Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Sh. Indhacadde oo sheegay ineysan ciidamadiisu ku sugneyn meel ey ka taliso dowladda KMG ahi

$
0
0

Sheekh Yusuuf Maxamed Siyaad (Indhacadde), ayaa markale ku celiyey inuu ka baxay dowladda KMG ah kadib mar uu maant la hadlayey idaacadaha maaxaliga ah isagoo intaasi ku daray inuu dhinac ka heysto magaalada muqdisho.
Indhacadde oo maalin ka hor sheegay inuu isaga baxay dowladda Soomaaliya, ayaa daboolka ka rogay in ciidammada uu hoggaamiyo aysan ku sugnayn goobaha ay dowladdu ka taliso.
"Ciidammada aan hoggaamiyo, kuma sugna goobo ay dowladdu ka taliso, ee waxay ku sugan yihiin goobo ay ka xoreysteen Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam," ayuu yiri Sheekh Yusuuf Indhacadde oo wareysi siiyay idaacadaha Muqdisho qaarkood.
Wasiir u dowlihii hore ee wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidammadiisu ay dagaal kula jiraan xoogagga hubeysan, aysanna taas weligood ka laabanayn, isagoo sheegay in siyaasiyan iyo askariyan ay dowladda ka baxeen.
"Dowladdu, kama aysan hadlin goobaha aan ku sugannahay, innaguna kalama hadlin, balse haddii ay ka hadasho ayaan ka hadli doonnaa," ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde, oo u muuqda inuu si toos ah uga laalaabtay xukuumadda Soomaaliya.
Horraantii sannadkii lasoo dhaafay, ayuu Sheekh Yuusuf iyo ciidammo uu horkacayo kasoo goosteen ururka Xisbul Islaam, oo xilligaas ku dhawaaqay inuu ka horjeedo dowladda Soomaaliya, isagoo bilaabay dagaallo uu kula jiro kooxaha hubeysan, waxaase uu dhowr jeer ka badbaaday isku dayo lagu dili lahaa.
Xukuumadda Soomaaliya, ayaan weli ka hadlin go'aanka uu qaatay Sheekh Yuusuf Indhacadde ee uu kaga baxay Xukuumadda, waxayna ciidammadiisu ku sugan yihiin qaar ka mid ah goobaha ay ciidammada dowladda iyo kuwa kooxaha hubeysan isaga soo horjeedaan degmada Hodan.


Peace and Justice :by Abdi-Noor Mohamed

$
0
0

Just like the sea and its shoreline
Peace and justice are love partners
They always go in a union of harmony
If you miss one you will miss the other

If justice is the ocean of pleasure
Peace is the moon streaking on it
Like a twig and its budding flowers
Peace and justice live on each other

No life without love
No love without peace
No peace without justice
No justice without a judiciary

No judiciary without a court
No court without a rule of law
No rule of law without a state
No State without a parliament
No parliament without a people

Dawladnimo haddaad dooni
Ooy daacad iyo run kaa tahay
Dilku waa xaaraane dadka badbaadi
Dalkan googayna dib isug soo celi
Dastuur caddaald ah ummadda u deji
Duulka dirirayana nabad ugu deeq
Dabadeed dawladnimo Alle weyddii
Inshaa Allah wey soo degiye


Abdi-Noor Mohamed
Writer and Film maker
Sweden.
nuuru2003@hotmail.com

Shaykh Maxamed Khadar ::: Ilaahay Ilaali, Ilaahay Waa Ku Ilaalinayaa :: ...

Shaykh Maxamed Khadar ::: Ilaahay Ilaali, Ilaahay Waa Ku Ilaalinayaa :: ...

Shaykh Maxamed Khadar ::: Ilaahay Ilaali, Ilaahay Waa Ku Ilaalinayaa :: ...

Shaykh Maxamed Khadar ::: Ilaahay Ilaali, Ilaahay Waa Ku Ilaalinayaa :: ...

Shaykh Maxamed Khadar ::: Ilaahay Ilaali, Ilaahay Waa Ku Ilaalinayaa :: ...

