Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Muun-gaab oo la kulmay dhiggiisa Istanbuul

$
0
0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaaladda Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen ayaa magaaladda Istanbuul ee dalka Turkiga kula kulmay dhigiisa magaaladaas, Huseen Avni Mutlu. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa guddoomiya Istambuul uga warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaanna horumarka arrimaha amniga, siyaasadda, dib u dhiska iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ka socda magaaladda Muqdisho. Guddoomiyaha gobolka [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Kulanka Jimcaha: Diinta Islaamka iyo Kufsiga

$
0
0

Toddobaadkan barnaamijka waxaan uga hadlaynaa waxa ay diinteenna Islaamku ka qabto Kufsiga. Waxaa barnaamijka marti noogu ah  Sheekh  Xuseen Sheekh Dayib oo ka mid ah culimmaa’uddiinka Soomaaliyeed, waxaana soo jeedinaya wariye, Sakariye Cabdulqaadir Amarre, iyada oo  dhageystayaashuna  uga qeyb-qaadan karaan farriimaha qoraalka ah ee Facebook. Si aad uga qeyb-qaadato barnaamijka kulanka Jimcaha, ka mid noqo [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Maamulka gobolka Hiiraan oo ka dayriyey nolosha dadka Buulo burte

$
0
0

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax ayaa ka warbixiyay safar shaqo oo uu dhowaan  ku tagay magaaladda Buulo burte ee gobolka Hiiraan. Gudoomiyaha oo maanta ku laabtay magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay  in xaalad nololeed oo liidata ay ku sugan yihiin dadka deggan degmada Buulo burte oo muddo dheer go’doonsanaa. Guddoomiyaha ayaa [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

IGAD: Caalamku Soomaaliya ha ka caawiyo wax ka qabashada abaarta

$
0
0

Urur goboleedka IGAD ayaa ku ammaanay  dowladda  federaalka ah ee Soomaaliya dadaalka ay wax uga qabanayso  dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha ee ka jira qeybo ka tirsan dalkeeda. IGAD ayaa dowladda Soomaaliya ku bogaadisey go’aanka ay guddiga gaarka ah ugu xilsaartay wax ka qabashada dhibaatooyinka haysta dadka ay saamaysay abaarta War Saxaafadeed uu khamiistii soo saartay [...]
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Wasaaradda Duulista oo Shaacisay Bilowaga Duulimaadyada Xajka, iyo Wasiir Xaashi oo Gantaal siyaasadeed Ku Ganay Jamaal Cali Xuseen

$
0
0

 
 
“ Waxaanu aad ugu farax sanahay inaanu galabta halkan ku sagootino dufcadii ugu horaysay ee Xujaajta Sanadkan 2014-ka,”
“ Jamaal Waxaan Leeyahay Waxaad u baahan tahay Inader tallo iyo Tababar ku Aadan Garoomada caalamiga, Wadada uu  Sheegayo Ma Runwayga Garoonka ayaa la marin lahaa?, Waa yaabe muxuu nagu dhaliilayaaa”Wasiir Maxamuud Xaashi
 
