Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wadamada IGAD oo shir ku yeeshay Addis Ababa baaqn ka soo saaray

$
0
0

Madaxda urur goboleed IGAD oo shalay
shir hal maalin ah ku yeeshay  Magaalada Adis ababa ee xarunta dalka
Ethiobiya ayaa ugu baaqay Mudanayaasha Barlamaanka in ay ansixiyaan
xukuumadda cusub ee dhawaan uu soo dhisay R/lwasaare Maxmed C/llaahi
Maxmed

Ku simaha Wasiirka arimaha dibada Yuusuf
Xasan Ibraahim Dheeg oo isagoo ku sugan magaalada Adis ababa ee dalka
itoobiya la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in shirkii shalay ugu soo
gabagaboobay dalka itoobiya Madaxda wadamada urur goboleedka IGAD ay
diirada ku saareen laba arimood oo tan hora ay tahay xaalada ka taagan
wadanka Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya  iyo
qadiyada wadanka Suudaan oo dhawaan la filayo in Afti loo qaado
madaxbanaanida koofurta suudaan.

Waxaana uu Wasiirku tilmaamay in Madaxda
wadamada urur goboleedka IGAD ay soo saareen baaq ay mudanayaasha
Baarlamaanka kaga dalbanayaan in ay ansaxiyaan xukuumadda uu dhawaan soo
dhisay R/wasaraha Soomaaliya mudane Farmaajo si looga faa’idaysto
waqtiga yar ee u haray dowlada KMG Soomaaliya waxaaney Baarlamaanka ka
dalbadeen in kala arakti duwanaanta xiligan soo kala dhexgashay 
xildhibaanada ay kala dhantaalayso dadaalkii loogu jiray xal u raaadinta
ummada Soomaaliyeed loona baahanyahay in laga gudbo.

Sidoo kale ku simaha Wasiirka arimaha
dibada ee dowlada Soomaaliya  Mudane Yuusuf Dheeg ayaa sheegay in doodda
ku saabsan ka hadlida arimaha Soomaaliya iyo sidii dowlada loo garab
istaagi lahaa ay ahayd Ajandaha ugu weyn ee shirka Madaxda wadamada IGAD
ay garawsadeen baahida xiligan loo qabo in dowladda Soomaaliya laga
taageero dhinacyada ammaanka iyo dhismaha ciidanka qalabka sida si
waajibaadka uu u noqdo mid dhamaystiran tababarana ay helaan ciidanka
dowlada  taas oo ay sheegeen in ay door fiican ka qaadan karto xal u
helida mashaakilaadka ka taagan    dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee
Soomaaliya .

22-kii bishan ayeey ahayd markii kulan
ay Muqidshu ku yeesheen Xildhibaanda Baarlamanaka Soomaaliya
muhiimadiisuna ay ahayd sidii codka kalsoonida loogu qaadi lahaa
xukuumada uu dhawaan soo dhamaystiray R/wasaraha Soomaaliya Mudane
Farmaajo ayeey mudanayaashu ku kala arakti duwanaadeen qaabka codka
kalsoonida loogu qaadayo xukuumada iyadoo fadhigiina lagu kala dareeray.

Raalli gelinta AMISOM maxay keeni kartaa

$
0
0

AMISOM waxay ka kooban tahay ciidan ka socda dalalka Uganda iyo Burundi oo ah dalal aan dadkooda wax colaad ahi kala dhexeyn Soomaalida. Weliba labada dalba waxay saaxiibtinnimo la lahaayeen Soomaaliya markii ay lahayd dowlad awood leh.
Cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika, Soomaalidu hadday iyadu harto waxay taageeri jirtay Uganda, marka ay kooxaha tahayna Naadiga KCC ee Dowladda hoos ee Kampala.
Burundi markii afgembigu ka dhacay toddobaatanaadkii, Madaxweynaheedii berigaas wuxuu u cararay Muqdisho, halkaas oo magangelyo siyaasadeed lagu siiyay, aakhirkiina uu ku geeriyooday. Meydkiisii si maamuus leh ayaa dayaarad lagu qaaday oo Wasiir Soomaali ahi uu sii gelbiyay ilaa Bujumbura.
Ciidanka AMISOM wuxuu hadda ilaaliyaa kaabayaasha dhaqaalaha ee magaalada Muqdisho sida Dekedda iyo Garoonka dayaaradaha.
Waxaa kale oo uu ilaaliyaaa saddexda mas'uul ee ugu sarreysa dowladda KMG-ka ah iyo waddooyinka ay dalka uga dhoofaan ama ku soo galaan marka ay socaallo dibadda ah ka soo laabtaan.
Dusha waxay ka ilaaliyaan xaafadaha Muqdisho ee mudanayaasha baarlamaanka, Golaha Xukuumadda iyo weliba ciidanku dowladdu ay ku nool yihiin. Waxaa iyaguna xaafadahaas deggan dad badan oo rayid ah.
Haddii la soo koobana waxay dadka qaar yiraahdaan haddii aan AMISOM joogin, ma jirteen Dowlad Soomaaliyeed oo la aqoonsan yahay.
Intaa waxaa dheer in AMISOM ay adeeg caafimaad oo kooban ay u fidisaa dad rayid ah oo u badan dan yar.
Wax qabadkaas oo dhan waxaa hareeyay eedeyn xoog leh oo ka dhan ah AMISOM oo lagu eedeeyay in ay marar badan dad rayid ah ku dishay madaafiic ay ku ridday meelo ay ku doodeyso in iyada laga soo toogtay.
Madaafiicdaas sida la sheegay waxaa ku dhintay dad rayid ah, waxaana ku dhaawacmay qaar ka sii tiro badan, qaar kalena wey ku bara kaceen.
Khasaaraha waxaa wehliya hanti ku gubatay ama ku burburtay madaafiicda.
Arrimahaas AMISOM marnaba ma garowsan, waxayna ku adkeysan jirtay inaysan isticmaalin qoryo culus iyo in meeshii laga soo toogto oo keliya ay u jawaabto.
Laakiin eedeyntuna ma joogsan. Xataa madax sare oo dowladda ka tirsan ayaa qiraya, haddaan warkooda la shaacineyn.
Madaxda Soomaalidu waxay u qeybsameen qaar sida AMISOM u hadla, qaar iyada eedeyn u soo jeediya, iyo qaar la aammusan mowqifkooda, waaba hadday u kuur galeene.
Si kastaba ha ahaatee, AMISOM, colaad ayeey u abuurtay dhimashada dadka rayidka ah ee lagu eedeeyay in ay ku dhinteen duqeyn ay iyadu geysatay.
Sabab kastaa ha keento, go'aanka hadda ay AMISOM ku gaartay in ay xirto askar iyada ka tirsan, ay baaritaan ku sameyso in ay gef geysteen, isla markaana ay raalli gelin ka bixiso falkii dhacay, waa arrin wax weyn ka beddeli karta sida loo arko AMISOM.
Hadday AMISOM ka dhowrsato xad gudub nafta iyo maalka dadka rayidka ah isla markaana gefkii dhaca ay jawaab ka bixiso, waxaa imaan karta in ay taageero ka hesho, dad badan oo hadda aan kalsooni ku qabin.
Dabacsanaanta ay AMISOM muujisay waxaa ay wiiqi kartaa doodda kooxaha dowladda la dirirsan oo dagaalkooda ku macneeya in uu yahay mid ku wajahan in ay AMISOM xoog uga saaraan dalka.
Waxay sidaa ku doodaan iyaga oo og in ay ka hub culus tahay, haddayba kalliftana diyaar loola yahay gurmad xag dhul, cir iyo badba leh.