Shaykh Maxamed Khadar ::: Ilaahay Ilaali, Ilaahay Waa Ku Ilaalinayaa :: ...


Madaxweyne Shariif oo beesha Caalamka ka codsaday in si deg deg ah in ay uga soo gaaraan

$
0
0

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo shalay dhigiisa Yugaanadha Museveni kulan kula qaatay xafiiskiisa ayaa kulanaaks ka dib dunida u qeylo dhaansaday.

Shariif wuxuu beesha Caalamka ka codsaday in ay si dhaqso ah ula soo gaaraan kaalmo dhinac kasta ah maadaama sida uu sheegayo ay dowladiisu faraha kula jirto dib u dhis, nabad soo celinta iyo weliba dagaal.

Ugu dambeyntii wuxuu madaxweynuhu rajo ka muujiyay dib u qaabeynta lagu sameeyay xukuumada Soomaaliya in ay wax ka tarto mashaakilka labaatan jirsaday ee ka aloosan dalka Soomaaliya.

halgankanet@gmail.com

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya "Alshabaab iyo Xisbul Islaam dagaal waxba looga keeni maayo ee xukuumadu hala hadasho"

$
0
0

Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo xog wareysi siiyay idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio ayaa ku baaqay in wadahadal wax kastaba ha qaatee lala galo xoogaga Alshabaab iyo Xisbul Islaam.

Xildhibaanku wuxuu qabaa in aan xoogagaas aan dagaal looga guleysan karin wuxuuna xukuumada Farmaajo horboodo ee ugubka ah kula talinayaa in ay fidiso gogol nabadeed si loo daba qabto hambada ummadda Somaaliyeed ka hartay.

Xildhibaan Cali Shiikh Cabdullaahi Afgooye wuxuu ugu dambeyntii ku celceliyay sida aan looga maarmin in lala hadlo xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam waloow ay mudan tahay in maanka la geliyo mowqifka ay dhinacyadaas ka taagan yihiin wadaxaajood nabadeed ee lala galo dowladda.

halgankanet@gmail.com

Ciidamada Dowladda oo degmada Dharkeynley ku toogtay wiil dhalinyaro ah ka dib markii ay ka shakiyeen

$
0
0

Wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa dhintay ka dib markii rasaas aan tira yareyn ay ku fureen cutub ka tirsan ciidamada dowladda ee degmada.

Ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in wiilkaas da' yarta ah uu isla goobta ku naf baxay waxaana loo dilay shaki ay ciidamada dowladu ka shakiyeen in uu ka mid ahaa wiilkani xoogaga dowladda la dagaala.

Meydka wiilka ayaa weli yaal goobtii ay ku dileen ciidamadu waxaana dhanka kale saakay ka socda isla deegaankaas baaritaano baaxad leh ay oo ciidamo sida ay sheegeen ku baadigoobayaan dad kale oo ka tirsan xoogaga dagaalka kula jira dowladda.

Dhinacyada ku dagaala magaalada Muqdisho ayaa si fudud u dila qofkii ay doonaan iyagoo ku andacoonaya in ay ka shakiyeen sidaas darteedna markii uu cadaw baxsaday noqon lahaa uu noqdo shacab dhintay waa sida ay qabaane.

halgankanet@gmail.com  

Barack Obama, madaxweynaha Mareykanka oo 12 qodob laga tolay ka dib markii xusul afka looga dhuftay

$
0
0

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa loola cararay cusbitaal ku yaal qeybta hoose ee Aqalka Cadka waxaana lagu qodbay faruurtiisa kore 12 qodob ka gadaal markii xusul afka looga dhuftay.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha faruurta kore lagaga dhuftay xusul xili uu ku jiray ciyaar kubbada koleyga ah oo magaalada Washinton uu madaxweynuhu kaga qeybgelayay.