“Waxaan ILAHAY ka Rajaynayaa inuu naga Aqbalo Xajkii, Waxa ii Muuqda Dadaalo badan oo ay Hay’ada ha Dawladdu Samaayeen, Waxan u Rajaynayaa inay Halkaas ka sii Wadaan.” Dr. Gaboose
 Hargeysa (Waaheen) – Wasiirka Duulista Somaliland ayaa shaaciyey in Daabulka Xujaajta Reer Somaliland ee sanadkan soo gudanaya waajibaadka Xajka uu ka bilaabmay garoonka Diyaaradaha ee Cigaal International Airport.Duulimaadkii ugu horeeyey ee wakhtiga Xagaaga oo galabta ka amabaxay Madaarka Cigaal ayey raaceen 350 qof oo reer Somaliland ah. Shirkadaha Diyaaradaha ee Daallo Airlines iyo Jubba Airways oo ay Diyaaradadhoodu ka qaadayaan Xujaajta Madaarka Hargeysa iyagoo si toos ah u gaynaha Magaalada Jida.
Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay bilowga duulimaadyada wakhtiga Xajka ayaa wax auu yidhi “ waxaanu aad ugu farax sanahay inaanu galabta halkan ku sagootino dufcadii ugu horaysay ee Xujaajta Sanadkan 2014-ka, ka xajaysay Somaliland ee tagaysay guriga ILAHAY, Xujaajtaasi waxay gaadhaysaa ilaa 350 qof waxana qaadaya diyaaradaha Daallo Airlines iyo Jubba Airways, duulimaadyadaasi oo ka kacaya garoonkeeda Cigaal International Airport toosna u tagaya magaalada Jida, iyaga oo aan meelna ku sii weecanaynin, runtii waa wax weyn oo ILAHAY loogu mahad naqo, sidoo kale waxaanu bishan 9-aad ilaa bishii 6-aad ku mashquulsanyeyn inaanu soo dhawayno siina sagootino dadkii dalka imanayey wakhtiga Xagaaga, wali waxa socda noqoshada dadkaasi, waxana noogu soo galay wakhtigii xagaaga.
Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena waxa uu intaasi ku daray “ dad badan ayaa garoonkan ka dhoofaya maalin walba waxana kordhay tirada dadka adeegsada tan iyo intii aynu furnay ee adeegiisa aynu cusboonaysiinay, waxa badan aynu ku kodhinay, waxa aanu shaki ku jirin in markasta oo aynu soo horumarino in dadka ka dhoofaa ay sare u kacayaan, bilihii Juun, July iyo August waxa Garoonka ka dhoofay dad gaadhay Todobaadtan kun oo qof, waxa aanu qiyaasaynayaa in bishaha May,iyo September oo imijka lagu jiro marka lagu daro ay tiradu gaadhi doonto Boqol iyo shan kun ilaa Boqol iyo Toban kun oo qof (105.000 ilaa 110.000) taasi waxay noqonaysaa in tirada dadka shan bilood madaarka Caasimada ka dhooftay ay gaadhayso wixii Somaliland oo dhan sanad ka dhoofi jiray, taasi waxay ka markhtaai ka caysaa marka Madaarada la horumariyo inay dadka u sahalayso inay ka dhoofaan garoonada si sahlan.”
Wasiirka Duulista Somalilad ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ waa Nasiib daro weyn in horumarkaasi dadka qaarkiis aanu deeqin, oo ay u arkaan wax khalada, kana xajiimoodaan markaasna ay baqsaan, waxaan si gaar ah u tilmaamayaa Erayadii uu lahaa nin weyn oo maanta Ardaa dhig u ah inuu Qarankan iyo Umaddan hogaankeeda haaneedo, isagoo dhaliilaya xayndaabka iyo Siliga aanu garoonkan ku wareejinay, arinkaas oo talaabo weyn iyo horumar qarankan u soo hoyday ah,amnigii iyo bad qabkii Madaarkana kor u qaaday, xaqiiqdii waxay ahayd talaabo xukuumaddani ku dhiiratay, oo Xukuumadii hore ku dhiiran waayeen.”
 
“ Jamaal Cali Xuseen waxa uu yidhi isaga oo arintaas ka hadlaya waa la godoomiyey dadkii, isaga oo ujeeda dadka siligu dhex maray ee Madarka ka degan Koonfurta iyo waqooyiga, in la go’doomiyo may ahayn oo loo galo sida Qasa iyo Isra’il ayuu yidhi, Erayadaasi waa kuwo Quun iyo qiimo dhac ku ah nin doonaya inuu qaranka madaxweyne ka noqdo, taasi waxay muujinaysaa Aqoon darro weyn oo ka haysata garoomada iyo waxyaabaha u muhiim ah, Jamaal waxaan leeyahay waxaad u baahan tahay Inader tallo iyo tababar ku aadan Garoomada caalamiga ahi waxay u baahan yihiin, sida ay u samaysan yihiin , shuruudaha looga baahan yahay, iyo waxyaabaha magacooda iyo maqaamkoodaba kor u qaada.”
 
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ dadka deegaanku bisayl weyn ayey muujiyeen. Waxaan ka xumahay in wixii ay dadka caamadu garatay inay rag waayweyn oo siyaasiyiin ahi oo indheer garad ahi ay garan waayeen, oo ay kala sooci waayaan.
Xintanka iyo xifiltanka siyaasadu maaha inuu madax maro Xikmada iyo xiskawanaagsan, waana nasiib darro, siyaasiyiinta bisil ee rug-cadaaga ku ah masraxa siyaasadu waa kuwaas aan noogu garabayn  in aanu wax qabanay umaddu way nagu hambalybnaysaa waanay nagu dhiiri galisayaa.” Ayuu yidhi Wasiir Xaashi waxaanu intaasi ku daray Waxay ahayd inuu Jamaal na tartansiiyo oo uu yidhaa waar waad gaabinaysaan, haddii uu na dhalilanayna waxay ahayd inuu nagu dhaliilo  in aanu gaabinay,may ahayn runtii inuu sidaas u hadlo, wadada uu leeyahay maa dadka loo sameeyo dee waanagaas u samaynay, wadada uu  sheegayo ma Runwayga Garoonka ayaa la marin lahaa?, waayaabe muxuu nagu dhaliilayaaa, ma wadooyina aanu Madaarka Gudahiisa ka dunay, runtii taariikhda ayaa ka markhtaati kaci doonta inaga iyo kuwa Murjiska xaga dambe nagala dhacaya kuwayaga quman,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuu Xaashi.
Siyaasiaga Maxamed Cabdi Gaboose oo ka mid ahaa Xujaajtii Maanta Madaarka ka dhooftay ayaa isaguna warbaahinta u sheegay “ waxaan ka mid ahay dadka galabta ka dhoofaya Madaarka Cigaal, waxaan u socdaa Xajkii, waxaan ILAHAY ka rajaynayaa inuu naga aqbalo, waxa ii muuqda dadaalo badan oo ay Hay’ada dawladdu samaayeen, waxan u rajaynayaa inay halkaas ka sii wadaan.”
 