EU oo u digtay Dowladda KMG ah!!

$
0
0

Dowladda Soomaaliya ayaa looga digay khatarta wax qabad la'aanta iyo khilaafka, mar kalena loo sheegay wax ay tahay in ay qabato.

Waxaa kale oodanjirayaashu sheegeen in ay ka xun yihiin dhacdooyinka
culus iyo hab dhaqanka xubno ka tirsan baarlamaanka oo laga tira badan
yahay ay halkaa ka sameeyeen.

Midowga Yurub wuxuu si aan mugdi ku jirin ugu
baaqayaa Hey'adaha Federaalka ee Soomaaliya in ay soo af jaraan
istijaabinta siyaasadeed iyo muranka dhaawacay rajadii laga qabay kala
guur lagu guuleysto.

Wakiillada Dowladaha Yurub waxay xusuusisay
Hoggaanka iyo Hey'adaha Federaalka iyo weliba xubnaha baarlamaanka, in
ay si wadajir ah ay mas'uul uga yihiin xilliga ku meel gaarka ah.

Iyada oo in ka yar 10 bilood ay ka hartay
xilliga ku meel gaarku uu ku dhammaanayo, hey'adaha Federaalku waxay u
baahan yihiin, ayay Yurub tiri, in ay si deg deg ah u waajahaan hawlaha
ugu muhiimsan ee horyaalla, kuwaas oo ah, soo celinta nabadgelyada,
socodsiinta hawlaha dib u heshiinta iyo hawlaha muhiimka ah ee ku meel
gaarka, oo uu ka mid yahay hannaanka Dastuurku.

Danjirayaasha Midowga Yurub, waxay sheegeen in
iyaga oo wakiil ka ah deeq bixiyayaal muhiim u ah Soomaaliya, in ay
xusuusinayaan Hey'adaha Federaalka in kaalmada Midowga Yurub ay siineyso
hey'adaha Federaalka Soomaaliya ay si weyn ugu xiran tahay waxa laga
qabto hawlahaas loo cayimay.

Madaxda Soomaaliya
Ma aha markii ugu horreysay ee dowladda Soomaaliya la xasuusiyo amaba loo meeriyo waxyaabaha ay tahay in ay qabato.

Laakiin markan arrintu waxay si gooni ah ugu qalloocan tahay labada mas'uul ee u sarreeya dalka.

Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, waxaa New York
iyo Madrid labadaba loogu sheegay in uu soo afjaro khilaafka u dhexeeya
madaxda sare.

In la soo dhiso dowlad. Iyo soo bandhigto waxyaabaha ay qabaneyso xilliga kooban ee ka haray ku meel gaarka.

Taasi weli ma suurta gelin. Inkasta oo dowlad la
dhisay baarlamaankii ma ansixin. Khilaafkii Madaxduna wuxuu ku xiran
yahay hadba cidda aad weydiiso in uu dhammaaday iyo in kale.

Xataa shirkii Madaxda IGAD ay isugu timid,
Soomaaliya waxaa matalayay xubin baarlamaanka ka tirsan oo hore Wasiir u
ahaan jiray, maaddaama Madaxaweynihii iyo Ra'iisal Wasaarihiiba ay ku
mashquulsan yihiin khilaafka.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif
Xasan Shiikh Adan, waxaa u suurta geli la' in uu maamulo baarlamaankii
uu mas'uulka ka yahay.

Waxaa dhacday in laga bannaday in uu cod u qaado Xukuumadda.

