Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh 4


Sheekh Saalax~~Masaa'il qeybta #7

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh 5

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh 6

Muxaadaro Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa Sh 7

Shaykh Mohamed Cabdi Umal ::: Xijaabka Gabdha Muslimada Ah Iyo Shuruudihiisa :: ...

Ra'yiga laga uruuriyay dadwaynaha Muqdisho oo la soo bandhigay

$
0
0

Ra'yi uruurin ay BBC dalbatay oo ay hay'ad kale qaaday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa lagu ogaaday in in ka badan kala bar dadwaynaha magaaladaas ay dagaaladu aafeeyay ay dareensan yihiin in dunidu iska ilowday Soomaaliya.

Sagaashan iyo laba boqolkiiba qoysasku waxaysheegeen in aysan awoodin in ay nolol maalmeedkooda kaafiyaan.

Ra'yiga ayaa waxaa laga dhex uruuriyay qayb
sample ah oo dadka wakiil ka ah degmo walba ee magaalada oo ay ku jiraan
goobaha dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee al-Shabaab uu ka taliyo.

Todobaatan iyo kow boqolkiiba dadka su'aalaha la
waydiiyay ka jawaabay waxay sheegeenin ay u arkaan mucaaradka, oo loola
jeedo al-Shabaab awood dhinaca xun u janjeerta oo aysan jeclaan lahayn
in ay xukunka qabsadaan.

In wax yar ka badan kala bar dadka la waraystay
ayaa aaminsan in midowga Africa ciidamadiisa jooga Muqdisho ee maamula
ku dhowaad kala bar magaalada in ay soo afjari karaan khilaafka sanadaha
ka socday Soomaaliya, oo dowlad dhexe aan yeelan muddo labaatan sano ku
dhow.

Cara Carter, waxay ka tirsan tahay shirkadda ORB ee ra'yi uruurinta samaysay.

"Soomaalidu mar walba way niyad fiican yihiin,
waa mid ku jirta dhaqankooda. Oo ku jirta dabiicinimadooda. Waxaan
halkaas ra'yiga ka uruurinaynay ilaa sanadkii 2008, mar walbana way
muuqanaysay niyad wanaaga aan leexleexad lahayn. Taas waxaan u tarjumi
lahaa rajo, ku tilmaameen filid ama saadaalin."

 

Ciyaartooy ka tirsan Xulka qaranka SOmlia oo shil gaari ugu dhaawacmay dalka Tanzania

$
0
0

Qaar  kamid ah Cayaaryahanada Xulka Soomaaliya oo beryahan u jooga dalka Tanzaniya ka gelida ciyaaraha bariga iyo bartamaha Afrika ayaa galay shil gaari iyadoo ey halkaasi ku dhaawacmeen dhowr ciyaartooy oo kamid ah xulka qaranka SOmalia.


Gaari Bas ah oo ay saarnaayeen Cayaaryahanada Xulka Soomaaliya ayaa galay shil kagadaal markii uu si kadis ah ugu dhacay gaari kale, waxaana dhaawacyo fudud ay soo gaareen cayaaryahanada qaar ka mid ah.
Mid ka mid ah Cayaaryahanada oo la hadlayey qaar kamid ah saxaafada ayaa sheegay in ay galeen shil gaari oo sababay qasaare dhaawac 5 ciyaartooy ah.


Dhaawacyada ayaa ah kuwo fudud inkastoo aaney ka qeyb gali Karin Cayaarta Maanta ay la leeyihiin Xulka Tanzaniya.
Maanta ayaa lagu wadaa Xulka Soomaaliya inuu Cayaar la yeesho Marti galiyayaasha koobkaan ee Tanzania.
Cayaartoodii koowaad ee Xulka Somaliya ayaa looga adkaaday 2-0, waxaana garaacay Xulka wadanka Burundi.


Dagaalo iyo duqeymo illaa iyo xalay ka socda magaalada Muqdisho

$
0
0

Iyadoo xalay dagaalo ay ka dheceen degmada Boondheere ee Gobalka banaadir ayaa maanta waxaa laga maqlayaa rasaas goos goos ah iyo madaafiic marka qaar la maqlayo isla xaafadahaas iyadoo laga maqlayo rasaasta noocyadeeda kala duwan.




Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Xarakada al shabaab ay halkaas isku weydaarsanayaan rasaas goos goos ah iyo madaafiic teel teel ah oo cabsi ku abuurtay dadka halkaas baaqiga ku ah.



