Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all 54547 articles
Browse latest View live

Dadka reer Hargeysa oo aad u xiiseeya cuntada waddaniga

0
0

Magaalada Hargeysa waxaa ku soo badanaya dadka daneeya cunnada waddaniga ah sida hilibka geela oo noocyo kala geddisan loo sameeyo iyo cunnooyinka kale ee Soomaalidu caanka ku tahay. Halkan ka dhageyso warbixin arrintaasi ku saabsan.

Midowga Yurub iyo Baanka Adduunka oo Dalalka Geeska Afrika ugu deeqay Dhaqaale dhan €8 Bilyan

0
0

Hargeysa(Waaheen) Bangiga Adduunka,  Bangiga Horumarinta Afrika iyo Midowga Yurub ayaa 8-billion oo Doollar u ballan-qaaday dalalka ay dhibaatooyinku ka jiraan ee Geeska Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya, sida ay qortay wakaaladda wararka Reuters.
Dalalka lacagtan wax looga qabanayo ayaa waxaa ka mid ah Kenya, Ertirea, Somalia, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, iyadoo xubnuhu ay sheegeen in dalalkan ay qabaan dhibaato dhinaca faqriga ah.
Lacagtan ayaa wax looga qaban doonaa dib u dhiska, caafimaadka waxbarashada, shaqo abuurista iyo tababarrada shaqaalaha dhowrka sano ee soo socoda.
“Waddamada Geeska Africa ayaa waxaa saameyn ku yeeshay colaadaha ka jira iyo faqriga oo gun-dhig u ah dagaallada dalalkan qaarkood ka dhacay,” ayaa lagu yidhi warbixin ay hay’adahan si wadajir ah u soo saareen.
Sidoo kale, bangiga hormarinta Islaamka ayaa ballan-qaaday lacag gaaraysa hal bilyan oo doollar, taasoo wax looga qabanayo horumarinta dalal ay ku jirto Somalia, ayna ku jiraan Uganda iyo Koonfurta Suudan.
 
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Labbada Guddoomiye Ku-xigeen oo Cirro ku Eedeyey in uu Saldhig u ahaa Khilaafka Golaha.

0
0

“Xildhibaanada waddani ee lahaa   Beesha caalamku hana soo faragaliso, iyo ciidamo Amisom ah ha lanoo  keeno waxa loo dulqaadan karayo ma ah waxad ku kacdeen  Khiyaamo qaran, Goluhuna Talaabo ayuu idinka Qaadi doona.” Baashe
Hargeysa (Waaheen) Guddoomiye Ku-xigeenada Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf Axmed Ayaa Markii ugu horeysay si cad uga hadlay Khilaafka  Labbada Garab u kala irdheeyey Golaha wakiilada, waxaanay Ku hanjabeen in aan golaha wakiilada  la Furay  ilaa Dib loo saxo Sagaal Qodob oo ay sheegen in uu Guddoomiye Cirro ku darsaday Xeerkii loo gudbiyey Golaha Guurtida.
Sidaasi Waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Hotel Maansoor oo  Hadhimo Sharafeed ay ku lahaayeen  Xildhibaanada Aqlabiyada ee Golaha Wakiilada.
Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad Baashe Maxamed Faarax iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labbaad Dr.Cali Yuusuf Axmed ayaa waxay iska dabba mareen in Guddoomiye cirro uu khilaafka abuuray ka dib markii uu gudbiyey Xeer aan ahayn Xeerkii ay Ansixiyeen.
Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha wakiilada Dr. Cali Yuusuf Axmed  oo shirkaasi Jaraa’id ugu horeyn ka hadlay ayaa  waaxa uu yidhi. “Xeerkan Waxa u codeyey 64 Xildhibaan, hal mudane oo kali aha ayaa diiday, Dhibaatadu waxay ka timid in markii la gudbinayey in anagii oo ku-xigeenada ah aaanan la arag  isla markaan aanan la sixin , nasiib darro waxa dhacday xeerkii aanu isku raacnay, ee Xildhibaanada Goluhu Aqlabiyad ku ansixiyeen ayaa waxa laga bedelay, runtii taasi waa nasiib darro,  Golaha Guurtidu nasiib wanaag markii ay ogaadeen golaha ayey ku soo celiyeen, marka waxay yidhahdeen kani ma ah kii goluhu soo gudbiyey ee soo saxa oo kiiyo sax ah noo keena, Guddoomiye Cirro ayey u timid mar labbaad isaga oo aan nagala tashan ayuu Guurtida warqad u qoray uu leeyahay ama soo ogolaad ama soo diida, dee maxay ogola’aanayaan haddii aan wixii saxa ahaaba loo geyn marka dhibaatadu halkaas ayey ka taagan tahay, imikan waxanu rajeynaynaa in guddoomiyuhu tan saxda ah uu raaco, isla markaana dhibaatadani halkaas ku joogsato.”Ayuu yidhi Cali Yusuf.
 
Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey halka ay Sartu ka qudhuntay. Waxanu yidhi. “Khilaafka golaha dhex yaal waa sharci la gudbiyey oo mid kale lagu badelay, Sagaal Qodob ayaa ka bedelan xeerka uu goluhu sameyey, waxa laysku haystaan waxa weeyi mar haddii la codeeyo qof jecel iyo qof neceba waa in sidiisa Golaha Guurtida loo gudbiyaa, markii golaha Guurtida loo gudbiyey waxa la ogaaday in Sagaal Qodob ay khaldan yihiin, arritna taala ma ah mid lagu gorgortamayo, marka gudoomiye cirro waxa laga sugayaa in wixii la ansixiyey sidiisi ku gudbiyo oo aanu waxna ku darin waxna ka reebin.”Ayuu yidhi.
 