Abwaan Maxamed Aadan Dacar iyo Sheekh Cabdilaahi Diiriye Sooraan oo ka mid ahaa Xujuujta galabta ka dhooftay Madaarka Cigaal International Airport ayaa iyaguna warbaahinta u sheegay inay aad ugu farax san yihiin ay si toos ah ugu dhoofaan Hargeysa iyagoo ku socda Jida. Xafiiska xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda ee W/Duulista Iyo Hawada JSL
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Furfurnaanta Siyaasadda Miisaaniyadda iyo Korodhka Dakhliga Qaranka Ee Afartii Sanadood Ee La Soo Dhaafay By: Cumar M.Faarax

$
0
0

 
 Wasiirka Maaliyadda Somaliland Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle ayaa  dakhli miisaaniyadeedka qaranka ku guulaystay inuu gaadh siiyay halkii ugu saraysay 23-kii  sanadood ee Somaliland ay xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya sanadkii 1991-kii.
Miisaaniyadda qaranka ayaa afar laab korodhay afartii sanadood ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay haysay tallada wadanka. Waxaanay suulisay wada shaqayn la’aantii ka dhaxaysay Golaha Wakiiladda oo ah Golaha xalaaleeya odoroska miisaaniyad sanadeedka qaranka.
Khamiistii todobaadkii la soo dhaafay waxa Golaha Wasiirradu ansixiyeen miisaaniyad sanadeedka 2015-ka oo Wasiirka maaliyaddu horgeeyay miisaaniyadii ugu badnayd ee qaranku yeesho oo marka la isku daro miisaaniyadda dawladda dhexe iyo hay’adaha madaxa banaan ee dawliga ah odoraskeedu dhan yahay $251,254.023. Odoroska  Miisaaniyadda 2015-ka ee xukuumadda dhexe waxay dhan tahay $180,000,000 oo Dollar, halka ay sannadkan 2014-ka Miisaaniyadda Dawladda dhexe ka ahayd 152 Milyan oo Dollar. Farqi 28 Milyan oo Dollar ah ayay ka badan tahay Miisaaniyadii sanadkan, halka Miisaaniyadda hay’adaha madaxa banaan ee dawladuna lagu qadaray  $29,474,399 oo Dollar.
Miisaaniyadda 2015-ku waxay miisaaniyada sanadkan waxay samaysay sare u kac lagu qiyaasay dhawr iyo afartan milyan oo Dollar.
Miisaaniyadda 2015-ku waxay mudnaan gaar ah siisay kor u qaadista wasaaradaha waxsoosaarka sida beeraha, xanaanadda xoolaha kalluumaysiga iyo wasaaradaha fuliya adeegyadda bulshadda sida waxbarashadda iyo caafimaadka.
Waxa kale oo miisaaniyaddani ay ahmiyad weyn siisay sidii loo sii adkayn lahaa nabad-gelyadda iyo hay’adaha qaabilsan amniga ay u qoondeysay kharashaad u suurto-gelinaya inay ku fuliyaan waajibaadkooda shaqo. Waxa miisaaniyadan iyana ku jira kharashaadkii loogu tallo-galay in lagu fuliyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha iyo madaniga ah, taasi oo qeyb ka ah in doorashooyinku dalka kaga qabsoomaan badhtamaha sanadka fooda innagu soo haya  ee 2015-ka.
Wasiirka maaliyadda Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle waxa madaxweynaha iyo shirkii  Golaha Wasiirrada looga soo jeediyay ammaan la xidhiidha sida uu isagoo fulinaya himiladii madaxweynaha uu juhdiga ugu galay inuu dakhliga qaranka kor u qaado.
Waxa kale oo ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo suurto-gal ka dhigtay inay jabiso dayrkii wada shaqayn la’aanta ee u dhaxaysay Wasaaradda maaliyadda iyo Golaha wakiiladda, iyadoo wasaaradu ay si dhow oo furfuran ula shaqaysay Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladda oo majeertay hanaanka maamul wanaaga ee wasaaradda iyo guud ahaan xukuumaddu ay u samaysay miisaaniyadda, taasi oo sababtay in shirgudoonka wakiiladu ay kal-hore Wasiirka Maaliyadda ku maamuseen shahaado sharaf ay sheegeen inuu ku mutaystay xiligii sharcigu jideeyay ka hor inuu ku hor keenay odoraska miisaaniyadda.
“Waxa Wasiirka maaliyadda lagu bogaadiyay in kor u kac dakhli miisaaniyaddu samaysay mudadii uu Wasiirka maaliyadda ahaa oo uu fuliyay amarkii Madaxweynaha ee la xidhiidhay in dalkani u baahan yahay inuu horusocdo maalinba maalinta ka dambaysa. Odoraska Miisaaniyadda oo Golaha Wasiirradu ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, waxa loo gudbinayaa Golaha Wakiiladda Somaliland oo waajibkooda ka gudan doona si bisha January loo galo iyadoo miisaaniyadii qaranku ay diyaar tahay. Waxa dhici jirtay xiligii xukuumadii ka horaysay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo in miisaaniyadda Golaha Wakiiladda la horkeeni jirtay bilaha April iyo May, taasina waa horumar qaranku gaadhay in miisaaniyadda la diyaariyo xiliga sharcigu jideeyay,
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Hiiraan: Ciidamada oo furaya waddooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab

$
0
0


Ciidamada dowladda Somalia iyo AMISOM ayaa howlgallo ballaaran oo lagu sugayo ammaanka ka wada waddada isku-xirta degmooyinka Buulo Burde iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Howl-galkaan ayaa looga gol leeyahay sidii la isugu furi lahaa degmooyinka gobolka Hiiraan oo  ay maleeshiyaadka Al-Shabaab go’doomin ku hayeen wixii ka dambeeyay markii laga saaray inta badan gobolkaasi.
Saraakiisha ciidamada Xoogga Dalka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in maalmaha soo socda la furi doono dhammaan waddooyinka isku xira degmooyinka iyo degaannada gobolka si gargaar loo gaarsiiyo shacabka dibna ugu soo laabto dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo gaadiidka ee gobolka.
Korneyl Tawane Axmed Gureey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in howl-galladani ay socon doonaan isagoo shacabka ka codasay inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo AMISOM si looga guuleysto maleeshiyaadka dhibaatada ku haya shacabka.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Guddoomiye Cirfo: “Xaaladda bani’aadamnimo ee gobolku waa ka sii dareysaa”

$
0
0

Sawir Google
Maamulka gobolka Galguduud ayaa ku dhawaaqay in xaaladda bani’aadamnimo ee ka jirta gobolka ay sii xumaaneyso xilli qeybo badan oo ka mid ah dalka ay ka jiraan abaaro ay dadi u dhinteen.
Guddoomiye gobolka Galguduud Xuseen Cali Wehliye “Cirfo” oo wareysi siiyay idaacadda Star Galguduud oo ku taalla Dhuusamareeb ayaa sheegay in degmooyinkii dhawaan laga saaray maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ka jirto  biyo la’aan iyo raashin yari ay suurta gal tahay in dadi u dhintaan si la mid ah degmooyinka ku yaalla woqooyiga gobolka ay dad horay ugu dhintaan biyo la’aan.
Wareysigiisa ayuu ku sheegay in aysan jirin wax gargaar ah oo wali la gaarsiiyay dadka, taas oo keeni karta in xaaladdu ay ka sii darto. Dowladda, Hay’adaha samafalka iyo qurbo-joogta gobolka ayuu ugu baaqay inay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadka gobolka ku dhibaateysan.
Wariyaha Radio Muqdisho ee Dhuusamreeb ayaa ku soo warramaya in fuustada biyaha ah ay degaannada qaar ka mareyso lacag u dhiganta toban dollar, ayadoo laga yaabo inay sare u sii kacaan.
Abaarta ayaa bilo ka hor ka jirtay woqooyiga gobolka sida Balanballe iyo tuulooyinka hoos taga halkaas oo ay dad u geeriyoodeen biyo la’aan hase yeeshee guddoomiye Cirfo ayaa ku warramaya in tuulooyinka hoos taga Ceelbuur iyo Ceel-dheer ay iminka ka bilaabatay in xooluhu ay dhintaan dadkuna ay halis ku jiraan.
Dowladda Soomaaliya ayaa bilowday olole ay gurmad ku gaarsiineyso dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobollada koofureed iyo kuwa dhexe ee dalka. Guddiga loo xilsaaray gurmadka ayaa raashin gaarsiiyay degaanno ka tirsan Bay, Bakool iyo Hiiraan, halka ay wali jidka ku sii jiraan deeqo loogu talo galay dadkaasi dhibaateysan.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk


Muungaab oo la kulmay dhiggiisa magaalada Istambuul + Sawirro

$
0
0

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho S/guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la yeeshay guddoomiyaha gobolka Istanbuul Mudane Hussein Avni Mutlu kulankaas oo ka dhacay xarunta gobolka Istanbul,
labada guddoomiya ayaa ka wada hadlay arimo dhowr ah iyadoo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho S/Guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab ) uu dhankiisa uga warbixiyey xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan caasimadda dalka ee Muqdisho.
Janeral Muungaab ayaa  faah faahin buuxda ka siiyey dhiggiisa arimaha Amniga,Siyaasadda ,iyo Mashaariicda horumarineed ee hadda ka socoda magaaladda Muqdisho gaar ahaan kuwa ay fulinayaan Turkiga.
Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho S/guuto Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) wuxuu mahad ballaaran u jeediyey Turkiga Xukuumad ahaan iyo shacab ahaan intaba isagoo ka codsaday dowladda Turkiga in ay sii laba laabaan howlaha mashaariicda horumarineed ee Turkigu fulinayaan.
Ugudanbeyntii guddoomiyaha gobolka Istanbul Mudane.Hussein Avni Mutlu ayaa aad ugu farxay warbixinta guddoomiye (muungaab) wuxuuna wacad ku maray in ay dowladiisu aad u kordhin doonto mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya isla markaana wuxuu u rajeeyey umadda Soomaaliyeed guul isla markaana ay rajeynayaan in ay arkaan dhawaan Soomaaliya oo cagaheeda isku taagtay.
 
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Gedo: Afar qof oo abaarta darteed u geeriyootay

$
0
0

Afar qof oo ay ku jiraan laba carruur ah ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen degaanka Ceel-Cadde oo ka tirsan gobolka Gedo, kaddib markii ay waayeen biyo ay cabaan iyo raashin sida ay xaqiijiyeen dadka degaanku.
Degaanka Ceel Cadde wuxuu ka tirsan yahay degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa go’doomiyay oo waxaa xiran ganacsigii iyo isu-socodkii dadka arrintaas oo sababtay in raashin yari ay soo wajahdo dadka.
Mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maalmaha soo socdo ay xaaladdu ka sii dari karto haddii ay dadka lala soo gaarin gargaar.
Labadii toddobaad ee la soo dhaafay toddobo qof ayaa baahi iyo oon u geeriyootay tuulooyin hoos taga degmada Buurdhuubo ee isla gobolka Gedo.
Sidoo kale abaarta ayaa saameysay xoolaha nool ayadoo ku dhawaad shan boqol oo neef oo lo’ ah ay dhinteen toddobaadkan degaanno ka tirsan gobolka Gedo.
Dowladda ayaa raashin deeq ah gaarsiisay degmada Buurdhuubo oo ka tirsan gobolka Gedo, hase yeeshee xaaladda ayaa wali halis ah. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa go’doomin ku haya degaanno badan kaddib markii ay xireen waddooyinkii ay mari lahaayeen gaadiidku.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Ciidamada Uganda oo baaritanno ku sameeyay Hoteello ku yaala Kambala

$
0
0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Uganda ayaa baaritaano ku sameeyay Laba Hoteel oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, kuwaas oo ku yaala magaalada Kambala.
Danjiraha Soomaaliya ee  dalka Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir ayaa Radio Muqdisho u sheegay in laba Hoteel oo ku yaala xaafada Soomaalidu degto ee magaalada Kambaala ayna leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed ay ciidamada ammaanka ee Uganda galeen, isagoo xusay inaan ilaa iyo hadda la ogeyn cidda ay ka qabteen halkaasi.
“arinta baaritaanka ah ma aha mid hore u jirtay,  waa arin maanta billaabatay ilaa iyo hadda inta aan ognahay xaafada Soomaalidu degto ee kambala laba hotel oo ka mid ah ayaa saaka la galay, sida dadka jooga ay iisheegeen wax kasoo baxana ayan jirin, laakiin inta kale oo xaafada ah dhibaato kama jirto” ayuu yiri Danjiraha Soomaaliya ee dalka Uganda.
Danjiraha ayaa tilmaamay ineysan jirin inta uu ka warqabo dhibaato loo geystay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda.
ma jirto ilaa iyo hadda faah faahin dheeraad ah oo intaa dhaafsiisan kuna aadan baaritaannada ay ciidamada Uganda ku sameeyeen labadaasi Hoteel.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Masuul Reer Sanaag ah oo Baarlamaanka Sweden u Sharaxan +Sawiro