Waa dhab in lagu murmay in codku qarsoodi yahay iyo in uu yahay gacan taag.

Laakiin ma ahan taas macnaheedu in la baajiyo codkii loo qaadi lahaa Xuakuumadda cusub.

Sidee baarlamaanku u shaqeyn kari doonaa, haddii marba kooxda laga tiro badan yahay ay diiddo in cod la qaado

rel="lightbox" src="http://wscdn.bbc.co.uk/worldservice/assets/images/2010/09/16/100916162224_somalia_boat_bbc_466.jpg" alt="Soomaali dalkooda ka qaxaya" height="262" width="466" />

135 isku dayay in ay u qaxaan Yemen. 11 keliya ayaa ka badbaaday.

su'aashu waxay noqoneysaa sidee baarlamaanku u shaqeyn doonaa?

Qarsoodi iyo Gacan taag
Codka
qarsoodigu wuxuu saamaxayaa in mudane kastaa uu sida ay isaga la tahay
codka u bixiyo, isaga oo aan ka baqeyn muran iyo su'aalo ka daba yimaada
sida uu u codeeyay.

Haddii ay noqoto gacan taag, waxaa jiraya dhowr arrimood.

Dadka qaar waxay ka baqayaan hanjabaad iyo caga jugleyn.

Qaar kale waa kuwa doonaya in ay laba
wajiileeyaan oo waxa ay afka ka sheegayaan iyo sida ay codeynayaan ay
kala duwanaan lahaayeen.

Kuwa kalena waa qaar laga yaabo in ay laaluush iyo daneysi kale oo shakhsi ah ka baqaya in arrintani ay ka hor istaagto.

Qaraxyo laba ah oo ka dhacay gobollada dhexe ee somalia

$
0
0

Wararka aan ka heleyno gobolada dhexe ayaa sheegaya in saakay halkaasi qarax aad u xoog badan ka dhacay kaas geystay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Miinadan ayaa ka dhacday Inta u dhexaysa Deegaanada Ceel-gododle iyo Waro-dhuumale ayaa waxa ay maanta miino kula kacday Gaari la sheegay in uu sanaad meleteri u waday Ciidamada Xarakada Al shabaab ee dagaalka kaga jira Deegaanka Waro-dhuumaale ee Gobolka Galguduud halkaasi oo ay maal mahan ka socdeen dagaallo u dhexeeya Al shabaab iyo Ahlu Sunna Wal jameeca.
Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta qaar u sheegay in ay maqleen shanqarta qaraxa isla markaana ay arkeen holac iyo uuro  daran oo cirka isku shareertay kadib markii uu qaraxu la kacay Gaariga Saanad meleteri u waday ee ay wateen Ciidamada Xarakada Al shabaab.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa Gaarigaasi la kacay, hase yeeshee qaar kamid ah dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in uu gebi ahaanba bur buray Gaariga uu qaraxu la kacay isla markaana waxay sheegeen in ay arkeen qaar kamid ah askartii saarnayn Gaariga oo waxyeelo soo gaartay iyaga oo xaaqjin waayey tirada dhabta ah ee khasaaraha, kadib cabsi xooggan ay kasoo wajahday dhanka Xarakada Al shabaab.
“Waxaan maqlay qarax xooggan, waxaan arkay hulac cirka isku shareeray, kadibna waxaan atrkay Gaarigii oo gebi ahaanba gubtay, sidoo kale waxaan arkay qaar badan oo kamid ah askartii Gaariga saarnayd ee dhulka taalla, runtii maaqaan khasaaraha soo gaaray dhimasho iyo dhaawac, Gaarigu waxa uu ahaa nooca waa weyn BJ-ga loo yaqaan”, sidaasi ayaa waxaa yiri mid kamid ah dadka Deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday in uu sheego.

Qaraxan oo dhacay saaka barqanimadii ayaa waxaa sheegtay ururka Ahlu sunnah wuxuuna kusoo aaday xilli ay maal mahii lasoo dhaafay dagaallo xooggan ay ka socdeen Deegaanka Waro-dhuumaale kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Xarakada Al shabaab.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegaayaan in halkaasi maanta Gaari yar ay miino kula kacday kaasi oo ay ka dhasheen khasaare soo gaaray dadkii saarnaa oo ahaa dad rayid ah.
Inta lasoo sheegay afar ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa oo la kacay Gaari noociisa lagu sheegay TOYOTA kaasi oo ka baxay Degmada Maxaas iyada oo uu qaraxu ku haleelay Deegaanka Qoorweyne oo 2.5-kam dhinaca Bari kaga aadan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dad kusugan Degmada Maxaas ayaa sheegay in Gaariga ay la kacday miino dhulka lagu aasay, sidoo kale waxa ay sheegeen in Gaariga qarxay uu ahaa mid si tijaabo ahaan loo kaxeeyey kadib markii saaka lala kala wareegay iyadoo Gaarigaasi iibsaday nin lagu magcaabi Sheekh Cilmi Xuseen Kumando kaasi oo kamid ahaa afarta ruux ee qaraxa ku geriyootay.
Miinada Gaariga kula qaraxtay Deegaanka Qoorweyne ee Degmada Maxaas ayaa waxaa looga shaki qabaa in ay ka hartay miinooyin Deegaanadaasi lagu aasay hadda kahor xilliyo ay halkaasi dagaallo ka jreen.