Obama waxaa la sheegay in uu hadda ka soo bogsanayo dhaawicii ka soo gaaray faruurta kore ee ka dhasha ciyaar kubbadda Koleyga ah oo uu ka mid ahaa kooxda cayaareysay.

halgankanet@gmail.com

Xigasho: http://www.timeslive.co.za/world/article786493.ece/12-stitches-for-Obama-after-basketball-injury

Haween Soomaaliyeed oo gaaraya shan iyo labaatan oo xabsiga magaalada Kismaayo ee ururka Alshabaab jiifa

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya dhanka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Alshabaab ay xabsiga magaaladaas u taxaabeen haween gaaraya shan iyo labaatan oo ka mid ah haweenka ka baayac-mushtara qaadka.

Saraakiisha Alshabaabka u qaabilsan dhinaca anshaxa iyo amaanka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay sii wadayaan xirxirida iyo baacsashada haweenka gudaha magaalada ku iibiya qaadka ee aan u hogaansamin amarkii ay horay ugu soo rogeen.

Shabaab ayaa horay u amray in aan qaadka lagu iibin gudaha magaalada Kismaayo waxayna u asteeyay goobo cayimna oo ka baxsan magaalada.

halgankanet@gmail.com

Mid kamid ah ciyaartooydii qaranka Somalia oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho

$
0
0

Mid kamid goolhayayaashii ugu caansanaa xulka qaranka Somalia ee Kubadda Cagta ayaa xalay waqti dambe ku geeiryooday magaalada Muqdisho.
Sacad Maxamed Sacad wuxuu ka sokow xulka qaranka SOmlia, u ciyaari jiray xookdii Jeenyo oo kamid ahayn kooxaha ugu caansan geeska Africa isagoo ka u ciyaarayey muddo dheer kuna guuleysan koobab farabadan oo ey kamid haayeen Horyaalkii iyo Koobkii General Daauud.


Sacad oo in mudda ah ku Noolaa Dalka isu Tagga Carabta ayaa Xanuun ku dhacay dartiisa la keenay Dalka Soomaaliya ka gadaal markii uu la sii qabsan waayay hawada Dalkaas.


Sacad ayaa sida la sheegay waxaa ku dhacay Cudurka Dhiig Karka iyo Sokorowga kaasoo in mudaba uu la xanuunsanayay illaa ugu danbayntiina uu Cudurkaas u Geeryooday.


Sacad ayaa sida dadka taariikhdiisa yaqaan ay sheegeen wuxuu ifka uga tegay Illaa Toban Caruur ah oo uu dhalay kuwaasoo isugu jira shan Wiil iyo Shan Gabdhood kuwaasoo qaarkood dalka dibaddiisa ay ku nool yihiin.
Dadkan ayaa sheegey in sacad uu ahaa Nin bashaash ah isla markaana sheeko badan. Waxay kaloo intaa ku dareen inuu ka mid ahaa Gool hayayaashii Jeenyo iyo xulka qaranka kuwooda ugu fiicnaa.
Marxuumka ayaa sida la sheegay Meeydkiisa manta waxaa lagu Aasayaa Qabuuraha Baqdaad ee Duleedka degmada Wadajir iyadoo aaskiisana ay ka soo qayb geli doonaan Taageerayaal Isborti iyo qaar ka mid aheheladiisa.
Si kastaba marxuum Sacad ayaa Qaranka iyo calanka Somalia matalay iyadoo aan ugu baryeeyno ilaahey inuu janadii ka waraabiyo eheladiisa samir iyo iimaan ka siiyo.

AAMMIN
halgankanet@gmail.com

Beledweyne oo Xalay la weeraray!

$
0
0

Ciidamo la sheegay iney ka tirsan yihiin kuwa dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa xalay weerar ku qaaday magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin ciidamada Al Shabaab.

Ciidamadan lagu tilmaamay inay ka mid yihiin ciidanka dowladda KMG ayay u suurtagashay inay galaan gudaha magaalada Beledweyne iyagoon la kulmin wax iska caabin ah maadama ciidamada Al Shabaab ay habeenkii isaga baxaan magaalada.Rasaas ay ridayeen ciidankan mar ay galayeen magaalada Beledweyne ayaa sababtay dhaawaca labo qof oo rayid ah.