$
0
0

Guddoomiyaha Jaaliyadda Puntland Ee Dalka Sweden Oo Si Weyn Uga Dhexmuuqda Doorashooyinka Sweden, Isagoo Noqday Qofka Kaliya Ee Asal Ahaan Kasoo Jeeda Somalia Oo Ka Qayb Galaya Doorashooyinka Dalkaasi.
Xassan Khaliif Faarax, waa gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland ee Dalka Sweden waxa uu bilo ka hor ku guulaystay inuu ka mid noqdo xubnaha u tartamaya ka mid ahaanshaha baarlamaanka degmada Sigtuna oo ka tirsan degmooyinka magaalada caasimadda u ah Sweden ee Stockholm.
Arintaas ayaa macneheedu yahay, in marxalado iyo shuruudo kala duwan la marinayo qofkasta oo Swedish ah , una diyaar garoobay inuu u tartamo xildhibaanimo gole deegaan ah, shuruudahaas ayaana u badan kuwo adag oo aan qof kasta oo dhalashada Sweden haysta uusan buuxin karin.
Xassan Khalif ayaa si rasmi ah u buuxiyay uguna guulystay shuruudihii la hor dhigay waqtigaas., iyadoo 8, March, 2014 loo ansixiyay inuu yahay musharax u tartamaya xildhibaan golaha deegaanka degmada Sigtuna, degmadaas oo ka tirsan degmooyinka hoos yimaada caasimada Sweden ee Stockholm oo la isku yiraahdo “Weyn-Stockholmslän”.
Doorashooyinka  Dalka Sweden Iyo Axsaabta Ka Dhisan.
Dalka Sweden waa dal ku dhisan nidaam dimquraadi ah , waxaana 4-sano mar ka dhaca doorashoyinka golayaasha deegaanka iyo kuwa madaxtinimo ee dalkaasi una dhexeeya 8- xisbi siyaasadeed oo wadankaasi ka dhisan, iyadoo xisbigii ku guulaysta masuuliyadda dalka uu yahay xisbi kusoo baxay kalsoonida iyo codka uu ka helo baarlamaanka Sweden.
Baarlamaanka Sweden ayaa ka kooban 346 mudane,waxaana soo doorat 9-milion oo ku nool dalkan iyadoo inta codka bixin karta lagu qiyaaso 7-milion halka 2-miloin ee kalena ay isugu jiraan caruur iyo dad aan shuruudaha doorashada buuxin karin.
Musharax Xassan Khaliif ayaa sidoo kale xubin buuxda ka ah xisbiga ugu weyn dalka Sweden ee la yiraahdo (Socialdemokraterna),  xisbigan ayaa sanado badan dalka soo hogaaminayay wuxuuna siyaasad ahaan aamisan yahay siyaasadda dhinaca bidixda u jan jeerta, waxaana siyaasaddaas ku weheliya xisbiyo kale oo ay wada shaqayn kala dhaxayso, kuwaas oo kala ah xisbiga (MiljöPartiet) iyo xsibiga (Vänsterpartiet).
Xisbiga Socialdemokraterna ayaa ku guulaystay 3 doorasho oo lasoo dhaafay kana dhacay dalka Sweden sanadihii 2002 oo uu helay 21 kursi ,2006 oo uu helay
21 kursi iyo 2010  oo uu helay 23- kursi, taasoo ka dhigan inuu tirade ugu sarraytsa ka helay helay codadkii la bixiyay, sidaasna uu ku hantay hogaanka wadankaasi.
Degmada lag asoo dooranayo Musharax Xassan Khaliif ee Sigtuna kommun waxaa maamulayey oo haystay codka aqlabiyada ee dadka ku nool degmadaas 12-kii sano ee la soo dhaafay xisbiga Socialdemokraterna, waxaana lagu qiyaasaa hada dadka degan Sigtuna 41,000 oo qof, waxaana codeyn karta qiyaastii 36,000 oo qof.
Xisbiga ugu weyn dalka Sweden ee la yiraahdo (Socialdemokraterna), iyo axsaabta kale ee xulufada la ah ayaa haddii ay guulaystaan soo dhisi doona dowlad wadaag ah waxaana ra’iisal wasaare ka noqon doona ninka hogaaminaya xisbiga Social demqratiga ee magacisa la yiraahdo Stefan Löfven iyadoo laga sugayo markuu guulaysto inuu soo dhiso dawladda wadaaga ah.