Wararka aan ka heleyno gobolada dhexe ayaa sheegaya in saakay halkaasi qarax aad u xoog badan ka dhacay kaas geystay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.br /
Miinadan ayaa ka dhacday Inta u dhexaysa Deegaanada Ceel-gododle iyo Waro-dhuumale ayaa waxa ay maanta miino kula kacday Gaari la sheegay in uu sanaad meleteri u waday Ciidamada Xarakada Al shabaab ee dagaalka kaga jira Deegaanka Waro-dhuumaale ee Gobolka Galguduud halkaasi oo ay maal mahan ka socdeen dagaallo u dhexeeya Al shabaab iyo Ahlu Sunna Wal jameeca.br /
Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta qaar u sheegay in ay maqleen shanqarta qaraxa isla markaana ay arkeen holac iyo uuro  daran oo cirka isku shareertay kadib markii uu qaraxu la kacay Gaariga Saanad meleteri u waday ee ay wateen Ciidamada Xarakada Al shabaab.br /
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa Gaarigaasi la kacay, hase yeeshee qaar kamid ah dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in uu gebi ahaanba bur buray Gaariga uu qaraxu la kacay isla markaana waxay sheegeen in ay arkeen qaar kamid ah askartii saarnayn Gaariga oo waxyeelo soo gaartay iyaga oo xaaqjin waayey tirada dhabta ah ee khasaaraha, kadib cabsi xooggan ay kasoo wajahday dhanka Xarakada Al shabaab.br /
“Waxaan maqlay qarax xooggan, waxaan arkay hulac cirka isku shareeray, kadibna waxaan atrkay Gaarigii oo gebi ahaanba gubtay, sidoo kale waxaan arkay qaar badan oo kamid ah askartii Gaariga saarnayd ee dhulka taalla, runtii maaqaan khasaaraha soo gaaray dhimasho iyo dhaawac, Gaarigu waxa uu ahaa nooca waa weyn BJ-ga loo yaqaan”, sidaasi ayaa waxaa yiri mid kamid ah dadka Deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday in uu sheego.
/p
p
br /
Qaraxan oo dhacay saaka barqanimadii ayaa waxaa sheegtay ururka Ahlu sunnah wuxuuna kusoo aaday xilli ay maal mahii lasoo dhaafay dagaallo xooggan ay ka socdeen Deegaanka Waro-dhuumaale kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Xarakada Al shabaab.
/p
p
br /
Dhinaca kale wararka naga soo gaaraaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegaayaan in halkaasi maanta Gaari yar ay miino kula kacday kaasi oo ay ka dhasheen khasaare soo gaaray dadkii saarnaa oo ahaa dad rayid ah.br /
Inta lasoo sheegay afar ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa oo la kacay Gaari noociisa lagu sheegay TOYOTA kaasi oo ka baxay Degmada Maxaas iyada oo uu qaraxu ku haleelay Deegaanka Qoorweyne oo 2.5-kam dhinaca Bari kaga aadan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
/p
p
br /
Dad kusugan Degmada Maxaas ayaa sheegay in Gaariga ay la kacday miino dhulka lagu aasay, sidoo kale waxa ay sheegeen in Gaariga qarxay uu ahaa mid si tijaabo ahaan loo kaxeeyey kadib markii saaka lala kala wareegay iyadoo Gaarigaasi iibsaday nin lagu magcaabi Sheekh Cilmi Xuseen Kumando kaasi oo kamid ahaa afarta ruux ee qaraxa ku geriyootay.br /
Miinada Gaariga kula qaraxtay Deegaanka Qoorweyne ee Degmada Maxaas ayaa waxaa looga shaki qabaa in ay ka hartay miinooyin Deegaanadaasi lagu aasay hadda kahor xilliyo ay halkaasi dagaallo ka jreen.

Qaraxyo laba ah oo ka dhacay gobollada dhexe ee somalia

$
0
0

Wararka aan ka heleyno gobolada dhexe ayaa sheegaya in saakay halkaasi qarax aad u xoog badan ka dhacay kaas geystay waxyeelo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.
Miinadan ayaa ka dhacday Inta u dhexaysa Deegaanada Ceel-gododle iyo Waro-dhuumale ayaa waxa ay maanta miino kula kacday Gaari la sheegay in uu sanaad meleteri u waday Ciidamada Xarakada Al shabaab ee dagaalka kaga jira Deegaanka Waro-dhuumaale ee Gobolka Galguduud halkaasi oo ay maal mahan ka socdeen dagaallo u dhexeeya Al shabaab iyo Ahlu Sunna Wal jameeca.
Dadka Deegaanka ayaa warbaahinta qaar u sheegay in ay maqleen shanqarta qaraxa isla markaana ay arkeen holac iyo uuro  daran oo cirka isku shareertay kadib markii uu qaraxu la kacay Gaariga Saanad meleteri u waday ee ay wateen Ciidamada Xarakada Al shabaab.
Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxa Gaarigaasi la kacay, hase yeeshee qaar kamid ah dadka Deegaanka ayaa inoo xaqiijiyey in uu gebi ahaanba bur buray Gaariga uu qaraxu la kacay isla markaana waxay sheegeen in ay arkeen qaar kamid ah askartii saarnayn Gaariga oo waxyeelo soo gaartay iyaga oo xaaqjin waayey tirada dhabta ah ee khasaaraha, kadib cabsi xooggan ay kasoo wajahday dhanka Xarakada Al shabaab.
“Waxaan maqlay qarax xooggan, waxaan arkay hulac cirka isku shareeray, kadibna waxaan atrkay Gaarigii oo gebi ahaanba gubtay, sidoo kale waxaan arkay qaar badan oo kamid ah askartii Gaariga saarnayd ee dhulka taalla, runtii maaqaan khasaaraha soo gaaray dhimasho iyo dhaawac, Gaarigu waxa uu ahaa nooca waa weyn BJ-ga loo yaqaan”, sidaasi ayaa waxaa yiri mid kamid ah dadka Deegaanka oo magaciisa ka gaabsaday in uu sheego.

