Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya oo hadal lagu farxo u sheegay idaacada Shabelle Radio

$
0
0

Wasiirka arimaha gudaha ee xukuumada Soomaaliya oo xog wareysi siinayay idaacada maxaliga ah ee magaalada Muqdisho, Shabelle Radio ayaa sheegay hadal ay aad ugu farxeen shacabka ka barakacay iyo kuwa weli ku harsan magaalada Muqdisho.

Wasiir Cabdishakuur Shiikh Xasan Faarax ayaa daboolka ka qaaday in wasaaradiisa iyo xukuumaduba ay si wadajir ah uga shaqeynayaan dib u soo celinta ammaankii magaalada Muqdisho iyo weliba abuurista jawi ay ay deeganaadoodi kula soo laaban karaan shacabkii ka barakacay magaalada Muqdisho.

Mr. Cabdishakuur ayaa ku celceliyay in wasaaradiisu xooga saari doonto wada kastana u amri doonto dib u soo nooleynta amaanka magaalada Muqdisho ee aan sinaba looga maarmin waa sida uu hadlaka u dhigaye.

Wasiirka ayaa hadalkan dhegaha dadka u wannaagsan sii daayay ka dib markii ay xukuumada uu xubinta ka yahay xildhibaanada Baarlamaanka ka heshay codka kalsoonida.

halgankane@gmail.com  


Dagaal qaraar oo ka socda qeybo kamid ah waqooyiga Muqdisho

$
0
0

Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa maanta weear ku qaaday kuwa Dowladda KMG ah iyo AMISOM oo ku sugan qeybo kamid ah waqooyiga  waqooyiga Muqdisho.

Madaafiic iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa laga maqlayaa degmooyinka Shibis io Boondheere iyada oo aan la ogeyn khasaaraha uu geysgay dagaalkaasi.



Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu yahay mid aad u culus oo labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka waaweyn oo ay ku jiraan madaafiicda kala duwan gaar ahaan BM ka iyo hoobiyaal.




Taangiyada Ciidamada AMISOM ayaa dagaalka si weyn uga qeyb qaadanayay waxaana jira madaafiic farabadan oo ku dhacday xaafado ka baxsan goobaha labada dhinac ay isku hayaan iyadoo dagaalka xoogiisa uu ka dhacay xaafadaha Boondheere.


Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho wararka haatan laga helayo goobaha dagaalka ayaa ku waramaya in dagaalka uu yara istaagan in kasta oo la maqlayo rasaas goos goos ah.


Ninka iska leh dhaxalka Abu dabai oo ammaanay weerarkii Itoobiya ee Somalia kadib sirtii wikileaks lagu daabacay

$
0
0

It was an off-hand compliment during a January 2007 dinner meeting between
Abu Dhabi crown prince Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, plus staff,
and then-U.S. Central Commander boss General John Abizaid. But Al
Nayhan’s jocular praise, as reported in WikiLeaks’ trove of leaked
diplomatic cables, is a rare admission that the United States played a
central role in the disastrous December 2006 Ethiopian invasion of
Somalia, a move that ultimately emboldened the very Islamic extremists
the U.S. and Ethiopia had hoped to squash.

“The Somalia job was fantastic,” Al Nahyan interjected between
discussions of Iran, Saudi Arabia and the prince’s desire to buy Reaper
drones for his air force. At the time of Al Nahyan’s comment, the dust
was just settling from Ethiopia’s Blitzkrieg-style assault toward
Mogadishu. Some 50,000 Ethiopian troops, supported by T-55 tanks, Hind
helicopters and Su-27 jet fighters, had cut a bloody swath through the
lightly-armed forces of the Islamic Courts Union, an alliance of mostly
nationalist Islamic fighters that prior to the invasion had controlled
much of Somalia.

The Somali attack had surprised outside observers. Ethiopia and
Somalia had been rivals a long time, but no one had expected such brutal
fighting, and so suddenly. It was fairly obvious that Ethiopia had
received significant help — even urging — for its invasion. For one,
Ethiopia’s air force did not appear capable of coordinated air strikes
in support of on-the-move ground troops; it seemed likely that the
Su-27s were piloted by Russian or Ukrainian mercenaries — a time-honored
tradition in Africa. What’s more, Ethiopia’s army didn’t possess the
intelligence or logistical skill for long-range operations. Those, not
coincidentally, are particular American strengths.

Washington certainly had a motive to get involved in Somalia. There
was growing concern in the White House and the Pentagon that Somalia’s
Islamists might ally themselves with Al Qaeda and turn to international
terrorism. Already with two escalating wars on its own plate, the U.S.
was in no position to openly lead its own large-scale attack on Somalia.
It’d have been far simpler to simply sponsor somebody else to do the
dirty work. Enter Ethiopia.