Baashe waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin warar laga fiideyey oo sheegaya in Madaxtooyadu ka danbeeyso Garabkooda waxanu yidhi. “Arrimaha Kale ee la leeyahay Komishanbaa la hortaagan yahay, Madaxtooyada soo dhex gashay waa Been, anagu komishanka ma  diidanin  in ay hawshooda Bilawdaan waanu ogol nahay, lakiin marka ugu horeya waa in khilaafkii golaha dhex yiil meel layska dhigaa, illaa khilaafka meel layska dhigana waax la ansixinayo ma jirto, Goluhu Fasaxbuu galay ilaa Bisha danbe Siddeeded in ta ka horeysa xalka goluhu wuxu ku jiraa Gacanta Gudoomiyaha Golaha.”Ayuu yidhi.
Baashe waxa kale oo uu Baaq u diray Xildhibaanada Mucaaridka ee ka soo horjeeda waxanu yidhi. “Xildhibaanada waddani ee raacsan gudoomiye Cirro waxan leeyahay shalay waan maqlayey hadaladiina oo aad lahaydeen beesha caalamku hana soo faragaliyaan, iyo ciidamo Amisom ah ha la keeno waxa loo dulqaadan karayo ma ah Somaliland  faragalin laguma sameyn karo xildhibaanada yidhi Amisom hanaloo keeno Xassan Sheekh hanoo yimado  waxay ku kaceen khiyaamo qaran, Goluhuna Talaabo ayuu ka qaadidoona, Wakhtigii goluhuna waa iska gabogabo ma jirto wax la leeyahay Cabdiraxman hala riido oo maamus ka xayuubin halagu sameyo, laakiin sharciga ilaali uunbanu leenahay.”Ayuu yidhi Baashe.
Dhanka kale Xildhibaan Cabdiraxman Dheere oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Kulankan Qadada ahi uu yahay mid ay iskugu yimadeen 54 Xildhibaan oo ah Aqlabiyada Golaha kuwaasi oo uu sheegay in ay doonayaan in Gudoomiyuhu ka noqdo Khaladka uu gallay isla marka turxaanbixin la sameyo sharciga lagu soo noqdo.
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Xasan Guure Oo Khilaafka Golaha Wakiilada Ku Tilmaamay Mid Loogu Gogol Xaadhayo Muudo Kordhin.

0
0

Hargeysa(Waaheen) Mujaahid Xasan Guure Jaamac ahna Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka somaliland ayaa ka hadlay Khilaafka Golaha Wakiilada taas oo ku tilmaamay in ay tahay Mid loogu Gogol Xaadhayo Mudo kordhin loo sameeyo Madaxwayne Siilaano.
Waxa uu ka hadlay Sida kaliya ee Doorashada dib loogu Riixo kaas oo ku tilmaamay in Laga wareegaysto Ansixinta Kumiishanka Doorashooyinka,taas oo hadana ka dhex taanka golaha wakiilada.
Sidoo kale waxa uu xasan Guure Sheegay Haay’adihii Kaliga ahaa ee Dhiiri Galinayay Dumuq-raadiyada in dhamaantood ay adhaxda ka jabeen, waxaana uu soo qaatay Xisbiyadii qaranka  iyo Garsoorkii Dalka oo ka dayriyay.
Xasan Guure Jaamac Guddoomiyaha Madasha wadatashigu waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay
 
Magaalad hargaysa waxaana uu yidhi “Anaga (Madasha wadatashiga)nagumay cusbayn in Golaha baarlamaanku isku iman waayo iyo in Khilaafku daba dheeraado.markii madasha aanu iskugu nimid waxaa noo muuqanayay inay tani dhici doonto, sababta ay u dhacaysaana waxa weeye Madaxweynaha oo raba inuu dib u dhigo wakhtigii doorashooyinka,u jeedada iyo saldhiga khilaafkuna waa kaas.
“Waa Dawladda oo doonaysa in 5-ta sano markay dhamaadaan ay sii fadhido oo ay dhaqan inoo noqotay in Ninku mudadaas oo dhan iska fadhiyo oo wakhtigiisa ku dhamaysto oo wax alle wax hawl ah oo uu qabtay aanay jirin waliba hawl gabkiisii loogu abaal gudo in wakhti kale la siiyo, taasi ayaa dhaqan inoo noqotay, Rayaale ayaa korodhsaday, Siilaanyo-na tiibuu rabaa inuu korodhsado” ayuu yidhi Xasan Guure.
Mujaahid Xasan Guure oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa kaliya ee doorashada dib loogu riixi karaa waxa weeye in Wakhtigii dib loo riixo, Komishankii hore oo la bedelay,kii Cusbaa oo aan la ansixin,labada qodob ee Shirkan Wakiilada inuu iskugu yimaado ugu weynaa waxay ahaayeen Komishankii oo la ansixiyo iyo Xeerkii Diwaangalinta oo laga daba tago. Labadaasi dib u dhigistoodu waxay keenaysaa wakhtigii oo dib loo riixo”
Xasan Guure waxa uu sheegay inay hadda muuqato in Hay’addihii siyaasiga ahaa ee dhiiri galinayay dimuqraadiyadu hawl gabeen sida Baarlamaanka, fulinta iyo Xisbiyadu. Waxa uu sheegay in haddii Xisbiyadu yihiin kuwo sidii loogu talo galay u shaqaynaya ay Goluhu isku iman lahaa oo si fiican u shaqayn lahaa.
Waxa uu sidoo kale iftiimiyay sababta Madaxweyne Siilaanyo Mudo kordhinta ugu xusul duuban yahay “waxa kale oo aynu Ogsoonahay sababta kale ee mudo kordhinta ku jirtaa waxa weeye dee Madaxweynaha Caafimaadkiisa waad kawada dheregsan tihiin oo idinkaaba(Warbaahinta) kaga sheekeeyay oo qaar baaba ku xidhmay markii hore ee la sheegay.
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Haweey ah korneel ka tirsan ciidamada Soomaaliya

0
0

Dumarka Soomaalida kuma badna askarta basle ciidamada bileyska Magaalada Muqdisho waxaa ka tirsan gabar korneel ah oo hoggaamiso tiro ciidamo bileys ah. Halka ka dhageyso wareysi aan la yeelanay gabadhaasi.

Turkiga oo caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan Suuriya

0
0

Turkiga ayaa sheegay in uu ciidamo u diraya Suuriya haddii mareykanka iyo xulafadiisa ay dhankooda ciidamo dhulka ka hawlgala halkaasi u diraa.