Qaraxan oo dhacay saaka barqanimadii ayaa waxaa sheegtay ururka Ahlu sunnah wuxuuna kusoo aaday xilli ay maal mahii lasoo dhaafay dagaallo xooggan ay ka socdeen Deegaanka Waro-dhuumaale kaasi oo u dhexeeya Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa Xarakada Al shabaab.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraaya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegaayaan in halkaasi maanta Gaari yar ay miino kula kacday kaasi oo ay ka dhasheen khasaare soo gaaray dadkii saarnaa oo ahaa dad rayid ah.
Inta lasoo sheegay afar ruux ayaa ku geeriyooday qaraxa oo la kacay Gaari noociisa lagu sheegay TOYOTA kaasi oo ka baxay Degmada Maxaas iyada oo uu qaraxu ku haleelay Deegaanka Qoorweyne oo 2.5-kam dhinaca Bari kaga aadan Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dad kusugan Degmada Maxaas ayaa sheegay in Gaariga ay la kacday miino dhulka lagu aasay, sidoo kale waxa ay sheegeen in Gaariga qarxay uu ahaa mid si tijaabo ahaan loo kaxeeyey kadib markii saaka lala kala wareegay iyadoo Gaarigaasi iibsaday nin lagu magcaabi Sheekh Cilmi Xuseen Kumando kaasi oo kamid ahaa afarta ruux ee qaraxa ku geriyootay.
Miinada Gaariga kula qaraxtay Deegaanka Qoorweyne ee Degmada Maxaas ayaa waxaa looga shaki qabaa in ay ka hartay miinooyin Deegaanadaasi lagu aasay hadda kahor xilliyo ay halkaasi dagaallo ka jreen.

Garyaqaan Somalida mareykanka ah oo lagu dilay agagaarka madaxtooyada Somalia

$
0
0

Garyaqaan ah  Soomaalida-Mareykanka ayaa lagu dilay meel aan ka fogeyn xarunta madaxtoyada. Ganaacsadaha oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Cabdi oo 51-jir ahaa,ayaa sida la sheegay u tegay magaalada Muqdisho si uu uga caawiyo R/Wasaaraha Somalia arrimaha dhisida dowladiisa isagoo sida la sheegay saaxiib dhow la ahaa R/Wasaaraha .

Marxuumka oo laba toddobaad ka hor ka tagay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo uu ku noolaa, ayaa u tagay Muqdisho sidii uu gacan uga geysan lahaa dhismaha xukuumad ay Soomaaliya yeelato.
Mr. Cabdi oo ahaa garyaqaan, ayaa u tagay Muqdisho sidii uga caawin lahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Max’ed (Farmaajo) dhisidda xukuumad waxtar leh.

Iyadoo Mukhtaar Cusmaan oo ay qaraabo yihiin uu sheegay in la toogtay Arbacadi isagoo gaari nooca raaxo ku marayay meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, balse lama sheegin cidda dilkiisa geysatay.

Ganacsadahan, ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnsota ku lahaa dukaammo lagu iibiyo dharka, iyadoo saxiibbadii ay sheegeen inuu aad uga walaacsanaa ku laabashadiisa Soomaaliya, balse uu qaatay go’aan ahaa inuu isbadalka lagu samaynayo dalkiisa qayb ka qaato. Wuxuuna ifka uga tagay xaas iyo afar caruur ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi, oo isaguna ah Soomaali-Mareykan muddo dheer ku noolaa degmada Buffalo ee gobolka New York, wuxuuna qorsheynayaa in xasiliyo Soomaaliya oo aan lahayn muddo 20-sano ah, xukumad isbadal dhalin karta.

Magaalada Muqdsho ee xarunta Soomaaliya, ayaa waxaa maalin walba ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xooggga kasoo horjeeda sida Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo sannadkan oo keliya ay ku dhinteen 2,000-qof, oo intooda badan ay dileen duqeymaha xad-dhaafka ah.

Agagaarka madaxtooyada Soomaaliya oo ay daggan yihiin Madaxweyne Sheekh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan iyo ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi, ayaa ah goobta keliya ee ammaanka ah oo ay ka taliso dowladda.

Ganacsadahan, ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnsota ku lahaa dukaammo lagu iibiyo dharka, iyadoo saxiibbadii ay sheegeen inuu aad uga walaacsanaa ku laabashadiisa Soomaaliya, balse uu qaatay go’aan ahaa inuu isbadalka lagu samaynayo dalkiisa qayb ka qaato. Wuxuuna ifka uga tagay xaas iyo afar caruur ah.br /
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi, oo isaguna ah Soomaali-Mareykan muddo dheer ku noolaa degmada Buffalo ee gobolka New York, wuxuuna qorsheynayaa in xasiliyo Soomaaliya oo aan lahayn muddo 20-sano ah, xukumad isbadal dhalin karta.br /
Magaalada Muqdsho ee xarunta Soomaaliya, ayaa waxaa maalin walba ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xooggga kasoo horjeeda sida Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo sannadkan oo keliya ay ku dhinteen 2,000-qof, oo intooda badan ay dileen duqeymaha xad-dhaafka ah.
/p
p
br /
Agagaarka madaxtooyada Soomaaliya oo ay daggan yihiin Madaxweyne Sheekh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan iyo ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi, ayaa ah goobta keliya ee ammaanka ah oo ay ka taliso dowladda.