In early January following the invasion, USA Today’s Barbara Slavin reported on Washington’s extensive behind-the-scenes support for
Ethiopian troops. “The ties include intelligence sharing, arms aid and
training,” Slavin noted. A couple days later, The Washington Post’s
Pauline Jelinek, citing anonymous sources, described U.S. Special Forces
accompanying Ethiopian troops. CBS news revealed that U.S. Air Force
gunships were active over southern Somalia during the Ethiopian blitz.
Through all the reporting, U.S. officials remained vague or silent on
the subject of Washington’s involvement. All the same, evidence was
mounting that the U.S. had played a leading role in the Ethiopian
invasion. Journalists only strongly suspected it, but Abu Dhabi prince
Al Nayhan apparently knew it for certain, if his praise of “the Somalia
job” was any indication.

Three years later, it’s clear the Ethiopian invasion was a bad idea.
The attack rallied Somalis of all stripes and politics against the
invaders, ultimately boosting support for fringe Islamic groups that now
had a clear enemy in the Ethiopians and their suspected American
puppet-masters. Violence mounted as the Ethiopians settled in for a
bloody, two-year occupation.

When the Ethiopians withdrew in 2009, the Islamists rushed to fill
the vacuum. A year later, the Al Shabab Islamic group, successor to the
Islamic Courts, conducted its first international terror attack. Last
month, a Somali-born American teen plotted to explode a bomb in
Portland. Today, U.S. Special Forces continue to target terrorists in
Somalia. There are arguably more of them than ever, thanks in part to
the botched Ethiopian invasion. “We’ve made a lot of mistakes and
Ethiopia’s entry in 2006 was not a really good idea,” U.S. diplomat
Donald Yamamoto said in March.

fataawa Inhizaamiya1-1.rmvb

fataawa Inhizaamiya1-2.rmvb

Burjiko Bakuuko oo sheegay in ciidamada nabad ilaalinta AMISOM guulo gaareen

$
0
0

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Burjiko Bahuko oo saakay la hadlayey qaar kamid ah saxaafada ayaa guulo ka sheegtay dagaaladii qaraaraa oo beryahan ka socday waqooyiga Muqsisho.


Burjiko Buhuuko ayaa sheegey in dagaaladaasi ay soo qaadeen Xarakada Shabaabul mujaahiddiin isagoona sheegey in Ciidamadoodu ay awoodeen in ay dib u waabiyaan ciidamadii Dagaalka soo qaaday.


Af hayeenka ayaa intaa raaciyay in iyagoo isticmaalaya Istiraatijiyad Ciidameed in ay dib u qaadeen Dagaal Xeeladaas kaasoo uu sheegey in ay u suurta gashay in ay la wareegaan Fariisin  ay hore ugu sugnaayeen Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin waa siduu hadalka u dhigaye.


Af hayeenka ayaa sheegey in ciidamadii ashabaab ay sameeyeen dib u gurasho badan halka ciidankoodana ay hore ugu sii siqeen goobo ay hore u joogeen Xarakada Shabaab.


Burjiko Bahuuko ayaa tilmaamay Fariisinka ay ka saareen Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin halkaasoo uu ku sheegey wasaaraddii hore ee arimaha gudaha oo muddooyinkii danababa fariisin u ahayd Xarakada Ashabaab.


Af hayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in aafaafka hore ee Wasaaeaddii hore ee arrimaha Gudaha in xiligan ay yaalaan Meeydadka Illaa shan ka mid ah waa siduu hadalka u dhigaye xoogaggii ka soo hor jeeday ee la dagaalamayay.


Mr Burjiko oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay bilaabeen hab cusub oo ay ciidamadoodu ku dagaalamayaan iyagoo kaashanaya ciidamada Dawladda habkan oo uu sheegey inuu u suurta gelin doono in dhamaan Fariisimada ay ku sugan yihiin kopxaha ka soo hor jeeda in ay gacmahooda ka bixiyaan.


Af hayeenka oo wax laga weeydiiyay Khasaaraha dhankooda soo gaaray ayaa ku sheegey inuusan sidaa u badneen kuna gaabsaday oo keliya in khasaaraha dhankoodu uu aad u yer yahay.


Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka xarakada Alshabaab iyagoo horey u sheegay in AMISOM eysan xaqiiqada ka hadlin.