Ciidankaan ayaa gudaha u galay xarunta maamulka saldhiga booliska iyo suuqa daraawiishta, waxayna ciidamadan ku sugnaayeen magaalada Beledweyne muddo hal saac ah, iyagoo isaga baxay magaalada xalay saqdii dhexe, dibna ugu laabtay fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Kalabayrka.

Dad goobjoogayaal ah oo Bar-kulan la hadlay ayaa sheegay in ciidankan ay ka tirsan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya, waxayna tiro ahaan gaarayeen 30 ilaa iyo 40 nin.

Wararka aanu ka halayno gobolka ayaa sheegay in shalay galab lacag loo qeybiyay ciidankan lagu tilmaamay in dowladda ay ka tirsan yihiin, waxaana la sheegayaa in lacagta ay bixinayeen hogaamiyayaashooda oo sheegta inay dowlad goboleed yihiin.

Warar kale ayaa sheegay in wadooyinka yar yar ee gala gobolka Galgaduud ay go’an yihiin kadib markii dadka deegaanka iyo Al Shabaab uu kala soo dhexgalay khilaaf.

Xigasho: Bar-Kulan


Labo Codleyn: Caado Soomaali Cadibatey!. Q.2-aad.

$
0
0

Qaybtii koowaad ee qormada waxaan ku qaadaadhignay Xuseen Caydiid,
Inagoo ku soo afmeernay ra’iisul wasaare Farmaajo, halkii ayaanna ka sii
amba qaadaynaa, waxaanna sii baarbaaraynaa laba codleeyayaasha Soomaali
ka buuxa, balse waxaan ka soo qaadanaynaa kuwooda ugu yaabka badan,
dhammaan waxay ka siman yihiin inay dadka dhankay rabaan u jeedshaan,
taasna waxay ka arkeen dadka, haddiise la oran lahaa: “War Heedhe
Habaarqabe orod naga Hortag!”, ilama ahan inuu heer nagu dhexgaari
lahaa, balse maamuus ayaanba ugu daraynaa iyo magac uusan u qalmin!.

Waxaan qormadan ku billaabaynaa Xabaalbadiye: C/laahi Yuusuf Axmed,
wuxuu ku caan ahaa inqlaabkii dhicisoobay ee dhacay Sannadkii 1978,
loona yiqiinnay “Inqilaabkii dhicisoobey, ama inqilaafkii Cirro!”,
fashalkaa ka dib wuxuu u baxsaday dalka Ethiopia, wuxuuna aas-aasay
mucaarad hubaysan kii ugu horreeyey abid Soomaali, sidaa darted waxaan
dhihi karnaa waa qofkii ugu horreeyey ee qori uga soo horjeesta
dawladdii Soomaaliyeed, iyo afgambidoone tabarlaawe!.

C/laahi Yuusuf wuxuu jabhadnimo ku soo jiray muddo dheer, malaha la
dhihi karo waa jabhadka ugu cimriga dheer geeska Afrika, balse waxaa
taas garab taal itaal la’aan iyo taloxumo dilatay jabhadka, wuxuu
shansano xabsi ugu jiray Mingiste Xayle Maryam, wuxuu xabsiga ka soo
baxay markii Mingiste xilka laga tuuray, Isagoo u baqoolay dhanka
gobolada Waqooyi bari, oo uu ka noqday madaxweyne aas-aaskii dawlad
goboleedka Puntland sanadkii 1998-dii.

Qaraxyadii gilgilay 11-kii September sanadkii 2001-da wadanka
Maraykanka, C/laahi wuxuu sheegay inay degaanka loo yaqaan Shimbiraale
ee ku yaal Puntland, ay joogaan kooxo argagixisa ah, taa waxaa ku
wehliyaey wadaaygiis Xuseen Caydiid, oo waliba sii dhaafiyee sheegay in
Aabihiis Gen: Caydiid uu xiriir la lahaa Alqaacida, koox wariyayaal ah
oo ka socday warbaahinta dunida iyo gudaha, ayaa socdaal ay ku tageen
soo waayey xittaa Shimbirihii.