Habeenkii xalay ayay ahayd markii dagaalo xoogan iyo madaafiic aad u Culus laysku weydaarsaday xaafado badan oo ka mid ah waqooyiga magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Boondheere.




Dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ayaa noqday kuwa mar walba soo laab laabta oo dhinacyada isku haya Caasimada ay isaga hor yimaadaan taas oo khasaare u geysta dadka shacabka ah eek u dhaqan magaalada mana muuqato wax hurumar ah oo ey gaarayaaan qolooyinkan isku heysta siyaasadda dalka.

Abaaro aad u xun oo laga soo sheegayo meelo kamid ah gobolka Galgaduud

$
0
0

Wararka ka imaanaya tuulooyin hoostaga degmooyinka Dhuusamareeb iyo
Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in abaaro baahsan oo dadka
iyo duunyaduba saameeyey ay ku dhufteen halkaasi.

Warbixinada laga helayo odayaal degaanka ku sugan ayaa sheegay in ka
dib markii ay raageen roobabkii xilliga deyrta ay sababeen in abaaro ay
ku dhufteen degaanada miyiga oo xoola dhaqto badani ku nooleyd.


Deegaanada laga soo sheegayo abaarta ayaa waxaa ka mid ah dulka miyiga
ee hoostaga Dhuusamareeb iyo Griceel. Waxaa sidoo kale xaalada abaareed
ayka jiraan degaano hoostaga degmada Caabudwaaq oo ka tirsan isla
gobolka.
Sidoo kale ayaa degmooyin ka tirsan Mudug waxaa iyana dadku soo
sheegayaan xaaladi biyo la’aan oo aad u daran taasoo u baahan in isha
lagu hayo.


Dad badan oo xoolo dhaqto ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka soo
guurayey miyiga Guriceel biyo yaraan darteed, kuwaasoo xaga
magaalooyinka u dhaqaaqay. Sidoo kale wuxuu barakaca xoola dghaqatadu ka
jiraa degaano ka tirsan Cadaado iyo Galinsoor.


Illaa hadda lama sheegin wax gurmad ah oo dadkaasi gaaray inkastoo qeylo sdhaan ay jirto.


Labadii sano ee u dambeeyey gobolada Mudug iyo Galgaduud waxaa ka
taagnaa roobab yari oo sabab u noqotay in xoolaha waayaan dhulkii ay
daaqijireen isla markaana ku kaliftay xoola dhaqatada inay xoolaha la
hayaamaan.


Xaaladan ayaa ku soo beegmeysa xilli dad badan oo barakacayal ah degaano
uga dhigteen meelaha abaaraha laga soo sheegayo oo markale dib uga
barakacayaan kadib dagaalo macna darada ah oo halkaasi ka soconaya.

Muwaadiniin Somali habow ah oo laga helay jaziiradda Maldives ee badweynta India

$
0
0

Kuluumeysato soomaaliyeed oo ey la dhuntay doonyar oo saarnaayeen ayaa laga helay xeebaha dalka Maldives iyagoo bad qaba.

Doontan yar oo ay saarnaayeen illa iyo  toddob qof oo Soomaali ah, ayaa laga helay deegaanka Fuvahmulah ee jasiiradda Maldives ee bad weynta hindiya sida ey sheegeen ciidanka qaran Maldives, isniintii.

Taliyaha Ciidanka Maldives, Abu Raxiim ayaa u sheegay wargeyska Haveeru ee dalkaasi  in wax hub ah ama qalab lagu dagaalamo aan laga helin doonta.
Qof ka mid ah Soomaalida doonta saarneyd oo ku hadli karay luuqadda English-ka ayaa saxaafadda hadal siiyay.

Waxa uu sheegay inay yihiin kalluumeysato Soomaaliyeed, oo dalka Somalia kasoo tagay 2 bilood iyo toban maalmood ka hor.

Waxa uu sheegay in doontoodu dab ka kacay ayaga oo wax ku dhex karsanaya, ayna quustay 25-kii November, kadibna ay soo raaceen doon kasii yar taas oo u dhex saarneyd.

Soomaalidaasi ayaa la geeyay isbital, waxana la sheegay in xaaladoodu wanaagsan tahay.

Kadib waxaa loo sii qaaday xabsi, si loo baaro arrintooda. Afhayeenka booliiska Axmed Suleyman ayaa sheegay in dadkaasi uusan ka muuqan rafaad ama safar dheer, taasna ay shaki abuurtay.