Xasan Guure Oo arimaha ka taagan Dib U Dhigista Doorashooyinka iyo marxalada dalka ka hadlay

0
0

Hargaysa(HalbeegNews)-Mujaahid Xasan Guure Jaamac ahna Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka somaliland ayaa ka hadlay Khilaafka Golaha Wakiilada taas oo ku tilmaamay in ay tahay Mid loogu Gogol Xaadhayo Mudo kordhin loo sameeyo Madaxwayne Siilaano.
Waxa uu ka hadlay Sida kaliya ee Doorashada dib loogu Riixo kaas oo ku tilmaamay in Laga wareegaysto Ansixinta Kumiishanka Doorashooyinka,taas oo hadana ka dhex taanka golaha wakiilada.
Sidoo kale waxa uu xasan Guure Sheegay Haay’adihii Kaliga ahaa ee Dhiiri Galinayay Dumuq-raadiyada in dhamaantood ay adhaxda ka jabeen,waxaana uu soo qaatay Xisbiyadii qaranka iyo Garsoorkii Dalka oo ka dayriyay.
Xsan Guure Jaamac Guddoomiyaha Madasha wadatashigu waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay
Magaalad hargaysa waxaana uu yidhi”
“Anag(Madasha wadatashiga)nagumay cusbayn in Golaha baarlamaanku isku iman waayo iyo in Khilaafku daba dheeraado.markii madasha aanu iskugu nimid waxaa noo muuqanayay inay tani dhici doonto, sababta ay u dhacaysaana waxa weeye Madaxweynaha oo raba inuu dib u dhigo wakhtigii doorashooyinka,u jeedada iyo saldhiga khilaafkuna waa kaas.
“Waa Dawladda oo doonaysa in 5-ta sano markay dhamaadaan ay sii fadhido oo ay dhaqan inoo noqotay in Ninku mudadaas oo dhan iska fadhiyo oo wakhtigiisa ku dhamaysto oo wax alle wax hawl ah oo uu qabtay aanay jirin waliba hawl gabkiisii loogu abaal gudo in wakhti kale la siiyo, taasi ayaa dhaqan inoo noqotay, Rayaale ayaa korodhsaday, Siilaanyo-na tiibuu rabaa inuu korodhsado” ayuu yidhi Xasan Guure.
Mujaahid Xasan Guure oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxa kaliya ee doorashada dib loogu riixi karaa waxa weeye in Wakhtigii dib loo riixo, Komishankii hore oo la bedelay,kii Cusbaa oo aan la ansixin,labada qodob ee Shirkan Wakiilada inuu iskugu yimaado ugu weynaa waxay ahaayeen Komishankii oo la ansixiyo iyo Xeerkii Diwaangalinta oo laga daba tago. Labadaasi dib u dhigistoodu waxay keenaysaa wakhtigii oo dib loo riixo”
Xasan Guure waxa uu sheegay inay hadda muuqato in Hay’addihii siyaasiga ahaa ee dhiiri galinayay dimuqraadiyadu hawl gabeen sida Baarlamaanka, fulinta iyo Xisbiyadu. Waxa uu sheegay in haddii Xisbiyadu yihiin kuwo sidii loogu talo galay u shaqaynaya ay Goluhu isku iman lahaa oo si fiican u shaqayn lahaa.
Waxa uu sidoo kale iftiimiyay sababta Madaxweyne Siilaanyo Mudo kordhinta ugu xusul duuban yahay “waxa kale oo aynu Ogsoonahay sababta kale ee mudo kordhinta ku jirtaa waxa weeye dee Madaxweynaha Caafimaadkiisa waad kawada dheregsan tihiin oo idinkaaba(Warbaahinta) kaga sheekeeyay oo qaar baaba ku xidhmay markii hore ee la sheegay.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Daawo:Cali Guray oo madax-weyne siilanyo ku tilmaamay qalin wax lagu saxeexo, oo u baahan gargaar

0
0

Hawraarta HALBEEG: Muwaadinka Reer Somaliland Ha Is Diiwangelin, Diiwangelintani Waa Mashruuc Loogu Weel Tollayo Muddo Kordhin Siilaanyo Xaaran Dalka Ku Sii Haysto