Garyaqaan Somalida mareykanka ah oo lagu dilay agagaarka madaxtooyada Somalia

$
0
0

Garyaqaan ah  Soomaalida-Mareykanka ayaa lagu dilay meel aan ka fogeyn xarunta madaxtoyada. Ganaacsadaha oo lagu magacaabo Bashiir Axmed Cabdi oo 51-jir ahaa,ayaa sida la sheegay u tegay magaalada Muqdisho si uu uga caawiyo R/Wasaaraha Somalia arrimaha dhisida dowladiisa isagoo sida la sheegay saaxiib dhow la ahaa R/Wasaaraha .

Marxuumka oo laba toddobaad ka hor ka tagay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka oo uu ku noolaa, ayaa u tagay Muqdisho sidii uu gacan uga geysan lahaa dhismaha xukuumad ay Soomaaliya yeelato.
Mr. Cabdi oo ahaa garyaqaan, ayaa u tagay Muqdisho sidii uga caawin lahaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Max’ed C/llaahi Max’ed (Farmaajo) dhisidda xukuumad waxtar leh.

Iyadoo Mukhtaar Cusmaan oo ay qaraabo yihiin uu sheegay in la toogtay Arbacadi isagoo gaari nooca raaxo ku marayay meel ku dhow madaxtooyada Soomaaliya, balse lama sheegin cidda dilkiisa geysatay.

Ganacsadahan, ayaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnsota ku lahaa dukaammo lagu iibiyo dharka, iyadoo saxiibbadii ay sheegeen inuu aad uga walaacsanaa ku laabashadiisa Soomaaliya, balse uu qaatay go’aan ahaa inuu isbadalka lagu samaynayo dalkiisa qayb ka qaato. Wuxuuna ifka uga tagay xaas iyo afar caruur ah.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi, oo isaguna ah Soomaali-Mareykan muddo dheer ku noolaa degmada Buffalo ee gobolka New York, wuxuuna qorsheynayaa in xasiliyo Soomaaliya oo aan lahayn muddo 20-sano ah, xukumad isbadal dhalin karta.

Magaalada Muqdsho ee xarunta Soomaaliya, ayaa waxaa maalin walba ka dhaca dagaallo u dhexeeya ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo xooggga kasoo horjeeda sida Xarrakatul Shabaab, kuwaasoo sannadkan oo keliya ay ku dhinteen 2,000-qof, oo intooda badan ay dileen duqeymaha xad-dhaafka ah.

Agagaarka madaxtooyada Soomaaliya oo ay daggan yihiin Madaxweyne Sheekh Shariif, guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan iyo ra’iisul wasaare Maxamed C/llaahi, ayaa ah goobta keliya ee ammaanka ah oo ay ka taliso dowladda.

Mudaaharaad lagu dalbanayey in la ansixiyo dowladda oo maanta ka dhacay maqudisho

$
0
0

Dad mdaaharaad isugu soo baxay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xildhibaanda Somalia iney ansixiyeen xukuumadda uu dhowaan ku dhawaaqay R/Wasaare Farmaajo.

Banaanbaxayaasha, ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku codsanayaan in codka kalsoonida ah lasiiyo xukuumadda Somalia, iyagoo ku hanjabay inay xildhibaanna ugu geli doonaan xaruntooda Muqdisho.
"Xildhibaanada baarlamaanku, waa inay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda cusub, waayo waa mid yar oo isbadal dhalin karta" ayay tiri mid ka mid ah haweenkii soo qabanqaabiyay dibadbaxa, taasoo ay ka muuqatay caro xooggan.

Haweeneydan, waxay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kala duwan haystaan, xildhibaannaduna aysan ahayn kuwo ka naxaya shacabka, iyadoo tiri: "Haddii aad shacabka ka naxaysaan ansixiya xukuumadda".
Golaha wasiirrada cusub, ee uu bishan soo magacaabay Ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ku hungoobay inay Isniintii lasoo dhaafay codka kalsoonida ka helaan xubnaha baarlamaanka, kaddib markii ay xildhibaanadu isku khilaafeen qaabka codka loo qaadayo.

Weli, waxaa la dareemayaan kala fikir duwanaasho qaabka codka lagu siinayo xukuumadda oo u dhexeysa mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo ay jiraan kulammo kala gooni-gooni ah oo ay xildhibaannadu leeyihiin.

 Dad mdaaharaad isugu soo baxay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xildhibaanda Somalia iney ansixiyeen xukuumadda uu dhowaan ku dhawaaqay R/Wasaare Farmaajo./p
pBanaanbaxayaasha, ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku codsanayaan in codka kalsoonida ah lasiiyo xukuumadda Somalia, iyagoo ku hanjabay inay xildhibaanna ugu geli doonaan xaruntooda Muqdisho.br /
quot;Xildhibaanada baarlamaanku, waa inay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda cusub, waayo waa mid yar oo isbadal dhalin kartaquot; ayay tiri mid ka mid ah haweenkii soo qabanqaabiyay dibadbaxa, taasoo ay ka muuqatay caro xooggan./p
pHaweeneydan, waxay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kala duwan haystaan, xildhibaannaduna aysan ahayn kuwo ka naxaya shacabka, iyadoo tiri: quot;Haddii aad shacabka ka naxaysaan ansixiya xukuumaddaquot;.br /
Golaha wasiirrada cusub, ee uu bishan soo magacaabay Ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ku hungoobay inay Isniintii lasoo dhaafay codka kalsoonida ka helaan xubnaha baarlamaanka, kaddib markii ay xildhibaanadu isku khilaafeen qaabka codka loo qaadayo./p
pWeli, waxaa la dareemayaan kala fikir duwanaasho qaabka codka lagu siinayo xukuumadda oo u dhexeysa mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo ay jiraan kulammo kala gooni-gooni ah oo ay xildhibaannadu leeyihiin./

Mudaaharaad lagu dalbanayey in la ansixiyo dowladda oo maanta ka dhacay maqudisho

$
0
0

Dad mdaaharaad isugu soo baxay magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay xildhibaanda Somalia iney ansixiyeen xukuumadda uu dhowaan ku dhawaaqay R/Wasaare Farmaajo.