Sawiro xeebta liido laga soo qaaday shalay

Warqaddo dhowr ah oo sir ah oo somalia ku saabsan oo lagu daabacay wikileaks(Maxaa ku qoran?) hoos ka akhri

$
0
0

Memo uu qoray sarkaal ka tirsan UN-ks lagana qoray islaantii la dhihi jiray Jandai Frazer oo afrika u qaabilsanaan jirtay wadanka Mareykanka oo si qarsoodi ah loogu gudbiyey website la yiraahdo Wikileaks ayaa lagu sheegay iney ku boorisay wadanka Itoobiya iney qabsadaan koonfurta Somalia si looga tuuro xukunka maxkamadihii Islaamka oo markaaski wadanka kala dambeyn ku soo celiyey. Memo-gan oo la qoray horrantii 2006 ayaa lagu sheegay  in mareykanku u sheegay Itoobiya iney ka caawinayaan dhanka cirka, Zaadka iyo dhaqaalaha iyagoo u sheegay Itoobiya iney garab taagnaan doonaan mar walba.

Taas ayaa meesha ka saareysa sheegashadii mareykanku uu sheeganayey in Itoobiya iskeed Somalia u gashay iyadoo mareykanku waliba uga digay iney galaan SOmalia sababo la xiriira colaada ka dhexeyn jirtay labada wadan.

Itoobiya ayaa intii ciidamadeedu joogeen Somalia waxey ka geysteen tacadiyo ka baxsan xuquuqul aadanaha iyagoo dilay dad farabdan oo shibil ah.

Dhanka kale isla warqad kale oo qarsoodi ah oo  lagu daabacay isla Websitekan ayaa lagu sheegay in dhaqaaqalihii ugu badnaa abid uu uga baxay wadanka Itoobiya dagaalkii ey ku qaaday somalia iyadoo lagu sheegay warqadda iney uga dhinteen askar farabadan halkaasi.

Warqadan sirta ah oo laga helay wasaarada arrimaha dibadda ee mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay iney kordhisay dagaalkii Itoobiya somalia ku qaaday waxa loogu yeero argagixisada geeska Afrika iyadoo magac iyo sumcadba ey kala heleen ururada islaamiyiinta ah ee ka dagaala dalka somalia
.
Sidoo kale warqad kale oo sir ah oo uu qoray boqorka wadanka sacuudiga ayaa lagu sheegay sidoo kale inuu ku booriyey mareykanka in la weeraro somalia xilligii maxkamadaha si buu yiri loo xasiliyo wadanka yaman oo Alqaacidadu badankiis la wareegtay isagoo sheegay in haddii Alqaacidda laga eryo Yaman iney isku urursanayaan Somalia dibna u dagaal geliyaan.

SI kastaba, Somalia ayaa iyadu marka dunida laga hadlayo mar walba ku jirta haddii ey noqon lahayd filimo argagixiso, kuwo burcad badeed ah iyo wax walba ku saabsan siyaasada reer galbeedka ee dunida muslimka ah.


halgankanet@gmail.com

Warbixinada sirta Maraykanka oo la daabacay Wikileaks oo weli iska soo daba dhacaya

$
0
0

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya daabacadii kumanyaal warbixino dimlomaasiyiinta maraykanka ay leeyihiin oo sir ah ee lagu daabaxcay barta internetka ee Wikki Leaks.

Warbixinada lagu daabacay barta internetka ayaa waxaa ka mid ah in
Boqor Cabdalla ee Sacuudi Carabiya uu ku guubaabiyay Maraykanka inuu
weeraro saldhjiga nucliyeerka ee Iran.

Warbixinada la daabacay waxaa ka mid ah, meel ay
Israel ugu sheegayso masuuliyiinta Mraykanka inay Israel la tashadeen
Masar iyo dowladda falastiiniyiinta inataysan Gaza weerarin sanadkii
2008da dhamaadkiisii.

Warbixinada waxaa ka mid ah mid sheegaysa sida uu Maraykanka uga walwal san yahay musuqmaasuqa ka jira Afganistaan.

Warbixinta ayaa sheegaysa, in hayadda ka hortaga
daraaga ee Maraykanka ay heshay madaxweyne ku xigeenka Afganistaan oo
lacag dhan konton iyo laba million oo dollar ay boorso ama shandad ay
ugu jirto.

Dalka Afganistaan, Masuul Maraykan ah ayaa
wuxuu qoray in Madaxweyne Hamid Karzai walaalkii Axmed Wali Karzai, in
lagu yaqaano inuu sameeyo musuqmaasuq, kana ganacsada Daraaga.