Inaan waxba deeqin wax walbana kaligiis ku wanaagsan yihiin, wuxuu ka
qaybgalay shirkii SNA ee lagu qabtay dhismihii ay ugu magac dareen:
“Hoyga Nabadda”, laguna dhisay dawladdii Salballaar, wuxuu la soo
istaagay: “waxaan ra’iisul wasaare ahayn kuma qanco”, xoogaa lacaga inta
diyaarad loo saaray ayaa lagu yiri: “Adeer sii nabadgal!”.

La yaabku waa markuu yiri: “waxaan ahay Soomaaligii ugu horreeyey ee
xabbad rida”, markaa waxaa loo doortay madaxweynaha dawladdii Empagathi,
oraahdaa marka aan ka soo tagno runnimadeeda, mu wuxuu kaga jeeday yaan
kaalinta lagugu ciriirin, maadama ay soo bexeen qabqablayaal si fiican
dadka u warjeefay? Mise wuxuu uga dan laha cabsigalin iyo inuu dadka
bajiyo, Maadaama uu rajo ka lahaa inuu xamar si nabad ah ku maamulo?!.

Dambi qirahsadaa mid ka cad miyaad sugaysaan Soomaaliyeey? Aanse eegno
sida maalmuhu noqdeen, C/laahi wuxuu isla markii la doortay xoogga
saaray inuu xoog wax ku muquunsho, Isagoo degdeg u ansaxsaday in dalka
uu keensado wadamada dariska ah, gaar ahaan Xabashi, wuxuuna dalkii u
horseeday Xabashi inay soo galaan, Isagoo sallaxaad ka helaya wadaadadii
ku bahoobay Maxkamadaha, oo dhaarbeeneed ku dheheen: “Iiddaan
Ethiopiaan ku dukanaynaa”, nasiibdarrese Xabashidu Iiddaa waxay ku
Iideen Kalluunka Muqdisha!, waxay dhigeenna waa la wada ogaa, uma baahna
ka sheekayn iyo wax ka sheegid badan{lama arag iyo lama maqal!}.

C/laahi yuusuf markuu wuxuu xasuuqi karo xasuuqay, wuxuu gubi karana
gubay, wuxuu dhoofin karana dhoofiyey!, ayuu markuu kursiga laga dajiyey
bilo ka dib maalin Iid ah yiri: “Soomaalay ha la i cafiyo!”, waaba
yaabe mid walba markuu dad iyo duun laayo, muxuu u yiraa halla i
cafiyo!, markuu wax walba iibsado oo xaraashto ayuu dhahaa halla i
cafiyo!, ma garan cafiskan qubanaha ah ee aan lahayn hakad iyo joogsi,
taaba waxaa ka sii muhimsan inuusan lahayn ujeed iyo ka jeed, macnaha
inuusanba ku qotomin xeer iyo xukun.

Sidaa waxaan u leeyahay, haddii hadalku noqdo iska dheh oo ha u fiirsan
waa dhibkiisa, afkaa qoyan u hadalna waa laga fiican yahay, hadduuse
yahay inaad ka xun tahay wixii aad horay fashay, taa waa mid kale,
sababtoo ah waxay u baahan tahay si kale in loo eego, maxaa yeelay waa
inuu yahay qirasho dhab ah, balse hadduu yahay iska dheh waa dhihi
kartaaye, waxaan hubaa inaan taas wada aragnay, dhaqan keenuna u batay
dhankaa!.

Arinta C/laahi waxaan ku soo gaabinayaa, sidee la isu saaraa hadalladaan
kala ah: “waxaan ahay ninkii u horreeyey ee xabbad rida”, “Shibiraale
waxaa jooga argagixiso”, wixii aad layn kartana aad layso, xasuuq iyo
baab’inna aad gaysato, ama amarkaaga lagu gaysto, ama raalli aad ka
tahay una dhoollo caddaynaysid, ugu dambaynna aad tiraahdo:“ha la i
cafiyo!”, waa hubaal inay tahay wax aan isqaban karin, ee C/laahi
qaatumadee kuu dambaysa, kollay xilli dhallinyaro kuma jirtide?!!!.