0
0

Axmed Siilaanyo Oo Aad Shacabyahow Doorateen 2010 kii waxaad ka haysaan dhaxal ah Eex, Qabiilaysi Iyo BoobSallaasa 28 October 2014 Hargeysa (HALBEEG)– Muwaadin Afartii sannadood ee Siilaanyo tallada dalkeena hayey waxaa qarrankii ku dhacay dhaxal wareeg, waxaana ina soo maray taariikhda waxaan horeeto iyo dabadeetaba aan inoo soo mari doonin, Eexda, qabiilaysiga, kala qaybinta, kala talisnimada, macangagnimada, boobka, dhaca, qaraabo kiilka, iyo burburka ku yimid hamigeenii qaranimo maaha mid aynu si dhayal ah uga kaban karo.
umadnimadeenii bilaabantay 1991 kii, ee akhristow inagu qaadatay in wixii aynu xoog, xoolo iyo xiniinyo haynay aynu dul dhignay Siilaanyo iyo casaabadiisu waxay ka dhigeen in ummaddii kala takooranto, qarrankii kala irdhoobo, akhristow waxaa tusaale kugu filan da’yartii, ubaxii, laf dhabartii iyo dhalintii dalku lahaa waxay uga soo haajireen qarrankii masiibadda ku habsatay, halka boqolaal lagu soo xulay qabiilaysi, danaysi iyo kooxaysi laga soo waariday Europe iyo Amerika lagu taxay xilalkii iyo shaqooyinkii qarranku lahaa.
Akhristow ha rumaysan weedhahani, bal isku day inaad aroor u kalahaad tagto hoteladda waaweyn ee Hargeysa, waxaa buux dhaafiyey qaad qamaxii qaaradda yurub hore asaagooda uga quustay, waa rag iyo dumar lagu soo xulay qaab qabiilaysi ah, waxaana ay degenyahiin hoteladda caasimadda Hargeysa, kharashaadka ku baxa waxaa laga bixiya xarunta madaxtooyada iyo wasaaradda maaliyadda, waxaana dhammaantood loo yaqaan “Xil sugayaal”, waxaa intaa u dheer mushahar kor u dhaafa $2000 ee dollar oo mid kasta oo ka mid ahi uu bil kasta u mushahar tago.
Magaalada London ugu yaraan waxaa xawaaladaha mushahar loogu soo diraa tiro kor u dhaaftay 400 oo qof, oo dhammaantood mushaharkaasi lagu siiyo eexasho iyo qabiilaysi, halka shaqaalahii iyo hawl wadeenadii qarranku lahaa bakhtigu uu xallaasha u yahay, iskaba dhaaf kuwii ku dhashay kuna dheefay ee islahaa maalin uun aad cadkeeda wax ka cuntid oo habeen iyo maalin sida biyaha qul qulka dalka uga haajiraya.Wasiiradda Iyo Mortage Ka Europe Iyo America.
Haddaad akhristow hore u maqli jirtay wasiiro hore uga tirsana xukuumadahii dalka soo maray oo xatooyo sameeyey, hanti lunsigoodu muu dhaafsiisnayn Somaliland xayndaabkeeda, haddii ay ugu yartahayna duul duulka hanti boobkaasi  waa lala boobi jiray, balse maanta waxaa dilaacay halhays Europe iyo maraykan looga bixiyey “moorgayjka fudud”.
Wasiiradda haysta baasabooradda European iyo Waqooyiga Amerika ma jirto mid aan guri ama shan ka iibsanin meelahay ka yimaadeen, akhristow waxaa tusaale cad kugu filan wasiiradda duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo gurigii seddexaad ka iibsaday magaalada Birmingham ee gobolka Westmidland ee dalka ingiriiska oo hore uu u degena, waxaa raaca wasiirka Tamarta iyo shiidaalka Xuseen Cabdi Ducaale oo gurigii afraad ka iibsaday gobolka California ee dalka maraykanka.
Afkaba ha soo marin qoyska Siilaanyo ku abtirsada oo iyaga guryahoodu ay tiro beeleen, magaalada Sharjah, magaalada Dubai, magaalada London, magaalada Nairobi iyo xita magaalada Seattle ee dalka maraykanka Aamina Weris, labadeeda hablood iyo madaxweyne Siilaanyo guryahoodu way tiro dhaafiyeen.Mashruuca Diiwangelinta Tab Iyo Xeelad Muddo Kordhin Ah Oo Siilaanyo Iyo Casaabadisu Maleegayaan.
Ilaahay hortii haddii aad muwaadin is diiwan geliso waxaad ogaata inaad raali ka noqotay in boobka, dhaca, xatooyadda, hanti lunsiga, eexda iyo qabiilaysiga Rijiimka Siilaanyo dalkii iyo dadkiiba ku irdheeyey aad raali ka tahay, haddii aad inuun Muwaadin doonayso inaad dalkaaga ka badbaadiso yeyda, eyda iyo dhurwaaga kala goostay Waxaa Hawraartu ilaahay hortii muwaadin kaa codsanaya kugu dhaarinaysa inaanad ka yeelin Siilaanyo diiwangelin xaaran ah oo ujeedadeedu tahay muddo kordhin.
Sida keliya ee aad muwaadin dalkeena aynu ku badbaadinayna waa inaynu yeelo wixii ay yeeleen qayrkeen reer Hongkong oo ka diiday kuwii u talinaayey in waxaanay shacabka jasiiraddaasi ka raali ahayn, muwaadin Siilaanyo waa kansar qaranimadeena iyo ummadnimadeena ku fidaya, waxaa hawraartu idinka codsanaya inaynu kansarka iska fujino, kana saaro dalkeena Siilaanyo iyo casaasabadda ku wareegsan, sida keliya ee aynu uga takhalusi karnaana waa inagoo u cidlayna goobaha xaaranta ah ee diiwangelinta lagu sheegay.Halbeegnews, Hargeysacontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Somaliland iyo Dawladda Emirateka Ka Codsaday In Dib Loogu Dhigo Shirkii Somaliland iyo Soomaaliya Oo Qorshahu Hore U Ahaa Inuu Arbacada Dubai Ka Furmo

0
0

Sallaasa 28 October 2014 Muqdisho (HALBEEG)– Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shallay isniintii wuxuu waraaq codsi ah u gudbiyey dawladda Emirateka Carabta iyo Somaliland labadaba, isagoo ka codsaday in dib loogu dhigo shir u qorshaysna inuu maalinimada arbacada ee usbuucani uu kulan kula yeesho magaalada Dubai madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.
Wararka HALBEEG ka soo xiganayso safaaradda Soomaaliya ee magaalada Abu-dhabi, ayaa noo xaqiijiyey in shirkaasi uu dib ugu dhacay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay la soo daristay caqabad ku saabsan khilaafka soo dhex gallay isaga iyo ra’isal wasaarahiisa Cabdiweli Sheekh Axmed “Madaxweyne Xasan ayaa codsigani isla maanta u gudbiyey dawladda Emirateka iyo Somalilandba, marka arrimo caqabado ah oo jira awgeed ayuu madaxweynahu xilligani ugu soo ambabaxi kari waayey Dubai” ayuu noo sheegay masuul ka tirsan Qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Dubai.
Warar kale oo soo baxaya ayaa tibaaxaya in wefdi wasiiro ah oo ka kala tirsdan Somaliland iyo Soomaaliya ay si qarsoodi ah usbuucani ugu kulmi doonaan magaalada Dubai, wararka aanu hellaynaana waxay tibaaxayaan in arrimaha laga wada hadlayo ay tahay sidii dawladda Soomaaliya aanay u carqaladayn lahayn shariikadaha shiidaalka ka sahaminaya SomalilandHalbeegnews, Muqdishocontact@halbeegnews.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

UN- Oo warbixin Ka Bixiyey Sarkaalka Wasaarada Duulista U Qaabilsan Soo Dhowaynta Wufuuda Dalka Imanaya