Warbixinada lagu daabacay barta internetka ayaa
waxay sheegayaan in Maraykanka uu si qarsoodi ah u baarayo dadka u
shaqeeya Qaramada Midoobay.

Warbixinada oo sidoo kale lagu daabacay
wargayska Guardian ee ka soo baxa Britain, David Leigh oo ka tirsan
wargayska Guardian ayaa BBCda u sheegayy in warbixinadan ay dadka u
baahan yihiin si ay u ogaadaan sida ay dowladaha u fikiraan.

Soomaalida oo dhinaca xeebaha ka gasha Mozambique

$
0
0

Afhayeen u hadlay Booliiska dalka Mozambique, Pedro Cossa, ayaa sheegay in Kalluumaysatada dalkaas ay caawiyaan Soomaalida sharci darada ku gasha dalkaas. Todobaayadii la soo dhaafay ilaa 300 Soomaali sharci daro ah ayaa booliisku qabteen.

Sida uu sheegay Pedro Cossa oo u waramay Raadiyaha dowladda
Mozambique ayaa sheegay in doomo waawayn ay marka hore Soomaalida
geeyaan xeebaha kadibna doomaha yar yar kaalluumaysatada wadataa ay
Soomaalida daabulaan.

Safarka badwaynta ilaa dhulwaynaha Mozambique ayaa lagu sheegay in ay Soomaalida ku bixiyaan ilaa 3 kun oo doolar.

Afhayeenka Booliiska, ayaa sheegay in Soomaalida
soo galootiga ah oo horay dhinaca dhulka ku gali jirtay Mozambique ay
hadda ku galaan dhinaca badda.

Gobolka Waqooyiga ee Cabo Delgado ayaa ah meesha
ugu wayn ee hadda laga galo dalkaas. Kadibna waxay u gudbaan gobolada
Nampula iyo Zambezia, sida uu sheegay Pedro Cossa.

Wuxuu intaas ku daray in todobaadyadii la soo
dhaafay xukuumadda Mozambique ay qabatay ilaa 300 oo Soomaali sharci
darro ah, kuwaas oo intooda badan sheegtay qaxootinimo iyo in ay
Mozambique ka raadinayaan fursado wanaagsan oo ay ku noolaadaan.

 


Degmadda Baardheere ee gobollka Gedo oo bandow lagu soo rogy xalay

$
0
0

Magaalada Baardheere ayaa habeenkii xalay ahaa ku waabariisatay kadib markii maamulka Alshabaab dareemeen dhaqa dhaqaaq cidan oo ka jira gobolada Gedo qaar.

Bandoow ayaa lagu soo rogay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo kaasoo ay saareen maamulka islaamiga ah ee ka arrimiya halkaasi sababo dhinaca amaanka ah.
Bandowgan wuxuu dhaqan galay xalay iyadoo dadka ay u hogaansameen ka gadaal marki maamulka uu si toos ah ugu iclaamiyey shacabka.

Ciidanka ammaanka maamulka xarakada Al-Shabaab ee degmada Baardheere, ayaa mamnuucay dhaqdhaqaaqyada caadiga ee bulshada.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay soo rogida bandowga, hasa ahaatee waxaa uu ahaa mid lagu xaqiijinayo ammaanka sida ey sheegeen saraakiil ka tirsan maamulka Degmada Baardheere.

Saraakiil ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa shalay gaaray degmada Baardheere, halkaasoo dadweynaha ay kula hadleen, waxaana markaasi ka dib la shaaciyay xaalad bandow ah.

Dhanka kale, ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab oo tababar u socday ayaa loo soo gabagabeeyay gudaha gobalada Jubbooyinka.

Ciidamadaasi ayaa waxaa la geeyay magaalada Kismaayo, waxaana qeyb ay ka qaadan doonaan dagaalada dalka ka socda, sida uu sheegay Sheekh Xasan Yacquub,  oo ka tirsan maamulka  xarakada Al-Shabaab ee Jubbooyinka.

Xildhibaano Sheegtay iney xilkii ka qaadeen guddoomiyaha barlamanka DKMG ah!!

$
0
0

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka KMG Soomaaliya oo gaaraya ku dhowaad 100 xildhibaan ayaa sheegay iney ka qaadeen xilkii guddoomiyaha Shariif Xassan Sh. Aadan kadib markii ey ku eedeeyeen inuu hareermaray sharci barlamanka u degsan.