Haddaan intaa uga harno C/laahi iyo laba codlayntiisa, balaan u gudubno
laba codleeye kale, haddaan shakhsigaan ka dhignay Xabaalbadiye dagaal
oogaa, aan ku xijinno madani aan dagaal ooge ahayn, sida aan qormadii
horaba isugu xijinnay xuseen Caydiid iyo Farmaajo, balse isxijintaan wax
kale ayey uga duwan tahay labadaa hore, waxaad ka ogaan doontiin
sadarada xiga, ee aan magac dhabo yaan la dhararsane, waa Siyaasiga
caanka ah sida la yiraa,  mudane: C/laahi Sheekh Xasan, oo isna ku
dhacay laagada laba codlaynta, waliba uga dhacay dhinac aad u hooseeya
ama u liita, aan wada ogaanno meesha iyo ujeedka labadaba.

Mudane C/laahi Sheekh Xasan ka sokow taariikhdiisa siyaasadeed, iyo
hawlaha uu gaar ahaan Isagu qabtay, ama uu hormuud iyo horsed ka ahaa,
waxaa si weyn oo muuqata loogu wada xusuustaa, xubinnimadiisii ergada
hubkadhigista ee shirkii Eledoret, shirkaa oo markii dambe loo soo
wareejiyey magaalada Mbagathi, lagu dhisay dawladdii C/laahi Yuusuf uu
madaxda ka ahaa, wadankana  u gacan galisay xabashida, C/laahi Sheekh
Xasan socdaalkaa waxaa ku wehliyey Soomaali iyo ergo kaloo ka socotay
shirka, maxaase dhacay?.

C/laahi Sheekh Xasan wuxuu sheegay inuu jiro qorshe dagaal oo lagu
damacsanaa in lagu qabsado Muqdisho, si wada jir ahna ay u jeexeen
shaxdaa xerta C/laahi Yuusuf iyo saraakiil xabashi ah!, Isagoo taa ku
mutay tilmaamta: {Wadani iyo Geesi!}, Muqdisha igu soo orodkaa ma ahan,
sidaana uma sahlana kumana gacan galayso barqo iyo dharaar, waxaan filaa
in natiijadeeda la wada arkay, dagaalkii 2007-da iyo wixii dhacay,
markii dambana Xabashi ku qasabtay inay Isaga baxdo, iyadoo heeryo jaba
huwan.

C/laahi Sheekh Xasan hadalkuu sheegay ka dib ayaa xabsiga magaalada
Garoowe loo taxaabay, markaasay u sii korortay shacbiyad iyo teegeero
ballaaran, Isagoo loo arkay halyey qaran oo loo afduubay fashilinta
qorshe dagaal, mudadaa wixii ka dambeeyana wuxuu magac iyo sumcad ku
dhex yeeshay dadka reer Muqdisha, hadalkiisuna qiimo iyo nuxur yeeshay,
maadama loo xiray inuu shaaciyey qorshe ka dhan Muqdisha iyo dadkeeda,
Ayaan daraneeyey Abaal laayeey!!!.

C/laahi Sheekh Xasan markay xabashidu Muqdisha soo gashen, wuxuu ka kid
ahaa dadkii fara ku tiriska ahaa ee ka soo horjeestay Xabashida, wuxuuna
ahaa afhayeenka beelaha Hawiye, taa waxay ahayd fursaddii labaad ee uu
C/laahi Sheekh Xasan loogu arkay halyey qaran, wuxuu ku guulaystay
gaashaan kale, waliba middaanoo sii xoojinaysa diidmadiisii hore,
hadalkiisii horana ka dhigaysa run, ama dadka ku sii qancinaysa inuu
ahaa: “Runlow Rabbi u soo diray!”, dagaalgalintiisaa maxaa dhacay?.