0
0

Wasiirka Duulista Hawada ayay guul tahay in Qaramada-midoobay ka amaan-sheeqato madaxda wasaaradiisa iyo Madaarka Igalba
Xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan ammaanka ee loo soo qaabiyo UNITED NATIONS DEPARTMENT OF SAFETY AND SECURITY {UNDSS},
Ayaa ku amaanay Chief Of Protocol Officer-ka Madaarka Igal International Airport, Abdillaahi Axmed Caarshe, sida wanaagsan ee uu ula shaqeeyo, hay’adaha qaramada-midoobey iyo weftiyada dalka Somaliland ku yimaada booqasha.
Waxay kale oo ku amaaneenin sarkaalkan shaqo wanaag iyo daacidnimo, iyaga oo qoraalkan ku sheegay in uu si wanaagsan ula shaqeeyo UN iyo international Humanitarian Community.
Waxay ku tilmaameen Cabdillaahi Axmed Caarshe iyo shaqaalaha waaxdiisa in ay yihiin dad shaqada ku ah Professional, markasta oo ay wax ka codsadaana si wanaagsan kula shaqeeya, qoraalkan mahadnaqa ah waxaa lagu socodsiiyey Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.
Arrintan ayaa muujinaya sida Madaarka Caalamiga ah ee Igal International Airport, tayadiisa iyo maamulkiisaba kor loogu qaaday ayna ka mahad sheeqanayaa wufuuda dalka imanaya iyo hay’adaha caalamiga ah.
Waxayna guul u tahay qoraalkan lagu amaanay sarkaalkan Wasiirka Duulista oo dhalinyaro aqoon shaqo leh ka hawl geliyey madaarada Somaliland, iyada oo wax badan laga qabtay dhinac kasta marka la eego sidii ay ahaan jireen madaarada Somaliland.
(function(d, s, id) {
var js, fjs = d.getElementsByTagName(s)[0];
if (d.getElementById(id)) return;
js = d.createElement(s); js.id = id;
js.src = "//connect.facebook.net/en_US/all.js#xfbml=1";
fjs.parentNode.insertBefore(js, fjs);
}(document, "script", "facebook-jssdk"));
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xassan sheekh oo xilka ka qaaday 21 Garsoore (Akhriso Digreeto)

0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Degreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Xassan sheekh maxamuud ayaa waxaa xilka looga xayuubiyay 21 Garsoore ka tirsanaa Maxkamada.
Garsoorayaasha xilka laga qaaday ayaa waxa ay u kala qeybsamaan laba qeyb, qeyb waxa ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, halka qaarna ay ka howlgalayeen Gobolada dalka.
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka oo Muqdisho soo gaaray

0
0

Muqdisho (Caasimada Online)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-moon, iyo Madaxweynaha Kooxda Bangiga Adduunka, Jim Yong Kim, ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay taageero ugu ballanqaadaan kalaguurka Soomaaliya iyo dadaalka loogu jiro xoojinta amniga iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika dhammaantiisa.
Booqashada wadajirka ah ee heerka sare ayaa imanaysa waqti muhim u ah Soomaaliya oo hadda guulo la taaban karo ee xagga amniga ah ka gaaraya dagaalka ka dhanka ah fallaagada Al-Shabaab, horeyna u sii wada dibuhabayn siyaasadeed oo lagama maarmaan ah oo ujeeddadeedu tahay in doorashooyin qaran la qabto sannadka 2016. Wafdigu waxaa sidoo kale ka mid ah Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka, Axmed Maxamed Cali, iyo wakiillo sarsare ee ka socda Bangiga Horumarinta Afrika, Midowga Afrika, iyo Midowga Yurub.
“Qaramada Midoobay, Bangiga Kooxda Adduunka iyo weliba bulshada caalamka guud ahaan waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan. Soomaaliya waxay ku taagantahay waddada saxda ah, anigana waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda hortaagan. Waxaan halkan u joognaa inaan u sheegno Soomaalida inaysan keligood ahayn iyo inaan laballaabi doono dadaalka aan ugu jirno inaan ku kaalmayno si ay u ilaaliyaan guulaha la gaaray sannadihii dhowaa,” ayuu yiri Ban Ki-moon.
Soomaaliya waxaa horyaalla caqabado xagga siyaasadda, amniga, horumarka iyo gargaarka baniaadanimo oo ka dhashay labaatankii sanno ee uu dalku colaadda ku jiray, laakiin waxaa dhiiragelin leh guulaha dhowaan la gaaray, oo ka midyihiin sameynta maamul-goboleedyada iyadoo si dhow loola kaashanayo Dowladda Federaalka. In la dhiso Soomaaliya oo xasilloon waxay xaqiijin doontaa amni ballaaran iyo dhaqaale barwaaqo ah oo ka hirgala Geeska Afrika gebi ahaantiisaba.
Waxaa loo bahanyahay in qaybaha bulshada Soomaaliya ee ugu nuqul ee aan xuquuqdood la siinin, oo ay ka midyihiin barakacayaasha, kuwa dib u soo noqday, haween iyo dhallinyarada, laga qaybgeliyo hanaanka nabadaynta iyo dowlada-dhisidda. Waxaa muhim ah in la helo midnimo siyaasadeed oo joogta ah si ay Soomaaliya u gaarto yoolka ay hiigsanayso oo ah isbedel siyaasadeed.
“Kalaguurka Soomaaliya waa fursad aan lahayn wax loo dhigo oo ay dalka iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrikaba sare ugu qaadaan hab nololeedka dadka iyagoo ka qaybgelinaya hawlaha wax soo saarka dhaqaalaha,” ayuu yiri Kim. “Xasillooni siyaasadeed iyo amni dadweynaha waxay shuruudo muhim ah u yihiin yareynta saboolnimada xad dhaafka ah iyo kordhinta barwaaqo ay wadaagaan dadka Soomaaliyeed.”
Qaramada Midoobay iyo Bangiga Adduunka, iyagoo la kaashanaya saaxiibada kale ee hawsha la wadaaga, waxaa ka go’an inay dardargeliyaan barnaamijyada ay ka wadaan dalka gudihiisa si ay u taageeraan ujeeddooyinka siyaasadeed, amni iyo kuwa horumarineed ee Soomaaliya, sida ku qeexan Heshiiska “Hiigsiga Cusub” ee lagu heshiiyay sannadkii hore. Geeddi-socodka nabadaynta iyo sare u qaadidda kaalmada caalamiga waxay u baahnaan doonaan dadaal loo wada dhanyahay oo hufan oo ay bixiyaan dadkoo idil.
Dowladda iyo saaxiibadeeda waxay sidoo kale u baahanyihiin inay xal waara u helaan abaaraha iyo macluusha soo noqnoqonaya, kuwaasoo dadka badidooda ka dhigay ku sabool ah oo dhibaatada u nugul. Waa in mudnaanta kowaad la siiyaa in dadka saboolka ah iyo kuwa aan helin xuquuqdooda ay helaan fursadaha dhaqaalaha. Isagoo ka hadlaya xaaladdan, Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale ugu baaqay saaxiibada caalamka ee hawsha la wadaaga inay gacan ka geystaan sidii loo buuxin lahaa lacagta ka dhiman kaalmada lagu bixiyo gargaarka baniaadanimo ee Soomaaliya. In ka badan 3 milyan oo dad ah ee dalka jooga ayaa kaalmo u baahan, iyadoo la bixiyay kelya boqolkiiba 34 (34%) oo ka mid ah baaqii gargaarka baniaadanimo ee la jeediyay sannadka 2014.
Wefdiga heerka sare wuxuu la kulmi doonaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si looga dodo kalaguurka dalka iyo muhimadda weyn ee uu u leeyahay amniga dadka iyo mustaqbalka dhaqaalaha gobolka. Waxay kaloo la kulmi doonaan Ra’iisal Wasaarah, Cabdiweli Sheekh Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Usmaan Jawaari, iyo mas’uuliyiin sarsare ee ka tirsan Dowladda iyo wakiillo ka socda bushada rayidka Soomaaliya.
Socdaalkan waa kii labaad ee uu Xoghayaha Guud ku tago Soomaaliya – wuxuu horey u booqday dalka sannadkii 2011 – waana booqashadii ugu horeysay ee Madaxweynaha Bangiga Adduunka uu dalka ku tago. Bangiga ayaa kordhiyay hawlaha uu ka wado iyo xiriirka uu la leeyahay Soomaaliya sannadahan dambe, taasoo muujinaysa in dalka uu ka socdo isbedel ka dib colaad dheer oo qaadatay hal jiil.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Khilaafka Xassan iyo C/weli oo saameeyay wada-hadalka DF & Somaliland