Faa’iidooyinka Laga Dhaxlay Musharxnimada
Gudoomiye Xassan Khalif.
Musharax Xassan Khaliif Faarax ayaa baal dahab ah ka galay taariikhda dalka Sweden, maadaama uu noqday muharaxii ugu horeeyey ee taariikhda markii ugu horraysay degmada Sigtuna iska soo sharaxa, mana aysan dhici jirin doorashooyinkii hore in degmadaan Sigtuna uu soo galo musharax Soomaaliyeed ama ka soo jeeda qoomiyadaha kala duwan ee Afrikaanka ah kuwaas oo ku dhaqan degmadan Sigtuna.
Arrintaas ayaa waxa ay horseed u noqotay in xisbiga (Socialdemokraterna), uu si rasmi ah u taageeray Xassan Khaliif, isla markaana u aqoonsaday shakhsi karti, aqoon iyo hufnaan leh, wax tar badana usoo kordhin kara guud ahaan dalka Swden iyo degmada Sigtuna , gaar ahaana dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku nool.
Musharax Xassan ayaa sidoo kale noqday qofka kaliya ee kasoo jeeda Somalia gaar ahaana Puntland oo ka qayb galaya doorashooyinka dalka Sweden, isagoo tageero badan ka haysta Somalida wadankaas degen iyo dadka kale ee ajnabiga ah.
Gudoomiye Khalif ayaa waxa uu liiska xildhibaanada tartamaya kaga jiraa lanbarka 49-aad , isagoo buuxiyay dhamaan shuruudaha hor yaalla qofka doonaya inuu u tartmo baarlamaanka degmooyinka dalka Sweden.
Taageerada uu xisbiga (Socialdemokraterna)  siiyay Xassan Khaliif Faarax ayaa  cadaynaysa sida ay Dawladda Sweden u doonayso in dadka Somalida ahi ay ka dhex muuqdaan saaxadda siyaasadda ee dalka Sweden,  waxaana musharaxu uu ka dhex muuqda 50-ka qof ee ugu horeeya isagoo rajadiisuna ay aad u sarrayso,
Muxuu Hiigsanayaa Musharax Xassan Khaliif .
Musharax Xassan Khaliif Faarax oo waddanka Sweden ku noolaa sanado badan ayaa si weyn ula qabsaday luuqadda,dhaqanka iyo nidaamka siyaasadeed ee dalka Sweden, wxuuna ballan qaaday inuu wax qabad muuqda u samayn doono degmada Sigtuna iyo dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.
Musharax Xassan “ waxaan rabaa inaan ka shaqeeyo arrimo badan haddii aan helo codka aqlabiyadda ee dadka degan Sigtuna, arrimahaas ayaa waxaa ka mid noqon doona la dagaalanka cunsuriyadda iyo midab takoorka, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, arrimaha guryaha iyo deegaanka, daryeelka caruurta iyo waayeelka .
Dadka Soomaaliyeed waxaan ka taageeri doonaa la qabsiga dalka iyo fahanka luuqada Swedishka, waxaan sidoo kale ka shaqaynayaa sidii loo dabar goyn lahaa afkaarta khaldan iyo dacaayadaha dadka soomaalida ah ee Sweden degan laga fidiyo oo la yiraahdo, soomaalidu ma aha dad shaqaysta laakiin waa dad caydh qaata arrimahaas oo runtii been abuur ku ah Soomaalida Sweden wax qabad muuqda ayaan ka samayn doonaa anigoo la kaashanaya xisbigay iyo golaha xildhibaanada” ayuu yiri Musharax Xassan.
Musharax Xassan Khaliif ayaa tilmaamay inuu sii wadi doono ololihiisa dhanka siyaasadda ee uu ka wado dalka Sweden isla markaana haddii uu helo codka kalsoonida uuna noqodo xildhibaan inuu doorashada danbe ee sanadka 2018-ka isu sharixi doono baarlamaanka guud ee dalka Sweden.
WAXQABADKIISA HADDII UU KU GUULEYSTO JAGADAN:

  1.  In qoysaska kala maqan uu dib ubilaabi doono in loo keeno dadka kala maqan uuna dowladda Sweden arintaasi ka dhameyn doono
  2.  In xiriirka Soomaaliya iyo Sweden uu hagaajin doono isagoo saxaya waxyaabaha
    horay uqaldamay sida qaxooti aan Soomaali aheyn oo dalka Sweden ku jooga
    Soomaalinimo in dib arintaasi loo eego.
  3.  In xiriirka dhinaca diblomaasiyada uu kala shaqeeyo safaarada Soomaaliya ee
    Sweden, kadibna uu si wanaagsan u xiriirin doono arintaasi.

In uu wafdi uu hogaaminayo ku booqan doono dalka Soomaaliya si labada
dhinac ay iskugu soo dhawaadaan arimaha horumarinta iyo daryeelka qaxootiga
Soomaalida.
Hadaba waa qof ceynkee ah Mudane Xasan Khalif Farax:-
Mudane Xasan Khalif Farax waa nin lagu yaqaano karti iyo halabuur, wuxuuna arimahaani ku muteystay isagoo inyar jooga dalka Sweden in uu ka muuqdo maantay saaxada siyaasadeed ee dalka Sweden. Waa hal abuurle, dhaqdhaqaaqiisuna uu badanyahay, kasbasho badan, xiriirka uu la leeyahay bulshadana ay tahay mida ugu wacan in uu muujiyo siyaasadaan.
Aqoontiisa, Taariikhda Dhalashadiisa iyo Waxbarashadiisa.
Xassan Khaliif Faarax waxa uu ku dhashay deegaanada Puntland sanadkii 1983-dii,
Xasan wuxuu ka baxay dugsiga Al-imam Alnawawi ee magaalada Bosaso, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa Ganacsatada Magaalada Bosaso, waxa uu sidoo kale xubin fir-fircoon ka ahaa ururrada bulshada ee Puntland isagoo shirar caalami ah iyo ku gudaha ah ka qayb galay mudadaasi , wuxuu jaamacadiisa heerka degreega ku sameeyey Preston University, wuxuu isla Master-tiisa ka qaatay isla jaamacada isagoo ku sameeyey Banking and Finance.
Waxa uu sidoo kale shahaadooyin kale ka qaatay cilmiyada Computer-ka , IT-ga, IR-ta ama xiriirka caalamiga ah iyo waxyaalo kale oo dheeraad ah.Waqtigii uu dalka kusoo labtay waxa uu mudo sadex sano ah la shaqeeyay hay’adaha QM ee Puntland, ka dib waxa uu magaalada Djabuti kaga qayb galay doorashadii Madaxweynihii Hore ee Somalia Sheikh Sharif  Sheikh Axmed.
Shaqadii uusoo qabtay Xasan Khalif Farax:
Dr.Xasan khalif Farax wuxuu soo qabtay howlo kala duwan sida isagoo lasoo shaqeeyey local NGO’s, wuxuu xogheyn guud ee qeybta lacagaha usoo noqday ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid.
Ka hor intii uusan is casilin Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid waxaa Xasan Khaliif waxbarasho loogu diray dalka Sweden halkaasi oo uu ilaa waqtigan ku sugan yahay waxna ka barto.
Wuxuu ka noqday dalka Sweden guddoomiyaha jaaliyadda ee Puntland, wuxuu hadana ku guuleystay inuu aasaaso ururka dadka laga tirabadanyahay ee Soomaaliya ku nool, hadda waa musharax utaagan golaha deegaanka ee SIGTUNA ee dalka Sweden.
Taariikh Nololeedka Xassan Khaliif Faarax Oo Kooban.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Puntland oo ka shireysa ganacsiga hubka

$
0
0

Golaha wasiirada ee maamulka Puntland ayaa maanta ka shiraya sidii loo mamnuuci lahaa ka ganacsiga hubka sharcidarada ah.

Taariikhda Heesta Calanka ee Maraykanka

$
0
0

Nin British ah oo IS madaxa ka jartay

$
0
0

Diego Costa oo 3 gool u dhaliyay Chelsea

$
0
0

Uganda feejignaan sare ayaa la galiyay

$
0
0

Australia oo ka hortagaysa Daacish

$
0
0

Australia ayaa u diraysa lix boqol oo askari iyo diyaarado Bariga Dhexe si loogu diyaar noqdo la dagaalanka kooxda Daacish.

Power Shift Expected in Swedish Election

$
0
0

This year, Sweden expects up to 80,000 asylum-seekers from Syria, Eritrea, Somalia, Afghanistan, Iraq and other countries — the highest number since 1992.
Weblinks: 

Ethiopian PM: The death of the leader of Al-Shabaab means a lot to Somalia, to the neighboring countries as well

$
0
0

In an exclusive interview with Anadolu Agency, Ethiopian Prime Minister Hailemariam Desalegn addressed several issues during the interview, including the activities of the Somali militant group Al-Shabaab. Anadolu Agency: Your Excellency Prime Minister ...
Weblinks: 

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live