Xildhibaannada sheegay inay xilka ka qaadeen Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa dhammaantood ah kuwii  codka kalsoonida u diiday xukuumadda cusub ee Soomaalya  waxayna sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu la yimid waddo aan sharciga dalka  iyo kan Baarlamaanka waafaqsanayn taasoo ay sheegeen in uu ku ansixiyay xukuumadda cusub ee Soomaaliya.

“72 xildhibaan oo aan dalka ku sugnayn isla markaana aan imaan fadhiyada Baarlamaanka muddo labo sano ah ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka tirada ku darsaday, sidaas ayuuna ku ansixiyay xukuumadda cusub, taasina waa mid sharciga hareer marsan” ayay  yiraahdeen xildhibaannadaas xil ka qaadista ku sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka  Soomaaliya.

Dhanka kale xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay  xil ka qaadistaas  ay xubnaha ka tirsan Baarlamaanka ku sameeyeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan.

Xildhibaannada ka soo horjeestay xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka ay ku sameeyeen xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku joogo booska Guddoomiyenimada Baarlamaanka codka 550-Xildhibaan, sidaasi daraadeedna loo baahan yahay in marka xilka laga qaadayo la helo Xildhibaanno taradoodu gaarayso 176-xildhibaan ama in kabadan, iyagoo sheegay in  100 xildhibaan iyo wax la mid ah aysan xil ka qaadis Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Batalyan ciidamo Burundi ah oo lagu soo kordhiyay xoogaga AMISOM ee Muqdisho jooga

$
0
0

Sida ay ka soo xigatay wakaalada wararka Faransiiska ee Agence France-Press Gaspard Baratuza, afhayeenka ciidamada qalabaka sida ee Burundi 850 ciidamo dheeraad ah ayaa lagu biiray xoogaga AMISOM ee horay u joogay dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa xaqiijiyay in ciidamadaas ay gaareen dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho waxayna ka qeyb noqon doonaan ciidamada ay Burundigu ku kaalmeeyeen hawlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya.

Ciidamada Burundi ee ka tirsan AMISOM ayaa magaalada Muqdisho ka degan xero ku taal duleedka magaalada waxayna halkaas ka hayaan sida la sheego hawlo nabad ilaalineed, balse sida xaqiiqdu tahay ciidamadaas nabad ilaalin waa halkeedee xitaa kama soo baxaa xeradan marka laga reebo xiliga ay biyaha dhaansanayaan.

halgankanet@gmail.com

Dagaal u dhexeeya Alshabaab iyo Xisbul islaam oo mar kale dib uga qarxay degmada Buur hakaba

$
0
0

Dagaal aad u qaraar oo u dhexeeya xoogaga Alshabaab iyo Xisbul islaam ayaa mar kale maanta barqadii dib uga qarxay degmada Buur Hakaba ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo sida dadka deegaanka laga soo weriyay ay dhinacyadu isu adeegsadeen hubka culculus iyo kuwa fudfudu ayaa laga maqlayay meela kabaxasan magaalada waxaana uu daba socday dagaalkii shalay ay halkaas xoogaga Alshabaabku kula wareegeen.

Qasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa ah mid aan weli wax war ah laga heyn laakiin sida warar horadhac ah ay sheegeen waxaa labada dhinac soo kala gaaray waxyeelo ballaarsan.

Dagaalkan ayaa dhacaya xili dagaal culus ay shalay ciidamada Alshabaabku Xisbul islamaa kula galeen degmada Buur Hakaba dabaeedna xoog uga saareen.

halgankanet@gmail.com

Warsame Yuusuf oo la dhashay Ex. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo Gaalkacyo lagu dhaawacay

$
0
0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mududg wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in nin lagu magacaabo Warsame Yuusuf oo ay walaalo yihiin Cabdullaahi Yuusuf Axmed, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya lagu dhaawacay gudaha magaaladaas.

Wararku waxay intaas ku sii darayaan in ninkan ay dhaawaceen kooxo ku hubeysan Bastoolado oo sida la soo weriyay aan heybtooda la aqoonsan ilaa iyo haatan.

Ciidamada Puntland ayaa wada baaritaano xoog leh si ay u soo qabtaan kooxihii ka dambeeyay dhaawaca Warsame Yuusuf halka saraakiisha caafimaadkuna ku hawlan yihiin daryeelka dhaawacyadii soo gaaray dhibbanahan.

Amaanka magaalada Galakacyo ayaa mudooyinkan dambe ka soo raynayay waxaase hadda xaalada guud ee deegaanka aad uga welwelsan shacabka iyo maamulada kala maanka ah ee deegaankaas ku abtirsada.

halgankanet@gmail.com

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live