0
0

Hargeysa (Caasimada Online)-Xiisada siyaasadeedka ka dhex aloolsan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxa uu saameyn ba’an ku yeeshay Rajadii laga qabay wada-xaajoodka DF iyo Maamulka Somaliland ee asbuucaani lagu waday inuu ka dhaco Dalka isutaga Imaaraadka carabta.
Wada-hadalka oo lagu waday in gudaha todobaadkaani ka furmo Magaalada Dubai, ayaa waxaa la shaaciyay inuu ku imaaday dib u dhac kadib markii uu saameyn ku yeeshay Khilaafka Labada Mas’uul.
Warar hoose ayaa sheegaya in Ergo uu kamid yahay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”lagu waday in maanta ay gaaraan Magaalada Dubia si ay uga qeyb galaan Shirka lagu ambaqaadayo wada-hadalka DF Somalia iyo Maamulka Somaliland hayeeshe ay baaqden kadib markii uu hakat ku imaaday shirka.
Baaqashada shirkaani ayaa waxa uu imaanayaa, iyadoo uu sii laba jibaarmay Khilaafka Madaxweyne Xassan iyo Ra’isulwasaare C/weli taasi oo ah sababta hakisay Shirka.
Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa Tiro Dhawr jeer ah yeeshay Wadahadalo,inkastoo aysan ka soo bixin Natiijooyin wanaagsan,marka laga reebo in wadahadaladu ay sii socdaan.Caasimada OnlineXafiiska HargeysaCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xog: Maxaa kasoo baxay kulan Kay uu la yeeshay R/W Cabdi Weli iyo Faarax

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka Qaramada Midoobey ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay, ayaa la sheegay inuu kullan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaare Cabdi Weli iyo Faarax C/qaadir.
Wararku waxa ay sheegayaan in Nicholas Kay oo kulamo gaar gaar ahaa la qaatay Labadaasi mas’uul, balse uu ku guul darreystay in mid waliba uu ka dhaadhacsiiyo in xalinta Khilaafka u dhexeeya Xasan iyo C/Weli uu ku xiran yahay inay heshiiyaan labadooda.
Kulanka uu Nicholas Kay la qaatay C/Weli iyo Faarax ayaa noqday mid aan miro dhal laheyn kadib markii Ra’isul wasaare C/Weli ku adkeystay in xilli walba uu cuskan doono dastuurka, islamarkaana uusan wax iska badeli doonin go’aankiisa isku shaandheynta, halka Faarax C/Qaadir uu isna ka biyo diiday inuu tanaasulo.
ntaa kadib ayaa waxaa la sheegayaa in Nicholas Kay uu qaatay go’aan islamarkaana uu labada mas’uul ku wargaliyay inuu ficilladooda ay keeni karaan in caalamka taageerada kala laabto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Kay ayaa ku goodiyay in Beesha caalamka uu u gudbinaayo xaqiiqda dhabta ah ee ka taagan Villa Somalia iyo in dalka uu ka xasili la’ yahay Xasan, Cabdi Weli iyo Faarax.
Xogta qaar ayaa sheegeysa in Nicholas Kay uu Ra’isul wasaare C/Weli iyo Faarax C/Qaadir ugu baaqay inay iska casilaan xilka ka hor inta aan laga soo saarin amar adag, balse wararkaas lama xaqiijin karo.
Lama oga sida uu xaalku noqon doono, waxa uuna khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli xiligaani jahwareer ku riday Nicholas Kay iyo xubno ka tirsan QM oo qeyb ka ah shaqsiyaadka ku guda jira xalinta khilaafka.Caasimada OnlineXafiiska NairobiCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xasan Sheekh oo taageerada BEELAHA Hawiye ku lumiyey shan sabab dartood