Banaanbaxayaasha, ayaa waxay ku qaylinayeen erayo ay ku codsanayaan in codka kalsoonida ah lasiiyo xukuumadda Somalia, iyagoo ku hanjabay inay xildhibaanna ugu geli doonaan xaruntooda Muqdisho.
"Xildhibaanada baarlamaanku, waa inay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda cusub, waayo waa mid yar oo isbadal dhalin karta" ayay tiri mid ka mid ah haweenkii soo qabanqaabiyay dibadbaxa, taasoo ay ka muuqatay caro xooggan.

Haweeneydan, waxay sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kala duwan haystaan, xildhibaannaduna aysan ahayn kuwo ka naxaya shacabka, iyadoo tiri: "Haddii aad shacabka ka naxaysaan ansixiya xukuumadda".
Golaha wasiirrada cusub, ee uu bishan soo magacaabay Ra'iisul wasaare Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa ku hungoobay inay Isniintii lasoo dhaafay codka kalsoonida ka helaan xubnaha baarlamaanka, kaddib markii ay xildhibaanadu isku khilaafeen qaabka codka loo qaadayo.

Weli, waxaa la dareemayaan kala fikir duwanaasho qaabka codka lagu siinayo xukuumadda oo u dhexeysa mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo ay jiraan kulammo kala gooni-gooni ah oo ay xildhibaannadu leeyihiin.

Mubarak oo u jawaabay dowladda Ethiopia iyo labada wadan oo qoorta isugu jira: maxaa la isku heystaa?

$
0
0

Madaxweynaha Masar,Xosni Mubarak, ayaa beeniyay
eedeymo sheegayay in dalkiisu uu taageero kooxo fallaago ah oo ka
dagaallama Ethiopia.

Madaxweyne Mubarak wuxuu sheegay in uu la yaabay eedeynta oo ay Ethiopia soo jeedisay Talaadadii.

Labada dal, waa Masar iyo Ethiopia waxaa u
dhexeeya khilaaf muddo dheer jiray oo ku saabsan sida loo wadaagayo
biyaha webiga Niil.

Ethiopia waxay hormuud ka ahayd dadaal lagu
burinayo heshiis xilliga gumeysiga la dhigay oo Masar iyo Sudan siinayay
qeybta libaax ee biyaha webiga Niil.

Qaar kamid ah Mudanayaasha Barlamanka oo eedeeyn u jeediyey madaxda Dowladda KMG ah

$
0
0

Qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka, ayaa ku eedeeyay madaxda ugu sareysa Dowladda KMG ah  inay iyagu mas'uul ka yihiin ansixin la'aanta xukuumadda Soomaaliya.
"Madaxweynaha, wuxuu ahaa sharci ilaaliyaha dalka, balse isaga ayaa jabinaya, waayo wuxuu xafiiskiisa kasoo abaabulay khilaafka baarlamaanka ka dhex-taagan, taasoo ay xildhibaannadu ku kala tageen," ayuu yiri xildhibaan Axmed Cumar Gaagaalle, oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Gaagaale, oo ka tirsan xildhibaannada qaba in codka laga dhigo mid qarsoodi ah, ayaa sheegay in xildhibaannada baarlamaanka ay badankood qabaan in codka laga dhigo qarsoodi, balse ay jiraan kulammo looga hortagayo oo ka socda madaxtooyada.
Mudane C/qafaar Daahir Maxamed, oo isaguna ka mid ah xubnaha baaramaanka ee qaba in codka laga dhigo gacan-taagga, ayaa sheegay in khilaafka baarlamaanka uu mas'uul ka yahay Shariif Xasan, isagoo ku eedeeyay inuu la saftay mid ka mid ah garabyada mudanayaasha baarlamaanka ee mooshinnada soo gudbiyay.
Horraantii toddobaadkan, ayay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ku kala qaybsameen habka loogu codeynayo xukuumadda cusub, waxaana muran badan kaddib uu guddoomiyaha baarlamaanka ku dhawaaqay inuu kulanka xiran yahay.
Inkastoo, aanay jirin muddo rasmi ah oo loo qabtay inuu qabsoomayo, ayaa waxaa haddana ka socda Muqdisho dadaallo la doonayo in la isku fahamsiiyo xubnaha baarlamaanka, si ay codka kalsoonida ugu qaadaan toddobaadka soo socda xukuumadda.
Xildhibaan C/naasir Max'ed Gaarane, oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ayaa saxaafadda u sheegay in muranka intiisa badan la dhameeyay, dhawaanna la rajeynayo in xukuumadda codka kalsoonida loo qaado.

