiiska Muqdishocaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gaas oo wadatashi la leh Xildhibaanada federaalka ee ka soo jeeda Puntland

$
0
0

Madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa maanta magaalada Garoowe kula kulmay xildhibaannada ka soo jeeda Puntland ee xubnaha ka ah baarlammaanka federaalka ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Gaas ayaa xildhibaannada uga mahad celiyey sida ay u aqbaleen codsigii looga dalbaday in ay yimaadaan Garoowe. Gaas ayaa intaas ku daray in xildhibaannada lagala tashan doono [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Shabeellaha dhexe oo loo magacaabay guddoomiye cusub

$
0
0

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa guddoomiye cusub u magacowday gobolka Shabeellaha dhexe. Wareegto maanta ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka loogu magacaabay Cali Cabdullaahi Xuseen ( Cali Guulwade). Wareegtada ayaa lagu xaqiijiyey in xilka laga qaaday, guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeellaha dhexe, Cabdi Jiinoow Calasoow, kaddib markii ay  dhammaatay [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ammaanka Baydhaba oo la adkaynayo

$
0
0

Guddiga nabadgalyada gobalka Baay ayaa soo saaray wareegto ay ku qoranyihiin qodobbo lagu adkaynayo nabadgalyada magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Wareegtada ayaa waxaa ku lifaaqan wasiir ku xigeenka amniga ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Ibraahim Isaaq Yaroow. Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Baydhaba, Maxamed Isaaq Ibraahim ayaa saxaafadda u akhriyey wareegtada oo dhigaysa [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Maamulka Jowhar oo ka warbixiyey nabadgalyada degmada

$
0
0

Maamulka dowladda ee degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ka warbixiyay xaaladda amni ee degmada. Guddoomiyaha degmada Jowhar, Maxamed Ammiin Xaaji Cabdulle ayaa  warbaahinta u sheegay in amniga magaaladu wanaagsan yahay xilligan, kaddib markii ciidammada dowladdu ay joogteeyeen hawl-gallo lagu sugayo nabadgalyada. Guddoomiyaha ayaa xusay in degmadu ku tallaabsatay horumar la taaban karo [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Shaqaalaha caafimaadka Boorama oo mushaar la’aan ka cabanaya

$
0
0

Shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala Isbitaalka guud ee magaalada Boorama ayaa ka cabanaya mushahar la’aan, kadib markii hay’adda Copy ee gacanta ku haysay Isbitaalka ay isaga baxday degmada. Xubno ka mid ah howlwadeennada wasaaradda caafimaadka ee ka howlgala Isbitaalka Boorama, oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in muddo siddeed bilood ah aysan helin wax mushahar [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maamulka KMG ah ee Jubba oo qabanaya shir dib u heshiisiin ah

$
0
0

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta maamulka KMG ah ee Jubba Cabdi Baaley Xuseen ayaa sheegay in maamulkiisa uu wado dadaallo leysugu keenayo beelaha wada dega Jubbooyinka si looga shaqeeyo nabadda iyo horumarka gobolladaasi. Cabdi Baaley oo maanta la hadlay Bar-kulan ayaa tilmaamay in bisha soo socota ee September ay qaban doonaan shir dib u heshiisiineed [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhalinyarada Soomaalida ee Uganda oo la wacyigelinayo

$
0
0

Tababar lagu wacyi gelinayo dhallinyarada soomaalida ee ku nool dalka Uganda, ayaa shalay uga furmay magaalada Kampala ee xarunta dalkaas. Sheekh Cabdishakuur Cabdiqaadir Caddow oo ah Agaasimaha xarunta dacwada ee Al-huda ee ka dhisan dalka Uganda oo soo qaban qaabisay tababarka, ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaalida laga doonayo inay kaalintooda ka qaataan nabadda iyo dib [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Somaliland: Nin lagu xukumay dil

$
0
0
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live