Siduu u ahaa Xabashidiid, ayuu barqadii dambe nagu soo baxay Isagoo leh:
“Ethiopia waa dal aan daris nahay!”, haddaas yaa moog darsnimada
Xabashida, sheekadu waxay ahayd: waxaa shir wada qaatay labada C/laahi
iyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar walaalkiis, shirkaas ayaa malaha C/laahi
Sheekh Xasan loogu cantoobiyey, sida caadada ahna noqday”Af wax Cunay
Xishoo!”, kuma ekaysan xishoodee C/laahi Sheekh Xasan wuxuuba isku dayey
inuu dareen shaki galiyo dadkii u heellanaa xabashi la dirirka, markaa
wixii ka dambeeyey yaaba warkiisa maqlay, wuxuu u guuray Ingiriiska.

Labada C/laahi waxay Isaga mid yihiin Xabashi jeclaysiga, ama Xabashi u
janjeerisiga, waxay kaloo isaga mid yihiin labo codlaynta, waxayse ku
kala tageen C/laahi Yuusuf Xabashi jacaylka waligiis ayuu caan ku ahaa,
oo dhiiggiisa ayaaba ku shaqeeya!, halka C/laahi Sheekh Xasan ay ku
gashay dhuuniraadis ama dhalyoraac, micnaha jeebbuuxsi ama jilib la
jir!, tan kale C/laahi Yuusuf Xabashi Isaga ayaa keensaday, wuxuuna ku
qarbuday dalka kuna laayey dadka, halka C/laahi Sheekh Xasan markii
horena ka hoorjeeday, oo C/laahi Yuusuf isugu dheceen, markii dambana
taageero marag ma doonta ah u muujiyey, oo C/laahi yuusuf ay ku
heshiiyeen, kuna gambaday darisnimo iyo oodwadaagnimo!.

C/laahi Sheekh Xasan markii dambe Madaxweyne Shariif ayuu ka daba
qaatay, wuxuuna qoray qormadiisii caanka ahayd ee la magac baxday:
“Meesha kama tage waxna kama tare!”, hadduu maqaska uu la daba kacay
ujeed shaqsi ahaaneed waa gaar, inta aadanse qof ceebayn Adigu is
miisaan ama ceebtaada eeg, waxayba ku habboon tahay in naqdiga dadka
kale laga hormarsho isnaqdintaada, haddii kale waxay noqon:”Maroodigu
Takarta Isaga Saaran ma Arkee, midda kan kale Saaran ayuu Arkaaa!”.

Intaa kuma simin C/laahi Sheekh Xasan, ee wuxuu u gudbay Xilnibaanada,
ma xumoo waa arin aan u wada xiisoqabno, balse kan xagxagnaya iyo midka
la xagxaganayaa maxay ku kala duwan yihiin? Micnahaha dhaliilaha iyo la
dhaliiluhu wax ma isdhaamaan?, malaha ujeedka uu Shariif iyo
xildhibaanada ugu daba dhaganaa ayaa ah, inuu magac u raadsho ururkan
cusub ee “Xisbiga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda!”, ee uu uga dhawaaqay
London.

Ugu dambayn iyo gunaadkii, hubaal in marxalad adag la marayo, dadka lagu
dagaalgalinayo ujeed la’aan iyo falalgurracan, haddana maalmo ka dib
looga siibanayo!, taaso astaan u ah laba codlaynta, maxaa yelay suurgal
ma ahan inaad maanta dhalinyarada ku dagaalgaliso ujeed, ayaamo ka dibna
aad uga weecato, magac iyo muunad adduun awgeed!, dhanka kale waan arki
donna halkuu gaaro hanka siyaasadeed ee Siyaasiga caanka ah ee C/laahi
Sheekh Xasan.

F:G: Fisha qaybta xigta ee qormada oo sii socon doonta.

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

Qormadu waxey khaas u tahay qoraaga, halgankanet shuqul kuma laha

Uga jawaab halkan

Sheekh Saalax~~Masaa'il qeybta #5

Shaykh Mohamed Cabdi Umal ::: Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa :: ...

Shaykh Mohamed Cabdi Umal ::: Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa :: ...

Sheekh Saalax~~Masaa'il qeybta #6

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live