Sh. Indhacadde oo sheegay ineysan ciidamadiisu ku sugneyn meel ey ka taliso dowladda KMG ahi

$
0
0

Sheekh Yusuuf Maxamed Siyaad (Indhacadde), ayaa markale ku celiyey inuu ka baxay dowladda KMG ah kadib mar uu maant la hadlayey idaacadaha maaxaliga ah isagoo intaasi ku daray inuu dhinac ka heysto magaalada muqdisho.
Indhacadde oo maalin ka hor sheegay inuu isaga baxay dowladda Soomaaliya, ayaa daboolka ka rogay in ciidammada uu hoggaamiyo aysan ku sugnayn goobaha ay dowladdu ka taliso.
"Ciidammada aan hoggaamiyo, kuma sugna goobo ay dowladdu ka taliso, ee waxay ku sugan yihiin goobo ay ka xoreysteen Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam," ayuu yiri Sheekh Yusuuf Indhacadde oo wareysi siiyay idaacadaha Muqdisho qaarkood.
Wasiir u dowlihii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidammadiisu ay dagaal kula jiraan xoogagga hubeysan, aysanna taas weligood ka laabanayn, isagoo sheegay in siyaasiyan iyo askariyan ay dowladda ka baxeen.
"Dowladdu, kama aysan hadlin goobaha aan ku sugannahay, innaguna kalama hadlin, balse haddii ay ka hadasho ayaan ka hadli doonnaa," ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde, oo u muuqda inuu si toos ah uga laalaabtay xukuumadda Soomaaliya.
Horraantii sannadkii lasoo dhaafay, ayuu Sheekh Yuusuf iyo ciidammo uu horkacayo kasoo goosteen ururka Xisbul Islaam, oo xilligaas ku dhawaaqay inuu ka horjeedo dowladda Soomaaliya, isagoo bilaabay dagaallo uu kula jiro kooxaha hubeysan, waxaase uu dhowr jeer ka badbaaday isku dayo lagu dili lahaa.
Xukuumadda Soomaaliya, ayaan weli ka hadlin go'aanka uu qaatay Sheekh Yuusuf Indhacadde ee uu kaga baxay Xukuumadda, waxayna ciidammadiisu ku sugan yihiin qaar ka mid ah goobaha ay ciidammada dowladda iyo kuwa kooxaha hubeysan isaga soo horjeedaan degmada Hodan.

Peace and Justice :by Abdi-Noor Mohamed

$
0
0

Just like the sea and its shoreline
Peace and justice are love partners
They always go in a union of harmony
If you miss one you will miss the other

If justice is the ocean of pleasure
Peace is the moon streaking on it
Like a twig and its budding flowers
Peace and justice live on each other

No life without love
No love without peace
No peace without justice
No justice without a judiciary

No judiciary without a court
No court without a rule of law
No rule of law without a state
No State without a parliament
No parliament without a people

Dawladnimo haddaad dooni
Ooy daacad iyo run kaa tahay
Dilku waa xaaraane dadka badbaadi
Dalkan googayna dib isug soo celi
Dastuur caddaald ah ummadda u deji
Duulka dirirayana nabad ugu deeq
Dabadeed dawladnimo Alle weyddii
Inshaa Allah wey soo degiye

Abdi-Noor Mohamed
Writer and Film maker
Sweden.
nuuru2003@hotmail.com

141 muwaadiniinSoomaali ah oo lagu xiray Mozambique

$
0
0

141 Soomaali ah ayaa lagu xiray waddanka Mozambique, kadib markii ay si dharci darro ah ku galeen waddankaasi, sida ay sheegeen ciidamada booliiska ee Mozambique.

Dadkan Soomaalida ah ayaa la sheegay inay saarnaayeen laba baabuur oo ah noocyada waaweyn ee xamuulka.

Dadkan ajnabiga ah waxaa lagu soo qaaday laba
loori. Waxa ay u muuqatay in baabuurtu ay wadeen ganacsi, sidaa waxa
yiri Miguel Bartolomeu, oo ah sarkaalka dhinaca arrimaha bulshada u
qaabilsan booliiska gobolkaasi oo u warrmayay telefishin madax banaan oo
ku yaala Mozambique.

Sida uu sheegay Bartolomeu, Soomaalida sida
sharci dararada ah ku galay Mozambique, waxa ku lug leg shabakad ka
shaqeysa sidii dadka soo galootiga ah loo gudbin lahaa.

Darawaliinta waday dadkan soo galootiga ah ayaa
isku dayay inay isticmaalaan jidad kale oo ay uga fogaanayaan goobaha ay
booliisku ku baaraan gaadiidka.

Qorshe aan shaqeyn ayuu noqday tan iyo markii booliisku ay ogaadeen waxa ay darawaliintu sameeyaan.

Saciid Cumar oo ah mid ka mid ah darawaliinta,
ayaa ka waramay sida loo siiyay tilmaamaha, in dadkan ay u socdeen
Chimoio oo ah caasimadda gobolka bartamaha Mozambique ee Manica.

Inta badan dadka sida sharci darada waxay ay
Mozambique u isticmaalaan dal ay sii maraan, iyagoo uga sii gudba
waddanjka Koonfur Afrika.

Dadka ugu tirada badan ee muddooyinkan danbe
halkaasi mara waxay yihiin Soomaali, oo tiradoodu sii kordheysay bilihii
ugu danbeeyay, iyadoo boqolaal ka mid ah lagu qabtay gobolada dhinaca
koonfureed.

Tiradana Soomaalida ah ee la qabtay ayaa ah tii
labaad ee ugu balaarneyd muddo toddobaad gudaheed ah. 18 bishan November
ayaa waxa la xiray 97 qof oo Solomaali ah, loo lagu qabtay degmada
Murrupula.

Dadkaasi Soomaalida ee la qabtay ayaa waxa ay ku dhex jireen konteenar.