Si kastaba marka laga yimaado sheegashada labadan dhinac oo mid walba geeskiisa u sheeganayo Guulaha uu gaaray ayaan waxaan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya Khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray labadooda dhinac balse waxaa shaki ku jirin in dadka Rayidka ah dhibaatooyin soo gaareen marka ey is dagaalayaan dhinacyadan dirirtu ka dhexeyso.
halgankanet@gmail.com

Afhayeenka dagaalada Alshabaab oo guulo ka sheegtay dagaaladii maalmahan ka socday magaalada Muqdisho

$
0
0

Af hayeenka xarkada Shabaab ee dhinaca dagaalada Shiikh cabdicasiis Abuu Muscab oo  la hadlay Warbaahinta qaar magaalada Muqdsiho ayaa sheegay iney guulo ka gaareen dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa war bixintiisa ka bilaabay weerar ay ku qaadeen Fariisin Ciidamada Burunddi ay ku leeyihiin Kuliyaddii hore ee jaallae Siyaad isagoona sheegey ka gadaal markii ay ka warheleen in ciidamadaasi wadadii dadku mari lahaa xireen.

Abuu Muscab ayaa yiri waxaa inoo soorta gashay Saliibiyiintii inaan halkaa weerar ku qaadno isla markaana ay cagaha wax ka dayaan kuwaasii waa siduu hadalka u yiriye awoodi waayay in mid mid ay u galaan Iridda Kuliyadda isagoona sheegey in ay halkaa baqa aawgeed ay is buurteen.
Af hayeenka ayaa intaa raaciyay in halkaas ay kaga laayeen Rag fara badan oo ka tirsanaa Ciidamada Burundiga isagoon xusay in Wadadii dad weynaha ka xayirneed in sidaa ay ku furan tay iyaguna u sabab noqdeen.
Sheikh Cabdicasiis ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay Dhinaca bari ee magaalada Muqdish gaar ahaana degmooyinka Shibis iyo Boon dheere, wuxuuna sheegey in halkaasi ay ku laayeen waa siduu hadalka u yiriye Ciidamo fara badan oo ka tirsan AMISOM isla markaana ay ka gubeen Hal Gaari.
Abuu Muscab ayaa bogaadin u direy Ciidamada xarakada Shabaab isagoona kula sii balamay in ay sii wadaan dagaalada ay kala soo hor jeedaan Cadowga
Si kastaba hadaladan ka soo yeeray Xarakada Shabaabul Mujaahiddiin ayaa waxa ay imaanayeen xilli dagaaladii u dhaxeeyay Ciidamada dawladda oo ay caawinayaan kuwa AMISOM ay sii laba lixaadsadeen gaar ahaana Todobaadkan oo ay dagaaladu ahaayeen kuwo Xiriir ah iyadoo dhinacyaduna ay Guulo kala sheeganayaan in kastoo aysan jirin cid ka hadasha ama u hadasha dadka Rayidka ah ee maalin walba ku waxyeeloobmaya Dagaalada iyo Duqayamaha aan kala go’a lahayn.

fataawa Inhizaamiya1-3.rmvb


WAR DEG DEG AH: Weerar bambaano oo ka dhacay xaafada Islii ee magaalada Nayroobi iyo askeri ku dhintay qaraxaas

$
0
0

Qarax sababay dhimashada mid ka mid ah ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa saakay barqadii ka dhacay deegaanka ama xaafada Islii ee magaalada Naroobi.

Kinuthia Mbugua, madaxa Booliska Section 5 ee xaafada Islii ayaa xaqiijiyay dhacdadan isagoo sidoo kalena sheegay in ay socdaan baaritaano la xiiriira dhacdadan iyo si buu yiri loo soo qabto qofkii ka dambeeyay qaraxan.

Xaafada Islii oo ay Soomaalida deegaan ahaan iyo baayac-mushtar ahaanba ku badan yihiin ayaa waxaa laga soo sheegayaa cabsi xoogan qaraxan ka dib maadama sida la ogyahay ay Soomaalidu u badan tahay dad aan sharcigu dhowrin oo wixii la doono laga sameysto.

halgankanet@gmail.com

Xiisad ka dhex aloosan Alshabaab iyo Xisbul islaam iyo ciidamada labada dhinac oo Muqdisho, Duleedka Afgooye iyo Buur Hakaba isaga soo horjeeda

$
0
0

Xiisad colaadeed oo laga cabsi qabo in ay saacadaha soo socda isu rogto dagaal saf ballaaran ah ayaa laga soo sheegayaa in ay ka dhex aloosan tahay xoogaga dan-wadaagta ah ee Alshabaab iyo Xisbul Islaam.

Saraakiil kala hogaamineysa ciidamada Alshabaab iyo Xisbul Islaam ayaa la xaqiijiyay in ay heegan geliyeen ciidamadooda ku kala sugan magaalada Muqdisho, Duleedka degmada Afgooye iyo weliba meel aan sidaas uga fogeyn magaalada Buur Hakaba oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen labadan dhinac.