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Khilaafka Xasan Sheekh iyo Cabdi Weli, ayey u badan tahay inuu gaaro baarlamanka, halkaasna lagu kala saaro labada dhinac, maadaama ay sheekadu noqotay mindi mindi ku taag.
Mar haddii sheekadi sidaas noqoto, waxa aa lagu xisaabtami doonaan codadka xildhibaanada, waxaana qeyb weyn ka ah codadka xildhibaanada kasoo kala jeeda labada beelood ee labada nin ee Hawiye iyo Daaroood.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu taageero weyn ka heystaa beesha uu ka dhashay ee Daarood gaar ahaan Mareexaan, Ogaden, Dhulbahante iyo Majeerteen, hase yeeshee Madaxweyne Xasan wuxuu kalsooni ka heystaa xulufadiisa Damujadiid.
Madaxweyne Xasan Xasan Sheekh wuxuu lumiyay kalsoonida beesha uu ka dhashay ee Hawiye,  kadib markii uu ansixiyay qodobo ay Xeeldheerayaasha Hawiye ku tilmaameen ducfi iyo doqonimo.
Waxyaabaha uu Xasan Sheekh ku waayay taageerada beeshiisa waxaa ugu weyn:-
1- Heshiiskii lagu saxiixay Addis Ababa ee goboladda Jubooyinka loogu saxiixay Axmed Madoobe taas oo ka dhigan inuu xaqiray awood qeybsiga beesha Hawiye ee goboladaas.
2- Heshiiskii uu saxiixay ee gobolka Shabeeladda Hoose loogu xalaaleeyay Maamul ka dhisan Baydhabo , taas oo beelweynta Hawiye la yaab ku noqotay.
3- Heshiiskii uu taageeray ee Ra’iisul Wasaare Cabdiwali la saxiixday Puntland, kaas oo dhigaya inaysan Waqooyiga Mudug ka mid noqon doonin maamulka gobolada dhexe.
4- Madaxweynaha oo aqbalay in dhaqaalaha gobolka Banaadir loo siiyo mushaar shaqaalaha Dowladda ee kasoo shaqo tagay gobollada kale ee dalka, iyadoo dhinaca kalena uu aqbalay in Xabsiga loo taxaabo dhamaan Siyaasiyiinta beesha Hawiye, ganacsatada iyo Wariyeyaasha madaxabanaan.
5- Madaxweynaha oo qeybaha beelweynta Hawiye ka diiday inuu ka laabto ololahii xilka tuurista Ra’iisul Wasaare Saacid , maadama ay guriga Ra’iisul Wasaaraha hooyo ka tahay Caasha Xaaji Cilmi oo la ogyahay miisaanka ay beesha Hawiye iyo Soomaalida ku dhex leedahay.
Si kastaba ha ahaatee, Waxaa Muqdisho looga shaahayaa “TOLKAADA WAA FAARAX”Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Xog: C/Weli iyo xildhibaanada Daarood oo isla meel dhiggay saddex QORSHE

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed, ayaa waxa uu kulamo aan caadi aheyn xafiiskiisa kula qaatay Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta kasoo Jeeda Beesha Daarood.
Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska ayaa Caasimada Onlineu sheegay in Kacdoonka Siyaasadeed ee u dhexeeya Xasan iyo C/Weli ay qeyb ka noqdeen Xildhibaanada, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha Daarood, oo doonaya in Cabdi Weli aan looga adkaan codka baarlamanka.
Taasi waxaa sii dheer, in xildhibaanada beelaha Daarooday ayagana si gaar ah u wadaan mooshin ka dhan ah Xasan Sheekh oo lagu jebinayo midka ay wadaan kooxdiisa.
Sida wararku sheegayaan, kullankii Cabdi Weli iyo xildhibaanada beelaha Daarood, ayaa sidoo kale looga hadlay, sidii loo soo xero gelin lahaa xildhibaanno beeshaas ka tirsan oo taageersan madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan badneyn.
Dhanka kale, warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Weli Gaas uu Siyaasad iyo dhaqaale ahaan ka qeyb qaadanaayo Mooshinada looga soo horjeedo Xasan Sheekh.Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Cakaaro Action GROUP iyo Faroole oo la hadlay C/WELI, una yaboohay lacag

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Guddoomiyaha Cakaaro Action Group Cabdulaahi Salaad Dude iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxa ay khadka Taleefoonka kula hadleen Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Wali Sheekh Axmed.
Ururka Cakaaro Action Group, ayaa ka mid ah ururada qabiileysan ee kasoo horjeeda ama dagaalka siyaasadeed kula jira beelaha Hawiye.
Gudoomiyaha CAG iyo Faroole waxa ay u balan qaadeen lacag gaareysa hal milyan iyo sadex boqol oo kun ayna u soo shubi doonaan ayaamaha soo socda, si uu ugu laaluusho xildhibaanada.
Sida ay xog cusub sheegeyso, Faroole ayaa aad u soo dhaweeyey dagaalka Ra’iisul Wasaaraha uu kula jiro Madaxweynaha Soomaaliya, halka Gudoomiye Cabdulaahi Salaad uu halkaas uga balan qaaday in taalo uu garoowe ururkiisa ugu dhisi doonaan hadii uu dhaqan galiyo heshiiskii ay Garoowe kula soo galeen Puntland, oo laga cabsi qabo inuu burburo, haddii Cabdi Weli xilka laga qaado.
Cabdi Wali ayaa aad uga cawday siyaasiin beesha Daarood ah oo ugu horeeyo wasiirka maaliyada Xuseen Cabdi Xalane iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosha Jabriil, oo labadooda uu ku tilmaamay niman kasoo horjeeda hadafka beesha Daarood, waxa uuna si khaas ah uga codsaday in laga shaqeeyo sidii loosoo dabi lahaa ragaas iyo kuwo kale oo aan la magacaabin, oo la safan madaxweynaha.
Faroole ayaa waxa uu ku booriyey gudoomiyaha ururka Cakaaro Action Group (CAG) Cabdullaahi Salaad Dude inuu soo xero galiyo Xildhibaan Xoosh oo ay iski beel kasoo wada jeedaan, halka Faroole uu balan qaaday in meeshuu doono ha u maree uu soo xero galin doono Wasiir Xalane.
Cabdulaahi Salaad ayaa xilal badan kasoo qabtay dowladdii kali-taliska ahayd ee Afweyne waxaana kamid ahaa jagooyinkaas Duqii Muqdisho.
Gudoomiye Cabdullaahi Salaad Dude ayaa waxa uu soo abaabulay Mudaharaad Madaxweyne Xasan looga soo Horjeeday oo Ohio ka dhacay Bishii Sabteembar 2013W/Q: Xusseen Wehliye Elmi (Xusneey)
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Dhageyso: Puntland oo iska fogeysay R/W Cabdi Weli kadib xogtii la faafiyey

0
0

Garoowe  (Caasimada Online) –  Maamulka Puntland ayaa iska fogeeyey wararka la xiriirinaya inay la safan yihiin ra’iisul wasaare Cabdi Weli, marka ay timaado khilaafka u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh.
Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysay in Puntland iyo Cabdi Weli ay heshiis ku gaareen in xilka uu ka qaado Faarax C/qaadir, si qorshayaal ay lee yihiin loo fuliyo.
Sidoo kale waxaa dorraad Puntland ka dhacay dibad bax lagu taageerayo Cabdi Weli.
Si kastaba, Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Eng C/xakiin C/laahi Cumar Camey, ayaa sheegay in dowladda Puntland ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya madaxda Federaalka ayna jeceshahay in khilaafkaa uu ku dhamaado si dastuuri ah.
Eng Camey ayaa xusay in madaxda Puntland aysan labada garab dhinacna la safanayn oo ay u siman yihiin madaxda Dowladda federaalka.
“Kalama jeclin Cabdi Weli iyo Xasan, waxaan dooneynaa kaliya in xal la gaaro” ayuu yiri Camey.
Xalinta Khilaafka u dhaxeeya madaxda Federaalka ayaa horay Puntland u sheegtay in ay ka qayb qaadanayso markale ayuuna ku celiyey Madaxweyne Ku xigeenka Puntland in Puntland diyaar u tahay xalinta khilaafkan oo dan u ahayn sida uu sheegay umada Soomaaliya oo haysa wadada 2016 ee Doorasho xor ah.Halkan ka dhageyso Camey
http://caasimadda.com/wp-content/uploads/2014/10/camey1.mp3Caasimada OnlineXafiiska MuqdishoCaasimada@live.com
Weblinks: 

Web link Exchange

Websites Friends
SONNA http://sonna.net
HALGANKA http://halganka.net
SOMALI-NEWS http://somali-news.com
GAMESINDEX http://gamesindex.co.uk
BINH http://binh.biz
SOMALIINDEX http://somaliindex.co.uk
Qurandownload http://qurandownload.org
AZVOX http://azvox.net
AZVOX http://azvox.com
Webdesigncompany24 http://Webdesigncompany24.com
Webdesign36 http://Webdesign36.com
Webdesiger-nin http://webdesigner-in.co.ukhttp://binh.bizhttp://clouda.co.ukhttp://cmscasts.comhttp://coloindex.nethttp://drupaltraining.bizhttp://games-trailers.co.ukhttp://gamesindex.co.ukhttp://halganka.comhttp://holiday-to.euhttp://holidays-to.comhttp://homesgb.co.ukhttp://internfinder.co.ukhttp://jobslog.co.ukhttp://newsindex.co.ukhttp://quraan.euhttp://qurandownload.orghttp://resor.co.ukhttp://serverburst.co.ukhttp://serverburst.nethttp://shopislam.orghttp://somali-music.nethttp://somali-news.comhttp://somaliindex.co.ukhttp://somaliindex.comhttp://somaliindex.nethttp://somaliindex.co.uk

Lacagtiilagu ridi lahaa R/W Cabdi Weli oo gaartay Muqdisho (Xagee ka timid?)

0
0

Muqdisho (Caasimada Online) - Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh, oo codsaday inaan la magacaabin, ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha iyo kooxdiisa ay haystaan lacag ku filan, oo ay ku ridi karaan Cabdi Weli Sheekh Axmed.
Waxa ay ilo-wareedyadan sheegayaan in lacagtaas ay dowladda Sacuudiga ugu deeqday madaxweynaha, intii uu dalkaas joogo waqtigii xajka.
Ilo-wareedka ayaa sheegaya in lacagta ay dhan tahay 20-milyan oo dollar, inkasta oo dhammaanteed lacagtaas aan loo adeegsan doonin riditaanka Cabdi Weli.
Lacagta oo madaxweynaha loo yaboohay waqtigii uu joogay Sacuudiga, ayaa waxaa dhowaan soo qaaday nin lagu magacaabo Fahad Yaasiin, oo ka mid ah xubnaha sare ee Damu-Jadiid, ahaana ninkii dowladda Qadar kasoo qaaday lacagtii lagu doortay Xasan Sheekh.
Fahad Yaasiin, waxa uu ahaan jiray wakiilka TV-ga Aljazeera ee Muqdisho.
Sidoo kale, Ilo-wareedka ayaa sheegaya in lacagtaani ay magaalada Muqdisho gaartay taariikhda marka ay aheyd 27-ka october, iyadoona Ujeedkeeda lagu sheegay in lagu howl galinaayo Xildhibaanada wada mowshinka ka dhanka ah Cabdi Weli.
Dhanka kale, waxaa habeenimadii xalay kullan aan caadi aheyn ka dhacay Villa Somalia kaasi oo u dhexeeyay Culimada iyo Saraakiisha Dam-Jadiid, oo dadaallo xoogan wada, si loo rido Cabdi Weli.Caasimada OnlineXafiiska NairobiCaasimada@live.com