Dhanka kale waxaa la filayaa in maanta salaada Jimcaha ka dib ay magaalada Muqdisho ku kulmeen hogaamiyayaasha ugu sareeyay Alshabaab iyo Xisbul islaam si ay xaalada taagan uga wadahadleen waxaana la saadaalinayaa in masjidka Abuu Hureira ee magaalada ee Suuqa Bakaaraha ay ku kulmaan.

Xiisadan ayaa halkan gaartay ka dib markii Alshabaabku guluf dagaal ku qaadeen degamda Buur Hakaba ka dibna maamulkii Xisbul islaamkii ee halkaas ka ariminayay meesha ka saareen, laakiin waxaa taas xigay in Xisbul islaamku dib isu soo abaabulay dabadeedna weerar rogaal celis ah oo markii hore u muuqday mid guuleystay ku qaadeen Alshabaabka  inkastoo ay dib uga laabteen xeelad  dagaal wax ku sheegeen dartood.

Xoogagan ayaa ku mideysan colaada kala dhexeeysa Dowladda Soomaaliya laakiin waxaa iska cad sida dad badani qabaan in aysan isaga mid aheyn siyaasada guud ee dalka, dowldda Soomaaliya loo dhisi doono haddii ay guuleystaan iyo waxyaabo kale oo aad u fara badan.

halgankanet@gmail.com

Masiibadii ka dhacay Hotel Shamo oo maanta sanad jirsatay iyo masiibaadaas xannuunka badneyd oo aan dib u xusuusaneyno

$
0
0

Waxaa maanta oo kale sanad ka hor ka dhacay Hotel Shamo fal cid kasta oo maqashay aragti iska daaye ay aad uga naxday argagax iyo anfariirna ka qaaday.

Falkaas ayaa ahaa Hotel Shamo oo ay ku kulansanaayeen Aqoonyahanno, Macalimiin Jaamacadeed, Wasiiro iyo Mas'uuliyiin Dowladeed, Arday ka qalinjebinineysay Jaamacadda iyo waalidkii ardaydaas ku soo tiir iyo tacab beelay, marti sharaf iyo mas'uuliyiin kale markii qof bambaano iyo waxyaabaha isku soo xiray uu isku qarxay ubucdii munaasabadaas.

Wixii meeshaas ka dhacay inkastoo aan isku daynay marar badna in aan wax ka qorno hadana waxaa weli noo suurtageli la' in aan helno erayo ku haboon oo aan ku cabiri karno dareenkii sanad ka hor ka dhashay dhacdadii uur ku taalada reebtay ee ka Hotel Shamo 3/12/2009.

Linkiyadan hoose waxaa dka eegi kartaa wixii aan dhacdadan horay uga qornay:

http://halganka.sonna.net/content/war-deg-deg-ah-qarax-nooca-remoteka-ah-oo-ey-ku-dhinteen-wasiiro-iyo-dadka-kale-oo-rayid-ah

http://halganka.sonna.net/content/cambaareyn-aan-loo-kala-harin-oo-loo-soo-jeediyay-qarixii-maanta-ka-dhacay-muqdisho-ee-galaa

http://halganka.sonna.net/content/maamulka-jaamacada-benadir-university-oo-faahfaahin-ka-bixiyay-qasaarihii-baaxada-lahaa-ee-k 

Wixii fikir ah ee aad ka leedahay dhacdadan waxaad noogu soo hagaajin kartaa adigoo mahadsan. 

halgankanet@gmail.com

Halkan ka daawo haddii aad awoodo Filim muuqaal ah oo laga duubay masiibadii ka dhacday Hotel Shamo maanta oo kale sanad ka hor

fataawa Inhizaamiya1-7.rmvb

fataawa Inhizaamiya1-8.rmvb

fataawa Inhizaamiya2-5.rmvb


fataawa Inhizaamiya2-6.rmvb

Muxaadaro Warbaahinta Iyo Kaalinta Ay Kuleeyihiin Afkaarta Sh Mustafa 1

Muxaadaro Warbaahinta Iyo Kaalinta Ay Kuleeyihiin Afkaarta Sh Mustafa 2

Muxaadaro Warbaahinta Iyo Kaalinta Ay Kuleeyihiin Afkaarta Sh Mustafa

Muxaadaro Warbaahinta Iyo Kaalinta Ay Kuleeyihiin Afkaarta Sh Mustafa 4

Viewing all 54547 articles
Browse latest View live


<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>
<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596344.js" async> </script>